Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. New York (Caasimadda Online) – U Qaabilsanaha Qaramad Midoowbay dhanka oo qaabilsan warbixinnada khaaska ah Agnes Callamard ayaa sheegay in dilkii loo geystay Jamal Khashoggi uu yahay dil ka baxsan sharciga ayna mas’uul ka tahay Dowladda Sacuudi Carabiya. Agnes Callamard oo soo saartay warbixinteedii ugu dambeysay oo ku saabsan Kiiska Jamal ayaa sheegtay inuu yahay dilkaan mid aan sharci aheyn isla markaasna uu xad gudub ku yahay heshiiska Vienna ee xiriirka Safaaradaha. Sidoo kale waxay sheegtay inay Dowladda Sacuudiga gashay dambi kasoo horjeedo mabaadi’da asaasiga ah ee u taal Qaramada midoobay taasoo ah in la ilaaliyo Xuriyadda hadalka iska dhaaf inuu qofka ku muteysto hadalkiisa in la dilo. Warbixinta ayaa lagu sheegay in la helay caddeymo macquul ah oo laga dalbaday Sacuudiga inay soo xaqiijiso waxaana lala wadaagay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Waxaa jira caddaymo loo qaateen ah oo muujinaya in Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo masuuliyiin kale oo sarsare kuwaas oo shaqsiyaad ahaan loogu qabsan karo dilkii wariye Jamaal Khashoqji, sida ay sheegeen khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay. Callamard ayaa soo jeedisay in Sacuudiga ay dilkii Jamal Khashoggi ku muteystaan cunu qabateyn la saaro dhaxal sugaha Sacuudiga iyo Hantidiisa gaarka ah ee taalo Dibadda. Warbixinta ayaa dowladda Sacuudiga ku eedeysay inaysan daacad ka aheyn in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dilkii Jamal isla markaasna aysan diyaar u aheyn inay Saraakiisha Turkiga kala shaqeyso sidii loo gaari lahaa natiijo kama dambeys ah. Warbixintaa ayaa lagu sheegay in maxkamadeynta Sucuudiga ee eedeysanayaasha dilkii Jamal aan loo marin shuruucdyada iyo nidaamyada dambiyada iyadoo aysan jirin cid loo soo jeediyey qorsheynta iyo fulinta dilkii Khashoggi. Warbixinta ayaa sidoo kale Dowladaha adduunka looga codsaday inay Maxkamadda Dambiyada adduunka ka dalbadaan inay qaado kiiska Jamal oo ay Warbixinta ku tilmaamtay inuu yahay mid Caalami ah. Ugu dambeyntii warbixinta ayaa Sirdoonka Maraykanka ee FBI ugu baaqday inay furto galka baaritaanka dilkii loo geystay Jamal ayna dacwad oogista ka bilowdo gudaha Mareykanka.
  2. Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil Shirtag ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey hadal uu warbaahinta dowladda Puntland ka sii daayey oo quseeyey amniga [...] Source
  3. Garowe (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in Viso lagu soo gali doono haatan wixi ka dambeeya deegaanada maamulkaas. Wasiir ku xigeenka ayaa shaaciyay in la qaban doono cid kasta oo Viso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay ka hortagi doonaAn tahriibka sharci darrada ah iyo kooxaha ka shaqeeya. Muddooyinkii la soo dhaafay deegaannada Puntland ayaa waxaa ku soo badanayay tahriibayaasha ka imaanaya koonfurta Soomaaliya iyo gudaha dalka Ethiopia kuwaasi oo inta badan uga sii gudbaya dhinaca dalalka Yemen. Hadalkan ka soo baxay Puntland oo ah maamul hoostaga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dad badan la yaab ku noqday, iyada oo la’is weydiinayo, sida uu ku dhaqan gali karo go’aankaasi. View the full article
  4. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-19062019.mp3 View the full article
  5. Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay sarkaal ka tirsanaa Ciidamadeeda oo dhawaan isku dilay magaalada Muqdisho, kadib markii uu toogtay Askari kale oo ay Saaxibo ahaayeen. Richard Karemire afhayeenka ciidamada difaaca Uganda oo la hadlay shabakadda wararka ee Edge.ug ayaa sheegay falkaasi todobaadkan gudihiisa uu ka dhacay xarun ciidamada AMISOM ay ku leeyhiin gudaha magaalada Muqdisho. Afhayeenka ayaa tilmaamay in sarkaalka is dilay lagu magacaabi jiray Edward Ssebagala, sidoo kalena askariga uu dhawaacay oo Haweeney ah lagu magacaabo Jackie Nabifo Sidoo kale Mr Karemire ayaa tacsi u diray Ehellada sarkaalka is toogtay, halka uu caafimaad deg deg ah u rajeeysay Haweenyeda dhaawaca ah oo ka mid aheyd ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Ma shaacin afhayeenka ciidamada difaaca Uganda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadan, balse waxaa uu xusay in uu jiray xiriir ka dhexeeyay askartaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa soo badanayay dilalka ay dhexdooda isu geysanayaan ciidamada ka socda dalalka Midowga Africa, iyadoo bishii la soo dhaafay ee May Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho lagu dilay 4 ka tirsanaa ciidamada AMISOM, kadib uu iska hor imaad ku dhexmaray gudaha Xeradaasi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  6. The Ministry of Foreign Affairs condemned Tuesday the terrorist attack that hit central Mogadishu and killed ten people and injured several, according to a statement released by the ministry. The attack targeted a security checkpoint in front of the Somali Parliament and the main road to the airport. Egypt extended the sincerest condolences to the families of the victims and wished the injured a speedy recovery, stressing that the Egyptian people and government stand by the people and government of Somalia against terrorism. The statement also highlighted Egypt’s support of the efforts to rebuild the Somali state institutions and regain security and stability across the country. Kenyan officials also announced on Saturday that at least 10 policemen were killed when their bus collided with an improvised explosive device in the province of Wajir near the Somali border. According to ABC American news, the policemen were clashing with a gunman who kidnapped a number of policemen. View the full article
  7. The Federation of Somali Trade Unions (FESTU) has called on world leaders at the on-going 108th session of the International Labour Conference (ILC) in Geneva to support Somalia’s efforts to tackle unemployment if peace and stability must be attained. Dozens of world leaders and more than 5000 delegates of governments, trade unions and employers are attending the International Labour Conference, which marks the 100th anniversary of the ILO. The two-week Conference has a strong focus on the future of work, but also on violence and harassment at the workplace. Addressing the centenary conference at the United Nation Headquarters in Geneva, General Secretary of FESTU Omar Faruk Osman lamented the poor working condition of Somali workers, saying that the situation of the working poor in Somalia continues to deteriorate, creating room for young people to engage in violent activities. The trade unionist observed that appalling levels of unemployment and lack of decent work for youth are a root cause of instability in the Horn of Africa country, with a call for urgent solutions to the problem. Speaking at Monday’s plenary session of the Conference, which runs from June 10 to 21, Mr Osman said “we view unemployment as a major hurdle in realizing lasting peace, stability and development in Somalia. Youth empowerment and women emancipation programmes will definitely act as catalysts for social change in our country”. Osman, who was responding to the report of the ILO Director-General, concurred with the report that there is a need to emphasize more the advancement of the World of Work Initiatives and the need to focus on the historically neglected issue of gender equality. “Recently, we observed a microscope focusing on two issues affecting women at work, namely, problems of harassment and violence,”. The FESTU General Secretary stated that the goal of equality, justice and progress is still far from being achieved and remains unclear, stressing that ILO delegates needed to put much effort in negotiating and adopting an International Labour Standard that is indispensable of laying a solid legal basis to guide the fight against violence and harassment at the workplace. “Suffice it to say that the agenda item – violence and harassment in the world of work – is very important to us, both as a trade union movement and in the broader context of our country which has experienced years of ruinous and bloody violence at unacceptable levels.” “Every year, hundreds of Somali workers, especially women, die as a result of workplace violence. Therefore, allowing harassment and violence in the workplace without a solution is not only costly but totally unacceptable,” added Osman. On the national situation, Osman said since the last ILC, Somalia has taken concrete steps to foster inclusion, social dialogue and tripartism in policy formulation and implementation. “We need to maintain and sustain this positive development to promote a culture of respect for democracy, good governance and social justice in Somalia,” he noted. “Economic and development plans can only make meaning if there are decent work and respect for the principles of tripartism and social dialogue,” he further observed. Osman stressed the fundamental principles of the ILO remain unassailable and must be applied in Somalia effectively. “This means that labour is not a commodity; that freedoms of expression and association are essential to sustained progress in our country; and that poverty, anywhere, constitutes a danger to prosperity everywhere,” Osman declared. END View the full article
  8. Jawaab tii ugu horeysay oo ay bixiso dowlad goboleedka Galmudug ayey ku sheegeen in ay sharci-darro tahay qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee la xiriira doorashada Galmudug. Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay diyaarinayaan jawaab ka dhan qoraalka sharci-darrada ah ee dowladda federaalka ah ka soo saartay doorashada maamulka. Dhankiisa, Cabdiraxmaan Cali Ciise oo ka tirsan xildhibaannada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo isna la hadlay Goobjoog News ayaa sharc-darro ku tilmaamay qoraalka wasaaradda, isaga oo intaasi raaciyey iney ka hor imaaneyso dastuurka Galmudug iyo midka KMG ah ee Soomaaliya. “Warqadaas waa sharci-darro, waxaa ay ka hor imaaneysaa dastuurka Galmudug iyo midka Soomaaliya, waxaa ay daba socotaa faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso arrimaha Galmudug, waana waxba kama jiraan”. Xildhibaan Cabdiraxmaan Ciise oo sii-hadlaya waxaa uu yiri “ Qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah waxaa uu ka hor imaanayaa oo kale heshiiskii Djibouti ee Galmudug iyo Ahlu-sunna, midnimada iyo wadajirka maamulka, waana kala qeybin aad looga xumaado”. Ugu dameyntii, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise ayaa sheegay in aaney wax saameyn ku yeelaneyn qoraalkaas howlaha dowlad goboleedka “Arrinkaas wax saameyn ah kuma yeelan-doonto howlihii iyo shaqadii u socotay dowlad goboleedka Galmudug”. Yaa Ka Hadlay: Xildhibaan Saabir Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Warqadda DF ee Galmudug, Kana Hadlay Xalka iyo Doorashada Xildhibaan Mahad Salaad Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Doorashada Ay DF Rabto Iney Ka Dhacdo Galmudug Sii Akhri: Qoraalka wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Doorashada Galmudug: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo dhimashadii madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi,hayeeshee waxaa hadalkaas ka hortimid Xukuumadda Madaxweyne Cabdulfatax Al-Siisi. [...] Source
  10. Xildhibaan Saabir Shuuriye oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah, oo deegaan doorashadooduna tahay Galmudug ayaa sharci-darro ku tilmaamay qoraal ay soo saartay wasaadaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah oo la xiriiray doorasho ka dhacdo dowlad goboleedka Galmudug. Xildhibaan Shuuriye oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri” Waa go’aan aan dastuurka heer federal iyo mid Galmudug waafaqasaneen, laguna kala qaybinayo bulshada reer Galmudug ee ma aha war xal iyo isku soo dhawaansho keenaya”. Xildhibaan Saabir ayaan sidoo kale weydiinney iney dhici karto doorasho, isaga oo ka jawaabaya waxaa uu yiri “Waxaan is leeyahay iney dhacayso doorasho laakin dib u heshiisiin iyo is afgarad siyaasadeed ayaa ka horeeya, si xoog ah kuma dhici karto doorasho”. Ugu dambeyntii, waxaa uu xildhibaan Saabir Shuuriye wax ka dhahay sida uu xalka ku jiro “ Waxaan u arkaa in siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug ay masuuliyadda qaataan, iskuna keenaan bulshada la kala geeyay, deegaanka tagaan dib u heshiinta dhab ah qabtaan, oo ay process galiyaan sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho loo dhan yahay, kana madaxbannaan faragalinta Nabad iyo Nolol” isaga oo sii raaciyey “Lakin wax dhici kara 4-ta July ee wasaaraddu sheegtay suuragal ma ahan ee waa war iska dhalanteed ah oo xalay 2pm la iska soo tuuray”. Arrintan xildhibaanka waxaa ay imaaneysaa kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka ay xalay saqdii dhexe soo saartay qoraal ku aadan doorasho ka dhaceysa Galmudug, iyada oo ku baaqday in la qabto xilligii loogu talo-galay. Wasaaraddu waxaa ay sheegtay muddada xilheynta madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July ee sanadkan, isla markaana loo baahanyah in la qabto shirweyne arrimaha looga tashto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in aysan ogolaan doonin in cid dambe ay Visa la’aan ku soo gasho gudaha Puntland. Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga iyo Puntland, Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta dowladda (PLTV) ayaa shaaciyay in la qaban doono cid kasta oo fiiso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland islamarkaana sharciga lala tiigsan doono. “Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso,cid kasta oo tahriib iyo sharci –darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa maxkamad baana la horkeenayaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Amniga Puntland. Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli degaannada Puntland ay ku soo badanayan tahriibayaasha ka imaanaya koonfurta Soomaaliya iyo gudaha dalka Ethiopia kuwaasi oo qaarkood u sii gudbaan dhinaca dalalka Carabta. Puntland ayaa ah dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqay go’aan ah in deegaanadeeda lagu soo galayo Fiiso,waxaana dalka ka jira marka laga reebo Iyada 4 Maamul Goboleed oo kale iyo maamulka Somaliland. Halkan hoose ka daawo hadalka wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/AAAAAA.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. The Minister of Education and Higher Education in the Somali state of Puntland Abdullah Mohammed Hassan opened the Dar es Salaam Primary School, which was built by Qatar Charity in the city of Garowe, the capital of Puntland.Th e 400-sqm school has many classrooms and rooms for the principal and teachers and is expected to benefit 400 students. The project aims at supporting education in Somalia, contributing to increasing the literacy rate, improving education facilities, and creating generations capable of participating in the development of the country. At the inauguration ceremony, Minister Abdullah Mohammed Hassan expressed his great pleasure in opening the first school since taking office a month ago. He also pointed out that the Ministry of Education and Higher Education would move forward to strengthen its partnership and cooperation with charitable organizations, including Qatar Charity, for the improvement of education. For his part, Mr. Abdel Taher Abshar, director of the Dar es Salaam Primary School, applauded Qatar Charity for their continuous efforts to contribute to providing an appropriate educational environment and improving the level of academic performance of students. He also noted the humanitarian role of Qatar Charity in Somalia through its office in Mogadishu in the areas of relief and development, especially education, in addition to sponsoring orphans, students and teachers. It is worth mentioning that Qatar Charity has completed several multi-service projects in Somalia, including a center opened in 2017, which has a school consisting of several classrooms. In the same year, a specialized agricultural school was opened in Afgooye, a town in the southwestern Somalia Lower Shabelle region of Somalia, which is the first of its kind in the region. View the full article
  13. Somali Federal Government has called upon Galmudug regional state administration leadership to conduct elections on it stipulated timetable. A press statement from the Ministry of Interior urged President Ahmed Gelle Haaf administration to coordinate free, fair and peaceful election process before 4th July this 2019. “The Ministry of Interior, Federal Affairs and Reconciliation of the Federal Republic calls upon the leadership of Galmudug administration to conduct the elections on time to ensure transparent elections that strengthen the democratic process and leads to healthy competition.” A statement from the Ministry said. The press statement further called for a reconciliation meeting for various interest groups from the federal member state to resolve their differences. “Putting into consideration the significance of consultation and unity of Galmudug state, the Ministry of Interior calls for a reconciliation meeting that brings together the elites and traditional leaders from the region to resolve the standoff in the state.” Galmudug regional state administration has earlier this month announced to halt all working cooperation with the Federal government in Mogadishu citing constant interference in its internal affairs by the Presidency View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Ganafka Ku Dhuftay Codsi Uga Yimid Guddida Doorashooyinka Somaliland, Codsiga ka yimid guddida doorashooyinka ayaa la xidhiidhay martiqaad ay u direen xisbiyada siyaasadda, golaha wakiillada, wasaaradda arrimaha gudaha, ururada bulshada iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka iyaga oo ku wargeliyey inay ka soo qayb galaan munaasibad lagu soo bandhigayo tayeyn lagu sameeyey hanaanka farsamo ee diwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka. Halkan hoose ka akhriso warqado ay is dhaafsadeen guddiga doorashooyinka iyo xisbiga WADDANI Source
  15. The President of Somalia’s Federal Government, Mohamed Abdullahi Farmajo has on Tuesday announced the appointment of the Deputy Chief of Staff of his Office. “H.E. President Farmajo is pleased to appoint Abdullahi Sheikh Abdikarim [Daddoon] as the deputy director general of the Villa Somalia,” said Abdinur Mohamed, Director of Communications. Somali president has congratulated the incoming deputy chief of staff and wished him success as he brings with him a wealth of experience to boost the presidency’s service delivery in his new role. Last May, Farmajo named Nur Dirie Hersi (Fuursade) as the Villa Somalia’s Chief of Staff. He was previously served as a Chief Strategist under the President for the past two years. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada) – Shirka amniga Caasimada oo xalay lagu qabtay xarunta taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay amniga guud ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), waxaana ka qeyb galay ku xigeenkiisa amniga iyo siyaasadda Maxamed Cabdullaahi Tuulax, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Americo) iyo saraakiil kale. Intii uu socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray, sida loo xoojin karo ammaanka iyo howlgallada weli ka socda degmooyinka gobolka Banaadir. Sidoo kale kulanka oo saacado badan qaatay ayaa la isla gartay in ay si wadajir ah u shaqeeyaan laamaha amniga iyo maamulada degmooyinka, iyaga oo kaashanaya shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Guddoomiye Yariisow oo madasha ka hadlay ayaa amray saraakiisha Booliska in la xoojiyo amniga iyo sidoo kale howlgallada ka socda Caasimadda. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale intaasi ku daray in uu jiri doono isla xisaabtan adag oo uu wado maamulkiisa. Shirarka looga hadlayo amniga ayaa muddooyinkii dambe si aad ah loo joogteeyay, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada. Weli Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ka fulisa gudaha Caasimada, waxaana ugu dambeeyay qaraxyadii sabtidii ka dhacay isgoysyada Sayidka iyo KM4 ee magaalada Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Golaha guurtida Somaliland ayaa badka soo dhigey, xeer ay sheegeen in uu garyaqaanka guud qariyay. Kaasi oo uu saxeexay madaxweynaha Qaranka Somaliland iyada oo aan la soo marin golaha guurtida. Waxaa sidaasi warbaahinta u sheegay gudoomiyaha gudi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha guurtida oo xeerkani ku shaqo leh, mudane Axmed Dirir Cali iyo xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo ka tirsan guddida arrimaha bulshadda ee golaha guurtida. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Dhageysiga dacwadda weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta ka bilaabmatay maxkamadda gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa. Weriyaha ayaa lagu soo eedeeyay qoraallo uu ka qorey dugsiga Abaarso ee ku yaalla galbeedka magaalada Hargeysa, iyo qoraallo kale oo la sheegay in uu dhibbane ka yahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Eedaha la xidhiidha dugsiga Abaarso ee loo haysto weriye Coldoon ayaa waxaa iyagana dhibbane ka ah laba ka mid ah shaqaalaha dugsiga Abaarso, kuwaasi oo kala ah Xamse Faysal Cabdi iyo Jin Doud SGsaki. Coldoon ayaa in ka badan laba bilood xabsiga Hargeysa ku jira. Source
  19. PRESS RELEASE Highest number of people displaced since World War II – Ethiopia tops list An estimated 3.2 million people were displaced by conflict and drought by April this year OSLO, Norway, June 19, 2019/ — Ethiopia has the highest number of new displacements globally, as new figures reveal over 70 million people are on the move worldwide – the highest number ever recorded. “Every day an average of 37,000 people are forced to flee their homes. The international community must provide safety and protection for fleeing families, not build fortified walls to lock refugees out. Rich countries now host a meger 16 per cent of global refugees, as international peace diplomacy is failing and new horrific wars come on top of too many unresolved conflicts,” said Jan Egeland, Secretary General of the Norwegian Refugee Council (NRC) while visiting Ethiopia. Egeland’s visit coincides with World Refugee Day tomorrow, which sees over 70 million people displaced worldwide, according to [UNHCR](https://www.unhcr.org/news/press/2019/6/5d03b22b4/worldwide-displacement -tops-70-million-un-refugee-chief-urges-greater-solidarity.html). This is 2.3 million more people than last year and twice as many as 20 years ago. “No one chooses to be displaced. No one chooses to be uprooted from their homes or forced to flee with nothing but the clothes on their back. Refugees find themselves caught up in a vicious cycle that they did not create but cannot escape. The suffering I witnessed in Ethiopia is heartbreaking,” said Egeland. Ethiopia has a strong record of welcoming refugees. But the extreme levels of new displacement brought on by internal conflict have put immense strain on the country. An estimated 3.2 million people were displaced by conflict and drought by April this year. On top of this, Ethiopia hosts over 900,000 refugees, mainly from South Sudan, Somalia and Eritrea. Coffee farmer Abraham was forced to flee to the Gedeo region because of the conflict in West Guji. He told NRC that needs among his community are high: “I have seen a lot of people starve to death because they couldn’t find anything to eat.” “Ethiopia is the definition of a forgotten crisis,” said Jan Egeland. “Despite colossal needs, the crisis is under-reported, under-financed and under-assisted. The scale and quality of the humanitarian response is grossly inadequate.” The UN’s aid appeal for Ethiopia called for $1.31 billion for 2019, but is only a third funded halfway through the year. Despite repeated promises of increased international responsibility sharing, richer countries hosted a meger 16 per cent of refugees last year, and international support to poorer host countries is insufficient to meet the scale of needs. “We need a 180-degree shift in attitudes. Wealthier nations must share the heavy -lifting, dig deep and support generous countries like Ethiopia to ease the human suffering of millions fleeing from conflict worldwide,” said Egeland. Distributed by APO Group on behalf of Norwegian Refugee Council. SOURCE Norwegian Refugee Council Qaran News
  20. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Mr. Cabdillaahi Cali Ibraahim, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanka Fiqi Ayuub ee Gobolka Togdheer in ay si degdeg ah oo miisaan leh wax ka qabtaan dhacdadii dilka loogu gaystay askari ka tirsanaa ciidammada booliska ee ka dhacday degaankaas horraantii toddobaadkan . Mr. Cabdillaahi Cali Ibraahim, oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanka shaqaaqadu ka dhacday oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in dhibaatadii ka dhacday Fiqi Ayuub ay ka dhalatay utun hore oo ka jirtay dadka degaankaasi, isla markaana loo baahan yahay in caqli fayoobi ku jirto wax looga qabto. Cabdillaahi Cali, ayaa tacsi u diray eheladda askarigii ku dhintay iska hor imaadkii dhex maray dadka degaanka Fiqi Ayuub iyo ciidamo booliska Somaliland ka tirsanaa. Isagoo ugu horayn ka hadlayay u jeedadda uu shirka jaraa’id u qabtay waxa uu yidhi “Shirkaygan jaraa’id wuxuu ku saabsan yahay dhibaatadii ka soo cusboonaatay degaanka Fiqi Ayuub oo ka tirsan gobolka Togdheer, halkaasoo dhimasho iyo dhaawacba ka dhaceen. Marka hore waxaan tacsi u dirayaa eheladda askarigii halkaas ku geeriyooday. Intii ku dhaawacan tayna waxaan ALLE SWT uga baryayaa in uu u boogo dhayo. Waxaan aad iyo aad uga xumahay dhacdadaasi. Hase yeeshee mar haddiiba ay dhacday waajibku wuxuu ina farayaa in wax laga qabto, oo si caqli fayoobi ku jirto wax looga qabto. Wax ka qabashadaas oo degmadda, gobolka Togdheer iyo dawladaba u yaalla”. Waxaanu intaas raaciyay in wixii dhacay la iska shaafiyo oo si caqli gal ah wax looga qabto xalinta dhacdadaasi. “Waxaan mar kale ka codsanayaa xukuumadda Somaliland iyo dadka degaanka Fiqi Ayuub, labadu-ba in ay ka hawl galaan isku-na soo dhaweeyaan dadka wada degan meesha dhibaatadu ka dhacday dhexdiisa. Cilada-na waxay ku timid, iyadoo ahayd mid hore uga dhex jirtay dadka degaanka. Sidaas darteed bay keentay dhibtan maanta dhacday. Markaa haddii aan si dhab ah oo fayoow wax looga qaban, waxaa dhici karta in wax sii socda ay noqoto. Markaa si aanay mar danbe u dhicin waxaan codsanayaa in si caqli gal ah, oo cid walba shaafidda wax looga qabto ayaan rejaynayaa. Wixii dhacay-na la iska shaafiyo, waayo? Naf baxday maanta ma soo celin karno. Laakiin, waa in aan ku dedaalno in aanay mar kale dib u dhicin”ayuu yidhi siyaasi C/laahi Cali. Geesta kale Cabdilaahi Cali, wuxuu sheegay in isaga laftiisu uu shaqsiyan diyaar u yahay in uu ka qayb qaato hawlaha lagu xalinayo arrintaasi. Waxaanu yidhi “Aniga laftaydu waxaan diyaar u ahay in aan ka qayb qaato xalinta dhibaatadda degaankaas ka jirta, oo aan tago goobta, oo wixii aan ka qaban karayo aan ka qabto. Aniga iyo inta ila midka ah, ee xil-na ka saaran yahay, degaanka-na u dhalatay. Waxaanan aad iyo aad isugu xil-qaamaynaa in aanu wax ka qabano xalinta arrinkaasi. Waxaanan fariintayda u dirayaa inta xil-kaska ah ee degaankaas u dhalatay in ay u kacaan, oo ay u gurmadaan, oo ay wax ka qabtaan. Si aanay waxaas oo kale dib ugu soo noqon, oo aanay dariiq kale inoogu furin”. Dhinaca kale wasiirkii hore ee gaashaandhiga xukuumaddii UDUB Cabdilaahi Cali Ibraahin, waxaa uu ku baaqay in ay xukuumad iyo shacab-ba ay lagama maar-maan tahay in dadka degaankaasi laga dhex abuuro kalsooni iyo is-dhex gal cid kastoo dhib tirsanaysa la qanciyo, si aanay mar kale dhibaatadu u soo noqon. Isagoo arrintaas ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Dadka degaankaasina waxay u baahan yihiin in la isku soo dhaweeyo, oo la isku Calool xaadho, in si wanaagsan wax looga wada qabto, dawlad iyo shacab-ba, haddii aynaan is kaashan waxba lama qaban karo, wax-na lama dhamayn karo. Waanan uga mahad naqayaa xukuumadda gacanta ay ka gaysatay wax ka qabashadda dhacdadaasi. Mar kale-na waxaan ku baaqayaa in aan hawsha intaa lagaga hadhin’e, wixii jira sidooda loo baadho, cidii dhib tabanaysa-na dhibkoodda la baadho, oo laga qanciyo. Waxaanan codsanayaa in dadka degaanka laga dhex abuurro kalsooni iyo is-dhex gal iyo isu-soo dhawaansho. Anigoo diyaar u ah in aan wax idinkala qabto wax ka qabashadda arrintaasi”. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa mudaysay wakhtiga la dhagaysan doono dacwada loo haysto gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamedsidiiq Dhamme. War ka soo baxay maxkamada gobolka Maroodijeex oo uu ku saxeexan yahay garsoore Muuse Cabdi Xuseen ayaa lagu sheegay in maalinta khamiista ee Berri la dhagaysan dacwada ka dhanka ah guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Garsoore Muuse Cabdi Xuseen ayaa taliyaha saldhiga dhexe ee ciidanka booliska ee magaalada Hargeysa ku amray inuu maxkamada horkeeno laba sarkaal oo markhaati ku ah sarkaalka ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Warqada ka soo baxday maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa lagu sheegay in dacwadan uu qaranku dhibane ka yahay. Source
  22. (SLT-London)-Facebook ayaa wajahaya walaac caalami ah oo ku saabsan go’aankeeda ah in la soo saaro lacag digital ah oo u gaar ah, oo loo yaqaan ‘Libra’. Shabakaddan bulshada ku wada xidhiidho ayaa sheegaysa in ay dadku ka bixinayso nidaamyada bangiyada dibadda, kuwaas oo awood u yeelanaya isticmaalidda adeegyadooda maaliyadeed markii u horreysay. Laakiin sharci-dajiyayaasha Mareykanka iyo Yurub ayaa ugu baaqay shirkadda in ay mashruucan hakiyaan. Tani waa qorshe firfircoon oo ka yimi Facebook si ay u ballaadhiyaan ganacsiga lacagaha ee internetka. Shabakaddan bulsheed ayaa la kaashaynaysa 27 shirkadood oo kale, oo ay ka mid yihiin Mastercard, PayPal iyo Uber, si ay u sameeyaan hay’ad fadhigeedu yahay Geneva oo xukunta lacagtan cusub. Waxaa la filayaa in la furo lixda bilood ee hore sanadka soo socda. David Marcus waa maamulaha Facebook u qaabilsan mashruucan Laakiin qorshahan ayaa walaac laga muujiyay sida uu ilaalin doono arrimaha gaarka ah. Maxine Waters, guddoomiyaha Guddiga Adeegga Maaliyadda ee Aqalka Maraykanka, ayaa sheegay in Facebook ay joojiso horumarinta lacagtan ‘Libra’ ilaa ay ka talobixiyaan waaxaha dawladeed ku shaqo leh arrimahan iyo sharci yaqaannadu. Adeeggan ayaa lacagta la isugu dirayaa taleefannada gacanta, sida farriimaha oo kale. Habkan ganacsi ee cusub, waxaa qof walba oo wax ku kala iibsada laga jaran doonaa khidmad yar, waxaana uu dadka ku qasbi doonaa inay wakhti dheer ku qaataan Facebook-ga si ay u sameeyaan xayaysiisyo, ay lacagi ka soo gasho. Source
  23. (SLT-Jigjiga)-Ciidammada Liyuu Booliiska ayaa labo ruux ku dilay ku tuulada Baraajisaale oo ka tirsan gobolka Qoraxay ee Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya, sida ay BBC-da u sheegeen qaraabada labada marxuun. Arrintan ayaa timid iyadoo ciidamada Liyuu Booliisku ay ka soo laabteen hawlgal la sheegay in ay ku baajiyeen labo qabiil oo qarkaa u saarnaa in ay dagaalamaan. Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar oo socod ku maraya meel sidaa uga fogayn goobta “shacabka lagu laayay” ayaa saaray guddi baaritaan ku sameeya, kana salgaar sida ay wax u dhaceen, sida uu BBC-da u sheegay wasiirka ganacsiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Cabdiraxmaan Axmed Xasan. Waxaa hadda ku sugan magaalada Qabridahar masuuliyiinta ugu sarreeya laamaha ammaanka oo baaritaan ku haya arrintaas, ayuu intaas ku sii daray. Siday wax u dhaceen? “Ciidanka Liyuu Booliis ayaa ku baxay labo qabiil oo ay dhex taalay muran dhul, intii ay dajinayeen xaaladdaaasna waxaa ka dhaawacmay oo xabbad lagu dhuftay mid ka mid ah askarta oo ay rasaas iswaydaarsadeen qof shacab ah,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan. “Ciidammadii oo wada askarigii dhaawaca ahaa iyo qofkii looga shakisnaa in uu dhaawaca gaystay ayaa soo maray tuulo aan ahayn meeshii dhibku ka jiray, rasaas ayay fureen labo ruux ayaana ku dhimatay rasaastaas mid kalana wuu ku dhaacmay, ayuu intaas ku sii daray. Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyeeyay dilka foosha xun ee lagula kacay Daahir Sheekh Maxamuud iyo Cabdi Macallin Sahal. “illaahay ha u naxariisto, samir iyo iimaanna Allaha ka siiyo qaraabada, sidoo kale illaahay ha caafiyo askariga iyo wiilka kale ee dhaawaca ah”, ayuu intaas ku sii daray Wasiir Cabdiraxmaan oo sidoo kale ah madaxa arrimaha siyaasadda ee xisbiga talada haya ayaa sheegay in caddaaladda lala tiigsan doono cidkasta oo dhacdadaas ku foosha xun ku lug yeelata. “Ciidammada Liyuu booliiska isbadal ballaaran ayaa lagu sameeyay, garaadkooda iyo hab dhaqankooda xuquuqda aadanaha ayaa sare loo qaaday, marka uu khalad ka dhacana waa lagula xisaabtami” ayuu yidhi Cabdiraxmaan. Sida dhacdadan loogu faafiyay baraha bulshada “oo laga dayriyay” “Waxaa baraha bulshada la soo dhigay mayd, waa arrin fool xun, waa arrin xannuun kale ku abuuraysa ehelka iyo qaraabada waa arrin aan bani’admino ahayn oo ay tahay in laga waan toobo” ayuu yidhi wasiirka oo ku sugan qabriga mid ka mid ah labada marxuum. “Itoobiyo waxay dhawaan meel marisay shuruuc la xiriirta si xun u isticmaalka baraha bulshada, waxaa jira shuruuc qabanaysa dadka hadallada kicinta ah qora, marka dadku ha ogaadaan in aysan qori karin wixii ay rabaanba.” Ayuu intaas ku sii daray. Tan iyo intii ay timid xukuumadda cusub waxaa soo baxay qabiillo caddaysanaya waxa ay dhexdooda kala tirsanayaan ama xukuumadda ka tirsanayaan, inkastoo loo arko astaan muujinaysa xoriyatul qawl hadda culayska ugu wayn ee dawladda soo foodsaaray ayaa ah sidii ay u maarayn lahayd in aan lagu xadgudbin xoriyaddaas hadalka. “Waa in aan lagu xadgudbin saraynta sharciga” ayuu yidhi Cabdiraxmaan. Source
  24. Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulanka golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Kulanka ajendaha loo ballansanaa lagu sheegay akhrinta 3aad ee wax ka bedelka Xeer hoosaadka ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaaney iman inta badan Senetorrada. Sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News ee aqalka sare Maxamed Salaad, guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa si kulul uga hadlay maqnaashiyaha xildhibaannada isaga oo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin. Guddoomiyaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaannada qaar ay subax hore yimaadaan, qaarna iska jiiftaan iyaga oo shaqo u taallo. Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah waxaa horyaallo hindise sharciyeedyo badan, hadda ayuuna ka soo laabtay fasaxii Radamaanka iyo ciidda, waxaase dhacday in qaarkood iska maqnaanaadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com