Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,367
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The United States military said Monday its special forces killed two al-Shabab militants in an airstrike in southern Somalia on Sunday. The U.S. Africa Command (AFRICOM) said the strike was conducted in cooperation with Somali government near Jilib, Middle Juba Region. Since 2017, the U.S. military has stepped up air raids against al-Shabab. The al-Shabab group still controls large parts of rural southern and central Somalia and continues to carry out high-profile attacks in the capital Mogadishu. View the full article
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, kaasi oo loo geystay Askari ka tirsan Ciidamada Somaliland. Dilkan ayaa waxa geystay Askari ka tirsan ciidamada Somaliland oo magaciisa lagu koobay Dacar, kadib markii ay rasaas isku fureen Askariga kale ee uu toogtay oo isaguna lagu magacaabo Ina Daadays. Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in degmada Maxamed Mooge ay is rasaaseyntu ku dhex-martay labadan Askari, halkaasi oo dhawaac culus ka soo gaaray Askariga geeriyooday. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Askariga dilka fuliyay uu ka baxsaday goobta uu falkaasi ka dhacay, halka maydka askariga geeriyoodayna la geeyey cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Amaanka iyo Xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan dilkan ka dhacay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Dhakool oo shalay dib u helay xorriyadiisa ayaa ka hadlay qaabkii loo xidhay iyo cidda xidhay, waxaanu u mahadnaqay cid kasta oo ku xumaatay xadhigiisa, waxaanu si adag u weeraray xisbiga KULMIYE isaga oo si weyn u ammaanay xisbiga WADDANI iyo hoggaankiisa sare, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Addis Ababa)-Allaah ha u naxariistee waxa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ku Geeriyooday Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise (Sangub). Abwaanka Xaalad Caafimaad-darro u yaallay Cisbitaal ku yaalla Magaalada Addis Ababa, halkaasi oo uu ku Geeriyooday Maanta gelinkii hore. Abwaan Xersi Dhuux oo kamid ah golaha abwaanada Soomaalida ayaa xaqiijiyay geerida Abwaan Sangub. Taariikhda Abwaan Marxuum Sangub Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), wuxuu ku dhashay baadiyaha magaalada dhagaxbuur dhulka Is-maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1944, halkaas oo uu ku barbaaray. Sangub markii da’diisu shan jir gaadhay ayuu ku bilaabmay u hilowga fanku. Dhalinyaranimadiisii, wuxuu ku soo caan baxay ciyaaraha dhaqanka, gaar ahaan ciyaarta “Dhaantada” Ka sokow dhinaca Ciyaaraha dhaqanka Sangub, wuxuu ahaa gabayaa ka hida qaba qoysas kala duwan wada gabya, aabihii, abtiyaashii iyo walaalihii intuba way gabyi jireen. Sangub, markii uu barbaar noqday ayuu ayuu yimi magaalada Hargeysa, sannadkii 1961, wuxuuna tegay Idaacadda Raadyow Hargeysa, halkaas oo imtixaan lagaga qaaday, Sangub isaga oo ka hadlaya sidii wax u dhaceen, ayuu yidhi: “Naxariistii Jano ilaahay ha siiyee, Ninkii la odhan jiray Huryo, ayaa yidhi; ‘Inankan haddii aad loo reer magaaleeyo, wax buu samayn karaa, markaa waa in la qaataa’.” Xaajji Cabdi Ayuub oo madax ka ahaa Raadiyow Hargeysa, ayaa codsigii ka ogolaaday, sidaana wuxuu kaga hawl-galay Raadiyaha oo uu ka qaban jiray, shaqo aan rasmi ahayn. “Sidaa darteed, Huryo ayaa sabab u ahaa in aan dhulkii ka imaado oo aan Fanka Soomaalida ku soo biiro,” ayuu yidhi Sangub oo ka hadlayay cidii gacanta ku siisay inuu ku dhiirado, kana qayb-qaato Fanka. Ka dib markii uu ka helay shaqo-aan-rasmi ahayn magaalada Hargaysa ayuu waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho sannadkii 1961, halkaas oo uu imtixaan u u galay, isaga iyo 21 qof oo kale halkaasna uu isagu dhinaca gabayga uu ku guulaystay, sidaas ayuuna kaga shaqo galay Idaacadda Muqdisho;. Riwaayadihii uu sameeyay Naga Guur Lamood noqonse wayday. Yaxaas dhega-duub Qabrigii Jacaylka. Xuudbaa liqay Jacaylkii Xuskii Jacaylka, Xoriyo nin geyaa ha guursado. Gari ma kaa baxdaa isuma qado Source
  5. Alla ha u naxriistee waxaa maanta isbital kuyaala magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya ku geeriyooday Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise(Abwaan Sangub). Abwaan Xirsi Dhuux Guddoomiye ku xigeenka Golaha abwaannada Qaranka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay geerida abwaan Sangub, isagooo eebe uga baryay in uu naxriistiisa uu ka waraabiyo. Abwaanka Soomaaliyeed ee Maxamuud Cabdullaahi Ciise(Sangub) ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey xanuunsanayay,waxaana markii ugu dambeysay kujiray isbital kuyaala Dalka Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan oo saacadihii la soo dhaafay lagu toogtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dabley ku hubeysanaa Bistoolado ayaa la sheegay in Marxuumka ay dileen, xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla magaaladaasi. Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Jubbaland ayaa gaaray meesha uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Marxuum Cabdiqaadir Ibraahin Xasan oo si weyn looga yaqiinay gobolka Jubbada Hoose ayaa ka mid ahaa Nabadoonadii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland. Nabadoonka la dilay ayaa maalmihii dambe si aad ah u dhaliilayay siyaasadda maamulka Axmed Madoobe, waxaana uu ka qeyb galay shirar ka dhacay Kismaayo oo looga hadlay mustaqbalka arrimaha Jubbaland. Kulankii ugu dambeeyay ee uu ka qeyb galay Nabadoonka ayaa ahaa mid uu musharrax Cabdirashiid Xidig isugu yeeray waxgaradka Jubbaland, kaas oo diirada lagu saaray doorashada la filayo in ay ka dhacdo maamulkaasi. Khudbaddii uu ka jeediyay halkaasi ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo uu sheegay in deegaanada qaar aan la tagi karin, gacantana ay ku hayaan Dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay maamulka hadda jira in uu fadhiid noqoday sidaa daraadeedna loo baahan in uu dhoco isbedal dhab ah. Jubbaland ayaa lagu eedeeyaa in caburin xoogan ay ku heyso shacabka ku dhaqan deegaanadeeda, waxaana dhawaan Kismaayo lagu xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Aadan Tobanle, kaas oo ka mid ah xubnaha u ololeynaya in isbedal maamul uu ka dhaco magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  7. (SLT-Addis Ababa)-Abiy Ahmed aabihiisa oo la oran jirey ayaa la sheegay inuu shalay ku geeriyooday Cisbitaalka Takhasusiga ee Jima Specialized Hospital oo ku yaalla Koonfur Galbeed ee dalkaasi. Marxuumka oo 105 jir ahaa waxaa lagu daaweynayey Cisbitaalkaasi, sida aan ka soo xiganay Warbaahinta FANA ee magaalada Addis Abeba. Marxumka waxaa la filayaa in maanta la aaso, sida laga soo xigtay Xafiiska Isgaadhsiinta ee Maamulka Dowladda ee Degmadda Agaro ku leeyihiin Jima. Source
  8. PRESS RELEASE WorldRemit enables remittance receivers to manage their money on their phones New app features allow money transfer recipients to request and receive money from abroad, store multiple currencies, and pay out their funds at any time to a local bank account, mobile money wallet or cash pickup location YAOUNDE, Cameroon, June 18, 2019/ — Leading online money transfer service WorldRemit (https://www.WorldRemit.com/en) is introducing new app features to make it easier for remittance recipients in several countries, including Cameroon, to manage funds sent from loved ones overseas. Remittance receivers in several countries, including Cameroon, can now create and access a remote WorldRemit account to: Receive money instantly to their phones from over 50 countries worldwide in multiple currencies including USD and XAF. Store their funds in the app in multiple currencies including USD and XAF. Withdraw their money at any time using WorldRemit’s wide variety of convenient pay-out options, including cash pickup at over 1,500 locations, bank transfer and mobile money transfer. Send money to other WorldRemit customers living in the same country who have the new app feature. Request money from friends and family abroad by building a transfer (including amount and currency) in the WorldRemit app and sharing the request with their sender via Whatsapp, SMS or email. Senders can then easily approve and deliver the transfer in seconds. The new app features are completely free of charge and give WorldRemit money transfer recipients full control over when and how to withdraw their remittances. Approximately 65% of adults in Cameroon remain (https://bit.ly/31GBxVF) unbanked, and customers do not need a bank account to access the full range of services available remotely for money transfer receivers through the WorldRemit app. WorldRemit first launched its online money transfer service to Cameroon in 2012, and transfers to the country have been growing by over 90% year-over-year. Using the WorldRemit app or website, the diaspora community can send money home in a few taps from their phone, without having to pay expensive fees at a money transfer agent. Andrew Stewart, Managing Director for Middle East and Africa at WorldRemit, said: “Cameroon is one of our top ten remittance receiving countries globally, so we are delighted to make it even easier for money transfer recipients in the country to manage their funds. “Previously, only senders of WorldRemit transfers could select whether their money was received by bank deposit, collection as cash or mobile money transfer. The new service gives receivers with or without a bank account full control over how they manage their remittances, enabling them to store funds in a remote account in multiple currencies, send money to other WorldRemit users in the same country, or withdraw their funds at any time via any of our convenient pay-out methods.” For more information on how to send money to Cameroon, click here (https://bit.ly/2ZwbPB4) Distributed by APO Group on behalf of WorldRemit. Qaran News
  9. Wararka laga helayo laga helayo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, ayaa sheegay in saaka uu halkaasi ku geeriyooday, abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub. Alle ha u naxariistee, abwaanka oo sannadihii u dambeeyay xanuunsanayey, ayaa dhowaan la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethipia, si loogu soo daweeyo, balse halkaasi ayuu saaka ku geeriyooday, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka tirsan eheladiisa. Abwaanka oo kamid ahaa tiirarkii hal-abuurka Soomaaliyeed, ayaa lagu xasuustaa riwaayado iyo heeso badan oo uu sameeyay, kuwaasi oo Soomaalida dhexdeeda caan ka ah. Taariikhdiisa kala soco Puntland Post The post Abwaan Sangub oo ku geeriyooday dalka Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya inuu halkaasi ku geeriyooday Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub. Abwaanka ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Addis Ababa ee caasimada Dalka Ethiopia. Abwaanka ayaa waxaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuunsanayay gudaha Magaalada Addis Ababa,isla markaana saakay uu ugu geeriyooday xanaankaasi haayay. Abwaan Xersi Dhuux oo kamid ah golaha abwaanada Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay geerida Abwaan Sangub. Marar badan ayaa baraha Bulshada lagu faafiyay macluumaadka la xiriira geerida Abwaan Singub, balse waxaa maanta xaqiijiyay Abwaan Xersi Dhuux. Alle ha u naxariis Abwaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa israsaasayn ciidanka Somaliland saaka ku dhexmartay Xaafada Maxamed Mooge oo ka tirsan Magalada hargeysa, waxaana ay is rasaaseynta [...] Source
  12. Somaliland ayaa xirtay xarummaha labo Telefeshin oo xafiis ku lahaa magaalada madaxda Hargeisa, waa Eryal iyo Horyaal. Sida uu sheegayo weriyaha Goobjoog News ee Hargeisa, ciidamo ayaa la wareegay xaruumaha, iyaga oo la soo baxay warqado ogolaashiyo xiritaan ah. Telefeshinnada la xiray ee Eryal iyo Horyaal ayaa lagu eedeeyey hadallo ka dhan ah taliska ama guud ahaan ciidamada Somaliland. Wararkan oo faahfaahsan kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Maamulaha Guud ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) Mark Green ayaa ku dhawaaqay in xafiiska howlgalka hey’adda laga furayo magaalada Muqdisho. Xafiiskaasi waxaa uu xirnaa tan iyo January 5, 1991. Howl-galkan uu hoggaamin-doono agaasimaha hey’adda Jeffrey Bakken ayaa lagu wadaa iney la shaqeeyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isla markaana ay fuliyaan mashaariic badan. Mudane Mark Green ayaa oo xafladda arrinkan lagu shaaciyey ka hadlayey ayaa sheegay in howlo badan ay ka wadaa gudaha Soomaaliya, isla markaana ay qorsheynayaan mashaariic kale oo lagu taageerayo danyarta Soomaaliyeed si ay uga baxaan saboolnimada iyo shaqo la’aanta, una gaaraan isku filshaansho dhanka dhaqaalaha ah. Mark Green in furitaanka xafiiska USAID ay timid kadib markii ay dowladda Mareykanku ay xaqiijisay in hoggaanka dalka ay ka go’ntahay horumarinta iyo ka guul gaaridda hadafyada waawayn iyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna dhanka kale ku dhawaaqay in USAID ay dowladda Soomaaliya ku caawinayso $185 Milyan oo wax looga qabanayo arrimaha bini’aadnimada dalka. Mudane Mark Green ayaa sidoo kale xusay inay bilaabayaan barnaamijyo lagu caawinayo dadkii ay saameeyeen fataahadihii dalka ka dhacay, isaga oo ballan qaaday in hay’addiisu ay sii dardar-gelinayso barnaamijyada horumarinta iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Soomaaliya ayaa hadda loo ogolaadey iney cod ku yeelato ururka shaqaalaha adduunka, waxaa ay xayiraad ay ka saarneyd codaynta, balse hadda wuxuu dalka awood buuxa u leeyahay inuu tago goobaha wada-hadalka iyo shirarka caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka, halkaa oo uu cod ka dhiban karo. Shirweynaha shaqada adduunka ee ka socda Geneva ayaa isku raacay in Soomaaliya loo ogolaado inay soo ceshato xuquuqdii ay u lahayd inay codayso,taasoo sidoo kalena ay u codeeyeen 191 xubnood,iyadoo arrintan uu si weyn usoo dhaweeyay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa. “Arrintaan muddo ayaa laga shaqeynayay, muhiimad weyn ayayna u leedahay dalka inan dib u helno codkii aan ku lahayn ururka shaqaalaha adduunka ee xayiraadda naga saarnaa tan iyo markii dowladdii dhexe ay meesha ka baxday.” ayuu yiri wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Xirsi Warfaa oo magaalada Geneva kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka. Wasiir Sadiiq Wafaa, oo sii-hadalaya “Si la mid ah dalalka xubnaha ka ah ee haddana codka leh ayaan tagi doonaa miiska wada-hadalka halkaa oo aan fursad u heleyno in codkeenna la dhageysanayo… run ahaantii waa guul weyn in 33 sanno ka dib ay arrintan suragal noqotay.” ayuu ku daray wasiir Warfaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federal-ka Soomaaliya ayaa magalaada Muqdisho ka furtay shir weyne looga hadlayo istaraatijiyada hormarinta xoolaha Soomaaliya. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha waxaa daah furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaana ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Federal-ka, Madaxda Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dowlad Goboleedyada, Hay’adda cunada iyo beeraha Qaramada midoobe u qaabilsa ee FAO iyo Bankiga Aduunka xubno ka socday. Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shirka furay ayaa sheegay in qorshahan uu muhiim u yahay nidaamka dhaqan dhaqaale ee Soomaaliya, isagoona xusay in marka laga yimaado dhoofka xoolaha ay sidoo kale fursad u tahay dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xuseen Maxamed Xuseen ayaa dhinaciisa xusayin shirkaan oo seddex cisho ka socon doona Muqdisho in Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ay ka go’an in ay u howl gasho sidii loo horumarin lahaa malaayiinta xoolo dhaqatada ah, ganacsatada xoolaha iyo dhammaan dadka noloshoodu ku xiran tahay wax soo saarka xoolaha. Si ay arrintaani u dhaqan gasho waxa hay’adaha dowliga ah looga baahan yahay in ay diyaariyaan siyaasadda , istiraatiijiyadda iyo shuruucda kale ee lagu hirgalinayo horumarinta xoolaha iyo nolosha xoolo dhaqatada Soomaaliyeed. Gebagebada shirka ayaa la fikayaa in war murtiyeen qeexaya qodobadii la isla gartay laga soo saaro.
  16. Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa saaka lagu aasay qubuuro dhaca bariga Qaahira, waxaana goobta joogay qaraabadiisa, uu ku jiro wiilkiisa Usama oo maxbuus ahaa, waxaa kale oo joogay abuukaatihiisa. Ala ha u naxariistee, Maxamed Mursi Al-cayaad waxaa uu geeriyoodey galabtii Isniinta isaga oo lagu maxkamadeynayo Qaahira, waxaana loo heystay dacwad la xiriirta jaajuusnimo. Waa Kuma Maxamed Mursi: Waa madaxweynihii 5-aad ee Masar, waxaa la doortay kadib kacdoonkii 11 Janaayo 2011-kii, waa madaxweynihii ugu horeeyey ee dalka Masar loo doorto si dimoqoraadi ah. Waxaa uu ku guuleystay doorasho dalkaasi ka dhacday, laakin waxaa la afgabiyey 2013-kii isaga oo maamulkiisa meesha laga saaray, waxaana sidaasi sameeyey nin ka hadda madaxweynaha ah Cabdi Fitaax Al-sisi, oo ahaa wasiirkiisa arrimaha gashaandhigga. Maxamed Mursi waxaa uu dhashay 1951-dii, waxaa uu ka soo jeedaa gobolka Al-sharqiya, ee waqooyi beri Masar waxaa uu shahaadada Masterka ka qaatay jaamacadda Qaahira iyo Dhahaadada PhD-da ee galbeedka California. Mursi waxaa uu ka tirsanaa xarakada Ikhwaan Muslimiinta, waxaa uu madax ah ka ahaa hoggaankooda baarlamaanka Masar inta u dhaxeysay 2000-2005-tii, markii dambe waxaa uu ahaa hoggaamiyaha xisbiga Xuriyadda iyo cadaaladda ee xarakada. Waxaa la xiray 2006-dii, 2011-kii iyo hadda uu isaga oo maxbuus ah dhintay, waxaana su’aalo badan ka taagan yihiin: in uu dhintay ama la dilay? Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Geneva (SMN) – Soomaaliya oo muddo dheer xubin ka ahayd ururka shaqaalaha adduunka ayaa waxaa xayiraad ay ka saarneyd codaynta,balse hadda wuxuu dalka awood buuxa u leeyahay inuu tago goobaha wada-hadalka iyo shirarka caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka, halkaa oo uu cod ka dhiban karo. Shirweynaha shaqada adduunka ee ka socda Geneva ayaa isku raacay in Soomaaliya loo ogolaado inay soo ceshato xuquuqdii ay u lahayd inay codayso,taasoo sidoo kalena ay u codeeyeen 191 xubnood,iyadoo arrintan uu si weyn usoo dhaweeyay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa. “Arrintaan muddo ayaa laga shaqeynayay, muhiimad weyn ayayna u leedahay dalka inan dib u helno codkii aan ku lahayn ururka shaqaalaha adduunka ee xayiraadda naga saarnaa tan iyo markii dowladdii dhexe ay meesha ka baxday.” ayuu yiri wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Xirsi Warfaa oo magaalada Geneva kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka. Wasiir Sadiiq Wafaa, ayaa muujiyay siyaasadda xukuumadda ee ku dhisan dib u gaajinta shaqaalaha iyo shaqa abuurka inay arrintan gacan-weyn ka geysan doonto, isagoo marka tilmaamay waxa ugu weyn ee uu dhiniciisa dadaalka galiyay inay ahayd sidii sannadkan loogu guuleysan lahaa dib u helidda codkii ay Soomaaliya ku lahayd ururka shaqaalaha adduunka. “Si la mid ah dalalka xubnaha ka ah ee haddana codka leh ayaan tagi doonaa miiska wada-hadalka halkaa oo aan fursad u heleyno in codkeenna la dhageysanayo… run ahaantii waa guul weyn in 33 sanno ka dib ay arrintan suragal noqotay.” ayuu ku daray wasiir Warfaa. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, Sadiiq Warfaa ayaa dhinaca kala caddeeyay dowladda Soomaaliya sida ay uga go’antahay horumarinta shaqaalaha iyo sidii shaqooyin loogu heli lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka, isagoo marka tilmaamay inay waxyaabo badan ka dhax-li doonaan xayiraaddii laga qaaday codaynta ee ka saarnayd hay’adda shaqada adduunka ee ILO muddadii 33ka sanno ahayd ee la soo dhaafay. View the full article
  18. War-saxaafadeed: Canbaaraynta xadhiga Telefishanada Horyaal iyo ERYAL Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu si adag u canmaaraynayaa talaabadda Xukuumadda Somaliland saaka ku xidhay labada Telefishan ee kala ah Horyaal TV iyo Eryal, kuwaas oo ay ciidamadda Booliisku saaka la wareegeen, kuna Amreen inaanay shaqayn karin. Ururka SOLJA, waxa uu talaaadan u arkaa mid sharci darro ah oo ay xukuumadda Somaliland ugu talogashay si sharciga baalmarsan inay albaabada ugu laabto hay’addo warbaahineed iyo suxufiyiinta ka hawl gashaba. Awood ku muquuninta iyo gacan ku qaadashada awoodaha Garsoorka ee ay xukuumadda Somaliland ku fulinayso Warbaahinta iyo muwaadiniinta kale waa kuwo mugdi galinaya nidaamka Dimuquraadiyadeed iyo xorriyatul qawl ee Dastuurka Somaliland damaanad qaaday. Ururka SOLJA , waxa uu u arkaa talaabooyinkan soo noq noqonaya ee sharci darrada ah kuwo ka hor imanaya balanqaadkii iyo Codkii ay xukuumadda talada haysaa ku fadhido ee ahaa sharcigaa saraynaya, iyadoo taas bedelkeeda u isticmaalaysa sharci jabin. Ururka SOLJA, marar badan buu xukuumadda kala taliyey inay nidaaka sharciga ah u marto cabasho kasta oo ay warbaahinta ka qabto, hase yeeshee waxay u muuqataa inay ka door bidayso inay dariiq qaldan mar walba u marto, iyadoo sumcad xumo usoo jiida qaranka. Talaabadan ay xukuumadda Somaliland ku xidhay labada Telefishan waxay noqonaysaa tii sadexaad ee ay muddada ay xilka hayso ku xidho hay’ad warbaahineed, iyadoo noqonaysa dhacdadii 20 aad ee sanadkan gudihiisa ay ku beegsato wariyayaal isla markaana ku xidho hay’addo warbaahineed. Warbaahinta Somaliland waxay la daalaa dhacaysaa dhibaatooyin is biirsaday oo ay xukuumada talada haysaa sanad iyo badhkii ay xilka haysay kula kacday kuwaas oo ay ka mid yihiin inay ka hor istaagto inay si madax banana u doontaan wararka, sidoo kale, waxay ku soo rogtay inay hawada ka saarto Astaamahooda iyo qalabka ay isticmaalaan mararka ay ka qayb galaan shirara waaweyn ee muhiimka ah. Uruka SOLJA, waxa uu aad uga walaacsan yahay qorshaha ay ka damacsan tahay xukuumadda talada haysaa warbaahinta, iyadoon marnaba xil iska saarin waxbanna aan ka fulin balanqaadyaddii ay hore ugu samaysay. Saxaafadda Somaliland waxay gayaysiisay xukuumadda talada haysaa inay ka hadhaan horumarada balaadhan ee dalalka jaarkeena ah ama kuwa dunidu siiyaan hay’adahooda warbaahineed, haddii ay noqoto Tababar iyo shuruucba, iyadoo ay illaa hadda Suxufiyiinta Somaliland la’yihiin Siyaasad iyo Qoshe cad oo ay kaga shaqaystaan dalka oo ay xukuumaddu samaysay. Dal na laguma maamuli karo Digreeto Madaxweyne iyo mid Wasiir, Suxufiyiinta Somalland waxay hay’addaha Garsoorka ka codsanayaan inay laalaan go’aanka baal marsan Dastuurka iyo xeerka Saaxafadda ee ay xukuumaddu caadaysatay. Ugu danbayntii, ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay ciidamadda ka dul qaado xarumahaas kana noqoto go’aanka sharci darrada ah ee ay dul dhigtay oo ah mid laf-jab ku ah hanaanka Cadaaladeed ee Dalka. Dal na laguma maamuli karo Digreeto Madaxweyne iyo Mid Wasiir, Suxufiyiinta Somalland waxay hay’addaha Garsoorka ka codsanayaan inay laalaan go’aanka baal marsan Dastuurka iyo xeerka Saaxafadda ee ay xukuumaddu caadaysatay. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) Source
  19. (SLT-Burco)-Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi {Bidhi} Ayaa Noqday Shamac U Baxay Guud Ahaan Gobolka Togdheer Iyo Gobolada Bariba , Xildhibaanka Ayaa Dedaal Karti Iyo Fir Fircooni Badan Waxa Uu Xili Kasta Ugu Jiraa Sidii Gobolka Togdheer U Noqon Lahaa Hormuudka Gobolada Soomaliland , Xildhibaan Bidhi Ayaa Gacantiisa Ku Fuliya Arimo Danta Guud Ah Oo Uu Si Tabarucaad Iyo Iskaa Wax U Uqabso Uu Ugu Fuliyo Gobolkiisa Iyo Dadkii Soo Doortay Dhalinyarada Waayeelka Iyo Wax Garadka Gobolka Ayaa Iyaguna Ah Kuwo An Ka Abaal Ka Darin Wax Qabadka Muuqda Ee Uu Xildhibaanku Ka Gaysto Gobolkiisa , Xildhibaankan Ayaa Ah Xildhibaanka Kaliya Ee Sida Qoraxda Uga Dhex Ifaya Xildhibaanadii Isku Wakhti La Doortay. Mar Uu Ex Wasiir Qabyo Tire Uu Xildhibaan Bidhi Ka Hadlayay Kartidiisa Ayaa Waxa Uu Yidhi ” Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi {Bidhi} Bulshada Gobolka Togdheerey Waa Waslad Dahaba Oo Burco Hantiday ” Masoo Koobi Karo Wax Qabadyada Faraha Badan Ee Uu Isu Xilqaamay Xildhibaanku Si Uu Gobolkiisa Ugu Horumariyo Habeenimadii Xalay Ayaa Barnaamij Lagu Qabtay Magaalada Burco Oo Loogu Magac Daray {Qiimee Awards} Oo Looga Jeedo Qiimee Qofkaaga, Waxaa Xildhibaanka Lagu Maamuusay Isla Markaana Ay Dhamaan Uga Markhaati Kaceen Dadkii Kasoo Qayb Galay Barnaamijkaasi Inuu Yahay Xildhibaanka Kaliya Ee Gutay Isla Markaana U Qalma In Dalka Xil kan Kasii Sareeya Loogu Dhiibo Si Dadka Iyo Dalkuba Horumar U Gaadhan , Xildhibaanka Ayaa Bilad Sharaftii Abid Gobolka U Mudnayd Ee Shaqsi Lasiiyo Lagu Maamuusay Source
  20. Deegaamo dhanka Koonfureed kaga begmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ka taagan xiisad kadib markii ciidanka Somaliland ay rasaas ku fureen dad shacab ah [...] Source
  21. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa in uu todobaadyada soo socda sii dhammaystiro, isbeddelka dhanka maamulka ah ee hay’adaha dowladda, kaasi oo uu waday tan iyo markii uu soo dhisay xukuumaddiisa. Warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo xarunta madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in madaxweynuhu todobaadyada soo socda uu taliyaal cusub u magacaabi doono, ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska Puntland. Warbaahinta Puntland Post ayaa sidoo kale ogaatay, in madaxweyne Deni uu isku’ shaandheyn kooban ku samayn doono qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda Puntland. Qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ayaa la filayaa in wasaarado kale loo beddelo, halka qaar cusubna la magacaabi doono. Waxanse si rasmiya looma ogayn wasaaradaha uu saamayn doono isbeddelka madaxweynaha iyo wakhtiga isbeddelkaasi dhici doono midna. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Puntland oo isku’ shaandeyn samaynaya appeared first on Puntland Post.
  22. Nairobi (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa markale eedeyn u jeedisay dowladda Norway iyo shirkad gaar ah oo laga leeyahay dalkaasi. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa shaaciyay in shirkad laga leeyahay Norway ay si toos ah kaga dambeyso xiisadda u dhaxeyso dowladaha Somalia iyo Kenya, waxaana shirkadaasi la sheegay inay ka dhex shaqeyneyso madaxda labada dhinac. Wargeysa Daily Nation ayaa baahiyay in dowladda Kenya aysan ku faraxsaneyn habka dhaqanka dowladda Norway, maadaama ay sheegeen inay ka dhex shaqeyneyso labada dowladood ee Kenya iyo Somalia. Shirkad magaceeda lagu sheegay DNO oo laga leeyahay dalka Norway ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeyso xiisadda u dhaxeyso labada dhinac, waxaana lagu eedeeyay shirkadda inay dooneyso shidaalka laga helay badda Kenya ay murunka gelisay. Waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya ruqsad uga heysato in ay shidaal ka baarto halka ay ku muransanyihiin labada dal. Kenya waxaa intaas ku dartay in doodda Soomaaliya ee ku aaddan halka lagu muransanyahay ay salka ku heyso dano ganacsi,waxaana ay ku baaqday in Soomaaliya ay Ruqsadda kala noqoto sharikaddaas. Maxkamada ICJ ayaa laga sugayaa go’aanka ugu dambeeyo, waxaana muuqata in dowladda Kenya oo ka walaacsan natiijada inay bilowday inay cadaadis saarto dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimad@live.com
  23. 16 kamid ah xildhibaanadii golaha deegaanka Burtinle ayaa iska iscasilay xubinamadii ay ka hayeen golaha deegaanka, sida ku qoran qoraal kasoo baxay xildhibaanadaan. Xildhibaanadaan ma [...] Source
  24. Afgooye (SMN) – Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in ay wadaan qorshe Ciidamo gaar ah loogu sameynayo gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wasiir Ducaale Ducaale ayaa tilmaamay in Ciidamadaasi laga qori doono deegaanada Sh/ Hoose, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan xasilioonida gobolkaasi. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in dowladdu ay siin doonto tababaro gaar ah, si ay u helaan waxyaabaha ay ubaahan yihiin. Gobolka Shabeelaha Hoose oo ku yaalla K/ Soomaaliya ayaa waxaa ka jira dagaallo u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi. View the full article