-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray xarunta laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka Daraawiishta booliiska iyo taallada Dhagax-tuur oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kormeeray xanuta tababarka Booliiska ee Gen. Kaahiye oo taliska Booliisku ay ka dhisanayaan guri loo diyaarinayo soo dhawaynta martida. Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa is-xilqaan ku dhisaya xarumaha laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka Daraawiishta booliiska iyo guriga martida ee Gen. Kaahiye iyada oo taliska Asluubtu uu gacanta ku hayo dhismaha taallada Dhagax tuur oo gebagebo maraya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa talisyada booliiska iyo Asluubta ku bogaadiyay dib-u-dhiska dalka iyo gudashada waajibaadka ka saaran ka shaqaynta sugidda amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu ku jiray kormeerka waxa uu xerada tababarka booliiska Gen. Kaahiye ku booqday ciidamo loo diyaarinayo ka qayb qaadashada sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda oo lagu qabtay xarunta taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir, ayna ka qayb galeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda amngia gudaha, maamulka gobalka iyo taliska Booliiska Soomaaliyeed. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaanba fashilmay shir si wadajir ah oo toddobaadkan madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ku dhex mari lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Xogo Caasimadda Online ay heshay ayaa sheegaya in baaqashada Shirkaasi kadib ay madaxda Galmudug iyo Jubbaland inay bilaabeen kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan dadka deegaanadaasi kasoo jeeda iyo qaar kamid ah wakiilada caalamka. Si rasmi ah ilaa iyo hadda looma ogaan waxyaabaha keenay in shirkaasi uu baaqdo, balse waxaa soo baxaya in culeesyo soo kordhay ay keeneen inuu baaqdo kulanka la filayay inuu ka dhaco Nairobi. Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo laga sugayay Nairobi uu shalay ka dagay magaalada Addis Ababa taasi oo qeyb ka noqotay dib u dhaca ku yimid shirka. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dhankiisa ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa deg deg ugu laabtay magaalada Beledweyne, si uu isaga xaliyo culaasaadka kusoo kordhay, taasina waxay qeyb ka noqotay baaqashada shirka ka dhici lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkan ayey dowlad Goboleedyada la lahaayeen Beesha Caalamka waxaana ay iclaamiyeen markii uu fashilmay shirkii lixda maalmood ka socdya Garowe una dhaxeeyay dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada. Madaxda maamulada Jubbaland, Galmudug iyo Puntland ayaa hadda u muuqda kuwo isku mid ka ah dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya, maadaama ay cadaadis kala duwan ay la kulmayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com Weli si rasmi ah looma sheegin arrimaha qarsoon ee keenay in shirku fashilmo balse madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Jubaland oo sida la sheegayo aad u doonayay in shirka la qabto ayaa qorshahaasi u socon waayay. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sida qorshuhu yahay maalinta Jimcaha dib ugu soo laaban doona caasimadda Puntland ee Garoowe. Sidoo kale madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland ayaa la filayaa inay sii joogaan Nairobi ayagoo kulamo hoose oo gaar gaar ah la yeelan doonaan wakiilo ka socda Beesha Caalamka. Shirka Nairobi ayaa la filayey in madax goboleedyada ay beesha caalamka ugu gudbiyaan dacwado ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, xilli khilaafka labada dhinac uu gaaray halkii ugu xumaa. Lama yaqaan in shirkan waqti kale oo mustaqbalka dhow ah dib loo qaban doono iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay gaaraan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay xiisad ay ka taagneyd. Xiisadaasi ayaa sababtay inuu ku geeriyoodo taliyihii qeybta Booliska ee gobolka Hiiraan dagaal ka dhacay deegaanka kalabeyr ee gobolka Hiiraan, waxaana socda baaritaan lagu sameynayo dadkii falkaasi amray. Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka ayaa maanta la filayaa inay gaaraan magaalada Beledweyne, waxaana ay kulamo la qaadan doonaan dhinacyada kala duwan ee ku sugan magaaladaasi. Xildhibaano Daahir Amiin Jeesow oo deegaan doorashadiisa tahay Hiiraan ayaa kamid ah xubnaha maanta tagaya magaalada Beledweyne, waxaana uu sheegay inay la kulmi doonaan madaxda maamulka Hirshabeelle iyo guddoomiyihii xilka laga qaaday. “Xildhibaanada golaha Shacabka way la socdaan waxyaabaha taagan, ujeedada waxay tahay inaan xal u raadino dhibaatadii dhacday, waxaan la soconaa dhibaatadii ka dhacday Beledweyne inay ku lug lahaayeen dagaalkii ka dhacay Kalabeyr ciidamo kala duwan, laakiin waa la baarayaa inay dowladda ka tirsanaayeen iyo in kale”ayuu yiri Xildhibaanka. Wuxuu intaasi ku daray in xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada gobolka Hiiraan ay kulamo arimahaasi looga tashanayo ku yeesheen magaalada Muqdisho, islamarkaana ay kasoo saareen baaq nabadeed. Magaalada Beledweyne waxaa hadda ku sugan madaxweynaha Hirshabeelle oo u tagay magaaladaasi sidii loo dhaqan gelin lahaa xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-13062019.mp3 View the full article
-
Kamal Amer, head of the Egyptian parliament’s defence and national security committee, told reporters that the committee has finished debating the amendment of two laws aimed at regulating Egyptian nationality (law 26/1975), and the residence of foreigners in Egypt (89/1960). “Article 17 of the first law will be amended to state that foreigners who will be allowed to have residence in Egypt are the ones who have a special stay permit, a normal stay permit, and a temporary stay permit,” said Amer, “but the amended Article 17 will make it no longer possible for foreigners who stay under a banking account to have a permit.” Amer, in a statement to reporters on Monday night, also indicated that the amendment of the nationality laws stipulates that Egyptian nationality be granted under certain conditions. “It can be granted for the first time against payment of a certain amount of money,” said Amer, adding that the “prime minister will be the one authorised with deciding whether a foreigner who bought state-owned or private property or set up an investment project in line with the rules of the investment law, or deposited a certain amount of money in foreign currency in a local bank, can be granted Egyptian nationality.” Amer said the above amendment aims to boost foreign investments in Egypt. “The new facilities and incentives in the residence and nationality laws seek to encourage foreign investors to come to Egypt and invest,” said Amer. Amer explained that a unit affiliated with the cabinet will be set up to review “nationality requests” and give recommendations to the prime minister. “The unit will include representatives from the ministries of foreign affairs, interior, investment, international cooperation, and concerned security apparatuses,” said Amer, adding that “the nationality request will be submitted to the unit against a payment of $10,000 or the equal value in Egyptian pounds.” “A foreigner can have this amount refunded in the case that his request is rejected.” Amer also said that “the unit will be required to review the request within three months from the date of submission.” “If the request gains initial approval, a foreigner will be granted a six-month temporary residence,” said Amer. Ahmed Samir, the head of parliament’s Economic Affairs Committee, told reporters that the amendments of the nationality and residence laws go hand in hand with the new investment law. “All aim to boost foreign investments in Egypt in terms of helping foreigners have easy access to residence and nationality, particularly those who have long-term investments and need to have residence or an Egyptian nationality to promote their activities,” said Samir. Ahram Online Qaran News
-
Gaarisa (Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan Al Shabaab kula eegteen ciidamada Kenya deegaano hoostaga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya. Al Shabaab ayaa qaraxyo la eegtay ciidamada dowladda Kenya oo ku sugnaa inta u dhaxeysa deegaanada Sedax goosa iyo Amuuma, oo hoostaga magaalada Gaarisa, waxaana la sheegay inay waxyeelo gaartay ciidamada Kenya. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka qaraxyada oo ahaa miinooyin dhulka lagu aasay ayaa sheegay inay gubeen mid kamid ah gaadiidka dagaalka Kenya, islamarkaana uu jiro waxyeelo gaartay ciidamada Kenya. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka waqooyi Bari oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaas, waxaana uu kusoo aadayaa xilli Dowladda Kenya ay xirtay Xaduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale Kenya ayaa maalma ka hor soo saartay digniin ku aadan inay jiri karaan weeraro Ururka Al-Shabaab ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya, iyada oo sheegtay inay ka feejigan yihiin. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxayay in xubno ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galeen dalka Kenya, islamarkaana ay doonayaan inay weeraro ka fuliyaan gudaha dalkaasi Kenya, Caasimada Online Xafiiska Gaarisa Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dhammaan la soo qabtay raggii dilay Col. Maxamed Macoow Xalane oo ahaa taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan islamarkaana caddaalada la marsiin doono. Mudane Waare ayaa soo dhoweeyay guddiga heer Qaran ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay baaritaanka dhacdadii lagu dilay Col. Maxamed Macow isagoo sheegay in Hirshabeellena ay magacaabi doonto o guddi heer wasiirro ah oo la shaqeeya guddiga heer Qaran si baaritaan dhab ah loogu sameeyo cidda bixisay amarka lagu dilay taliyaha. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska uu ka baxay taliyaha iyo guud ahaan bulshada reer Beledweyne isago ugu baaqay in la is dejiyo oo xasiloonida la ilaaliyo inta caddaalada laga marsiinayo kuwii ka dambeeyay dilkiisa. Hoos ka daawo shirkiis jaraa’id PUNTLAND POST The post Madaxweyne waare oo sheegay in la qabtay dhammaan raggii dilay Col. Maxamed Macow appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray xarunta laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka Daraawiishta booliiska iyo taallada Dhagax-tuur oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kormeeray xanuta tababarka Booliiska ee Gen. Kaahiye oo taliska Booliisku ay ka dhisanayaan guri loo diyaarinayo soo dhawaynta martida. Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa is-xilqaan ku dhisaya xarumaha laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka Daraawiishta booliiska iyo guriga martida ee Gen. Kaahiye iyada oo taliska Asluubtu uu gacanta ku hayo dhismaha taallada Dhagax tuur oo gebagebo maraya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa talisyada booliiska iyo Asluubta ku bogaadiyay dib-u-dhiska dalka iyo gudashada waajibaadka ka saaran ka shaqaynta sugidda amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu ku jiray kormeerka waxa uu xerada tababarka booliiska Gen. Kaahiye ku booqday ciidamo loo diyaarinayo ka qayb qaadashada sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda oo lagu qabtay xarunta taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir, ayna ka qayb galeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda amngia gudaha, maamulka gobalka iyo taliska Booliiska Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo xalay kormeeray xarumo Booliisku Is-xilqaan ku dhisayaan appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa ayaa qoray in go’aanka Kenya ay ku xirtay xuduudda Soomaaliya aysan la xiriirin sababo amni, balse ay jirto cabsi laga qabo koox gooni u goosed ah oo kasoo ifbaxday gobolka Soomaalida ee NFD. Wargeyska ayaa qoray in dhowaan saraakiisha sare ee dowladda Kenya ay ku kulmeen Nairobi, kana hadleen kooxda cusub oo la magac baxday xisbiga madax-bannaanida NFD ama Northern Frontier District Independence Party (NFDIP), oo dagaalyahaneeda ay isku magacaabeen “dagaal-yahnnada xoriyadda” Sida warbixintan lagu sheegay weli si rasmi ah looma yaqaan tirada dagaal-yahnnada kooxda, hase yeeshee waxaa cabsida laga qabo laga dareemayaa Nairobi. Kulanka Nairobi oo ay ka qeyb galeen saraakiisha amniga iyo siyaasadda dowladda Kenya ayaa looga hadlay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari oo ka qeyb-galay kulamada kooxdan iyo lacag la sheegay in kooxdan ay ka heshao ka ganacsiga badeeco ka timaada Soomaaliya. Waxaa farta lagu goday qaar ka mid ah siyaasiyiintii looga adkaaday doorashadii 2017, oo kulamo ka dhan ah dowladda Kenya ka dhex billaabay bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, Soomaalida degan dhanka xuduudda Soomaaliya, iyo kuwa gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Si wax looga qabto siyaasiyiintan, dowladda Kenya ayaa qorsheeneysa inay eegto xisaaboodkooda banki, si loo ogaado haddii ay meelo kale kasoo gasho lacag. Kooxda madaxbanaanida NFD oo weli aan tiradooda la ogeyn, ayaa dhowaanahan dhaqdhaqaaq ka billaabay baraha bulshada, ayaga oo dib usoo nooleeyey rabitaankii gobolka Waqooyi Bari ee ahaa inay ka go’aan Kenya. Kooxdan ayaa axaddii barta twitter soo dhigay farriin ay taageero ugu raadinayaan dhaqaaqooda ay ku doonayaan inay ka go’aan Kenya, islamarkaana aas-aasaan dal cusub. “Waxaan nahay xisbi siyaasadeed bulsho oo soo jeedinaya madax-banaannida Jamhuuriyadda NFD, oo ka madax-banaan Kenya iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay kooxdan. “Dhaqaaqan ayaa ka dhashay cadaadiska joogtada ah ee Kenya iyo Al-Shabaab ay ku hayaan dadka gobolka Waqooyi Bari. Al-Shabaab waxay weerarayaan ciidamada Kenya, ciidamada Kenyana waxay weerarayaan dadka aan waxba galabsan ee NFD. Ma sii socon karto tan” ayaa lagu yiri bayaanka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Residents of Mkhungela Street woke to the sound of gunshots in the area. Source: Hiiraan Online
-
Dubai and Beirut nightclub brand White will open as a high-end café and lounge in Jeddah, according to the CEO of Addmind Hospitality Group Source: Hiiraan Online
-
National Assembly Majority Leader Aden Duale (pictured) has called for an amicable solution to the diplomatic spat between Kenya and Somalia. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, June 12 (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Wednesday that security forces are interrogating an al-Shabab triggerman who was arrested in Somalia's southern region with six detonators. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda mudane Cabdi Canshur Xasan ayaa dhowaan xilkii xubinimada guddiga isgaarsiinta ka qaaday Mudane Cali Ibraahim Cali (Shaamey) oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda isla markaanna xubin uga ahaa Guddiga Isgaarsiinta Qarankataas. Cali Shaamey ayaa waxa lagu eedeeyey in uu ku biiray islamarkaana metelay xisbi siyaasi ah. Mudane Cali Shaamey ayaa xil kaqaadistaas ku gacansayray isaga oo sheegay in uu maxkamad la aadi doono Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, inkasta oo uu wasaaradda ku metelayey xubinnimada guddiga isgaarsiinta Qaranka haddana waxa uu sheegay Cali Shaameey in aysan wax xeer ah oo u diidaya in uu xisbi ku biiro. Balse waxaa soo ifbaxay xilka ka qaadis ka balaarran oo uu madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ku sameeyey Mudane Cali Shaamey. Xil kaqaadista uu sameeyey madaxweyne Lafta-gareen ayaa loo direy dhammaan Wasaaraddaha Dowladda Federaalka ah, Hay’addaha iyo Safaaradda kaas oo uu ugu sheegayo in uuna marnaba meteli karin xafiiska madaxweynaha iyo Dowlad Goboleedka Midna.
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa noqotay dowladda ugu soo iibashada badan hubka laga soo bilaabo sanadkii 2014 illaa 2018 Sida ay sheegtay xog aruurin la sameeyey Sanadkii 2018, Dowladda Mareykanka ayaa sii waday in ay hubka ka iibiso dowladda Sacuudiga 88% marka loo fiiriyo dowladaha kale oo ay hubka ka iibiso. Intii u dhaxeysay 2014 illaa 2018 Dowladda Sacuudiga ayaa iibsatay 22% hubka ay Dowladda Mareykanka suuq geyso, taasoo ah sare u kac aad u weyn marka loo fiiriyo sanadkii 2019-2013 oo ay aheyd 4.9%. Saanadaha Ciidamada ay Sacuudiga kasoo iibsato Dowladda Mareykanka ayaa waxay isugu jiraan Hub, Gaadiidka Dagaalka, Diyaaradaha Dagaalka, Gataanlada Difaaca, Madaafiic iyo Maraakiib. Saanadaha Ciidamada oo ay Sacuudiga heshay 2014-2018 ayaa waxaa kamid ah 56 diyaaradaha dagaalka oo ay ka iibsatay Mareykanka, iyo 38 kale oo ay ka iibsatay Ingiriiska sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay International Peace Research Institute (SIPRI). Dowladda Sacuudiga ayaa qorsheeneysa inay 2019-2023 Mareykanka kasoo iibsato 98 diyaaradaha Dagaalka, 7 Gantaalada difaaca ah iyo 83 Taangiyo. Sidoo kale Sacuudiga ayaa isla inta u dhaxeyso sanadahaas qorsheeneyso inay Canada kasoo iibsato 737 Gawaarida dagaalka ah, 5 Markab oo ay kasoo iibsan doonto Spain, iyo sidoo kale Gantaalada Balaastiga ridada gaaban oo ay kasoo iibsan doonto Ukrain sida lagu sheegay warbixinta SIPRI. 10-ka Dowladood ee ugu iibsashada badan hubka sanadihii 2014-2018 ayaa afar kamid ah waxay ku yaalaan Bariga Dhexe, Sacuudi Carabiya ayaa iibsatay 33% hubka loosoo suuq geeyo Bariga Dhexe, Masar ayaa iyadana iibsatay 15%, Imaaraadka Carabta ayaa iibsatay 11% halka Ciraaq ay iibsatay 11%. Halkaan hoose ka arag dowladaha ugu badan oo ay Sacuudiga hubka kasoo iibsato Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad Diiriye Faarax ayaa Cabdiraxmaan Mukhtaar Maxamed oo ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed u magacaabay guddoomiyaha Amniga iyo ganacsatada Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal. Warqad ka soo baxday xafiiska Cali Salaad ayaa lagu sheegay in markii la arkay aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa iyo baahida loo qabo in la helo qof xilkan buuxiya Cabdiraxmaan Mukhtaar Maxamed loo magacaabay guddoomiyaha Amniga iyo ganacsatada Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal. Sidoo kale ganacsatada iyo dhammaan bulshada reer Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal ayaa la faray in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay amniga iyo arrimaha ganacsatada Koonfur Galbeed sida warqadda ku cad.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ayaan daro ku tilmaamay inay dowlada Farmaajo ay lidi ku noqdaan horumarka Somaliland, iyada oo aan ka wada talin caasimada dalka Somaliya ee Muqdisho. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa wuxuu xukuumada Biixi ugu baaqay inay hoos u eegto oo ay dhageysato tabashada ay qabaan beelaha darafyada, wuxuuna yiri “Dawlad kasta oo Xamar ka dhalata, waxaa dhaqan u noqday inay Somaliland lidi ku noqdaan, oo ay yidhaahdaan anaga ayaa maamulna ama u talina, meel ay ka maamulan ama ay uga taliyana ma jirto” “Waana ayaan daro weyn in Dawladda Somaliya oo aan Xamar ka wada talin inay Somaliland sheegtaan, laakiin wey nagu xiiqayaan, tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dare, ee Somaliya waxaanu leenahay Somaliland ma gaadhana ee ha isku dhererina, oo jaarnimadu ha inaga dhexeeyso”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaa jira cabashooyin iyo tabashooyin, loo baahan yahay in wax laga qabto, ee Madaxweynaha waxaa looga baahan yahay inuu wax ka qabto cabashooyinka iyo tabashooyinka jira ee ay sheeganayaan Beelaha Darafyadu, maxaa yeelay Somaliland Beesha oo qudhi ma leh, ee waa la wada leeyahay, oo Beelaha darafyaduna Somaliland wey leeyihiin”. “Xisbiyadu inay mar hore heshiis gaadhan bay ahayd, si ay Doorashadu u dhacdo, Xisbiga Waddani xaq buu ku taagan yahay, sababtoo ah wuxuu diidan yahay Komishankani inay Doorasho dambe qabtaan, taasna xaq buu u leeyahay, markaas maan garan sababta la iskugu dhejinayo ilaa hadda Komishankan, ee si ay Doorashadu inoogu qabsoonto waa in Komishankan la kala diraa, waxaana kala diri kara waa Madaxweynaha”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisada maalmaha ka dhex aloosan Xukuumada Muuse Biixi iyo Boqor Buurmadow oo kamida madax dhaqameedka Somaliland. Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa sidoo kale ka hadlay shir uu dhawaan ku baqay Boqorku oo xukuumadu ka biyo diiday, isagoona xukuumada Biixi ku dhaliilay dacwad uu sheegay inay wadanka Imaraadka uga gudbisay Buurmadow, oo dhowaanahan ku sugan dalkaasi. Suldaanka oo arrimahaasi ka hadlaya, ayaa waxa uu yiri “Boqor Buurmadaw waa nin macquul ah, laakiin Shirka uu ku dhawaaqay ilaa hadda Odayaasha East Burco Clan namay soo gaadhsiin, qaabka uu u doonayo inuu Shirka u qabto, iyo cidda la wada ilaa hadda ma ogin, markaas waanu eegi doonaa haddii ALLE idmo bal sida uu wax u wado”. Wuxuuna intaas kusii daray “Xukuumaddu waxay Imaraadka uga dacweyso Boqor Buurmadaw waa khalad, in nin muwaadin ah oo reer Somaliland in dalka shisheeye laga ashkateeyo waa khalad, haddii ay Xukuumaddu wax ka sheeganayso beri ka maalinba dalka uu imanaya, markaasba ha ku dacweyso waxay ka tabanayso, oo ha weydiiso waxay ka tabanayso”. “Ma haboona in dalal shisheeye oo aan dalkeena ahayn aynu iska dacweyno. Shacabkana waxaan leeyahay nabada ilaaliya, oo dawladnimada ilaaliya, oo Dawladda kala shaqeeya wixii horumar ah ee ay wado”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com