-
Content Count
214,252 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuuso-mareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa wax ka beddelay qorshihii dowladda federaalka ay ku wajahnaa maamulka Galmudug, isaga oo kulamo ka wada magaalada Dhuuso-mareeb. Dowladda oo markii hore loo arkayay inay hal dhinac la macaamileysay, ayaa haatan bilowday isku day dhinacyada Galmudug ula xaajoneyso, si xaalada loo dejiyo, islamarkaana loo gaaro heshiis ay dhammaan dhinacyada ku qanacsan yihiin. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xilligan kulan la leh Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir oo ah hoggaanka ugu sareeya Ahlu-Sunna, isaga oo ka dhaadhicinaya sidii loo qaban lahaa shir dhinacyada Galmudug la isugu keenayo, ka hor inta aan doorasho la qaban. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu maanta safar dhulka ah uu ku tago magaalada Cadaado oo ay ku sugan yihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, wafdi Xildhibaano ka yimid Muqdisho oo uu horkacayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare. Qorshaha dowladda oo markii hore ahaa inay la macaamisho Ahlu-Sunna oo ay meesha ka tuurto Xaaf ayaa is beddelay kadib markii Xaaf uu aqbalay doorasho kana baxay heshiiskii Ahlu-Sunna. Kheyre ayaa doonaya inuu xaqiijiyo in Galmudug ay doorato madaxweyne lagu wada qanacsan yahay, si khilaafka jira haddii la xaliyo uusan durba dib uga soo shaac bixin. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dahir Mohamed Jam’a has lived around horses all his life but changes in the way of life in northern Somali and perennial drought has meant that indigenous Somali horses are fast dying out. Source: Hiiraan Online
-
Waa maxay sababta ay malayshiyaadka Soomaaliland ee Soomaalidiidka ah ay ugu soo duuleen gobolka Sanaag? Ujeedka duulaankooda muxuu daaran yahay? Shaqsiyaadka Soomaaliland Duunyada u raadsaday [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday shir maanta lagu waday iney ku wada hadlaan Somaliland oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco magaalada Nairobi. Agaasimaha guud ee Villa Somalia, Dr. Nuur Diiriye ayaa waxaa uu yiri ” Dowladda Federaalka Soomaaliya kama qeyb galayso shirka la sheegay inuu Nayroobi ka dhacayo balse waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay wada hadallo mira dhal ah lala furo Somaliland marka goobta, ajandaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo”. Kulanka waxaa soo qaban-qaabisay xarunta Centre for Humanitarian Dialogue, sidoo kale waxaa ka qeyb geli lahaa mas’uuliyiin ka socoto beesha caalamka. Hadalka Fuursade ayaa imanaya ayada oo saacadihii la soo dhaafay ay jireen sheegayay in wakiilo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland ay shir ku yeelanayaan magaalada Nairobi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah u naqdiya dowladda Soomaaliya ayaa su’aal ka keenay sababta kooram loogu la’yahay kulamada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Cabdiraxamaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay in baarlamaanku uu ku dhacay macno iyo miisaan beel. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay meesha ka baxday awoodii ay lahayaan ee isla xisaabtanka. Kulamadii ugu dambeeyay ee golaha shacabka ayaa inta badan baaqday, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaiya. Halkan hoose ka Akhriso qoraalka:- Maxaa kooramka Golaha Shacabka loo la’yahay? Guddoonkii Golaha shacabka qayladii ayaa ka dhammaatay, siday u lahaayeen kooramkii ma buuxsamin. Haddii ay magacyada xildhibaannadii maqnaa yeeriyeen oo ay guddiga anshaxa u direen, oo ay gunno ayaan ka jaraynaa ugu hanjabeen , welina dheg jalaq looma siin. Baarlamaanka waa hay’adda ugu muhiimsan ee dalka, lafdhabarna u ah dhismaha nabadda & dawladnimada dalkeenna, haatanse waxay u muuqataa in macno iyo miisaan beel ku dhacay. Ma xildhibaannadaa masuuliyadda leh mise guddoonka? Xildhibaannada haddii aad warsato waxey ku leeyihiin maxaa laga qabanayaa meesha mar haddii Golihii uusan ku howl-laneyn isla xisaabtan, hortebin uusan siinaynin hawlihii uddub dhexaadka u ahaa dhismaha nabadda qaranka Soomaaliya, ma shirbarayahow heesa ayaan halista qaraxa ugu soo bareernaa. In badan oo xildhibaannada ka mid ah halkii ay kulammada Golaha Shacabka ka qayb geli lahaayeen, waxey aadaan xafiisyada madaxda laanta fulinta ( Madaxweynaha & Raysalwasaaraha) iyo taliyaha Nabadsugidda, si ay danahooda gaarka ah ama kuwo dad ay wakiilo ka yihiin kaga soo fushadaan . Xildhibaan ayaa igu yiri “waxaan dib u jaleecaa dadaalkii waqti, hanti iyo galaangal ee kursiga xildhibaannimada iiga soo baxay iyo sida xaalku yahay, dadka waxaan dheernahay oo keli ah in aan haysanno kaarar aan jidadka xiran ku marno, xafiisyada xukuumadda ku galno iyo waa xildhibaan hebel nala yiraahdo” Golaha Shacabku wuxuu macno iyo miisaan yeelanayaa markii loo arko in uu xukuumadda la xisaabtamayo ama uu ku mashquulsan yahay hawlaha hortebinta u leh dhismaha dawladnimada. Gudoonka masuuliyad weyn ayaa ka saaran in ay Golaha kaalintiisii u celiyaan oo ay laanta fulinta ka madax baneeyaan, haddii kale in dhaaxa ah waxay dhihi doonaan, kooram la’aan ayuu kulankii u baaqday. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Rome)-Boqorkii Daroogada, ahaana hogaamiyaha Maafiyada Talyaaniga Rocco Morabito ayaa ka fakaday saqafka sare ee Xabsi ku yaala magaalo madaxda dalka Uruguay ee Montevideo, halkaas oo uu ugu xidhnaa dalka Talyaaniga. Wasiirka Arimaha gudaha dalka Uruguay ayaa ku dhawaaqay inuu xabsigaasi ka baxsaday galabnimadii Isniintii, kaas oo la rumaysan yahay inuu jabsaday xabsiga. War-saxaafadeedka uu ka soo saaray Wasiirku ayuu ku sheegay in Morabito iyo saddex kale oo ku xidhnaa qolalkii ku dhawaa ay baxsadeen. Hogaamiyaha Maafiyada Morabito ayaa lagu dalka Uruguay 2017-kii kadib markii tobanaan sanadood uu baxsad. Wasiirka Arimaha gudaha dalka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa si cadho leh uga hadlay warkaasi sheegaya inuu baxsaday hogaamiyihii Maafiyada Talyaaniga. “Waxaan balan ku qaadayaa laba arimood, marka u horaysa inaan in la iftiimiyo sida uu u baxsaday, waxaan waydiinayaa in sharaxaad degdeg ah ay dawlada Uruguay ka baxsado sida uu u baxsaday. Intaa ka dibna waan sii wadaynaa sidaanu usoo qaban lahayn Morabito, meel kasta oo uu joogo.’ Morabito ayaa waxa uu ka mid ahaa raga aadka loo baadigoobi jiray ee ka midka ahaa kooxda abaabulan ee awooda xooga ah leh ee Calabrian ‘Ndrangheta, ee dalka talyaaniga taas oo ah ta ugu weyn ee Wadamada Yurub uga soo dhoofia daroogada cocaine-ta Koonfurta Maraykanka. Ninkan ah Boqorkii cocaine-ta Milan ayaa waxa la raadinayey tan iyo 1994-kii kadib markii lagu qabtay isagoo ku xiibinaya 13 billion lire oo u dhiganta ($8 million) si uu hal tone oo darooga ah, sida uu ku waramay wargeyska, Corriere della Sera. Morabito ayaa waxa uu magac ku helay markii isagu isugu yeedhay boqorka Cocoaine-ta kadib markii uu u socdaalay Milan isagoo ka yimid magaalada uu ka soo jeedo Calabrian markii ay da’diisu ahayd 23 jir. Source
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiru u dirtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafdigan ayaa waxaa horkacayay wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre. Mas’uuliyiintan ayaa waxaa si weyn Beledweyne ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka iyo shacabka ku dhaqan magaaladaasi. Ujeedka wafdigan ayaa lagu sheegay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xalinta xiisada maamul ee ka taagan halkaasi. Sidoo kale inta ay joogaan waxa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta HirShabelle, kan gobolka iyo degmada oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha bulshada. Dowladda dhexe ayaa dadaal xoog leh haatan ku bixineysa sidii loo soo afjari lahaa xasaradaha ka jira magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Xiisada oo sii xoogeysatay ayaa waxa ay u dhexeysaa guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusuf Dabageed iyo maamulka HirShabelle. Dabageed ayaa diidan in xilka uu wareejiyo, islamarkaana uu baneeyo xarunta maamulka, inkastoo haatan loo qabtay muddo 72 saacadood inuu kaga baxo xafiisyada maamulka. Arrinta ayaa ka sii dartay, kadib markii xalay shir Jaraa’id uu ku qabtay Beledweyne ku sheegay in shalay la soo weeraray, islamarkaana Ciidamo Soomaali iyo Ajnabi ah ay isku dayeen inay dilaan, balse uu dilkaasi ka badbaaday. Lama oga waxa ka soo bixi kara dadaallada ay sameynayaan xubnaha hadda gaaray Beledweyne ee ka socda dowladda federaalka Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
The Deputy Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, H.E. Mahdi Mohamed Gulaid (Khadar), received in Mogadishu the Deputy Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Republic of Italy Emanuela Claudia Del Re, who arrived in the country for a one-day official visit. The meeting dealt with a number of issues, including the enhancement of bilateral relations, ways to develop cooperation and the most important common issues of mutual interest to the two countries on the regional and international arenas. View the full article
-
A high delegation led by Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheire is in Dhusamareeb, the administrative capital of Galmudug regional state for the second day. The PM joined Interior Minister, Abdi Mohamed Sabriye to hold talks with the leaders of Galmudug state despite the absence of a regional leader, Ahmed Gelle Haaf who left the city on Sunday. Sources say the premier is pushing local authorities to hold the presidential election of Galmudug state next month, after Haaf’s term came close at the ending point, July 4. President Gelle Haaf who was opposed to scheduled elections on July has changed his mind and called for Federal government to plan elections and reconciliation efforts in a press statement from his office issued on Monday. View the full article
-
Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Issa Awad held bilateral talks with his Chinese counterpart, HE Mr. Wang Yi, in Beijing today. The Somali Foreign Minister, Ahmed Awad, praised the Chinese role in defending African issues on the international arena and tackling the problems of the collective concern of the peoples of the continent, especially those relating to peace, security, and development. He also noted the deep historical relations between Somalia and China and the need to work in this regard to develop the various frameworks of joint cooperation, especially the economic and commercial aspects, as well as benefiting from the Chinese possibilities and experience in the fields of development of infrastructure, roads, energy, technology, tourism, agriculture, health, science, culture, oil and gas, which may contribute the consolidation and success of the “Somali National Development Plan.” For his part, Chinese Foreign Minister Wang Yi expressed his country’s pride in the historical relations which link it to Somalia in its different dimensions, especially political and commercial, in addition to converging visions and positions of both countries on international and regional issues. At the end of the in-depth diplomatic talks, Somalia and China signed an agreement on economic and technical cooperation. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Soomaaliya ayaa diiday ka qayb galka shir u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo maanta ka dhici lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Ma cadda sababtu laakiin, agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Dr Nuur Diiriye ayaa boggiisa Twitter-ka ku soo qoray in aanay shirkaasi ka qayb galayn laakiin, ay ka go’an tahay wada hadal ay Somaliland la yeeshaan marka la helo wakhti ku haboon, madal ku haboon iyo ajande ku haboon. Dawladda Kenya iyo Soomaaliya ayuu ka dhexeeya xidhiidh sii xumaanayay muddooyinkii u dambeeyay mana cadda sababta Soomaaliya shirkan u diiday. Shirka waxa qayb weyn ka ah beesha caalamka waxaana la filayay in uu hor dhac u noqdo kulamo ay wada yeeshaan Somaliland iyo Soomaaliya. Source
-
Beledweyne (SMN) – Wafdigan uu hoggaaminayo wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Taclinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey. Xubnaha uu hoggaaminayo mudane Cabdullaahi goodax Barre waxaa kamid ah xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha bulshada. Ujeedka socdaalka wafdigan maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xalinta xiisada ka taagan magaalada Beledweyne. Inta ay joogaan waxaa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle,kan gobolka iyo degmada oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha bulshada,iyagoo uu kuurgalaya xaalada halkaasi ka jirata. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamedc Guuleed(Khadar) ayaa qaabilay wafdi ay hoggaaminayso ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Dalka Talyaaniga Ms. Emanuela Claudia Del Re oo soo gaartay magaalada Muqdisho. Ugu horeyn waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Khayre. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka HE Ms. Emanuela Claudia Del Re ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dhinac,sida iskaashiga iyo wax wada qabsiga danaha labada dal. Dhanka kale wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa la kulmay ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Talyaaniga,waxaana ay ka wada hadleen sidii dowladda Talyaaniga ay u taageeri lahaya horumarinta dhanka waxbarashada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa aay isla soo hadal qaadeen taageeridda iyo fursadaha waxbarasho ee lacag la’aanta ah ee ardayda Soomaaliyeed,barnaamijyo lagu horumarinayo Jaamacadda Umadda. Dowladda Talyaaniga ayaaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya,waxaana xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga uu yahay mid soo jireen ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
(SLT-Pyanyang)-Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka helay Warqad uu si shaqsi ah ugu soo diray, sida ay ku warrantay Warbaahinta Dawladda Kuuriyada Waqooyiga. Warqaddan ayaa Xogta ay Xambaarsan tahay waxa qayb ka ah Wada-hadallada aan midho-dhalin ee Trump iyo Kim Jong Un ka yeesheen Nukliyeerka Waqooyiga Kuuriya, sida ay sheegtay Kuuriya. Maraykanku wuu ku adag yahay doonistiisa ah in Waqooyiga Kuuriya ay burburiso Hubkeeda Nukliyeerka, ka hor intaan laga qaadin Cunaqabaynta Caalamiga ah, arrintaana Kuuriya si tallaabo-tallaabo ah ayay ugu sii durkaysaa, laakiin waxay doonaysaa waxay ku beddelanayso Burburinta Hubkeeda halista ah. Labada Dhinac waxay hore iskugu eedeeyeen masuuliyadda Burburka kulamadii ay yeelan lahaayeen, laakiin labada Hoggaamiye waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay kulmaan. Trump ayaa horraantii bishan sheegay inuu Waraaq Qurux badan ka helay Hoggaamiye Kim. Source
-
(SLT-Khartoum)-Qareen u dhashay dalka Sudan ayaa sheegay inuu ku guulaystay in Internet-ka loo soo celiyo , iyadoo khadka internetku uu ka go’an yahay dhamaan dalka Sudan oo dhan. Abdel-Adheem Hassan ayaa maalintii axadii ku guulaystay dacwad ka dhan ahaa shirkadda Internet-ka ee dalka Sudan, Zain Sudan oo Milatariga dalkaasi ku amreen inay jaraan khadka internet-ka. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay Qareenku in guushiisu ay faa’ido u leedahay uun isaga kadib markii uu awooday inuu dacwad ka gudbiyo. Internet-ka ayaa la jaray kadib markii ciidamada amaanku ay si xun ula dhagmeen dibadbaxayaashii ku sugnaa Khartoum. Waxaanay dibadbaxayaashu ay doonayeen in la soo afjaro xukunka milatariga ee daba socday afgambigii ka dhanka ahaa Cumar Xasan Al-bashiir bishii April. Mr Xasan ayaa sheegay in wakhti xaadirkan shacabka dalku ay heayaan iyagoo aan dib u helin wixii ay xaqa u lahaayeen. Waxaanu sheegay inuu dib ugu noqday maalintii khamiisti si uu ugu soo guulaysto xaqa dad badan oo reer Sudan ah. “Bari toole waxa aanu leenahay kulan maxkamadeed iyo maalinta ka dambaysa bari. Waxaana rajo wanaagsan ah in Hal Million oo dad ahi ay heli doonaan internetka dhamaadka todobaadkan,” ayuu yidhi Mr Xasan. Hase yeeshee Wariyaha BBC-da qaybta Carabiga uga soo warama Khartoum ayaa xaqiijiyey in internet-ku uu wali xayiran yahay inkastoo Maxkamada Sudan ay Amartay. Waxaanu Mr Hassan uu BBC-da u sheegay “In qaybta farsamadu ay ku guuldaraysteen in amar qoraal ah oo ay ku jarayaan internet-ka ay soo saaraan. “Qof kastaaba waxa uu isku dayeyey inuu ka fogaado masuuliyada, ma joro qof doonayey in arintaasi lagala xisaabtamo – waa dambi caalamiya oo xadgudub ku ah xuquuqada banidaamka. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay maamulka dalka sudan in uu soo afjaro xadgudubka ka dhanka ah dadka dibadbaxaya, waxaanu madaxa UN-ka ee xuquuqda Aadamaha Michelle Bachelet uu ugu baaqay dawlada Milatariga inay soo afjaraan xayiraada saaran internet-ka xili uu khudbad ka jeedinayey shirkii golaha xuquuqal insaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay Geneva. Source
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay gelinkii dambe gaaray Dhuusamareeb ayaa kulamo ka wada magaaladaasi. Kulamada oo ahaa kuwa is daba joog ah ayaa waxaa uu Ra’iisul wasaaruhu la qaatay madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca. Intooda badan kulamada ayaa diirada lagu saaray xiisada Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada maamulkaasi. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa socdaal ku maray qeybo ka mid ah Dhuusamareeb, isaga oo la kulmay qaar ka mid ah shacabka magaaladaasi. Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, waxaana la’isku mari la’yahay halka lagu qabanayo doorashada guud ee maamulkaasi. View the full article
