-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in mashruuc ballaaran oo in ka badan hal malyan oo dadka barakacayaasha ah noloshooda lagu hormarinayo sida uu sheegay wasiirka Wasaaradda qorshaynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene. Wasiirka ayaa tilmaamay inay ku howlanyihiin hannaan hormarineed oo la yiraahdo “barnaamijka xalka waara” , islamarkaana uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo 1 malyan oo barakece wax luugu qabanayo, noloshoodana lagu hagaajinayo. Soomaaliya oo ku jirta ka soo kabashada colaado sokeeye oo muddo dheer socday, islamarkaana ay saameyn lixaad leh ku yeesheen abaaro daba dheeraaday, iyo fatahaado ayaa hadda ku howlan maareynta maalaayiin barakacayaal ah oo xeryo iyo aqallo cooshadu ah ku dayacan. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — The Somali Custodial Corps Commander, General Mahad Abdirahman Adan, known as Commander Shub, has announced plans to honour Hassan Hussein Rage, the late guard of Mogadishu's Central Prison, with a posthumous promotion and a hero's monument following his courageous actions during a recent deadly attack. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — A bombing at a crowded restaurant in Mogadishu's Boondheere district killed five civilians and injured 20 others on Sunday night, marking one of the deadliest attacks in the city in recent months. The explosion, which occurred when a vehicle filled with explosives was parked outside Top Coffee as patrons watched the final match between Spain and England, was carried out by Al-Shabaab, according to Somali police. Source: Hiiraan Online
-
Public school teachers protest job termination in Mogadishu
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — Teachers from Somalia's public schools gathered outside the Ministry of Education in Mogadishu on Sunday to protest the termination of their contracts, effective August 31. Holding placards and chanting, "We demand justice, not oppression," the teachers expressed their frustration over being asked to leave their jobs without adequate notice or compensation. Source: Hiiraan Online -
wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin oo ka hadlayay shirka laamaha Caddaaladda dalka uga socda magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in hormarinta hannaanka garsoorka ay ka go’antahay xukuumadda hadda jirta. Wasiirka ayaa tilmaamay in dowlad dhiska Soomaaliya waxyaabaha ugu muhiimsan uu garsoorku kamid yahay, islamarkaana ay ku howlanyihiin in hannaankan caddaaladda dalku uu sida dastuurka ku qoran oo ay bulshadu doonayso u hirgelo, una shaqeeyo. Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli Kismaayo uu ka socdo shir u dhaxeeya laamaha garsoodka dalka labadiisa heer, waaxaana looga hadlayaa sidii loo heli lahaa cadaalad bulshadu ay dowladdooda ku aaminaan in la helo. Garsoorka dalka ayaa ku jira hannaan dib u kabasho ah, waxaana sii xoogaysanaysa kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan adeegga ay maxkamadaha iyo laamaha kale ee Caddaaladda dalku buxiyaan. Source: goobjoog.com
-
Xulka qaranka Spain ayaa loo caleemo saaray ku guuleysiga Euro 2024 ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen England ciyaar ka dhacday Olympiastadion, Tani waxay calaamad u tahay horyaalkii afaraad ee Yurub ee aan horay loo arag cid ku guuleysata waxaana ay ka gudubtay dalalkii sedexda heysta. Fikirka u qabo England oo hadda dib u milicsan doona guuldarradii ugu dambeysay ee horyaalnimada Yurub iyagoo sii wada raadinta koob caalami ah, waxaana muddaas ay gaartay 58 sano, waxaana la filayaa in sanado kale ay sii sugaan raadinta koob caalami ah tan iyo sanadkii 1964-tii kadib 58 sano. Xulka qaranka dalka Spain ayaa markii 4-aad hantay koobkaan, waxaana ay xalay u aheyd habeen kale oo xiiso badan marka loo eego dadaalka dheeraad ah ee kooxdu bixisay, waxaana guushooda ay dib u dhigtay hanka xulka qaranka dalka Egland, kuwaas oo raadinayay koobkoodii ugu horeeyay ay helaan. Lamen Yamaal ayaa xalay noqday da’yarkii ugu horeeyay ee taariikhda koob caalami ah ciyaara, xilli uu jabiyay Record uu hore u dhigay Pele, kaas oo ciyaaray isagoo 17 sano iyo 213 maalmood dhalan, waxaana xalay uu siweyn ugu dabaal degay guushii uu gaaray ee koobka Euro 2024 oo ay hanteen. “Runtii waa hadiyadda ugu fiican ee jirta. Waa riyo. Markaan wax sawiraneyno way adkeyd. Si adag ayay noo riixeen, laakiin waan ogahay waxa ay kooxdani ka samaysan tahay, laakiin mar walba waanu soo laabanaa, mar walba waanu badinaa.” Ayuu yiri da’yarka Spain Lamen Yamaal kadib guushooda. “Farriimaha wanaagsani waxay horseedaan waxyaabo wanaagsan, waxaana aragnay sida Spain ay noo aaminsan tahay iyo si wanaagsan, waxaan rajeynayaa inay ku faanaan kooxdaan, wax walba oo soo socda mustaqbalka, sababtoo ah waad aragteen.” Ayuu yiri sidoo kale kabtanka Alvaro Murata. Xulka qaranka dalka Spain ayaa koobka Finalissima kaas oo ay wada ciyaaraan xululka kusoo kala guuleysta koobka Euro iyo America, waxaana rumooday in ay isku arkaan xidiga Barcilona soo wada maray Messi iyo ninka la leeyahay waxaa uu noqon doonaa mustaqbalka badalaya hibadiisa kubadda. Source: goobjoog.com
-
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya marinka Qasa 17 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay, halka 80 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah iyo gantaallo ay ciidanka Israa’iil ku weerareen goob iskuul ah oo Das barakacayaal ihi ku noolaayeen. Iskuulka dadkan lagu laayay ayaa ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat, waxaana laga yaabaa in tirada dhimashadu ay sii kororto maadaama ay dhaawacyo halis ihi jiraan, gurmadka caafimaadka iyo daawooyinkuna ay aad u yaryihiin. Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa dhaleeceeyay xasuuqa aan dhamaadka lahayn ee Qasa iyo weerarada isdaba jooga ah ee miliriga Israa’iil uu bishii 10 aad ka wado marinka Qasa, islamarkaana tirada dhimashadu ay 40 kun oo qof ku dhowdahay. Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay ciidamada Israa’iil ku dhowaad 30 qof ay ku dileen iskuul ay dad barakacayaal ihi ku noolyihiin oo ku yaalla magaalada Khan Yuunis. Source: goobjoog.com
-
Ugu yaraan Shan qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii maqaayada Top Coffee oo ku taalla Meel u dhow Taalada daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere. Qaraxa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kaasoo lagu baakimay irida Maqaayadda. Dadka dhintay ayaa isugu jiray dad ku jiray gudaha Maqaayadda, Kuwa fadhiyay Albaabka hore iyo dad saarna Mootooyinka loo yaqaano Bajaajta oo wadada Maraayay. Goobta Waxaa sidoo kale ku sugnaa dhalinyaro kala yimid degmooyinka Muqdisho oo meel hool ah oo ku taalla Gudaha maqaayadda ku daawanayay Ciyaartii xalay. Taliska Ciidanka Booliiska ayaa ku eedeyay mas’uuliyadda qaraxan Kooxda Shabaab oo inta badan fulisa weerarada noocaan oo Kale ah . War kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in khasaaraha uu sii kordhi karo marwaliba, Maadaama Qaraxa uu dhacay xilli habeen ah. Top Coffee waa Maqaayad furan bilo yar balse heshay dad badan oo habeenkii ku nasta sababo la xariira goobta ay ku taallo oo ah meel amni ah oo ku yaallaan Wasaarado sidoo kalena wadooyinka soo gala ay jooggaan Ciidamo kala duwan. Muqdisho ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ka nasatay weerarada Kooxda Al Shabaab, waxaana ka jiray isbedello waa weyn oo dhanka Amniga ah. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Somalia's Attorney General, Dr. Sulayman Mohamed Mohamoud, has ordered an investigation into how convicted Al-Shabaab prisoners managed to stage a deadly attack inside Mogadishu's central prison. The shootout left at least eight people dead, including five Al-Shabaab inmates, who had clandestinely received weapons and ammunition, aiming to escape. Source: Hiiraan Online
-
Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray khasaaraha ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qarax uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu baakimay meheradda (TOP) oo ku taalla degmada Boondheere. Qoraalka ka soo baxay Taliska Booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in meheradda la qarxiyay ay ku cawaynayeen dhalinyaro Soomaaliyeed waxaana Boolisku qaraxaasi ku eedeeyay kooxda Al-shabaab. Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku geeriyooday qaraxa halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof oo kale sida uu warbixintiisa ku sheegay Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya. “waxaana la xaqiijiyey ilaa hada geerida 5 Qof iyo ilaa 20 qof oo Dhaawac fudud ah . Waxaa jira Qasaare Hanti oo u badan Baabuur ay lahaayeen Dhaliyarta Goobta ku caweynaysay” ayaa lagu yiri warbixinta Booliska. Taliska Booliska Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in ay weli tira-koob ku hayaan guud ahaan khasaaraha ka dhashay qaraxa islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan wixii soo kordha. PUNTLAND POST The post Taliska Booliska Soomaaliya oo ka warbixiyay khasaaraha qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Masar ayaa waraaqaha Safiirnimo ka gudoomay safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Masar Cali Cabdi Aware. Madaxweyne dowladda Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi ayaa s rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo uga guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare. Safiirka Soomaaliya ee Masar mudane Cali Cabdi Awaare ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay iyo sida dowladda Masar uga shaqeynayso xariirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood, waxaana uu ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono xoojinta xariirka labada dal ee arrimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga. Amb, Cali Cabdi Awaare ayaa sidoo kale Madaxweynaha waddanka Masar Cabdifitah Sisi gaarsiiyey dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee Masar appeared first on Puntland Post.
-
Xulka kubadda cagta Spain ayaa markii afraad ku guuleystay koobka qaramada Yurub kaddib markii ay 2-1 uga adkaadeen xulka England. Spain ayaa ciyaarta hoggaanka ku qabatay gool uu ka caawiyay Nico Williams, England ayaase ku bareejaysay gool ay ka heshay Cole Palmer, balse gool uu xilli dambe u dhaliyay Oyarzabal ayaa guusha ku hoggaamisay xulka Spain. Waa markii afraad oo Spain ku guuleysato tartankan (1964, 2008, 2012 iyo 2024), halka England ay weli ka qatan tahay koobkan oo ay markii labaad oo xiriira timid kama dambaysta. Rodri ayaa la guddoonsiiyay xiddiga tartanka, halka Lamine Yamal uu noqday ciyaaryahanka da’da yar ee tartanka. PUNTLAND POST The post Spain oo noqotay horyaalka Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxa caawa ka dhacay Maqaayadda Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaa loo adeegsaday Gaari ay Khawaarijtu ku soo rareen waxyaabaha qarxa, kaas oo la dhigay banaanka maqaayadda, sida lagu ogaaday warbixinta hordhaca ah ee Booliska. Warbixinta hordhaca ah waxay sheegeysaa in 5-qof ay ku geeriyoodeen, ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas, sidoo kale waxaa jira gaadiid iyo goobo ganacsi oo ku burburay qaraxa, waana socota qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, sida ay qortay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan. Maqaayadda ayaa gubatay, kadib markii uu qabsaday dab ka dhashay qaraxa, dad badan ayaa maqaayadda ku sugnaa, kuwaas oo u badnaa dhalinyaro ciyaar daawaneysay. Markii laga soo tago khasaaraha baaxada leh ee gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, wuxuu khasaare badan soo gaaray dadkii saaraa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba. Qaar kamid ah dhalinyarada ka badbaaday qaraxaas oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay inay arkayeen dadka dhulka yaalla oo qaraxu saameeyey, balse aysan kala cadey karin inay dhinteen, inay dhaawac ahaayeen iyo inta ay tiradoodu dhameed toona. Gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ayaa socday saacado, waxaana lagu guuleystay in la deminayo dabkii weynaa ee ka dhashay qaraxa, kaas oo maqaayadda qabsaday. Xaaladda aagga uu qaraxaasi ka dhacay ayaa noqotay mid aad u kacsan, waxayna ciidamadu inta gees ah u ridayeen rasaas argagax ku sii riday dadkii gurmadka fidinayey, qaraxaan wuxuu ku soo aaday iyadoo 24 saac ka hor uu Xabsiga Dhexe ee Xamar ka dhacay weerar toos ah oo maxaabiis Shabaab ah oo dil ku xukuman ay fuliyeen. Sidoo kale halka uu qaraxani caawa ka dhacay waa goobtii 2021 lagu qarxiyey Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, waxaana laga furay maqaayad cusub oo lagu magacaabo Top Coffee, taas oo caawa la beegsaday. The post Booliska oo shaaciyey khasaare culus oo ka dhacay qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Israa’iil ayaa duulaan aad u darran 24 saac ee la soo dhaafay ku qaaday Qasa, iyadoo diyaaradaha dagaalka ay bambooyin ku garaaceen guud ahaan marinka Qasa. Mid ka mid ah weerarrada naxdinta leh wuxuu ka dhacay aagga Khan Yonis ee koonfurta Qasa, in ka badan 100 qof ayaa ku geeriyootay 300 oo kalana waa ay ku dhaawacmeen. Halka weerar arxan-darrada ah ay maanta diyaaradaha Israa’iil ka geysteen iskuul ay Qaramada Midoobey maamusho oo ay dad rayid ah ku barakaceen, 15 qof ayaa lagu dilay 86 kalana waa lagu dhaawacay weerarkaasi. 24 saac ayay ku qaadatay Israa’iil si arxan darro ah inay u disho in ku dhow 200 ruux , ku dhowaad shan boqol oo kalan ay ku dhaawacdo waxaana muuqaallada weerarrada laga soo bandhigay baraha bulshada. Kaddib weerarradan naxdinta leh dalalka Carabta iyo Turkiga ayaa cambaareeyay duqeymaha Israa’iil ee lagu dilay carruur iyo haweenka Falastiiniyiinta. Turkiga wuxuu dalbaday adduunka in uu saaro cadaadis dheeraad ah Israa’iil , halka Sacuudiga uu soo jeediyay in ay lagama maarman tahay in la joojiyo Israa’iil. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqaymo khasaare xooggan sababay ka fulisay marinka QASA appeared first on Puntland Post.
-
Qarax ayaa Goor dhow ka dhacay Maqaayadda Top Coffee oo Ka soo horjeedda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha degmada Boondheere. Qarax waxaa uu dhacay Xilli dad badan oo daawanaayay ciyaaraha ay sugnaayeen Maqaayada. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa iyadoo wararka ay sheegayaan in uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa halka wararka kalena ay sheegayaan in gaari loo adeegsaday. Waxaa jira khasaare kala duwan ka dhashay Qaraxa iyadoo aan wali xaqiijin tira guud ee waxyeelada. Ciidanka Amniga ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay waxa ay xireen dhammaan wadooyinka soo gala maqaayadda iyadoo halkaasi loo ogol yahay kaliyah gaadiidka Gurmadka deg deg ah. Wixii kusoo kordha kala soco Goobjoog. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax weyn ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga taallada Daljirka Dahsoon, waxaana ka soo werinayaa khasaare aad u culus. Maqaayad lagu magacaabo Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ayuu ka dhacay qaraxaasi, xilli ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo ciyaaro ku daawanayey. Maqaayadda ayaa gubaneysa, waxaana qabsaday dab ka dhashay qaraxa, sidoo kale dad badan oo maqaayadda ku sugnaa ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa. Markii laga soo tago khasaaraha baaxada leh ee gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, wuxuu khasaare badan soo gaaray dadkii saaraa gaadiid Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Daljirka ama Shabeelle iyo isgoyska Jubba. Ilaa hadda ma jirto cid ogaatay oo faahfaahin ka bixisay nooca qaraxaas iyo khasaaraha uu geystay inta uu la egyahay, maqaayadda la qarxiyey oo ah mid cusub ayaa ku dhow maqaayadii lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika. Qaar kamid ah dhalinyarada ka badbaaday qaraxaas oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay inay arkayeen dadka dhulka yaalla oo qaraxu saameeyey, balse aysan kala cadey karin inay dhinteen, inay dhaawac ahaayeen iyo inta ay tiradoodu dhameed toona. Gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ayaa socda, isla markaana lagu deminayo dabkii weyn oo ka dhashay qaraxa, kaas oo maqaayadda qabsaday. Xaaladda aagga uu qaraxaasi ka dhacay ayaa ah mid kacsan, waxayna ciidamadu inta gees ah u ridayaan rasaas teel teel ah, qaraxaan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo 24 saac ka hor uu Xabsiga Dhexe ee Xamar ka dhacay weerar toos ah. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online The post Sawirro: Qarax weyn oo khasaare culus geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.