-
Content Count
211,234 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
In ka badan 300 oo shaqaale ah oo hay’adda shaqaalaha dawladdu ka soo kala xushay gobollada dalka ayaa la sheegay in ay meehanaabayaan kadib markii wasaaradaha lagu qoray hawl galin waayeen. Xogo wargeyska Waaberi ka helay arrintan ayaa sheegaya in badiba 300 oo qof lagu soo xulay barmaamijkii kaalmo shaqo oo loo qaybiyay hay’adaha iyo wasaaradaha dulku aanay helin shaqo rasmi ah. Guulaysteyaashan Kaalmaha shaqo ee imtixaanadii lixda gobol lagu qaaday ku soo baxay, ayaa isugu jira 210 wiil iyo 90 gabdhood,waxaanay xoguhu sheegayaan in laba Wasaaraddood oo kala ah Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo Wasaaradda Caafimaadka & weliba Hay’adda Dhawrista Tayadda ay si rasmi ah u shaqalaysiyeen tiradda dhalinyaradii lagu kala qoray, haseyeeshee wasaaradaha iyo Hay’addaha kale ee dalku ay hoosta dhigeen magac-yadda liisaskii Hay’adda shaqaaluhu u gudbisay ee shaqaalaysiinta dayartan, waxaana jira tuhuno aan la xaqiijin oo ku saabsan in boosaskooda dad kale lagu buuxiyay. Geesta kalena Wasaaradda War-faafinta ayaa daraad liiska magac-yadda 44 qof dib ugu soo celisay Hay’adda shaqaalaha Dowlada, kuwaas oo kamid ahaa 300 ee qof ku guulaystay Barmaamjikii kaalmo shaqo , waxaanay wasaaradda war-faafintu sheegtay in aanay u awoodin shaqaalaysiintooda iyadooo ku andacootay inay shaqaaluhu ku badan yihiin Dhanka kalene 50 qof ee ku guulaystay tartankii kaalmo shaqo ee gobolka Maroodijeex, ayaan iyag meel-na lagu qorin, waxaanay shalay kulan la yesheen Guddoomiyaha Hay;adda Shaqaalada Farxaan Aadan Haybe, kaasi oo u sheegay inay laba asbuuc kadib kusoo noqdaan. Docda kalene lama garanayso sababta ay Masuuliyiinya Wasaaraddaha iyo Hay’addah Dowlad ee lagu kala qoray shaqo siinta dhalintaasi ay ugu caga jiidayaan, halka qaarkoodna la sheegay inay dad kale ku shaqaalaysiiyeen magac-yaddii, Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu dab xooggan ka kacay Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha. Dabka ayaa la sheegay inuu ka kacay agagaarka Cabdalla Shideeyey, waxaana Caasimadda Online loo xaqiijiyey inuu dabka ku eg yahay illaa hadda meeshii uu ka kacay oo ah Dabaqa Al-Khaliij oo ku dhex yaalla Suuqa Cabdalla Shideeye. Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu dabka geystay Khasaaro Hantiyadeed inkastoo aan weli la sheegin inay jiraan Khasaaro nafadeed. Baabuurta Dab damiska ayaa gaaray halka uu dabka ka kacay, waxaana ilaa hadda lala tacaalayaa sidii loo damin lahaa dabkaas oo laga cabsi qabo inuu ku faafo qeybo kale. Suuqa Bakaaraha ayaa mar kasta galo xaalad noocaan oo kale ah mana jirto illaa hadda waxa sababo dabka iyo cidda ka dambeyso. Wixii warar ah ee kusoo kordho kala soco Caasimadda Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Sheegay In Imaaraadku Faro Gelin Ku Hayo Siyaasadda Gudaha & Doorashooyinka Somaliland Siyaasi Ismaaciil Hurre Baabaa oo ah siyaasiyiinta miisaanka leh ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in dawladda Imaaraadka Carabtu faro gelin u xaglinaysa Kulmiye ku hayso siyaasadda Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka. Mr Buubaa oo si dhaw ula socda siyaasadda gobolka iyo xulafooyinka ku lugta leh ayaa sheegay in ay jiraan ifafaalooyin muujinaya in Abu Dabay Shidaalinayso tallaabooyin aan haboonayn oo xukuumadda Kulmiye qaadayso iyo kuwo ay soo waddo. Ismaaciil Hurre Buubaa oo waraysi siinayay telefishanka Universal waxa uu odorosay socdaalkii madaxweyne Biixi iyo waxyaabihii xukuumaddu ka tidhi “Siyaasadda odoroskeedu waxay macno ku samaysa waaqacyo kala duwan oo laga yaabo in ay meelo siyaabo gooni ah uga kala dhaceen haddana cilaaqaad ka dhexeeyo,” ayuu yidhi Prof Buubaa. Waxa uu intaasi raaciyay waxyaabaha uga soo baxay dhacdooyin daba socday safarkii madaxweyne Biixi badhtamihii bishan ku tagay Imaaraadka “Anigu waxaan u arka wasiirka arrimaha dibadda ee la socday madaxweyne Muuse Biixi socdaalkii uu ku tagay Imaaraadka hadalladii uu ku dhawaaqay iyo wasiirka Daakhiligu isaga oo markii dambe la fadhiya xisbiga UCID isaguna arrimo uu ku dhawaaqay in ay arrimo fara badan ka dhexeeyaan. Waa mid e wasiirka arrimaha dibaddu wuxuu inoo sheegay in arrimaha lagu soo heshiiyay Imaaraadka ay ka mid ahaayeen sidii loola dagaallami lahaa argagixisada, wasiirka daakhiliguna markii uu la fadhiistay UCID wuxuu sheegay in xisbiga WADDANI laga kaaftoomi karo oo xisbiga Kulmiye iyo xisbiga UCID ay kaligood qaban karaan doorasho, waxa la ogsoon yahay arrintaasi in ay tahay arrin khalkhal iyo dhibaato weyn keeni karta aniga waxay ila tahay kolka la yidhaahdo Waddani waa la janibaya waxaanan u diyaar nahay argagixiso iyo wixii dhibaato sameeya shaqo ka qabano dawladda Imaaraadkana arrintaas baanu kala soo hadalnay cid kasta way u caddahay cidda loo jeedo iyo sida ay wax yihiin. Anaga oo ixtiraamayna walaalahayaga Carbeed ee Imaaraadka waxaanu aad iyo aad si dheer ugu sheegayna innaba in aanan u dulqaadan doonin wixii aanu aragno in ay burburinayso geeddi socodka dimuqraadiyadda ee dadkayagu doortay in uu noqdo sida aanu siyaasaddayada u maamulno,” Sidaas ayuu yidhi Prof Buubaa. Qaran News
-
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay ka dhego adagtay gurmad ay mudo shan cisho ka hore ka dalbadeen labada Sarkaal ee lagu diley shalay duleedka degmada Yagoori , haseyeeshee ay Xukuumadda Biixi dhegaha ka furaysatay inay gurmad fidiso, isla markaana ay ka bad-baadiso weerarkii ay dablayda hubaysani ku khaarajiyeen labadaa Sarkaal ee ka tirsanaa Ciidanka Booliska iyo Asluubta Somaliland Guddoomiye Cirro ayaa sidaasi ku sheegay mar uu war-baahinta kula hadlayey Xarunta guud ee xisbiga WADDANI “Saraakiishii ciidanka Somaliland ee denbiilayaashu ku dileen gobolka Sanaag qarankana waan ka tacsiyadaynayaa , ehelkii iyo xaasaskoodii iyo qaraabadoodiina waan ka tacsiyadaynayaa , waxa waajib ah in sharciga dambiilayaasha la horkeeno .” Dhanka Kalene Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in labadaa sarkaa ka hor intii aan la dilin ay qayladhaan ay gurmad kaga dalbanayaan ay usoo direen Xukuumadda , balse ay Xukuumadda ka dhego adaygtay “Waxaan’se ka xumahay sida la sheegay in Saraakiishaashii muddo shan cisho ah , ay gurmad ka dalbanayeen Maxamed Kaahin oo ku mashquulsanaa doorasho laba Xisbi ayaan qabanayaa “ Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xukun xarig ah ku ridday Maxamuud Jaamac Axmed [Xamdi] oo lagu soo eedeyay inuu Aflagaadeeyay Diinta Islaamka. Maxamuud Xamdi ayaa waxa uu kamid ahaa Macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada Somaliland. Sida Caasimada Online u xaqiijiyey Garsooraha Maxkmada G/Maroodi-jeex, waxa laba sanadood iyo lix bilood oo xarig ah ay ku xukuntay maxkamadu Maxamuud Jaamac Axmed Xamdi. Muwaadinkan maanta xukunku ku dhacay ayaa lagu soo eedeyay inuu Warbaahinta internet-ka iyo baraha bulshada ku baahiyay qoraalo uu ku aflagaadeynayo Diinta Islaamka. Maxamuud Xamdi, ayaa waxa uu kamid ahaa Musharixiintii ka qayb-galay doorashadii 2012-kii ee Golaha deegaanka Hargeysa, isagoo waqtigaasina iska soo sharaxay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Madaxweyniha 7aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Xasan ayaa ku guuleystay dadaalkiisa ahaa iney is hor fariistaan guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah kadib markii ay maanta isku arkeen xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Labada aqal ee ay kala matalaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa uu xiriirkooda jarnaa tan iyo 3-dii Janaayo 2019. Aqalka sare ayaa sababo dastuuri awgood xiriirka u jaray golaha shacabka. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu kulanka socdey ka codsaday labada dhinac in la xoojiyo wada shaqeynta labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, si ay u horseeddo qorshe iyo waxqabad mideysan oo sal dhig u noqda xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay waxaa uu Muqdisho kulamo kula yeeshay guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal oo golaha shacabka ah iyo Cabdi Xaashi oo aqalka sare ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia’s Foreign Minister Ahmed Isse Awad yesterday stressed that his country will not enter into any alliance or bloc of any kind against Qatar and Turkey. Due to this, he said, a territorial group, comprising countries from the Red Sea, the Arabian Sea and the Gulf of Aqaba, is trying to exclude Somalia, confining it to the coastal countries of the Red Sea. In a seminar held at the Diplomatic Institute at the Ministry of Foreign Affairs under the title ‘The Horn of Africa … Prospects for Political Cooperation and Economic Integration’, the minister invited Qatar to participate strongly in investment in various areas of maritime infrastructure and other areas, noting that Somalia has the largest beaches in the Horn of Africa after Madagascar, and has a vision to develop eight ports. He underlined that Somalia has taken a neutral position in the Gulf crisis, saying that it is a sovereign decision and others must respect the independence of the Somali decision. Awad noted that the Gulf crisis affected Somalia because it decided to stay neutral in the dispute. Somalia is not like before and things have changed. It is keen on the independence of its decision. He added that the Somali leadership seeks to achieve Africa comprehensive vision 2063, noting that Somalia and 44 African countries have launched a project to set up a joint African market, which will be a chance to end famine and create job opportunities for young people who make up a large proportion of the continent. The minister said that the lack of advanced infrastructure in his country will delay the achievement of the desired development sought by the political leadership, indicating that this requires countries with potential, such as Qatar and others, to consider how they would contribute to the changes that the peoples of the region aspire to. He said that Somalia looks forward a strong contribution by Qatar in support of various sectors and areas of development. On the other hand, the Somali FM said that Somalia has overcome differences with Kenya, and noted that the dispute over the maritime borders will be referred to the International Court of Justice. He stressed that the government of Somalia seeks to create a healthy environment within the Somali society to renounce violence and prompt young people to contribute to building their country. The seminar was opened by Director of the Diplomatic Institute Dr Abdulaziz bin Mohamed al-Horr who stressed the importance of Somalia and its role in the Horn of Africa. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa Midowga Yurub kala wareegay Gaadiid loogu tala galaya Dabdamiska degmooyinka Hodan iyo Wadajir. Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda. Isagoo sheegay in Gaadiidkan ay kala wareegeen Midowga Yurub ka howlgeli doono degmooyinka Hodan iyo Wadajir oo laga hirgeliyey xarumaha gurmadka deg-degga ah. Mudane Yarisow ayaa xusay in gaadiidkani ay ka kooban yihiin booyaha biyaha qaada iyo gaadiidka dab-damiska oo ah mid casri ah, waxuna tilmaamay in maamulkiisu uu mudnaan dhow siinayo sidii adeegyada dabdamisku u noqon lahaayeen kuwa dhameystiran oo dabooli kara baahida shacabka. “Waxaan uga mahadcelinayaa Midowga Yurub oo maanta nagu wareejiyey gaadiid dabdamis oo agabkiisu u dhameystiran yahay, tanoo qeyb ka ah qorshaheena ku addan in degmooyinka Caasimaddu ay helaan adeegyada gurmadka, laguna bilaabayo labada degmo ee Hodan iyo Wadir oo xarumo laga furay”. Ugu dambeyn, Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Garrido Ruiz Fulgencio ayaa sheegay in mar walba diyaar u yihiin taageerada shacabka Soomaaliyeed, isla markaana qalabkani ay ugu talagaleen in lagu caawiyo bulshada Caasimadda. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta lagu Wareejiyay gaadiidka la Dagaallama Dabka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo maanta shir gudoomiyey shir deg deg ah oo Abaarta looga hadlayo. Shirka waxaa ka qayb-galay Wasiiro, [...] Source
-
SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW AAN SIDUU YAHAY EEGNEE KANNA SIIB KANNA SAAR AUN, Abwaan C/laahi Suldaan Timmacadde Waa Maalintii Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland, waa Maalintii aynu xornimadda qaadaney, ka did baadi goob dheer iyo dadaal fara badan oo ay awowyaasheen ku soo dhiciyeen Hasheenii Maandeeq. waa Maalinta Qarannimadda Somaliland. Qarankani ma geyo in la marin habaabiyo , 26 JUNE 1960, waa Maalin la wadda leeyahay lawyacaddo ilaa YOOCADDA. Sax ma aha in 18 MAY , laga dhigo maalintii Qaranku lahaa, 18 may maxaa dhacay? ma xornimmo ayeynu ka qaadaney GB ? waxaan dood ka qabaa 18 May waxaan Odhan lahaa, maalinta Qarranku waa 26 JUNE 1960, ha loo soo Noqdo maalinta saxda ah ee qarranku leeyahay, 18 MAY waa Lugooyo Qarrankanni Waxuu Xornimmo qaatey 26 JUNE 1960, Ma mar labaad ayaa xorrnimo aynu qaadaney? arrinkaas sax ma aha. Dawladda Somaliland waxaan Kula talin lahaa in Meesha laga Saaro 18 MAY, oo maalintii Qarranku lahaa la xuso oo la Xasuusto. Waxaad Moodaa, in waxii Qarranku, Qarran ku Noqon lahaa, la ilduufaayo, ama si badheedh ah loo baal maraayo, ogaada Taariikhda aduunka waxaa Qorran 26 JUNE 1960 Waxay Wax baddan ka tarri lahayd, Ictiraaf Raadinta aynu u baahanahay, Waxay wax ka tareysaa SOMALILAND LA WADDA LEEYAHAY, uma baahnin maanta maalin murran baddan dhalisa oo aan loo dhamayn, Waxaan ku soo koobayaa Dib ha loogu Noqdo , Maalintii Somaliland wadda lahayd, Kayse Kahin keysekahin@gmail.com Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Labada Guddoomiye ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinkii u qabsoomay Labada Gole muddadii lasoo dhaafay, iyagoona dul istaagay dadaallada joogtada ah ee mudaneyaasha Baarlamaanku ay ugu jiraan dejinta iyo ansixinta sharciyada dalka. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta Labada Gole ee Baarlamaanka, si ay u horseeddo qorshe iyo waxqabad mideysan oo sal dhig u noqda xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyeyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa isla qaatay dardar gelinta howlaha horyaalla Baarlamaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin meel marinta 29-ka hindise sharciyeed ee Xukuumaddu ay gudbisay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Mudaneyaasha Baarlamaanka in ay ansixiyaan shuruucda hor-tabinta leh, ka hor xiritaanka kalfadhiyada Labada Gole ee haatan socda. Puntland Post The post Madaxweynaha oo la kulan la qaatay Gudoomiyaasha labada gole ee Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Labada Guddoomiye ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinkii u qabsoomay Labada Gole muddadii lasoo dhaafay, iyagoona dul istaagay dadaallada joogtada ah ee mudaneyaasha Baarlamaanku ay ugu jiraan dejinta iyo ansixinta sharciyada dalka. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta Labada Gole ee Baarlamaanka, si ay u horseeddo qorshe iyo waxqabad mideysan oo sal dhig u noqda xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyeyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa isla qaatay dardar gelinta howlaha horyaalla Baarlamaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin meel marinta 29-ka hindise sharciyeed ee Xukuumaddu ay gudbisay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Mudaneyaasha Baarlamaanka in ay ansixiyaan shuruucda hor-tabinta leh, ka hor xiritaanka kalfadhiyada Labada Gole ee haatan socda.
-
Hargeysa (Somalilandtoday) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay ka dhego adagtay gurmad ay mudo shan cisho ka hore ay ka dalbadeen labada Sarkaal ee lagu diley shalay duleedka degmada Yagoori , hasyeyeeshee ay Xukuumadda Biixi dhegaha ka furaysatay inay gurmad fidiso, isla markaana ay ka bad-baadiso weerarkii ay dablaydaasi ku khaarajiyeen Guddoomiye Cirro ayaa sidaasi ku sheegay mar uu war-baahinta kula hadlayey Xarunta guud ee xisbiga WADDANI “Saraakiishii ciidanka Somaliland ee denbiilayaashu ku dileen gobolka Sanaag qarankana waan ka tacsiyadaynayaa , ehelkii iyo xaasaskoodii iyo qaraabadoodiina waan ka tacsiyadaynayaa , waxa waajib ah in sharciga dambiilayaasha la horkeeno .” Dhanka Kalene Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in labadaa sarkaa ka hor intii aan la dilin ay qayladhaan ay gurmad kaga dalbanayaan ay usoo direen Xukuumadda , balse ay Xukuumadda ka dhego adaygtay “Waxaan’se ka xumahay sida la sheegay in Saraakiishaashii muddo shan cisho ah , ay gurmad ka dalbanayeen Maxamed Kaahin oo ku mashquulsanaa doorasho laba Xisbi ayaan qabanayaa “ Source
-
(SLT-Hargeysa)-Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa la sheegay in uu ku gacan-saydhay qorshe ay ula tageen xisbiyada Kulmiye iyo UCID oo maalmihii u dambeeyay waday dadaallo wada jir ah oo ay dabada kaga riixayaan qabsoomidda doorashada Golaha Wakiillada ee dhammaadka sanadkan oo warwar weyn laga qabo in ay wakhtigoodii ku qabsoomaan. Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa Axaddii kulan la qaatay shir-guddoonka Golaha Wakiillada kaas oo nuxurkiisu ahaa sidii Goluhu u dardar gelin lahaa ansixinta xeerarka khuseeya doorashooyinka ee hor yaalla. Waxa kulankaasi ka horeeyay kulamo labada xisbi la yeesheen Komishanka oo ku aaddana qodobo ay labada xisbi ku heshiiyeen. Ma Jiro war rasmi ah oo ay labada dhinac ka soo saareen waxa ka soo baxay kulankii Axaddii laakiin, warar xogogaal ah oo wargeyska Waaberi ka helay kulanka ayaa sheegaya in Shir-guddoonka Wakiilladu u sheegay masuuliyiinta ka socday Kulmiye iyo UCID in xeerarka doorashada khuseeya ee Golaha hor yaalla u xanniban yihiin xal u helidda Saami Qaybsiga kuraasta wakiillada. Shir-guddoonka ayaa la sheegay in ay labada xisbi u sheegeen in marka hore xal laga gaadho saami qaybsiga kuraasta wakiillada oo ah caqabad weyn oo doorashada hor taalla. Geesta kale waxa la sheegay in kulamo ay labada xisbi la qaateen Komishanka doorashooyinka loogu sheegay in aanay xukuumadda iyo Beesha Caalamku bixin dhaqaalihii looga baahna ee doorashada iyo abaabulkeeda ku baxayay. Dadka siyaasadda Odorosa ayaa u arka in dadaallada Kulmiye iyo UCID iskood u bilaabeen yihiin culays weyn oo xukuumadda kaga yimid dalalka doorashooyinka ka taageera Somaliland oo madaxweynaha u muujiyay digniin weyn oo ah in ay faraha kala baxayaan Somaliland haddii doorashadu dib u dhacdo. Xisbiga WADDANI ayaa isagu ku eedeeyay labada xisbi in aanay marnaba ka hadal waxa laga yeelayo caqabadaha tirada badan ee hor yaalla doorashooyinka. Xisbiyada waxa kala irdheeyay khilaaf 13 bilood soo jiitamayay oo ubucdiisu tahay in la kala diro Komishanka iyada oo caqabada labaad tahay in xal loo helo saami qaybsiga kuraasta wakiillada. Guddoomiyaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo ku xigeenkiisa 1-aad Axmed-yaasiin Sh Cali Ayaanle oo ka soo kala jeeda gobollada Awdal iyo Sool ayaa ka mid ah dadka sida weyn u danaynaya in la helo saami kuraasta wakiillada ah oo lagu wada qanacsan yahay. Gobollada Galbeedka iyo Bariga Somaliland ayaa ah kuwa tabashada ugu weyn ka qaba kuraasta wakiillada. Ugu Dambeyn kulan hoggaanka xisbiga WADDANI yeeshay Axaddii ayaan laga soo saarin wax war ah laakiin, waxa la sheegay in kulanka uu hadheeyay werwer xisbigu ka qabo qaabka xukuumadda iyo labada xisbi u wadaan arrimaha doorashooyinka waxaana la filaya in maanta uu guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi saxaafadda u bandhigo mawqifka xisbiga ee arrimaha socday maalmihii u dambeeyay ee ku saabsan doorashooyinka. Source
-
Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in ay mudda saddex bilood ah xaalad deg deg ah ku soo rogtay degmooyinka Ceel-afweyn, Gar-adag iyo Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud warsame Jaamac ayaa sheegay in xaalad deg deg ah madaxweynaha Somaliland ku soo rogay degmooyinkaasi kadib markii falal amni-darro ah ay ku soo noq-noqdeen maalmihii u dambeeyay. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada kala duwan ee Somaliland lagu amray in ay qaadin karaan tallaabo kasta oo lagu sugayo amniga magaalooyinka xaaladda deg dega lagu soo rogay. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Somaliland oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo amni mudda saddex bilood ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Kadib shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen odayaasha, culuma’udiinka, dhalinyarada iyo haweenka Beel Weynta Shiiqaal Jaziira iyo Beelaha Banaadiriga ayaa waxaa ay si isku mid ah uga dhiidhiyeen dhul boob ka socda deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho. Suldaan Nuur Xaaji, Nabadoon Maxamed Weli, Ugaas Axmadey iyo Suldaan Bin Cali oo si wadajir ah ula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay boob lagu hayo dhul ay ku leeyihiin deegaankaasi. Sidoo kale waxa ay uga digeen cid kasta oo ku howlan dhulka deegaanka Jasiira in aysan meel cidlo ah ku bixin Lacagtooda, maadaa dhulkaasi ay leedahahay Beel Weynta Shiiqaal Jaziira. Dhinaca kale Nabadoon Maxamed Weli ayaa Warbaahinta u akhriyay, go’anno ka soo baxay hoggaanka Beesha Shiiqaal. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/War-Cabdiqani-Dhulka.mp3 View the full article
-
Doha (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo hadal ka jeedinayay shir uu soo qaban qaabiyay Machad ka faalooda arrimaha Diblumaasiyada oo hoostaga dowladda Qatar, kaas oo ciwaan looga dhigay “Geeska Africa” ayaa daboolka ka qaaday in Soomaaliya khilaafka ka dhex aloolsan wadamada Khaliijka ay ka qaadatay go’aan dhex dhexaad ah, islamarkaana weli ay huwantahay go’aankeedii shalay. Sidoo kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in go’aankaasi uu saameyn ba’an ku yeeshay, si kasta oo ay ahaatana aysan ka noqon doonin go’aankooda. “Waxaan rabnaa in aan u madax banaano go’aankeena iuo dhulkeena”sidaas waxa yiri Wasiir Cawad. Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa la sheegay in Soomaaliya ay ku cadaadinayaan sidii ay xiriirka ugu jari laheyd dowladda Qatar, hayeeshee waxaa go’aankaas ka biyo diiday Soomaaliya. View the full article
-
Kismayo waa magaalo nabadgalayo dhammaystiran ay ka jirto, nabadda ka jirta ma ah mid dabiica ah oo dhaqan soo jireen ah ku samaystan ee waa mid karti iyo dedaal hoggaamineed ku samaysantay. Kismaayo marka laga tago tirada dadka deggan oo ka yar kuwa ku nool Moqdisho, haddana waxay kala mid tahay in ay Soomaali oo dhan ay daggantahay (Qabaailka) Waxaa ka jira ammaan aysan suurta gal u ahayn Alshabab oo inta badan 3 gobol ee Jubbaland haysta in ay qarax iyo dil ka sameeyaan. Sidoo kale, waxaa ka jira amni ka baxsan dhaqan malaashiyaad ku kici kara faldanbiyeed ka dhan ah bulshada magaalada. Awoodda amniga iyo qoriga hal gacan ayay ku jirtaa; waana gacanta maamulka jubbaland. Waxaan ku soo arkay askar dishbliin ka fiican kuwa badan oo aan arkey, ka duwan qaab labiska iyo muuqaalka; Ka duwan qaab dhaqameedka iyo howlgalidda. Ka duwan sida checkpoints wax loogu baaro. Hadalkii oo kooban waa magaalo hoggaanka Jubbland uu ku guulaystay in uu si sax ah u xasiliyo. Waxaad ogaata in uu amnigu qaali yahay, ninkii magaalo amni kadhigana uu mudan yahay ugu yaraan in loo qiro xitaa haddii la kala ra’yi duwanyahay. Arimaha siyaasadda Arimaha siyaasadda waxaa oday Ka ah M. Ahmed Madobe iyo dhowr qof oo kale. Waxayna kala yihiin: Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Warsme Darwish, wasiirka waxbarashada Macalin Maxamuud, wasiirka maaliyadda Cabdirashid Jire Qaline, wasiirka amniga Abdirashid Janan. Marka laga tago in uu Axmed yahay nin howlkarnimo, geesino iyo aftahanimo isku darsaday haddana ma leh hoggaamin siyaasadeed oo dhaafsiisan in uu awoodda gacanta ku haysto. Fahan fiican kama haysto sidii maamulka dowladda loo daadjin lahaa, sidii ganacsiga loogu sahli lahaa in uu bulaalo, sidii dadka loogu fasaxi lahaa in ay doodo siyaaasadeed, bulsho, iyo xisbiyo samaystaan. Sidoo kale, waxaa maqan dhaqanka muhiimka u ah hanaanka dowladda oo ah in la helo awoodda howl fulinta,barlamaanka iyo garsoorka oo kala madax banaan. Arinta ah in dhammaan shayga ugu yar iyo kan ugu weyn Axmed loo hoostago waxay khatar ku tahay samaysanka hay’ado aan shaqsi ku xirnayn ee si madaxbanaan shacabka ugu adeega. Haddii maanta uu Axmed meesha ka baxo, waxay u badantahay in ay magaaladu ama Jubbalandba ay fowdo ama jaha wareer galikarto maxaa yeelay ma jiraan nidaam diyaarsan oo ay tahay in uu shaqada sii wado. Maamulka halka qof ku dhisan caadi ahaan wuxuu la baxaa qofka. Sidaas darteed, waa in laga fikiraa sidoo loo samayn lahaa hay’ado shaqeeya oo aan qof ku xirnayn. Caddaaladda bulsho Markii aan garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ka dagay waxaa gudaha ku jiray dhowr tagsi, nasiib darro way iga buuxsmeen. Waxaa la ii sheegay In ay banaanka taaganyihiin tagaasii kale. Markii aan boorasdii soo jiitay ee aan banaanka imid waxaan ugu imid kuwa badan oo baakin ku jira. Mid ka mid ah tagaasiilaydii banaanka taagnayd ayaan wiidiiyay: maxaad gudaha u soo gali waysay? Wuxuu iigu jawaabay naloomo ogolo Haye maxay ahaayeen 3 tagsi ee gudaha ku jirtay? Waxaa iska leh askar! Arintaas maad ka dhiidhisaan? Saas ayaan kula tala jirnaa, laakiin waxaa laga yaabaa in ay nooga darto! Arin taas la mid ah waxaa ii sheegay nin aan saaxiib nahay oo magaalada Moqdishu dagan; waa nin aan run ku aqaano, laguna kal soonaan karo. Wuxuu igu yiri dhul ayaan xeebta Kismaayo ka iibsaday ilaa $50,000 iigu kacay, dhulkaas waxaan rabay in aan mustqabalka hoteel weyn ka dhiso. Nasiib darro, wuxuu yiri dhulkii waxaa ku habsday askar ka tirsan Jubbland oo yiri wax ka jira lama arko waxaad iibsatay ee hadda dib nooga laba iibso. Wuxuu yiri maamulka sare ayaan arintaas ugu dacwooday ilaa haddana waxba kama hagaagin. Arinta sedaxaad waxay tahay shaqooyinka dowladda iyo fursadaha kale ee soo baxa looma sino. Dad aan la sheekaystay oo magaalada degan waxay ii sheegeen in shaqooyinka wasaaradaha iyo fursadaha kale ee maamul ahaan u soo baxa ay go’aan ka gaaraan maamulka saare. Inta badan waxaa fursadahaas hela dadka ay isku haybta yihiin maamulka sare ee Jubbaland. Arintaas waxay dhaawac ku tahay caddaaladda ijtimaaciga oo ay tahay in la ilaaliyo. Taas macnaheedo kama dhigno in caddaaladda bulsho ay eber tahay. Saad la socotaan 7 askri oo laba nin oo ganacsata ah dishay ayaa loo dilay. Arintaas waxay ku tusaysaa in dareen ah in la ilaaliyo caddaaladda uu ku jiro maamulka, laakiin waan in la saxaa qaybta khaldan. Qaabka kali ah ee loo sixi karo waa in la helaa nidaam maamul iyo caddaladeed oo ka madax banaan shaqsi amarkiis ama go’aankiis. Ciidamada ajaanibta Magaalada waxaa ku sugan labo ciidan oo kala ah Itoobiyaan iyo kenyaan. Labada ciidan waxay si toos ula shaqeeyaan dowladda goboleedka jubbaland. Sida la ii sheegay wax xiriir ah lama leh dowladda federaalka ee Soomaaliya. Gababgabo, Axmed madoobe waxaa laga rabaa in uu fahmo muhimadda ay leedahay in salka loo aaso nidaam asaga la’aantii shaqayn kara oo dadka reer jubbland iyo soomaaliba ka faa’iidi karaan. Arintaas waxay suurtagal ku tahay in uu fahmo in arimaha maamulka iyo caddaaladda in la daadjin karo, loona dhiibi karo dad karti iyo aqoon u leh arimahaas dareen akhlaaqiyeed iyo mid bulshana uu ku jiro. Sidoo kale, waxaa laga rabaa in uu ogolaado in dhadhaqaaq siyaasadeed, saxaafadeed, iyo bulshaba dadku samaysan karaan ayaga oo aan cidna ka baqaynin sharciga mooyiin. Aniga oo caddaalad u hadlya waxaan ogahay in uu Axmed Madoobe ka karti badanyahay dhammaan musharaxiinta maanta rabta in ay jubbland madax ka noqdaan laakiin taas macnaheedo ma ah in raali laga ahaan karo qalafsanaan ah ama aniga ama horay u sii soco. Ahmed Abdihadi, Freelance Journalist and Political analyst Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda 1-da May awgeed, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shaqaale-Weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, meel ay joogaanba. Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyo sida hagar la’aanta ah ee ay ugu dhabar adaygaan duruufaha nololeed ee kala duwan ee ay ku shaqeeyaan. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Shaqaale weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankooda u hayaan, xuskan xuskiisana ku gaadhsiiyo nabadqab, horumar iyo badhaadhe, waxaanu kula dardaarmay madaxweynuhu inay joogteeyaan saacadaha shaqada si waddaniyad iyo xilkasnimo ku dheehan tahayna u gutaan waajibaadka qaran ee ka saaran hawlaha shaqo ah ee ay qaranka u hayaan. Source