Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Egeh: ”The Finance Ministry now has a system to track sales made by businesses. The VAT is 5% of sales, which is comparatively far less than the VAT levied in our neighbouring countries.” Mogadishu (PP News Desk) — The Finance Minister of the Somali Federal Government, Mr. Bihi Iman Egeh, yesterday declared the introduction of a value-added tax on sales made via mobile phones, money wallets and at point of sale systems. “The Finance Ministry now has a system to track sales made by businesses. The VAT is 5% of sales, which is comparatively far less than the VAT levied in our neighbouring countries” said Egeh. The new VAT system will take effect in Mogadishu, and is expected to be rolled out in other parts of Somalia. The introduction of VAT could trigger inflation if traders pass the VAT charges on to buyers. The Directorate of Revenues of the Finance Ministry disseminated advertisements in Somali about the VAT. “Citizens, pay the tax. When you make a purchase, the VAT will directly go to the government’s account,” says the television advertisement. It is unclear if the price is inclusive of VAT or if the buyer will pay an extra 5% of the price as a VAT. The Directorate of Revenues advertisement in Somali. “The customers will be burdened with an additional transaction if the merchant asks them to cover the VAT charges to a government account in a separate transaction. Normally, the VAT is included in the price,” said an accountant in Mogadishu. © Puntland Post, 2024 The post The Somali Federal Government Introduces VAT appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa balan-qaaday in dalacsiin loo samey doono askarigii isku dayey inuu xakameeyo kooxdii maxaabiista aheyd ee weerarka ka geysatay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, sidoo kalena taalo loo dhisi doono askarigaas oo shalay dhintay. Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta sheegay in askari ka tirsanaa ilaalada xabsiga dhexe ay raggii maxaabiista ahaa isku dayeen inay furaha qolkii ay ku jireen ay xoog uga qaataan, balse uu sameeyey naf hurnimo badbaadisay dad badan. Raga fuliyey weerar ayaa ku xiraa hal qol, askarigii hayey furaha qolka ay ku jireen ayay u yeereen, wuxuu soo istaagay irida, kadibna waxay ku qabteen qori, waxayna ku amreen inuu dhiibo furaha, balse go’aan ayuu qaatay, wuxuuna si deg deg ah u tuuray furihii. Markaas ayey bilaabatay rasaastu, ragii waxay toogteen askarigii, kadibna waxay xabado ku fureen Albaabka iyo qunfulkii saaraa, waxayna fursad u heleen inay banaanka u soo baxaan, balse wuxuu loo diiday jaanis ay ku baxsadaan. Ciidankii ilaalada ka ahaa Xabsiga Dhexe ayaa ku dadaalay in ragaasi aysan baxsan, sidoo kalena aysan geysan khasaare badan, waxaana markii dambe lagu guuleystay in 5-tiiba la toogto, iyagoo dagaalamaya. Ragaas waxay galaafteen nolosha 3 askari oo ninka taalada loo dhisayo uu ku jiro, sidoo kale waxay dhaawaceen 18 maxbuus iyo 3 askari oo kale, sida uu shalay sheegay afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliya. Taliyaha Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegey in isla maanta uu dhagax-dhigayo taalada askarigii diiday inuu furaha siiyo dhagarqabayashii weerarka fuliyey, sidoo kale wuxuu sheegay in loo samey doono dalacsiin, isagoo geeriyooday, si loo maamuuso kaalintiisa iyo geesinimadiisa. Ragga weerarkaas geystay waxay ahaayeen 5 nin oo horay maxkamadda ciidamada ay dil toogasho ah ugu xukuntay, kadib markii lagu helay dilal ay geysteen, maadaama ay ka tirsanaayeen Khawaarijta. Hoos ka daawo The post Daawo: Taliye Shub oo taalo u dhisaya askarigii fashiliyey toogashadii Xabsiga Dhexe appeared first on Caasimada Online.
  3. Faahfaahin kooban ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo goor dhaweyd ka dhacay degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Maqaayad ku taalla agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon dhanka Isgoyska Jubba taasi oo lagu magacaabo Top Coffee oo dhawaan un halkaas laga furay. Ilaa iyo hadda ma cadda nooca qaraxa ee dhacay balse waxaa la maqlay jugta qaraxa xilli halkaas ay dad badan ku sugnaayeen. Maqaayadda oo ah goob lagu caweeyo ayaa waxaa lagu daawanayey xilliga uu qaraxu dhacay ciyaarta kama dambeysta koobka qaramada Yurub ee dhexmaraysa xulalka England iyo Spain. Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh iyo burbur hantiyeed ayaa la soo sheegaya in uu ka dhashay qaraxa balse weli xog sugan lagama helin inta uu le’eg yahay khasaaraha dhacay. PUNTLAND POST The post Qarax xooggan oo goor dhaweyd ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada dib u xoreeynta deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah ku joogay deegaano hoos taga degmada Ceeldheer. Ninkaan oo magaciisa ku sheegay Cabdi Maxamed Cumar ayaa mudo dhowr sano ah ka tirsanaa Khawaarijta, wuxuuna uga biiray gobolka Bakool. Maxamed Khaliif oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Deeganka ee soo qabtay dhagarqabahaan ayaa sheegay inay heleen xogta ninkaan oo baxsad ah. Howlgalka lagu soo qabtay Cabdi Maxamed Cumar ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa deeganada Qorya-wayn iyo Hul-caduur oo hoos tago degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Ninkaan ayaa sheegay in 10 sano uu ka tirsanaa argagixisada, balse hadda uu jiray khilaaf ku kalifay inuu kasoo baxsado, balse qorshihiisu ma aheyn inuu dowladda u gacan galo. Wuxuu sheegay inuu qorsheynayey inuu u baxsado dhanka gobolka Bakool oo markii hore uu uga soo biiray Khawaarijta, reerkiisana uu degan yahay. Cabdi Maxamed ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab uu khilaaf culus ka dhexqarxay, isla markaana dagaalyanada kooxda ay u adkeysa la’yihiin nolosha adag ee ku heysata duurka. Ciidamada Macawiisleyda degmada Ceeldheere ayaa ku jira howlgallo joogto ah waxayna deegaano fog fog ku ugaarsadaan kooxda, sidoo kale waxay howlgaladaan uga hortegaayaan in kooxdu ay weerar dambe ku soo qaado degmada. The post Sawirro: Horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo nolosha lagu qabtay, isagoo u baxsanaya… appeared first on Caasimada Online.
  5. Waxa soo xoogaysanaaya wararka sheegaaya in rag ka soo jeeda Somaliland iyo Kilinka Somaalida ee Itoobiya shalay lagu laayay iyaga oo safar ku dhex maraaya gudaha Itoobiya. Waxana la xaqiijinayaa in ay dilkaasi gaysteen Canfarta oo baryahanba dagaalo u dhexeeyeen Somaalida Itoobiya. Waxana jira rag ka bad baaday isku day dil oo ay wada safrayeen kuwa la laayay Baraha bulshada iyo warbaahinta kaleba waxa lagu baahiyay faah faahin ku saabsan dhacdadani. Saddexdii nin ee ka bad baaday isku daygii dil ee Canfarta . Sadexdu Waxey kasoo kala Jeedaan Somaliland Iyo Kilalka Somalida Waxaa Kaloo La Diley Rag Ay kujiraan Rag Somaliland Udhashey Oo Ganacsadayaal Ahaa . Sida Ganacsade Mowliid Maxamed Cabdi ( Mowliid Basra ) Rabbi How Naxariisto 1. Badri Muuse Yuusuf 2. Sucuudi Muxumed Muuse Ninka Dhaawaca Ah 3. Cali Xuseen Jaamac.. Hada waxaay ku Jiraan gacanta ciidanka Nabadgalyada Fadaraka Ethiopia Qaran News
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda masar Mudane Cabdifitaax casiisi ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay diblumaasiyiin uu ku jiro safiirka dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalkaas. Danjiraha cusub ee Soomaalia ee Masar mudane Cali Cabdi Awaare ayaa waraaqihiisa u gudbiyay madaxweynaha Masar Cabdifitaax Alsiisi, ka dibna munaasabad kooban oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada. Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa sidoo kale Soomaaliya u qaabilsanaan doona ururka jaamacadda Carabta oo fadhigiisu yahay isla magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas. Xariirka labada dal oo soo jireen ah ayaa hadda ah mid aad u wanaagsan, ayadoo ay masar kamid tahay xulufada Soomaaliya sida weyn u garab istaagtay, ka dib markii ay Itoobiya ku dhaqaaqday falka guracan oo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dhanka ah. Source: goobjoog.com
  7. Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane Raisedon Zenenga. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqaynta iyo tageerada mustaqbalka ee Ciidanka Xoogga Dalka, kaddib bixitaanka Ciidamada ATMIS iyo sanduuqa taageerada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dhowaan ku biirtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay isku diyaarinayso bixitaanka ciidamada shisheeye ee dalka jooga. Source: goobjoog.com
  8. Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka (National Development Council) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoomiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiyaha Golaha Horumarinta Qaranka, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene). Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiirka Qorsheynta Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Axmed Cali Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Cali, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Nuur Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire, Agaasimyaasha Guud ee Dowlad Goboleedyada, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta, iyo la taliye-yaal sare. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee Golaha Horumarinta Qaranka uu hayo iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada horumarineed ee dalka oo dhan. Qodobada Muhiimka ee Kulanka Joogteynta Kulamada: Golaha Horumarinta Qaranka ayaa isku raacay in la joogteeyo kulamada Golaha si loo xoojiyo ka wada-shaqeynta dhammaan howlaha shaqo ee ka dhaxeeya Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025 -2029): Goluhu waxa uu si wadajir ah diiradda u saaray dar-dar gellinta diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaran kaas oo bedelaya Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad ee gebo-gebada ah. Dowlad Goboleedyada waxaa laga taageeri doonaa diyaarinta iyo dib-u-eegista qorsheyaasha horumarineed si loo waafajiyo Qorshaha Isbedelka Qaranka. Xalka Barakacayaasha: Goluhu waxa uu isku raacay in xal waara loo helo barakacayaasha dalka ku sugan iyo in la dar-dar geliyo dhameystirka diyaarinta Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara. Qorshahan waxaa loogu talogalay in hal milyuun oo barakacayaal ah looga saaro xaaladaha barakac ee ay ku sugan yihiin sida waafaqsan Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara. Dhiirigelinta Maalgashiga: Goluhu waxa uu isku raacay xoojinta dadaallada dhiirigelinta maalgashiga caalamiga ah si looga wareego gar-gaarka bini’aadminimo loona wareego horumarinta dalka. Waxa uu ku baaqay in la dhameystiro dhammaan shuruucda qabyada ah (heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed), gaar ahaan kuwa hor yaalla Golaha Baarlamaanka sida Sharciga Maalgashiga Soomaaliya. Kormeerka iyo Qiimeynta: Goluhu waxa uu isku raacay in la xoojiyo nidaamka Kormeerka iyo Qiimeynta dalka si loo xaqiijiyo in dhammaan mashaariicda dalka ka socdaa waafaqsanyihiin Qorshaha Horumarinta Qaranka. Waxa uu soo dhaweeyay ansixinta Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimaynta oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada XFS, iyo xoojinta fulinta iyo dhaqangelinta siyaasadda. Golaha Horumarinta Qaranka waxa uu ka kooban yahay Wasaaradaha Qorsheynta ee labada heer ee Dowladda (Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada dalka), taas oo sare u qaadaysa wada shaqeynta iyo horumarinta qorsheyaasha dalka. Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa ka jawaabay wareysi uu bixiyay La-taliyihii hore ee amniga madaxweyne hore Farmaajo, Cabdisaciid Muuse Cali, kaasi uu ku sheegay in xukunka dalka loo baneeyo Al-Shabaab. Cabdisaciid ayaa ku dooday in dowladda ay ku guul-dareysatay inay iska difaacdo daan-daansiga iyo xad-gudubka uga imaanay Itoobiyaanka uu hoggaaminayo Abiy Axmed, sidaas darteedna haddii aan la iska dhicin karin damacaasi xukunka loo baneeyo Shabaab. Islow oo qoraal soo saaray ayaa hadalka la-taliyihii hore ku tilmaamay mid qeyb ka ah xarka goosadka siyaasiyiinta baryahaan, isaggoona u jeediyay inay mucaaradadu u kala soocnaato mas’uulka xilka haya iyo qarannimada, si naceybka shaqsiga uusan xadka uga tallaabin. “Saaxiibadii hore ee Kaarka iska gubay, waxaan leeyahay: Waxaa jira wax badan oo aad ku mucaaradi karto madaxda dowladda oo aan ahayn in aan caddowga umaddan isu dhiibno,” ayuu yiri Islow si duur-xul ah ugu jawaabay Cabdisaciid. Sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalka “Xildhibaannada waxaan ugu naseexeynayaa inaan ku dhex shaqeynayo sharciyadda Baarlamaanka. Dowladnimada ayaa ka weyn Dan kasta oo gaar ah.” Hoos ka aqriso qoraalka Islow TALO QARAN Waxaa muddooyinkan danbe baraha bulshada kusoo batay siyaasiyiin, madax hore iyo xildhibaanno xadka kasii tallaabaya. Waxaan rabaa inaan ka siyaasi iyo nabaddoon ahaan saaxiibadey u jeediyo talada soo socota: “Walaalayaalow waa inay noo kala soocnaato naceybka mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada: Micnaha adigoo Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha ku xumeynaya, yeysan mucaaradnimadu kula gelin inaad Caddowga Khawaarijta la safato. Adigoo is leh dowladda joogta ku ceebeey, Qaranadimada ha dhaafsan inuu Dal caddow ah Qorshihiisa kuu soo dhiibo. Saaxiibadii hore ee Kaarka iska gubay, waxaan leeyahay: Waxaa jira wax badan oo aad ku mucaaradi karto madaxda dowladda oo aan ahayn inaan caddowga umaddan isu dhiibno. Xildhibaannada waxaan ugu naseexeynayaa inaan ku dhex shaqeynayo sharciyadda Baarlamaanka. Dowladnimada ayaa ka weyn Dan kasta oo gaar ah. Mahadsanidiin The post ISLOW oo si adag ugu jawaabay Cabdisaciid, farriina u diray mas’uuliyiin kale appeared first on Caasimada Online.
  10. Dowladda UK ayaa ku dhawaaqaday qorshooyin ay ku sii deyneyso maxaabiis ka hor waqtigooda si loo joojiyo in xabsiyada England iyo Wales aysan buux dhaafin. Xoghayaha cadaaladda UK, Shabana Mahmood, ayaa la filayaa in ay sameyso qorshooyin degdeg ah oo lagu sii deynayo maxaabiis si boos loo helo. Tallaabada ugu horeysa ayaa noqoneysaa mid heer heer ah. Maxaabiista 40% dhameystay xabsigooda ayaa la sii deynayaa sida ay sheegeen ilo dowladda ah. Nidaamka hadda jira waxa uu ku saleysan yahay maxaabisita dhameysata 50% intii ay ku xukunnaayeen ayaa la sii daayaa. Waxaa jiri doono kuwa laga reebyo dabaqadaas. Waxaana ka mid ah kuwa gala dambiyada rabshadaha iyo faraxumeynta. Bishii Maarso ee sanadkan waxay dowladdii muxaafidka ee doorashada looga adkaaday ku dhawaaqday qorshooyin maxaabiista lagu deynayo labo bilood ka hor waqtigooda si loo yareeyo ciriiriga xabsiyada. Xoghayihii hore cadalaadda UK oo la hadlay barnaamijka Today ee BBC ayaa sheegay in ay jiraan qorshooyin kale oo dheeri ah oo lagu sii deynayo maxaabisita dhameystay 40% xukunkooda balse waxaa jiray cabsi laga qabay in uusan baarlamaanka taageereynin. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Raysalwasaare Keir Starmer oo hadda Washington kaga qeybgalaya shirka NATO ayey wariyayaasha weydiiyeen waxa uu ka ogyahay xaaladda qarashaadka lagu bixiyo howlaha guud ilaa inta uu xafiiska yimid. “Waxyaabaha qaar aan ogaanay waa naxdin, ma ahan wax badan oo dhinaca dhaqaalaha ah, laakiin waa in aan sheegaa, waa xabsiyada” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan aheyn xaalka siduu filayay. “Xaaladda way ka xuntahay sidii aan u maleynayay. Aad ayaan uga naxay in la ogolaaday in heerkaas ay gaarto. Waa taxadar la’aan in la ogolaaday in ay heerkaas gaarto” Toddobaadkii la soo dhaafay, ururka maamulka xabsiyada oo wakiil ka ah 95% madaxda xabsiyada England iyo Wales ayaa ka digay in maalmo gudahood aan la heleyn meel dadka lagu xiro. Xoghayihii hore cadaaladda, Alex Chalk ayaa ku sheegay sababta keentay in xabsiyada buuxsamaan in ay ka timid aafadii karoona markaas oo dib u dhac ku yimaadeen kiisaska xabsiyada. Mr. Chalk oo sidoo kale aan doorashada ku soo bixin waxa uu sheegay in ay aheyd in dad badan xabsigooda laga dhigo midka lala soconayo. Mar la weydiiyay sababta uusan taas u hirgelin waxa uu ku jawaabay. “Waa in aad ogsoonaataa in culeys uu jiray, sida aan ognahay waa in aad ka dhaadhicisaa baarlamaanka si hore loogu sii socdo” “Way iska cadeed in muhiimadda aheyd in codeynta lagu guuleysto” Sidoo kale waxaa la weydiiyay hadii raysalwasaare Rishi Sunak uu horjoogsaday isbeddelka, Mr. Chalk waxa uu ku jawaabay in uu san ka hadleyn arin si hoose looga hadlay balse wuxuu yiri: “Macquul ayey aheyd in laga hadlo waxa baarlamaanka la horgeynayo iyo waxa kale. Wuxuu kaloo sheegay xoghayaha cadaaladda ee cusub, Shabana Mahmood, in looga baahan yahay in ay noqoto qof daacad ah oo lagu aaminikaro qorshooyinka mustaqbalka fog. In la siidaayo maxaabiis ka hor waqtigood culeyska ayey dowladda ka qaadeyso 18 bilood oo aysan qiimo intaas ka badan laheyn wixii intaa ka dambeeya. Wuxuu su’aal ka keenay in hadii ay macno sameyneyso in la dhsio xabsi cusub oo ay ku baxeyso halkii qol £600,000 halkii isbitaal laga dhisi lahaa hadii aan dhaqaalo la hayn. Xisbiga shaqaalaha ee hadda dalka xukuma ma faahfaahin qorshaha mustaqbalka fog balse magacaabsita James Timpson ee laga dhigay wasiirka xabsiyada ayaa muujineysaa tallaabo cusub. Timpson oo ganacsigiisa dayactirka kabaha ay ka shaqeeyeen maxaabiis hore ayaa aaminsan in la xiro oo kaliya saddex meelood meel. Scotland waxay qorsheyneysaa in ay sii deyso 550 maxbuus oo inta u hartay ka yartahay lix bilood. Sanadkii hore Scotland waxay baarlamaanka marsiisay xeer lagu yareenayo tirada ku jirta xabsiyda bbcsomali Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mid kamid ah eedaha loo haysto waa in uusan si dhab ah ula diririn argagixisada 5 sano iyo 3 billood oo uu madaxweyne ka ahaa Soomaaliya. Markii isaga iyo Xasn Sheekh la isbarbar-dhigo meelaha Farmaajo looga horreeyo waxaa kamid ah la-dagaalanka argagixisada, oo ah mushkilada ugu weyn ee maanta taalla Soomaaliya. Sababo badan ayaa loo sameeya in uusan Farmaajo si dhab ah ugu bareerin la-dagaalanka argagixisada, mid kamid ah ayaa waxay tahay kooxdiisi ugu dhoweyd ama dadkii ku hareeraysna markii uu tallada joogay. Haddii saaxiibadaada siyaasadda, dadka mas’uuliyadda amniga ku haya ama kuwa aad tallada ka qaadato aanay Shabaab u arkin cadow dhab ah waa arrin culus, waxaana adkaaneysa in aad hesho xog sugan oo argagixisada la xiriirta ama aad deg-deg u jiheyso dagaalkooda. Dabcan lama dhihi karo madaxweynuhu isaga dabay argagixisada, laakiin dhowr jeer oo hore waxaa la duray taliyihiisi nabad-sugidda Fahad Yaasiin oo lala xiriiriyay inuu u dabcinayo kooxda, halka dhawaan La-taliyihii Farmaajo ee dhinaca amniga Cabdisaciid Muuse uu isna bixiyay wareysi muujinaayay inuu kooxda siinayo awood dheeri ah, kana fogaanayo in uu aad u muujiyo inuu meel adag ka taagan yahay argagixisada. Tani waxay dadka qaar siisay inuu madaxweyne Farmaajo la noolaa xubno aan Shabaabka u arag halis weyn, beddelkeedana xooga badan gelinaayay siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda ama dowladdaha deriska qaarkood. Farmaajo wuxuu markale doonayaa xukunka Soomaaliya Markii aad madaxtinimo raadineysid keliya lama fiirin doono wixii aad soo qabatay iyo ballamaadada cusub ee sidoo kale dadka waxay eegi doonaan xubnaha kugu hareeraysan. Farmaajo-na haddii uu isla safkii hore soo celiyo, iyada oo weli qabyo tahay la-dagaalanka argagixisada, waxay dhalin doontaa inay dadka il-gaar ah ku fiiriyaan safkiisa. Inkasta oo kooxdiisa ay ku dooddo inay diyaarinta ciidanka xoogga saareen, oo ay rabeen inay abuuraan ciidan Soomaaliyeed oo ku filan inay kooxda wiiqaan, dhulka laga saaro maamulaan, dalkana difaacan. Haddana, sida ay iskugu milmeen kooxaha argagixisada iyo laamaha amniga ee dowladda xilligii Farmaajo ama ay argagixisada ugu xoogeysatay Muqdisho waa dhaawac weyn oo uusan inkiri karin nidaamkii Farmaajo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhinaca la-dagaalanka argagixisada waxa uu ka haysta diiwaan ka wanaagsan midka Farmaajo, wallow uu dhinaca kale taagan yahay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ahaa ninka argagixisada ka saaray magaalada Muqdisho, kaas oo isna leh diiwaan wanaagsan oo ah dhinaca la-dagaalanka argagixisada. The post Sababihii qarsoona ee FARMAAJO ula diriri waayey Al-Shabaab oo soo if-baxay appeared first on Caasimada Online.
  12. Sheekadda Laba Daayeer Kanina waa laba daayeer oo raalli ku ah marka isku wax la siiuo, laakiin aan oggolaanayn marka mid loo eexdo ee wax wanaagsan la siiyo. Labadan daanyeer shaqada loo diray waa inay dhagaxa meel la dhigay usoo dhiibaan qofka wax siinaya kedibna abaalgud la siiyo. Haddii khiyaar la siiyo labadoodaba caadi ayaybu arkaan. laakiin ma aqbalayaan in .idna cinab la siiyo midna khiyaar. Daanyeerku cinabka ayuu jecelyahay. Waxaa la sheegaa in haddii ay isu furnaan lahaayeen uu midna laga hiiliyey la dagaalami lahaa midka loo hiiliyey. Hada ma fahantay sababta cadaalad darrada ama eexdu dadka isugu dirto. Oo Soomaali inta dhex taallaaba saw intaa maaha! Qaraabakiilka ama eexdu waa cadowga dowladnimada! Tan waxaa ka dhigan sida ciddii nidaamka dowladda u dhawaata loo naco, khaas ahaan marka ay sed bursadaan sidii Tigreega ku dhacday. ee Itoobiyada kale u nacday ee loo xasuuqay. Mararka qaarna waxaa dhacda in cidda xukunka haysaa nacayb iyo cadaawad usoo jiiddo cidda ay ka dhalatay iyaga oo aan waxba dheefa ku qabin! Dowlad la candadowlay waxay isku dirtaa dadkeeda. Qaran News
  13. Musharraxa madaxwayne ee xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa kulan la qaatay dallada dhalinyarada Talo-wadaag CMG) oo ay ku midaysan yihiin dhallinyaro ka soo jeeda deegaannada Hargaysa,Laasgeel,Jaleelo,Madheera iyo Bullaxaar. Dhallinyarada ayaa si buuxda u taageersan isbedelka xisbiga WADDANI wado. Qaran News
  14. Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Munaasabad lagu shaacinayay daahfurka Diyaarinta Manhajka Qiimeynta Qaranka iyo Habraaca/Hagaha Qiimeynta Mashaariicda Dalka. Ujeedada Diyaarinta Manhajka Qiimeynta Qaranka iyo Habraaca/Hagaha Qiimeynta Mashaariicda Dalka ayaa ah in sare loogu qaado go’aan gaaris istiraatijiyadeed, la waafajiyo dareenka, qiyamka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed diyaarinta Manhajka Qiimeynta Qaranka iyo Habraaca/Hagaha Qiimeynta Qaranka, kobcinta aqoonta hay’adaha Dowladda ee ka shaqeeya qiimeynta mashaariicda dalka, dhiirigelinayana la qabsiga barashada joogtada ah, iyo dhisidda adkeysiga, xoojinta hay’adaha, iyo ka qaybgalka bulshada iyo lahaanshaha. Munaasabadda Diyaarinta Manhajka Qiimeynta Qaranka iyo Habraaca/Hagaha Qiimeynta Mashaariicda Dalka, waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), iyo Ku-simaha Isu-duwaha Qaramada Midoobay ee Gargaarka Bani’aadantinimada, ahna Madaxa Hay’adda UNICEF ee Dalka Marwo Wafaa Siciid. Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka soo qeyb galay xafladda, waxaana ka mid ahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, NGO-yada Caalamiga ah, Ururada Bulshada Rayidka, Bahda Waxbarashada, iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay. Source: goobjoog.com
  15. Rome (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa iskaashi cusub dhidibada u taagay, kaasi oo la xiriira dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta halisaha dabiiciga ah. Iskaashigan cusub ayaa si gaar ah u dhex-maray hay’adda SODMA iyo hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda Talyaaniga, ayada guddoomiyaha SODMA Maxamuud Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqasho ku tageen xarunta hay’adda Italian Civil Protection Department. Wafdigan ayaa waxay si gaar ah booqasho ugu kala bixiyeen heerarka kala duwan ee xarumaha hay’adda oo kala ah; heer qaran, heer gobol iyo heer degmo. Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in labada dhinacba ay dhidibada u aasaan xiriir la isaga kaashanayo xirfadaha shaqo iyo aqoonta la xiriirta maareeynta khataraha musiibooyinka. Waxaa booqashadaas gudoomiyaha ku wehliyay madax sare oo ka kala socday Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS iyo hay’adda SODMA. Wafdiga ayaa mid mid u booqday xarumaha muhiimka ah ee nidaamyada Maareynta khataraha musiibooyinka heerarkooda kala duwan ee Talyaaniga – Saddexda heer ee (heer qaran, heer gobol iyo heer degmo). Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in ay dardar-geliyaan fulinta qorshe wax ku ool ah oo la isaga kaashanayo dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta halisaha dabiiciga ah. The post Muxuu yahay iskaashiga cusub ee maanta gaareen Somalia iyo Italy? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  16. Waxa aan ka mid ahaa dadkii u diyaar ka ahaa in ay qayb ka noqdaan Siyaasiyiintii fursada u haysatay in ay urur siyaasadeed furtaan wakhtigii la furay ururada siyaasada. Taageero Iyo Guubaabo bulsho labadaba way jirtay, sababta keliya ee aan wakhtigaa uga hadhay dadkii ururada furanayay waxay ahayd in aan siiyo Professor Samatar oo nin weyn ahaa fursada, taageernona ururkiisa. Waanan garab joogsaday wakhtigii ugu adkaa oo bilowgii shaacinta ururkaa. Waan ka xumahay in Professor ku go’aansaday in uu ka hadhay tartankii. Intayadii lahayd hanka in ay furtaan urur Siyaasadeed ee dar tii dhinac u joogsatay waxa hortaal suaalo waaweyn. Sidaa darteed waxa aan maanta u soo kicitimay dalkii oo aan mudo ka maqnaa si aan hawlahaa soo kordhay iyo kuwa kale oo khuseeya dalka oo dhan iyo gaar ahaan Gobolada Awdal iyo Salal Iyo Gabiley ba aan wixii karaankayn ah aan qayb ka noqdo. Waa muhiiim in wakhtigan oo kale ninkasta oo dan ka leh deganaanshaha iyo GEEDI socodka siyaasada iyo wada noolaa shaha umada reer SOMALILAND Bari iyo Galbeedba uu miidaanka is keeno, wixii la gudboona uu ka guto. #Cadaalad, #Sinaaan, #Midnimo iyo #Wadajir uun bay SOMALILAND ku waari kartaa. #Somaliland #Guul Awale Shirwac Qaran News
  17. Washington (Caasimada Online) – FBI-da ayaa shaacisay in Matthew Crooks oo 20 jir ah uu ahaa “qofka looga shakisan yahay” isku daygii dil ee Sabtidii ka dhanka ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Falkan ayaa noqonaya mid kamid ah falalkii ugu caansanaa ee rabshado siyaasadeed ee Mareykanka ka dhaca muddo tobanaan sano ah. Hay’adda sharci fulinta ayaa war-saxaafadeed kooban ku sheegtay in Crooks uu ka yimid magaalada Bethel Park ee gobolka Pennsylvania, taasi oo hal saac u jirta goobta uu isu soo baxa siyaasadeed uu ka dhacayey ee Trump looga toogtay dhegta isaga oo khudbad jeedinaya. Bayaanka laguma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan Crooks, kaasi oo goobjoogeyaal ay sheegeen inuu rasaasta ka soo furay saqafka meel u dhow goobta isu soo baxa, kahor inta aysan toogan ciidamada amniga. FBI-da ayaa sheegtay inuu jiro “baaritaan taagan oo socda” oo lagu sameynayo falkan, ayada oo codsatay in qof kasta oo akhbaar haya uu si degd eg ah ula soo xiriiro mas’uuliyiinta. Ugu yaraan hal qof oo ka mid ah dadkii daawanayey Trump ayaa la dilay halka laba kale si darran loogu dhaawacay toogashada oo ka dhacday meel banaan ah oo ku taalla magaalada Butler. Goor hore oo Axaddii ah, Kevin Rojek, wakiilka gaarka ah ee FBI-da ee xafiiska Pittsburgh ayaa weriyayaasha u sheegay “in ay la-yaab tahay” in ninka hubeysnaa uu riday afar ama shan xabbad kahor inta aan toogasho lagu dilin. “Hadda ma hayno ujeeddo la aqoonsan yahay, in kasta oo baarayaasha ay si hagar la’aan ah uga shaqeynayaan inay isku dayaan inay ogaadaan waxa ujeeddadu ahayd,” ayuu yiri Rojek, isagoo xusay in baaritaanku uu qaadan karo bilo. Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Trump ku sheegay in uu “wanaagsan yahay” kaddib markii lagu toogtay xabbad ka haleeshay qaybta sare ee dhegta midig. Trump ayaa laga soo saaray isbitaalka goor dambe oo Sabti ah. “Waa wax cajiib ah in falkan oo kale uu ka dhici karo waddankeena,” ayuu Trump ku daray. Dhacdadan ayaa halis galinaysa in ay sii xoojiso tartanka adag ee madaxtinimo iyo in ay sii huriso hadallada markii horeba kululaa ee ku xeeran doodda qaran. Waxay sidoo kale dhalisay in madaxweyne Joe Biden, madaxweyne ku-xigeen Kamala Harris iyo madaxweynihii hore Barack Obama ay soo saaraan qoraallo xooggan oo ay ku cambaareynayaan rabshadaha siyaasadeed. The post FBI-da oo shaacisay xogta ninka lagu tuhmayo inuu toogtay Trump ee la dilay appeared first on Caasimada Online.
  18. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo oo hal toddobaad ah ku tegay xarunta hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ee dowladda Talyaaniga (Italian Civil Protection Department). Wefdigu guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA waxay si gaar ah booqasho ugu kala bixiyeen heerarka kala duwan ee xarumaha hay’adda oo kala ah heer qaran, heer gobol iyo heer degmo. Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in labada dhinacba ay dhidibada u aasaan xiriir la isaga kaashanayo xirfadaha shaqo iyo aqoonta la xiriirta maareeynta khataraha musiibooyinka. Waxaa booqashadaas Gudoomiyaha ku wehliyay madax sare oo ka kala socday Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS iyo Hay’adda SoDMA. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay dardar geliyaan fulinta qorshe wax ku ool ah oo la isaga kaashanayo dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta halisaha dabiiciga ah. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Talyaaniga oo shir ka yeeshay Khatarta Maaraynta Musiibooyinka appeared first on Puntland Post.
  19. Somalia’s Ministry of Energy and Water Resources has launched a tender for off-grid solar-plus-storage power plants to serve 46 education facilities in the southeast of the country. The deadline for bids is August 1. Read more here The post Somalia opens tender for off-grid solar-plus-storage plants appeared first on Puntland Post.
  20. FBI-da Mareykanka ayaa maanta sheegtay Matthew Crooks oo 20 jir ah inuu yahay qofka looga shakisan yahay isku daygii dil ee lala beegsaday madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Hay’adda ayaa war-saxaafadeed kooban ku sheegtay in Crooks uu ka yimid magaalada Bethel Park ee gobolka Pennsylvania, taasi oo hal saac u jirta goobta uu isu soo baxa siyaasadeed uu ka dhacayey ee Trump looga toogtay dhegta isaga oo khudbad jeedinaya. Bayaanka laguma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan Crooks, kaasi oo goobjoogeyaal ay sheegeen inuu rasaasta ka soo furay saqafka meel u dhow goobta isu soo baxa, kahor inta aysan toogan ciidamada amniga. FBI-da ayaa sheegtay inuu jiro baaritaan taagan oo socda oo lagu sameynayo falkan, ayada oo codsatay in qof kasta oo akhbaar haya uu si degd eg ah ula soo xiriiro mas’uuliyiinta. Ugu yaraan hal qof oo ka mid ah dadkii daawanayey Trump ayaa la dilay halka laba kale si darran loogu dhaawacay toogashada oo ka dhacday meel banaan ah oo ku taalla magaalada Butler. PUNTLAND POST The post FBI-da Mareykanka oo shaacisay xogta ninka looga shakisan yahay weerarkii Donald Trump appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya wararka la xiriira in hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku dhaqaaqayo doorasho iskiis ah. Ninkan oo dhexda uga jira sanadkii lixaad ee xukunka Koonfur Galbeed ayaa isku arka inuu weli fursad ahaan nool yahay, laakiin marwalba wuxuusan haysan kalsooni dhanka Xasan Sheekh ah, kaas oo la fahamsan yahay inuu dowladdiisa ku dhex diyaarinayo qofkii uu ku beddeli lahaa Lafta-gareen. Dhamaan madaxda maamulladu hadda xiriir siyaasadeed oo qaas ah lama laha madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin danaha isku haya ayaa nin walba qiimeynaya cimrigooda. Lafta-gareen waxaa dhowr jeer laga soo wariyay inuu doorasho qabsanaayo, laakiin weli waa ku dhici la’yahay. Waxaa mararka qaar lagu cabsi-geliyaa Lafta-gareen in dowladda Xasan Sheekh saameyn ku leedahay caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed ee Baraawe, oo haddii uu doorasho qabsado mid kale halkaa lagu qaban karo. Laakiin culeyska kale ee Lafta-gareen iska eegayo waa Sheekh Aadan Madoobe oo haddii loo baahdo lagu dhibi karo Lafta-gareen. Xogihii ugu dambeeyay ee dhinaca Lafta-gareen waxay sheegaya in uusan weli ka tanaasulin damaciisa doorasho gaar ah, balse uu raajicinayo tallaabooyinka dhanka Axmed Madoobe. Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa dhawaan furtay dastuurkiisa, isaggoo baneystay inuu marwalba isa-sharaxi karo, wuxuuna meesha ka saaray qodobkii labada mar ku eekaynayay inta jeer ee hal qof loo dooran karo hoggaanka maamulka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa maalmahan wada guluf dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, waxaa la sheegay in qorshihiisa uu yahay inuu daba-yaqaadda bishan ama horraanta August dhiso guddi doorasho kadibna is-doorto. Cabdicasiis Lafta-gareen iyo inta kale ee madaxda maamullada ayaa dhamaan isha ku haya sida uu Axmed Madoobe u dhaqmo iyo waxa ay Villa Somalia sameyso. Haddii Axmed Madoobe ku dhawaaqo guddi doorasho waxaa la filayaa in maamullada kalena ku dayan doonaan oo ugu horreeyo Lafta-gareen. Inta taas ka horreysa uma badna inuu Lafta-gareen keligiis bareeri karo. Waxaa kale oo jira musharaxiin u taagan kursiga hoggaanka Koonfur Galbeed oo iyaguna eegaya dhinaca ay wax u dhacaan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa waa fahamsan yihiin inay maamullada gaadmo ku jiraan oo ay xilli walba u dhaqaaqi karaan dhinaca doorasho dadban, taas oo haddii ay dhacdo burburin doonta wixii uu Xasan Sheekh dad badan kula kala dhintay una ogaaladay in dastuurkii dalka lagu tunto oo kuraasta iska fadhiyaan madax maamul goboleed oo uu muddo xileedkii marhore ka dhamaaday. Wararka dheeriga ah ee arrimaha doorashooyinka la xiriira waxaa kamid ah in daba-yaqaadda bishan July la filayo inuu dhaco shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay madaxda maamullada sheegayaan inuu gebi ahaanba daarnaan doono arrimo doorasho, waana halka ay rabaan inay iyaga iyo Xasan Sheekh war cad kusoo kala qaatan. Laakiin Villa Somalia oo fahamsan doonista maamullada ee shirkaasi ayaa la ogeyn sida ay daacad uga noqon doonto qabsoomida kulankaas iyo haddii ay mowduuca beddeli karto. The post Cabdicasiis Lafta-gareen oo raajicinaya Axmed Madoobe – Maxaadan ogeyn oo socda? appeared first on Caasimada Online.
  22. Waxaa maalintii labaad galay shir ku saabsan hoggaaminta wax ku oolka ah hoggaanka sare ee bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo. Dhammaan madaxda sare ee bahda cadaaladda ee shalay ka qeyb-galay furitaankii shirka, oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS Xasan Macalin Maxamuud, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud iyo masuuliyiinta Cadaaladda iyo Garsoorka ee dowlad goboleedyada dalka ayaa ku sugan hoolka shirku ka socdo. Madasha hoggaaminta wax ku oolka ah ayaa hoggaanka sare ee bahda cadaaladdu waxay ku kororsanayaan aqoon la xariirta fahamka guud ee hoggaaminta wax ku oolka ah, xirfadaha lagama maarkaanka u ah hoggaaminta iyo wada-shaqeynta hey’adaha. Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo ka dhalatay dil wadareed loo gaystay gabar iyo hooyadeed. Wararka ayaa sheegaya in dilkan uu gaystay askari ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo weerar kusoo qaaday qoyskan oo degan xaafadda Faanoole ee degmada Kaaraan. Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in askariga uu horay u qabi jiray gabadha, balse haatan ay guursatay nin kale, kadibna oo sidaas kusoo weeraray, kuna dilay. Goobjoogayaal ayaa iyaguna u sheegay Caasimada Online in xilliga uu dhacayay falkan ay bannaanka gurigooda fadhiyeen gabadha iyo hooyadeed, uuna hal mar rasaas ooda kaga qaaday , waxayna ku geeriyoodeen isla goobta. Nasteexo iyo hooyadeed Muslimo ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Nasteexo Nuur Dable iyo Muslimo Macallin Xasan, waxaana goobta ka baxsaday askariga dilka gaystay. Falkan ayaa sidoo kale argagax ku reebay dadka deegaanka oo si wayn uga naxay dilka loo gaystay gabadha iyo hooyadeed oo ay muddo dheer ahaayeen dad daris ah. Ma jiro illaa iyo ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Kaaraan iyo laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi argagaxa leh. Falalka noocaan oo kale ah ayaa maalmahan kusoo badanayay gudaha dalka, kuwaas oo salka ku haya khilaafaad dhanka qoysaska ah, kadibna sababa dil ama dhaawac, sida horay uga dhacday dhowr magaallo oo kala duwan. The post Daawo: Askari si arxan darro ah xalay Muqdisho ugu dilay gabar iyo hooyadeed appeared first on Caasimada Online.
  24. Jigjiga (HOL) -Two Somali people were killed, and several others were wounded when gunmen attacked a bus in the town of Awash in the Afar regional state in eastern Ethiopia on Sunday. Source: Hiiraan Online