-
Content Count
213,239 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo soo saaray War Saxaafadeed ayaa sheegay inuu ka xun yahay hadal uu ka jeediyay magaalada Jowhar, oo ahaa inuu fashilmay Imtixaanka maamulka Puntland. Qoraalka waxa uu ku sheegay in la siiyay xog khaldan taasoo eheyd in madaxweynaha Puntland uu Garowe ka sheegay in la jabsaday Imtixaanka Puntland, sidaasna uu u sheegay ardeydii Jowhar ee uu khudbada u jeedinayay, isagoo aan iska hubin hadalka. Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in hadalkan uu yimid daqiiqado kadib markii wadahadal dhinaca talefoonka ah uu dhex maray Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo looga dalbaday in Goodax uu raalli gelin ka bixiyo hadalkii ka soo yeeray. Haddaba laga soo bilaabo April illaa May Wasiir Goodax ayaa ka dhawaajiyey hadalo xasarad kiciyey kuwaas oo uu intooda badan raali gelin ka bixiyey. Wasiir Goodax oo kamid ah xubnaha sida weyn u difaaco Dowladda ayaa cadaadis xoog leh kala kulmay Xukuumadda, waxaana dhawr jeer lagu qasbay inuu raali gelin ka bixiyo hadalo aan munaasab aheyn oo uu sheegay isagoo weliba ah Wasiirka Waxbarashada Dowladda Soomaaliya. Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadaladii xasaradaha dhaliyey ee uu Wasiir Goodax sheegay laba bil gudahood: Wuxuu yiri “Baarlamaanka waxaa ka buuxa xubno Al Shabaab ah, kaasaana ka mid ah” Wuxuu kaloo yiri “Puntland imtixaankii waa diiday, iyada ayay u taallaa mesha shahaado kala imaanayso, waana nasiib-darro” Wuxuu kaloo yiri “Aqalka sare ayaan kala shiray arrintii Puntland, waana dhammaysannay” Wuxuu kaloo yiri “Waalidiin ayaa ilmahooda imtixaan u gaday” Wuxuu kaloo yiri “Waxaan soo arkay arday uma ekeyn, waa laga buuxay” Wuxuu kaloo yiri “Imtixaankii Puntland waa fashilmay” Wuxuu kaloo yiri “Waan ka xumahay hadalkii aan Puntland ka sheegay. Waa war aan faafiyay anigoo aan hubsan” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Boqorka Sacuudi Carabiya, Salmaan bin Cabdulcasiis ayaa golaha iskaashiga dawladaha khaliijka iyo kan dawladaha Carabta ugu baaqay in la isugu yimaado labo shirweyne oo degdeg ah si looga wada xaajoodo saamayntii ka dhalatay weerraradii lala beegsaday maraakiibta Sacuudiga iyo imaaraadka Carabta. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa barteeda twitter-ka ku qortay in laba shirweyne magaalada Makah lagu qaban doono 30-ka bishaan May. Baaqaan ayaa imaanaya ayadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda gobolka ka taagan ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan. Maraykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maraakiib iyo diyaarado dagaal kusoo daad gureeyey khaliijka sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay “khatar” uga imaanaysa Iran. Wakaaladda wararka ee Sacuudiga oo soo xiganaysa wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in baaqaasi uu ku saabsan yahay “dadaal ku aaddan wadatashi iyo iskaashi dhexmara dawladaha walaalaha ah ee ku wada jira Golaha Khaliijka Carabta iyo Ururka Jaamacadda Carabta, arrintaas oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo ammaanka iyo degganaanshaha gobolka”. Ilo wareedyada ayaa intaas ku daray in baaqaan uu imaanayo “ayadoo labo markab oo ganacsi lagu weeraray meel u dhow biyaha dawladda Imaaraadka Carabta, iyo weerar ay kooxaha Xuutiyiintu ku qaadeen labo xarumood oo kuwa shidaalka ah oo Sacuudigu leeyahay”. Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa toddobaadkii hore shaacisay in afar kamid ah doonyaheeda ay waxyeello soo gaartay xilli ay marayeen meel u dhow biyaha Imaaradda Fujayrah. Sacuudiga ayaa asna caddeeyey in laba doomood oo ay leedahay, ay kamid ahaayeen doonyaha waxyeelladu soo gaartay. Illaa iyo hadda lama oga in Xuutiyiinta, oo dagaal kula jira isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiya ee ku sugan Yemen, ay ka dambeeyeen weerraradaas ka dhacay biyaha Imaaraadka. Imaaraadku wax faahfaahin ah kama bixin nooca uu ahaa weerarka iyo waliba cidda ka dambaysay. Maalmo uun kadib weerarkaas ayaa xarumo shidaal oo Sacuudigu leeyahay qaraxyo lala beegsaday, Xuutiyiinta ayaana dhowr jeer oo hore weerar ku qaaday diyaarado aan duuliye lahayn oo gantaallo ku ganay, waxay sidoo kale weerar ku qaadeen diyaarado marayey hawada Imaaraadka Carabta. Caasimada online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
-
Walaalayaal, Mucjisooyinka ayay ka mid tahay in qofka Soomaaliga ah uu subax walba kuula yimaaddo weji cusub. Sayid-kii oo yaabban, waa tuu lahaa ‘Musuqmaasuq Soomaali, waa meheraddeediiye / hadba midab hor leh ayay kuula imaan, maalin iyo leyle’. Waxaa iga yaabiyey dhaq-dhaqaaqa ay maalmahaan gobollada waqooyi (Somaliland) ka wadeen Emeritus Professor Axmed Ismaaciil Samatar iyo Emeritus Professor Cali Khaliif Galayr (Title-ka Emeritus Professor, waxaa la siiyaa markii nin Professor ah uu shaqadiisii macallinimo isaga tago ama ka retire-garoobo). Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galayr, waxay waayadaan dambe ku dhex jireen waxa ay ugu yeereen ‘Tabliiq Siyaasadeed’. Adduunyada, meel siyaasad la tabliiqo, ama lagu tabliiqo, waxaa ugu horreysa Somaliland, ee taas ogaada. Waxaa taas ka sii daran, iyagu ma aaminsana waxa ay tabliiqayaan, mana isku raacsana sida ay u tabliiqayaan, iyo halka ay ka tabliiqayaan. Si kale haddii aan u dhigo, labadaas oday, ma aaminsana wax la yiraahdo Somaliland, waayo jiritaanka Somaliland wuxuu ku jaango’an yahay 18 of May 1991, iyaguna taas ma aaminsana, oo si cad bey ugu sheegaan shacabka Somaliland, kamana qariyaan. Si kastaba ha ahaadee, Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galayr, ma jidho wax allaale iyo wax ay aaminsan yihiin. Xitaa labadooda ayaan is aaminsanayn, oo is dacweeyey 2002-dii, oo warqado iska qoray. Run ahaantii, mid-ba keligiis ayaa is aaminsan, oo u haysta inuu Soomaali ugu cilmi iyo caqli badan yahay. Caqligu waa meeshiisee, cilmi inay dadka kale ka badan yihiin ma sheegan karaan. Waa laga cilmi badan yahay, oo cilmiga waxaa lagu qiimeeyaa scholarly knowledge production. Sidaas awgeed, midkood-na wax weyn ma soo bandhigin, oo weligood waxba kuma daabicin madbacad jaamacadeed (university press). Cali Khaliif Galayr, isagu weligiis wax buug cilmi ah ma uusan qorin, balse halka buug ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo buugga kale ee ay isla qoreen Professor Terrence Lyons, mid waxaa daabacay Zed Books (oo aan university press ahayn), midka kalena mac-had Mareykan ah (oo aan university press ahayn). Haddaba, haddii ay yiraahdaan, ‘Soomaali annaga ayaa ugu aqoon badan’, su’aasha ugu horreysa ee gaaladu weydiinayso waxay noqonaysaa ‘ma cilmi cusub ayaad ku soo kordhiseen Somali Studies, oo waxaad cilmi-baaristiina ku daabacdeen university press?’. Markii uu wareeray, oo uu la qabsan waayey hababka cusub, ee casriga ah, ee social science research methodologies, wuxuu markii dambe Axmed Ismaaciil Samatar sameystay journal uu isagu iska leeyahay, oo la yiraahdo Bildhaan, oo wax allaale iyo wuxuu doono uu ku daabacdo. Taas-na, gaallada oo ah kuwa cilmiga adduunka maanta qiimeeya, kuma qiimeynayaan cilmi sare. Sida muuqata, Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galayr, wax runta u sheega, oo si critical ah, oo cilmi ah, ula dooda ayay waayeen. Haddeer, waxay ku heshiiyeen inay Somaliland, oo nabad iyo dimoqraadiyad ay ka jidho, ay naxuusiyaan. Waxay isugu sheekeeyeen, “soddon sano ayaanu Somaliland la dirireynay, waana ka adkaan weynay, ee aan caloosheeda galno, oo gudaha ka duminno”. Waxaa ii muuqata inay arrintaas ka keeni doonaan guulo waaweyn, waayo Somaliland baan aqaan, oo si fiican baan u dersay; kama dhex waayayaan kuwo badan oo ay garabsadaan. Haddaba, haddii aan la dersin oo la fahmin taariikhdooda iyo wixii ay Somaliland ka qoreen Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galayr, lama fahmayo meesha ay u socdaan. Waa in la akhriyaa qoraallada ay Somaliland ka gudbiyeen sannadihii 1991 iyo 1992, ee ay ka geeyeen shirarkii ka dhacay Paris iyo Washington (nuqullo ka mid ah waxaa laga helayaa maktabadda Jaamacadda London ee SOAS). Axmed Ismaaciil Samatar, isagu waaba ka sii daran yahay Cali Khaliif Galayr, oo wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee soo bandhiga liiska Golihii Wasiirada Somaliland ee 1991, oo uu mid waliba ku hoos qoray qabiilkiisa. Inta la ogyahay, isaga ka hor, weligeed ma dhicin Gole Wasiirro oo qabiiladooda la soo bandhigo. Axmed Ismaaciil Samatar, wixii uu jideeyey, illaa iyo maanta ayaa lagu socdaa, oo mar kasta oo wasiirro cusub la magacaabo, waxaa lagu hoos qoraa qabiilladooda, si gaalada loo tuso in Isaaq uu sedbursi ku haysto dadka kale ee dhulkaas kula nool. Rasuulku (CSW), wuxuu yiri, ‘kan waxa xun jideeya, wuxuu helaa jizadeeda’. Ilaahow shartooda na mooti Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galayr. Ilaahow, waa bil Ramadaane, kheyrkooda soo aadi ummadaada. Ilaahow soo hanuuni, oo ku qasab inay wanaagga ka shaqeeyaan, oo ay ilaaliyaan nabadda ay dhex mushaaxayaan iyo dimoqraadiyadda ay dhex-joogaan, ummadda-na u ilaaliyaan. Ilaahow ku soo rid habeen madow maskaxda Muuse Biixi Cabdi inuu midna u magacaabo Guddiga Dib-u-heshiisiinta (Cali Khaliif Galayr), kan kalena Guddiga Waxbarashada (Axmed Ismaaciil Samatar). Ilaahow waafaji, marka la magacaabo, inay si daacad ah ugu shaqeeyaan ummadaada. Ilaahow adiga ayaa weyn, oo waaxid ah. Maxamed Xaaji Ingiriis, Oxford University, Phd Candidate United Kingdom Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa deeq lacageed waxa ay u qeybisay Haween danyar ah oo ku nool magaalada Muqdisho. Munaasabad ka dhacday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayna goob jog ka ahaayeen madax ka socotey Hey’adda Hormuud Foundation, Maamulka Gobolka Banaadir & Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir ayaa waxaa Boqol haween dan yar ah lagu guddoonsiiyey lacag Kaash ah oo dhan $100 Dollar qof kasta, si ay ugu kaashadaan baahiyohooda aasaasiga ah. Basma Caamir Cumar Axmed (Shakeeti) oo ah Gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshadda Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegtay in Fadliga Bisha Barakeysan ee Ramadaan Awgeed Madaxda Hay’adda hormuud u istaageen sidii ay Dadka Fuqurada ah u Caawin lahaayeen. Sidoo kale Basma ayaa sheegtay in Maamulka Gobalka Banaadir uu uga mahad celinayo Caawinaada shirkadda Hormuud ay ufidineyso dadka Tabaaleysan waxay ku boorisay Umada Soomaaliyeed in ay is Caawiyaan. Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Found Mudane Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa Qiray in Mar walba Maamulka Hay’adda Hormuud Foundation u taagan yihiin sidii ay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateyan u Caawin lahaayeen. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay Dadaalo dheeraad ah oo ay Hey’adda Hormuud Foundation ay ku caawineyso Dadka ay ku adagtahay in ay maareeyaan Noloshooda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab oo Haweenkan kasoo uruurisay qaar ka mid ah qoysaska dan yarta ah ee ee ku nool Degmooyinka Gobalka Waxay iyada oo ilmeyneysa sheegtay in dadkan Xaaladda ay ku jiraan Awgeed ay Hay’adda Hormuud Foundation uga codsadeen in la caawiyo. Sidoo kale Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir ayaa Madaxda Hay’adda Hormuud Foundation uga Mahad celisay sida ay u aqbaleen Codsigeedii ku aadaana in Dadkan la Caawiyo. Qaar ka mid ah Haweenka la siiyey deeqdan dhaqaale oo isugu jiray Haween Waayeelo ah, kuwa heysta Carruur Agoomo ah, kuwa aan Awoodin in ay iska bixiyan Kiradda Guryaha, iyo qaar aan Awoodin in ay iska deberaan waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, ayaa waxay ay si dareen leh mahad naq ugu jeediyey Hey’adda Hormuud Foundation, waxa ayna sheegeen in tani ay tahay mid lama filaan ah kana haqab tiri karta baahidii ay u qabeen in ay hellaan gar gaarkan oo kale. Tan iyo Markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa Shirkadda Hormuud waxay waday Caawinaad iyo gurmad ay u fidineyso Dadka gargaarka u baahan eek u nool Degmooyinka Gobalka Banaadir sida: Maxaabiista, Agoonta, Naafada xoogga Dalka & Haweenka danyarta ah.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeedinayay munaasibad lagu qabtay madaxtooyada oo loogu dabaal-degayay xuska 18-ka May, ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay ka go’an-tahay in dariskeeda nabad kula noolato. Madaxweyne Biixi ayaa waxa kale oo uu shaaciyey inay Xukumadiisu ay qaadatay go’aan ah in Puntland ay kula noolato nabad waarta, taasi oo xal u noqon karta dagaaladii soo noq-noqday ee labada maamul ku dhex maray deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag. Biixi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in la taagan-yahay xiligii ay labada Maamul ay wada-hadal u furi lahaayen sidii ay iskugu soo deyn lahaayen maxaabiisii lagu kala qabsaday dagaaladii mudada u dhaxeeyay, wuxuuna yiri “Haddaanu nahay Somaliland oo caawa halkan ku dhan, waxan doonayaa inaan baaq dheer ugu diro inaynu dalalka jaarka dhammaantoodba inaynnu nabad kula wada noolaanayno, gaar ahaan Soomaaliya oo maanta muran xooggani naga dhexeeya muddo soddon sannadood ah, waxa aannu xuduud ka wadaagnaana waa Puntland xad dheer oo shan boqol oo Kiilomitir ah aannu wadaagno”. Wuxuuna intaas kusii daray Madaxweynuhu “Puntland waxan ugu baaqayaa waxaannu idiin wadnaa nabad iyo walaaltinimo iyo inaynnu xasillooni ku wada noolaano, waxana aannu rajaynaynaa inaanu khilaaf dambe dhexdeena ka dhicin, waxannu diyaar u nahay oo aannu nabadda ka bilaabaynaa oo aan doonayaa inaan iclaamiyo inaanu diyaar u nahay inaanu sii daynno maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Tukaraq, iyaguna ay soo daayaan wixii ay naga hayaan”. Dhinaca kale, Xogo hoose oo aynu helayno ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu sii daayey 17-maxbuus oo kamid ahaa maxaabiistii ay Somaliland kusoo qabteen dagaalkii Puntland, kuwaasi oo ku sii daayey cafis Madaxweyne. Madaxweynaha ayaa maalintii Jimcihii waxa uu soo saaray wareegto uu cafis ugu fidinayey 517-maxbuus oo lagu sheegay inay ku xukunaayen dembiyada fudud. Si kastaba, Dalabkan uu Madaxweyne Biixi u jeediyay Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa u muuqda mid uu hordhiciisa uu fuliyay Muuse Biixi, iyada oo ilaa hadda aysan wax war ah kasoo saarin Madaxda Maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Maanta waxa la joogaa guul marka aad dib u eegtid halka laga soo dhaqaaqay iyo halka la maraayo, labadan sawir ee hoos yaala ayaana isu markhaati diraaya. Isku duubni iyo samir ayaa inala gudboob shicibkaygoow. Qaran news Qaran News
-
Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya oo ka mid ah Wasaaraddihii uu sameeyay burburkii dalka 1991-kii ayaa Sanadyadii ugu dambeyay sameysay dadaallo ku aadan in ay dib u soo celiso qaar ka mid ah Adeegyaddii ay Wasaaraddo u qaban jirtay bulshadda Soomaaliya ee dhanka Waxbarashadda. Inkastoo Wasaaraddo aysan wali gaarin halkii laga rabay, hadana waxa ay ku guuleysatay tan iyo markii dalka uu kasoo baxay KMG Sanadii 2012 -kii in ay hirgaliso iskuullo aan badneyn, dib u habeyn ay ku sameyso manhajka Waxbarashadda dalka, sidoo kana ay dadaal u gasho in dalka laga qaado Imtixaan Mideysan oo ay ka qeyb galaan dhammaan Ardayda Dugsiga Sare ee ka baxaysa Fasalka Afraad. Ma jiro adeeg waxbarasho oo dugsi Sare ah oo wasaaradda ay bixiso ,waxaana dhammaan iskuullada Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho gacanta ku haya dallado la aasaasay burburkii ka dib, kuwaasoo lagu ammaano in ay dadaal badan ku bixiyeen dib u soo nooleynta waxbarashadda dalka. Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya Khadra Bashiir Cali ee Sanadkii 2015-ka ayaa ku guuleysatay muddo 25 sano ah ka dib in markii ugu horreysay dowladdu qaado Imtixaanka mideysan ee Shahaadiga Dugsiga Sare, iyadoo sanadkaasi ay u fariisteen illaa 7-kun oo arday. Wixii ka dambeeyay Sanadii 2015-kii oo aheyd markii Wasaaradda waxbarashadda ay kasoo gudubtay mid ka mid ah Caqabaddihii ugu waa weyn ee ahaa in la qaado Imtixaan Mideysan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Shaqadda Wasaradda ayaa ku socotay si dardar leh. R/Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah u Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasi oo ka bilawday Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada 11 Bishaan, islamarkaana ugu dambeyntii fashilmay taasoo abuurtay Kalsooni daro. 2019-ka oo Wasaaradda waxbarashadda uu ka yahay Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre waxa ay wajahday Caqabado waa weyn oo ay ka mid yihiin Imtixaanka dowladda oo qish dhammaan la helay Maadooyinka, Khilaafkii Wasaaradda waxbashadda iyo maamulka Puntland iyo Hadallo uu sheegay Wasiir Goodax oo abuuray Xiisaddo. Afar Sano oo Imtixaanka dowladda la qaadayay maanta qaar ka mid ah maamul goboleedyadda ayaa Kalsoonidii kala laabtay Wasaaradda waxbarashadda sidda ay sheegeen Wasiiradda Waxbarashadda maamul goboleedyada oo sheegay in Wasiirka uu ku deg degay in dhammaan Imtixaankii la joojiyo. Qaar ka mid ah Ardayda ayaa dhigay Banaanbax ay kaga soo horjeeddaan Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya oo ay sheegeen in aysan Mas’uuliyad iska saarin ilaalinta Imtixaanka dowladda. Waxaa Markii ugu horreysay Afar Sano ka dib dhammaan maamul goboleedyadda laga soo ceyriyay Kormeerayeyaasha Wasaaradda waxbarashadda ka dib markii uu Fashilmay imtixaankii dowladda ee ay Kormeeraayeen. Qaar ka mid ah bahda waxbarashadda ayaa sheegay in markii ugu horreysay in ay Wasaaradda waxbarashadda ay u muuqato in ay ka leexatay Wadadii horay u socodka aheyd ee Sanad walba tilaabo horay loo qaadi jiray. Maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in ay Shaki ka qabaan Kalsoonidda lagu qabi karo in Wasaaradda waxbarashadda ay sii waddo Imtixaanka. Waxaa sidoo kale xiisad ka dhalatay Hadal Wasiirka waxbarashadda uu ka sheegay Jowhar oo ahaa in uu Fashilmay Imtixaankii maamulka Puntland, taasoo markii ugu dambeysay uu sheegay in warkaasi uusan run aheyn oo uu raalin ka bixinaayo. Xigasho Radio Risaala
-
Somali court of appeal for the armed forces has upheld the death penalty handed to two al-Shabaab fighters in Mogadishu. The first degree of the army court had previously sentenced Anshur Osman Abukar and Mohamed Alio Borow to death. The convicts moved to the appeal court to decided their cases. In a statement, the appeal on Monday said it concluded the cases of the two convicts. Following the conclusion of testimonials and evidence brought during the hearing of two men’s appeal, the Court of Appeal backed an earlier ruling which found two guilty of taking acts to destabilize the country. According to the statement, the court has upheld the initial ruling of the first-degree court ruling the two death sentence. The court said that Anshur Osman Abukar and Mohamed Alio Borrow confessed to taking part al-Shabaab attacks including one in Mogadishu. Human rights groups have accused Somali military court previously for executions of suspects with unclear investigations, claiming the convicts were denied a chance to defend themselves. Somali military court handles cases related to security, mainly terrorism. It has sentenced several al-Shabaab suspected to death before. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta raali gelin buuxda ka bixiyey hadal uu dhawaan ka jeediyey Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka HirShabelle oo uu ku sheegay in imtixaanka Puntland uu fashilmay. Goodax ayaa ku cudur-daartay in lasoo gaarsiiyey war ku saabsan in Madaxweynaha Puntland uu sheegay in la jabsaday Imtixaankii Dugsiga sare ee Puntland balse wuxuu sheegay inay habooneyd inuu iska hubiyo. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in raali-gelinta Goodax ay ka dambeysay wada-hadal qadka taleefonka ku dhex-maray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Deni ayaa la sheegay inuu xalay xiriir deg deg ah la sameeyey ra’iisul wasaare Kheyre kana dalbaday in wasiir Goodax sharraxaad buuxda ka bixiyo hadalkiisa “dhaawaca xooggan ku ah sharafta imtixaanka Puntland.” Deni ayaa Kheyre u sheegay in hadalka Goodax u arkay mid ku talo-gal loogu dhaawacayo imtixaanka Puntand, maadaama Puntland kaga guuleysatay Goodax dooddii horey u dhex-martay labada dhinac, kadib markii Puntland diiday inay qeyb ka noqoto Imtixaanaadka wasaaradda waxabarshada Soomaaliya. Xubno ka tirsan xafiiska Kheyre ayaa Caasimada Online u sheegay in Kheyre uu markaas kadib Goodax ku amray inuu raali-gelin siiyo Puntland, si xiisaddan aysan u gaarin meel intaas kasii xun, taasi oo Goodax uu aqbalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka dhageyso Barnaamijka Qubanaha Warka Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Bar___Qubanaha-Shabelle-190519.mp3 View the full article
-
Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax gaari oo caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Degmadda Xamar Weyne. Gaari qarxay oo ah Nooca Soomaalida u taqaano Noha ayaa ku qarxay meel ku dhaw xarunta iskaashatooyinka oo ku taalla Degmada Xamar Weyne. Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in labo ruux loo qabtay,islamarkaana lagu baarayo Xarunta C.I.D. Taliye ku-xigeenka Booliska Somaliya Zakiya Xuseen Axmed oo sheegtay in qaraxan uusan geysan wax khasaare ah. “Abbare 7-dii habeenimo ayaa baabuur noociisa yahay Toyota Noah ku qarxay meel barxad ah oo la dhigay kuna taalla dhabarka dambe ee iskaashatada gadiidka degmada X/Weyne, sidaanu xaqiijinay wax khasaare nafeed ama dhaawac ma jiraan, waxaa isla goobta lagu qabtay 2 qof oo lagu tuhmaayo in falka lug ku leeyihiin iyo ninkii baabuurka qaraxa watay”. ayay tiri Gen. Zakiya. Puntland Post The post Booliska oo sheegay in ay dad u qabteen qarixii ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) –Aabe Daahir Cabdi oo dhalay sadax arday ah oo maanta wax ku noqotay rasaas uu furay askari ku sungaa aga-gaarka Dabokaayo Madow ayaa idaacada Shabelle u sheegay in aan wali ganacanta lagu soo dhigin askari falkaas ka danbeeyay. Daahir oo ka hadlayay xalada carrurta qaar kuwaas oo kala ahaa labo gabdhood iyo wiil uu rajo kamuujiyay in xaladooda ay ficnan doonto gabar ayuu shegay In dhawac dhabarka uu soo gaaray halka gabdha kalana qaliin lagu suu biyay rasasta laga saaray wiilkana xaladiisa ee wanagsan tahay . Ugu danbeen Aabe Daahir Cabdi ayaa codsaday in la soo qabto cadaaladana la horkeeno askarigii falkaas ka danbeeyay. Dhinaca kale xiriir aan la sameenay maamulka dagmada dharkiinley ayaa ka jawaabi waayay taleefanada idaacada Shabelle si aan wax uga weydiino arinta maanta ka dhacday dagmadooda. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/daahir-aadan.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Habeen-19052019-2.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha ku yeeshay Kalafadhiga 5-aad kulankiisa 5-aad. Agendaha kulanka maanta ayaa ahaa Dhageysiga warbixinta Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaana kulanka shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hoggaamineeysay Guddomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim. Guddiga ayaa Golaha Aqalka Sare uga warbixiyay heerka ay marayaan hawlaha Guddiga ee u diyaar-garoowga doorashooyinka 2020-ka iyo waxyaabaha u baahan in madaxda Qaranka ee heer Federal, Xildhibaanaada si dalka ugu dhacdo doorosho qof iyo cod ah sanadka 2020. Intaa kadib, xubnaha Golaha ayaa Su’aalo ka weydiiyey Guddigan Warbixinta ay jeediyeen iyadoo intaa kadib uu Guddigu ka jawaabay su’aalihii la weydiiyey. Senatoorada Aqalka Sare ayaa su’aalo ka weydiiyey Guddigan warbixinta ay jeediyeen, waxaana Xaliimo yarey ay beenisay inay Sharciga Doorashooyinka ee hor yaalla Baarlamaanka ay soo diyaariyeen Guddigooda, waxayna ku adkeysatay inaysan awood u laheyn diyaarin sharci cusub. Waxay sheegtay in Sharciga doorashooyinka ay dhowaan la meel mariyeen Golaha Wasiirada ay soo diyaarisay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, balse iyaga sharcigaas la-tashi oo kaliya lagala sameeyay. Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliimo yarey ayaa sheegtay inuusan jiri doonin Doorashada soo socota Xildhibaan ay beeshiisa soo dooran doonto, laakiin Xildhibaan waliba ay soo dooranayaan dadka Soomaliyeed oo dhan, waana inuu ka diiwaan gashan yahay Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira, haddii uusan ku jirin Xisbina ay dhici doonto inuusan u tartami karin Xildhibaannimo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
“The Horn of Africa will be the first casualty,” opined one dejected Somali, shaking his head. He might have been talking about terrorism, or climate change, or the famines that have more than once devastated his region. Instead he was referring to a toxic new contagion imported from the Middle East—the Gulf crisis that, since 2017, has pitted Saudi Arabia, the United Arab Emirates (UAE), Egypt and Bahrain against Qatar and its ally Turkey. That feud is now infecting the Horn, a neighborhood already fighting to cure its own long-standing ills. Source: Hiiraan Online
-
Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Xinhua) -- A senior leader of militant group al-Shabab surrendered to Somali government forces on Saturday, an official said on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Ku Saabsan Shantii Madaxweyne ee Somaliland (18 May 1991 – 18 May 2018) Xukuumadihii shanta ahaa ee kala dambeeyey xukuumad kastaa waxna waa ay wanaajineysey, waxna way xumayneysey. Tolow se kee baa badnaa tognida iyo tabnaanta? waa arrin u baahan daraasayn mug leh, aan se maan-fur kooban ku sameeyo 28 sannadood ka mid muddo-xileedyadii madaxweynayaashii kala dembeeyey. 1. Tuur, AHN, 1991 – 1993 wakhtigii ugu xumaa ayuu ku soo beegmay oo ay wax waliba sagxadda qaniinsan yihiin, wax se uu guuleystey in dadka oo wax wada leh ku simo labadii sannadood ee muddo- xileedkiisa oo xukunkiina wareejiyo, isaga oo sharcigii yaalley u hoggaansan. Dhaliishiisa ugu weyni waa in uu hub-ka-dhigis ku samayn kari waayey ciidamo beeleedyadii, unkina kari waayey haykal iyo hay’ado-dawladeedkii loo baahnaa iyo in uu markii la beddeley uu ka noqday aaminsanaantii qarannimadii Somaliland, olole colaadeedna galay. Waxana la ogaa in Tuur markii horeba aanu iimaansanayn gooni isu taagga Somaliland. 2. Cigaal, AHN, 1993 – 2002 waxa u qabsoomay wax weyn oo qiimo leh, cid kale oo kastaa oo xilligaas saaxadda ka muuqateyna aanay fulin karteen. Waxa uu rukunka u taagey oo yagleelay qalfoofkii haykalka iyo hay’adaha dawladnimo, sida dastuur, hub-ka-dhigis ciidan beeleedyadii, samaynta ciidan qaran, calanka, lacag iyo astaamihii qaranka. Waxa uu ku guuldarraystay xoolayntii iyo ka shaqaysiintii hay’adahaas isaga oo lahaa haddana aqoon maamul oo hore. Dagaallo sokeeye uu ka soo doogey oo uu ka badbaadey ayaa ahaa isir weyn oo suura geliyey dib u nabadayn iyo degganaan, waa uu se geeriyoodey, isaga oo aan muddo-xileedkiisii dhammaysan, hawlo waaweyna horyaalliin. Waxa aan ka mid ahay dadka aaminsan in hoggaamintiisa fashil ku soo socdey marka la eego sidii uu dhaqmayey ee kelitalisnimadu ku badnayd ee kursi ilaashiga ku salaysnayd, isaga oo ka faa’iideysanaya goldaloolooyinkii dastuurka uu sameeyey oo u dhignaa sidii shaadh uu isagu is le’ekaysiiyey ama uu isku tolay oo inta uu dunida joogo nin kale aanu gashan karin. Qaybi oo xukun ayuu caan ku ahaa, mana oggolaadeen in uu abuurmo xisbi uu hoggaaminayo nin adag oo isaga hunjaalliyi kara ama loodin kara. Waxa aan odhan karaa geeridu Cigaal waxa ay u ahayd asturaad marka laga tago in ajashiisu gashay. 3. Riyaale 2002 -2010 waxa uu ahaa madaxweyne nabadeed oo doobir badan. Waxa uu Somaliland ka tallaabiyey meel Cigaal inuu ku fashil lahaa dad badani ila qabi karaan. Waa dhammaystirkii aasaaska axsaabta siyaasadda iyo qabashada doorashooyinka golaha degaannada, wakiillada iyo madaxweynaha oo laba jeer ahayd. Waxa uu Riyaale ku fashilmay in uu wax horumar ah oo la taaban karo ka sameeyo noolaynta iyo ka shaqayn siinta kaabayaashii caddilnaa, xoolayntii hay’adaha kale ee dawladnimo iyo yagleelka kuwii maqnaa. Waxa kale oo Riyaale ku wacnaa in isku xidhnaanta gudaha ee xubnaha xukuumaddiisu ay adkaato. Kudlad aad isugu tolan oo dhib iyo dheef wadaag ah ayay ahayd. Xasarad la’aan iyo gobannimo miiggan ayuu xilkii ku wareejiyey, iyada oo kooxi la doonaysey in uu muran ka keeno natiijadii doorashada oo kursiga isku adkeeyo. “Wixii aan wax ka dhisay gacantayda ku burburin maayo” ayaa maguurtada ugu jirta. 4. Siilaanyo 2010 -2017 waxa uu ugu horrayn dhisay xukuumad kooban oo tayo leh. Waxa uu dhawrkii sano ee u horreeyey hirgeliyey mashaariic waaweyn oo aanay cidi hore ugu tallaabsan oo qarannimada noolaynaya, sida beddelidda lacagtii Giinbaarta oo ahayd tii Soomaaliya ee gobollada bariga la adeegsan jirtey, bixintii darajooyinka ciidamada qaranka oo milateri, bileys, asluub iyo ciidamada baddaba ka kooban iyo dhismayaashii iyo dib u hagaajintii xarumaha wasaaradaha, hay’adaha iyo waddooyinka oo ay waddada Ceerigaabo ka dhex ifayso. Waxa uu jebiyey, dhinaca kale, derbigii xadiidka ahaa ee Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey ee sida dastuuriga ah Somaliland uga jirey ee ahaa qofkii Soomaaliya soo qaadaa waa dembiile, waxanu furay wada hadallo labada dhinac ah, in kasta oo aanay weli natiijo macne leh ka soo bixin, hsddana waxa furan irriddii wada hadallada. Waxa se uu Siilaanyo ku guuldarraystay in uu hirgeliyo maamul wanaag iyo in uu sharcigu sarreeyo. Qabyaalad, qaraabokiil, naasnuujin ballaadhan iyo musuqmaasuqii awelba jiri jirey ayaa garoomo sii toshay oo halkii ugu sarreeyey gaadhey. Xukuumaddii koobnayd ee tayada lahayd ee uu sameeyey bilowgii ayaa sidii hangaraaraca lugo badan yeelatay oo sida furuqa u tarantay. Xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu markii ay timi talaa faro ka sii haaddey oo dalkuba waxa uu ku dhici gaadhey dalluun dheer. Waxa aan ka mid ahaa dadkii welwelka weyn ka muujin jirey in dalka iyo dawladnimadu ku soo dhacaan hoggaamin la’aan markii ay muuqatey in madaxweynihii la igmaday taladii si tallaabo tallaabo ah uga sii baxayso farahiisa xaaladdiisa caafimaad awgeed. In aanu ahayn nin xukun jacayl derderey dhawr arrimood ayaa u marag ah. Midi waa markii 80 cod lagaga helay doorashadii hore ee Kulmiye in badan oo ka mid ah xisbigiisuna aynu dagaallanno ku taliyeen oo uu door hoggaamiyennimo muujiyey. “Anigu kursi uu dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo” ayaa diiwaanka u gashay”. Mid kale waa in markii uu arkay in xusuustiisu hoos u sii dhacay dambe uu ku tashaday in uu is casilo oo uu mas’uuliyaddii loo igmaday dadkii lahaa u celiyo ee lagu gacan-saydhay ee lagu garbo-duubay in uu muddo-xileedkiisa dhammaysto. Si wacan buu u wareejiyey xilkii markii doorashadii dhacday. 5. Muuse 2017 – 2019 waxa uu ilaa hadda u muuqdaa in uu yahay madaxweynihii ugu liitey ee Somaliland soo mara marka la eego maamulka iyo garashadiisa aqooneed ee hoggaaminta. Waxa uu dhisay xukuumad dhinac ka raran oo tayadeedu liidato. Waxa uu wax ku ballaysimay caddaalad darro, qaraabokiil, naasnuujin qabali ah, musuq, dhul boob caa’ili ah oo waalli ah, sharci jebin, xadhig joogto ah oo aan sifo sharci loo marin iyo kelitalisnimo sii koraysa. Mashruuca Shaqo Qaran ee dhallinyada oo askarnimo uuni ka maqiiqan, welina aan natiijadiisa la gaadhin iyo buugaagta ardayda loo qaybiyey ee lacagta laga bixiyo mooyaane ma arko meel kale oo la taaban karo oo macne buuran leh oo uu sameeyey sannad iyo badhka uu hadda joogey. Xukuumadaha waxqabadkoodu waa inta ay cusub yihiin ee dadku u heellan yihiin. Sannadaha dambe waxa ay quutaan wixii ay qabteen labada sano ee u horreeya. Cirridka se aan arkayo ilko khadda kama soo jeedaan. Waxa aan ka werweraa, wallaahi, in uu muddo-xileedkiisaba la isla gaadhi waayo, Alle kama dhigee, oo kala daadasho timaaddo. Gunaanad Shanta madaxweynenaba waxa dhibaato ku ahayd, ku ah xaqiiqada in ay garan weeyeen meel ay ummadda u dhaqaajiyaan oo waxa dabada u sii jeediyey adduunka oo dhan iyo arrinta Soomaaliya oo ka soo rayn weydey iyada oo intooda badani quuddarraynayeen in Soomaaliya wax la la yeelan karo haddii ay wax ka hagaagaan. Taasina illaa hadda waxba kama soo naaso- cadda. Tuur, Cigaal, Rayaale iyo Siilaanyaba taas waa ay ka midaysnaayeen, Muusena taasi waa ay ka soo if ifaysaa marka la eego sida uu Farmaajo ula xidhiidho iyo sida uu marka uu dadka la hadlayo uu giirka isaga kiciyo. Isagaa (Muuse) marna la xidhiidha Farmaajo si dhuumasho ah, marna inoo caaya si qaawan marka dadka la joogo meel banyaal ah. Taasi waa dhalliil weyn oo hoggaamineed oo waxa maqan kudhacii ay dadka madaxweynayaasheennu ugu sheegi lahaayeen runta qaawan ee hor yuuban ama kartidii ay ku iimaansan lahaayeen Somaliland, una sameeyaan aragti iyo qorsho himilo dhow iyo tu dheer leh oo Somaliland oo aan meel kale naawilayn lagu hoggaamiyo. Mar walba shanta madaxeeyne waxa maamulkooda ka dhex muuqata hoggaamin xumaan iyo karti la’aan aragti abuureed. Hoggaan dadkii la yidhi adigu hoggaami isagu dadkii dabo socda! Fiiri gaar ah: waa aan hubaa in madaxweyne kasta aan tago tognaan uu lahaa ama tabnaan uu lahaa, waayo anigu si guud baan u eegay ee ma helin daraaso hore looga sameeyey oo la xigan karo, aniguna wakhti uma helin aan daraasayn baalla fidsan ku sameeya, 18 May xuskeeda uun bay intani ku timi. Waa iga maan-carin munaasibadda 28-aad ee xuska 18 May ku saabsan. Maxamed Baashe Xaaji Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
-
On a bright sunny Saturday on May 18, Somaliland people celebrated the 28th anniversary of our independence, with parades across the country and saluting those heroes who scarified their own blood for our freedom. Source: Hiiraan Online
-
Corrupt Kenyans will neither be allowed into the US nor pay for their children's education there, US ambassador to Kenya Kyle McCarter said in Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa Puntland ka raali galiyay hadalkii gafka ahaa ee uu ujeediyay. Qoraal laga soo saaray Xafiiska Wasaaradda Waxbarashada Somaliya ayaa lagu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliya uu raali gelin buuxda uu siinaayo shacabka & Ardayda Puntland. Goodax Barre ayaa hadalkii uu ugu gafay Puntland wuxuu ahaa inuu fashilmay Imtixaanka Deeganada Maamulka Puntland, arrintaasi oo sababtay in Puntland si wayn uga caroodaan. Goobjoog News Halka ka aqriso Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qaraxii koowaad ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo waxyeelada ka dhalatay. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa shaacisay in qaraxa Koowaad oo dhawaaqiisa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho uusan geysan waxyeelo badan. Waxay sheegtay in qaraxa uu ahaa NOAH laga buuxiyay waxyaabaha qaraxa, kaasi oo la dhigay barxad ku taala dhabarka dambe ee Iskaashatooyinka oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya. “Abbaro 7dii habeenimo ayaa baabuur noociisa yahay Toyota Noah ku qarxay meel barxad ah oo la dhigay kuna taal dhabarka dambe ee iskaashatada gadiidka degmada X/Weyne” ayay tiri Sakiyo. “Sidaanu xaqiijinay wax qasaaro naafeed ama dhaawac ma jiraan. Waxaa isla goobta lagu qabtay 2 qof lagu tuhmaaya in falka lug ku leeyihiin iyo ninkii baabuurka qaraxa watay. Wixii soo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa” ayay hadalkeeda kusii dartay. Sidoo kale waxay sheegtay in la qabtay ku dhawaad seddex ruux oo lagu tuhmayo inay raad ku lahaayeen qaraxii xooganaa ee caawa dhacay, waxaana qabtay ciidamada Booliska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A massive dust storm hits Dire Dawa, in eastern Ethiopia and surrounding areas. According to local reports, the storm lasted for few hours. Source: Hiiraan Online