Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya degmada Cabdi Casiis ee gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in qarax xoogan uu caawa ka dhacay nawaaxiga Aargada Liido, kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqisho. Si dhab ah looma oga in gaariga qarxay uu ahaa mid laga soo buuxiyay walxaha qarxa ama inuu ah mid qof loogu xiray, waxaana socota baaritaano ay wadaan laamaha amaanka ee dowladda. Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya ahna Afhayeenka laamaha amaanka ee dowladda Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa sheegtay ineysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa, kaasoo loo adeegsaday gaari noociisa yahay Toyota filler. “Abbaaro 6.30pm ayaa baabuur noociisa yahay Toyota filler ku qarxay agagaarka aargada Liido. Nasiib wanaag dhimasho iyo dhaawac ma jiro” ayey tiri Zakiya. Xiliga qaraxa Caawa uu dhacayay waxa ay eheyd waqti dadka ay ku mashquulsanaayeen Af-furka, taasoo yareysay khasaaraha maadaama dadka ay ku kala xaroodeen goobihii ay ku af-furayeen. Bishan Ramadaan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay ku dhowaad 10 qarax oo khasaare gaarsiiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Shaqaalaha iyo Ciidanka dowladda iyo dad kaloo Shacab ah. Meelaha qaraxyadaas ay ka dhaceen waxaa kamid ah Xarunta degmada Warta-Nabada, Kontoroolka NISA ee aagga Daljirka Dasoon, Nawaaxiga Hoteelka SYL iyo mid ka dhacay afaafka hore ee Iskuulka Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Muqdisho (SMN) – Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka kaddib markii uu kasoo qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afika Mudane Cyril Ramaphosa. Madaxweynaha ayaa inta aanu kasoo ambabixin dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas, isagoona la wadaagay horumarka ay ku tallaabsanayso dowladda iyo muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay adkeeyaan midnimadooda meel kasta oo ay joogaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika doorka wanaagsan ee ay ku leeyihiin isu soo dhawaanshada labada dal. “Jaaliyadda dalkaan, waxaad ku tilmaaman tihiin dadaalkiina iyo saameynta dhaw ee aad ku leedihiin nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxaan idinku boorrinayaa in aad ilaashataan midnimadiinna iyo sumcadda Soomaalinimo ee aad xambaarsan tihiin”. Dhankooda, xubnaha Jaaliyaddeena ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha xaaladdooda nololeed, fursadaha shaqo ee ay ka heleen dalkaas iyo caqabadaha ku xeeran, iyagoona uga mahadceliyay hoggaanka dalka dadaalka ay ku bixinayaan dib u dhiska iyo sare u qaadista magaceena qarnnimo. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Ethiopia kala hadashay sawirka khariidaddii ay wasaaraddooda arrimaha dibaddu soo daabacday ee markii danbe ay ka saartay website-kooda. Sawirkan ayaa muujinayey Soomaaliya oo laga saaray khariidadda laguna daray dalka Itoobiya. Wasiirka Arrimaha dibedda Somalia Ambassador Ahmed Ciise Cawad, ayaa VOA u sheegay in isla markii ay ka warheleen khariidadda la soo daabacay ay xiriir la sameeyen Ethiopia, xiriirkaasi kaddibna Ethiopia ay ka saartay sawirka khariiradda website-kooda. Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha dibedda Ethiopia ay cudurdaar ka siisay Soomaalia khaladka, sidoo kalena ay wadaan baaritaan la xiriira sababta ay arrintaas ku dhacday. Wasiir Cawad ayaa VOA u sheegay inay aqbaleen cudur daarka Ethiopia ay arrintaas ka bixisay oo ay aaminsan yihiin in falkaasi aanu ula kac ahayn. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa shalay lagu yiri “Waxaan ogaanay in sawir qaldan oo aan la aqbali karin oo ah map-ka qaaradda Afrika uu ku dhuuntay website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya. Markii aan ogaanay durba waan ka saarnay website-ka.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ku kalsoonaada in kooxdeena ICT ay ka shaqeynayaan amniga website-ka. Waxaan si shalayto leh uga cudur daaranaynaa jahwareerka iyo is-faham waaga laga yaabo in dhacdadan ay sababtay.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Weriye Mary Harper oo muddo dheer ka soo shaqeyneysay saxaafada gaar ahaan arrimaha Afrika iyo dalka Soomaaliya ayaa warbixin dheer ka qortay arrimaha sirdoonka ururka [...] Source
  5. Xukuumada Federaalka ayaa qaadatay go’aamo dhowra oo ka dhan ah Kenya, kadib mrkii Kenya ay cunaqabatayn saartay Masuuliyiinta Xukuumda Federaalka. Go’aamda Villa Soomaaliya ay soo [...] Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay shirkadaha qaadaya Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan soo gudanaya Acmaasha xajka, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Dowladda ay dul-saaratay kumanaan lacag ah qarashka laga qaadayo Xujeyda Soomaaliyeed. Halkii qof ee ka baxaya Soomaaliya ee u socda Xajka ayaa laga qaadayaa lacag dhan 3600$ waxaana la sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qofkii saaratay lacag dhan 10$ islamarkaana ay taasi qayb ka aheyd heshiiskii lala galay Shirkadaha duulimaadka ee ku soo baxay tartankii Xejka loo galay. Sanadkaan waxaa soo xajin doona dadka gaaraya 11,500 oo qof, waxaana la sheegay in ay dowladda ka heli doonto lacag ka badan 115,000$ oo dollar. Barnaamijkaan waxaa mas’uul looga dhigay Guddi Culumo ah oo ay magacaawday Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya, kuwaas oo sidoo kale tartanka u qabtay shirkadihii ku guuleestay qaadista xujeyda Soomaaliyeed. Lacagta 10-ka dollar ah ee qofkiiba ay ka heleyso dowladda, waxaa sidoo kale dheer in Shirkadaha qaar ay dowladda Soomaaliya la gashay heshiiyo kale oo lacageed kuwaas oo suurta geliyey in ay ku soo baxaan tartanka qaadista xujeyda Soomaaliyeed. Arintaan waxaa noo xaqiijiyay madax ka tirsan Shirkadaha qabanaya shaqadaan iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya. Waa nuuc kamid ah Musuq maasuqa ka jira Xafiisyada Dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. (SLT-Uganda)-Sanadkii 2018, Qaramada Midoobay waxay ogaatay in malaayiin doolar oo lacago gargaar ah laga soo xaday Ugandha. Hadda Jarmalka ayaa qayb ahaan joojisay maal-galinteeda si ay ugu khasbaan Uganda in ay kor u qaadaan baadhitaannada. Dawladda Jarmalka ayaa Jimcihii shaaca ka qaaday in ay ka xayirtay Sh400 bilyan oo doollar ($ 106 milyan oo doolar) oo ka mid ah lacagtii loo ballanqaaday Kampala ee loogu talagalay dib-u-dajin qaxooti sanadkasta. Go’aanka ayaa daba socday go’aan Boqortooyada Ingiriisku 2018 ay ku joojisaya lacago ay Kampala siinaysay ka dib markii baadhitaan Qaramada Midoobay ay samaysay lagu sameeyay barnaamijka qaxootiga ee Uganda isla markaana ay heleen caddeymo musuq-maasuq oo malaayiin dollar ah. Fadeexaddan ayaa iftiimisay markii xukuumadda Ugandha ay ku wargelisay deeq-bixiyeyaasha in lacago badan oo laga soo saaray xisaabta lacagta taalay. Baadhitaan wadajir ah oo ay sameeyeen Qaramada Midoobay, Xafiiska La Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Midawga Yurub (OLAF) iyo Dowladda Uganda ayaa ogaaday in Tirada Qaxootiga ee Ugandha La buunbuuniyey oo la xaday dhaqaale loogu talagalay qaxootiga. Xukuumadda Ugandha ayaa wali ku qasban in ay tuhmanayaasha u keento buug, taasoo u hogaaminaysa deeq-bixiyeyaasha si ay u waydiiyaan ballanqaadkii ay wadanku ku doonayeen in ay baadhitaan ku sameeyaan arrintaas, sidaas awgeed go’aanka ay ka qaateen Jarmalka iyo Ingiriiska si lacag ay haystaan u fasaxaan. Safiirka Jarmalka u fadhiya Ugandha, Albrecht Conze, ayaa sheegay in Germany ay ka naxday natiijooyinka baadhitaanka. “Waa inaan cadaynaa wixii dhacay bishii February ee sannadkii hore, 15 bilood ka hor, waxay noqotay arrin argagax ku ah Jarmalka, gaar ahaan xiligii lacago farabadan ay ka yimaadeen ilo gaar ah, , oo ka yimid dadka deeqaha bixiya. Ku-deeqidda si fiican looma kharash-gareeyo ” ayuu yidhi Mr Conze maalintii Jimcihii. Uganda waxay si rasmi ah u martigalisay 1.3 milyan oo qaxooti ah waxayna heshay $ 350 milyan oo deeqo kala duwan ah sannadkii 2017. Hada, Jarmalka ayaa go’aansaday in ay diido lacagta ay si toos ah u siiso dawladda Ugandha ilaa ay ka bilowdo dacwad ka dhan ah tuhunadaasi fadeexadaha musuqmaasuq ah, laakiin waxay sii deyn doonaan maalgelin hay’adaha caalamiga ah sida Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee mashaariicda gargaarka. Dawladda Uganda waxa ay si weyn ugu tiirsan tahay lacagta gargaarka ee ka timidaada deeq bixiyeyaasha caalamiga ah si ay ula tacaalaan xaaladda dhaqaale ee ay sababeen qaxootiga dalkeeda ku sugan. Mr Conze wuxuu codsaday in tallaabo la qaado si loo soo celiyo kalsoonida. “Ma bixinaynno [lacag] illaa aan aragno in kuwa la aqoonsaday waqtigaa la keenayo caddaaladda, waxayna u baahan yihiin inay ka jawaabaan eedeymaha yimid,” ayuu yidhi. Source
  8. Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Xasan Cali caadle ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Duqii degmada Baladweyne Khadar Xasan Afrax, iyada oo duq Cusub loo Magacaabay qof dumar ah degmada Baladweyne. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa xilka duqa degmada loogu Magacabay Haweeney lagu Magacaabo Safiyo Xasan Sheekh Cali taas oo bedeleysa duqii hore ee degmada Baladweyne Khadar Xasan Afrax. Sababaha xilka looga qaaday duqii hore ee degmada Baladweyne ayaa lagu sheegay inay timid baahi loo qabo in isbedel lag sameeyo maamulka gobalka Hiiraan haseyeeshee faah faahin dheeraad oo intaas dhaafsan lagama bixin. Halkaan ka aqriso Source: goobjoog.com
  9. PRESS RELEASE Dispatch of a Special Envoy of the Prime Minister for the Inauguration Ceremony of the President of South Africa Mr. Seki attended the Presidential Inauguration Ceremony held at the Loftus Versfeld Stadium in Pretoria, South Africa’s capital TOKYO, Japan, May 27, 2019/ — On May 25, Mr. Yoshihiro Seki, Member of the House of Representatives and State Minister of Economy, Trade and Industry visited the Republic of South Africa, as Special Envoy of Prime Minister Shinzo Abe, to attend the Presidential Inauguration Ceremony for H.E. Mr. Cyril Ramaphosa, President of the Republic of South Africa. 1. Mr. Seki attended the Presidential Inauguration Ceremony held at the Loftus Versfeld Stadium in Pretoria, South Africa’s capital. At the ceremony, President Ramaphosa took the oath and made his inauguration speech in front of dignitaries of the South African government, foreign dignitaries including heads of state from African countries, and the people of South Africa. 2. Mr. Seki handed over the personal letter from Prime Minister Abe to President Ramaphosa and offered his congratulations on the inauguration of President Ramaphosa. Mr. Seki stated that Japan will strive to further develop bilateral relations focusing on trade and investment and that he looks forward to welcoming President Ramaphosa to Japan on the occasions of important events which will be held in Japan this year including TICAD7. President Ramaphosa stated that he appreciates Mr. Seki’s attendance at the Presidential Inauguration Ceremony and that he looks forward to visiting Japan this year. 3. Mr. Seki had short conversations with dignitaries including heads of state of African countries as well as special envoys from non-regional countries on the occasion of the Presidential Inauguration Ceremony. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Foreign Affairs of Japan. SOURCE Ministry of Foreign Affairs of Japan Qaran News
  10. Qoraalkan & Naqshadan hoose ee Maabka “Map” Afrikada cusub “New Africa”, ee lagu Daabacay Bogga Wasaarada Arimaha Dibada ee Dalka Itoobiya wuxuu cadaynaya Qaabka loo Qorsheeyey Mustaqbalka dhow ee Maabka Afrikada Cusub. Waxaa Xaqiiqo ah in Qorshahani yahay mid in ka badan 60 Sano daraasaad lagu samaynayey, balse la sii dardar-geliyey 30kii Sano ee ugu dambaysay. Hadaad Akhriste u haysatid waxaan dhici karin, waxaad u Baahan tahay inaad fiiriso Qodobadan Hoose. Maxaa Cadayn u ah: . Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter ayaa yidhi “Ma dhacayso in 100-Milyan Bad la’aan ahaato halka 10-Milyani haystaan Badda Labaad ee Africa ugu dheer 3330 Km2” . Waxaa Xoojiyey Hadalka Madaxweynaha Wakiilkii Africa u qaabilsanayd Maraykanka Mrs Jandayi Frazer oo iyaduna mar labaad hadalkaas ku celisay. . Ku dhawaaqistii Xuseen Caydiid oo ahaa Wasiirkii Arimaha Gudaha Soomaaliya in Itoobiya & Soomaaliya la isu furayo oo ay yeelanayaan Passport isku mid ah. . Ku dhawaaqidii Abiya Ahmed ee In Somaliya & Itoobiya isku dal Keliya yihiin. . Qabsashadii Itoobiya ee Soomaaliya 2007, oo ay Caasimadii & Madaxtooyadiiba Qabsadeen. . Xafiisyada Maamul & Siyaasadeed ee Itoobiya uga furan Maamul walba oo Soomaaliyi Samaysatay. . Heshiisyada is-dhexgal ee ay la gashay Itoobiya Maamulada Soomaalida iyo Xukuumada Federalka ahba. . Rugaha Waxbarasho & Caafimaad ee Itoobiya ka Furatay Gobol walba oo Soomaali ah. . Samaysashada Maraakiib Ciidan & Ganacsi iyagoon Bad lahayn. . Samaysashada Ciidan Badeed Xoogan. . Ogolaanshaha inay Maamulaan Amniga Baddaha Soomaalida. . La wareegida Hogaaminta Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga. . Ku-soo Qulqulka Shacabka Itoobiya ee Gobolada Soomaalida oo aad u sii badanaya. . La Wareegida Ganacsiyadii yaryaraa ee dhamaanba Gobolada Soomaalida. . La wareegida dhamaanba Waardiyayaasha Guryaha iyo Xafiisyada Gobolada Soomaalida. . Isticmaalka Gaadiidka Itoobiya si Xor ah oo Cashuur la’aan ah dhamaan Jidadka Gobolada Soomaalida. . Isticmaalka Dekedaha Soomaalida si Cashuur la’aan ah iyo Baadhis la’aan waxa uga soo dega. . Kenya oo Sheegatay Maamulka iyo Lahaanshaha Kismaayo. . Kenya oo Sheegatay Qaybo ka mid ah Badda Soomaalida. . Ku dhawaaqida Madaxweynaha Ugaanda in Dal Soomaaliya la yidhaahdaa Jirin. Ku dhawaaqida Madaxweynaha Eritrea ee In Dalkii Soomaaliya Burburay oo aysan jirin Wax Soomaali la yidhaahdo. Intani waa Qaybo aad u yar oo ka mid ah xogta dhabta ah ee Map–kani Xambaarsan yahay. “Doqonta Usha agteeda ku dhufo, Haduu Dareemi waayona Korkiisa ku dhufo”. Waa in arintan Soomaalidu meel adag ka istaagtaa, oo Itoobiya ugala garnaqsataa si adag. Mahadsanidin W/Q: Qaasim Saleeban
  11. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo had concluded his three-day trip to South Africa after meeting with the Somali community in South Africa on Sunday evening. The community representative urged the President and his government via the embassy to address the xenophobic attacks meted against Somali business in South Africa. The President was accompanied by the Foreign and International Cooperation Minister, Ambassador Ahmed Isse Awad and South African ambassador, Jamal Mohamed Barrow. The plane carrying the president departed for Mogadishu via Dar es Salam, after the conclusion of his three-day visit to South Africa. Villa Somalia spokesman, Abdinur Mohmed Ahmed confirmed via his tweeter on Monday. View the full article
  12. A top military commander has said that a maritime border dispute has not affected operations of Kenyan forces in Somalia. Lieutenant Colonel Meshack Kishoyian, Commanding Officer Two Mechanised Infantry Battalion based in Kismayo said the relationship between the two countries remained cordial. Lt Kishoyian said he was not aware of any specific exit plan for Kenyan troops and that they would continue building Somalia’s security capacity. The Kenyan troops are operating under African Union Mission in Somalia (AMISOM). The two countries have recently been engaged in a diplomatic tiff over a maritime boundary dispute following the reported auction of oil blocks by Somalia in the contested area. “I have not seen any standoff whatsoever, we work cordially with Somali security forces and other AMISOM forces,” he said. “KDF forms part of AMISOM, the military is straightforward, we are guided by our mandate and we have a mission which we are currently implementing in Sector Six, issues of politics will be handled at the level of politics,” he said. Build capacity “Our mandate here is to establish and maintain a safe and secure environment within which the Somali people can rebuild their lives and prosper,” he said. “We are currently mentoring the Somali security national forces through joint operations so that they can build their capacity to take over and maintain a safe and secure environment that currently exists in Kismayo once AMISOM departs,” said Kishoyian. Regarding exit rumors of Kenyan troops pulling out of Somalia, Kishoyian said military operations were fluid in nature and that it was difficult to pinpoint the exact exit date. “Ultimately it is the Somali forces who will be in charge of pacifying and ensuring that their country is safe and secure when AMISOM exits. We’ve been able to mentor them by conducting joint operations to ensure that they are professional and capable of securing not only Kismayo but ultimately the whole of Somalia,” he said. He said that there were challenges as Somalia had been at war for a long time before the entry of Kenyan forces. “Military operations are fluid, you cannot put a specific date of a pullout. However, the concept of operations spanning from 2018-2021 gives a breakdown of the mentorship to be given to the Somali national security forces an gradual withdrawal so that we don’t destabilise the area,” he said. In 2012, KDF along with Somali forces liberated Kismayo and its environs from the Al-Shabaab. View the full article
  13. Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Isniinta maanta sheegay in uu cafis u fidiyay, maxaabiis Puntland looga qabtay dagaalkii Tukaraq oo ku xiran magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi. Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland , Maxamuud Warsame Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyay 14 maxbuus oo Puntland looga qabtay dagaalkii Tukaraq, isagoo xeerinaya nabadgelyada labada dhinac iyo fadliga bisha barakaysan ee Ramadan. Hadalka af-hayeenka ayaa ku soo beegmay, iyadoo maalintii shalay warbaahinta Puntland Post daabacday in labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ay saxiixeen, heshiis maxaabiis is-weydaarsi oo ay fududaysay hay’adda Laanqeynta cas (ICRC). Haddaba, maamulka Somaliland ee ka taliya gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya, ayaa ku dhiirran-waayay in uu soo bandhigo heshiiska, isagoo doorbiday in uu cafis aan jirin isku maaweeliyo, si uu qiil ugu sameeyo heshiiskaasi maxaabiis isweydaarsiga. Puntland ayaa dagaalkii Tukaraq ku qabatay, 19 askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland oo uu ku jiray sarkaal sare, kuwaasi oo badankooda laga qabtay ciidanka uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe oo ah nin u dhashay gobolka Sool. Ha’yeeshee, Puntland ayaa bishii Febraayo ee sannadkan sii daysay 16 kamid ah maxaabiistaasi oo ka soo jeeday gobolada SSC, kadib markii dhaqan-celin loo sameeyay, waxaana hadda gacanta Puntland ku harsan 3 maxbuus oo u dhashay gobolada waqooyi galbeed. Maxaabiista Puntland hayso waxaa ku jira ku xigeenkii taliyaha ciidamada Somaliland ee aagga Tukaraq oo lagu qabtay dagaal ka dhacay degaanka Tukaraq 24-kii bishii Maarso 2018. Sidoo kale, Somaliland ayaa dagaalkii Tukaraq ku qabatay 14 maxbuus oo ka tirsan ciidamada Puntland, balse ma jirin hal ruux oo laga siidaayay maxaabiista Somaliland qabatay, waana kuwa hadda la soo wareejin doonto. Sida ku xusan heshiiska maxaabiis is-weydaarsiga ee dhexmaray Puntland iyo Somaliland, waxaa labada dhinac maxaabiista is-weydaarsan doonaan 3 bisha June ee soo socota. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka oo ka jawaabi waayay su’aalo laga weydiiyay shirkiisa jaraa’id PUNTLAND POST The post Somaliland oo ka been sheegtay maxaabiis is-weydaarsiga Puntland appeared first on Puntland Post.
  14. Hargeysa (Caasimadda Online) – Waxaa cafis loo fidiyey illaa 14 kamid ah Maxaabiistii ay Maamulka Somaliland ku qabteen Dagaalkii Takuraq ee kala dhaxeeyey Maamulka Puntland. Muuse Biixi Cabdi oo ah Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu cafis u fidiyey illaa 14 Maxbuus oo Puntland looga qabtay Dagaalkii Takuraq ee Gobolka Sool. Madaxweynaha Somaliland oo soo saaray War saxaafadeed loona akhriyey Warbaahinta ayaa lagu sheegay in sababta loo sii daayey ay tahay maxaabiistaas labo arrin oo kala ah inay Somaliland diyaar u tahay mar kasta nabadda iyo Fadliga ay leedahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan. War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in arrintaan ay daba socoto hadalkii uu Madaxweyne Muuse Biixi dhawaan ka sheegay xafladdii sanad guurada 18 May ee gooni isu-taaga Soomaaliland. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Magacyada Maxaabiista lasii daayey: 1: Cabdi Naasir Cismaan Cali 2: Cabdi Nuur Maxamed Cabdulle. 3: Maxamed Saciid Yuusuf 4: Cali Faarax Aadan 5: Maxamed Cabdi ceynab 6: Cabdi Xaafid Cabdullaahi Xalane 7: Xuseen Siciid Warsame 8: Cabdi Naasir Maxamed Nuur 9: Maxamed Abshir Aadan 10: Ibraahim Xasan Salaad 11: Axmed Maxamed Axmed 12: Siciid Ducaale Cali 13: Mahad Nuur Cali 14: Faarax Maxamed Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  15. Hargeysa (Caasimadda Online) – Waxaa cafis loo fidiyey illaa 14 kamid ah Maxaabiistii ay Maamulka Somaliland ku qabteen Dagaalkii Takuraq ee kala dhaxeeyey Maamulka Puntland. Muuse Biixi Cabdi oo ah Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu cafis u fidiyey illaa 14 Maxbuus oo Puntland looga qabtay Dagaalkii Takuraq ee Gobolka Sool. Madaxweynaha Somaliland oo soo saaray War saxaafadeed loona akhriyey Warbaahinta ayaa lagu sheegay in sababta loo sii daayey ay tahay maxaabiistaas labo arrin oo kala ah inay Somaliland diyaar u tahay mar kasta nabadda iyo Fadliga ay leedahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan. War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in arrintaan ay daba socoto hadalkii uu Madaxweyne Muuse Biixi dhawaan ka sheegay xafladdii sanad guurada 18 May ee gooni isu-taaga Soomaaliland. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Magacyada Maxaabiista lasii daayey: 1: Cabdi Naasir Cismaan Cali 2: Cabdi Nuur Maxamed Cabdulle. 3: Maxamed Saciid Yuusuf 4: Cali Faarax Aadan 5: Maxamed Cabdi ceynab 6: Cabdi Xaafid Cabdullaahi Xalane 7: Xuseen Siciid Warsame 8: Cabdi Naasir Maxamed Nuur 9: Maxamed Abshir Aadan 10: Ibraahim Xasan Salaad 11: Axmed Maxamed Axmed 12: Siciid Ducaale Cali 13: Mahad Nuur Cali 14: Faarax Maxamed Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN) – Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodaax barre ayaa maanta kormeer ku tagay inta badan goobaha uu ka dhacayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee maanta ka biloowday dalka. Wasiir Cabdulaahi Goodax Barre ayaa waxa kormeerka ku wehlinayay Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Guddoomiye ku xigeynka dhanka arrimaha bulshada gobalka Banaadir Basmo Caamir iyo xubno kale oo ka socday wasaaradda waxbarashada iyo maamulka gobalka Banaadir. Wasiirka waxbarashada iyo xubnihii la socday ayaa kormeerka ka bilaabay Jaamacadda Ummadda qeybaheeda ay ka koobantahay Gobalka Banaadir ee imtixaanku ka Socday iyo iskuulka almacaarif oo ay ku sugnaayeen arday araga aan wax ka arag iyo xarumo kale oo dhamaantod ku yaala gobalka banaadir. Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi goodax bare ayaa kormeerka kadib waxa uu ka hadlay habka imtixaanka uu ku biloowday. “Maanta waxaan kormeer ku tagay qaar ka mid ah iskullada ku yaalla magaalada Muqdisho oo maanta uu si rasmi ah uga bilowday imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka,” Imtixaankan waxaa u fadhiistay sodon iyo kow kun iyo shan boqol oo ardey oo ku kala sugan gobolka Banaadir iyo gobollada dalka. “Waxaan la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed oo runtii kaalin muhiim ah ka qaatay habsami u socodka imtixaanka waxaan la kulmay shaqo aad u qurux badan iyo ardey firfircoon oo raba in aqoontooda iyo garaadkooda iyo dadaalkoodii labo iyo tobanka sano ay soo wadeen in ay muujiyaan” ayuu yiri Wasiirka. Wasiir Goodax ayaa sii raaciyay”Dhammaan ardeyda waxay noo sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay markale galan imtixaanka iyaggoo nagu tageeray qaabkii aan u joojinay imtixaankii hore mar hadii uu fashilmay sababtuna ay tahay in ardagu waxa uu shaqeystay uu ku meel maro midka aan shaqeysana islamarkaan doonaya in uu iibsado uusan ka buunda sarey ardeyga dadaalaya. Wasiirka ayaa dhammaan ardeyda Soomaaliyeed waxa uu u rajeeyay guul iyo horumar. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo haatan maraya meel aad u xiiso badan ayaa waxaa caawa ku baratami doona degmooyinka Cabdicasiis iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Degmooyinkan ayaa horay guulo uga soo gaaray tartamadii hore, kadib markii ay la yimaadeen dar dar xoogan. Cabdicasiis iyo Afgooye degmada guuleysta waxa ay iska xaadirin doontaa wareega 8 dhamaadka ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha kala matalaya labada degmo waxa ay haatan u diyaar garoobayaan ka qeyb galka barnaamijka caawa. Tartanka xiisaha badan ee Shabeelle waxaa si muuqaal ah uga daawan kartaa Boggeena Facebook ee Shabelle Media Network. Sanadkan waxaa tartanka abaal marin ku bixinaya shirkadaha ganacsiga Beco iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondry School. View the full article
  18. Hargeysa (Caasimada Online) ― Mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa bogaadiyey arrin uu Madaxweyne Muuse Biixi sameeyay oo ku aadan maamulka Puntland. Raisedon Zenenga oo ah ku-xigeenka madaxa xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa wuxuu Madaxweyne Biixi ku bogaadiyey qodobo ku jirey khudbad uu ka jeediyey maalinkii xuska 18-May. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu khudbadaasi ku sheegay inay Somaliland sii deynayso maxaabiista ay dagaaladii kaga qabsatay Maamulka Puntland, isagoona ka dalbay Deni inuu isagna sii daayo maxaabiista ay ka hayaan maamulkooda. Madaxweyne Biixi ayaa fuliyay dalabkaasi uu u jeediyey Puntland, isagoona 17-maxbuus oo kamida ah maxaabiista Puntland uu cafis Madaxweyne kusii daayey. Danjire Raisedon Zenenga ayaa qudbad uu u jeedinayey golaha ammaanka Qaramada Midoobay toddobaadkan, ayaa wuxuu Madaxweyne Biixi ku bogaadiyey talaabada uu qaaday ee sii deynta maxaabiista iyo baaqa nabadeed ee uu u direy Puntland. “Waxaan dhiirigeliyay qudbadii uu Madaxweyne Muuse Biixi jeediyay 18-May ee uu ku cadeeyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu Puntland kala shaqeeyo arrimaha nabad-gelyada oo ay ku jiraan is dhaafsiga maxaabiista iyo inay Soomaaliya iska kaashadaan arrimaha la xidhiidha ammaanka, ganacsiga iyo tacliinta” ayuu yiri Danjire Raisedon Zenenga. Danjire Zenenga ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya ee mudada labada Sanno dib u furmin ay saameyn ku yeesheen dib u eegista iyo dhammaystirka dastuurka ay dowladda Soomaaliya wado. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. Xili waaberi ah, taariikhduna ahayd Abriil 23, 2019 ayuu igu soo kalahay saaxiibkay Wasiir Juxa. “Toos ayaynu Gegada Dayuuradaha Nayroobi u aadaynaa,” ayuu iigu bishaareeyey. [...] Source
  20. (SLT-Hargeysay)-Saxaafadda Somaliland Su’aalo Adag Waydiisay Afhayeenka Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Qaabka Uu Ugu Jawaabay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Hargeysa (SMN) – Mdaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis u fiday 14 Akari oo ka tirsan Ciidamada Puntland oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Afhayeenka Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in uu madaxweyne Biixi u cafiyay Maxaabiistaasi fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in arrintan ay qeyb ka tahay mid ay Somaliland ku dooneyso in lagu wada noolaado nabad iyo daris wanaag. S/land iyo Puntland waxaa ka dhex jira khilaaf dhinaca Sohdinta ah, waxaana marar badan ay ku dagaalameen gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. View the full article