Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,367
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa xayirtay telefishannada Horyaal iyo Eryal, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye. Ciidamo sida warqadda xayiraadda TV-yadan ayaa saaka qabsaday xarunta Telefishanka Horyaal, balse markii dambe ciidanka ayaa halkaasi iskaga tagey iyagoo armay in shaqada la joojiyo. Labadan telefishan ayay xukuumaddu ku eedaysay farogalinta arrimaha ciidamada iyo ka hor imaanshaha qarannimada Somaliland. Source
  2. Kismayo (SMN) – Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa xalay Nabadoon caan ahaa ku toogtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Ibraahim Xasan, kaas oo si weyn looga yaqaanay deegaanada maamulka Jubbaland. Raggii ka dambeeyay dilkiisa ayaa lagu soo warramayaa in ay si aayar ah uga baxsadeen goobta. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in tiro dad ah oo la tuhmayo ay gacanta ku dhigeen. Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay dilka Nabadoonkaasi. Madaxweyne Axmed Madoobe oo qaraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ugu horreyn ka tacsiiyey geerida Marxuumka, waxaan uu faray laamaha ammaanka inay soo qabtaan kooxihii ka dambeeyay dilkaasi. Muddooyinkii dambe ammaanka Kismaayo ayaa ahaa mid dagan, waxaana howlgallo xoogan ka waday Ciidamada ammaanka ee magaaladaasi. View the full article
  3. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-180619-web-1.mp3 View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Laba askari oo ka wada tirsan ciidamada qaranka somaliland ayaa xalay dil iskugu gaystay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Wararka ayaa sheegaya in laba askari oo ka mid ah ciidamada qaranka Somaliland ay rasaas isku waydaarsadeen agagaarka xanaanada TB-da ee degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, rasaastaas ayaa keentay in mid ka mid ah askarta uu dhaawac culus oo uu u geeriyooday soo gaadho, halka askarigii kalana ka baxsaday goobtii uu dilka ku gaystay. Sidoo kale wararka ayaa sheegay inaan wali gacanta lagu dhigin askariga dilka gaystay,waxaanay wararku xaqiijiyeen in labadan askari ay isku haysteen dhul loo qaybiyey ciidamada qaranka oo ku yaalla degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, waxaana askariga la dilay lagu magacaabi jiray Ina Daadays, halka askariga dilka magaciisa lagu soo koobay Dacar. Taliska guud ee ciidamada qaranka somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal falkan dhacay, iyada oo maydka askariga dhintayna la geeyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay cabsida laga qabo cudurka Ebola oo la sheegay inuu ka dilaacay dalka Uganda. Agaasimaha wasaarada caafimaadka Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay inaysan jirin cabsi weyn oo laga qabo in xanuunkaasi ku soo fido deeganada Somaliland. Wuxuuse ka dhawaajiyey Agaasimuhu inay Somaliland ka diyaar-garowday sidii loogu hortagi lahaa cudurkan faafa ee Ebola. Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay inay ka Wasaarad ahaan xanuunkan ay la socdeen xiliyadii hore ee uu ka dilaacay dalka Kongo, isagoona xusay inay baaqyo u gudbiyeen Hay’adaha Caalamiga ee arrimaha caafimaadka kala shaqeeya. Xergeeye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay arrintan loo magacaabey guddi ka hor taga xanuunadan faafa ee noocan ah, kuwaasi oo bixin doona tobabaro ku aadan sidii looga hortagi lahaa cudurkan, kana talo bixin doona. Ugu dambeyntiina Agaasimaha ayaa xusey inay wasaarada caafimaadka Somaliland ay qaaday taloobiynkii looga hortagi lahaa xanuunkasi iyada oo ka soo baxaysa waajibadkeeda, balse aysan hadda jirin cabsi aad u weyn oo ku aadan cudurkaasi. Source
  6. Muqdisho (PP) ─ Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Somalia, kaddib cayrintii ergaygoodii hore Nicholas Haysom, taasoo sababtay inuu khilaaf soo dhex-galo dowladda Somalia iyo Qaramada Midoobay. Sarkaal tirsan QM ayaa sheegay inuu soo hagaagayo xiriirka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee u dhaxeeya QM iyo Dowladda Somalia, kaddib xiriir aan sii buurnayn oo u dhexeeyay Somalia iyo Qaramada Midoobay muddo lix bilood ah. Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaablsan frika, Bintou Keita oo dhawaan booqatay Somalia ayaa sheegtay in xilligan uu xiriirka u dhexeeya labada dhinac soo hagaagayo ayna is arkeen intii ay Somalia ku sugnayd madaxda Dowladda Federaalka. Sidoo kale, Keita ayaa sheegtay in wadahadalladii ay la yeelatay madaxda Somalia diiradda lagu saaray hanaanka siyaasadda iyo ka dhaqaale ee dalka iyo weliba xiriirka Somalia iyo Qaramada Midoobay u dhexeeya. “Madaxda Somalia waxaan kawada hadlanay siyaasada, aasaaska nidaamka federaalka iyo xaaladda dhaqaale ee dalka,” ayay sarkaaladdan ku sheegtay qoraal kasoo baxay xafiiska QM ee Somalia ee UNSOM. Dhanka kale, Safarkeeda ayaa yimid dhawr toddobaad un kaddib markii QM ay ergey cusub u soo magacowday Somalia, kaasoo u dhashay Mareykanka laguna magacaabo, James Swan horayn u soo noqday safiirka Mareykanka ee Somalia, inkastoo uu iskiis isku casilay. Ugu dambeyn, Xiriirka u dhexeeya QM iyo Somalia ayaa xummaaday kadib markii Xukuumadda Somalia ay horraantii sannakan shaqada ka cayrisay eregygii UN-ka ee Somalia, Nicholas Haysom oo ay ku eedeysay inuu faro-gelin ku sameeyey arrimaha gudaha ee Somalia. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay ka hadashay xiriirka xilligaan kala dhexeeya Dowladda Somalia appeared first on Puntland Post.
  7. Qaahira (PP) ─ Waxay faahfaahin dheeraad ah kasoo baxaysaa geeridii ku timid madaxeynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi oo Dowladda waddankaas ay sheegtay inuu geeriyooday shalay isagoo la maxkamadeynayo, inkastoo aysan sheegin sababta ama xanuunka uu u dhintay. Marxuum Maxamed Mursi ayaa oo 67-jir ahaa ayaa xabsi ku jiray muddo 7-sano ah, waxaana loo hastay eedeymo kala duwan oo uu ku sheegay inay dhammaantood yihiin kuwo been abuur ah oo uusan wax lug ah ku lahayn. Wiil uu dhalay Mursi oo lagu magacaabo, C/llaahi Maxamed Mursi oo isagana la hadlay warbaahinta caalamka ayaa sheegay in aabbihiis uu u geeriyooday xanuun, kaddib markii xukuumadda Qaahira ay ka joojisay dawooyinkii uu ku qaadanayay xabsiga gudihiisa. “Xilligan ma garanayno halka maydkiisa lagu hayo, waxayna mas’uuliyiinta Masar diideen in marxuumka lagu aaso qubuuraha qoyskiisa oo Qaahira ku yaalla,” ayuu yiri C/llaahi Mursi oo sheegay inay nasiib-darro ah in aabbihii oo dhintay loo diido maydkiisa. Sidoo kale, Wararka dheeraadka ah ee laga helay qoyskiisa ayaa sheegaya in marxuumku uu qabay cudurro badan oo ay ka mid yihiin macaanka ama sokorta, cudurro ku dhaca beerka iyo sidoo kale cudurro kilyaha uga dhacay balse dowladdu arrintaas kama aysan hadlin. Ilo wareedyo madax-bannaan ayaa sheegaya in xukuumadda Qaahira ay si xun ula dhaqantay madaxweynaha geeriyooday, isla markaana ay dhawr ku jir-dileen gudaha xabsigii uu ku xirnaa oo loo diiday inay ehelkiisa booqasho ugu yimaadaan. Dhanka kale, Hay’adda xuquuqda aadanaha dunida ee Human Rights Wtach ayaa geerida Maxamed Morsi ku tilmantay mid aad u xun, laakiinse la filan karay, sababtoo ah dowladda Masar oo u diiday inuu helo daryeel caafimaad oo ku filan. “Xukuumadda Qaahira ayaa xambaareysa mas’uuliyadda geerida marxuum Mursi ku timid, sababtoo ah iyadaa u diiday inuu helo daryeel caafimaad oo ku filan iyo xuquuqda aasaasaiga ah ee maxaabiista,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay HRW. Ugu dambeyn, Maxamed Mursi ayaa muddooyin ka hor sheegay inuu filayo inuu xabsiga ku dhex geeriyoon doono, taasoo uu sabab uga dhigay cadaadis uu sheegay inay ku hayaan ilaalada xabsiga lagu hayo iyo xaalad caafimaad oo lasoo daristay. PUNTLAND POST The post Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan geerida Madaxweynihii hore ee dalka Masar – MURSI appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka la helayo magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaya in dowladda dalkasi ay aastay madaxweynihii dalkaasi Masar Mohamed Mursi. Saacado kadib geeridiisa waxaa Maxamed Mursi lagu aasay deegaan ku yaala bariga magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, iyadoo aan la ogeyn sababta sidaasi loogu dadajiyay aaskiisa. Qareenkiisa ayaa sheegay in Mursi la aasay waaberigii saaka, kadib markii qoyskiisa loo diiday inay ku aasaan xabaalaha ay ku aasan yihiin dadka ay isku qoyska ahaayeen. Mursi oo ahaa nin diinta Islaamka ku dhagan ayaa xabsi ku jiray lix sano ka dib markii ay milatarigu xilka ka tuureen sannadkii 2013, isagoo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey Masar ee si dimoqraadi ah loo soo doortay. Telefeshinka dawladda ayaa sheegay in uu wadnuhu istaagay, balse hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ku baaqay baaritaan dhexdhexaad ah lagu sameeyo geeridiisa, waxayna intaas ku dareen in su’aalo badan ay ka taagan yihiin sidii loola dhaqmay intii uu xabsiga ku jiray. Waxaa shaki weyn uu ka imaanayaa sababta sida deg dega ah dowladda Masar ay u aastay, iyadoo loo malaynayo in madaxweyne Mursi la sumeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (SLT-Qaahira)-Hey’adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Wacht ayaa ku dhaleeceysay xukuumada Masar geerida ku timid madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi. Mursi oo ku dhintay Isniinta shalay ahayd Cisbitaal ku yaalla magaalada Qaahira ayaa Jooga ka dhacay xilli uu taagnaa Maxkamada si loo dhagaysto danbiyo ay dowlada ku Eedeysay. Sarah Leah oo ah Agaasimaha Hey’adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika ayaa ku dhaliishay Masar in ay ka gaabisay daaweyntiisa. Maxamed Mursi ayaa qabay cudurka macaanka waxaana qoyskiisa ay sheegeen in loo diiday adeega caafimaad ee uu u baahnaa. Sanadkii hore ayay aheyd markii saddex xubnood oo ka tirsan baarlamaanka UK ay ka digeen daryeel la’aanta Mursi ay sababi doonto in uu u geeriyoodo. Maxamed Mursi ayaa la xidhay bishii Jully ee Sanadkii 2013-kii waqtigaas oo uu afganbi ku sameeyay Abdi Fatah Al-Siisi oo ka mid ahaa saraakiisha Amniga Masar. Source
  10. (SLT-Ankara)-Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ee dalka Turkiga ayaa sheegay in dalkiisa Turkigu uu ku iibsanayao hanaanka difaaca gantaalada ee dalka Ruushka uu kaga iibsanayo Go’aan uu leeyahay, sida uu u sheegay wakaalada Wararka ee Anadolu. Madaxa xisbiga Nationalist Movement Party, Mr Devlet Bahceli oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay Istanbul ayaa sheegay in arinta heshiiska uu dhacay. Mr Bahceli ayaa intaasi ku daray in Turkigu uu yahay dal awood ku leh gobolka, waxaana awoodaasi ay samaynaysaa in ay dalkaasi ka dhigto mid leh go’aamo madaxbanaan iyo inuu ku dhaqaaqo isagoon wax gorgortan ah ka galin. Sidoo kale hogaamiyaha mucaaridka dalka Turkigu waxa uu cambaarayn dusha kaga tuuray dawlada Maraykanka, waxaanu sidoo kale uu dawlada Turkiga uu kula taliyey inay iibsato hanaanka difaaca gantaalada ee dalka Maraykanka ee loo yaqaano Patriot-ka halkii ay ka iibsan lahayd kuwa Ruushka ee S-400. Hase yeeshee tan iyo intii dawlada Turkigu ay la gashay dalka Ruushka heshiiska ay kaga iibsanayso hanaanka difaaca gantaalada ee S-400 ayaa waxa isa soo taraya xiisada u dhaxaysa Turkiga iyo Maraykanka oo iyagu xulafo ahaa. Waxaana dhawaan dalka Maraykanku uu ku dhawaaqay inuu joojinayo tababar uu duuliyaal Turki ah uu ku siinayey saldhig milatari oo ku yaala dalka Maraykanka oo lagu tababarayey diyaaradaha dagaalka ee F-35. Source
  11. Somaliland: Representative Dhakool Released On Presidential Amnesty Somaliland member of parliament, Ahmed Mohamed Dhakool has been released after more than forty days in custody. The representative was arrested on charges of sedition and making statements that were consider “incitement and unconstitutional”. The representative made these comment prior to the 28th anniversary of Somaliland’s reclamation of sovereignty, in which he stated “18th of May belonged to the majority community in Somaliland, and should not be considered a national day and not all the communities of Somaliland were represented at the historic meeting in Burco in 1991”. The Representative had previously stated the opposite. The representative’s arrest sparked a constitutional crisis whereby the Somaliland Courts refused to hear his case until the issue of his parliamentary immunity was resolved. The Somaliland House of Representatives declined to lift the MP’s immunity and subsequently, Representative Dhakool languished in custody at Criminal Investigation Department’s headquarters for more than a month. Representative Ahmed Mohamed Dhakool was released on an amnesty by, President Muse Bihi Abdi, after intensive lobbying from politicians and intellectuals from his community. It is not clear whether the amnesty is appropriate since Representative Dhakool had not been tried in court and convicted of the charges. The Representative declined to address the media after his release from detention. Qarannews.com Qaran News
  12. (SLT-Nairobi)-Dowlada Kenya ayaa ku dhowaaqday in aanu dalkeeda ka jirin cudurka Ebola kadib markii baadhitaan lagu sameeyay haweeney lagu tuhmay cudurkan uu caddeeyay in ayna qabin cudurka Ebola. Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Sicily Kariuki ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in haweeneyda la tuhmay ayna qabin cudurka Ebola iyo weliba cudurada kale ee dhiig baxa keena. Haweeney 36 jir ah oo la dhigey cisbitaal ku yaalla magaalada Kericho ayaa lagu tuhmay inay qabto cudurka Ebolaha iyadoo ka soo laabatay safar ay ku tagtay dalka Uganda “Wasaarada Caafimaadka waxa ay u xaqiijineysaa shacabka in aan diyaar u nahay sidii loogaga hortagi lahaa cudurka Ebola iyo tallaabooyin loogaga jawaabayo sidaa darted ma jiro wax cabsi ah,”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaarada caafimaadka dalka Kenya. Dadka ku nool Kericho ayaa waxaa soo wajahay Khalkhal dhinaca caafimaadka ah iyadoo dadka ku nool deegaankaas ay wadnaha farta ku hayeen iyagoo ka baqayay in cudurka uu ku faafo magaaladaas. Source
  13. (SLT-London)-Wasiir ka tirsan xukuumadda UK ayaa dhaliilay weerarka afka ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku hayo guddoomiyaha magaalada London Sadiiq Khan. Wasiirka arimaha gudaha UK Sajid Javid ayaa ku booriyay in Trump uu faraha kala baxo siyaasada gudaha UK uuna Joojiyo dhaleeceynta uu ku hayo guddoomiyaha Caasimada London. Hadalkaan ayaa jawaab u ah qoraal uu xilli hore ee isniinta shalay ahayd soo dhigay Trump barta uu ku leeyahay Twitter-ka oo uu sheegay in Imran Khan uu yahay cudurka ka jira magaalada London. Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaa ku daray in Khan aanu awood u laheyn waxkaqabashada amni darada ka jirta caasimada UK. Sajid Javid oo ka mid ah wasiirada muhiimka ah ee dalka Ingariiska ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka ka Pakistaan waxaana uu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu cad cad ee badali doono Ra’isul wasaaraha UK Theresa May. Source
  14. PRESS RELEASE Pan African University, educating a new generation of Pan-African En-trepreneurial Solutioners: 2019 Student Call now open The Pan African University Institute for Water and Energy Sciences including Climate Change (PAUWES) hosting students from 34 African countries, is offering four distinct two-year Master programs TLEMCEN, Algeria, June 17, 2019/ — The Pan African University Institute for Water and Energy Sciences including Climate Change (PAUWES) (www.PAUWES.dz) in Tlemcen, Algeria provides higher education and applied research in the fields of water, energy and climate change – an important contribution to sustainable development in Africa. The admission process for its Master programs in water and energy (both engineering and policy tracks) starting in September 2019 is now open. All AU citizens (including diaspora) are encouraged to apply, particularly women and candidates from Southern, Central, and Northern Africa. Building a prosperous and stable Africa calls for a new generation of African leaders capable of and committed to facing the vast challenges of the continent. These challenges include water scarcity, renewable energy, and climate change. The Pan African University (PAU), a key initiative of the African Union Commission, is dedicated to this mission. The Pan African University Institute for Water and Energy Sciences (PAUWES) is hosted by the University of Tlemcen in Algeria. Since its establishment in 2014, 278 students from 34 countries across Africa have enrolled, and by now 152 students have been successfully graduated from its programs. “PAUWES is a prototype of the Africa of tomorrow, for which we are laying the foundations,” said Moussa Faki Mahamat, Chairperson of the African Union Commission, during his official visit to PAUWES in 2018. PAUWES benefits from the support of the host country of Algeria and the key and thematic partner Germany. “United in our diversity, proud of the Pan African University as a symbol of Africa United. Diversity and Pan Africanism are our strength” Said Prof. Zerga during the Africa Day celebration 2019. Today, PAUWES offers four distinct two-year Master programs. Students striving to be future engineers have the choice between the Master of Science (MSc) in Water Engineering and the MSc in Energy Engineering. Students interested in policy-making and governance can choose between the MSc in Water Policy and Energy Policy. PAUWES recently revised the curricula to ensure that the study programmes are practice-oriented and students obtain the skills needed to tackle the challenges of the future.). The language of instruction is English, and students have the opportunity to study French at the onset of the program. PAUWES strives to balance theory and practice through national, continental and international internships, case studies, and field trips. To provide the students with specific technical skills in their field of interest, PAUWES offers electives (e.g. solar, wind, geothermal and biomass energies, water and sanitation, integrated water resource management, policy analysis or leadership). Graduates benefit from career pathways in public administration, policy-making, research, private enterprise, consulting and civil society. Access to the Institute’s international expert network, research partnerships, career-promotion programs and the forthcoming entrepreneurship centre further boosts the graduates’ profiles. The Career Services Support at PAUWES aims to “not only to graduate the best of Africa. We are supporting the students to become the best graduates FOR Africa”, said Dr. Amazigh Dib, Private Sector Coordinator. PAUWES is committed to support its students to participate in international competitions s such as the Schneider GoGreen competition and programmes such as at the Alexander von Humboldt Foundation (https://bit.ly/29xGqbT), Tony Elumelu Foundation (TEF) Entrepreneurship Programme as well as UN conferences. Student initiatives such as the participation in the as Solar Decathlon competition are highly welcomed at the institute in Algeria. Under the framework of the African Union’s Agenda 2063, PAUWES places a special emphasis on recruiting and empowering female students. In the 2018 student’s selection a 50 ratio has been achieved The Institute facilitates women-focused networking events and workshops to empower young female Africans. To further develop its vision of diversity, PAUWES also encourages applicants with disabilities and candidates from under-represented regions (Southern Africa, Central Africa, Northern Africa) to apply. All PAUWES students receive full scholarships (covering tuition and living expenses) following a competitive admission process. Distributed by APO Group on behalf of Pan African University, the Institute for Water and Energy Sciences (PAUWES). Qaran News
  15. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga gaaraya magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xiisad cusub ay ka dhex bilaabatay xildhibaanada baarlamaanka ee maamulka Hirshabeelle. Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle fariin uu u diray xildhibaanada uu ku wargeliyay inay fasax ka yihiin kulamadii baarlamaanka. Muddo ku dhow Seddex bilood ah ma jiro wax kulan ah oo xildhibaanada baaramaanka maamulka Hirshabeelle ay yeesheen, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu mudadaasi ku sugan yahay magaalada Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise oo saxaafadda kula hadlaysay magaalada Jowhar ayaa muujisay xiisadda cusub ee ka dhex bilaabatay xildhibaanada Hirshabeelle. Waxaa muuqata inay durba xildhibaanada labo dhinac u kala safteen, waxaana xildhibaanada qaar ay sheegeen inay guddoomiye cusub dooran doonaan, haddii guddoomiyaha sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laaban doono Jowhar. Xildhibaanada qaar oo dhankooda kula ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa sheegay in dhawaan guddoon cusub ay dooran doonaan, iyaga oo eedeyn culus u jeediyay guddoomiye Cusmaan Barre Maxamed. Maamulka Hirshabeelle ayaa u muuqda mid aanan ka dhaqaaqin halkii uu ka bilowday, iyadoo ay ugu wacan tahay , ineysan jirin wax qabad muuqda oo shacabka labada gobol loo sameeyay. Caasimada online Xafiiska Hirshabeelle Caasimada@live.com
  16. 16 xubnood oo kamid ah golaha Degaanka degmada Buurtinle, ayaa xalay iscasilay, kadib markii uu shalay mooshin ku furmay kal-fadhiga golaha oo ka koobnaa 23 xildhibaan. Mooshinka ayaa laga keenay guddoomiyaha degmada Buurtinle, Maxamed Maxamuud Axmed (Buur-dibi) oo khilaaf xooggan soo kala dhex-galay isaga iyo xildhibaannada golaha oo ku eedeeyay xil-gudasho la’aan. Sida uu qabo xeerka golayaasha Degaanka Puntland ee Law 7, haddii saddex-meelood oo laba-meelood iyo in ka badan ay is casilaan golaha, waxaa sharci ahaan sidaasi lagu kala dirayaa dhammaanba golaha.. Mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland oo haatan ku sugan degmada Buurtinle ayaa laga sugayaa in ay soo dhisaan gole Degaan oo cusub. Xeerka golayaasha degaanka Puntland, ayaa dhigaya in mudda 45 cisho gudahooda lagu soo dhiso gole cusub, haddii uu meesha ka baxo gole Degaan. PUNTLAND POST The post Golihii Degaanka Buurtinle oo is wada-casilay appeared first on Puntland Post.
  17. Maalinimada Sabtida ah ee soo socota waxaa Garoowe lagu maxkamadayn doonaa 3 xukumane oo rafcaan ka qaatay kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan oo bilowgii sanadkaan [...] Source
  18. The Norwegian government has been dragged into Kenya and Somalia maritime row that has threatened to strain the relationship between the two neighbouring countries. Source: Hiiraan Online
  19. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya uma furna wax aan ka ahayn inay si diblomaasiyadeed ula heshiiso dowladda Soomaaliya, marka ay noqoto muranka badda ee u dhaxeeya labada dal, waxaa sidaas xaqiijiyey khuburo Kenyan ah. Khuburo dhinaca badda iyo diblomaasiyadda ah ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee Hague ee ku saabsan kiiska badda Soomaaliya ay u badan tahay inuu noqdo mid Kenya aysan ku farxi doonin. Khubrada ayaa sidoo kale sheegay inay rumeysan yihiin in danaha dalal kale oo shisheeye ay mas’uul ka yihiin xiisadda ka dhex oogan labada dhinac. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka tirsan hay’adda wada-tashiga ee SouthLink ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay tahay in Kenya ay wax walba u sameyso inay ku qanciso Soomaaliya inay ka laabato dacwada badda, oo ay wada-hadal diblomaasiyadeed furto. Faaduma Cali oo iyana wax ka dhigta jaamacadda the United States International University-Africa ee Nairobi ayaa Kenya ugu baaqday inay iska ilowdo fikrika ah inay Soomaaliya u tahay walaal ka weyn, oo ay qasab tahay inuu u sameeyo wixii ay doonto. “Kenya waa inay raadisaa xal ka baxsan maxkamadda, waa inay Soomaaliya kula hadashaa meel dibedda ka ah maxkamadda. Mowqifka ah Soomaaliya waa ay nagu abaal dhaceysaa, wuxuu uga dambeyn noqon doonaa mid aan ku khasaarno” ayey tiri Faaduma Cali. Cadaadiska sii kordhaya ee Kenya ay saarayso Soomaaliya ayaa khubarada ay rumeysan yahay inay ugu wacan tahay ayada oo ay uu muuqato guul-darrada uga soo socota kiiska maxkamadda ICJ, sidaas darteedna ay dooneyso inay qasabto Soomaaliya. Soomaaliya ayaa marar badan ku gacan seertay baaqa dowladda Kenya ee ah inay kula hadasho meel ka baxsan maxkamadda. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Walking through the arrival doors of the vast and sparkling new Istanbul (IST) airport, we were greeted by a colorful backlit photograph of Istanbul’s Bosphorus river with the slogan: “A glittering meeting of two continents.” Source: Hiiraan Online
  21. Yusuf Mohamud, a 28-year old lawyer and Somali-Australian discusses life in Australia, his contribution to society and the challenges his community faces settling into their new home. Source: Hiiraan Online
  22. A model of Turkey's first domestically developed combat aircraft was introduced Monday at the Paris Air Show, one of the world's largest aviation fairs. Source: Hiiraan Online