Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf oo warbaahinta kula hadlay gudaha xabsiga ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii maanta ka dhacay halkaas. Afhayeenka ayaa sheegay in ugu dambeyn weerarka lasoo afjaray, isla markaana uu sababay khasaare xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qalaf ayaa shaaciyay in weerarka lagu dilay ugu yaraan 5 maxbuus, ayna ku dhaawacmeen 18 kale oo kamid ah maxaabiistii ku xirnaa halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay howlgalka kaga dhinteen saddex askari, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen saddex kale oo kamid ah ciidamada ilaalada ee xabsiga dhexe. “Waxaa maxaabiista ka dhintay 5 maxbuus waxaa ka dhaawacmay 18, askarta waxaa ka dhintay saddex, waxaa ka dhaawacmay saddex kale intas ayuu howlgalka kusoo gabagaboobay” ayuu yiri afhayeenka. Dhinaca kale waxa uu tilmaamay inay socoto baaris ku aadan weerarkan, isla markaana natiijadiisa ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed, kadib baarista. “Wixii baaris ah iyo sababihii ay waxaan u dhaceen waxyaalahaas taliyaha ayaa baaris u diri doono, jawaabteedana waad heli doontaa” ayuu sii raaciyay. Weerarkan ayaa waxaa laga dhex abaabulay isla xabsiga gudihiisa, waxaana fuliyay illaa 5 nin oo ka tirsan Al-Shabaab, balse horay loogu xukumay dil toogasho ah, kuwaas oo dhammaantood toogasho lagu dilay intii uu socday howlgalka ciidamada ammaanka. Si kastaba waa markii labaad oo xabsiga dhexe iska hor imaad uu ka dhaco, sanadkii 2020 ayay aheyd markii sidan oo kale maxaabiis ku jiray xabsiga oo hub loogu qariyay raashin ay ka dhex dagaalameen xabsiga gudihiisa. The post Taliska ciidanka Asluubta oo shaaciyay khasaaraha weerarkii xabsiga dhexe appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib weerarkii tooska ahaa ee maanta ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, isla markaana ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku xirnaa xabsiga oo horay dil loogu xukumay ayaa waxaa maanta arrintan war culus kasoo saaray ehellada Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo isna ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar. Aadeerka Sayid-Cali oo lagu magacaabo Nuur Xirsi ayaa Shabelle Tv u sheegay in wiilkooda uu lasoo xiriiray kadib weerarka ku qabsaday xabsiga, wuxuuna sheegay inuu nabad qabo. “Wiilka waa nasoo wacay markii ay xabadda bilaaatay ayuu nasoo wacay meesha saas ayaa ka jirto ayuu nagu yiri, waana nabad qabaa” ayuu yiri Aadeerka Sayid Cali. Sidoo kale Nuur Xirsi ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo ku aadan xaaladda Sayid Cali wuxuuna ku jawaabay “Waxaase waa been beentii iyo xaarantii la wadi jiray waayey kow dheh, mana jiraan waxaas wiilkeena wuu nabad qabaa”. Dhinaca kale adeerka ayaa soo hadal qaaday kiiska Sayid-Cali oo xukuman dil toogasho ah, kadib markii lagu helay inuu gubay xaaskiiskii Luul Cabdicasiis, wuxuuna tilmaamay in weli arrintiisu ay taagan tahay, isla markaana ay racfaan u qaateen maxkamadda sare ee dalka. “Arrinta waxa ay joogtaa halkii aad ku ogayd waxaa weeyey wiilkan arrintiisa waxa ay u gudubtay maxkamadda sare ee dalka” ayuu mar kale yiri. Si kastaba, weerarkii maanta ee ka dhacay xabsiga dhexe ayaa waxaa ku dhintay qaar kamid ah maxaabiista, askar ka tirsan ciidanka Asluubta iyo shantii nin ee weerarka fulisay. Halkan hoose ka daawo The post Eehellada Sayid-Cali oo war culus soo saaray kadib weerarkii Xabsiga Dhexe appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (HOL) — President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia has said that Al-Shabaab is attempting to evade financial monitoring by using civilian accounts for their transactions. Source: Hiiraan Online
  4. Hussein Kassim (PhD), originally from the Somali region's Aware district, is a prominent figure in Ethiopia's 2018 political upheaval. Educated in Ethiopia, the US, and Canada, he worked abroad for 15 years with international development organizations. Returning in 2018, he now serves as Chief of Cabinet in the Somali region and Audit and Inspection Secretary within the Prosperity Party. Hussein recently discussed regional issues and future plans with Yonas Amare of The Reporter in Jigjiga. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) — Al-Shabab, the militant insurgent group, has maintained control over vast areas of Somalia for over a decade by blending brutal military tactics with effective governance, according to a report by the Washington Institute titled "A Retrospective and Future Look at al-Shabab’s Governance" by Christopher Anzalone. The strategic approach has allowed the group to remain resilient despite ongoing military pressures from Somali and international forces. Source: Hiiraan Online
  6. Shirkadda baraha bulshada ee Meta ayaa xayiraadda ka qaaday boggiisa Facebook iyo Instagram, madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump iyadoo doorashada madaxtinimo ee dalkaas lagu wado in ay dhacdo bisha November. Bogaggiisa ayaa la hakiyay 2021 ka dib markii uu ammaanay taageerayaashiisa xoogga ku galay dhismaha congreska 6-dii Janaayo. Waxaa dib loo soo celiyay sanadkii hore laakiin waxaa si adag loo ilaalinayay waxyaabaha u ku qorayo, iyadoo loo jeediyay digniin ah in laga joojin doono mar kale haddii Mr Trump uu jabiyo shuruucda. Source
  7. Xulafada NATO ayaa Arbacadii ku eedeeyey Shiinaha taageerada uu siiyo Ruushka dagaalka uu ka wado Ukraine, arrintan oo la xariirta taageerada ballaaran ee Shiinaha siiyo awoodaha difaaca ee Ruushka. War-murtiyeedka kasoo baxay shirkii NATO ee ka dhacay magaalada Washington ayaa si weyn loogu muujiyey walaaca sii kordhaya ee ku saabsan hubka Shiinaha, dhaqdhaqaaqyada hawada sare, iyo khatarta ballaadhan ee ka imanaysa iskaashiga ay la leeyihiin Ruushka. War murtiyeedkii ugu dambeeyay ee sida adag loo dhigay, oo ay ansixiyeen 32-da xubnood ee NATO, ayaa si cad u sheegay in Shiinaha uu noqonayo diiradda isbahaysiga militariga ee uu hogaamiyo Mareykanka. NATO iyo xulafadda ay ku leeyihiin Indo-Pacific ayaa sheegay inay sii kordheyso khatarta amni ee uga imaaneysa Ruushka iyo Shiinaha. Shiinaha ayaa sanadihii lasoo dhaafay kor u qaaday cududooda militari iyo dhaq dhaqaaqa ay ka wadaan baddooda oo ay halis u arkaan xulafada Mareykanka uu ku leeyahay qaaradda Aasiya sida; Taiwan, Japan, Kuuriyadda Koonfureed iyo Filibiinka. Source
  8. Taliyihii guud ee ciidamada booliska dalka Kenya ayaa xilkii is-casilay, kadib mudaharaadyo rabshado wata oo toddobaadyo socda dalka, kuwaas oo galaaftay nolosha in ka badan 40 qof. Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay booliska Kenya in ay toos u toogteen tobanaan dibad-baxayaal ah oo qaarkood ay dhinteen, boqolaalna ay qafaasheen ama si aan sharci ahayn loo xiray. Badhtamihii bishii hore waxaa ka dhacay dalka Kenya mudaaharaadyo looga soo horjeedo in la kordhiyo canshuuraha, dibadbaxa ayaa la xakameyn waaye. Dibad-baxayaashu waxay xoog ku galeen baarlamaanka, wax yar kadib markii sharci-dajiyayaashu ay meel mariyeen sharciga muranka dhaliyay. Intaas kadib Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qaaday tallaabo uu ku kala diray golihii wasiirrada dalka, taas dejisay inta badan shacabkii careysnaa ee mudaharaadayey maalmihii lasoo dhaafay. William Ruto wuxuu Khamiistii shaqada ka eryay in badan oo ka mid ah golihiisa wasiirrada, isagoo ku dhawaaqay in uu soo dhisi doono xukuumad ‘ballaaran’. Wasiirrada shaqada laga eryey waxaa ka mid ah Aadan Barre Ducaale oo ka soo jeeda Soomaalida Kenya, isla markaana ahaa wasiirka gaashaandhigga dalkaas, sidoo kale wuxuu saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne William Ruto. Source
  9. Maxkamad ku taalla Iran ayaa ku amartay Mareykanka inuu bixiyo ku dhawaad 6.8 bilyan oo dollar oo ah magdhowga saameynta ay cunaqabateynta Washington ku yeelatay bukaannada qaba cudurrada maqaarka ee dhifka ah, waxaas sidaas sheegtay waaxda garsoorka. Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii 2018 si keligiis ah Mareykanka uga saaray heshiiskii Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwado badan oo caalami ah. Waxa uu dib u soo rogay cunaqabatayn dhaqaale oo lagu qaaday heshiiska. Tallaabooyinka Washington “waxay bukaannadan u diideen dawooyin iyo boomaato”, taasi oo keentay “dhimashada ilaa 20 qof,”, ayuu lagu qoray website-ka waaxda garsoorka Iran ee Mizan Online. Maxkamadeynta ayaa billaabatay November 2021, markii 295 dacwoodeyaal, oo ay ku jiraan bukaanno, ay 30 sarkaal oo Mareykan ah maxkamadda ku dacweeyeen ayaga oo ku eedeeyey “inay ka qaybqaateen soo-rogista cunaqabateynta,” ayuu yiri Mizan. Waxay gudbiyeen kiiska ka dib markii khubaro madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ah ay bishii October 2021 tusaale ugu soo qaateen saameynta tallaabooyinka Mareykanka ay ku yeesheen bukaannada cudurka maqaarka ee epidermolysis bullosa. Washington ayaa cunaqabataynteeda ka reebtay badeecooyinka bani’aadannimo, gaar ahaan daawooyinka iyo qalabka caafimaadka. Hase yeeshee iibsashada caalamiga ah ee sahayda noocan oo kale ah waxaa hor istaagay bankiyada oo ka walaacsan in ay ganacsi la sameeyaan Iran. Khubarada Qaramada Midoobay ayaa soo xigtay kiiska shirkad Swedish ah oo joojisay iibinta faashadda gaarka ah ee macmiilkeeda Iran. Faashadaha noocan oo kale ah waxay gargaar muhiim ah siiyaan bukaanada qaba cudurka bullosa epidermolysis. Bishii Maarso, Mizan ayaa soo wariyay in garsoorka Iran uu amar ku bixiyay in lala wareego saliid Mareykan ah oo qiimaheedu ka badan yahay 50 milyan oo dollar oo saarnaa markab la qabtay 2023-kii. Waxa ay sheegtay in qabsashadani ay aargoosi u ahayd “cunaqabataynta dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, taasi oo hor-istaagtay iibinta dawooyinka loo baahan yahay bukaannada xanuunka epidermolysis bullosa.” Source
  10. The founding director of the Awood Center steps into a bigger role in his new job with the U.S. Department of Labor. Source: Hiiraan Online
  11. Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka is risaaseyn culus ay ka dhacday gudaha xabsiga dhexe ee Xamar. Wararka ayaa intaa ku daraya in khasaaro kala duwan uu jiro, balse wali wax faafaahin dheeraad ah kama soo bixin. Xog aysan BBC xaqiijin karin ayaa sheegeysa in maxaabiista qaar ay xabsiga ka dagaalameen. Xabsiga dhexe ayaa waxaa ku jira maxaabiis lagu helay dambiyo kala duwan Qaran News
  12. Between the attacks of Al Shabaab and the restrictions of the political police, being a journalist in Somalia "is a titanic undertaking," says Liban, Abdi Warsame, a 28-year-old Somali journalist who was a guest at a meeting at the National Federation of the Italian Press (Fnsi) in Rome. Source: Hiiraan Online
  13. The Minnesota Attorney General's Office is investigating a company that plans to build a housing development in Lakeville for Somali-American families, saying $25,000 "reservations" are being sold for homes on land the company doesn't own. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay kulanka baarlamaanka ayaa dood wayn ka keenay canshuuraha iibka (Sales Tax) oo haatan dowladdu ay bilaabeyso qaadisteeda, taas oo noqoneyso 5%, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa ka horyimid arrintan, wuxuuna tilmaamay in dhibaato horleh ay ku tahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama buu yiri canshuur laga qaadayo lacagaha taleefoonada la’isugu diro sida EVC, eDahab ama lacagaha kale ee qaabka Wallet-aka ah. “Waxaan arkaayay Wasiirka Maaliyada oo leh EVC-ga ayaan canshuur ka qaadayaa, hal doolar oo aan qof u diray ayaa canshuur layga waydiinaaa aniga maxay tahay taas micnadeeda?” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaa la rabaa inaan u ekaano dowlad ee ma aha inaan u ekaano NJO-yo isu yimid waa inaa noqonaa qaran jira oo ay u kala saaran yihiin sax iyo qalad”. Arrintan ayaa waxa qeyb ka tahay dadaalka dowladda ee sare loogu qaadayo dakhliga gudaha, si loo gaaro isku filnaan dhaqaale oo ay gaarto Soomaaliya. Wasiir Biixi Imaan Cige wuxuu hoosta ka xariiqay in qorshahan oo muddo dheer soo socday hadda la dhammeystiray, isaga oo la wadaagay shirkadaha isgaarsiinta iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya lacag dirista. “Waxaan rabaa maanta dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatadaba gaar ahaan shirkadaha bixiya adeegga is gaarsiinta iyo adeegyada lacag dirista intaba aan rabaa inaan la wadaago in uu dhaqangeli doono hannaan casri ah oo wasaaradda maaliyadda ay muddo ku howlanayd oo ay ka shaqeyneysay oo soo dhameystirmay” ayuu yiri wasii Biixi Iimaan Cige. Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in system-kan cusub oo ay yeelatay dowladda uu suuragelin doono inay goosato canshuuraha ka dhasha iibka ee Electronica ah. “Hannaanka ayaa soo dhameystirmay wuxuuna wasaaradda u suuragelin in doonaa in canshuuraha ka dhasha iibka ee sida Electronica ah meel kasta oo dhaq-dhaqaaq iib ama gadasho ka dhaco oo hannaankaa ku dhaca inay dowladdu hadda yeelatay system iyo hannaan casri ah oo lagu daba galo lagu goosto canshuurta” ayuu sii raaciyay wasiirku. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sida xeerka ina farayo canshuurta iibka ee hadda sharciga ina farayo waa 5%, waana marka la babar dhigo dalalka gobolka aan ka tirsanahay”. Arrintan ayaa durbo dhalisay walaac xoogan, waxaana si wayn looga hadal hayaa baraha bulshada, maadaama ay tallaabadan saameyneyso qof kasta oo wax ku iibsanayo habka Electroniga, gaar ahaan lacagaha taleefoonada EVC-ga-, eDahab-ka ama kuwa Walleta-ka. The post Daawo: Xildhibaan Jeesow oo dood culus ka keenay canshuurta ay soo rogtay DF appeared first on Caasimada Online.
  15. Mogadishu (HOL) — Prof. Ahmed Ismail Samatar, chairman of the Hilaac Political Association, announced his withdrawal from Somaliland's upcoming organizational elections, citing the exclusion of new groups from the presidential race as the primary reason. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (PP News Desk) — The President of the Federal Republic of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, said yesterday that Al-Shabaab attempts to find ways around restrictions and surveillance on their financial operations. “One trick that an Al-Shabaab [operative] uses is to approach an unsuspecting relative and urge him/her to open a [mobile] bank account. The account owner does not have any clue about how the account will be used, but authorities become aware of unusual transactions, such as 10 million dollars in the account, and summon the account owner,” said President Mohamud. The owners of bank accounts used by Al-Shabaab to levy taxes on businesses are not aware of who uses the bank account. “Bank account owners are flabbergasted to learn that Al-Shabaab uses the bank accounts registered in their names,” said President Mohamud. President Mohamud said the telecommunications surveillance system enables security forces to identify people who receive calls from blacklisted individuals affiliated with Al-Shabaab. “Authorities will interview any person whom Al-Shabaab operatives phoned,” President Mohamud added. A video clip of the speech by President Hassan Sheikh Mohamud. The Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) collected information on telephone numbers used by Al-Shabaab, into which businesses pay taxes levied by Al-Shabaab. NISA received help from a major Western intelligence agency to determine the total number of phone numbers and mobile phone banking details used by the blacklisted organisation to boost its income. “NISA interviewed every owner of a mobile banking account used by Al-Shabaab,” a former senior officer at the Office of the National Security said. © Puntland Post, 2024 The post Somalia President: Al-Shabaab Uses “Unsuspecting” Bank Account Owners to Levy Taxes appeared first on Puntland Post.
  17. Mogadishu (HOL) — The Somali Custodial Corps has "swiftly quelled" a violent outbreak at Hamar Central Prison, killing five inmates who attempted to incite unrest, according to Somalia's national broadcaster. Source: Hiiraan Online
  18. Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar lagu qaaday xabsiga dhexe ee xamar, ayagoo toogtay dhammaan dablaydii gudaha ka dagaalamaysay oo ka tirsanaa Maxaabiista, waxaa iyana howlgalka intii uu socday ku geeriyooday 2 askari. Askarta ku geeriyootay ayaa ka tirsanaa ilaalada xabsiga, halka dhowr askari oo uu ku jiro taliyaha kooxda Baanda Music ee Asluubta ay ku dhaawacmay sida ay xaqiiiyeen saraakiisha xabsiga oo ka hadlay weerarka subaxaan lagu qaaday gudaha Xabsiga Dhexe. Ciidanka Miino baarista ayaa baaris ka wada gudaha xabsiga, waxaana goordhow Warbaahinta la hadlaya Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Mahad Aadan oo faah faahin doona waxa dhacay iyo sababta falkaan uu ku yimid. Weerarka xabsiga dhexe oo ah goob nabad-galyadeeda aad loo ilaaliyo ayaan illaa hadda la ogeyn sida uu ku suurta-galay, balse dowladda ayaa sharraxaad laga sugayaa, waxaana isha lagu wada hayaa warka ay arrintan ka soo saari doonto. Weerarkaan ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa dhowr weerar oo sidaan oo kale uga dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaas oo dhaliyay khasaare kale duwan, weerarkaan ayaa yimid kadib markii koox ku jirta gudaha ay hub heshay. Source: goobjoog.com
  19. Mogadishu (HOL) - Heavy gunfire is underway inside the central prison in Mogadishu on Saturday morning. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) - Heavy gunfire is underway inside the central prison in Mogadishu on Saturday morning. Source: Hiiraan Online
  21. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey usoo magacowday Soomaaliya Ambassador James Swan. Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya, Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay Arrimaha Puntland sida Dimuqraadiyadda oo ay Qaramada Midoobeysay boggaadisay Doorashada Goleyaasha deegaanka ee socda iyo Mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo. Waxaa Kulanka ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey u soo magacowday Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  22. 22 qof ayaa ku dhintay, kadib markii uu dumay dhismo laba dabaq ah oo ku yaalla gobolka Plateau ee bartamaha dalka Nigeria, waxaana dhismaha ku sugnaa ilaa 154 qof kolkii uu burburay sida ay sheegtay shabakadda Sky news. Dhanka kale tiro dhaawacyo ah oo goobta laga soo qof badbaadiyay ayaa lagu daweynayaa isbitaallada gobolka, sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay booliiska, ayadoo ay Hay’adda Maareynta Degdegga ah ee Nigeria (NEMA) ay ayana ku sheegtay in dadaallada samata-bixinta la soo afjaray, lana nadiifiyay goobta. Dhismahan oo ka kooban laba dabaq, oo ay lahayd Saint Academy oo ah iskuul ku yaalla xaafadda Busa Buji ee degmada Jos woqooyi ee gobolka, ayaa soo dumay intii lagu jiray saacadihii waxbarashada oo ay ardaydu fasallada ku jireen. Dhismayaasha dumay ayaa ku soo noqnoqda dalka ugu dadka badan Afrika ,taas oo ay ugu wacan tahay xeerarka badbaadada habacsanaanta iyo agabka dhismaha oo inta badan aan tayadoodu wanaagsanayn. Source: goobjoog.com
  23. Taliska Asluubka Soomaaliya , ayaa sheegay in la fashiliyay iskuday ay ku doonayeen maxaabiis ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho, in ay ku baxsadaan. Taliska Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in isku dayga uu timid kaddib markii Maxaabiis ka mid ah kuwa ku jira Xabsiga ay heleen qoryaha AK47 islamarkaana la dagaallameen ilaalada xabsiga dhexe. Maxaabiista isku dayga baxsi sameeyay ayuu Taliska ciidanka Asluubtu ku sheegay kuwa ku eedaysnaa argagixiso oo ku xukunaa dil toogasho ah. Taliska Asluubta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale soo bandhigay meydadka qaar kamid ah maxaabiistii isku dayay in ay baxsadaan oo ku dhintay iska hor-imaadkii dhexmaray iyaga iyo ciidanka. Illaa hadda ma cadda habka uu gacantooda ku galay hubka iyo bambooyinka ay adeegsanayeen maxaabiista waxaan sidoo kale weli la helin sharraxaad ku saabsan cidda u fududaysay arrintaasi. PUNTLAND POST The post Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo ka warbixiyay iska hor-imaad ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal toos ah oo maanta ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana haatan lasoo afjaray weerarka, kadib howlgal culus oo saacado qaatay. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay weerar toos ah xabsiga kasoo abaabuleen xubno loo haysto Shabaabnimo oo ku xirnaa qaybta Biya Mundo oo ka tirsan xabsiga dhexe ee Xamar, isla markaana ay ku xiran yihiin xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ay soo xirtay dowladdu. Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah maxaabiista ay haleen qoryo AK47 ah iyo bambaamooyin, kadibna ay u suuragashay inay la dagaalamaan ilaalada xabsiga. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in la tooktay dhammaan raggii weerarka soo qorsheeyay oo tiradooda lagu sheegay 5 nin, waxaana ay ku xukunaayeen dil toogasho ah, kadib markii lagu helay Al-Shabaabnimo iyo dilal ay horay u gaysteen. Sidoo kale waxaa weerarkan ku dhintay laba maxabuus oo kale, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, kuwaas oo kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar. Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana gudaha u galay xabsiga ciidamada amniga oo weli howlgal amni xaqiijim ah ka wada halkaasi. Waa markii labaad oo xabsiga dhexe iska hor imaad uu ka dhaco, sanadkii 2020 ayay aheyd markii sidan oo kale maxaabiis ku jiray xabsiga oo hub loogu qariyay raashin ay ka dhex dagaalameen xabsiga gudihiisa. The post Ciidamada oo soo afjaray weerarkii xabsiga dhexe appeared first on Caasimada Online.