Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,346
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Kenya ayaa mamnuucday in Kenya lasoo galiyo xamuulka aan lala socon ee lagasoo qaado Soomaaliya. Go’aankaan ayaa ka dambeeyay kadib markii dowladda Kenya ay [...] Source
  2. Maxkamadda sare ee Jasiiradda Seychelles ayaa xukunno ku ridday shan nin oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay burcad-badeednimo iyadoo raggaan ay ku wareejiyeen Seychelles Midowga Yurub bishii April sida ciidanka boliisku sheegay Talaadadii. Raggaan la tuhunsan yahay ayaa waxaa u soo gacan-geliyey dowladda Seychelles hawlgalka Midowga Yurub 26-bishii April kaddib markii ay qabteen Maraakiibta Midowga Yurub. Ragga la tuhunsan yahay ayaa loo soo gudbiyey Seychelles iyadoo la raacayo heshiiska isku gudbinta ee ka dhaxeeya Seychelles iyo Midowga Yurub Waxayna markii ugu horreeysay kasoo muuqdeen maxkamadda maalintii Isniinta oo taariikhdu ahayd April 29. Boliisku waxay sheegeen in dhammaan dadkaan oo ah 5 qof inay maxkamadda kasoo muuqan doonaan. Mid ka mid ah burcad-badeedda ayaa la xiray loona soo gudbiyey Seychelles bishii November 2017. Seychelles oo ah Jasiirad ku taalla galbeedka badweynta India waxay juquraafi ahaan u dhawdahay xeebaha Soomaaliya waxayna dagaal kula jirtaa burcad-badeedda tan iyo sannadkii 2005. Seychelles ayaa la dagaalanka Burcad-badeedda kala shaqeyso saaxiibbada caalamka si loo xiro oo loo ciqaabo burcad-badeedda Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  3. Qeyb kamid ah ciidamada ka soo baxay Somaliland ee ku biiray ciidamada difaaca Puntland ayaa saldhigyo ka samaystay degaanka Balli-busle ee gobolka Sanaag. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa kulan halkaasi kal qaatay waxgaradka iyo salaadiinta degaanka waxaana ay ballan qaadeen in ay diyaar u yihiin difaaca gobolka. Sidoo kale wefdi ka socda Puntland oo ay hoggaaminayan guddoomiyaha Baarlamanka iyo wasiirka Amniga ayaa ku sii jeeda degaanka Balli-busle ee ciidamadaasi ay joogan. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa socda xilli ay gobolka ka aloosantahay xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post sawirro: Qeyba kamid ah ciidamada ka soo baxay Somaliland appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (SMN): –Tartamayaasha Degmooyinka Shibis iyo Kaxda ayaa xalay isku arkey Barnaamijka tartan Aqooneedka Shabelle, waxaa ayna labada Degmo soo bandhigeen tartan aad u adag. Degmadda Shibis oo guusha xalay la hoyatay ayaa la timid 14 dhibcood waxaa ayna sidaas ugu soo gudubtay Wareega 4 dhamaadka tartanka, halka Degmadda Kaxda oo la loolamaysay ay heshay 8 dhibcood guud ahaana ay iskaga hartay tartanka Shabelle. Caawa waxaa tartami doona Degmooyinka Dharkenley iyo Cabdicasiis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir. Sanadkan tartan Aqooneedka Shabelle waxaa taaba galinaya Shirkadaha Becco iyo Cocacola. View the full article
  5. Xidiga kooxda kubbadda cagta Dekedda Daa’uud Cabdullahi Tubaal ayaa fariin adag u diray Kooxda Horseed ka dib markii ay guul daro kasoo gaartay kulan ka tirsanaa horyaalka oo ay labada koox wada dheeleyn,isagoona sheegay in markii saddexaad ay hanan karaan horyaalka Somalia Premier League olalahan. Daa’uud Tubaal waxa uu carabka ku adkeeyay in qof walba oo ka tirsan kooxda Dekedda kaliya ay u muuqata rajada ah hanashada horyaalka Somalia Premier League 2018-2019,inkastoo ay kooxdiisa loolan adag kala kulmayso kooxaha Elman Horseed,Heegan iyo Muqdisho City Club. Tani iyo kolkii uu bilaawmay horyaalka anaga ayaan hogaaminayay guul daradii naga soo gaartay Horseed waxa ay keentay in kooxo badan ay u arkan fursad banannan,balse arinka sidaa ma ahan. “Sanad ka hor ayaa nagu danbeesay guul daro sababta ay Horseed inoogu badisay waxa ay aheyd Macalin Cabdi Joon oo aqoon wanaagsan u leh kooxda Dekedda maadaam uu isaga soo maamulayay,yeelkaad taa waxa aan ku rajo weynahay in aan sanadkii saddexaad hanano horyaalka”Daa’uud Cabdullahi Tubaal ayaa sidaas ugu waramay Goobjoog Sports. Xidigihii hore kooxda kubbadda cagta L.L.P Jeenyo Tubaal ayaa xili ciyaareedkii kowaad kooxdiisa ku soo bandhigay qaab ciyaareed aad u saraya,isagoo fasalkii kowaad la hantay horyaalka Somalia Premier League iyo Somalia Super Cup. “Waxaan hogaaminaynay horyaalka Somalia Premier League, laakiin markii ay na soo gaartay guul daradii ugu horeesay olalahan dad badan ayaa shaki geliyay in aan qaadi karno iyo in kale kuma mashaquulayno loolanka baraha bulshada ee waxaa xooga saaraynaa kulamada inoo haray horyaalka”ayuu Daa’uud Tubaal sii raaciyay,isagoo u waramay Goobjoog Sports. “Hadii aan lumino fursada hanashada horyaalka waxaa diirada saaraynaa in aan ku guulaysano Star League iyo Generaal Daa’uud oo qeyb ka ah tartamado qorshaysan ee sanadka kasta” ha is dajiyaan taageerayaasheena waxaan haysanaa xirfadlayaal iyo maclimiin is fahansan oo ka dhabeen kara tartamada aan qeybta ka nahay ayuu Goobjoog u sheegay laacib Daa’uud Cabdullahi Tubaal. Si kastaba xidigaha kooxda Dekedda kubbadda cagta Dekedda ayaa labadii kol ciyaareed lasoo dhaafay ku guulaysnayay horyaalka Soomaaliya,iyagoo iminka rajo wanaagsan ka qaba in markii 3aad ay hantaan. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. Dhuuso-mareeb (PP) ─ Maamul-goboleedka Galmudug ayaa wuxuu caddeeyay go’aan cad oo uu ka qaatay dowladda federaalka Somalia, waxaana wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle Xaaf lagu sheegay inay joojiyeen xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhexeysay Dowladda Somalia. Qoraalka Galmudug ayaa lagu xusay inaysan dib u soo celn doonin xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe tan iyo inta laga xallinayo khilaafaadyada u dhexeeya labadooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin; dhameystirka dastuurka, doorshooyinka, federaaleynta iyo amniga guud ee Qaranka. Dowladda dhexe ee Somalia iyo maamulka Galmudug ayaa dhawaanahaan waxaa u dhexeeyay muran meel sare gaaray, iyadoo murankan uu salka ku hayo xilliga ay dhacayso doorashada cusub ee maamulka Galmudug oo ka mid ah maamulada ka jira dalka. Xukuumadda Somalia ayaa ku adkeysanaysa in doorashooyinku ay dhacaan sannadkan dhammaadkiisa, halka madaxweynaha galmudug Xaaf uu qabo in doorashadu ay dhacayso saddex sano kaddib, iyadoo murankan aan weli laga gaarin wax xal ah. Ugu dambeyn, Tallaabada uu qaaday maamulka Galmudug ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan maamulka Puntland uu qaatay tallaabo uu xiriirka wada-shaqeyneed ugu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya. AKHRISO: War-saxaafadeedka kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug; PUNTLAND POST The post Maamul goboleedka Galmudug oo go’aan cad ka qaatay Dowladda Federaalka Somalia appeared first on Puntland Post.
  7. Badhan (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sheegaya inay sii xoogeysaneyso xiisada u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, iyadoo ciidamo badan lagu arkayo deegaanada gobolkaasi. Xiisadda ayaa ka korortay kadib markii saraakiil badan oo kasoo jeeda dhanka Somaliland ay ku biireen Puntland, waxaana soo baxaya warar sheegaya inay masuuliyiin kale iscasilaad ku dhawaaqeen. Baadhasaabkii Somaliland ee Bariga gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, isagoo sheegay inuu haatan kulamo la qaadanayo odayaasha deegaanka. Mr, Soomaali wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay go`aankiisa, wuxuuna cadeeyey in uu diyaar u yahay sidii uu qeyb uga qaadan lahaa waxyaabaha horumarka ah ee kasocda deegaankiisa, Sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca wararka aan ka heleyno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamo badan ay gaarayaan deegaanada gobolka, kuwaasi oo ka tirsan labada maamul. Dhawaan Puntland ayaa shaacisay inay isku soo dhiibeen ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsan Somaliland, waxaana sidoo kale ay sheegeen inay saraakiishii hogaamineysay isku dhiibtay Puntland. Labada maamul ayaa isku haya maamulka deegaanada Hoostaga degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Sanaag Caasimada@live.com
  8. Guddoomiyihii Somaliland ugu magacownaa bariga gobolka Sanaag (Badhan) Cali Xuseen Maxamed ayaa saaka ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay islamarkaana gebi ahaanba ka baxay Somaliland. Cali ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu doonayo in uu dhibaato iyo dagaal u horseedo degaanno nabdoon oo waxqabad iyo horumarin u baahan sidaasi darteedna isagu shakhsi ahan ka sii mid ahaan Karin maamulkaasi. Wuxu sidoo kale sheegay in isaga iyo ciidamadii ku biiray Puntland ay isku talo yihiin ayna ka wada go’antahay in aysan dhibaato u horkicin bulshada gobolka Sanaag ee nabadda iyo horurinta u baahan. Iscasilaadda guddoomiyaha ayaa ku soo beegmatay xilli maalmo ka hor saddex taliye oo ka tirsan ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag ay xilka iska casileen kadibna iyaga iyo ciidamadii ay wateen ku biireen dhanka Puntland. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihi Somaliland ee gobolka Badhan oo iscasilay appeared first on Puntland Post.
  9. Khilaaf Ka Dhex Qarxay Maamulka Gobolka Awdal + Eedaymo Kulul Oo Ay Warbaahinta La Isku Mariyeen Iyo Dacwad Laga Gudbiyay Badhasaab Ku-xigeenka, halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Nairobi (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa mar kale xayiraad kusoo rogtay shacabka Sooomaaliyeed iyo dowladdooda, iyadoo sheegtay in aanay mar dambe ogolaan doonin in xamuulka laga qaado Somalia la geliyo dalkeeda iyadoo aanay cidna la socon. Warka kasoo baxay dowaldda Kenya ayaa lagu xusay in lala wareegi doono, lana burburin doono alaabta xamuulka ah ee loo geliyo dalkaas, haddii la waayo qofkii waday. Sidoo kale, Kenya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay alaabooyin badan oo aan lala socon oo la saaro duulimaadyada ka yimaada Somalia, taasoo ay sheegtay inay ka hor-imaaneyso shuruucda caalamiga ah, ayna keeni karto khatar dhanka ammanak ah. “Xukuumadda Kenya ma ogolaan doonto alaab aysan la socon qofkii lahaa in la keeno waddanka. Alaabtaas waa lala wareegi doonaa, waana la burburin doonaa iyadoo la eegayo badbaadada duulimaadyada iyo shuruucda amniga diyaaradda soo qaaddana waa lala xisaabtami doonaa,” ayaa lagu yiri go’aan kasoo baxay Xukuumadda Nairobi. Dhanka kale, Dowladda Kenya ayaa sheegay in sarkaal Soomaali ah oo aan wadan dal-ku-gal aan loo ogolaan doonin inuu Kenya galo, hadalkan ayaa lagu caddeeyay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya. Go’aankan ayaa qayb ka ah cadaadis ay muddooyinkii u dambeeyay Kenya saaraysay dowladda Somalia, kaasoo ahaa xayiraada dhanka safarada, balse waxaa haatan soo if baxday xayiraado dhanka ganacsiga iyo alaabaha dalka Kenya la geeyo. Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo baxay dowladda Kenya ee ku aaddan aloobooyinka ay ganacsatada u badan Soomaalidu u dirsadaan dalka Kenya, iyadoo aan la ogeyn tallaabada ay dowladda Somalia ka qaadan doonto cadaadisyadan isi soo tarayay. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Kenya oo xayiraad cusub kusoo rogtay DF iyadoo aan weli jawaab laga bixin appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyeha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (inj. Yarisow) ayaa faray waaxaha Maamulka Gobolka, Dowladda Hoose ee Xamar iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka fulinta qodobadii iyo talooyinka horumarineed ee kasoo baxay Shirka Tubta Horumarinta Gobolka Banaadir ee maanta qabsoomay, kaas oo goob joog uu ku ahaa Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta. Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee howlwadeennada Gobolku ay ku xaqiijinayaan fayo dhowrka iyo bilicda Caasimadda oo bilihii la soo dhaafay isbaddel weyn lagu sameeyey. “Inkastoo la gelay xilli roobaad, haddana dhammaan waxaa laga markhaanti kacay isbaddelka muuqda ee aan ku sameynay Naadafadda iyo bilicda, gaar ahaan goobihii ay biyuhu fariisan jireen gudaha magaalada, annagoo dib u hawl gelinay bulaacadihii guud ee magaalada.” Inj. Yariisow ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliskoodaba gacanta muuqata ay ka geysanayaan dib u dhiska taallooyinka Qaranka ee ay ku tilmaamnayd Caasimadda. Sidoo kale, Guddoomiye Inj. Yarisow, ku-xigeenadiisa iyo hawl-wadeennada kale ee maamulka Gobolk ayaa la wadaagay RW Somalia hawlaha socda oo ay ka mid yihiin dib u dhiska qaar ka mid xarumaha Degmooyinka, Jidadka hal-bowlaha u ah isku socodka caasimadda, naleynta iyo dar-dar-gelinta barnaamijka is-xil-qaan ee dib loogu dhisayo tiyaatarka Qaranka iyo sidoo kale madxafka Qaranka. Ugu dambeyn, Kulankan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa kulammo dhawr ah oo maamulka gobolka Banaadir uu ku doonayo inuu isbeddell kala duwan oo muuqda uga sameeyo caasimadda Somalia ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu soo rogay amarro cusub oo lagu… appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Hargeysa)-Guddoomoyihii gobolka Badhan ee Somaliland Cali Xuseen Maxamed ayaa iska casiley xilkaasi. Guddoomiyaha oo la hadlay Wariye Mohamed Salh ayaa ii xaqiijiyay is-casilaaddiisa, wuxuuna sababta ku sheegey in la yidhi dagaalan. Wuxuu intaas ku daray in ay isku tallo yihiin Taliyaashii ciidamada ee deegaankaasi oo uu sheegay in iyaguna ay is-casileen. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Badhasaabka gobalka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa muddo bil ku siman fakad ku jooga magaalada Hargeysa, isagoo ka soo cararay gobalka Awdal ee uu guddoomiyaha ka ahaa. Sidaas waxa sheegay xildhibaan Cabdi Cismaan Dhegaweyne oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Borama. Xildhibaan Dhegaweyne oo shalay hadal ka jeediyay soo dhawayn loo sameeyay dhallinyaradii magaalada Borama kaga jirtay barnaamijka shaqo qaran oo lagu qabtay duleedka magaalada Borama, ayaa sheegay in badhasaabku gobalka Awdal uu deegaanka uu odayga ka ahaa uga cararay kiiskii dilka ahaa ee 29 April lagu dilay Alle haw naxariiste labadii sarkaal ee ka tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta oo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobalka Awdal. Guddoomiyaha gobalka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa waxay isku deegaan ka soo jeedaan budhcadii dishay labadaas sarkaal. Xildhibaan Dhegaweyne, wuxuu sheegay inuu magaalada Hargeysa ugu yimid guddoomiyaha gobalka si uu ugu qanciyo inuu dib ugu laabto magaalada Borama iyo gobalkii uu guddoomiyaha ka ahaa, laakiin aanay suurtogelin inuu ku qanciyo inuu dib ugu noqdo shaqadiisa, “Badhasaabkii gobalku wuu ka baxsaday waanu ka maqanyahay ilaa hadda, cidna ma eryin, cid gobalka uu maamulka ka yahay u sheegatay ma jirto.” Ayuu yidhi xildhibaanku, isagoo intaas raaciyay “Saraakiisha la laayay anigaa u xigay, waan u yeedhay intaan Hargeysa ugu tagay, inaan gobalka ku soo celiyo hase ahaatee wuu ka baxsaday.” Xildhibaanku wuxuu sheegay inaanu badhasaabku dib ugu soo noqon doonin gobalka Awdal, “Kuna soo noqon maayo, hortiina ayaan ka sheegayaa, walaahi inaanan la gabanayn ku soo noqon maayo gobalka.” Ayuu yidhi xildhibaan Dhegaweyne. Wargeyska Geeska Afrika ayaa xalay isku dayay inuu badhasaabka gobalka Awdal weydiiyo sababta uu uga maqanyahay gobalka, laakiin way noo suurtogeli wayday. Sidoo kale wakhti sii horeeyay oo uu Wargeysku su’aashan Telefoon ku weydiyay badhasaabka, ayaa wuxuu ku gaabsadya inuu shir ku jiro. Source
  14. (SLT-Washington)-La-taliyaha Amniga Qaranka, John Bolton ayaa sheegay in tahay wax huban in Iran ay mas’uul ka ahayd weeraro horaantii bishan lagu qaaday maraakiib mareysay xeebta dalka Imaaraadka Carabta. Bolton ayaa warkan weriyayaasha ugu sheegay magaalada Abu Dhabi oo uu u joogo wada-hadallo amni oo uu ugu yeeray “kuwa muhiim ah oo waqtigooda kusoo aaday” balse ma soo bandhigin wax caddeymo ah. Iran ayaa hore u beenisay inay mas’uul ka tahay weeraradaas. Xiisadda ka dhex oogan Iran iyo Mareykanka ayaa kasii dareysay toddobaadyadii dhowaa tan iyo markii madaxweyne Trump uu ku dhowaaqay inuu doonayo inuu meesha ugu hooseyso geeyo saliidda Iran ay dhoofiso, oo dhaqaalaheeda uu ku tiirsan yahay. Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa Bolton iyo shakhsiyaad kale ku eedeeyey inay dagaal u ololaynayaan, islamarkaana maamulka madaxweyne Trump uu filanayo “aragagixisanimo dhaqaale.” Source
  15. (SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aanay ogolaan doonin xamuulka laga qaado Soomaaliya in la geliyo dalkeeda, iyadoo aan cidna la socon. Go’aan ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in lala wareegi doono, lana burburin doono alaabaha sida xamuulka ah loo geliyo dalkaas oo aan cidna wadan. Kenya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay alaabo badan oo aan lala socon oo la saaro duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, taasoo ay xustay inay ka hor imaaneyso shuruucda caalamiga ah, ayna keeni karto khatar amni. “Dowladda Kenya ma ogolaan doonto alaab aysan la socon qofkii lahaa in la keeno dalka. Alaabtaas waa lala wareegi doonaa waana la burburin doonaa iyadoo la eegayo badbaadada duulimaadyada iyo shuruucda amniga diyaaradda soo qaaddana waa lala xisaabtami doonaa” ayaa lagu yidhi go’aan ka soo baxay dowladda Kenya. Sidoo kale dowladda Kenya ayaa sheegay in Sarkaal Soomaali ah oo aan wadan dal ku galka aan loo ogolaan doonin inuu Kenya gudaha u soo galo, sida ay caddeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah cadaadis ay muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay, kaasoo ahaa xayiraada dhanka safarada, balse waxaa haatan soo if baxday xayiraado dhanka Ganacsiga iyo alaabaha xamuulka ee Kenya loo qaado. Source
  16. (SLT-Ankara)-Saynis-yahan Turkish haysta dhlaashadda Maraykanka ayaa laga sii daayey Xabsi ku yaalla dalka Turkiga oo uu ku xidhnaa ku-dhawaad 3 sanno. Serkan Golge oo ahaa Cilmi-baadhe ka tirsanaa Hay’adda Cirbixiyeenadda iyo Hawada Sare ee dalka Maraykaanka ee NASA waxaa uu ka mid ahaa Kumanaan qof oo ay Dowladda Turkiga u xidhay inay ka tirsan yihiin Kooxda uu hoggaamiyo Fatxullahi Guleeen. Saynis-yahankaasi waxaa sannadkii hore lagu xukumay xabsi 7 sanno iyo badh. Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay xaqiijisay in la sii daayey Saynis-yahanka Serken Golge oo ay Dacwad-oogayaasha Turkiga ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay Koox argagixiso. Source
  17. (SLT-Jordan)-Boqorka Jordan King Abdullah ayaa u sheegay la taliyaha dhanka siyaasada ee madaxweyne Donald Trump Jared Kushner, in nabad waarta ay ka dhici karto bariga Dhexe marka ay imaado in dalka Falastiin loo aqoonsado wadan Madax-banaan. Mr Cabdala ayaa dhanka kale sheegay in loo baahan in loo baahan yahay in Israa’iil ay soo celiso dhulka ay ku qabsatay dagaalkii carabta ay la gashay sanadkii 1967-dii. War saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada Jordan ayaa dhanka kale walaac looga muujiyay qorshaha sirta ah oo Mareykanku doonayo in uu ku dhameeyo colaada u dhaxeysa carabta iyo Israa’iil. Kushner ayaa lagu yiri Israel waa in ay ka baxdaa dhamaan dhulka ay kaga sugan tahay daanta Galbeed oo ay xooga kula wareegtay dagaalkii 1967-dii. Maamulka Trump ayaa ka meermeeraya in uu Falastiin u aqoonsado dal madax banaan iyadoo safaarada Mareykanka ee Israel sanadkii hore uu u soo raray magaalada Jerusalam oo uu Israel u aqoonsatay caasimada Israa’iil. Wafdiga Kushner uu hogaaminayo ayaa wada olole lagu taageerayo shirka la filayo in uu ka dhaco magaalada Manama sanadkaan kaasi oo diirada lagu saari doono nabad waarta oo dhexmarta labada Wadan. Source
  18. (SLT-Makkah)-Raysal Wasaaraha dalka Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka ka dhacaya magaalada barakeysan ee Makka, kaasoo uu iclaamiyay Boqorka Sacuudiga. Waa wafdigii ugu heerka sareeyay ee ka socda Qatar oo ka qeyb geli doona Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka iyo shir kale oo gaar u ah Golaha Iskaashiga Khaliijka. Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa todobaadkan guddoomay warqad casuumaad ah oo uga timid Boqorka Sacuudiga, si uu uga qeyb galo shirka ka dhacaya magaalada Makkah. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xaqiijiyay in shirka oo maanta dhacaya uu ka qeyb geli doono Ra’iisul Wasaaraha Qatar, kaasoo noqonaya Mas’uulkii ugu heerka sareeyay oo Qatar ka socda oo hor-fariisan doona dalalka Baxreyn, Imaaraadka iyo Sacuudiga oo labo sano ka hor xiriirka u jaray Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaalada Gobolka iyo Islaamka, gaar ahaan Xiisada Sacuudiga iyo Iiraan, caqabadaha ka jira dalka Yemen iyo weerarada Kooxda Xuutiyiinta ku hayaan danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka. Source
  19. “Waxay u fekeri jirtay qaabkay doonto, arrintaas ayaana nolosheedii galaaftay” Sidaasi waa sida uu Mohammad Ali Najafi, oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Iran iyo duqii hore ee magaalada Tehran, ku sharraxay sababtii uu u toogtay xaaskiisii labaad. Waxa uu doonayey in uu furo – dalabkaas oo ay ka diidday. dabadeed waxa uu ku dhuftay shan xabbadood, mid kamid ah xabbadahaas ayaa wadnaha ka haleeshay, sida ay booliisku sheegeen. Booliiska ayuu isu dhiibay, inkastoo uu markii hore iskudayey in uu baxsado, kaamarooyinka booliiska ayaa qabtay oo ka duubay muuqaallo lagu qoslo. Najafi ayaa loola dhaqmay si xushmad wayni ku jirto, arrintaas oo dadka baraha bulshada adeegsada ay si wayn uga horyimaadeen, marka la eego sida ninkan loola dhaqmay iyo sida loola dhaqmo dadka caadiga ah ee dambiyada yar yar gala – sida qofka Ramadaanta afura ama gabadha aan hijaabka xidhan. Waxa uuba ku sigtay in uu qirto in uu xaaskiisa dilay. Dagganaanta ka muuqatay Mr Najafi ayaa dood wayn dhalisay – mid ka mid ah dadka Twitter-ka adeegsada ayaa bartiisa ku sheegay in qaabkii Najafi uu u galayey saldhigga booliiska uu soo xasuusiyey filimkii Se7en iyo qaabkii uu Spacey ugu dhex lugeeyey saldhigga booliiska asagoo korkiisu wada dhiig yahay. Source
  20. (SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku amray ciidanka amniga Kenya in ay si deg deg ah ay wax uga qabtaan dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah oo ku sii kordhaya gudaha Dalkaasi. Kenyatta ayaa soo saaray war saxaafadeedkaan shalay Arbacada ahayd xilli uu tacsi u dirayay badhasaabka ismaamulka Uasin Gishu Jackson Mandago oo maalintii isniinta aheyd la dilay walaalkii lagu magacaabo John Kinyor. Hoggaamiyaha Kenya ayaa sheegay in walaac ay abuurtay dilalka sharci-darrada ah ee loo geysanayo dadka aan waxba galabsan loona baahan yahay in wax laga Qabto. Booliska Kenya ayaa sannadihii la soo dhaafay kordhiyay dilalka iyo tacadiga ay ku hayaan dadka rayidka, waxaana sannad kasta ay dilaan boqolaal qof. Ugu dambeyn wuxuu ku amray guddiga adeega booliska Kenya in ay qaadaan tallaabo wax ku ool ah si loola tacaalo Arimahaan. Si kastaba ha ahaatee meydka walaalka Mandago ayaa laga helay maalintii isniinta aheyd dhisme ay ciidanka booliska magaalada Eldoret ku leeyihiin suuqa Chepkanga. Source
  21. Waxaa berri oo jimco ah, 31-da bishan May lagu wadaa in magaalada barakeysan ee Maka lagu qabto shirka madaxdeedka caadiga ee 14-aad ee ururka iskaashiga Islaamka. Shirkan oo loogu magac daray “Aan u midowno Mustaqbalka”, waxaa ku baaqay boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi Casiis, iyada oo lagu wado in looga hadlo in la midoobo, xal loo helo arrinta Khaliijka, Falastiin iyo Kashmiir. Waxaa kale oo shirka looga hadli-doonaa “heshiiska qarniga” ee ay soo jeediyeen Mareykanka, taasi oo xal looga gaarayo loolanka Falastiin iyo Israel. Ururka iskaashiga Islaamka, oo ay ku jiraan 57 dal, waxaa uu jiraa 50 sano, waa midka 2aad ee ugu weyn caalamka Qaramada midoobey kadib, waxaa ayna kulmaan 3-dii sanaba mar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka ee dalka Britain (FCO) waxay kula taliyeen Muwaadiniintooda inaysan u socdaalin dalka Somalia. Qoraal kasoo baxay xafiiskaasi ayaa waxaa muwaadiniinta UK looga digay inay socdaal ku tagaan deegaanada Somaliland, oo la sheegay inay ka jirto xaalad qatar ah oo dhanka amaanka ah. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka ee dalka Britain waxa lagu muujiyey inay sii kordhayso cabsida Argagixisadda iyo Afduubka ee ka dhici kara dalka Soomaaliya. Sidoo kale xafiiska ayaa digniin kasoo saaray deegaano ka tirsan Dalka Kenya inaysan muwaadiniinta u safrin, iyadoo laga baqayo in afduub loogu geysto gudaha dalka Kenya. Kenya waxaa hadda lagu afduubtay muwaadiniin u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo la sheegay inay ku jiraan gacanta Al Shabaab, waxaana socda dadaalo dowladda Kenya ku dooneyso in maxaabiistaasi lagu soo daayo. Ururka Al Shabaab ayaa qatar ku ah dalalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana weeraro kala duwan oo labada dal ay ka geysteen ay qasabtay inay waxyeelo gaarsiiyaan ajaaniib badan, taasi oo keentay digniinaha dhanka amaanka ee inta badan laga soo saaro labada dal. Muwaadiniinta u dhalatay UK ee ku sugan Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay feejignaan ka muujiyaan suurtagalnimada weeraro ama afduub ay kala kulmaan ururka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Garoowe (SMN): –Sida la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhintay shil gaadiid oo xalay ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal oo qiyaastii 90km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Shilka ayaa ka dhashay kadib markii gaari nooca loo yaqaan Siddeed-boollah oo ka yimid dhinaca magaalada Garoowe uu dusha ka maray gaari nooca raaxada oo ka yimid dhanka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar sida ay sheegeen dadkii goobta tegay. Magacyada 2-da marxuu ee shilka ku dhintay ayaa kala ah Maxamed Ciilqabe iyo Cabdirashiid Yaasiin oo 2-duba saarnaa gaariga yar ee burburay sida ay xaqiijiyeen eheladooda.Gaariga yar oo si weyn u burburay ayaa haddana dab ka qarxay iyadoo markii dambe dabkaasi uu qabsaday gaariga weyn ee xamuulka ah sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Nugaal. Sarkaalka ayaa sheegay in uu goobta shilka ku soo arkay gaadiidka oo gubanaya iyo maydadka 2-da marxuum balse aysan weli helin dadkii saarnaa gaariga weyn isagoo intaasi raaciyay in magaalada Qardho lagu qabtay qof argagaxsan oo loo maleynayo in uu yahay darewalkii gaariga xamuulka ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan weli xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee shilku dhaliyay maadaama aysan markii hore ogayn tirada dadkii saarnaa 2-da gaari ee isku dhacay. View the full article