-
Content Count
215,307 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa ka hadlay Maxaabista Somaliland ee Puntland u xidhan, xilli Somaliland fasaxday Maxaabiistii Puntland ee u xidhayd, waxaanu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Maxaabiista Somaliland ee Puntland u xidhan in la soo dayn doono. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada, ismarin waaga XIsbiyada Qaranka iyo Beesha Caalamka, waxaanu ugu horeyn uu ku jawaabay anaga oo wax ka weydiinay sababta keentay in ilaa hadda Puntland soo dayn weydo Maxaabiista Somaliland ee u xidhayd, “Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, talaabo aad iyo aad u wanaagsan, oo gobonimo leh ayuu qaaday, Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamkuna aad bay u soo dhaweeyeen go’aanka uu ka qaatay Maxaabistii Puntland, inaguna aad iyo aad baynu ugu rajo weynahay oo boqolkiiba boqol weynu ku kalsoon nahay inay Puntland inoo soo dayso Maxaabiista ay inaga haysto”. Mar uu ka hadlaayey Doorashada, ismarin waaga Xisbiyada iyo Beesha Caalamka, ayaa wuxuu yidhi “Beesha Caalamku aad bay u doonaysaa inay Doorashadu inoo qabsoonto, Doorashada oo inoo dhacdana danteena ayaa ku jirta, Beesha Caalamka, gaar ahaana Wadamada inaga caawiya Doorashadu waa u diyaar inay Doorashadeena inoo qabtaan, Xisbiyada kulmiye iyo UCID waa u diyaar Doorashada inay galaan, laakiin Xisbiga Waddani ayaa ilaa hadda aan diyaar u ahayn, oo jawaab laga sugayaa, markaas Xisbiga Waddani-na waxaanu ku rajo weyn nahay inay Doorashada ogolaadaan, Doorashada oo sidii loogu tagalay inoo qabsoontana wax badan iyo faa’iido ayey inoo leedahay, waxayna keenaysaa in geedi socodkeena Dimuqraadiyadeeda ay sare u sii qaado, Doorashada oo inoo dhacdana cid kale ama Wadan kale dani uma ah ee inaga Somaliland ahaan ayey dani inoogu jirtaa”. Source
-
(SLT-Riyadh)-Qoyska wariyihii Sacuudiga ee lagu dilay dalka Turkiga 2-dii bishii October ee sannadkii hore ayaa wali ka sabri la inay helaan Meydka Wiilkooda. Allaha u Naxariisto Jamal Khashoggi ayaa maalintaa galay dhismaha Qunsuliyada ee Sacuudiga ee magaalada Istanbul si uu u soo qaato shahaado cadeyn u ah in ay kala tageen xaaskii Hore. Iyadoo 2-da bishan June ay u gali doonto bishii sagaalaad markii la dilay wariyaha ayaa hadane xubno ka mid ah qoyskiisa sheegeen in meel uun loogu sheego meydka Jamal si ay ugu Sabraan. Inkasta oo walaacaan bilo kadib uusan dhamaan ayaa hadane xukuumada Ankara qabtaa in aashito lagu burburiyay meydka Saxafigaan. Mudo baadi goob loogu jiray raqda iyo ruuxda Saxafigaan ayaa ugu danbeyn dowlada Turkiga shaacisay in lagu dhexdilay dhismaha Qunsuliyada. Wariyahaan oo ka howlgalayay majalada Washington Post ee dalka Mareykanka ayaa marar badan dhaliilay hanaanka siyaasadeed ee Boqortooyada Sacuudiga. Qorshaha dilkaan oo Turkiga sheegay in ay ku lug lahaayeen 15 nin oo loo tababaray dilka Khashogi oo tagay Sacuudiga ayaa lagu tuhmayaa in uu amray dhaxal Suge Maxamed Bin Salmaan. Balse dowlada Sacuudiga ayaa diiday eedaan waxaana ay sheegtay in dhowr iyo toban la tuhme ay u qabatay ayna Maxkamadeyn Doonto. Turkiga ayaa diiday qorshaha dowlada Riyaad waxaana uu ka dalbaday hadii daacad uu yahay in uu ku soo wareejiyo ragga la tuhmayo si dalkiisa loogu Maxkamadeeyo. Dadaalo ay galeen hey,adaha qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha iyo dowlada Turkiga oo lagu cadaadinayo Sacuudiga ayaa noqon waayay kuwa mira Dhala. Source
-
(SLT- Quneytra)-3 Askari ayaa geeriyootay, 7 kalena wey dhaawacmeen, kadib markii ay Millateriga Israel madaafiic ku garaacday 3 fadhiisin Ciiddan oo ku yaalla Gobalka Quneytra ee Bariga dalka Suuriya. Warbaahinta Dowladda Syria ayaa saakayto sheegtay inay Ciiddanka iska caabiyeen Duqymo ay Ciiddanka Israel geysteen, iyadoo ay Ciiddanka Difaaca Syria hawada ku burburiyeen Gantaal ay Israel Waaberigii hore ee saakayto ku soo ganeen Koonfurta Caasimadda Syria ee Dimishiq. Ilo Millateri ayaa u sheegay WakaalladdaWararka Syria ee SANA inay duqeymahaasi ka soo dhacaeen qeybta ay Milliteriga Israel ka joogaan dhanka Buuraha Golan Haytis Dhanka kale, Millateriga Israel waxay xaqiijiyeen inay duqeeyeen bar-tilmaameedyo ay Milliteriga Syria lahaayeen, oo kala ahaa Saldhig ay Lidka Diyaaradaha yaalleen, Xarumo Sirdoon iyo goobo wax laga ilaaleeyo. Afhayeen u hadlay Millateriga Israel ayaa sheegay in duqeymahaasi looga jawaab celinayey 2 Madfac o oay ciiddanka Syria la beegsadeen Degmadda Hermoon ee Waqooyiga Buuraha Golan Haytis. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug gaar ahaan wasaaradda Kalluumeysiga ee maamulkaasi ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in dowladda dhexe ay burburisay heshiiskii qeybsiga dakhliga Kalluumeysiga ee ka dhaxeeyay dowlad goboleedyada iyo DFS. War-saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa: Ku socota : Safiirka China ee Somalia iyo Cidkasta oo ay quseyso Intii u dhaxaysey November 15, 2018 iyo April 20, 2019, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sharciyeysey oo ay shati kaluumeysi siisay 31 Shirkadood oo Shirkadaha Shiinaha ah si ay uga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya mudo hal sano ah iyada oo la kordhin karo. Sida aad ka warqabtaan, Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamullada Xubnaha ka ah oo ay kamid tahay Galmudug ayaa wada saxiixay heshiis wadaag ah oo lagu qaybsanayo kheradka Somalia oo lagu kala saxiixay Baydhaba, Soomaaliya iyo Addis Ababa, Ethiopia. Haddaba, xafiisyada Madaxtooyada, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u qeexay in Galmudug State aysan fileynin in ay hesho, saamiga kheyraadka galmudug kaa oo ay wakiil kaga ahayd dadka Galmudug, qaybta dakhliga laga soo ururiyay kirada kalluumeysi ee Shirkadaha Shiinaha ilaa maanta. Waxaan kula talineynaa xafiisyada ay quseyso warqadaani iyo Shirkadaha Shiinaha ee haatan ka shaqeeya kalluumeysiga gudaha iyo hareeraha Aagga Dhaqaalaha Bada ee Galmudug, Galmudug’s Exclusive Economic Zone (EEZ), in Dowlad Goboleedka Galmudug aysan ka qayb ahayn Heshiisyada khayraadka ee kor ku xusan ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha sababaha kor ku xusun dowlad gobaledka Galmudugna qodobada heshiisyadaas ay ugu dambeyntii dib u tirtirtay/ baabi’isay dhammaantood. Sidaa daraadeed, Dhamaan Shirkadaha iyo maraakiibta Shiinaha ee hoos ku xusan waa inay ka fogaadaan Galmudug Zone Economic Zone (EEZ) oo saameyn degdeg ah leh. Waxaan ka fileynaa inay u hoggaansamaan shuruucda u deggan Dowlad Goboleedka Galmudug. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku dhiirigelineynaa oo aan ku soo dhaweyneynaa Shirkadaha Kalluumeysiga ee Shiinaha wadashaqeyn toos ah oo u dhexeysa Dowlad gobaledka Galmudug iyo Shirkad kasta oo Shiineys ah ama waddan kale oo raadinaysa danaha wanaagsan ee Galmudug State of Somalia.
-
(SLT-Washington)-Dhamaan dadka dalbanaya dal ku galka Mareykanka ayay tahay in ay soo gudbiyaan faah-faahinta ay baraha bulshada ku isticmaalaan, sharcigaasi ayaa goor dhaw dhaqan galay. Waaxda sharciyada Mareykanka ayaa sheegtay in ay dadka soo gudbiyaan magacyada ay baraha bulshada ku isticmaalaan iyo email aderees-yadooda oo ilaa muddo shan sanadood ah shaqeeynayay iyo sidoo kale telefoon nambaradooda. Markii sannadkii hore la soo saaray sharcigaan ayay maamulku sheegeen in uu saameyn ku yeelan doonto 14.7 million oo qof sannadkiiba. Balse sharcigan cusub ayaan saameyn doonin saraakiisha iyo diblomaasiyiinta doonaya in ay u safraan Mareykanka. “Waxaan markasta ka shaqeeyn doonnaa hababkii lagu hormarin lahaa geedi socodka baaritaanadeena, kuwaasi oo an ku difaaceeyno muwaadiniinteena,” ayay waaxda sheegtay. Markii hore waxa baaritaanka noocaan ahi mari jiray dadka laga shakiyo oo baaritaan dheeraad u baahda, kuwaasi oo ka yimaada waddamada ay maamulaan ururada argagixisada. Balse haatan qofkasta oo dalbada dal ku galka Mareeykanka ayuu qabanayaa sharcigaan. Qof kastaa oo ka been sheegana macluumaadkiisa waxa uu la kulmaayaa “ganaaxyo adag oo dhanka socdaalka ah”, sida laga soo xigtay sarkaal la hadlay warbaahinta Hill. Maamulka Trump ayaa markii ugu horeeysay sharcigaan soo jeediyay bishii Maarso ee 2018-kii. Madaxweynaha Mareykanka ayaa isbedel xoog leh ku sameeyay socdaalka oo ka mid ahaa qodobadii ugu waaweynaa ololihiisii lagu soo doortay sannadkii 2016-kii. Source
-
(SLT-Washington)-Dowlada Mareykanka iyo kooxda Talibaan ayaa dib u bilaabi doono wadahadalo cusub bishaan kaasi oo lagu qaban doono magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Arrintaan ayaa waxaa xaqiijisay waaxda Arimaha dibeda Mareykanka. Mareykanka ayaa sheegay in isfaham laga gaadho wadahadalada nabadeed ay soo afjari doonto colaada 17-dii sanno ee la soo dhaafay ka socda dalka Afghanistaan. Zalmay Khalilzad, oo ah siyaasi rug cadaa ah ayaa dowlada Mareykanka u matali doona wadahadalkaan Markale. Khalilzad ayaa ka ambabaxay Mareykanka waxaana 17-da maalin ee soo socota uu socdaal ku mari doonaa wadamada Afghanistan, Pakistan, Germany, Belgium iyo Imaaraadka sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay waaxda Arimaha Dibeda. Siyaasigaan ayaa lix mar kulan la qaatay xubno ka tirsan Ururka Taalibaan waxaana ay ka wada hadleen amniga Afghanistaan. Ururka Taalibaan ayaa doonaya in ciidanka Mareykanka ay iskaga baxaan dalka Afghanistaan. Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-02062019-bb.mp3 View the full article
-
Roobab laxaad leh oo labadii cisho ee u dambeeyay ka da’ayey gobolka togdheer ayaa waxa ay gooyeen biriij lugeed uu madaxweynaha somaliland dhagax-dhigay oo ay dhisaysay dawlada hoose ee Burco oo cusub oo dhowaan uun farta laga qaaday dhismihiisa. Biriijka loogu talogalay in dadka lugaynayaa ka talaabaan ayaa waxa laga dhisay meel caan ah oo loo yaqaano ceel-gooni oo dadku aad uga talaabi jireen, waxaana la furay oo la dhamaystiray maalmo dhaweyd oo ay ka soo wareegtay mudo aan ka badnayn afartan iyo shan cisho ka hor. Marka la rog-rogay waxa sababay in uu biriij cusubi dumo ayaa ah wax aan umada ka qarsoonayn, oo ah hantida umadu leedahay in aan loo ilaalinayn looguna dhisayn wax wanaagsan oo ay dadku munaafacaadsadaan mudo badan oo dambe , ee ah uun gole kaga kac iyo wax baan qabtay aan jirin oo indhaha umada la isaga jeedinayo. Waxqabad la’aanta ay umadu kala kulantay goleyaasha deegaanada dalka intooda ugu badan waxa ka daran tayo xumida marka ay is yidhaahdaan wax qabta iyo waxa ay dhisayaan oo ah indhaha dadka uun tus in aad wax dhisaysaan laakiin waxa ay dhisayaan iyo waxa ay ku dhisayaanba in umadu leedahay oo waxooga wax wanaagsan loo galiyo oo tayo leh aanay kuba jirin. Waxa jirtay in bari dhawayd bulshadu ku baraarugtay bal in goleyaasha deegaanada oo mudo todoba sano ah fadhiyey waxa ay qabteen iyo waxa ay soo kordhiyeen wax la iska weydiiyo , mayorka Burco waxa uu indhihii umadda isaga jeediyey in uu eedeeyo madaxwayne geeriyooday wakhti hore oo uu ka dhigo nin reereed oo gobolo gaar ah dhaqaale iyo cashuur u xidhay. Dadkeena oo aan waxba hubsani waxa ay qaateen hadalkii noocaas ahaa waxaana ay iloobeen in lala xisaabtamo mayorka iyo golaha deegaanka Burco oo la yidhaahdo maxaad umada u qabateen mudadaa aad meesha fadhideen , waana mid xaq loogu lahaa in la weydiiyo. Dadka waxooga wax wanaagsan ha loogu qabto Bilahi Calayk . Muhamed Dhimbiil Image Image Qaran News
-
Garowe (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyay maxaabiis Puntland looga qabtay dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq, ayaa waxaa la shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee labada dhinac is dhaafsanayaan maxaabiista. Maalinta Beri ah oo ay ku beegan tahay Isniin ayaa la shaaciyay in labada dhinac ay is dhaafsan doonaan ku dhawaad 20 maxaabiis ah oo ay ku kala qabsadeen dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq. Puntland ayaa dhankeeda sheegtay inay qabatay ku dhawaad 15 maxbuus, kuwaasi oo badankood lasii daayay markii ay noqdeen kuwo deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Sool iyo Sanaag. Somaliland ayaa dhankeeda shaacisay inay qabatay ku dhawaad 14 maxbuus, kuwaasi oo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyay, iyadoo la sii deyn doono maalinta beri ah. Saddexda Maxaabiis ee ku jira gacanta Puntland ayaa la sheegay in midkood uu yahay sarkaal ka tirsan Milatariga Maamulka Somaliland halka labada kale ay Askaryihiin. Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa 8-dii Feb 2018-kii waxaa ay ku dagaallameen Tukaraq, halkaas oo Somaliland ay dagaal kula wareegtay ilaa maantana ka taliso. Waxaa muuqata in hadda xaalada deegaanadaasi ay wanaagsan tahay, waxaana maalmihii ugu dambeeyay jirtay cabsi dadka deegaanka soo wajahay, kadib markii dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemay deegaanada Sool iyo Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay weerar ku qaadeen xarunta maamulka deegaanka Garasbaaley, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday. Ciidamadii ku sugnaa xaruntaasi ayaa naloo sheegay iney iska difaaceen raggii weerarka kusoo qaaday, iyaga oo gurmad ka helay ciidamo kale oo DFS. Dad ku dhow maamulka Garasbaaley ayaa inoo xaqiijiyey dhaawaca Laba ruux, iyadoo aan lasoo sheegin khasaare kale oo halkaasi ka dhashay. Weerarkan kadib, ciidamada Booliiska DFS oo halkaasi gaaray ayaa sameeyey howlgal ballaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo, waxaana lagu soo qabtay dad badan. Maamulka deegaanka Garasbaaley weli wax faah faahin ah ka bixin weerarkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddoomiyaha degmada Warsheekh ee Shabellaha Dhexe, isaga oo xilkii ka qaaday guddoomiyahii hore, kadib wareegto uu soo saaray. Waxaa xilkan hayey Cumar Maxamed Cumar, iyadoo loo magacaabay Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo horay xilkaasi usoo qabtay. Waare ayaa sababta xilkan uu u magacaabay ku sheegay in loo baahan yahay isbedallo iyo in la sameeyo golaha deegaanka Warsheekh. Hoos ka akhriso wareegtada: Source: goobjoog.com
-
April 17, waa dunida la xusaa maalinta dhirta, Soomaaliyana kama reebana, sanadkan waxaa cusbaa in Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), uu daah-furay olole qorshihiisu yahay in lagu beero hal milyan oo geed. Haddaba, wuu yaryahay sanad aan abaari ka dillaacin deegaannada xoolaha aynnu ku dhaqanno, roobkii wuu yaraaday, gumaadkii aynnu dhirta ku haynney waxba iskama beddelin, webiyadu marna waa fatahayaan marna way gudhayaan, dhulkii xoolaha ku samcanaa haddiiba uu roob helo biyuhu kuma hakadaan oo waxaa ka samaysmay boholo iyo dooxyo biyaha dhaafiya. Qaylo dhaanta ka imanaysa nabaad guurka dhulka Soomaalidu degto dhammaantii waa isku mid; Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti intaba. Su’aashu waxay tahay Soomaalida iyo deegaanka ma colaad guun ah baa ka dhexaysa? Ilaa dadka qaar aamineen meesha Soomaalidu ku badato way kululaataa, waxaana ka kaca dabaylo siigo iyo boodh wata, waxaana markiiba ka baxa dhirta ay ka mid tahay Qudhaca, Maraaga, Galoolka, Cadaadda, Dimcadka, Jeerinka iyo geed inaguba cusub oo loo bixiyey Garanwaa oo belo qabaha aad mooddid in uu yahay ciqaab Soomaalida loo soo diray si la inooga abaal mariyo dhibka aynnu degaanka ku haynno. Qormaddeenna maanta, waxaa xoogga ku saari-doonnaa “Soomaalidu maxay dhulka doogga leh isugu sawirtaa? Aniga sawir guud ka bixin doona xiriirka taariikhiga ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo geedaha iyo weliba sababta wacyigelin kasta oo la sameeyo ay isu badali la’dahay habdhaqanka dadkeenna miyi iyo magaalaba. Si ka duwan bulshooyinka kale ayay Soomaalidu u jeceshahay in ay isku sawirto meelaha dhirta ama cawska cagaarani ku yaallo. Dadka ka soo muuqda TV yada Soomaalida ee ama shir-jaraaid ka hadlaya ama waraysi kale bixinaya, dadka sawiradooda soo geliya baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet ka iyo dadka ehaladooda ama caruurtooda isla sawira intuba waxay ka midaysanyihiin ama u badanyihiin in ay isku beegaan ama dhex joogsadaan marka ay isa sawirayaan meel doog ama cagaar leh. Soomaalida gudaha dalka ku hadhay iyo kuwa dibadda u baxdayba way ka simanyihiin arintan. Sidoo kale Soomaalida degta deegaanada Soomaali Galbeed ama NDF iyo Djibouti iyaguna waa inala mid. Kulay ku tahay kuwa deggan dhulka xeebta ah ee quruxda badan waxay u badanyihiin in ay isla doontaan meel dhir leh oo ay isku sawiraan. Ilaa aan markii dambe u qaatay anigu in haddiiba aad meel doog leh aragtid ay kugu soo dhacayso in aad sawir isla gaadhid inta aadan ka gudbin. Waxaan is waydiiyey Soomaalidu dadyowga kale miyay ka deegaan jeceshahay? Miyay ka waddanisantahay? Ma dhulkooda ayaa dooggu ku yaryahay oo way ku diimayaan? Ma midabka cagaarka ah ayay midabada kale ka jeceshahay? Ma waxaa ku beeran cuqdad in deegaankoodu yahay saxare aan dhir iyo doog toonna lahayn? Aniga waxay ila tahay in aynnu niyadda ka rumaysannahay ama aynnu qabno cuqdad in aynaan haysan wax kale oo aynnu isku sawirno. Guryaheennu ma qurux badna, jidadkeennu waa wada sandqad iyo buul fool xun oo qaad lagu hoos iibiyo kuwaasoo ku gudban guryaha quruxda badan ee wada muraayadda ah ee dhowaan dalka laga dhisay. Xoolaheennu waqtiga intiisa badan waa caato ama wayd aan ishu qabanayn. Beri dhowayd oo aan tegey magaalada Hargaysa waxaa la ii sheegay in nin dharka iibiya oo dukaankiisa aad u qurxiyey uu ka cabanayo dhalinyarada inta ay soo booqdaan dukaanka isku sawiraya dhexdiisa ama kadinkiisa oo haddana aan waxba ka iibsanayn. Taasaa igu dhalisay fikradda ah in dadkani haddii ay heli lahaayeen suuqyo iyo waddooyin bilic leh in aysan u baahdeen in xilliga roobku da’o ay doogga sawariddooda la sugaan. Haddaad u fiirsatid, Soomaalida dookha iyo doonistaba waxaa kaga jira iska hor-imaad, tusaale ahaan dadka sidaa doogga u jecel deegaanka inay ilaaliyaan iska daaye iyagaa dhibaataada ugu badan ku haya. Arintani waxay salka ku haysaa waagii hore ee miyiga loo badnaa reerka haddii xoolo ka lumaan oo dadka qaarkood helaan xoolihii lumay kuwa kale ee maqan waxaa loo gubi jirey kayn iska dhan si loo ogaysiiyo in xoolihii la helay, waxaa loo yaqaanney “Oog”, Oogtu waxay ahayd baaqa keliya ee dadka marka uusan codkoodu is gaadhayn ay isugu baaqaan. Goynta dhirtu reer miyiga macne badan lama leh, caruurtoodu waaba ku falaaddaa cidina kama celiso, haddana noloshoodu geedkaa uun bayba ku xidhantahay. Deegaanka Soomaalidu way isku dishaa oo waxaa suurtowda in buur yar oo biyo iyo baad midna lahayn labo beelood iskaga dilaan boqolaal ruux, haddana sidaas oo ay tahay deegaanka wax kuma qabto waxna kalama soo baxdo. Deegaanka Soomaalidu degto marka loo eego aduunyada kale wuu ka badanyahay tirada dadka ku nool sidaas oo ay tahay haddana kuma filna oo hadh iyo habeen dadku waa geeddi iyo hayaan. Xilliga barwaaqada daaqa iyo biyuhu waa banqay, muddo yar ka dibna waa oomane iyo abaar aan geed ishu qabato lagu ogayn. Dhir badan bay jarayaan markaasay meel gawaan ah oo aan dhirba lahayn ood uga dhigayaan, dhirta qaar way gubayaan oo dhuxul ka dhigayaan, cawska isaga hadalkiisaba daa. Waxay u muuqdaan ummad wax walba kala boobaysa oo aan cidna wax u hambaynayn. Baddan aynnu goor iyo ayaan adduunka ugu faanno ee ku walacsanno in aanu leenahay xeebta Africa ugu dheer qaylo dhaanteedu kama hinna ta berriga laga soo sheegayo, oo waad la socoteen in la lahaa sun baa lagu aasay iyo haamo aan la aqoon wax ku jira baa xeebaha ku soo caaryey. Sanadihii la soo dhaafay wacyi gelin badan baa ilaalinta deegaanka laga sameeyey, dawladaha ama maamulada dalka ka dhisan waxay wada leeyihiin wasaarado ama hay’ado u qaabilsan ilaalinta deegaanka, hadh iyo habeen waxaa qaylo dhaan laga wadaa deegaankii haddana wax weyni iskama bedelaan habdhaqanka dadkeenna miyi iyo magaalaba. Soomaalidu xoolaha nool way jeceshahay oo wayba isku dilaan, laakiin deegaankii xoolahaasi ku noolaan lahaayeen qiime badan inooguma fadhiyo, waana ta keentay in xoolaheenna tayadooda cad iyo caanaba hoos ugu dhacaan. Taladani waxay igu dhalatay markaan arkay deegaanno badan oo waayo dhowayd dhir fiican lahaa oo maanta aan geed lagu ogayn. Inkasta oo aanan indhowayd tegin dhulkii la odhan jirey Waamo ee dhirta iyo kaymaha lahaa haddana ma filayo in uu ka nasiib badanyahay dhulka intiisa kale. Waxaa Qoray: Ambassador Jaamac Caydiid Email: jamaidid@gmail.com Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka Galmudug gaar ahaan wasaaradda Kalluumeysiga ee maamulkaasi ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in dowladda dhexe ay burburisay heshiiskii qeybsiga dakhliga Kalluumeysiga ee ka dhaxeeyay dowlad goboleedyada iyo DFS. War-saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa: Ku socota : Safiirka China ee Somalia iyo Cidkasta oo ay quseyso Intii u dhaxaysey November 15, 2018 iyo April 20, 2019, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sharciyeysey oo ay shati kaluumeysi siisay 31 Shirkadood oo Shirkadaha Shiinaha ah si ay uga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya mudo hal sano ah iyada oo la kordhin karo. Sida aad ka warqabtaan, Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamullada Xubnaha ka ah oo ay kamid tahay Galmudug ayaa wada saxiixay heshiis wadaag ah oo lagu qaybsanayo kheradka Somalia oo lagu kala saxiixay Baydhaba, Soomaaliya iyo Addis Ababa, Ethiopia. Haddaba, xafiisyada Madaxtooyada, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u qeexay in Galmudug State aysan fileynin in ay hesho, saamiga kheyraadka galmudug kaa oo ay wakiil kaga ahayd dadka Galmudug, qaybta dakhliga laga soo ururiyay kirada kalluumeysi ee Shirkadaha Shiinaha ilaa maanta. Waxaan kula talineynaa xafiisyada ay quseyso warqadaani iyo Shirkadaha Shiinaha ee haatan ka shaqeeya kalluumeysiga gudaha iyo hareeraha Aagga Dhaqaalaha Bada ee Galmudug, Galmudug’s Exclusive Economic Zone (EEZ), in Dowlad Goboleedka Galmudug aysan ka qayb ahayn Heshiisyada khayraadka ee kor ku xusan ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha sababaha kor ku xusun dowlad gobaledka Galmudugna qodobada heshiisyadaas ay ugu dambeyntii dib u tirtirtay/ baabi’isay dhammaantood. Sidaa daraadeed, Dhamaan Shirkadaha iyo maraakiibta Shiinaha ee hoos ku xusan waa inay ka fogaadaan Galmudug Zone Economic Zone (EEZ) oo saameyn degdeg ah leh. Waxaan ka fileynaa inay u hoggaansamaan shuruucda u deggan Dowlad Goboleedka Galmudug. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku dhiirigelineynaa oo aan ku soo dhaweyneynaa Shirkadaha Kalluumeysiga ee Shiinaha wadashaqeyn toos ah oo u dhexeysa Dowlad gobaledka Galmudug iyo Shirkad kasta oo Shiineys ah ama waddan kale oo raadinaysa danaha wanaagsan ee Galmudug State of Somalia. Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Roobab xoogan oo ka da’ay deegaano kala duwan oo ka tirsan Puntland ayaa sababay inay xiranto wadada isku xirta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari iyo deegaanada kale ee Puntland. Roobabka ayaa jaray laamiga weyn ee xiriiriya magaalada Garowe iyo magaalada Boosaaso, waxaana go’don noqonaya deegaanada kale ee dhanka waqooyi Bari kaga beegan magaalada Garowe. Masuuliyiinta Puntland ayaa ku dhawaaqay guddi loo qorsheeyay inay ka shaqeeyaan samata bixinta dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada xiriiriya Puntland. Roobab xoogan oo ka da’ay deegaanada Puntland ayaa sababay inay ka dhashaan daadad xoogan oo jaray buuntada weyn ee Midigar, sidoo kale waxaa go’ay bartamaha laamiga xiriiriya magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe. Qaar ka mid ah Darawalada Gaadiidka ka Shaqeeya Magalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland ayaa waxa ay sheegeen inay xilligaan qabaan dhibaatyin ku aadan inay Shaqadooda istaagto. Waxaa xiligan oo kale sidoo kale sare u kac laga dareemayaa qiimaha raashiinka, maadaama ay adag tahay in qeybaha kala duwan ee Bagaashka isaga kala gudbaan deegaanada Puntland.
-
Muqdish0 (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo waxyeelo kala duwan geystay. Weerarka oo xalay dhacay ayaa la sheegay inuu daqiiqado badan ka socday deegaanka, iyadoo ciidamada amaanka ee xarunta ku sugnaa iyo maleeshiyaadka ay ku dagaalameen bartamaha deegaanka. Xarunta Degmada Garasbaaleey oo ku taala dhabarka dambe ee Jaamacadda Shabeelle ayaa weerarka lagu qaaday, waxaana kadib la sheegay in kooxaha weerarka geystay ay u baxsadeen dhanka deegaanka Ceelshada Biyaha. Masuuliyiinta deegaanka ayaa sheegaya in weerarka uu geystay dhaawac soo gaaray mid kamid ah ilaalada xarunta deegaanka, iyadoo aysan shaacin dhanka kale waxyeelada gaartay. Ciidamada ilaalada xarunta deegaanka Garasbaaleey ayaa gurmad ka helay ciidamada Asluubta, waxaana u suuro gashay inay meesha ka eryaan kooxaha weerarka ku qaaday xarunta deegaanka. Ciidamada amaanka ayaa weerarka kadib xaafadaha Garasbaaleey ka bilaabay baaritaano ay amaanka ku xaqiijinayaan, iyadoo aan la ogeyn sababta weerarka ka dambeysay. Majiro cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Xarunta Maamulka deegaanka Garasbaaleey,hayeeshee waxaa inta badan weerarada noocaas oo kale ah fuliya Ururka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MINNEAPOLIS (AP) — Many bilingual high school graduates in Minnesota will be crossing commencement stages this spring with a distinction honoring their proficiency in another language beyond English. Source: Hiiraan Online
-
Revealed: Kenya, Somalia tiff simmers amid ‘offensive maps’
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A mere promise by Somalia to “revisit” the actions of an international company at the core of maritime dispute between Kenya and Somalia is at the centre of the diplomatic row between the two neighbours. Source: Hiiraan Online -
East African countries moved a step closer to approving a ban on skin-bleaching products. Source: Hiiraan Online
