-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Awash (Caasimada Onine) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay maanta maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ku laayeen dad Soomaali ah oo safar kusii ahaa magaalada Awash oo ka tirsan isla dowlad deegaanka Canfarta. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dadka laayay oo ganacsato ay ku jiraan lagala dagay gaari ay la socdeen, kadibna loo gaystay dil iyo dhaawac. Dadka la laayay ayaa waxaa kamid ah Khadar Cilmi Cige iyo Mowliid Maxamed Cabdi, halka la dhaawacay Ismaaciil Muxumed Muuse, Siciid Muxumed Muuse iyo Cali Xuseen Jaamac. Sidoo kale waxaa jira dad kale oo ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaas oo aan heli xogtooda iyo magacyadooda la helin, maadaama xaaladda meesha ay wax ka dhaceen la tagi karin. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan si gaar ah loogu beegsaday Soomaalida, isla-markaana iyaga kaliya lagala dagay gaariga, iyada oo dadkii kalena la fasaxay. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ku aadan falkaasi lagu beegsaday dadka shacabka ee Soomaaliyeed, waxaase soconayo dadaallo ay wadaan mas’uuliyiinta deegaanka. Horay ayaa waxaa u jiray digniino loo jeediyay Soomaalida oo ku aadan in aysan ku safrin waddadaas, marka ay aadayaan magaalada Addis Aababa, waxaana beddalkood loo soo jeediyay inay adeegsadaan diyaarad, inta ay jirto xaaladda adag ee ka taagan halkaasi. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo muddooyinkii u dambeeyay ay kasii dareysay colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Canfarta oo horay u wada dagaalamay. The post DAD Soomaali ah oo lagu laayay deegaanka Canfarta appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somali Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi stated that the al-Shabab group's terror ideology has no place in a peaceful Somalia, a few days after the country's former security adviser made a striking statement regarding the ongoing tensions between Somalia and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo shalay booqasho ku tegay magaalada Garoowe ayaa war culus kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee weli ka dhexeeya dowladda iyo Puntland. Swan oo faah-faahiyay kulan uu la yeeshay madaxweyne Saciid Deni ayaa ugu baaqay labada dhinac inay si hoose uga wada-hadlaan khilaafka dhexdooda ah, ayna soo celiyaan wada shaqeyntoodii oo hadda meesha ka baxday. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay dib u bilaabaan wada-hadallo deg-deg ah, si xal loogu helo xiisadda taagan Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in heshiiskooda ay faa’iido u tahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay muhii tahay in lagu gudbo khilaafka haatan jira. “Madaxweyne Deni iyo aniga waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo qaranka muhiim u ah oo ay ka mid yihiin ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab, hannaanka dib u habeynta dastuurka, iyo marxaladda doorashada soo socota. Iyadoo Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh sannadihii u dambeeyay, waxaan dhammaanteen ognahay in caqabado badan oo qoto dheer ay weli jiraan,” ayuu yiri Danjire James Swan. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka deegaanka ee looga diyaar garoobayo deegaanada Puntland, wuxuuna u rajeeyay guul. “Waxaan rajaynaynaa in doorashooyinkan golayaasha deegaanka ay sii ambaqaadaan guulihii laga gaadhay doorashadii deegaanka ee qabsoontay May 2023, isla markaana ay sii xoojiyaan dimuqraadiyaynta iyo sidoo kale horumarka laga gaadhay ka qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada,” ayuu yiri Swan. Dhankiisa Saciid Deni ayaa la wadaagay James Swan aragtidiisa ku aadan xaaladaha ka taagan ee dalka, si looga gudbo caqabadaha waa wayn ee jira. “Waxaan la wadaagnay dareenkeenna iyo aragtideenna ku aadan xaaladda dalka, waxaana rajeynayaa inay ka qayb qaadan doonto sidii uu xal ugu heli lahaa arrimaha murugsan ee Soomaaliya” ayuu isna yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Maalmihii u dambeeyay James Swan oo mar kale loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa waday kulamo wada tashi ah oo uu la qaadanay madaxda Soomaaliyeed, si hore loogu wada shaqeynta dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Qaramada Midoobay. The post QM oo war kasoo saartay khilaafka DF iyo Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Donald Trump Madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa wali lala tacaalaya xaaladdiisa caafimaad ka dib dhaawac kasoo gaaray dhagta midig. Weerarka waxaa fuliyay nin hubeysan oo rasaas kasoo furay banaanka goobta hadal jeedinta ka socotay xilli uu khudbad ka jeedinayay isu soo bax dadweyne oo qeyb ka ahaa ololaihiisa doorashada, gudaha gobolka Pennsylvania. Goobta ay toogashadu ka dhacday waa fagaare ay buuxeen taageerayaashiisa Jamhuuriga oo ku taalla degmada Butler oo 35 mile dhanka waqooyi uga beegan magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania. Ninka hubeysan wuxuu soo riday Laba xabbadood oo mid ka mid ah ay haleeshay Trump waxaa lagu tilmaamay weerar aad loo qorsheeyay. Ciidanka ilaa gaarka ah ee Secret service loo yaqaanno ayaa ku hagoogtay Trump, waxana la arkayay madaxweynihi hore oo wajiga ka dhiigaya isla markaana gacanta kor u taaqaya, isaga oo u muuqday inuu ku qeylinayay erayo aanan la maqli kareyn. Bayaan ay markiiba soo saareen ciidanka goobta ilaalinayay ee loo yaqaanno ilaalada qarsoon ayay ku sheegeen in la dilay qofki weeraray madaxweyne Trump. Sidoo kale waxay sheegeen in qof ka mid ahaa dadki joogay isu soo baxa dadweyne uu isna dhintay, isla markaana laba kale ay dhaawac halis ah yihiin. Dhacdadaan ayaa markiiba waxaa cambaareeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, madaxweyne ku xigeenka marwo Kamala Harris iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Barack Obama. Waxaa sidoo kale taageero weyn u muujiyay Trump Taajirka weyn Elon Muska. Ciidanka ammaanka ayaa dhacadadani ku tilmaamay isku day dil, iyaga oo sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan. War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah. Waxa uu u tagay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah doorashada si uu isu soo bax ugu qabto. “Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.” Madaxweyne Joe Biden ayaa yiri “qof walba waa inuu cambaareeyaa” weerarka. “Rabshadaha noocan ah meelna kuma lahan Ameerika,” “Waa wax xun. “Waa wax xun.” Madaxweyne Biden oo ku sugnaa gobolka uu kasoo jeedo ee Delaware marki uu weerarka dhacayay ayaa soo gaabiyay joogitaankiisa halkaasi, kuna soo laabanaya magaalada Washington D.C. Hay’adda dambi baarista gudaha Mareykanka ee FBI-da ayaa sheegtay in ay la wareegi doonaan hogaaminta baaritaanka isku daygii dil ee madaxweynihii hore Donald Trump. Xeer Ilaaliyaha Guud Mareykanka Merrick Garland ayaa isna sheegay in xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee degmada Galbeedka Pennsylvania iyo waaxda amniga qaranka ee waaxda cadaaladda ay sidoo kale ku biirayaan baaritaanka. Tan ayaa loo badinaya in taageero weyn ay sii karto Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump doorashada dhaceysa bisha November ee nagu soo aadan. Source: goobjoog.com
-
Sida ay ku sheegtay shakabadda Washington post, nin 20 jir oo lagu magcaabo Thomas Matthew ayaa ahaa shakhsigii rasaasta la eegtay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo saacado ka hor lagu dhawaacay fagaare uu kula hadlayay taageereyaashiisa gobolka Pennsylvania. Ciidanka Nabad-gelyada ayaa isla goobtii uu weerarka ka geystay ku toogtay ninka hubaysan, balse xogtiisa oo dhammaystiran ayaa hadda shaaca laga qaaday, ayadoo ay weli socdaan baaritaanno ku aadan ujeedada weerarka uu fuliyay. Donald Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriyiga ayaa muujinaya shaki ah in arrintan uu ku lugleeyahay maamulka madaxweyne Biden, balse taas caddaynteeda illaa hadda lama hayo, arrintaan ayaa hadalheyn badan ka dhalisay gudaha dalka. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — The Somali government's new tax on all electronic sales transactions has sparked widespread concern and discussion among both the public and officials. This tax, initially introduced in 1984 but never enforced due to technical issues, is now fully operational thanks to recent advancements. Source: Hiiraan Online
-
Sida ay sheegeen Saraakiisha dowlad deegaanka Soomaalida, Labo nin oo ganacsato Soomaali ah ayaa lagu dilay deegaanka ee dalka Itoobiya, Ganacsatadaan ayaa ku sii jeeday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya. Waxaa la beegsaday xilli ay ku safrayeen waddada isku xirta Jigjiga iyo Addis Ababa oo muhiim u ah isku socodka deegaanka Soomaalida iyo magaalada Addis Ababa. Labada Ganacsade oo deegaanka si weyn looga yaqaanay ayaa lagu kala magacaabi jiray Khadar Cilmi Cige iyo Mawliid Maxamed Cabdi ( Mawliid Basra) . Falkaan waxaa geystay kooxo hubaysan oo ka tirsan jabhadda Canfarta oo waddada u galay gaarigii ay wateen, Xilli billihii lasoo dhaafay uu xoogeystay dagaalka u dhaxeeya labada maamul ee Canfarta iyo Soomaalida. Wadadaan ayaa noqotay meel halis ah, Saraakiisha maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa walaac ka muujiyay amni xumada wadada kasoo korortay. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa la rasaaseeyay xilli uu goob fagaare ah kula hadlayay boqolaal dasweyne ah oo taageeraal u ah asaga iyo xisbigiisa Jamhuuriyiga oo lagu tilamaamo nin aad u mayal adag. Inkastoo aan la caddayn cidda tacshiiradda huwisay haddana Illaa shan xabbadood ayaa lagu soo riday Trump, kuwaas oo midi ay dhegta midig xuubka ka qaaday kaddib markii uu madaxa yara dhinac u raariciyay, asagoo wajiga dhiig kaga yaal ayaana goobta laga saaray. Dhanka kale Xabadaha ayaa haleeley qaar kamida shacabkii ku sugnaa goobta uu hadalka ka jeedinayay Trump, waxaana dhintay hal qof, halka labo kale xaaladooda laga dayrinayo. Waxaa jira tuhun xoogan oo ku saabsan dhacdadan, kaas oo lala xariirinayo maamulka hadda jira ee madaxweyne Biden in ay ka danbeeyeen isku dayga dilka Donald Trump. Trump oo hore maamulka Madaxweyne Biden uga dalbaday in loo siyaadiyo ilaalada ayaa tiro saddex jeer ah laga diiday codsigaas. Source: goobjoog.com
-
Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa sannadkan miisaaniyad dhan $120 milyan u qoondeeyay arrimaha gargaarka iyo horumarinta degaannada Puntland. Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa sheegay in miisaaniyad dhan $120 milyan sannadkan loo qoondeeyay arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta Puntland. Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa lagu sheegay in barnaamijkaasi ay hoggaaminayaan 14 hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobey, kuwaasi oo ka hawlgala Puntland. Miisaaniyaddan ayaa loo qorsheeyay hawlaha bini’aadamnimada, horumarinta, nabad-dhisidda, dib-u-habeynta waaxda amniga iyo dimuqraadiyeynta, sida uu tilmaamay qoraalka ka soo baxay xafiiska UNSOM. Qoraalka ayaa sidoo kale looga warbixiyay kulankii shalay Garoowe ku dhexmaray madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan. “Qaramada Midoobey waxaa ka go’an in ay si dhow ula shaqeyso Madaxweyne Deni iyo dowladdiisa si ay gacan uga geysato horumar-gaarsiinta dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu qoraalku ka soo xigtay James Swan. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobey oo sannadkan Puntland u qoondaysay $120 milyan appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (HOL) — At least 10 Al-Shabaab members were killed Saturday afternoon in a fierce battle near Beerayabaal village in Hiiraan's Buuloburde district, according to a brief statement from the Somali government. The clash involved government forces and local militia against Al-Shabaab fighters. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (HOL) — The Acting UN Special Representative for Somalia, James Swan, emphasized the need for Somali leaders to unite in addressing national challenges during his visit to Garowe on Saturday. Accompanied by senior officials from key UN agencies, Swan met with Puntland President Said Abdullahi Deni to discuss development priorities, security concerns, and upcoming local elections. Source: Hiiraan Online
-
BUTLER, Pennsylvania, July 13 (Reuters) - Donald Trump was shot in the ear during a Saturday campaign rally, in an attack that left the Republican presidential candidate's face streaked with blood and prompted his security agents to swarm him, before he emerged and pumped his fist in the air, mouthing the words "Fight! Fight! Fight!" Source: Hiiraan Online
-
Laba qof oo reer Somaliland ah ayaa lagu dilay Degaanka Awash ee Ethiopia kadib markii Jabhada Canfartu ay rasaas ku fureen. Labada Marxuun ayaa kala ahaa Khadar Cilmi Cige Mawliid Maxamed Cabdi ( Mawliid Basra). Dilka labada nin ayaa ka danbeeyay kadib markii ay gaadhi ku qadeen nin dhaawaca iyagoo kuwada dhakhtar magaalada Addis Ababa ah. Dadwayanaha Reer Somaliland ee isticmaala jidka u dhaxeeya Jigjiga iyo Addis Ababa ayaa looga digayaa inay jidkaasi gawaadhi ku maraan. Weerarkan ayaa la sheegay inay fuliyeen jabhada Canfarta ee degaankasi ka degaalanta oo Shifto ah. Source
-
Islamabad (Caasimda Online) – Maxkamad ku taal Pakistan ayaa Sabtidii laashay dacwado hore iyo xakun 7 sano ah oo horay loogu xakumay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan iyo xaaskiisa, balse saraakiisha ayaa markiiba is hortaagay in Khan xabsiga laga sii daayo. Baab’inta danbiga uu u xirnaa Khan ayaa la xiriiray sharci ahaanshaha guur uu ra’isulwasaarihi hore ee Pakistan uu sannadki 2018-ki guursaday xaaskiisa saddexaad Bushra Bibi, kaas oo marki hore ay dacwad oogayaasha ku sheegeen inuu ahaa mid aanan loo marin sharciga. Kiiskan ayaa u muuqay caqabadi ugu danbeysay ee sii deynta Imran Khan, kaddib ku dhawaad muddo sannad ah oo uu xabsiga ku jiro. Taageerayaashisa ayaa hor dhoobnaa bannaanbka xabsiga lagu hayo ee magaalada Rawalpindi si ay u salaamaan. Laakin afhayeen u hadlay xisbigiisa ayaa sheegay, in waxyar kaddib marki uu soo baxay go’aanka maxkamadda, dib loo xiray Khan. Wuxuu kaloo xisbigu sheegay in xaaskiisa, Bushra Bibi iyadana mar kale la xiray. Waxana lagu eedeeyay labadoodaba arrimo la xiriira musuq maasuq. Xakumadda hadda jirta ee Pakistan ayaa horay Imran Khan ugu soo oogtay in ka badan 150 kiis, oo ay ku jiraan kicin rabshado, musuq maasuq iyo danbiyo kale. Horaantii bishaan, koox madax bannaan oo tirsan xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo Khan, iyagoo sheegay in loo xiray sabab la’aan, arrintaas oo xadgudub ku ah bay yiraahdeen shuruucda caalamiga ah. The post War cusub oo kasoo kordhay xaaladda Imran Khan appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray dhagta midig, kaddib marki uu qof hubeysani rasaas u soo furay dhankiisa, xilli uu khudbad ka jeedinayay isu soo bax dadweyne oo qeyb ka ahaa ololihiisa doorashada, gudaha gobolka Pennsylvania. Trump waxay rasaasta kaga dhacday qeybta sare ee dhagtiisa midig, waxaa la toogtay isaga oo hadal ka jeedinayay fagaare ay buuxeen taageerayaashiisa Jamhuuriga oo ku taalla degmada Butler oo 35 mile dhanka waqooyi uga beegan magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania. Laba xabbadood ayaa la maqlay, kaddibna waxaa xigay rasaas u muuqatay jawaab. Markiiba waxaa hadalkii joojiyay oo qoorta qabsaday kaddibna dhulka ku dhacay Donald Trump. Taasi ayaa goobta ka dhalisay argagax iyo qeylo dhaan ay sameeyeen dadki goobta joogay. Ciidanka ilaa gaarka ah ee Secret service loo yaqaanno ayaa ku hagoogtay Trump, waxana la arkayay madaxweynihi hore oo wajiga ka dhiigaya isla markaana gacanta kor u taaqaya, isaga oo u muuqday inuu ku qeylinayay erayo aanan la maqli kareyn. Bayaan ay markiiba soo saareen ciidanka goobta ilaalinayay ee loo yaqaanno ilaalada qarsoon ayay ku sheegeen in la dilay qofki weeraray madaxweyne Trump. Sidoo kale waxay sheegeen in qof ka mid ahaa dadki joogay isu soo baxa dadweyne uu isna dhintay, isla markaana laba kale ay dhaawac halis ah yihiin. Dhacdadaan ayaa markiiba waxaa cambaareeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, madaxweyne ku xigeenka marwo Kamala Harris iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Barack Obama. Ciidanka ammaanka ayaa dhacadadani ku tilmaamay isku day dil, iyaga oo sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan. Dhacadadani ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay sii murjiso loolanka madaxtinimo Mareykanka ee awalba adkaa. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo ka warbixiyay isku day dil oo uu ka badbaaday appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta howlgallo culus ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ayaa ka hortegay weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Ciidamada ayaa howlgalladan waxay ay si gaar ah ugu fuliyeen inta u dhexeysa degaanada Mesagawaa iyo Baraak Sheikh Caamir, halkaas oo ay miinooyin ku aaseen Al-Shabaab. Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in waddadaas ay kasoo saaree miinooyin ay maleeshiyaadka doonayeen inay ku dhibaateeyaan dadka isticmaala halkaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa qarxiyay miinooyinka ay kasoo saareen waddada xiriirisa labadaas magaallo oo ay haatan ka howlgalaan ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka. Saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana ujeedkooda uu yahay in dhulkaasi ka xoreeyaan kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro kusoo qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla bariga gobolka Galgaduud. Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana ciidamada huwanta ay sii wadaan howlgalladooda, si ay uga hortegaan duulaan mar kale uga yimaada Al-Shabaab. Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya labada dhinac. Inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyo ah u dhiga kolonyada ciidamada dowladda ee isaga kala kooshaya deegaanadaas, waxaa ka dhasha khasaarooyin kala duwan. The post Sawirro: Ciidanka DF oo ka hortegay weeraro qaraxyo ah appeared first on Caasimada Online.
-
In ka badan 90 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, duqeyn culus oo ay ciidamada Isra’il shalay ku bartilmaameedsadeen teendhooyin ay ku noolaayeen dad rayid ah oo ku yaalla degaanka Al-Mawasi ee koofurta Gaza. Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in goobta la weeraray ay aheyd meelahi ay horay Isra’il ugu asteysay in ay ammaan yihiin oo ay u ku nabad gali karaan dadka laga soo daad gureeyay deegaanno ka tirsan bartamaha iyo koofurta Marinka Gaza. Millatariga Isra’il ayaa weerarka ku sheegay mid ay ku beegsadeen taliyaha milatariga Xamaas, Maxammed Deyf iyo abaanduulaha labaad ee Xamaas Rafa Salama. Hase yeeshee goor danbe oo shalay ah ayuu ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu sheegay in aysan wali hubin in weerarka ay ku dileen Maxammed Deyf iyo Rafa Salama. Xamaas ayaa diiday sheegashada Isra’il ee ah in goobta la duqeeyay uu joogay Deyf, iyaga oo arrintaasi ku tilmaamay sheeko been abuur ah oo la rabo in kaliya lagu qariyo baaxadda xasuuqii foosha xumaa, sida ay hadalka u dhigeen. Weerar kale oo cirka ah oo ay Isra’il Sabtidi ka fulisay xero qaxooti oo ku taalla galbeedka Gaza, ayaa waxay ku dishay ugu yaraan 20 qof, kaddib marki madaafiic lagu garaacay hool lagu dukanayay galbeedka maagaalada Gaza. PUNTLAND POST The post In ka badan 90 Falastiiniyiin ah oo ku dhintay duqayn Israa’iil ka fulisay Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray La-taliyihii hore ee amniga madaxweyne hore Farmaajo, kaasi oo soo jeediyay in xukunka dalka loo baneeyo Al-Shabaab haddii aan la iska dhicin karin damaca guracan ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bartiisa X (ex-Twitter) ayaa ka jawaabay soo jeedinta Cabdisaciid Muuse Cali, isaggoo nasiib darro ku tilmaamay in hadal noocaan uu kasoo yeero masuul hore. “Waxaan la socdaa hadal uu dhawaan wasiir hore Cabdisaciid ku sheegay waraysi uu siiyey BBC Somali,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi Waxa uu intaas kusii daray “Anigoo ixtiraamaya xoriyatul qawlka, hadallada soo jeedinaya tanaasulka qaranimada Soomaaliya ama caadi ka dhigista fikradda ah in Al-Shabaab la aamini karo waa dhibaato qoto dheer oo aan la aqbali karin.” Cabdisaciid oo sidoo kale soo noqday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa soo jeediyay haddii madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa ay iska dhicin karin damaca guracan ee Abiy Axmed ay meesha u baneeyaan kooxda Al-Shabaab, si ay meel u saaran Itoobiyaanka, sida uu hadalka u dhigay. “Abiy Axmed waa nin mayal adag oo xagjir ah, mana yaqaano xishood ee haddii aadan iska dhicin karin rag (Al-Shabaab) iska dhicin karaa jiree u banee,” ayuu yiri la-taliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali. La-taliyihii hore ee Farmaajo ayaa ku dooday in dowladnimada Soomaaliya uu gaaray dhaawac weyn, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uu ku dhaliilay inay si adag uga jawaabin hadallada kasoo yeeraya Abiy Axmed. “Marwalba oo ra’iisul wasaaraha Itoobiya hadlo qof u jawaaba ma lahan, ama jawaabta haddii ay timaado jawaab daciif ah waaye,” ayuu markale Cabdisaciid ku yiri wareysi gaar ah uu siiyay BBC. Sidoo kale wuxuu wareysiga ku yiri “Aniga marnaba ma dhiiro gelinaya Al-Shabaab ee waxaan dhiirro-gelinayaa in xukuumadda hadda joogta aysan iska celin karin mayal adagnimada ka socota Addis Ababa, nika hadda ra’iisul wasaaraha ka ah waxa uu ka tirsan yahay koox diineed oo xagjir ah marka waa xagjir.” Al-Shabaab ayaa la sheegaa inay xiisadda ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland oo banaanka keentay damaca guracan ee Abiy ay ku heshay dagaal-yahaano cusub, ayada oo adeegsaneysa masrixiyadda “Itoobiyaan naceybka”, xilli uu sanadkii hore hoos u dhac ku yimid kooxda, oo dagaal adag kala kulantay ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan. The post DF oo ka jawaabtay soo jeedinta La-taliyihii Farmaajo ee Al-Shabaab la xiriirtay appeared first on Caasimada Online.
-
Butler (Caasimada Online) – Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii dhaawac madaxa ah uu soo gaaray balse xaaladdiisa ay wanagsan tahay, sida uu sheegay ololihiisa doorashada kadib markii rasaas lagu furay isaga oo ka hadlay isu soo bax olole doorasho oo ka dhacay gobolka Pennsylvania. War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah. Waxa uu u tagay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah doorashada si uu isu soo bax ugu qabto. “Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun,” ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yiri bayaan uu soo saaray. “Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.” Madaxweyne Joe Biden ayaa yiri “qof walba waa inuu cambaareeyaa” weerarka. “Rabshadaha noocan ah meelna kuma lahan Ameerika,” “Waa wax xun. “Waa wax xun.” Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku yiri “waxaa la igu toogtay xabad taasi oo jartay qaybta sare ee dhegteyda midig”. “Waxaan isla markiiba ogaaday in ay wax ka khaldan yihiin in aan maqlay dhawaqa xabbado, isla markiiba waxaan dareemay xabbaddu jartay maqaarka,” Waxaa sidaas qoraal uu soo dhigay barta Truth Social ku yiri Trump, oo aan dhaawac halis ah soo gaarin. “Waa wax cajiib ah in falkan oo kale uu ka dhici karo dalkeena.” Dhinaca kale, ilaalada Secret Service ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri “dhowr toogasho ay ka timid meel dusha sare ka ah dhulka oo ka baxsan goobtii uu Trumo ka hadlayey.” Waxay sidoo kale sheegeen in hal qof oo ka mid ah dadkii daawanayey Trumo uu ku dhintay, labana dhaawac halis ah uu ka soo gaaray toogashada. Dhinaca kale, xeer-ilaaliyaha magaalada Butler ayaa sheegay in la dilay ninkii rasaasta furay ee toogashada sameeyey. Waxaa sidoo kale dhintay qof shacab ahaa oo goobta ku sugnaa. Trump ayaa soo bandhigayay shaxda tirada dadka muhaajiriinta ah ee ka soo gudbaya xadka markii ay billaabantay maqalka dhawaqa rasaasta. Trump ayaa la arkayey isagoo gacantiisa midig qoorta ku haya, waxaana ka muuqday wajigiisa dhiig. Waxaa si deg deg ah isugu gadaamay saraakiisha ilaalada Secret Service, kuwaas oo kadib kala cararay masraxa, ayada oo dadweynihii goobta isugu yimid ay qeylinayeen. Dadweynaha ayaa farxad la qeyliyey markii uu dhulka soo kacay isaga oo xabadka garaacaya. Waxaa kadib goobta loogala cararay baabuur. Booliska ayaa kadib billaabay in ay goobta ka daad-gureeyaan dadka kadib markii Trump uu ka tegay. VOA The post Wararkii ugu dambeeyey Trump oo lagu dhaawacay toogasho kadib isku day dil appeared first on Caasimada Online.
-
Butler (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagala cararay masrax uu hadal ka jeedinayey, magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania kadib rasaas la furay. Ciidamada ilaalada madaxda ee loo yaqaan Secret Service ayaa la cararay Trump kadib markii la maqlay dhawaqa rasaasta, ayada oo la arkayey Trump oo dhegta haysta. Waxaa sidoo kale la arkayey Trump oo ka dhiig-baxaya dhegta ama qeybta midi gee wejiga, islamarkaana uu gacanta ku hayo daanka. Wax yar kadib markii ciidamada ay dhulka dhigeen oo ay isku dabooleen, Trump ayaa so istaagay ayada oo dhiiga uu soo gaaray wejigiisa, waxaana kadib lagula cararay baabuurta. Ilaa hadda faah-faahin rasmi ah lagama hayo xaqiiqda waxa dhacay, iyo haddii waxa ku dhacay Trump ay yihiin rasaas, balse wax kasta oo ay ahaayeen-ba waxay u muuqata in aysan halis gelin naftiisa, islamarkaana dhaawaca gaaray uusan aheyn mid halis ah. Illaa hadda ololaha Trump ayaa ka hadlin dhacdadan. Afhayeen u hadlay Secret Service, Anthony Guglielmi, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Trump “uu badqabo” ka dib “shil ka dhacay” isu soo bax uu ku qabtay Pennsylvania. Ma uusan bixin faahfaahin intaas dheer. Xeer-ilaaliyaha Butler, Richard Goldinmger ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in la dilay nin dabley ahaa, sidoo kalena uu dhintay mid ka mid ah dadkii ka qeyb-galayey isu soo baxa. Ololaha Donald Trump ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu “badqabo” madaxweynihii hore. “Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun,” ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yiri bayaan uu soo saaray. “Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.” The post Faah-faahin: Trump oo ka bad-baaday isku day dil appeared first on Caasimada Online.