Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. FBI-da Mareykanka ayaa maanta sheegtay Matthew Crooks oo 20 jir ah inuu yahay qofka looga shakisan yahay isku daygii dil ee lala beegsaday madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Hay’adda ayaa war-saxaafadeed kooban ku sheegtay in Crooks uu ka yimid magaalada Bethel Park ee gobolka Pennsylvania, taasi oo hal saac u jirta goobta uu isu soo baxa siyaasadeed uu ka dhacayey ee Trump looga toogtay dhegta isaga oo khudbad jeedinaya. Bayaanka laguma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan Crooks, kaasi oo goobjoogeyaal ay sheegeen inuu rasaasta ka soo furay saqafka meel u dhow goobta isu soo baxa, kahor inta aysan toogan ciidamada amniga. FBI-da ayaa sheegtay inuu jiro baaritaan taagan oo socda oo lagu sameynayo falkan, ayada oo codsatay in qof kasta oo akhbaar haya uu si degd eg ah ula soo xiriiro mas’uuliyiinta. Ugu yaraan hal qof oo ka mid ah dadkii daawanayey Trump ayaa la dilay halka laba kale si darran loogu dhaawacay toogashada oo ka dhacday meel banaan ah oo ku taalla magaalada Butler. PUNTLAND POST The post FBI-da Mareykanka oo shaacisay xogta ninka looga shakisan yahay weerarkii Donald Trump appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya wararka la xiriira in hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku dhaqaaqayo doorasho iskiis ah. Ninkan oo dhexda uga jira sanadkii lixaad ee xukunka Koonfur Galbeed ayaa isku arka inuu weli fursad ahaan nool yahay, laakiin marwalba wuxuusan haysan kalsooni dhanka Xasan Sheekh ah, kaas oo la fahamsan yahay inuu dowladdiisa ku dhex diyaarinayo qofkii uu ku beddeli lahaa Lafta-gareen. Dhamaan madaxda maamulladu hadda xiriir siyaasadeed oo qaas ah lama laha madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin danaha isku haya ayaa nin walba qiimeynaya cimrigooda. Lafta-gareen waxaa dhowr jeer laga soo wariyay inuu doorasho qabsanaayo, laakiin weli waa ku dhici la’yahay. Waxaa mararka qaar lagu cabsi-geliyaa Lafta-gareen in dowladda Xasan Sheekh saameyn ku leedahay caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed ee Baraawe, oo haddii uu doorasho qabsado mid kale halkaa lagu qaban karo. Laakiin culeyska kale ee Lafta-gareen iska eegayo waa Sheekh Aadan Madoobe oo haddii loo baahdo lagu dhibi karo Lafta-gareen. Xogihii ugu dambeeyay ee dhinaca Lafta-gareen waxay sheegaya in uusan weli ka tanaasulin damaciisa doorasho gaar ah, balse uu raajicinayo tallaabooyinka dhanka Axmed Madoobe. Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa dhawaan furtay dastuurkiisa, isaggoo baneystay inuu marwalba isa-sharaxi karo, wuxuuna meesha ka saaray qodobkii labada mar ku eekaynayay inta jeer ee hal qof loo dooran karo hoggaanka maamulka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa maalmahan wada guluf dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, waxaa la sheegay in qorshihiisa uu yahay inuu daba-yaqaadda bishan ama horraanta August dhiso guddi doorasho kadibna is-doorto. Cabdicasiis Lafta-gareen iyo inta kale ee madaxda maamullada ayaa dhamaan isha ku haya sida uu Axmed Madoobe u dhaqmo iyo waxa ay Villa Somalia sameyso. Haddii Axmed Madoobe ku dhawaaqo guddi doorasho waxaa la filayaa in maamullada kalena ku dayan doonaan oo ugu horreeyo Lafta-gareen. Inta taas ka horreysa uma badna inuu Lafta-gareen keligiis bareeri karo. Waxaa kale oo jira musharaxiin u taagan kursiga hoggaanka Koonfur Galbeed oo iyaguna eegaya dhinaca ay wax u dhacaan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa waa fahamsan yihiin inay maamullada gaadmo ku jiraan oo ay xilli walba u dhaqaaqi karaan dhinaca doorasho dadban, taas oo haddii ay dhacdo burburin doonta wixii uu Xasan Sheekh dad badan kula kala dhintay una ogaaladay in dastuurkii dalka lagu tunto oo kuraasta iska fadhiyaan madax maamul goboleed oo uu muddo xileedkii marhore ka dhamaaday. Wararka dheeriga ah ee arrimaha doorashooyinka la xiriira waxaa kamid ah in daba-yaqaadda bishan July la filayo inuu dhaco shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay madaxda maamullada sheegayaan inuu gebi ahaanba daarnaan doono arrimo doorasho, waana halka ay rabaan inay iyaga iyo Xasan Sheekh war cad kusoo kala qaatan. Laakiin Villa Somalia oo fahamsan doonista maamullada ee shirkaasi ayaa la ogeyn sida ay daacad uga noqon doonto qabsoomida kulankaas iyo haddii ay mowduuca beddeli karto. The post Cabdicasiis Lafta-gareen oo raajicinaya Axmed Madoobe – Maxaadan ogeyn oo socda? appeared first on Caasimada Online.
  3. Waxaa maalintii labaad galay shir ku saabsan hoggaaminta wax ku oolka ah hoggaanka sare ee bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo. Dhammaan madaxda sare ee bahda cadaaladda ee shalay ka qeyb-galay furitaankii shirka, oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS Xasan Macalin Maxamuud, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud iyo masuuliyiinta Cadaaladda iyo Garsoorka ee dowlad goboleedyada dalka ayaa ku sugan hoolka shirku ka socdo. Madasha hoggaaminta wax ku oolka ah ayaa hoggaanka sare ee bahda cadaaladdu waxay ku kororsanayaan aqoon la xariirta fahamka guud ee hoggaaminta wax ku oolka ah, xirfadaha lagama maarkaanka u ah hoggaaminta iyo wada-shaqeynta hey’adaha. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo ka dhalatay dil wadareed loo gaystay gabar iyo hooyadeed. Wararka ayaa sheegaya in dilkan uu gaystay askari ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo weerar kusoo qaaday qoyskan oo degan xaafadda Faanoole ee degmada Kaaraan. Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in askariga uu horay u qabi jiray gabadha, balse haatan ay guursatay nin kale, kadibna oo sidaas kusoo weeraray, kuna dilay. Goobjoogayaal ayaa iyaguna u sheegay Caasimada Online in xilliga uu dhacayay falkan ay bannaanka gurigooda fadhiyeen gabadha iyo hooyadeed, uuna hal mar rasaas ooda kaga qaaday , waxayna ku geeriyoodeen isla goobta. Nasteexo iyo hooyadeed Muslimo ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Nasteexo Nuur Dable iyo Muslimo Macallin Xasan, waxaana goobta ka baxsaday askariga dilka gaystay. Falkan ayaa sidoo kale argagax ku reebay dadka deegaanka oo si wayn uga naxay dilka loo gaystay gabadha iyo hooyadeed oo ay muddo dheer ahaayeen dad daris ah. Ma jiro illaa iyo ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Kaaraan iyo laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi argagaxa leh. Falalka noocaan oo kale ah ayaa maalmahan kusoo badanayay gudaha dalka, kuwaas oo salka ku haya khilaafaad dhanka qoysaska ah, kadibna sababa dil ama dhaawac, sida horay uga dhacday dhowr magaallo oo kala duwan. The post Daawo: Askari si arxan darro ah xalay Muqdisho ugu dilay gabar iyo hooyadeed appeared first on Caasimada Online.
  5. Jigjiga (HOL) -Two Somali people were killed, and several others were wounded when gunmen attacked a bus in the town of Awash in the Afar regional state in eastern Ethiopia on Sunday. Source: Hiiraan Online
  6. Awash (Caasimada Onine) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay maanta maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ku laayeen dad Soomaali ah oo safar kusii ahaa magaalada Awash oo ka tirsan isla dowlad deegaanka Canfarta. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dadka laayay oo ganacsato ay ku jiraan lagala dagay gaari ay la socdeen, kadibna loo gaystay dil iyo dhaawac. Dadka la laayay ayaa waxaa kamid ah Khadar Cilmi Cige iyo Mowliid Maxamed Cabdi, halka la dhaawacay Ismaaciil Muxumed Muuse, Siciid Muxumed Muuse iyo Cali Xuseen Jaamac. Sidoo kale waxaa jira dad kale oo ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaas oo aan heli xogtooda iyo magacyadooda la helin, maadaama xaaladda meesha ay wax ka dhaceen la tagi karin. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan si gaar ah loogu beegsaday Soomaalida, isla-markaana iyaga kaliya lagala dagay gaariga, iyada oo dadkii kalena la fasaxay. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ku aadan falkaasi lagu beegsaday dadka shacabka ee Soomaaliyeed, waxaase soconayo dadaallo ay wadaan mas’uuliyiinta deegaanka. Horay ayaa waxaa u jiray digniino loo jeediyay Soomaalida oo ku aadan in aysan ku safrin waddadaas, marka ay aadayaan magaalada Addis Aababa, waxaana beddalkood loo soo jeediyay inay adeegsadaan diyaarad, inta ay jirto xaaladda adag ee ka taagan halkaasi. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo muddooyinkii u dambeeyay ay kasii dareysay colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Canfarta oo horay u wada dagaalamay. The post DAD Soomaali ah oo lagu laayay deegaanka Canfarta appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) - Somali Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi stated that the al-Shabab group's terror ideology has no place in a peaceful Somalia, a few days after the country's former security adviser made a striking statement regarding the ongoing tensions between Somalia and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo shalay booqasho ku tegay magaalada Garoowe ayaa war culus kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee weli ka dhexeeya dowladda iyo Puntland. Swan oo faah-faahiyay kulan uu la yeeshay madaxweyne Saciid Deni ayaa ugu baaqay labada dhinac inay si hoose uga wada-hadlaan khilaafka dhexdooda ah, ayna soo celiyaan wada shaqeyntoodii oo hadda meesha ka baxday. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay dib u bilaabaan wada-hadallo deg-deg ah, si xal loogu helo xiisadda taagan Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in heshiiskooda ay faa’iido u tahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay muhii tahay in lagu gudbo khilaafka haatan jira. “Madaxweyne Deni iyo aniga waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo qaranka muhiim u ah oo ay ka mid yihiin ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab, hannaanka dib u habeynta dastuurka, iyo marxaladda doorashada soo socota. Iyadoo Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh sannadihii u dambeeyay, waxaan dhammaanteen ognahay in caqabado badan oo qoto dheer ay weli jiraan,” ayuu yiri Danjire James Swan. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka deegaanka ee looga diyaar garoobayo deegaanada Puntland, wuxuuna u rajeeyay guul. “Waxaan rajaynaynaa in doorashooyinkan golayaasha deegaanka ay sii ambaqaadaan guulihii laga gaadhay doorashadii deegaanka ee qabsoontay May 2023, isla markaana ay sii xoojiyaan dimuqraadiyaynta iyo sidoo kale horumarka laga gaadhay ka qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada,” ayuu yiri Swan. Dhankiisa Saciid Deni ayaa la wadaagay James Swan aragtidiisa ku aadan xaaladaha ka taagan ee dalka, si looga gudbo caqabadaha waa wayn ee jira. “Waxaan la wadaagnay dareenkeenna iyo aragtideenna ku aadan xaaladda dalka, waxaana rajeynayaa inay ka qayb qaadan doonto sidii uu xal ugu heli lahaa arrimaha murugsan ee Soomaaliya” ayuu isna yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Maalmihii u dambeeyay James Swan oo mar kale loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa waday kulamo wada tashi ah oo uu la qaadanay madaxda Soomaaliyeed, si hore loogu wada shaqeynta dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Qaramada Midoobay. The post QM oo war kasoo saartay khilaafka DF iyo Puntland appeared first on Caasimada Online.
  9. Donald Trump Madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa wali lala tacaalaya xaaladdiisa caafimaad ka dib dhaawac kasoo gaaray dhagta midig. Weerarka waxaa fuliyay nin hubeysan oo rasaas kasoo furay banaanka goobta hadal jeedinta ka socotay xilli uu khudbad ka jeedinayay isu soo bax dadweyne oo qeyb ka ahaa ololaihiisa doorashada, gudaha gobolka Pennsylvania. Goobta ay toogashadu ka dhacday waa fagaare ay buuxeen taageerayaashiisa Jamhuuriga oo ku taalla degmada Butler oo 35 mile dhanka waqooyi uga beegan magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania. Ninka hubeysan wuxuu soo riday Laba xabbadood oo mid ka mid ah ay haleeshay Trump waxaa lagu tilmaamay weerar aad loo qorsheeyay. Ciidanka ilaa gaarka ah ee Secret service loo yaqaanno ayaa ku hagoogtay Trump, waxana la arkayay madaxweynihi hore oo wajiga ka dhiigaya isla markaana gacanta kor u taaqaya, isaga oo u muuqday inuu ku qeylinayay erayo aanan la maqli kareyn. Bayaan ay markiiba soo saareen ciidanka goobta ilaalinayay ee loo yaqaanno ilaalada qarsoon ayay ku sheegeen in la dilay qofki weeraray madaxweyne Trump. Sidoo kale waxay sheegeen in qof ka mid ahaa dadki joogay isu soo baxa dadweyne uu isna dhintay, isla markaana laba kale ay dhaawac halis ah yihiin. Dhacdadaan ayaa markiiba waxaa cambaareeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, madaxweyne ku xigeenka marwo Kamala Harris iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Barack Obama. Waxaa sidoo kale taageero weyn u muujiyay Trump Taajirka weyn Elon Muska. Ciidanka ammaanka ayaa dhacadadani ku tilmaamay isku day dil, iyaga oo sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan. War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah. Waxa uu u tagay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah doorashada si uu isu soo bax ugu qabto. “Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.” Madaxweyne Joe Biden ayaa yiri “qof walba waa inuu cambaareeyaa” weerarka. “Rabshadaha noocan ah meelna kuma lahan Ameerika,” “Waa wax xun. “Waa wax xun.” Madaxweyne Biden oo ku sugnaa gobolka uu kasoo jeedo ee Delaware marki uu weerarka dhacayay ayaa soo gaabiyay joogitaankiisa halkaasi, kuna soo laabanaya magaalada Washington D.C. Hay’adda dambi baarista gudaha Mareykanka ee FBI-da ayaa sheegtay in ay la wareegi doonaan hogaaminta baaritaanka isku daygii dil ee madaxweynihii hore Donald Trump. Xeer Ilaaliyaha Guud Mareykanka Merrick Garland ayaa isna sheegay in xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee degmada Galbeedka Pennsylvania iyo waaxda amniga qaranka ee waaxda cadaaladda ay sidoo kale ku biirayaan baaritaanka. Tan ayaa loo badinaya in taageero weyn ay sii karto Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump doorashada dhaceysa bisha November ee nagu soo aadan. Source: goobjoog.com
  10. Sida ay ku sheegtay shakabadda Washington post, nin 20 jir oo lagu magcaabo Thomas Matthew ayaa ahaa shakhsigii rasaasta la eegtay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo saacado ka hor lagu dhawaacay fagaare uu kula hadlayay taageereyaashiisa gobolka Pennsylvania. Ciidanka Nabad-gelyada ayaa isla goobtii uu weerarka ka geystay ku toogtay ninka hubaysan, balse xogtiisa oo dhammaystiran ayaa hadda shaaca laga qaaday, ayadoo ay weli socdaan baaritaanno ku aadan ujeedada weerarka uu fuliyay. Donald Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriyiga ayaa muujinaya shaki ah in arrintan uu ku lugleeyahay maamulka madaxweyne Biden, balse taas caddaynteeda illaa hadda lama hayo, arrintaan ayaa hadalheyn badan ka dhalisay gudaha dalka. Source: goobjoog.com
  11. Mogadishu (HOL) — The Somali government's new tax on all electronic sales transactions has sparked widespread concern and discussion among both the public and officials. This tax, initially introduced in 1984 but never enforced due to technical issues, is now fully operational thanks to recent advancements. Source: Hiiraan Online
  12. Sida ay sheegeen Saraakiisha dowlad deegaanka Soomaalida, Labo nin oo ganacsato Soomaali ah ayaa lagu dilay deegaanka ee dalka Itoobiya, Ganacsatadaan ayaa ku sii jeeday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya. Waxaa la beegsaday xilli ay ku safrayeen waddada isku xirta Jigjiga iyo Addis Ababa oo muhiim u ah isku socodka deegaanka Soomaalida iyo magaalada Addis Ababa. Labada Ganacsade oo deegaanka si weyn looga yaqaanay ayaa lagu kala magacaabi jiray Khadar Cilmi Cige iyo Mawliid Maxamed Cabdi ( Mawliid Basra) . Falkaan waxaa geystay kooxo hubaysan oo ka tirsan jabhadda Canfarta oo waddada u galay gaarigii ay wateen, Xilli billihii lasoo dhaafay uu xoogeystay dagaalka u dhaxeeya labada maamul ee Canfarta iyo Soomaalida. Wadadaan ayaa noqotay meel halis ah, Saraakiisha maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa walaac ka muujiyay amni xumada wadada kasoo korortay. Source: goobjoog.com
  13. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa la rasaaseeyay xilli uu goob fagaare ah kula hadlayay boqolaal dasweyne ah oo taageeraal u ah asaga iyo xisbigiisa Jamhuuriyiga oo lagu tilamaamo nin aad u mayal adag. Inkastoo aan la caddayn cidda tacshiiradda huwisay haddana Illaa shan xabbadood ayaa lagu soo riday Trump, kuwaas oo midi ay dhegta midig xuubka ka qaaday kaddib markii uu madaxa yara dhinac u raariciyay, asagoo wajiga dhiig kaga yaal ayaana goobta laga saaray. Dhanka kale Xabadaha ayaa haleeley qaar kamida shacabkii ku sugnaa goobta uu hadalka ka jeedinayay Trump, waxaana dhintay hal qof, halka labo kale xaaladooda laga dayrinayo. Waxaa jira tuhun xoogan oo ku saabsan dhacdadan, kaas oo lala xariirinayo maamulka hadda jira ee madaxweyne Biden in ay ka danbeeyeen isku dayga dilka Donald Trump. Trump oo hore maamulka Madaxweyne Biden uga dalbaday in loo siyaadiyo ilaalada ayaa tiro saddex jeer ah laga diiday codsigaas. Source: goobjoog.com
  14. Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa sannadkan miisaaniyad dhan $120 milyan u qoondeeyay arrimaha gargaarka iyo horumarinta degaannada Puntland. Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa sheegay in miisaaniyad dhan $120 milyan sannadkan loo qoondeeyay arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta Puntland. Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa lagu sheegay in barnaamijkaasi ay hoggaaminayaan 14 hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobey, kuwaasi oo ka hawlgala Puntland. Miisaaniyaddan ayaa loo qorsheeyay hawlaha bini’aadamnimada, horumarinta, nabad-dhisidda, dib-u-habeynta waaxda amniga iyo dimuqraadiyeynta, sida uu tilmaamay qoraalka ka soo baxay xafiiska UNSOM. Qoraalka ayaa sidoo kale looga warbixiyay kulankii shalay Garoowe ku dhexmaray madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan. “Qaramada Midoobey waxaa ka go’an in ay si dhow ula shaqeyso Madaxweyne Deni iyo dowladdiisa si ay gacan uga geysato horumar-gaarsiinta dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu qoraalku ka soo xigtay James Swan. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobey oo sannadkan Puntland u qoondaysay $120 milyan appeared first on Puntland Post.
  15. Dadaab Member of Parliament Farah Maalim has been ejected from Sarovah Whitesands Beach Resort in Mombasa where he was staying, following controversial remarks he recently made against youthful Kenyan protesters in a now-viral video that has sparked online outrage. Source: Hiiraan Online
  16. Beledweyne (HOL) — At least 10 Al-Shabaab members were killed Saturday afternoon in a fierce battle near Beerayabaal village in Hiiraan's Buuloburde district, according to a brief statement from the Somali government. The clash involved government forces and local militia against Al-Shabaab fighters. Source: Hiiraan Online
  17. Police have been scouring site in Mukuru since mutilated corpses of at least six women were found on Friday Source: Hiiraan Online
  18. Garowe (HOL) — The Acting UN Special Representative for Somalia, James Swan, emphasized the need for Somali leaders to unite in addressing national challenges during his visit to Garowe on Saturday. Accompanied by senior officials from key UN agencies, Swan met with Puntland President Said Abdullahi Deni to discuss development priorities, security concerns, and upcoming local elections. Source: Hiiraan Online
  19. BUTLER, Pennsylvania, July 13 (Reuters) - Donald Trump was shot in the ear during a Saturday campaign rally, in an attack that left the Republican presidential candidate's face streaked with blood and prompted his security agents to swarm him, before he emerged and pumped his fist in the air, mouthing the words "Fight! Fight! Fight!" Source: Hiiraan Online
  20. Three soldiers and five prisoners killed after armed inmates made an attempt to escape, says spokesperson for Somali army’s custodial corps. Source: Hiiraan Online
  21. Laba qof oo reer Somaliland ah ayaa lagu dilay Degaanka Awash ee Ethiopia kadib markii Jabhada Canfartu ay rasaas ku fureen. Labada Marxuun ayaa kala ahaa Khadar Cilmi Cige Mawliid Maxamed Cabdi ( Mawliid Basra). Dilka labada nin ayaa ka danbeeyay kadib markii ay gaadhi ku qadeen nin dhaawaca iyagoo kuwada dhakhtar magaalada Addis Ababa ah. Dadwayanaha Reer Somaliland ee isticmaala jidka u dhaxeeya Jigjiga iyo Addis Ababa ayaa looga digayaa inay jidkaasi gawaadhi ku maraan. Weerarkan ayaa la sheegay inay fuliyeen jabhada Canfarta ee degaankasi ka degaalanta oo Shifto ah. Source
  22. Islamabad (Caasimda Online) – Maxkamad ku taal Pakistan ayaa Sabtidii laashay dacwado hore iyo xakun 7 sano ah oo horay loogu xakumay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan iyo xaaskiisa, balse saraakiisha ayaa markiiba is hortaagay in Khan xabsiga laga sii daayo. Baab’inta danbiga uu u xirnaa Khan ayaa la xiriiray sharci ahaanshaha guur uu ra’isulwasaarihi hore ee Pakistan uu sannadki 2018-ki guursaday xaaskiisa saddexaad Bushra Bibi, kaas oo marki hore ay dacwad oogayaasha ku sheegeen inuu ahaa mid aanan loo marin sharciga. Kiiskan ayaa u muuqay caqabadi ugu danbeysay ee sii deynta Imran Khan, kaddib ku dhawaad muddo sannad ah oo uu xabsiga ku jiro. Taageerayaashisa ayaa hor dhoobnaa bannaanbka xabsiga lagu hayo ee magaalada Rawalpindi si ay u salaamaan. Laakin afhayeen u hadlay xisbigiisa ayaa sheegay, in waxyar kaddib marki uu soo baxay go’aanka maxkamadda, dib loo xiray Khan. Wuxuu kaloo xisbigu sheegay in xaaskiisa, Bushra Bibi iyadana mar kale la xiray. Waxana lagu eedeeyay labadoodaba arrimo la xiriira musuq maasuq. Xakumadda hadda jirta ee Pakistan ayaa horay Imran Khan ugu soo oogtay in ka badan 150 kiis, oo ay ku jiraan kicin rabshado, musuq maasuq iyo danbiyo kale. Horaantii bishaan, koox madax bannaan oo tirsan xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo Khan, iyagoo sheegay in loo xiray sabab la’aan, arrintaas oo xadgudub ku ah bay yiraahdeen shuruucda caalamiga ah. The post War cusub oo kasoo kordhay xaaladda Imran Khan appeared first on Caasimada Online.
  23. Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray dhagta midig, kaddib marki uu qof hubeysani rasaas u soo furay dhankiisa, xilli uu khudbad ka jeedinayay isu soo bax dadweyne oo qeyb ka ahaa ololihiisa doorashada, gudaha gobolka Pennsylvania. Trump waxay rasaasta kaga dhacday qeybta sare ee dhagtiisa midig, waxaa la toogtay isaga oo hadal ka jeedinayay fagaare ay buuxeen taageerayaashiisa Jamhuuriga oo ku taalla degmada Butler oo 35 mile dhanka waqooyi uga beegan magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania. Laba xabbadood ayaa la maqlay, kaddibna waxaa xigay rasaas u muuqatay jawaab. Markiiba waxaa hadalkii joojiyay oo qoorta qabsaday kaddibna dhulka ku dhacay Donald Trump. Taasi ayaa goobta ka dhalisay argagax iyo qeylo dhaan ay sameeyeen dadki goobta joogay. Ciidanka ilaa gaarka ah ee Secret service loo yaqaanno ayaa ku hagoogtay Trump, waxana la arkayay madaxweynihi hore oo wajiga ka dhiigaya isla markaana gacanta kor u taaqaya, isaga oo u muuqday inuu ku qeylinayay erayo aanan la maqli kareyn. Bayaan ay markiiba soo saareen ciidanka goobta ilaalinayay ee loo yaqaanno ilaalada qarsoon ayay ku sheegeen in la dilay qofki weeraray madaxweyne Trump. Sidoo kale waxay sheegeen in qof ka mid ahaa dadki joogay isu soo baxa dadweyne uu isna dhintay, isla markaana laba kale ay dhaawac halis ah yihiin. Dhacdadaan ayaa markiiba waxaa cambaareeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, madaxweyne ku xigeenka marwo Kamala Harris iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Barack Obama. Ciidanka ammaanka ayaa dhacadadani ku tilmaamay isku day dil, iyaga oo sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan. Dhacadadani ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay sii murjiso loolanka madaxtinimo Mareykanka ee awalba adkaa. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo ka warbixiyay isku day dil oo uu ka badbaaday appeared first on Puntland Post.