Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maamul goboleedka Galmudug ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan shaqaaqada ka dhalatay hubkii lagu qabtay shalay degmada Caabudwaaq. War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug ayey ku sheegtay inay si dhow ula socotay dhaq-dhaqaaqa hubkaasi laga soo tahriibiyey dhanka Itoobiya. Hay’adaha Amniga oo ku dabajoogay ayaa isku dayey in ay gacanta ku dhigaan hubka, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darrida uu hubkaasi abuuri karo, ayay qoraalka ku sheegtay wasaaraddu. “Dowladda Galmudug waxey baaritaan ku haysay cidda ka danbaysay falkaas argagaxa leh, waxaana u caddaatay in dad qowlaysato ah kuna caan baxay ka ganacsiga waxyaabaha sharci darrada ah ay ka danbeeyeen”. “Iyadoo ujeedku ahaa in loogu adeego danahada argagaxisada , la isagana horkeeno shacabka , laguna qalqal geliyo amniga iyo xasilloonada Galmudug,” ayay wasaaadda amniga gudaha ee Galmudug ku sheegtay qoraalkeeda. PUNTLAND POST The post Galmudug oo war ka soo saartay Hubkii lagu qabtay degmada Caabudwaaq appeared first on Puntland Post.
  2. Washington (Caasimada Online) – Markii uu James David Vance, u soo galay hoolka shirarka ee xisbiga Jamhuuriga si uu u aqbalo magacaabista madaxweyne ku xigeenka xisbiga, waxaa uuna gacan qaaday Trump. Ergada Shirweynaha Qaranka ee Jamhuuriga ayaa si rasmi ah u doortay Mr Vance, Isniintii ka dib markii Trump uu ku shaaciyay bartiisa bulshada in uu doortay ka dib “talo-gal dheer iyo fikir”, uu noqon doono madaxweyne ku xigeenkiisa, haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadkaan. Laakiin senetarka laga soo doorto Ohio, ayaa mar ka mid ahaa dadka aadka u dhaliila Trump isagoo saaxiibkisa cusub ee hadda horrey ugu yeeray “Hitler-ka Mareykanka”, balse markaas ka dib wuxuu noqday taageero aad u adag. Doorashadii xilliga dhexe ee 2022, wuxuu ku guuleystey kursi ka mid ah senate-ka Mareykanka isagoo taageeray Trump, markii ugu horreysay oo loo doorto xafiis dadweyne. Vance, ayaa ku dhaleeceyey Dimuqraadiyiinta inay ka been sheegeen qorsha caafimaadka isagoo madaxweyne Biden ku dhaliilay inuusan ku abaalmarin codbixiyaasha doorkaas. Mr Vance ayaa intaa ku daray in uu Trump ka sheegay waxyaabo xun balse ay muhiim tahay in la qirto in uu qaldanaa. Trump ayaa qoraal la soo dhigay bartiisa bulsho ee Truth ku sheegay. “Madaxweyne ku xigeenka J.D waxa uu sii wadi doonaa inuu u dagaalo dastuurkeena, wuxuuna garab istaagi doonaa ciidamadeena, wuxuuna sameyn doonaa wax walba oo uu ku caawin karo in aan mar kale midowno” tallaabadan ayaa timi laba maalmood ka dib markii Trump uu ka badbaaday isku daygii dil oo ka dhacay goob uu khubad ka jeedinayey oo ku taalla Pennsylvania. Markaas ka dib, Mr Vance ayaa bartiisa X ee hore loo oran jiray twitter ku soo qoray in xisbiga Dimuqraadiga ay “si toos ah u horseedeen isku daygii dilka ee madaxweyne Trump”. JD Vance, ayaa kaalin muuqata ku yeeshay ololaha weyn ee Trump ee halku dhigiisu yahay ‘Markale Amarika ka dhig mid weyn’ isagoo si weyn uga soo muuqday munaasabadaha ololaha Trump, wuxuuna u safray magaalada New York si uu uga qayb galo dacwaddihii khiyaanada ee oo haystay Trump. Mr Vance iyo Trump ayaa wajihi doona musharaxiinta Dimuqraadiga, Joe Biden iyo Kamala Harris, doorashada guud ee Maraykanaka ee dhacay shanta November ee sanadkan. Hadalo kooban oo uu siiyay saxafiyiinta isniintii, Mr Biden waxa uu dhaleeceeyay Vance, isagoo ku tilmaamay “Qof an dhab ahayn oo ka hadla arrimaha Trump”. Ololaha Biden ayaa shegay in sababta uu Trump ku xigeen uga dhigtay Vance ay tahay inuu samayn doono wax ku xigeenkiisi hore Mike Pence uu iska diiday taas oo ah in inuu dhabarka saarto qorshaha MAGA. Mr Vance waa maalqabeen wax ku bartay Yale, waana qoraa filimkii ugu iibinta badnaa ee xusuusta ahaa ee Hillbilly Elegy. Waa kuma JD Vance? James David Vance, waxaa ku dhashay magaalada Middletown, ee gobolka Ohio, dalka Maraykanka sanadkii 1984-tii. Waalidkii waxay asal ahan ka soo jeedaan Scotland. Isagoo arday ah oo dhigta dugsiga sare Vance, aabihis iyo hooyadiis ayaa kala tagay. Markaas ka dib hooyadiis ayaa magacisa dhexe ugu badashay David. Hooyadiis ayaa sanado badan ku dhibatooday isticmaalka daroogada iyo khamriga, taas oo keentay in isaga ay soo koriyeen awoowayaashii. Markii uu ka qalin jabiyay Dugsiga Sare ee Middletown sanadkii 2003, Vance waxa uu iska diiwaan galiyay Ciidanka Badda ee Maraykanka. Intuu uu ku jiray ciidamada badda ee Marines-ka waxaa uu ku jiray ciidamo loo diray Ciraaq si uu uga qayb qaato dagaalkii Ciraaq. Vance, waxa uu ka dib galay Jaamacadda Ohio State University, halkaas oo uu ku qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda ee cilmiga siyaasadda iyo falsafada 2009-kii .Wuxuu sanadkii 2013-kii sidoo kale shahaado sharciga ka qaatay Yale Law Schoolk. Ka dibna waxa uu u shaqeeyay shirkad sharci oo caalami ah. 2016 Vance wuxuu daabacay Hillbilly Elegy oo ahaa Xusuus-qorka uu kaga hadlay Qoyskiisa, dhibaatooyinkii uu so maray iyo waaya-aragnimadiisa ku soo koray Middletow. Isla sanadaas Vance, waxaa uu ku laabtay Ohio isagoo ka tagay California, wuxuuna halkaas ka asaasay Ururka Cusboonaysiinta Ohio, oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo ujeedadeedu tahay in ay caawiso carruurta danyarta ah oo ay wax ka qabato dhibaatooyinka sida qabatinka daroogada iyo kaniinada opioid ka.. Vance wuxuu kaloo bilaabay shirkad maalgashi oo fadhigeedu yahay Cincinnati. JD Vance, waxaa uu isku dayey inuu u tartamo kursiga Senate ee Ohio sanadkii sanadkii 2018-kii bale uma qabsoomin. Bishii Luulyo 2021, Vance wuxuu si rasmi ah u galay tartanka kurisga Seante, waxay ahayd ololihiisii ugu horreeyay ee xafiiska dadweynaha. Bishi Maar 2022-kii ayuu ku guulaystay doorashada hordhaca ah ee xisbiga Jamhuuriga isagoo ka adkaaday magacyo caan ka ahaa siyaasadda gobolka, doorashadii guud ee dhacady Nofember, Vance wuxuu kaga adkaaday doorashadii dhacdy musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Tim Ryan isagoo helay 53% codadka halka Ryan uu helay 47%. Ninkan 39 sano jirka ah ayaa hadda mar kale sameeyey sare u kac siyaasaddeed oo xoog leh ka dib doorashada xisbigisa iyo magacabista Trump ee ah inuu ku xigeen u noqday Trump oo la galayo doorashada sanadkan ka dhacaysa Maraykanka. Isha: BBC The post Maxaan ka naqaanaa ninka Trump u noqonaya ku-xigeen ee horey u dhaliili jiray? appeared first on Caasimada Online.
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Dowlad Goboleedka Galmudug oo war ka soo saaray hubkii sida sharcirada ah dalka looga soo geliyey waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa ku guda jira sidii sharciga loo hor keeni lahaa dadkii falkaas ka dambeeyey, waxaana qoraalkaan hay’adaha amniga iyo cadaaladda ee dowladda federaalka looga dalbaday in ay arrinkaas gacan ka gaystaan. Sidaan oo kale Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa maanta war ka soo saartay arrinta hubka, waxaana loogu goodiyey maleeshiyaadkii hubka dhacay, iyadoo dowladda federaalka ay cadeysay inay ka go’antahay in hubkaas uu soo galo gacanta dowladda. Galmudug ayaa u muuqata inay ku mowqif tahay dowladda federaalka, waxaana la mideysan yahay in hubkaasi uu si sharci darro ah ku soo galay dalka, isla markaana lagu naaxinayo argagixisada iyo colaadaha qabaa’ilka. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay Galmudug: War-Murtiyeed Dawlada Galmudug waxay si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqa hubka laga soo tahribiyey dhanka Toobiya ee ku aaddan Waqooyiga Galgaduud. Hay’adaha Amniga oo ku dabajoogay ayaa iskudayey inay gacanta ku dhigaan hubka, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darida uu hubkaasi abuuri karo. Dowladda Galmudug waxay baaritaan ku sameysay falkaas argagaxa leh, waxaana u caddaatay in dad qowlaysato ah kuna caan baxay ka ganacsiga waxyaabaha sharci darada ah ay kadanbeeyeen, iyadoo u jeedku ahaa in loogu adeego danaha argagaxisada, la isagana horkeeno shacabka, laguna qalqalgeliyo amniga iyo xasiloonada Galmudug. Dawlada Galmudug waxay kugudajirtaa sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa dhagar qabayaashaas, waxayna kadalbaneysaa hay’adaha amniga iyo cadaaladda ee Dowladda Federaalka ah inay arinkaas gacan ka gaysataan. Dowladda Galmudug waxay u tacsiyeyneysaa ehellada dadkii ku waxyeeloobay shaqaaqadii shalay ee uu sababay hubka tahribka ahaa, waxeyna ugu baaqaysaa shacabka Galmudug inay nabada iyo xasiloonida ka wada shaqeeyaan, meelna uga soo wada jeestaan argagixisada iyo kuwa fur- sadaha karaadinaya dhiigga dadka walaalaha ah iyo qalqal gelinta amniga Galmudug. The post Galmudug oo sheegtay danta laga lahaa hubkii lagu dhacay Caabudwaaq, fariina u dirtay DF appeared first on Caasimada Online.
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay shirka Bandhigga Teknoolajiyadda Beeraha Soomaaliyeed, kaas oo lagu soo bandhigayey caqabadaha beeraleyda dalkeenna haysta iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso kor u qaadidda wax-soosaarka iyo dalagyada beeraha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay sameysay qorshe isbeddel Qaranka oo mudnaanta siinaya wax-soo-saarka gudaha dalkeenna, isaga oo ugu baaqay beeralayda Soomaaliyeed in ay laba jibbaaraan tacabka beeraha, si ay u soo saaraan cunnno ku filan dalka, mustaqbalkana ay ugu dhoofiyaan dunida. Dhibaatooyinka saameynta ku yeeshay wax-soo-saarka beeraleyda Soomaaliyeed, ayuu ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ugu waaweyn yihiin isbeddelka cimillada iyo argagixisada oo ragaadiyey dhulkii ku habboonaa tacabka, waxa uuna kula dardaarmay beeraleyda in wadajir loogu istaago sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta hortaagan horumar laga sameeyo wax soo saarka dalkeenna. Source: goobjoog.com
  5. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa guddoomiyay munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ay ka qalin jabiyeen 12,773 arday oo isugu jira caruur iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo helay koorsooyin waxbarasho oo gaar ah sanadka 2024. Dhalinyaradaan ayaa helay fursada iyadoo oo loo marayo barnaamijka waxbarashada gabdhaha qaan-qaarka ah ee AGES oo ay maalgaliyeen Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska. Dadka qalin jabiyay waxaa ku jira 11,176 haween da’ yar iyo gabdho qaan-gaar ah oo Soomaaliyeed waxay dhammaysteen koorso waxbarashada dadban oo 11-bilood ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta xirfadaha akhris-qoraalka, xisaabta iyo hoggaaminta. Munaasabadan ayaa sidoo kale loogu dabbaal degay 1,597 arday oo ah kuwii ugu horeeyay ee soo dhameysta barnaamijka la dardar geliyay ee waxbarashada aasaasiga ah oo loo yaqaano Bar Ama Baro ee USAID kaas oo soo koobay sideed sano oo waxbarashada hoose ah lagan dhigay afar sano. Ardayda qalin jebisay waxaa ku jira gabdho iyo wiilal naafo ah oo u soo baxay inay noqdaan dad ku dayasho mudan iyo safiiro, u ololeeya diiwaangelinta dugsiyada iyo ka qaybqaadashada firfircoon ee bulshooyinkooda iyo asxaabtooda. Helitaanka waxbarashada ayaa weli caqabad weyn ku ah Soomaaliya gaar ahaan gabdhaha iyo haweenka da’da yar, iyadoo boqolkiiba 25 keliya gabdhaha dhigta dugsiga hoose ay dhigtaan dugsiyo rasmi ah. Caqabado kala duwan sida guurka degdega ah, mas’uuliyadda guriga iyo takoorka jinsiga ayaa sii kordhinaya caqabadaha helitaanka waxbarashada gabdhaha. lyadoo la aqoonsanayo arrintan xasaasiga ah, barnaamijka Waxbarashada Gabdhaha qaan-gaarka ah ee Soomaaliya (AGES), oo ay si wadajir ah u maal-galiyeen USAID iyo Dowladda Ingiriiska ayaa taageeray in ka badan 90,000 oo gabdho iyo haween da’ yar ah oo aan dugsiyada dhigan (da’dooduna tahay 15-25) si ay uga qaybqaataan waxbarashada iyo barnaamijyada xirfadaha nolosha tan iyo 2018ki. Mashruucyadan waxay bixiyaan xirfadaha akhriska iyo xisaabya aasaasiga ah, fursadaha hoggaaminta, iyo aqoonta maaliyadeed. AGES waxay hiigsanaysaa in ay awood siiso gabdhaha in ay ku noolaadaan nolol caafimaad oo waxtar leh, yaraynta suurtagalnimada guurka degdega ah iyo in ay awood u siiso in ay wax ku biiriyaan bulshadooda oo ay u dhistaan mustaqbal ifaya naftooda iyo qoysaskooda. Sidoo kale, barnaamijka Bar ama Baro (BAB) ee ay maalgalisay USAID ee 5-ta sano ah ayaa in ka badan 100,000 caruur iyo dhallinyaro ah oo aan dugsiyada dhigan ka diiwaan geliyay 32 degmo oo ka tirsan dowlad goboleedyada Soomaaliya ee Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubaland iyo Banaadir. BAB oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Wasaaradaha Waxbarashada ee dowlad goboleedyada ayaa waxay dejisay siyaasadda dardargelinta waxbarashada aasaasiga ah, qaab dhismeedka manhajka waxbarashada, kaas oo soo koobaya siddeeda sano ee waxbarashada aasaasiga ah kana dhigay afar sano taasoo u sahlaysa carruurta da’doodu u dhaxayso 9 ilaa 16 inay la qabsadaan oo ay ku biiraan nidaam dugsiyeedka rasmiga ah ama helaan shahaadada dugsiga hoose. In ka badan muddo shan sano ah, BAB waxay tababartay in ka badan 2,600 oo macalimiin iyo maamulayaal, waxay hawlgelisay isla markaana la shaqeysay 8,000 oo xubnood oo ka tirsan Guddiyada Waxbarashada Bulshada, waxay siisay biyo nadiif ah oo la cabbo 275 dugsi, waxayna qaybisay in ka badan 800,000 oo agab waxbarasho ah. Ra’ilsul Wasaare ku xigeenka oo ka hadlay xafladda ayaa yiri “Waxbarashadu waxay muhiim u tahay horumarka Soomaaliya iyo in dadkeenna loo suurtageliyo inay si buuxda uga qayb qaataan dhammaan dhinacyada nolosha. Waxbarashadu waxay kobcisaa fikirka muhiimka ah waxayna awood siisaa shakhsiyaadka iyo bulshada. Waxbaridda gabdhaha iyo haweenka gaar ahaan waxay horseedaa kobac dhaqaale waxayna saameyn weyn ku leedahay daryeelka caafimaadka, nafaqeynta, guurka deg dega ah, iyo qorsheynta qoyska. Waxbarashadu waa udub dhexaadka horumarka Soomaaliya iyadoo kobcisa fikirka muhiimka ah isla markaana xoojisa haweenka si ay u horumariyaan dhaqaalaha. Hay’adda USAID iyo Dowladda UK way ku mahadsanyihiin iyagoo ka shaqeeyay in dhalinyaradan wax bartaan, helaan xirfado muhiim oo u horseeda mustaqbal ifaya sababtoo ah dhalinyaro wax baratay waxay ay si weyn uga qayb qaataan caafimaadka, nafaqada, iyo samaqabka bulshada.” Safiir ku-xigeenka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Sam Thomas ayaa yiri, “Annagoo isticmaaleyna Barnaamijka waxbarashada gabdhaha qaan-gaarka ah ee Soomaaliya (AGES) oo ay si wadajir ah u maalgelinayaan UK iyo USAID, waxaan ku faraxsannahay inaan awood siinnay 90,000 oo gabdho iyo haweenka da’da yar ee Soomaaliyeed oo helay xirfado iyo fursado mustaqbal oo ifaya. Guusha AGES waxay ka tarjumaysaa sida ay nooga go’an tahay waxbarasho loo dhan yahay iyo sinnaanta jinsiga, oo muhiim u ah horumarka waara ee Soomaaliya. Waxaa naga go’an inaan xoojinno iskaashiga aan la leenahay dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka si aan u sii wadno horumarinta waxbarashada iyo awood siinta bulshooyinka la haybsooco ee Soomaaliya oo dhan.” “Dhamaystirka mashruuca waxbarashada gabdhaha qaan-gaarka ah ee Soomaaliya (AGES) iyo mashruuca Bar ama Baro (BAB) ayaa wuxuu tusinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan awood siinno gabdhaha, wiilasha iyo haweenka da’da yar ee la haybsooco iyadoo loo marayo waxbarashada,” ayay tiri Nuura Mustaf, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. “Annaga oo kaashanayna hay’adda USAID iyo dawladda UK, barnaamijka AGES waxa uu awood siiyey in ka badan 90,000 oo gabdho iyo haween da’yar ah oo la haybsooco, isaga oo siiyay xirfadaha lagama maarmaanka u ah akhris-qoraalka, xisaabta, iyo aqoonta dhaqaalaha,” ayay tiri Ummy Dubow, Madaxa CARE ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku faanay in guulaha ay gaartay Soomaaliya oo ay ugu weyn tahay deyn-cafinta iyo qaadistii xayiraadda hubka ay ku timid shaqo adag iyo habeenno badan oo loo soo jeeday. Ra’iisul Wasaaraha oo shalay ka qeyb-galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in jid dheer loo soo maray dib-u-casriyeynta iyo hayaanka horumarinta hannaanka maaliyadda dalka oo maanta 10-sano jirsaday. Sidoo kale waxa uu xusay in Soomaaliya ay maanta leedahay nidaam adag, casri ah oo lagu kalsoon yahay, kaas oo sababay in deyntii laga cafiyo dalka, isla markaana dalka u horseedaya in isbeddel dhaqaale iyo horumar oo dhab ah lagu sameeyo. “Geeddi socodka hannaanka maaliyadda dalka, waxa uu kulmiyey dhammaan geeddigii loo soo marayey dhismaha hey’adaha dalka dib-u-dhiskooda, taas oo ina tusaysa in aan qaan-gaarnay oo deyntii nalaga cafiyey, xayiraaddii hubka nalaga qaaday, kuna biirnay suuqyadii gobolka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan hoosta ka xarriiqayaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan in howshan aysan bilaash ku imaan ee habeenno badan loo soo jeeday, si guushan loo xaqiijiyo.” Mudane Xamza ayaa wasaaradda maaliyadda iyo khubaradda kale uga mahad-celiyey dadaalkooda ku aadan geeddi socodka la soo maray 10-kii sano ee la soo dhaafay (2013–2023), taasi oo laf-dhabar u ahaa guulaha maaliyadeed ee la xaqiijiyey, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda si loo gaaro tallaabooyin kale oo wax ku ool ah. Ugu dambeyntiina wuxuu u jeediyey hay’adaha la shaqeeya dowladda in mashaariicda ay fulinayaan ay mariyaan nidaamka dowliga ah, maadaama uu hadda dalku leeyahay hannaan maaliyadeed oo lagu wada kalsoon yahay. The post Sidee ayey ku timid guusha uu ku faanay R/W Xamza ee xaqiijisay DF? appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lasoo gaarsiiyay qaar kamid ah askartii shalay kusoo dhaawacantay dagaal culus oo ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Waniille oo ka tirsan Gobalka Galgaduud. Dhaawacyada oo la dhigay isbitaalka Digfer ayaa waxaa maanta ku booqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin, isaga oo u kuur galayay xaaladdooda caafimaad. Taliyaha ciidanka Xoogga ayaa caafimaad qab buuxda u rajeeyay askarta la dhigay isbitaalka, wuxuuna u ballan qaaday inay war hayn doonto dowladdooda. Sidoo kale waxa uu dhaqaatiirta kula dardaarmay inay askarta ku bixiyaan dadaal dheeraad ah, isaga dhinaca kale alle uga baryay in Jannatul firdowsa uu ka waraabiyo askartii ku dhintay howlgalkaasi. “Waxaan maanta isbitaalka ku booqday geesiyaasha XDS ee shalay jilibka u laabay kooxaha arxan-laawayaasha ee isku dayay inay dhibaateeyaan shacabka Magaalada Waniille ee Gobalka Galgaduud” ayuu yiri taliyaha ciidamada Xoogga dalka. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Geesiyaasha Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa shalay cashar aysan hilmaami doonin u dhigay kooxaha Argagixisada ah, waxaana halkaasi looga dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyad badan” Dowladda Soomaaliya oo horay war uga soo saartay howlgalkan waxa ay sheegtay inay ku dishay in ka badan 50 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare. Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla Galmudug. The post Ciidamadii kusoo dhaawacmay dagaalkii Galgaduud oo la keenay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda ka dhalatay hub sharci darro ah oo xadka Soomaaliya laga soo geliyay dhinaca Itoobiya ee ku beegan gobolka Gobolka Galgaduud, kaas oo ay la wareegeen maleeshiyaad deegaanka ah. Hubkan oo lagu keenay gawaari xamuul ah ayaa dagaal kadib waxa uu gacan galay shacabka degmada Caabudwaaq, taas oo halisteeda leh, maadaama halkaas ay ka jirto xiisad xoogan iyo dagaallo u dhexeeyo beelaha wada daga halkaasi. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag uga hadlay arrintan ayaa dalab culus u gudbiyay baarlamaanka, wuxuuna ugu baaqay inuu guddi u xilsaaro hubka la bililiqeystay, si loo ogaado cidda ka dambeysay falkan. “Baarlamaanka Soomaaliya indhaha kama sii qabsan karo fashilka iyo foolxumada lagu wajahayo arrimaha difaaca iyo la dagaallanka argagexisada. Waa in guddi madax-bannaan loo saaro baaritaanka dhacdadaan, lana caddeeyo cidda qaadaysa masuuliyadda wixii dhacay” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray warsame. Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo uu ku dhaliilay inay ka gabeen mas’uuliyadooda, wuxuuna su’aal ka keenay waxa xilligan kusoo beegay hubkan, maadaama la qaaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd dalka. Hoose ka akhriso:- Madaxda laanta fulinta ee Dowladda Federaalka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waa in ay shacabka Soomaaliyeed u caddeeyaan waxa sababay in hub baaxadaas leh uu galo gacan shacab. Laga aqbali mayo Xukuumaddu in ay ka dhuumato fashilka masuuliyaddeeda ee xajmigaas leh. Tani waa natiijo la filan karayey, haddiiba hannaankii iyo hay’adihii dowladnimo ee heer Gobol iyo Federaal laga weecday, beddelkeedana la doorbiday wado qardajeex ah, macaamil shakhsi ah, iyo marin tahriib. Soomaaliya waa laga qaaday cunaqabatayntii hubka, mana jirin xiriir nagala dhexeeya Itoobiya, mana dhici karto sabab hub looga soo tahriibiyo. Halkii uu hub u gacan galo shacab, waxaa halis gala nabadda iyo xasiloonida. Waxaan uga baaqayaa Madaxweynaha in uu kala daayo dawladnimada iyo dhaqanka la isku milayo damaca siyaasada, danaysiga shakhsiga ah iyo macaashka dalaalnimada. Baarlamaanka Soomaaliya indhaha kama sii qabsan karo fashilka iyo foolxumada lagu wajahayo arrimaha difaaca iyo la dagaallanka argagexisada. Waa in guddi madax-bannaan loo saaro baaritaanka dhacdadaan, lana caddeeyo cidda qaadaysa masuuliyadda wixii dhacay. The post BF oo loo gudbiyay dalab xasaasi ah oo la xiriira hubkii la bililiqeystay appeared first on Caasimada Online.
  9. 451118549_1002902061413033_7939020725657059330_n Qaran News
  10. Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay hub shalay Maleeshiyaad hubeysan ay ku dhaceen duleedka degmada Caabudwaaq, Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in hubkaasi sharci darada ah oo ciidanka Amniga ay gacanta ku dhigeen in kooxo hubeysan ay jidka u galeen. Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa siddaan u qornaa: Hay’adaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo dalka, ayaa waxay maalintii shalay oo ay taarkiihdu aheyd 15 ka July gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku beegan Gobalka Galguduud. Laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen hubkaas ayaa waxaa jidgooyo udhigay maleeshiyaad hubaysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaas. Ka ganacsiga hubka sharcidarada ahi waxa ay fursad u tahay Kooxaha Khawaarijta ah sidaas oo kale waxa ay qayb wayn ku leedahay hurinta colaadaha dhexmara Qabaailka Soomaaliyeed. Dawladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah. Dawlada Federalka ah waxay odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka faraysaa in ay Hay’adaha Amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas. Ugu danbayn Dawladdu waxa ay ka tacsiyaynaysaa Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhalatay falkaas jid-gooyada ah ee ay gaysteen Maleeshiyaadka hubaysan. Source: goobjoog.com
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa war culus kasoo saartay hubkii shalay lagu qabtay deegaanka Shiilo Madow ee gobolka Galgaduud, kaas oo ay bililiqeysteen maleeshiyaad deegaanka ah, kadib markii laga soo gudbiyay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo si adag uga hadlay hubkan ayaa sheegay inuu khatar weyn ku yahay xasiloonida gobolka iyo Soomaaliya. Juxa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in hubkan uu qeyb ka yahay natiijada ka dhalatay qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, taas oo dhawaan uun lagu guuleystay, wuxuuna tilmaamay inay ahayd tallaabo lagu deg-degay, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad sharci ah, isaga oo sheegay in siyaasad ahaan aan heshiis lagu ahayn midda hadda jirta, sida uu ku dooday. “Waa khalad weyn in xayiraadda hubka laga qaado dal aan lahayn Dawlad sharci ahaan iyo siyaasad ahaan heshiis lagu yahay. Dal aan sugi karin xuduudiisa, kana wada talin dalkiisa; dadkiisuna heshiis ahayn,” ayuu yiri wasiirka arriaha gudaha maamulka Puntland. Dhankiisa wasiirka caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo isna ka hadlay qaddiyadan ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay hurineyso dagaallo sokeeye oo ka dhaca Puntland iyo Galmudug, maadaama uu sheegay lasoo galiyay hub sharci darro ah. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ujeeddada laga leeyahay ay tahay si aan doorasho iyo isla xisaabtan looga hadlin muddo kororsina uu u helo madaxweyne Xasan Sheikh. “Hubka gacanta u galay bulshada Caabudwaaq wuxuu ka mid yahay hagardaamooyinka iyo dagaalada sokeeye ee dowladda Federaalku ka waddo Mudug iyo Galgaduud oo hubkaanu ku socdey si loo khalkhalgaliyo nabadda Puntland iyo Galmudug,” ayuu yiri wasiirka Caddaaladda. Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayo waqooyiga gobolka Galgaduud oo ah halka lagu dhacay hubkan tirada badan oo gaadiid xamuul ah lagu soo geliyay deegaanada Galmudug, balse u gacan u galay shacabka. Dowladda federaalka Soomaaliya oo qudheeda war kasoo saartay hubkan waxa ay sheegtay inay dalka soo geliyeen ganacsato, markii markii ay qabtee ciidamada qaranka waddada loo galay sidaasna lagu boobag hubkaasi. The post PUNTLAND oo si yaableh uga hadashay hubka lagu bililiqeystay Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
  12. Maamulaha qaranka England Gareth Southgate ayaa shaqada iska casilay labo maalin kaddib markii Spain ay ka adkaatay ciyaariyihii Yurub ee sanadkan. Xulkiisa ayaa looga badiyay 2-1 ciyaartii finalka Axadda ee Berlin. Waa guuldaradii labaad iyagoo jooga finalka ay la kulmaan. Sanadkii hore Talyaaniga ayaa rigoorooyin kaga adkaaday ciyaartii ka dhacday Wembley. Southgate waa 53 jir, sideedii sano ee uu xilka hayay waxay dheeleen 102 kulan. Heshiiskiisa ayaa ku ekaa dhammaad sanadkan. “Sharaf ayey ii aheyd in aan England u soo ciyaaro hadana aan maamule u noqdo” ayuu yiri Southgate oo intaas ku daray “wax weyn ayey ii aheyd, waxna ma reeban. Waxaa la joogaa waqtigii isbeddel imaan lahaa iyo qeyb cusub”. Madaxa xiriirka kubbadda cagta, Mark Bullingham, ayaa sheegay in ay socoto shaqada cidda beddeli laheyd Southgate. Southgate inta uu hayay xilka waxa uu England geeyay afar tartan oo caalami ah isagoo gaarsiiyay semi-finalkii koobka adduunka. Cadaadis ayaa la saaray iyadoo taageerayaal badan ay aaminsan yihiin in uusan wax badan ka qaban weeraryahanada kartida leh. Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa ku tuutay koobab caagag ah kaddib markii ay barbar dhac 0-0 ah la galeen Slovenia ciyaarihiin Euro. Amiirka Wales, William oo ah madaxa xiriirka kubadda cagta ayaa uga mahadceliyay Southgate in uu abuuray naadi isgarab taagan Qaran News
  13. 451388549_2209034706149001_6179080394994502448_n Qaran News
  14. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo dalka, ay maalintii shalay oo ay taarkiihdu aheyd 15 ka July gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku beegan Gobalka Galguduud. Laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen hubkaas ayaa waxaa jidgooyo udhigay maleeshiyaad hubaysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaas, sida lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya. “Ka ganacsiga hubka sharcidarada ahi waxa ay fursad u tahay Kooxaha Khawaarijta ah sidaas oo kale waxa ay qayb wayn ku leedahay hurinta colaadaha dhexmara Qabaailka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, islamarkaana ay ka go’an tahay in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dowladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah. “Dowlada Federalka ah waxay odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka faraysaa in ay Hay’adaha Amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas” ayuu sii raaciyay War-murtiyeedkaasi. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay Hawlgal ciidan ku soo celinayso Hubkii gacanta u galay Shacabka Caabudwaaq appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay hubkii shalay lagu bililiqeystay duleedka magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u gacan galay maleeeshiyaad deegaanka ah. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in hay’adaha amniga ay la socdeen hubkaas oo ay sheegtay in si sharci darro ah ay dalka kusoo galiyeen ganacsato, balse markii laga war helay kadib ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ee ku sugan aagga gobolka Galgaduud. “Hay’adaha amniga DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah loo soo geliyo dalka ayaa waxay maalintii shalay ay gacanta kusoo dhigeen hub kooxo ka ganacsata hubka sharci darrada ah kasoo geliyeen dhinaca Itoobiya oo ku beegan gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan oo kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha. Dowladda Soomaaliya waxa ay intaasi ku dartay in ciidamada amniga oo la wareegay gawaarida ay waddada usii galeen maleeshiyaad hubeysan, kadibna ay u suuragashay inay la wareegaan qaar kamid ah hubka, sida ay ku caddeysay warsaxaafadeedkeeda. “Laamaha amniga ayaa marka ay gacanta hubka kusoo dhigeen ayaa waxaa jidgooyo u dhigtay maleeshiyaad hubeysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar kamid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaasi” ayaa lasii raaciyay qoraalka Waxaa kale oo ay dowladdu sheegtay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, waxayna ugu baaqday odayaasha deegaanka inay gacan ku siiyaan ciidamada howlgallada ka wada halkaasi, si loo soo qabto maleeshiyaadka oo ay sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto, “Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Si kastaba, xaaladda degmada Caabudwaaq ayaa weli kacsan, inta badan dadka ku nool degmadaas ayaa waxaa gacanta u galay hub aad u badan, waxaana Caabudwaaq iyo deegaanada ku hareereysan ka taagan colaado qabaa’il, xitaa beesha Mareexaan ee degta Caabudwaaq ayaa jifo-jifo u dirirta. The post DF oo war culus kasoo saartay hubka u gacan galay shacabka Caabudwaaq appeared first on Caasimada Online.
  16. Abudwak (HOL) - At least 20 people were killed when army forces escorting two trucks carrying weapons, reportedly from Ethiopia, clashed with security forces and militiamen in the Abudwak district of the Galgadud region on Monday. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku riday askar ka tirsan NISA iyo xoogga dalka oo ku eedeysan kiisas dil, afduub iyo dhac. Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage (Qataatow), Dable Nisa Cabdi Axmed Caddow Axmed iyo Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi ayaa si wadajir ah loogu soo eedeeyey in ay geeysteen dilka marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo ahaa arday siddeed iyo toban jir ah oo dhiganayey sanadkiisi ugu horreeyey ee dugsiga sare. Waxaa kale oo diiwaankooda eeda ku jirta afduub iyo bur-burinta gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku fureen rasaas. Eedeysaneyaasha oo isticmaalayey waxyaabaha maanka dooriya ayaa dilay Marxuum Cabdullaahi Isxaaq oo marayey inta u dhexeyso Deyniile iyo Garasbaaleey, xilli uu la socday saaxiibadiis oo ay wada saarnaayeen Gaari Propox ah. Marxuumka ayaa u geeriyooday rasaas ay eedeeysaneyaasha ku fureen gaariga taariikdu markii ay aheyd 10-kii bisha April ee sanadkaan 2024. Kahor falkaan waxay si khasab ah ku afduubteen Dhibane C/wahaab Siyaad Jamaal oo wade ka ahaa gaari Nooha oo ah kii lagu horjaray gaariga marxuumka uu saarnaa. Eedeysaneyaasha oo baxsaday dhacdadaan kadib, ayaa gacanta hay’adaha ammaanka oo ku raad-joogay soo galeen maalmo kala duwan oo is xig-xigay. Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 6-dii bishaan July. Garsoorka maxkamadda ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay, Ex-Dable Xoogga Axmed Qataatow iyo Ex-Dable Nisa Cabdi Caddow dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdullaahi Isxaaq, halka Ex-Dable Nisa Farxaan Cilmi lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiye Shuute. The post Askar ka tirsan NISA oo xukun adag lagu riday maanta kadib markii lagu helay… appeared first on Caasimada Online.
  18. Dhusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay ka hadlay hubkii ugu badnaa oo shalay laga soo geliyay dhanka Itoobiya, laguna bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Wasiir ku-xigeenka amniga Galmudug Cali Baashi Cabdullaahi ayaa sheegay in maamulka uusan ka war-hayn xogta hubkaasi, ayna gudaha maamulkaasi kusoo galeen inay sideen anteenooyinka isgaarsiinta, isaggoo sheegay inay bilowdeen baaritaanno la xiriira dhacdadaan. Sidoo kale waxa uu sheegay inay baarayaan cidda iska leh hubkaasi, oo hadda u gacan galay shacabka iyo maleeshiyaadka hubeysan ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kuwaasi oo si xoog ah kula degtay. Baabuurta hubka sidday ayuu sheegay in markii hore lagu sheegay inay sideen anteenooyinka isgaarsiinta, balse mar dambe uu yimid tuhun, kaasi oo keenay in maleeshiyaadka deegaanka ay jid-gooyo ugu dhigtaan deegaanka Shiilo Madow, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay. “Waxaa wadnaa baaritaan ku saabsan hubkaan cidda iska leh iyo sababata loo soo galiyay Galmudug,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka amniga Galmudug oo sheegay inay walaac aad u weyn ka qabaan hubka gacanta u galay dadka shacabka ah, maadaama uu ka qeyb qaadan karo colaadda gobolka. Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka uusan xaqiijin karin in hubkaasi ay galbinayeen ama ay ilaalo ka ahaayeen gawaarida hubka sidday, isaggoo ku gaabsaday in wax walba lagu ogaan doono baaritaanka bilowday marka uu soo idlaado. Iska hor-imaadka dhex-maray maleeshiyaadka deegaanka iyo ilaalada gawaarida hubka sidday ee la furtay ayaa waxaa ka dhashay khasaare horleh, ayada oo ku geeriyoodeen ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyooday, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay. Xaaladda degmada Caabudwaaq ayaa weli kacsan, inta badan dadka ku nool degmadaas ayaa waxaa gacanta u galay hub aad u badan, waxaana Caabudwaaq iyo deegaanada ku hareereysan ka taagan colaado qabaa’il, xitaa beesha Mareexaan ee degta Caabudwaaq ayaa jifo-jifo u dirirta. The post GALMUDUG oo war kasoo saaray hubka lagu bililiqeystay CAABUDWAAQ appeared first on Caasimada Online.
  19. Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage (Qataatow) , Dable Nisa Cabdi Axmed Cadow Axmed iyo Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi, ayaa si wadajir ah loogu soo eedeeyey in ay geeysteen Dilka marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo ahaa arday siddeed iyo toban jir ah oo dhiganayey sanadkiisii ugu horreeyey ee dugsiga sare. Waxaa kale oo diiwaankooda eeda ku jirta Afduub iyo Bur-burinta gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku fureen rasaas. Eedeysaneyaashaan oo isticmaalayey waxyaabaha maanka dooriya ayaa dilay Marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo marayey inta u dhexeyso Deyniile iyo Garasbaaleey, xilli uu la socday saaxiibadiis oo ay wada saarnaayeen Gaari Propox ah, marxuumka ayaana u geeriyooday rasaas ay eedeeysaneyaasha ku fureen gaariga taariikdu markii ay aheyd Tobankii bisha April ee Sanadkaan 2024. Ka hor falkaan waxay si khasab ah ku afduubteen Dhibane C/wahaab Siyaad Jamaal oo wade ka ahaa gaari Nooha oo ah kii lagu horjaray gaariga marxuumka uu saarnaa. Eedeysaneyaasha o baxsaday dhacdadaan kadib, ayaa gacanta Hay’adaha ammaanka oo ku raad-joogay waxay soo galeen maalmo kala duwan oo is xig-xigay. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Lixdii Bishaan July. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay, Ex Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage “Qataatow iyo Ex Dable Nisa Cabdi Axmed Cadow Axmed dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq, halka Ex Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi lagu xukumay seddex sano oo xabsi ciidan ah. Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida. Source: goobjoog.com
  20. 451243687_1516907422366934_3978612447472613229_n Qaran News
  21. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo horay magaalada Kismaayo uga gaystay dilal kala duwan xilli ay qeyb ka ahaayeen xubnaha dilalka qorshaysan u qaabilsan kooxda Alshabaab. Xubnaha dilka lagu fuliyay ayaa kamida tiro maxaabiis ah oo ku xiran xabsiyada dalka, kuwaas oo loo haysta Alshabaabnimo, ayagoo falal amniga lid ku ah ka geystay gobollada iyo magaalooyinka dalka. Dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ayaa isugu jira mid hibaysan oo ka socda furimaha hore, mid dhinaca caddaaladda ah oo lagu fuliyo xubnaha gacanta lagu soo dhigo, iyo olole dhanka hab fakarka ah. Source: goobjoog.com
  22. The area in Goojacadde where locals found ammunition, weapons and explosives last week. Laascaanood (PP News Desk) — On the outskirts of Laascaanood district, near the former military base of Gojacadde last week locals found a cache of weapons of different calibres, ammunition, thirteen anti-personnel and anti-vehicle mines and twenty hand grenades, eleven months after SSCK forces overran the base that housed more than 4,000 Somaliland Administration soldiers. The weapons and ammunition were loaded onto three mid-sized lorries. Shortly after locals found the weapons and ammunitions buried in Goojacadde barracks, more people, oblivious to the safety concerns, flocked to the site, hoping to find additional buried arms supplies. A former Somali lieutenant colonel told Puntland Post that Somaliland Administration forces were using Goojacadde as a temporary armoury between 2018 and 2023. “The area was off-limits to nomads and civilians and became the site to which Somaliland forces initially retreated to lay a six-month siege on Laascaanood in 2023. There may be landmines buried in the area. Authorities in Laascaanood should ask for humanitarian demining assistance. Several children died from wounds sustained from ammunitions they found. Mine awareness campaign is urgently needed,’ said the retired soldier. © Puntland Post 2024 The post Weapons and explosives discovery in Goojacadde alerts authorities to potential buried landmines appeared first on Puntland Post.
  23. Bayaanka Wadajirka ee Ankara (Joint Ankara Statement) ee ka soo baxay Shirkii Dowladda Turkiga ku martigelisay Magaalada Ankara, 1da Luulyo 2024, labo wafdi oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowladda Ethiopia si ay uga wada hadlaan, ugana heshiiyaan ku xadgudubka dowladda Ethiopia Gobannimada iyo Midnimo-dhuleedka Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya (JFS) wuxuu muujinaya: Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii habeen hore ka dhacay maqaayadda Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay sirdoon iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda. Kooxda ayaa sheegtay in maqaayadda la bartilmaameedsaday ay ku caweeynayeen howl-waddeeno ka tirsan wasaaradaha, sirdoonka iyo ilaalada xarumaha muhiimka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya. Qaraxa Al-Shabaab oo u muuqday is-xasuusin iyo inay muujiso in weli Muqdisho ka sameysan karto waxay rabto, maadaama ay bartilmaameedsatay goob ku taalla meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo, xilli ay bilihii u dambeeyay reer Muqdisho ka nasteen qaraxyada argagixisada. Weerarkan ayaa waxaa loo adeegsaday gaari ay kooxda ku soo rareen waxyaabaha qarxa, kaasi oo la dhigay banaanka maqaayadda, sida lagu ogaaday warbixinta hordhaca ah ee Booliska. Goobta la weeraray ayaa waxaa ciyaar ku daawaneysay qaar kamid ah dhalinyarada caasimadda. Waxaana weerarka uu sababay dhimashada illaa 5 qof iyo dhaawaca 20 kale oo dad shacab ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay talisa ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Markii laga soo tago khasaaraha soo gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, waxaa sidoo kale jira khasaare soo gaaray dadkii saarnaa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba. Si kastaba, halka uu qaraxani ka dhacay waa goobtii 2021 lagu qarxiyey Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, waxaana laga furay maqaayad cusub oo lagu magacaabo Top Coffee, taas oo xalay iyana la beegsaday. The post Al-Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay qarixii Top Coffee appeared first on Caasimada Online.