-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afar qof oo dhammaantood hal qoys ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil maanta degaanka Laacdheere ee magaalada Garoowe. Hooyo iyo wiilkeed ayaa ku geeriyooday shilkaasi, waxaana ku dhaawacmeen wiil ay dhashay hooyada geeriyootay iyo mid ayeeyo ay u tahay, kadib markii baabuur jaad-wale ah dusha ka maray bajaaj ay saarnaayeen. Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ayaa xabsiga u taxaabay darawalkii waday baabuurka jaad-walaha ee shilkaasi sababay kadib markii uu dusha ka maray bajaajtii qoyska waxyeelladu gaartay saarnaayeen. Halkan hoose ka eeg sawirada shilka PUNTLAND POST The post Qoys dhan oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil maanta ka dhacay duleedka Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
London (Wararka PP) — Hay’adda qaabilsan qiimeynta iyo shahaadooyinka ee dalka Biritayn (Assessment and Qualifications Alliance ‘AQA’) ayaa oggolaatay inay buugagga laga barto afka Mandarin ka saarto magaca Jamhuuriyadda Shiinaha (Republic of China) oo ay Taiwan isu taqaanno. Wargeyska Daily Telegraph oo wax ka qoray in magaca Taiwan laga saaray buugagga ay daabacdo shirkadda Dragons Ltd. Buugagga ay soo saarto shirkadda Dragons Teaching, oo ay ardaydu ka bartaan afka Mandarin, ayay ku qoran yihiin magac siyaasadeedka u ekeysiiya Taiwan dal madaxbannaan. AQA ayaa oggolaatay in magaca lagu qorayo buugagga ardaydu ka baranayaan afka Mandarin noqdo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha (People’s Republic of China ‘PRC’). Hay’adda AQA, oo oggolaata buugagga lagu saleeyo imtixaannada hay’addu soo diyaariso, waxay ka hortagtay eedeynta inay oggolaatay in xog aan sugnayn loo gudbiyo ardayda barata afka Mandarin. © Puntland Post, 2024 The post Taiwan oo laga saaray buugagga dugsiyada sare ee Biritayn appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa mareysa meel xasaasi, xilli ay weli Itoobiya ku dhagan tahay is-afgaradkii Somaliland ee Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Damaca Itoobiya oo lagu tilmaamo mid soo jireen ah, uuna hadda u bareeray ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayey Soomaalidu u kala harin diidmadiisa, inkasta oo dhaliil laga muujiyay hanaanka madaxda dowladda u wajaheyso arrintaan. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka digay damaca guracan ee Itoobiya ayaa soo jeediyay afar qodob oo uu sheegay inay xal u noqon karaan, ayna si mideysan bulshada Soomaaliyeed uga hortagi karto qorshaha Abiy. “Xalku wuxuu yahay an aan gobonimada dalkeena difaacano, cidna aanan ku halaynin, xin iyo ku xumayn loo qabo maamulka madaxweyne Xasana lagu dayicin dhul Soomaaliyeed, sababtoo ah madaxda maanta joogtaahi beri way tegayaan, waxa harayana waa dalka iyo dadka iyo sumcadaada shakhsiga ah,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran; Soomaali kuma kala harin diidmada heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay wada saxiixdeen Abiy Axmad iyo Muuse Biixi. Shacabka Somaliland ayaana ugu badnaa dadkii diiday. Baarlamaanka Soomaaliya si buuxda ayuu u garab istaagay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, wuxuu soo saaray qaraar cad oo uu Madaxweynuhu saxiixay, wuxuu iyadoo la hor keenin ansixiyey heshiiskii lala galay dawladda Turkiga ee la sheegay in lagu difaacayo badda Soomaaliya. Dhammaan madaxdii hore ee dalka iyo kuwa talada damaca ka jiro waxay garab istaageen Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa. Waxaa ku xigtay Madaxweynaha oo Markab dulsaaran lana sheegay in uu yahay markabkii difaaci lahaa Badda Soomaaliya, haddana waxaan maqalnay in Soomaaliya iyo Itoobiya uu wadahadal uga socdo Ankara, Turkiyana dhexdhaxaadinayso, kulan kale loo ballansanyahay. Innaga iyo Itoobiya; Shacabka Soomaaliya iyo madaxdiisu isku aragti kama aha Itoobiya. Shacabku mar walba Itoobiya way ka digtoon yihiin, laakiin Madaxda talada markaa haysa waxay Itoobiya kula macaamilaan dareenkooda halka uu maalinkaa tagaan yahay. Ma jirto siyaasad qaran iyo istiraatiijiyad qowmi ah oo aan Itoobiya kula falgalno. Waxaa tusaale u ah waxay naga bareen Itoobiyada cusub labadii maamul ee Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu Jigjiga booqda 2016-kii, iyo Madaxweyne Farmaajo markii uu Qalbidhagax dhiibayey, iyo sidii ay labaduba ONLF ugu tilmaameen argagexiso, Itoobiyana ugu sifeeyeen dal walaal ah oo ay shucuubta labada dal isku direen maamulladii hore ee labada dal soo marayna. Mar waliba waxaa naloo aqrinayey cashar ku saabsan Itoobiya cusub, Itoobiyana maamulkeeda ayaa isbdelayey, laakiin Istaraatiijiyadeeda isma bedelaynin. Waxaana taas sii adkaynaya in xukuumada Madaxweyne Xasan ay sanad ka hor Itoobiya la saxiixatay heshiis difaac, kana sugayeen in ay qayb ka qaataan wejigii labaad ee dagaalka AS iyo gulufkii loo bixiyey Libaaxii Madoobaa (Black Lion), waxay gobollo dalka qaarkood ku joogaan magac ATMIS iyo heshiis laba geesood ah. Sidaasoo ay tahayna waxaa la isku diidi karin; 1- In Itoobiya aysan u socon bad iyo dekad ganacsi oo ay badeeco kala soo degto, waxaa caddayn u ah in saamiga 19% ahaa ee laga siiyey Dekedda Berbera ay maalgashan wayday, ka dibna lagala laabtay, Dawladda Soomaaliyana muran kama keenin adeeg ganacsi. 2- Waxay la isku diidi karin in Itoobiya ay doonayso dhul badeed iyadu leedahay oo ay xukuntu, gobonimada dalkeedana hoos yimaada. 3- Waxaa kaloo la isku khilaafi karin in gobonimada, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya ay lama taabtaan tahay, difaaceedana waajib qaran yahay. Waxaase la dhaliilsan yahay sida ay madaxda dalka u maareeyeen loolanka Itoobiya naga dhexeeya. 1- Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu kama aysan shaqayn midaynta dadka Soomaaliyeed, taa bedelkeeda waxay ku kala irdheeyeen meelmarinta dantooda siyaasadeed ee gaarka ah. 2- Ma furin albaab talo wadaag si la iskula meeldhigo siyaasad, istiraatiijiyad iyo qorshe heshiis lagu yahay oo lagu wajaho damaca Itoobiya. Xalku wuxuu yahay; 1- In aan gobonimada dalkeena difaacano, cidna aanan ku halaynin, xin iyo ku xumayn loo qabo maamulka Madaxweyne Xasana lagu dayicin dhul Soomaaliyeed, sababtoo ah madaxda maanta joogtaahi beri way tegayaan, waxa harayana waa dalka iyo dadka iyo sumcadaada shakhsiga ah. 2- Madaxweynow weli waxaad haystaa fursad aad dadka ku midayn karto, waxayse kuugu kacaysaa in dantaada shakhsiga ah tan qaranka ka hormariso. Balse, haddii aadan qabkaaga meeldhegan karin, tanaasulna la iman karin, tusaalana u noqon karin in aad dantaada tan dalka ka hormariso, cid kale ha ka sugin in ay sidaa yeesho. 3- Madaxweyne waa in aad talada ballaariso, si loo helo siyaasad cad, istiraatiijiyad qeexan iyo qorshe midaysan oo lagu wajaho damaca Itoobiya. Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in aad qof jeclaysi meel iska dhigto oo aad xulato kaadir aqoon, karti iyo xirfad ku hubaysan oo culayska arrinka u babac dhigi kara. 4- In meesha laga saaro kala hadalka iyo in masuul walba oo dawladeed uu baraha bulshada ama warbaahinta wixii ku soo dhaca ka sheego. Siyaasad dowladeed waxaa lagu yaqaan in ay hal mid ah tahay, hal af leedahay, hal meelna ka baxdo. The post Galka Itoobiya: Xalka keliya ee u furan Soomaaliya kadib damaca ABIY AHMED appeared first on Caasimada Online.
-
In the complex network of HoA politics, few relationships are as delicate as the one between Somalia and Ethiopia. Lately, attention has been drawn to this intricate situation, as Ethiopia’s past military invasion into Somalia in 2006 has not only caused tension in diplomatic relationships but also exposed a significant and concerning rift within Somalia’s political sphere. The focus is on a group of Somali legislators who, in an unexpected and divisive decision, openly showed approval for Ethiopia’s actions. Many Somalis feel betrayed by this action, causing them to doubt the loyalty of their regional leaders and elected representatives. Understanding the importance of this situation requires taking into account the historical context. Somalia and Ethiopia have a lengthy history characterized by frequent conflicts and disputes over territory. Many Somalis still vividly remember past wars and invasions, and the sight of Ethiopian troops on Somali land brings back painful memories and triggers long-standing anxieties. In this situation, the behaviors of these legislators are especially concerning. By supporting a foreign country that is seen as an aggressor by many Somalis, they have not only neglected their responsibility to defend Somalia’s sovereignty but have also harmed the country’s already weak unity. Currently, the Federal Government of Somalia is undergoing a pivotal challenge. The international community will closely examine how Somalia responds to this internal crisis, alongside the Somali people. The government needs to act quickly and decisively in order to regain trust in its institutions and send a clear message that disloyalty will not be accepted. Pursuing legal action against the legislators implicated is not only about punishment; it is about maintaining the rule of law and safeguarding the integrity of Somalia’s constitution. These PM’s were sworn in to prioritize Somalia’s well being and security above all else. By backing an aggressors actions they may have crossed a line into treasonous territory – betraying the very people who put their faith in them and weakening the sovereignty they were entrusted to safeguard. The government must proceed with caution and ensure that all legal procedures are transparent and fair in compliance with Somalia’s laws and global process standards. It is important to avoid seeking revenge hastily and instead pursue justice in a way that can be scrutinized and deter future betrayals. The leaders of Parliament play a part in the situation. Members who have violated their oaths should be held accountable as protectors of Somalia’s legislative branch. Disciplinary actions and potential removal from parliamentary positions should be considered, in addition to any legal actions from the central government. Nevertheless, it is crucial to consider the circumstances and understand that the individuals in charge, despite being lawmakers, have personal ties and various motivations driving their decisions, instead of being viewed as detached decision-makers. Comprehending the motivations behind their decisions. Whether due to misguided beliefs or personal motivations. It is crucial to tackle the root causes and develop strategies to avoid repeat incidents. Moreover, it is a sign of the ongoing challenges facing the growing democracy in Somalia. Despite making advancements in rebuilding its institutions and pursuing peace after years of unrest, events like this highlight the fragility of these successes and the constant need to protect them. Somalia faces numerous challenges ahead. Addressing the betrayal by lawmakers is just the first step in a long process of promoting national unity and state development. Upholding sovereignty and democratic leadership requires brave decisions and thoughtful actions. Ultimately the Federal Government of Somalia and the Parliaments leadership are, at a juncture. How they handle this situation will not shape their historical legacy but also steer the country’s future course. By fairly addressing those who have violated their sworn duties they can uphold Somalia’s sovereignty and demonstrate the robustness of its democratic system. At this moment, all eyes of the world are on Somalia. This is an opportunity to demonstrate resilience during times of danger and internal conflicts. It offers an opportunity to demonstrate that in challenging circumstances, the resolve of the people and commitment to laws can prevail. In order to ensure a future for Somalia, its leaders must show courage, truthfulness, and unwavering commitment to equity. Ismail D. Osman: Former Deputy Director of the Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA). Specializing in writings on Somalia, the Horn of Africa’s security, and geopolitical landscapes with an emphasis on governance and security. Contact: osmando@gmail.com. Twitter: @osmando The post Somalia’s moment of truth: When lawmakers betray their nation appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah qodobada ugu hadal-haynta badan fadhiyada waaweyn ee siyaasiyadeed ee Soomaaliya, waa in uusan dalka laheyn mucaarad macno leh oo si fiican ula dhigta nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh. Iyada oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay gashay qaladaad badan oo ay boobtay dhulkii danta guud, faagatay qabuurihii, musuqii uu xarko goostay, saddex jeer ay sameysay canshuur kordhin aan adeeg cusub la socon, dagaalkii argagixisada ay kasoo laabatay, dastuurkii ku xad-gudubtay, doorashadii maamullada diiday, dalkiina dhaqaale la’aan ku riday, ayaa dhinaca kale waxaa maanta muuqan mucaarad ka shaqeynaya in nidaamka jira la dheeli-tiro, lagana badbaadiyo aragtida ay dantii guud ugu beddelanayaan dano gaar ah. Itaal-xumada iyo aragti gaabnida ka muuqata mucaaradka maanta ayaa dadka qaar ku qasabtay inay Xasan Sheekh Maxamuud uu ahaa ninkii iska lahaa aragtidii mucaaradnimada xilligii laga soo horjeeday nidaamkii Farmaajo. Xasan Sheekh xilligii uu mucaaradka ahaa wuxuu awooday inuu subixii odayaasha qaabilo, duhurkii haweenka qaabilo, oo galabkii uu dhalinyarada arko, oo habeenkii uu ganacsatada la shiro, uu asbuuciina laba jeer uu tego Xalane oo ajnabiga la fariisto, oo lacag aruuriyo oo asbuuc walba xildhibaanno shiriyo, oo maalmaha qaarna qabiilo shiriyo oo maalin taliyaasha ciidanka raadiyo, maalina hub aruursado, oo doodaha waaweyn fariistay, oo sidoo kalena maqaalo naqdina ku qoro warbaahinta caalamiga ah. Waxa uu intaas oo dhan ka shaqeynayay, ama iibinayah in nidaamka jooga la dheelitiro, lagana hortago hagar-daamadooda, la isla qorsheeyo sidii loo bixin lahaa oo aan marna culeyska laga dulqaadin kooxdii talada haysay. Shaqadaas wuxuu Xasan Sheekh Maxamuud bilaabay markii uu Farmaajo xukunka joogay hal sano iyo lix billood. Maanta Xasan Sheekh wuxuu tallada jooga labo sano iyo saddex bilood, mana jiro mucaarad intaas sameyn kara ama dhabaheeddii haya. Hadda si fudud waxaad u dhihi kartaa Xasan Sheekh ayuu ahaa hal abuurkii iyo caqligii Farmaajo la diriray, taasina waa midda sahashay inuu isagu beddelo. Xasan Sheekh inkasta oo uu leeyahay ceebo badan oo hab xukunka, musuqa iyo qabyaaladda la xiriira, haddana lama dafiri karo inuu leeyahay hal abuur uu maalin xukunka ku qaadan karo maalina mucaaradnimo xooggan ku jili karo. Rag sheegan jiray inay hal abuur mucaaradnimo leeyihiin, ama ay dhiseen aragtidii Farmaajo la dirirka ayaa hadda fashilmay oo Facebook ka badin waayay. Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu dhawaan meel-marsado cutubyada dhiman ee dastuurka, daynta lacageed ee uu sugayana uu helo, ciidan beeleedka uu waayahan dhisanayana ay u dhameystirmaan, shuruucda doorashooyinka iyo guddiga doorashadana uu qaato, intan waa kasii xoog badnaan doona waana adkaan doonta in xukunka si fudud looga qaado. Dal walba oo ay ka jirto dowlad dimuqraadi ah waa u baahan yahay inuu jiro mucaarad awood leh oo dheelitiri kara dowladda, si uusan xukunka u noqon mid boqortooyo, mana cadda in mucaaradka maanta kasoo horjeeda Xasan Sheekh inay firaaqaas muuqda buuxin karaan xilliyada soo aadan. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la tagay hal-abuurkii mucaaradnimada – Sidee? appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxda Xamaas ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka soo saartay 6 maxbuus oo meydadkooda laga helay marinka Rafah kuwaasi oo Israa’iil sheegtay in ay Xamaas dishay. Xamaas ayaa sheegtay in maxaabiistaasi dhimashadooda ay mas’uul ka tahay Israa’iil oo duqeyn iyo xasuuq ka wadda Qasa, iyadoo warsaxaafadeedka lagu caddeeyay in ay maxaabiistan ku dhinteen duqeynta Israa’iil. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in uu Mareykanka sabab u yahay dhimashada maxaabiistaasi, sababtoo ah taageerradiisa Israa’iil oo ku dagaallamaysa hubka uu siiyay. Warka dhimashada maxaabiista markii uu soo baxay Madaxweynaha Mareykanka, Biden ayaa sheegay in ay ku bixinayaan dadaalkooda sidii heshiis loo gaari lahaa, si loo badbaadiyo maxaabiista. PUNTLAND POST The post Xamaas oo warsaxaafadeed rasmi ah ka soo saartay maxaabiis ku dhintay marinka Rafah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Itoobiya iyo Soomaaliya waxay u muuqdan kuwo aan is hureyn, markaad eegto wixii ka dhacay Xudur iyo farriintii maalmo ka hor ka timid Hiiran iyo Gedo, ee ay dad Soomaali ah kula safteen Itoobiya. Labada dal waxay horey u dagaalameen labo jeer 1964 iyo 1977. Mar walba dagaalku wuxuu lahaa ruux iyo waxyaabo kiciya dareenka dadka, oo Dowladdihii jiray u sahlay iney shacabku bixiyan xoog, xoolo iyo naf. Sidoo kale madaxdu waxay ahaayeen dad la jecelyahay oo hadalkooda loo hoggaansamo. Sida ku xusan diiwaanka, dagaalkii 1964, Dowladdu waxay dadka ku kicineysay dhulka maqan iyo wadaniyad waxaana joogtay madax lagu yaqaano wadaniyad oo indho u ahaa dagaalka sida Aadan Cade, Cabdirashiid Cali Sharmaake, Cabdullaahi Ciise iyo Jeneraal Daaud. Dagaalkii 1977, ruuxda dagaalku waxay aheyd iney Soomaali leedahay awood ciidan iyo hub ay dhulka maqan kusoo ceshato, waxaana joogay madax iyo saraakiil kalsooni ciidan lagu qabo oo dagaalka hormuud u ahaa sida Maxamed Siyaad Bare, Maxamed Cali Samatar, Maxamed Nuur Galaal, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo saraakiil kale. 2024, hadii la is huri waayo, madaxda aragtida dagaal ee Soomaaliya hormuud u noqon kara waa Xasan Sheekh Maxamuud, Jaamac (madaxa na furan), Ibraahim Sheekh Muxdiin iyo Sanbaloolshe. Hadaba iyadoo maanta ay Soomaaliya Federaal tahay, gobolladeena qaar ay Itoobiya dad Soomaali ah ka hadal-siisay, lix gobal oo dalka ka mid ah ay ciidanka Itoobiya joogan, Xasan Sheekh uusan aheyn madaxweyne shacbi ah oo la jecel-yahay, Dowladnimadeenii ajinabi ilaaliyo, argagixiso dhexdeena lagu abuuray. Maxaa noqon kara ruuxda ama aragtida mideyn karta dadka Soomaaliyeed si loo difaaco dalka, Yeyse tahay iney ummadda la hadlan oo warkoodu wax gooya, la aaminaya, oo kicin kara dadka? W/Q: Abdullahi Osman Farah The post Soomaaliya iyo Itoobiya oo mar kale aan is-hureyn iyo mid Soomaalida seegan appeared first on Caasimada Online.
-
Falcelin xoog leh oo ka dhalatay xildhibaanno ka soo jeeday deegaanada koonfur galbeed ayaa qabsatay baraha bulshada iyo fagaareyaasha dadka Soomaaliyeed ku kulmaan, waxayna dadweynaha intooda badani falkaas ku tilmaameen gef ka dhan qaranimada dalka. Xildhibaanadan oo ka soo jeeday gobolka Bakool ayaa si taban uga hadlay gardarrada iyo damaca guracan ee Itoobiya ay ku doonayso kala dhantaalidda midnimada Jamhuuriyadda fedaraalka Soomaaliya iyo qaadashada qeyb kamida badda, waxayna muujiyeen dareen ay dalkaas cadowga ah ku taageerayaan. Mudaneyaashan qaarkood oo tilmaamay inay dowladda Soomaaliya uga aragti duwanyihiin qaabka ay u wajahayso howlgalka cusub ee ATMIS badeli doona ayaa warbaahinta la hadlay xilli xiisadda labada dal ay cirka isku sii shareerayso, waxayna sheegeen in Itoobiya ay dalka Abaalweyn ku leedahay sida ay hadalka u dhigeen, balse maaliyiin dadweyne ah ayaa ka carooday weeraha Itoobiya farxadda u ah ee ay ku hadleen. Aqoon-yahannada iyo dad dhiigga waddaniyaddu ku jirto oo qaarkood soo jeediyay mudaneyaashan xasaanadda laga qaado ayaa ku eedeeyay dhabar jabin qaran iyo taageero u muujin cadow horar ah oo dalka qeyb kamida diorama inuu xoog ku qaato. Si kastaba ha ahaatee mudaneyaashan oo ka soo jeeda gobolka Bakool ayaa xaq u leh inay dowladda kala hadlaan cidda masuulka ka noqanaysa nabad-gelyada gobolkaas bixitaanka Ciidamada Itoobiya ka dib, balse inay si cad u taageeraan cadowga oo ay ku tilmaamaan gacal abaal weyn ku leh dalka ayaa loo arkaa meel ka dhac weyn oo qaranimada Soomaaliya ka dhan ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mukhtaar Saajid oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana kamid ah xildhibaannadii shalay taageerada u muujiyay Itoobiya ayaa maanta war cusub soo saaray, isaga oo ka laabtay mowqifkiisii hore. Saajid oo wareysi siiyay Somali Cable Tv ayaa marka hore raalli-gellin buuxda siiyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, kadib taageeradii uu u muujiyay Itoobiya. Xildhibaanka ayaa ku dooday in hadalkiisa si qaldan loo dhigay, isla-markaana looga faa’iideystay kicinta xaaladda taagan. “Shacabkeyga qiimaha badan ee wanaagga iyo wixii maslaxadooda ka hadlay igu yaqaanay inaan af buuxdo ugu sheego kun jeer iga raalli ahaada haddii aad sidaas wax u garateen” ayuu yiri Xildhibaanku. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Itoobiya ma taageerin horay uma taageerin, hadda ma taageersani, mana taageeri doono warkaas ma cad-yahay” . Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gobonimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan, wuxuuna farriin u diray Itoobiya oo haatan xiisad xoogan ay kala dhexeyso Soomaaliya “Waxaan aaminsanahay gobanimada Soomaaliya lama taabtaan inay tahay, xuduudadeeda lama taabtaan inay tahay, Itoobiya hadda ayaan u sheegayaa haddii ay i maqleyso cidi foodeed kuma taageeraayo ee quuso” ayuu mar kale yiri Saajid. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xildhinaanadii kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya iyo dhaqaaqeeda gobollada Baay iyo Bakool ay la kulmeen dhaleeceen xoogan iyo dhaliilo ay kala kulmeen inta badan shacabka Soomaaliyeed. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Mid ka mid ah xildhibaannadii taageeray Itoobiya oo raali-gelin bixiyay appeared first on Caasimada Online.
-
Boorama (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa dhaq-dhaqaaq xoogan ka bilaabay halkaasi, si uu xal ugu helo tabashada reer Awdal. Muuse Biixi oo khudbad u jeediyay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda kala dhalatay heshiiska badda ee uu maamulkiisu la galay dowladda Itoobiya. Madaxweynaha Somaliland ayaa xiisadda dab kusii shiday, wuxuuna weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Biixi ayaa mar kale ku celiyay diidmadooda Masar, wuxuuna ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya inay u yeeraneyso hadal dowlad, laakiin aanay wax u dhimi doonin Somaliland. “Maanta buuqa jiro ee Xamar waddo ama Masaari u yeer ama Mareykan u yeer ama Ruush ub yeero oo Somaliland dib u ogolaan meyso in Xamar looga taliyo, waayo taariikhda ayaa ataa tuseyso waxa ay qabsatay inta ay is maamuleysay” ayuu yiri madaxweynuhu. Sidoo kale waxa toos ula hadlay shacabka Boorama, maadaama indhowaanagan ay xaalado kacsanaan ah ka jireen magaaladaasi, isaga oo ugu baaqay inay ilaaliyaan amniga, wadajirkooda iyo qaranimada Somaliland, “Nimcadaan aynu haysano waa qaranimadaan waa isku tashiga waa nabadda” ayuu mar kale yiri isaga oo la hadlayay reer Boorama. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waynu u duceyneynaa gobollada bariga waxaan ugu duceyneynaa in Ilaahey nabad ka xasiliyo oo ay ku gudbaan xaaladda ay ku jiraan”. Hadalkan wuxuy kusoo aadayaa, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda badda, isla markaana ay kasii dartay xaaladda gobolka, kadjb markii lagu kala kacay wada-hadalladii Anakara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya. The post Muuse Biixi oo go’aan la xiriir xiisadda kala dhaxeysa DF kaga dhowaaqay Borama appeared first on Caasimada Online.
-
Since 2016, United States citizen Bentley Wilson has been living in Nairobi, Kenya working as the CEO of his company, Thrivin. The company, which helps workers build and utilize their skills, has been his primary focus while abroad, but as the 2024 United States Presidential election looms, how has his opinion of America changed? VOA’s Philip Alexiou spoke with Wilson about his experience living abroad and if his travels have changed the way he views politics. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa lagu eedeeyay inuu ku abaal-dhacay, isla-markaana uu dhabarka jabiyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu kala saftay Itoobiya oo xilligan xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiska badda ay kala dhexeyso Soomaaliya. Maamulka Laftagareen ayaa si buuxdo taageero ugu muujiyay ciidamada Itoobiya, kadib dibadbaxyo ka dhacay degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool, kuwaas oo sidoo kale lagu diiday qorshaha Villa Soomaalia ee ku aadan keenista ciidamada Masar oo ku biiraya howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS. Siyaasiga Xasan Cabdi Guuleed oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed, isla-markaana la hadlay Universal ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu fursad wayn siiyay Laftagareen, xilli uu dhammaaday muddo xileedkiisa, balse uu ku abaal-dhacay, isla-markaana uu abuurayo xaalad halisteeda leh oo ku aadan arrinta Itoobiya. Xasan Cabdi Guuleed ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu hor istaagay xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed oo rabay in uu dhaco isbeddal, isla markaana doorasho laga qabto maamulkaasi. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qaladkii koowaad ee uu galay waxa uu ahaa markii uu dalka yimid waxaa jiray niman guddoomiyeyaal baarlamaan hore oo rabay inay isbeddal sameeyaan oo doorasho laga qabto Koonfur Galbeed laakiin madaxweynaha ayaa kusoo baxay oo hakiyay, waxayna dhashay in maanta Laftagareen reer Xudur iyo reer Waajid inuu yiraahdo Itoobiyaa rabnaa dhaha” ayuu yiri Xasan Cabdi Guuleed. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Jaaniska uu Laftagareen illaa intaan kusoo gaaray sabab iyo waqti ayaa jiray waxaana xiisaddii jirtay qaboojiyay madaxweynaha oo dhiig joojin ka dhigay inuu Laftagareen sii fadhiyo. Maanta Laftagareen iyo Itoobiya oo is wata maba dhacdeen, laakiin qalad horay loo galay ayay ahayd”. Siyaasigan oo sii hadlaya ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay in taageero gudaha ah loo muujiyo Itoobiya oo ah cadowga Soomaaliya, sidoo kalena duulaan ku ah baddeeda. “Itoobiya waa cadow gaamuray, iyada ayaa duulaan nagu ah, baddeenna ayay si kibir ah ugu socotaa” ayuu mar kale yiri siyaasi Xasan Cabdi Guuleed. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay midoobaan, isla-markaana ay garab istaagaan dowladdooda, si meel looga soo wada jeesto dowladda federaalka Itoobiya. The post Lafta-gareen oo ku abaal-dhacay madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Ugu yaraan laba qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa la diley, halka 3 kalena la dhaawacay ka dib markii gaari ay saarnaayeen lagu rasaaseeyay meel u dhow magaalada Hebron ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed ee falastiin, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka Israa’iil . Ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyay weerarka dadkaas lagu diley, waxaana ay sheegeen in ay ku raad joogaan kooxdii falkaas geysatay, sida ay wakaalada wararka Reuters ka soo xigatay saraakiisha ammaanka Israa’iil Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli maalmihii la soo dhaafay ciidamada Israa’iil ay Daanta galbeed, gaar ahaan Qudus ka wadeen xadgudubyo ka dhan ah dadka reer falastiin iyo masaajidka barakaysan ee Al-aqsa. Source: goobjoog.com
-
Ma ka badheedhi karo qoonsigiisa dhabta ah oo ah RUNTA ay ka sheegeen cidda dagaalka wadda oo Muuse Biixi ah, oo Xukun-isku-dhejin ah. Waxay is ilawsiinayaan in dadkani dad wada dhashay oo is xaal iyo duruufo og yihiin oo ay la socdaan qaradka gurracan ee Muuse Biixi ka leeyahay colaadda Sanaag khaas ahaan Ceerigaabo! Xukuumaddu iyada ayaa shaashaynaysay baaqyada nabadda oo si duurxula oo gurracan darafka Sool clan baaqeedii ugu durtay, iyaguna jawaabtii ayay usoo dhex raaciyeen. Wasiir Shiinena wuxuu isku dayayaa in uu ismuujin ka dhex baadho hadalka Garaadada oo si weyn loo soo dhaweeyey nabaddana wax ka taraya lagana sugayey. Maxsuulku waa in nabad la helo, taasna cidda diidan ee colaadda hurinaysay ee guubaabada agka baarkiisa ah waday ma qarsoona, waana kuwa Muuse ku taageersan in uu sharcidarro kusii fadhiyo kursiga ummaddu u dhiibatay maalmo dhowna ay codkooda kaga xayuubindoonaan si inta hadhay loo daba qabto. Dr. Ahmed Aliyo Faradheere Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo ka xun Masar ayaa haatan bilowday inay xiisad ka huriso gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed, iyada oo adeegsaneyso maamullada gudaha, taas oo dhabar jab weyn ku ah dowladda federaalka. Arrintan ayaa si weyn loo dareemay saacadihii lasoo dhaafay, kadib markii dibad-baxyo lagu taageerayo ciidamada Itoobiya, laguna diidayo kuwa Masar lagu qabtay degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Dibad-baxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin “ma rabno Masar” iyo “soo dhawoow Itoobiya”, taas oo fajaciso ku noqotay dad badan, maadaama ay hadda meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyeen sidii ay gobolka uga difaaci lahaayeen Al-Shabaab, iyagoo u arka ciidankan in ay naftooda u hureen amniga dadka deegaanka. Tallaabadan ayaa keentay xiisad horleh iyo inay ku kala qayb-samaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo siyaabo kala duwan uga hadlay qaddiyaddan. Mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka, kana soo jeedo Koonfur Galbeed oo habeen hore shir ku yeeshay Muqdisho ayaa ka horyimid qorshaha maamulka Laftagareen, waxayna sheegeen in shacabka ku dhaqan gobolka Bakool, looga faa’iideysanayo daruufo nololeed oo haysta. “Shacabka u banaanbaxay Itoobiya ee Xudur ku nool waxay ku jiraan go’doon adag oo Khawaarijtu ay gelisay, waxaana talaabadaas ku qasbeysa cabsida ay qabaan, taasna waxaa u sabab ah joogitaanka sharci darrada ah ee Laftagareen,” ayuu yiri Xildhibaan Balaag oo akhriyey bayaanka. Garab kale oo xildhibaanno ah oo iyagana kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa shalay warbaahinta la hadlay, waxayna taageereen qorshaha socda, iyaga oo sidoo kale ka digay in colaadda wabiga Nile loo soo rarao gudaha Soomaaliya. “Haddaba annaga oo ogeyno walaaca iyo dareenka dadkeena ay ka qabaan iyo mas’uuliyad naga saaran amniga iyo xasiloonida waxaan si weyn diidanahay in colaadda caalamiga ah ee wabiga Nile oo u horseedi karo dagaallo ka qarxa mandiqa Geeska Afrika oo lagu hoobto waxyeelo soo gaarta dadka loo soo raro gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka. Dhankiisa Xildhibaan Cabdinuur oo u jawaabay xildhibaannada taageeray Itoobiya ayaa nasiib darro ku tilmaamay, maadaama ay weli jirto xiisadda ka dhalatay kiiska badda. “Maanta waxaan is leeyahay baarlamaanka hortiisa xildhibaanada qaar ee kasoo galay Koonfur Galbeed waxa ay ka sheegeen waxay ahayd wax la yaab leh Soomaaliya, Soomaalibaa leh Itoobiya oo aan ognahay baddeenna inay meel walba kasoo doc doceyneyso in ay dhahaan Itoobiya joogisteeda taageereynaa waa wax nasiib darro ah” ayuu yiri Xildhibaan Cabdinuur oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay meel kasto oo aad joogtaan waa ujeedeen inta xildhibaan ee meesha soo istaagtay oo raalliga ka ah Itoobiya, isma lahayn aniga baarlamaanka hortiisa metalaaddii shacabka qaar kamid ah inay saas u hadlaayaan , waxaan leeyahay Itoobiya dalkaan nalama laha” Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa Villa Soomaaliya iyo waxa kasoo baxa shirka golaha amniga qaranka ee uu shalay iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si looga hadlo xaaladaha soo kordhay. The post Itoobiya oo xiisad wayn ka abuurtay gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Bartamihii hore ee agoosto dowlada fedaraalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Maaaliyaddu waxay hirgelisay canshuuraha iibka oo ah qidmad laga qaadayo dadka alaabaha iibsanaya, islamarkaana lacagta ku diraya akoonada ganacsi ee loo yaqaanno merchanta. Maalmo yar ka dib hirgelintii canshuurtaas waxaa dab la qabadsiiyay qeyb kamida suuqa deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka magaalada muqdisho, waxaana ka dhashay burbur hantiyeed oo baaxad leh, sababta gubashada suuqaas ayaana lagu sheegay qaraxa ay kooxda Alshabaab ku xireen. Sidoo 31 bishii agoosto waxaa gubtay suuqa deegaanka tabeelaha Shiikh Ibraahim iyo xaafado ka ag dhowaa, waxaana la sheegay in qarax ay Alshabaab ku rakibeen qeyb suuqa kamid ahi ay horseeday gubashada xarumo ganacsi iyo guryo deegaaka oo halkaas ku yaallay. Dad xog ogaal ah oo ku nool deegaanada ceelasha biyaha iyo Tabeelaha oo la hadlay goobjoog news ayaa sheegay in gubidda suuqa ceelasha biyuhu ay ka dhalatay kaamirooyin ay laamaha nabad-gelyado amreen in halkaas lagu xiro, islamarkaana ay ganacsatada qaarkood xarumohooda ku xireen, ka dibna ay kooxda Alshabaab si lama filaan ah aaggaas oo dhan u qarxiyeen. Tillaabadan ayay xeeldheereyaasha arrimaha ammaanku ku fasireen in mid ay Kooxda Alshabaab uga hortagayso in qalabka kaamerooyinka nabad-gelyada caasimadda wax weyn ka badelay deegaanada kale dalka laga hirgeliyo, balse waxa isku soo beegay dhaqan-galka canshuuraha iibka iyo gubidda suuqyadan ayaa ah layli jawaab u baahan. Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya, Masar iyo Itoobiya ayaa ku sii xoogaysanaysa gobolka geeska Afrika ka dib markii Masar ay gargaar military soo gaarsiiyey Soomaaliya afartan sano ka dib sida ay wakaalada wararka ee Rueters ay u sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay. Itoobiya ayaa muujisay sida ay uga soo horjeedo in ciidamado ka socda Masar ay yimaadaan Soomaaliya kuwaas oo ka mid noqda howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ka bilaabanaya Soomaaliya bilowga sanadka cusub. Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xiriirkoodu xumaaday ka dib markii ay heshiis is afgarad ah wada saxiixdeen Itoobiya iyo Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland bishii janaayo ee sanadkan. Itoobiya ayaa dhowr jeer mas’uuliyiinteedu sheegeen inay doonayaan inay galaangal ku yeeshaan gacanka cadmeed. Wufuud kala matelaysa labada dal ayaa wareegyo wadahadallo ah ku yeeshay dalka Turkiga balse dhinacyada ayaan is arag wallow markii dambe wadahadalladu ay natiijo la,aan noqdeen. Turkiga, Kenya iyo dalal saaxiib la ah labada dal ayaa isku dayey inay isku soo dhaweeyaan dhinacyada. Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo waraysi gaara siiyey BBC-Focus on Africa ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan labada dal isagoo sidoo kale soo hadal qaaday dhex-dhexaadintii ay Jabuuti isku dayday. Wuxuu sheegay in mowqif ahaan labada waddan ay aad u kala fogaayeen. “Wax aan u baahanahay in aan ka fikirno waddahadallo meel dhexe la iskugu imaanayo oo miiska wadahadalka la iskugu yimaado iyadoo ay gacan ka geysanayaan Jabuuti, Kenya iyo dalalka kale ee gobolka, waxa aan u maleynayaa in ay gaari karaan isku tanaasul, laakin waxaa aas aas u ah wadahadalladan madaxbanaanida dalalka waa in la ixtiraamaa,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf. Wuxuu intaa raaciyey wasiir Maxamuud “Waan muhiim in Soomaaliya la dhegeysto hadalkeeda iyo fariinteeda, waxa aan sidoo kale ku dhawnahay in aan usoo jeedino Itoobiya taas beddelkeeda marin badeedka ay doonayaan.” Maxay tahay dekada Jabuuti ay siinayso Itoobiya? Mar BBC-du waydiisay waxa uu yahay waxa ay Jabuuti ahaan u soo jeedinayaan itoobiya ayuu sheegay Wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf. “Waxaan siineeynaa maamulka 100% dekad iyo marin cusub oo horey loo dhisay, markaa in ay Ethiopia isticmaasho badda wax dhibaato ah uma aragno. Waxa ay noqon kartaa Dekadda Tajura taas oo 100 Km u jirta xadka Itoobiya, taas oo horey aan ugu soo jeedinay, waxa uu Madaxweyne Geelle sidaasi u sameeyay in Itoobiya iyo Soomaliya ay xal gaaraan oo ay joojiyaan xiisadda.” Cabsida Jabuuti xiisadda oo sii korortay Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo la weydiiyey cabsida ay ka qabaan haddii ay xiisaddu sii weynaato iyo haddii amaan darro ay timaado in ay soo gaareyso Jabuuti. Wuxuu sheegay in hore gobolka ay u saameeyeen kooxda Al-Shabaab, haddeerna la wajahayo weerarada kooxda Xuutiyiinta ee gacanka Cadan iyo marin biyoodka Baabul-Mandab. “In kasta oo Jabuuti ay tahay dal deggan oo ammaan ah haddana ma dhihi karno xiisadaha ka taagan deriskeenu nama saameynayaan. Sida aan hore u sheegay dareen weyn ayaan ka qabnaa haddii ay dhibaatadaasi ay isku bedesho xiisad toos ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti. Jabuuti ayaa ugu baaqday labada dowladood iyo labada dalba in aanay hadallo ku sii hurrin xiisadda, wuxuuna intaa raaciyey inay diyaar u yihiin dhexdhexaadin iyagoo kaashanaya Kenya iyo dalalka kale ee gobolka. “Waxa aan u safri donnaa Beijin maamlo gudahood halkaas oo aan haysano fursad ah in dhammaan hoggaamiyaasha aan kula kulmi doono halkaas. Waxa ay ila tahay waa fursad wanaagsan in Madaxweyne Geelle uu kula hadlo labada hoggaamiye ee Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna isku dayi doona in uu abaabulo Kulan haddii suurtagal ay tahay in ay iskugu yimaadaan IGAD si looga wadahadlo dhibaatada habka ugu wanaagsan ee aan awoodno,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti. The post Xogta dekadda ay JABUUTI sheegtay inay siinayso Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Liibiya ayaa sheegtay Sabtidii in ay burburiyay shabakad arxan-daran oo dadka tahriibisa, taasi oo ka dhisneyd dhinaca Koonfur-galbeed ee dalkaas. Bayaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Liibiya ayaa lagu caddeeyay in xabsiga la dhigay dhammaan shabakaddaasi oo ka koobneyd 11 xubnood. Ciidamada ayaa xiray mid ka mid ah hogaamiyayaasha shabakadan magafa-yaasha ah iyo 10 xubnood oo kale oo lagu eedeeyay dil, xarig sharci darro ah, jirdil, iyo kufsi loo geystay muhaajiriin, sida uu xaqiijiyay bayaanka. Baaritaan ay dowladda Liibiya sheegtay in ay sameysay ayaa muujiyay in kooxahani arxanka daran ay dhibaatooyin isugu jira xarig qasab ah, jirdil iyo kufsi ba’an ay ugu geysteen muhaajiriin gaareysa 1,300 oo qof. Shabakadda la qabtay ayaa muhaajiriinta ciqaabtaasi u marin jiray si ay uga qaataan lacago baad ah oo ay soo dirayaan eheladoodii oo ku sugan dalalkii ay ka aoo tahriibeen. PUNTLAND POST The post Shabakaddii ugu arxanka darneyd magafayaasha Liibiya oo gacanta lagu dhigay appeared first on Puntland Post.
