-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa kulan la qaatay safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Ben Fender oo uu weheliyo madaxa Xafiiska UK ee Somaliland Mr Stuwart Brown. Madaxda xisbiga WADDANI iyo Danjireyaasha Ingiriiska ayaa ka wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee Somalilang gaar ahaana xaaladdii Degdegga ahayd ee meelo ka mid ah Sanaag iyo xadhigga soo noqnoqday ee masuuliyiinta xisbiga, xildhibaannada iyo saxaafadda. Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa kulanka ku wehelinayay guddoomiyaha ku meel gaadhka ah Xil Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali X . Xasan, xoghayaha guud Khadar Xuseen, xoghaye ku xigeenka Jamaal Jaamac iyo xoghayaha gaarka ah ee guddoomiyaha Cabdiqaadir Iidle Waaxda War Faafinta ee xisbiga WADDANI Hargysa.Somaliland Source
-
(SLT-Hargaysa)Qoysas danyar oo ku nool xaafad ka mid ah Hargeysa ayaa sheegay in nin madaxweynaha Somaliland ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Cumar Biixi Cabdi iyo wiil uu abti u yahay ay ku haystaan dhulka ay deggan yihiin. Madaxweynaha Somaliland ayay ka codsadeen in uu ka qabto xubnahan ka tirsan qoyskiisa oo ay ku eedeeyeen in ay dulminayaan. Ninka ay walaalaha yihiin madaxweynaha ayay sheegeen in uu Qurbaha uga yimi si uu dhulkooda u qaato. Dhinaca la eedeeyay ilaa hadda kama jawaabin. Dhawaan ayuunbay ahayd markii buuq ilaa hadda taagani ka dhashay dhul Madaxweynuhu Sheegay in Madaxtooyo cusub laga dhisaayo taas oo Haween maato ah tacadi badan loogu gaystay. Source
-
When I worked in Somalia from 2016 to 2018 supporting provision of military assistance to forces combating al-Shabaab, most discussions with international partners acknowledged that our efforts could not ultimately defeat the jihadist group. As part of the plan for transitioning security Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda waxbarashada dawladda Soomaaliya ayaa joojisay gabi ahaan imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare. Wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo ka soo muuqday warbaahinta dowlada ayaa ku dhawaaqay in imtixaanka la joojiyay. Wasiirka ayaa sheegay in la arkay imtixaankii lagu kala gadanayo suuqyada islamarkaasina ardaydu ay sii heeystaan qishka maadooyinka ay galayaan. 27-ka bishaan ayuu iclaamiyay wasiirka in intixaanka dib loogali doono. Waxa uu sheegay in la xakameeyn doono imtixaanka islamarkaasinna inta uu imtixaanku socdo hawada laga saari doono Baraha ay bulshadu ku xariirto. Sabtidii la soo dhaafay ayeey u fadhiisteen in ka badan 30 kun oo arday ah imtixaanka shahaadiga dugsiga sare. Hoos ka daawo Muuqaalka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dowlada Soomaaliya oo joojisay imtixaankii dugsiyada sare ee dalka appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa caawa ku dhawaaqay in Wasaaraddu ay joojisay gebi ahaanba imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare dalka oo maalmahan ay Wasaaradda ka qaadaysay ardayda dugsiyada sare ee dalka. Wasiirka oo caawa Warbaahinta Qaranka kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in wixii hada ka dambeeya la joojiyay imtixaankii socday, isla markaana la baabi’iyay dhamaan maadooyinkii ay ardayda saddexda maalin ee la soo dhaafay galeen. Wasiir goodax ayaa xusay in laamaha ammaanku ay baaritaan ku sameyn doonaan dad la sheegay inay qish bixiyeen oo imtixaanka ku saabsan, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono. Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoosta ka xariiqay in timxaanka 27-ka bishan May dib loo qaadi doono. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa in ayaa joogiyay Imtixaankii Shaadiga ahaa, dugsiga sare kaas oo dib loo gali doono 27 ka bisha may 2019ka. GoobjoogNews ayaa heshay nuqulo ka mid ah Imtixaankii barri la gali lahaa, Imtixaankaan oo dadku ay isku dirayeen, gaar ahaan ardayda, taas oo loo sababeynayo inuu darteed wasiirku u is taajiyay . wasaaradda waxbarashada ayaa ku guul dareysatay iney joojiso qishka ay helaan ardayda sanadkaan iyo sanadadii hore. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Caawa ku dhawaaqay in la joojiyey Imtixaankiii Dugsiyada Sare oo ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya sida ay goor dhow qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. War kasoo baxay Wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay in imtixaanka uu markale dib u bilaaban doono 27-ka Bishan May balse inta ka sokeyso uu istaagayo xilli ardayda Dugsiyada Sare ay mudo Saddex Maalmood ah imtixaanka galayeen . Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa amray in la joojiyo Imtixaanka Berri ilaa xal looga helayo Qishkii baxay iyo sababtii keentay. In kastoo Wasiirka uusan soo bandhigin sababaha loo joojiyey Imtixaanka Dowladda ayaa hadana Saddexdii Cisho ee la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay qishka maadooyinka ay imtixaankiisa ardaydu gelayaan taas oo keentay in la hakiyo. Dad badan oo isugu jira Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano ayaa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada waxaa ay ku eedeynayeen inay mas’uul ka tahay in Imtixaanka habeen iyo Maalin Baraha Bulshada lagu faafiyo. Dhinaca waxaa jira sheegaya in CID looga yeeray Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanaadka ee dowladda Soomaaliya si wax looga waydiiyo arimahaan taagan ee ku saabsan Imtixaanka.
-
ALEXANDRIA, Va. (AP) — A northern Virginia man who served decades ago as a colonel in the Somali Army is facing accusations in a federal courtroom that he tortured and killed those perceived as enemies of the government. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeeya dhamays-tirka qorsha dayn cafita dalka oo meel gebo gebo ah maraya. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda ayaa guddoomiye looga dhigay guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada maaliyadda, Boostada, Kalluumaysiga, qorshaynta, dekadaha, wasiiru dowlaha maaliyadda iyo guddoomiyaha Bangiga dhexe. Guddiga ayaa labadii todobaadba mar waxa ay yeelanayaan kulan looga hadlayo meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka iyo dardar gelintiisa si ugu dambayn dalka daynta looga cafiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (AFP) - Somalia has for the first time used DNA evidence to obtain a criminal conviction, sentencing three men to death on Sunday for the gang-rape and murder of a 12-year-old girl, the Bureau of Forensic Science said. Source: Hiiraan Online
-
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka federalka ee Soomaaliya oo maanta ka aragti dhiibanayay xisaab xirka sanad miisaniyadeedkii 2017 oo wasaaradda maaliyadda ay soo gudbisay ayaa dalbadain misaaniyadda dib loogu celiyo wasaaradda oo ay soo faahfaahiso lacagaha baxay iyo halka lagu bixiyay. Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay inaan la heynin wax dhaqaala ah oo dalka soo galay oo lacag cadaan ah iyo wax dalka uu dhoofiyay, waxa uuna sheegay in wasaaradahu baarlamanaka ay ku tagri falaan. ” waxaa loo baahnaa marka hore catogores kii dhaqaale ee dalka dakhligii dibadda iyo midkii gudaha wixii naga soo galay, dadka qurbaha joogaha dhaqaalihii ama ceyraha ay qaataan daqliga dalka ayeey ka mid tahay waa External Ecome oo dalka soo galay lamana hayo,waxaan dhoofinay lama hayo ,lama hayo GDB gii lagu ogaan laha dhaqaalaha dalka, Decoment gan waa mid kala dhantaalan mana ahan Decoment gii Baarlaman la horkeeno waa xurmo darro Barlamanka loo halo annagu dad aan wax garaneyn maahin Barlamanku dad aqoon leh ayuu u badan yahay waana dhaqan aan ku arkay Wasaradaha midda Maaliyaddyadu ha ugu darnaato, waxaan codsanayaa inaan baarlamaan run ah aan moqono oo xisaabtamo oo waajibaadkeena aan ka baxno aan illaahey hortiisa iyo shacabka hortooda aan ugu dhaaranay ama inaan noqo Baarlaman Xildhibaan wasiir ah uu siduu rabo naga yeelo, intuu shaqadiisii ka soo bixiwaayay waliba uu faras cade uu saaran yahay mana ahay sida ay rabaan inay naga yeelaan. Sidoo kale Xildhibaan Zaynab Maxamed Caamir ayaa sheegtay in wasaaradda Maaliyadda ayna keenin jaawabo cusub ayna ku jawaabeen jawaabtii hore waxa ayna sheegtay in Xidhibaanadu ay wakiil ka yihiin dhaman shacabka Soomaaliyeed. ” Xildhibaano annagu shacabka Soomaaliyeed ayaan matalnaa, shacabkuna waxa ay sugayaan inay biilashooda qaataan haday askar yihiin haddii shaqaale ama Xildhibaan uu yahay, Xildhibaanadii nala midka ah mushaar ma qaadaneen guno ayeey qaadanayeen, Annagu waxaan ognahay dad maalin waliba qandaraasyo qaato oo maali kasto la siinayo 300.000$ ilaa 400.000$ oo la leeyahay Aqlo ayeey dhiisanayaan oo guryo qalabeestay oo wasaradda maaliyadu lacag siinayso. maxaa diiday in Xildhibaanka mushaar ku filan uu helo, maxaa diiday askartu inay helaan xuquuqdooda waa kuwa maalin waliba wadooyinka nagu qabsanaye, aaway agoontii ciidankii furumaha ku dhintay xuquuqdoodii, waxaan arkay Hooyo waayeel ah hal wiil ay dhashay uu qaranka u dhintay maxaa loo qabtay” dhanka kale Xidhibaan Aamina Maxamed Cabdi waxa ay sheegtay inay tahay wax laga xumaado ayadoo lamaraayo 2019 in laga hadlo xisaabxirkii 2017ka waxa ayna sheegtay in wasiirku uu si aan ha booneen uga jawaabay su,aalihii la waydiiyay. ” Misaaniyadda ku qorneyd arrimaha Emergency aheyd waxaa lagu sheegay labo milyon doller waxaana la isticmaalay afar milyon iyo in ka badan, waxaan ognahay in lacagahaan loo isticmaalo musiibooyinka iyo waxyabaha aadka u dhibka badan, gudahana faahfaahintooda kuma qorneyn marka laga reebo, warbixin guud oo aheyd waxaan u isticmaalnay 14kii Octobar, waxa uu ahaa qarax hal maalin dhacay oo dhib weyn naga soo gaaray, lakiin waxaa loo baahnaa faahfaahinta lacagta afarta miyon halka ay ku baxday in la cadeeyo 1 doller waliba meesha uu ku baxay ayaan u baahanay haddaan baarlamanka nahay” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somaliland: House of Representative Refuse To Remove Immunity From Dhakool & Criticizes Arrest The Somaliland House of Representative has refused to lift the parliamentary immunity from Representative Dhakool. The representative was arrested a few days ago by the administration of President Muse Bihi for uttering, allegedly, ‘seditious” remarks pertaining to the 18th May anniversary. The Marodi Jeh Regional court refused to hear the case against the representative and it’s Chief Justice, Qaw’dhan, ruled the arrest as illegal and unconstitutional, since the representative enjoyed parliamentary immunity. The Speaker of the House of Representative, Bashe Mohamed Farah, has called on the government to release the representative since the house has decided not to lift his parliamentary immunity. Representative Dhakool from Sool region is previously on record as stating that the 18th May anniversary is a national celebration, but recently declared that the date “belonged to Isaaq community, the Somali National Movement and not all communities were represented in Burao in 1991”. The representative is currently in remand at the CID Division in Hargeisa, where he has been incarcerated since his arrest. Qaran News
-
President Muse Bihi Receives UK Ambassador The Somaliland President Muse Bihi Abdi received today at the presidency in Hargeisa, the United Kingdom ambassador accredited to the neighboring country of Somalia, Mr. Ben Fender, OBE. Ambassador Fender was part of the recent EU delegation to Somaliland, but is now making his first maiden visit to Somaliland. The president and the ambassador discussed areas of mutual interest including UK development to Somaliland, the security situation in the region and the prospective parliamentary and local elections scheduled for December, 2019. The meeting was also attended by head of the UK office in Hargeisa, Stuart Brown and the Somaliland deputy-Foreign minister, Abdilkadir Omar Jama. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Mahad Warsame Abuu Cabdiraxaman oo loo Yaqaan (Mahad Karataay) ayaa soo duubay cod la dhageysan karo illaa 19 daqiiqo oo uu kaga hadlayo howlgaladii ugu dambeeyey oo ay Al-Shabaab ka fuliyeen Soomaaliya iyo Kenya iyo fariimo uu sheegay inuu dirayo dadka Muslmiinta ah. Mahad Karataay ayaa ugu horeyn ka hadlay weerarkii ay bilowgii sanadkaan Al-Shabaab ku qaadeen Gudaha dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay illaa 50 Ruux, sidoo kalana wuxuu kaga hadlay weerarkii lagu dilay Wadaadkii xirta ku lahaa Gaalkacyo. “Waxaa mudan In Allaah looga mahadceliyo camaliyaddii Barakeysneyd ee ka dhacday Nairobi laguna dilay tiro Saliibiyiinta iyo Yahuuda ah, Camaliyaddaas Barakeysan ee lagu difaacayayey Muqaddasaatka Islaamka ayaa ahayd mid ka mid ah malxamadaha Casrigan Taariikhda diiwaan galineysay. Waxaa iyaduna xusid mudan camaliyaddii barakeysneyd ee Mujaahidiintu ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo, taas oo lagu dilay Museylamihii Somalia ee Nabinimada sheegtay” ayuu yiri Mahad Karataay. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Mahad Karataay si kooban uga hadlay cadeymo uu sheegay inay banaanka soo dhigtay weerarkii Gaalkacyo ee muujinayey dabadhilifnimada uu sheegay inay wadaan maamullada ka jira, oo uu ku eedeeyey kuwa ku xiran xabashida Itoobiya iyo Mareykanka sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa hubaal ah in maamulka Somalia uu gabbaad hooy iyo difaacba siiyay Ninkii Nabinimada sheegtay, waxa uu usoo gurmaday Cidamadii Mareykanka hoos tageysay ee loo carbinayay la dagaalanka Al-Shabaab, wa murtadiinta iyo gaalada cidda ka tacsiyeysay ama cambaareysay difaacii nabigeena Muxamed salallaahu Caleyhi Wasalam” ayuu yiri. Xilli ay Al-Shabaab daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed ayuu Mahad Karataay kula dardaarmay inay Ciidamada Al-Shabaab iska ilaaliyaan dhigga Islaamka, wuxuuna soo qaatay dhawr aadayood, waxayna arrintaan kusoo aadeyso xilli culumo farabadan ay sheegeyn inay Al-Shabaab baneysteen Dhiigga dadka Muslimiinta ah oo ay ku xukumeyn Gaalnimo. “Qodobka 2aad maadaama Jihaadka iyo loolankan cadowga kula jirno ka aloosanyahay dadkeena Muslimiinta ah dhexdooda, waxaa nala ka doonayaa koow inaan ka taxadirno oo ka fogaano daadinta dhiiga qofka Muslimka ah si xaq daro ah, waxaa xaaraan naga ah inaan fudadeysano dhiiga Muslimiinta, waana inaan ogaanaa halista ay leedahay in la daadiyo dhiig Muslim oo Xaaraan ah” ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Ogaada dhiiga Muslimiinta oo si ula kac ah loo daadiyo waa dambi weyn oo dib u dhigaya inaan Cadowga ka guuleysano,waxaan aaminsannahay in dhiiga Muslimka ah iyo Maalkiisuba naga yahay xaaraan marnana aanan u qasdin inaan Xaq daro ku daadino”. Ugu dambeyntii Mahad Karataay ayaa sheegay in dagaalka ay Al-Shabaab ka wadaan Geeska Africa uu marayo meel wanaagsan sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Bayaan ay maanta soo saartay Dallada bulshadda rayidka ah ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee SONSA oo horay loo oran jiray SOSCENSA, kuna mideysan yihiin; Ganacsatada iyo xirfadleyda, ayaa walaac weyn ka muujisay sida uu kusoo dhammaaday shirkii Garoowe oo runtii rajo badan laga qabay in hishiis laga gaaro khilaafka hoggaamiyaasha Dowladda Federalka Somalia iyo kuwa maamul-goboleedyada. SONSA waxay nasiib-darro ku tilmaantay in hoggaamiyaasha siyaasadda ee ku shiray Garoowe aysan marna ku xisaabtamin xaaladda adag ee maanta uu dalka marayo, haddii ay ahaan lahayd dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha, waxayna arrintaas dhaawacaysaa rajadda ay bulshada ka qabeen hoggaamiyaashaasha siyaasadda dalka. Waxay SONSA ka digtay in aragti kala duwanaashaha hoggaamiyeyaasha siyaasadda uu saameyn mugdi ah ku yeesho mustaqbalka ayaaha Somalia, waxayna soo jeedineysaa inay ka waantooban khilaafka ku dhisan aragtida shaqsiga oo ay kala qabaan, wax walbana lagu xalliyo sharciga dalka, isla markaasna la ixtiraamo doorka iyo kaalinta gollaha shacabka ku leeyahay waxyaabaha ay isku haystaan. Dhanka kale, Daladda SONSA ayaa waxaysheegtay inay aaminsan tahay in khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-gobaleedyada uu ku noqday caqabad hannaanka dhismaha hay’adaha Dowladda, mana la aqbali karo bay yiraahdeen inuu sii socdo iyadoo xaalad adag lagu jiro. Ugu dambeyn, Ururrada bulshada rayidka ee SONSA, waxay ku baaqayaan in hoggaamiyaasha Dowlada dhexe iyo kuwa dowlad-goboleedyada – shirka dib la isugu soo laabto, iyadoo goob-joog ka naqonayaan ururada bulshada raydka ah. PUNTLAND POST The post Walaac laga muujiyay natiijo la’aantii uu ku dhammaaday shirkii lagu qabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.