Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,234
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay saddex qof oo loo heysto dilkii arxan darrada ahaa ee loo geystay Allaha U naxariistee Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo). Saddexda qof ee la xukumay ayaa kala ah Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed. Sidoo kale maxakamdda ayaa sii deysay illaa afar eedeysane, kadib markii ay sheegtay in lagu waayay wax dambi ah. Muuse Macalin Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xukunkan uu racfaan ka furan yahay. Kiiska dilka ah ee Marxuum Axmed Dowlo ayaa 20/09/2018-kii ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. View the full article
  2. Heavily armed Al-Shabaab militants have launched a daring attack against a military base manned by Jubbaland state forces in a town near Somalia’s porous border with Kenya. Local residents said the attack in Dhoobley town began with bomb blast followed by gunfight erupted between the attackers and the regional troops which lasted for several minutes. At least one Jubbaland state soldier was confirmed dead while six others sustained injures in battle, according to the villagers, who spoke to Radio Shabelle by phone condition of anonymity. Those wounded in the attack include the commander of state forces in Tabta area, which is a border town that has been beset by continued raids from Al-Shabaab in the past. The local troops carried out a massive sweep operation on Tuesday morning in response to the overnight assault and rounded up several people suspected to be Al-Shabaab sympathizers. View the full article
  3. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goordhow xukun dil ah ku ridday Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed oo dil iyo gubis degmada Yaaqahiid ugu geystay 20/09/2018, Axmed Mukhtaar Saalax ( Dowlo). Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macallin Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunkaasi lagu riday eedeeysanayaashaasi. Gudoomiyaha ayaa sheegay in racfaan uu u furanyahay dadkaasi xukunka lagu riday. Puntland Post The post xukun dil ah oo lagu riday dad dil iyo gubid isugu daray marxuum Axmed dowlo appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiskii Dilka ahaa ee bishii September ee sanadkii hore 2018 loogu geystay degmada Yaaqshiid Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo). Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed oo Dil degmada Yaaqahiid ee Gobolka Banaadir ugu geystay 20/09/2018, Axmed Mukhtaar Saalax ( Dowlo) ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay ku riday xukun dil Toogasho ah. Eedeysanayaasha lagu xukumay dilka ayaa waxay kala yihiin Xuseen Iidow Maxamed, Asli Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed. Sidoo kale Maxkamadda ayaa sii deysay afar qof oo kale oo iyaguna ku eedeysnaa Falka dilka ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macallin Maxamed,isla markaana sheegay in xukunka uu racfaan ka furan yahay. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin ayaa sheegay in xukunkan uu racfaan ka furan yahay. Dhacdadii dilka aheyd ee bishii September ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa aheyd midii ugu hadal heynta badan, iyadoo bulshada si adag uga fal celisay, markii ninka la dilay Axmed Dowlo uu u guuriyay wiil uu adeer u yahay gabar, waxaana muranka ka dhashay guurkaas uu sababay in Axmed Dowlo loo dilo arrimo ku saabsan heyb sooc. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin dheer ka qoray musuq maasuq iyo eedeymo cusub oo uu u jeedinayo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Warbixinta ayuu kaga hadlay Qoraalkii kasoo baxay Hanti dhowrka Qaranka iyo hanaanka aan wanaagsaneyn ee loo qaado Canshuurta laga qaado shacabka Muqdisho. Waxaana Qoraalka Xildhibaanka uu u qornaa Sidan:- BADWAYNTA MAAMUL-XUMADA & WAX ISDABAMARINTA EE UU DHEX-DABAALANAYO GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BENAADIR! GUDDOOMIYE CABDIRAXMAAN YARIISOW XAQ MA U LEEYAHAY IN UU SIDAAN UGU TAKRIFALO CANSHUURTA & DHAQAALAHA MUQDISHO LAGA URUURIYO, HADDANA UU DIIDO IN LA XISAABIYO?! Dadka caasimadda ku nool iyo kuwo booqashada ku yimaadaba waxey is -weydiiyaan su’aalo waa weyn: Maxaa ka qaldan caasimada Muqdisho? Maxaa magaalada Muqdisho oo ah caasimadii dalka ka dhigay magaalo qashin qub u eg, wadooyinkeedu ay habeenkii yihiin mugdi, qaarkoodna ay weli burbursan yihiin, caruurta da’da waxbarashada gaartay ee danyarta ah ee ku nool magaaladan aysan 80% haysan iskuullo ay waxbarasho u tagaan, sidoo kale ma lahan Muqdisho isbitaallo maamulka gobolku uu gacanta ku hayo oo adeegyo caafimaad u fidiya hooyada iyo dhallaanka, dhallinyarada reer Muqdisho waa kuwo aan shaqo heysan hadana maalin kasta uu Guddoomiye Yariisow ka sheego xafladaha lagu baabi’iyo canshuurta dadka in uu shaqo siinayo dhallinyarada, Muqdisho waa magaalo deris la ah qaraxyo iyo Khasaare joogto ah oo ka dhasha qaraxyadaas. Dadkeedu ma helaan biyo nadiif ah iyo koronto raqiis ah, ayadoo intaas ay dheer tahay in dadka Muqdisho laga qaado canshuuro aan sal sharci ah lahayn oo Baarlamaanka Soomaaliyeed meel mariyey. Haddaba su’aasha sharcigaa waa xagee lagu bixiyey malaayiinta doollar ee uu maamulo guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane C/raxmaan yariisow? Jawaabahaas iyo kuwo kale oo madaxa daalinaya waxaa bixinaya xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka. Dokumintiyada Lifaaqa ah ee xafiiska hanti-dhowrka qaranka ka soo baxey 17/11/2018, waa baaris dastuuri ah oo uu sameeyey xafiiska hanti-dhowrka guud ee qaranka lixdii bilood ee u horeysay sannadkii 2018 (Jan – June 2018), waxaa la baaray qeybaha dawladda hoose ay ka kooban tahay sida: Dakhliga, Miisaaniyadda, Kharashaadka, Habka iibka, Shaqaalaha, Qaab-dhismeedka, Heshiisyada Mashaariicda & Habtida Guurtada iyo Maguurtada. Natiijadii baarista xafiiska hantidhowrka waxaa lagu ogaaday: 1. Canshuur kooxihii uruurinayey ay sii canshuurayaan ayagoo inta anaay xarayn ka hor khidmad ka sii goosanaya, sida ku cad page1, taasoo xadgudub ku ah sharci Lambar 317 ee soo baxey 17/12/1962. 2. In aysan dawladda hoose lahayn habraac tarriifo sharci ah, kuwa jirana ay yihiin kuwo gacan ku rimis ah, iyadoo ay la yaab lahayd in waaxda caafimaadka dawladda hoose ee Muqdisho ay tariifo la’aan dakhli iska qabato gaar ahaan maraakiibta raashinka iyo dadka loo sameeyo kaarka aqoonsiga. 3. Habka lacag qabashada Dawladda hoose waxaa lagu tilmaamay mid aad u liita, mana jiro nidaam guud oo loo maro lacag qabashada iyo keydinta dokumintiyada lagu qabtay dakhliga, taasoo baalmarsan sharciga maamulka iyo maaliyadda dalka Sharci Lambar 317 qodobkiisa 160-aad faqradiisan 2-aad. 4. In aysan dawladda hoose lahayn wax halbeeg ah oo lagu cabiro dakhliga sanadlaha ee soo gala, ayadoo aan looga soo uruurin cansuuraha si dheelitiran degmooyinka G. Banaadir, halka degmoooyinka qaar xoogga la saaro, kuwa kalena sidii la rabay aan looga soo uruurin. 5. In dawladda hoose aysan lahayn miisaaniyad sannadeed qorshaysan, saldhigna looga dhigay dakhliga guud ee dawladda hoose u soo xarooda, taasoo keentay in qaab jaantaa-rogan ah loo bixiyo kharashaadka. In ay jiraan hey’ado & shakhsiyaad ka baxsan dawladda hoose oo si joogto ah ah loo siiyo lacago ah canshuurtii shacabka Muqdisho laga qaaday!. 6. Muddo 6 bilood ah dawladda hoose waxey kharash-garaysay adduun gaaraya $16, 556.504.75 (Toban & lix malyan shan Boqol konton iyo lix kun iyo shan Boqol & afar, iyo sentiyaal). Kharashaadkaasi ma lahayn caddeymo ku filan isla markaana laguma samayn wax xisaabcelin ah. 7. Magaca khasniga guud waxaa bankiga dhexe looga soo bixiyey lacag gaaraysa $5,972,085.82 (Shan Malyan, sagaal Boqol & todobaatan iyo laba kun, iyo sideetan shan iyo sentiyaal) ayadoo aysan jirin wax caddaymo ah oo muujinaya in dadka la siinayey lacagahaas la gaarsiiyey!! iyadoo qaabka lacagahaan lagu bixiyo aysan ahayn kuwo la waafaqsan lana jaanqaadi kara hannaanka Maaliyadda ee dalka. 8. Habka iibka dawladda hoose in uu yahay mid aad u liita, qandaraasyada la siiyey shirkado hawlo u qabtay dawlladda hoosena aysan ahayn kuwo loo maray hab iib & tartan furan, arrinkaasoo dhiiragalinaya musuqa, naasnuujinta, maamul xumada & xatooyo xoolo dadweyne, kana soo horjeeddo sharci lambar 22 ee soo baxay 09/08/2016. 9. Shaqaalaha gobolka Banaadir oo gaaraya 1,585 shaqaale, waxaa gunnada ay qaataan qaarkood si aysan raalli ka ahayn oo qasab ah looga jaraa tan iyo 2014 lacago baad ah oo gaaraysa 30%, ayadoo xafiiska hantidhowrku uu ku tilmaamay sharcidarro. Dhanka kale waxaa jira dad loogu magac-daray la taliyaal qaata gunno kuwaasoo aan lahayn tixraac waajibaad iyo heshiis shaqo oo lala galay (eex & naasnuujin). 9. Waaxda kormeerka & Baarista dawladda Hoose ma ahan mid xooggan si hufanna u gudan karta waajibaadkii loo igmaday. 10. Dawladda hoose ma lahan Qaabdhismeed diyaarsan oo qoran kaasoo ka turjumaya baahida iyo shaqada baaxadda leh ee hortaalla, ayadoo keentay isku dhexyaac dhinaca shaqada ah. 11. Dawladda hoose waxey heshiiyo maxalli ah iyo kuwo caalami ah ay gashay sanadkii 2018, ayadoo aan lahayn xafiis qaabilsan heshiisyadaas, dhanka kalena aan 12. Heshiisyadaas laga soo diiwaangalin xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka taasoo xadgudub ku ah sharciga maamulka & maaliyadda Sharci lambar 2 ee soo baxay 27/12/1971 qodobkiisa 33-aad. 14. Dawladda hoose ma lahan hab wanaagsan oo lagu maamulo hantida guurtada ah & maguurtada, ayadoo keydkii & diiwaangalinta hantidu uusan ku jirin gacanta dawladda hoose. 15. Ayadoo dhaqaalo malaayiin ah uu soo galey dawladda hoose ayna muuqato in la bixin karo deymaha shaqada lagu galay ayaa haddana waxaa jirta deymo lagu leeyahay kuwaasoo kor u dhaafaya hal malyan dollar. Gabagabadii, canshuurtii G. Banaadir, Haddii dadkii bixiyey aan wax horumar ah loogu samyanin, dhallinyarada gobolkaan oo xaq u lahaa in lagu shaqaalaysiiyo ay shaqo la’aan yihiin, Guddoomiyaha Yariisow jileeciisa iyo guulwadayntiisa ay lacagahaasi noqdeen kuwa loo adeegsado burburinta dawlad goboleedyada, burburinta barlamaanka, ku masruufidda dad qaaqalayaal ah oo hoteelada Muqdisho deggan, xaflado tumasho ah, kooxo kumanaan gaaraya oo baraha bulshada laga shaqaalaysiiyey, fatwooyinka wadaado soo saaristeeda qaar lagu bixiyey, odoyaal iyo siyaasiyiin fashilmay mushaar aysan xaq u lahayn loogu qoray, iyo ceeb intaas ka badan. Illaa iyo qatigee ayuu gobolka Banaadir canshuurtiisu ay noqonaysaa mid aan adeegyadii awgood dadka looga qaaday aan lagu qaban? Guddoomiye Yariisow, haddii muddo lix bilood ah oo la xisaabshay uu sidaas u waji eg yahay, mudadii sanadka ahayd ee ka bilaabanaysay July 2018 illaa hadda waxaa la qiyaasi karaa in uu dhex-dabaalanayo badweyn fadeexooyin ah oo keenay in uu diido in la xisaabiyo, balse haddii uu ku adkaysto diidmadaas aan qiilka lahayn, oo xataa wasaaradda arrimaha guduhu ay amar ku siisay in uu u hogaansamo isla xisaabtanka, wadada kaliya ee furan waa in loo maxkamadeeyo ku takrifalka canshuurta dadka Muqdisho ama shacabka Muqdisho ay noqdaan kuwa maxkamadeeya Yariisowga dusha laga saaray? Madaxweyne Farmaajo ballanqaadkiisii ahaa la dagaalanka musuqmaasuqa ma wuxuu ku soo gabagaboobay in uu gabbaad siiyo in sidaan canshuurta Banaadir loogu takrifalo, isla markaana la diido isla xisaabtankii dastuuriga ahaa? Waxaa madaxweynaha laga sugayaa in uu baalka ka soo bixiyo Yariisow si loola xisaabtamo? G. Banaadir Mas’uuliyad weyn & Maal badan ayaa yaalla, lagumana hogaamin karo maskax yariis ah, guulwadeyn iyo waxqabad eber ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Madaxweyne Farmaajo iyo Raysla Wasaare Kheyre ayaa aqbalay casuumada shirkii wadatashiga ahaa ee uu gogashiisa fidiyay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, si xal looga [...] Source
  7. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta oo Talaado ah lagu soo gaba-gabeynayaa Caasimadda Muqdisho Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qaban-qaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka. Shirkan oo shalay uu furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Waxaa ka qeybgalay 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka OIC, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shalay hadalkiisa diiradda ku saarray dhex dhexaadnimada diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed ee ka beermay nabadda iyo deganaanshaha, isagoo tilmaamay in rabshadda, argagaxisada iyo isqarxinta aanay ahayn wax laga yaqaan Soomaaliya, balse ay tahay aragti wax burburin oo dibadda laga soo minguuriyay. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi oo isna shirkan ka hadlay ayaa sheegay in shir noocaan ah oo ku qabsooma Muqdisho ay tahay guul taariikheed oo dhiirrigelinaysa nabadda iyo dadaallada lagu doonayo in looga takhaluso rabshadda, xagjirnimada iyo argagaxisada. Wasiiru dowlaha Diinta iyo Awqaafta, Mudane Cabdishakuur Xasan Ashkir iyo Mudane Danjire Askar Mussinov oo ah Madaxa Wafdiga Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxa ay shirka ka jeediyeen laba khudbadood, iyadoo shirku galay dhowr fadhi oo furan oo toos looga baahiyay telefishannada iyo warbaahinta bulshada. Shirkan oo maanta la soo gaba-gabeynayo ayaa laga soo saari doono Qodobo ku aadan Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada taas oo Soomaaliya iyo Gobolka intiisa kalaba muhiim u ah. View the full article
  8. Dharkenley (SMN) – Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay Qof rayid ahaa lagu dilay gudaha degmadaasi. Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Dabaqeenka, iyadoona ay geysteen kooxo ku hubeysnaa Bastoolado. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Nuur, kaas oo la sheegay in uu ahaa Farsamaqaan dhinaca Korontada. Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Marxumkaasi. Raggii ka dambeeyay dilkani aya sidoo kale lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen. Mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan dhacdadaasi. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Saacadihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulamo kala duwan oo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed uu la qaadanayay masuuliyiinta dowladda. Sheikh Shariif ayaa xalay la kulmay guddoonada baarlamaanka labada aqal ee dalka, waxaana kulamadaasi ay qeyb ka ahaayeen kulamo maalmahaan uu ka waday magaalada Muqdisho. Kulanka koowaad ayaa dhex maray guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka iyo madaxweyne Shariif Sheikh Axmed waxaana la sheegay in looga hadlayay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya labada aqal. Kadib waxaa Shariif Sheikh Axmed uu la kulmay guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana kulamadiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan xisbiga HIMILO Qaran. Sheikh Shariif ayaa shalay kulan la qaaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo kala hadlay arimaha amaanka iyo sidii loo wanaajin lahaa xiriirka xumaaday ee dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada. Wuxuu magaalada Muqdisho ka wadaa dadaalo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka, waxaana uu sidoo kale qeyb ka yahay qorshaha hergelinta shirka la filayo inuu ka dhaco magaalada Garowe. Kulamada uu la qaatay xubnaha labada aqal ee baarlamaanka ayaa waxaa uu xal ugu raadinayaa khilaafka baarlamaanka iyo xal u gaarista is qabqabsiyada ka dhashay dhameystirka Dastuurka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Laba Sarkaal oo ka kala tirsan ciidamada Asluubta iyo ciidanka booliska ayaa dabley hubaysani jidgooyo u galeen deegaanka Yagoori ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ku dileen. Labadda sarkaal ayaa kala ahaaa Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta iyo Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tacsi u direy qoyskii iyo ciidankii ay ka baxeen labadaasi sarkaal, isla markaana amar ku siiyey in sharciga la hor keeno dadkii“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan Asluubta iyo Booliska, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:- Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta. Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag. Saraakiishaas oo ay shalay galab dablay hubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Deegaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yagoori, madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku amrayaa inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal denbiyeedkaasi. Waxaanu madaxweynuhu digniin adag u dirayaa cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.”ayaa lagu yidhi qoraal uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac Madaxweynuhu wuxuu uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ciidamada qaranka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Jidgooyadan ayaa ka dambaysay ka dib markii nin ganacsade ah oo ku xidhnaa xabsiga degmadda Gar-adag oo ku dhex geeriyooday saldhiga, waxaanay sarkaalkii jeelka haystay ka baqday in loogu aaro, taas ayaa keentay inuu deegaankii uu xabsigeeda haystay ka yimaado, haseyeeshee dablay ka kacsan geerida marxuumkaasi hore ee Ganacsadaha jidka u galeen, halkaasi oo ay ku khaarajiyeen labadii sarkaal. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa dhawaan bilaabaysa inay xoolo nool u dhoofiso bariga dhexe kadib markii ay heshiis wada gaadheen wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabtu, sida ay daabacday warbaahinta East African Business Week oo Telefishanka HCTV uu ka soo xigtay warkan. Ayaa sheegay in markii Madaxweyne Muuse Biixi uu socdaalkii labaad uu ku tagay Imaaraadka Carabta mudo ka yar laba bilood gudahood uu la gaadhay Imaaraadka Carabta heshiis xooloha lagu dhoofinayo. “Waxaanu ku heshiinay Imaaraadka Carabta in xafiis wadajir ah oo ka shaqeeya dhoofinta xoolaha nool ay aasaasaan labada dal,” sidaasi waxa yidhi Professor Yassin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ah Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland. Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in hay’add ku haboon inay raacdo samaysa shuruucda xoolaha la dhoofinayo iyo hubinta caafimaadkooda ay samaynayaan. Waxaana talaabadi ay kor u qaadaysaa gaar ahaan xoolaha loo dhoofinayo Moosimka xajka oo ay inaga xigaan wax ka yar laba bilood. 2016-kii ayay ahayd markii boqortooyada Sucuudi Arabia ay ay ku dhawaaqday in xoolaha Soomaalida ee dalkeeda loo soo dhoofiyo gaar ahaana Idaha iyo Riyaha ay joojisay sababo caafimaad awgeed, taas oo ahayd lacagta adage e dibada ee soomaalida soo gasha. Tan iyo xiligaasina waxa jiray xoolaha tirayo yar oo ka yimaada Somaliland oo gali jiray Jeddah oo ruqsad loo siiyey. Somaliland oo istaraataji ahaan ku taala goob muhiim ah ayaa heshiisyo lagu balaadhinayo dekeda Berbera la gashay shirkadda Dubai fadhigeedu yahay ee Imaaraadka Carabta. Source
  12. (SLT-Washington)-Xoghayaha arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Ruushka uu isku dayayo in uu faragalin ku sameeyo sanadaha soo socda. Moscow ayaa lagu eedeeyay in sanadkii 2016-dii uu fara galin ay ku sameysay doorashadii Madaxtinimo ee Mareykanka. Aniga oo ka hadlin waxa soo socda waxay hanjabaad ku ahaayeen doorashooyinkeena sanadkii 1974-tii waxay sidoo kale faragalin ku sameeyeen doorashadii 80-aadkii,sidaasi waxaa yiri Pompeo. Xoghayaha Arimaha dibeda ayaa intaa ku daray in xitaa ay rajeynayaan in Ruushka uu isku dayi doono hankiisa ilaa 2050-ka. Diblumaasigaan sare ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu amray in si taxadar leh loola socda isku dayada Ruushka uu ku doonayo in ku Faragaliyo. Ruushka oo lagu tuhmay in uu gacan ku siiyay Donald Trump guushii uu gaaray sanadkii 2016-kii ayaa baaritaan la sameeyay waxaa lagu waayay cadeyn Muujineysa. Source
  13. Shibis (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Ciidamada ammaanka xalay ay ka sameeyeen degmada Shibis ee gobolka Banaadir. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay ku soo qab qabteen tiro dad ah, kuwaas oo u badan dhalinyaro. Saraakiil ka tirsan kuwa laamaha ammanka ayaa sheegay in baaritaanadan u jeedkooda uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga demadaasi. Dowladda federaalka Soomaliya, gaar ahaan taliska Booliska ayaa maalmihii dmabe howlgallo oo lagu xaqiijinayo amniga ka waday magaalada Muqdisho. View the full article
  14. (SLT-Washington)-)-Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Mareykaka Rod Rosenstein, ayaa shaaca ka qaaday in uu is casilaayo islamarkaasina uu shaqada ka tagaayo 11-ka bisha May ee soo socota. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacinin sababta shaqo ka tagistiisa, ayaa haddana waxa hore u jirey kala fikir duwanaashiyo u dhaxeeyay isaga iyo madaxda isaga ka sareysa. Source
  15. (SLT-Nairobi)-Wargeyska Afka dheer ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa qorey in dowladda Kenya ay qorsheynayso in ay xafiis ka furato magaalada Hargeysa si loo yagleelo xiriir dublamaasiyadeed oo ka dhaxeeya Kenya Somaliland. Wargeyska ayaa sheegay in danjire lagu magacaabo Philip Mudia Githiora loo igmaday in uu xafiis ka furo Hargeysa, kadib markii sida la sheegay ay wadahadallo yeesheen wasiirka arrimaha dibedda Kenya Dr Monica Juma iyo wakiilka Somaliland ee Kenya Cumar Baashe. Wargeyska oo qoraalkiisa sii wata ayaa sheegay in Dr Juma ay kulan la yeelatay wasiirkii hore ee Somaliland Sacad Cali Shire. Kulamadaasi kadib, wasiiradda Dr Juma ayuu wargeyska sheegay in ay warqad u qortay Xoghayaha Joogtada ah ee Shaqaalaha Rayidka ah Joseph Kinyua si uu u fududeeyo hawsha xafiiska cusub ee Hargeysa. “Xidhiidh taariikhi ayaa nagala dhaxeeyey Kenya illaa xiligii gumeystihii, tallaabada ay Kenya qaadday in ay xafiis uga furato Hargeysa waxa ay sare u sii qaadaysaa iskaashi dhanka ganacsi iyo bulsho oo na dhexmara” ayuu wargeyska kasoo xigtay Cumar Baashe oo ah wakiilka Somaliland ee Kenya. Somaliland ayaa bishii Diseembar ee sannadkii hore Nairobi ku qabatay shir arrimaha maalgashiga looga hadlayo, shirkaas oo uu furey wasiirka arrimaha dibedda Yaasiin Maxamed, kaas oo maalgashadayaasha Kenya ku dhiirogaliyay in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi jira. Wakiilka Somaliland ee Kenya ayaa soo hadal qaaday ganacsiga qaadka Kenya oo uu sheegay in wax badan laga macaashayo, isaga oo sidoo kale ku taliyay in shirkadda diyaaradda ee Kenya Airways ay biloowdo duulimaadyo toos ah oo ay ku tagayso Hargeysa. Wakiilka Kenya ay u igmatay arrimaha Somaliland Mr Githiora ayaa horey uga hawlgali jiray safaaradda Kenya ee Moscow, Ruushka. Warkan uu wargeyska qoray ayaa imanaya xilli bilihii lasoo dhaafay uu madmadoow soo kala dhexgalay xidhiidhka Kenya iyo Soomaaliya, inkasta oo markii dambe labada dowladood ay sheegeen in ay isfaham ka gaareen wixii jiray. Source
  16. Garowe (SMN) – Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland oo Garowe ka daah-furay shirka Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in loo baahan yahay in si dhab ah looga wada faa’ideysto kheyraadka dalka, kaas oo uu tilmaamay in uu wada deeqo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Deni ayaa ganacsatada ka dalbaday in ay isu gacan qabtaan hanaanka looga wada faa’ideysan karo kheyraadka ay leedahay Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in ka maamul ahaan ay door muuqda ka qaadan doonaan hormarinta ganacsiga Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhagesyo Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/cod-puntland-1.mp3 View the full article
  17. (SLT-Dimishiq)-Hogaamiyaha Kooxda Daacish Abubakar ayaa markii u horraysay muddo 5 sanno wuxuu ka soo muuqday muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada. This image made from video posted on a militant website on Monday, April 29, 2019, purports to show the leader of the Islamic State group, Abu Bakr al-Baghdadi, being interviewed by his group’s Al-Furqan media outlet. Al-Bagdadi acknowledged in his first video since June 2014 that IS lost the war in the eastern Syrian village of Baghouz that was captured last month by the Kurdish-led Syrian Democratic Forces. (Al-Furqan media via AP) Hogaamiyahan oo magaciisa rasmiga yahay Ibrahim Awwad Ibrahim Ali al-Badri, Dhalasho ahaana ka soo jeeda Ciraaq ayaa ku goodiyay inay aargoosan doonaan ka gadaal markii laga qabsaday dhammaan dhulkii ay ka haysteen wadamada Ciraaq iyo Suuriya. Al Baqdadi oo aan la arkin muuqiisa ilaa bishii julay ee sanadkii 2014ka ayaa muuqaal 18 daqiiqo ahaa oo laga sii daayay warbaahinta afkooda ku hadasha al-Furqan media network, waxa uu kaga hadlay guuldaradii kooxdiisu kala kulantay degaanka Baghuz oo ahayd goobtii ugu dambaysay ee ay kaga sugnaayeen wadanka Ciraq Sidoo kale wuxuu ka hadlay Qaraxyadii lagu laayayay boqolaal qof ee u dabaaldegayay ciidada Easterka ee Masiixiga ee wadanka Sirilaanka. dagaalo kooxdiisu ka wadaan wadamada Maali iyo Burkiino Faso ee qaarada Afrika Dagaalkii Baghus wuu dhamaaday, laakiin Dagaalo badan ayaa imaan soo socda” ayuu yidhi baqdaadi. Kooxda Daacish ayaa mar ka talin jirtay dhul ballaaran oo ku yaala wadamada Ciraaq iyo Siiriya ka hore intii aan xoog looga xorayn. Source
  18. Dhoobley (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo xalay lagu qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ku sugnaa deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarkan oo loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa la sheegay in lagu qaaday Guri ay ku sugnaayeen Ciidamadaasi oo ku yaalla xaafadda koowaad ee degmadaasi. Ugu yaraan hal Askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawameen lix kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira taliyaha deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale wararka aya intaasi ku daraya weerarkani kadib Ciidamadu howlgallo dad lagu soo qab qabtay ay ka sameeyeeen halkaasi. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  19. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay waxaa uu Muqdisho kulamo kula yeeshay guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal oo golaha shacabka ah iyo Cabdi Xaashi oo aqalka sare ah. Madaxweyne Shariif oo kulanka ku wehliyeen xildhibaannada xisbiga Himilo Qaran ayaa la sheegayaa inuu bilaabay dadaalo lagu dhameynayo khilaafka labad aqal oo 4 bil jirsaday. Ma cadda waxyaabaha ay isku soo qaadeen labada dhinac, laakin ilo kulanka ku dhow ayaa sheegaya in ujeedka ahaa sidii labada aqal ay dib ugu bilaabi lahaayeen wada shaqeynta, isaga oo Shariif marar hore ku celceliyey in wada shaqeyntooda ay wax badan ku xiranyihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-30042019-bb.mp3 View the full article
  21. Doha (Caasimada Online)-Axmed Ciise Cawad Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba aysan xubin ka noqon doonin isbaheysi ka dhan ah dalalka Qatar iyo Turkey. Wasiir Cawad oo ka qeybgalayay Siminaar lagu qabtay Mac-hadka Diblomaasiyadda ee hoostaga Wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa sheegay in waddamada ku midoobey isbaheysiyada Badda Cas, Badda Carbeed iyo Gacanka Caqaba, ay isku dayayaan in ay SOomaaliya ka saaraan Isbaheysiga Badda cas. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay go’aanno ad adag ka qaadatay khilaafkii Waddamada Khaliijka islamarkaana ahaayeen go’aanno ku xirnaa madaxbanaanida Soomaaliya. Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in Soomaaliya ay sidoo kale ka guuleysatay caqabad ka soo wajahday dhinaca Kenya oo la xiriirtay Muranka Badda islamarkaana la dejiyay xaaladda go’aankana loo daayay Maxkamadda ICJ. Danjire Axmed ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay Xeebaha ugu dheer Afrika marka laga reebo Madagascar,waxaa uu xusay in dalkiisu u baahanyahay maalgashi iyo dib u dhis,waxa ugu horreeyana ay ka midyihiin dayactirka 8 Dekadood. Wasiirku waxaa kale oo uu madasha ka sheegay in Soomaaliya iyo 44 Dal kale oo Afrikaan ah ay ka shaqeynayaan mashruuc lagu sameynayo suuqa Afrika oo looga hortagayo abaaraha dhallinyaradana loogu abuurayo shaqo. Caasimada Online Xafiiska Qatar Caasimada@live.com
  22. Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaday guri sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland uu ka deganaa magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa bambaanooyin lagu weeraray guriga oo ku yaala degmada Dhoobleey, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh. Weerarkaasi ayaa lagu waramayaa inuu sababay dhimashada hal askari oo ka mid ahaa ciidamada Jubbaland iyo dhaawaca 7 kale oo ku sugnaa guriga, waxaana dadka dhaawacmay kamid ah taliyaha ciidamada Jubbaland ee deegaanka Taabto. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen rasaas ay ciidamada amaanka ku rideen dadka weerarka ka dambeeyay oo la sheegay inay ka baxsadeen halka ay weerarka ka geysteen. Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi bambaano, hayeeshee waxaa inta badan weerarada noocaas oo kale ah mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo dadka taageera. Maamulka degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee degmadaasi weli kama hadlin weerarkaas,balse Wararka saakey laga helayo degmadaasi Dhoobley ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Jubbaland ay wadaan baaritaano. Al Shabaab ayaa horey u sheegtay masuuliyadda weeraro kala duwan oo lala eegtay saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana saraakiisha Jubbaland dhankooda ay sheegeen in xubnaha weerarkii Dhoobleey ka dambeeyay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Dhoobleey Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wajahaya laba darran mid dooro, xilli aysan weli go’aan ka gaarin shirka la filayo in labada bisha May uu ka dhaco Garoowe ee dowladda iyo dowlad goboleedyada. Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyey in 2-da bisha May uu Garoowe ka furmi doono shirkan, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda maamul goboleedyada inay ka soo qeyb galaan. Si kastaba, waxaa jirtay inuu horey u baaqday shir uu madaxweyne Farmaajo ku casuumay madax goboleedyada oo la doonayey inuu Villa Somalia ka dhaco 19-22 April, kadib markii ay diideen ama ka cududr darateen qaar ka mid ah madax goboleedyada. Waxaa shirkaas sababo jadwal uga cudur daartay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, halka Xaaf uu ku gacan seeray maadaama weli uu dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo dowladda. Farmaajo iyo Kheyre, ayaa hadda wajahaya laba darran mid dooro. 1 – Haddii ay ka qeyb galaan shirka Garoowe, waxay u muuqan doonaan in siyaasad ahaan laga adkaaday, maadaama shirkoodii lagu gacan seeray laguna qasbay inay shir kale u tagaan magaalada Garoowe. 2 – Waxay wajahayaan cadaadiska beesha caalamka, waxaana haddii ay diidaan shirka ay u ekaan doonaan inaysan dooneyn in xal laga gaaro khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, xilli dhowaan madax goboleedyada ay wakiilada beesha caalamka kula kulmeen Nairobi, ugana dacwoodeen dowladda dhexe. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Farmajao iyo Kheyre ay maalmihii dhowaa dhowr mar ka shireen arintan, welina aysan wax go’aan ah gaarin, ayada oo ay ku adag tahay in labada qodob mid ay qaataan. Waxaa sidoo kale jirta in Saciid Deni uu shirkan ku dhowaaqay isaga oo aan marka hore la tashan madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, taasi oo xubno ku dhow Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online ay ku macneeyeen “cayaar siyaasadeed oo la doonayo in dowladda gool looga dhaliyo.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  24. The leader of the Islamic State group has appeared for the first time in 5 years in a video released by the extremist group’s propaganda arm. The video released by Al-Furqan on Monday shows Abu Bakr al-Baghdadi appearing with a bushy grey and red beard, wearing a black robe with a beige vest and seated on the floor with what appears to be a machine gun propped up next to him. It is his first video appearance since he delivered a sermon at the al-Nuri mosque in the Iraqi city of Mosul in 2014. The SITE Intelligence group said al-Baghdadi acknowledged in the video the defeat in the battle for Baghouz, the group’s last stronghold in Syria, and discussed the bombings in Sri Lanka that killed more than 250 people. Qaran News