Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,511
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT- Manchester)-Booliska Ingiriiska ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inay baadhayaan sida ay u geeriyootay gabadh yar oo Soomaali ah oo sannad ka hor tagtay dalkaas, waxaana khamiistii toddobaadkii hore meydkeeda laga helay wabi ku yaalla degmada Bury ee magaalada Manchester. Shukri Cabdi, oo 14 jir ahayd ayaa geerideeda aad looga naxay, waxaana waalidkeed ay soo bandhigeen shakiga ay ka qabaan in ayna gabadhooda ku dhicin wabiga balse lagu riday. Booliska ayaa sheegay in aanay jirin arrintaa, waxaana billowgii horaba ay muujiyeen sida ay uga cagajiidayaan baadhitaano lagu sameeyo kiiska, balse cadaadis kaga yimid bulshada ayaa qasbay in booliska uu shaaca ka qaado baadhitaano dheeraad ah oo lagu sameynayo geerida gabadha yar. Source
  2. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in dhibta ugu weyn ee ka taagan deegaanno ka mid ah Jubbaland ay tahay xaalufka lagu hayo dhirta. Wuxuu sheegay in dhulka uu nabaad guuray, taasina ay ugu wacan tahay qof Soomaaliyeed oo jaraya geedihii si dhuxul uu uga shito. Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in shaqsiyaadka xaalufka ku haya deegaanka loola dagaallamo sida Al-shabaabka oo kale. “Xaaluf badan baa deegaankan ku dhacay, waxa ugu badan ee xaalufka ayaa ah dhirta la jaro ee dhuxusha laga jaro..xitaa roobkii wuu yaraaday, maanta waad aragtaan waxa ku dhacay, waxaan rabnaa inaan la wada dagaallanno kulligeen kuwa xaalufka wada, aan u aragno qofka geedka goynaya inuu qof Soomaaliyeed goynayo” Deegaannada Jubbaland ayaa ah meesha ugu badan ee la sheego iney ka jirto xaalufinta dhirta, iyadoo dhirta la jaro laga dhigo dhuxul. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Washington)-Waaxda maaliyada ee dalka Mareykanka cunaqabateyn ku soo rogtay laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka Lubnaan. Mareykanka ayaa ku eedeeyay Mudanayaashan inay qeyb ka yihiin isku xidhka millatariga Lubnaan iyo dagaal-yahanada Xisbullah. Amin Sheciiri iyo Maxamed Xasan Racad ayaa dowlada Mareykanka sheegtay in xubnahaan xilalka ay hayaan si khaldan ugu taageereen kooxda oo Mareykanka hore ugu daray liiska Argagixisada. Laba xubnood oo ayaa 10 sanno ka tirsan baarlamaanka Lubnaan. Dowlada Mareykanka ayaa 50 xubnood oo ka tirsan Ururka Xisbullah cunaqabateyn ku soo rogtay tan iyo sanadkii 2017-da. Source
  4. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay yeelan doonaan kulankoodii 25-aad ee Kalfadhiga 5-aad, iyadoo kulankan ka mid yahay kuwa caadiga ah ee xildhibaannadu yeeshaan. Ajendaha kulanka maanta ayaa ah, akhrinta Labaad ee Hindise sharciyeedka Duulista hawada ee rayidka iyo sidoo kale akhrinta Saddexaad ee xisaab xirka sanadka 2017. Sabatidii Todobaadkan, xildhibaannada golaha shacabka ayaa meelmariyey xeerka Saxaafadda, kaasi oo wax ka bedal lagu sameeyey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukun dil ah ku filay Saddex ruux, kuwaasi oo la sheegay ineyka dambeeyeen weerarkii ka dhacay Hotelka Naasa-hablood2 28,Oct sanadkii 2017. Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu yiri: Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa xukun dil ah ku fulisay 3 dhagarqabayaal ah,kuwaasi oo ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Naasa-Hablood2 ee magaalada Muqdisho,28,Oct sanadkii 2017,kaasi oo khasaare dhaliyay. Hadaba halkan ka akhriso: Habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda. Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:- 1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud. 2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo 3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale. Taariikhdu ahayd 30/05/2018 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017. Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (SMN) – Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Warar Been abuur ah oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta, kaasi oo sheegayey inuu isbeddelay Mowqifka Dawladda ee ku aadan qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/nuur Maxamed Axmed ayaa Wararkaasi ku tilmaamay ku been Abuur ah, isaggoo Xusay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu wado Baaritaan ku saabsan Ilaha Wararkaan Been Abuurka ah Baahiyey. “Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah” Ayuu yiri C/Nuur Maxamed Axmed View the full article
  7. Gaalkacyo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Gaalkacyo uga qayb galay munaasabad soo dhawayn ah oo maamullada gobalka gobalka Mudug iyo degmada Gaalkacyo ay u sameeyeen. Duga magaalada Gaalkacyo iyo guddoomiyaha gobalka Mudug oo munaasabadda soo dhawaynta ah ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin booqashada uu Ra’iisul Wasaaruhu ku yimid magaalada Gaalkacyo iyo dadaalladiisa dhismaha Galmudug dhamaystiran, waxa ayna codsadeen in dowladdu wax ka qabto baahiyaha bulsho ee ka jira degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobalka Mudug. Waxgarad, Haween iyo dhallinyaro ka hadlay munaasabadda ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa deegaanka, waxa ayna u rajeeyeen in uu guul ka gaaro socdaalkiisa dhidibba u taagidda Galmudug loo dhanyahay. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay ayaa ballan qaaday in baahiyaha bulsho ee ka jira gobalka ay dowladdu ay ka jawaabeyso oo ay wax uga qabaneyso sida ay u kala daranyihiin. Ra’iisul Wasaaraha oo dhexda uga jira socdaalka lagu baadi goobayo dhamaystiraka dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug ayaa bulshada deegaannada uu tegay waxa uu la qaatay kulamo wadatashi ah, si loo helo Galmudug lagu wada qanacsanyahay oo qayb waliba oo bulshada kamid ah ay talo ku leedahay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  8. Xudur (SMN) – Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgallada ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. Generaal Odowaa ayaa sheegay inay si dardar leh ay ku socdaan howlgalladaasi oo uu jeedkoodu ku sheegay in Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay heystaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladii ugu dambeeyey ciidadamada dowladdu ay ku qabsadeen deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya, kuwaa oo uu ka xusay deegaanada Mooragaabey iyo Ceel La Helay oo ka tirsan gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Jimcaale-1.mp3 View the full article
  9. Qoraal lagu faafiyey barta facebook ee wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa waxaa lagu caddeeyey in maanta oo Arboco ah ay wasaaraddu shaacin doonto natiijada kama dambaysta [...] Source
  10. Hargeysa (PP) ─ Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa si adag u dhaliilay siyaasada gudaha ee xukuumada Muuse Biixi. Inj. Faysal ayaa sheegay in xisbiga UCID uu dabada ka riixayey heshiisyadii ay Kulmiye wada-galeen ee ku aadanaa qabsoomida doorashooyinka, isagoo xusay in Madaxweyne Biixi uu hor-taagan yahay inay doorashooyinkaas ka qabsoomaan Somaliland. Sidoo kale, Waraabe ayaa ka dhawaajiyay in xukuumada Muuse Biixi ay gebi ahaan ku fashilantay siyaasadii gudaha, isla markaana ay Somaliland wajahi doonto hoggan-xumo baahsan. Guddoomiyaha UCID, ayaa intaas ku daray in dadaalada ay xukuumada Biixi kawado dibadda ay uga mudan tahay inay hagaajiso siyaasaddeeda gudaha oo ku tilmaamay mid gabi ahaan joosatay. “Ma socoto, loomana jeedo doorasho inay qabsoonto, midii deegaanka waad arkaysaan, iyadoo sharci ku fadhiyin ayay shaqeynayaan, waa aanan horay u arag innagu. Doorashadii wakiilladana ma socoto, annaga UCID ahaan baa dabada-ka-riixayna, balse xukuumaddu uma jeeddo, Waddani baa diiday oo yiri guddiga doorashada la kala saaro, taasina xal ma noqonayso, sidoo kale mar-marsiyona ma noqonayso, xilkuna wuxuu saaran yahay xukuumadda uu hoggaamiyo Biixi,” ayuu Faysal ku sheegay hadalkiisa. Dhanka kale, guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in dadaallada ay waddo xukuumadda Biixi aanay waxba ka jiri doonin, hadidi ay shaqeyn waydo siyaasadda gudaha, waayo maamul wuxuu ka socdo waa gudaha ee kama socdo dibadda. “Shacabka Somaliland waxaan u sheegayaa in hawlihii xukuumadda ay gabi ahaan istaageen, waxaana sabab u ah taas madaxdii xukuumadda oo aan u soo jeedin ay wax ka qabtaan siyaasadda gudaha,” ayuu hadalkiisa ku daray Inj. Faysal Cali Waraabe. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa uga digay Muuse Biixi inuu dib u dhigo doorashooyinka oo uu waqtigooga ku qabto, isagoo xusay haddii ay doorashooyinkaas qabsoomi waayaan uu mugdi galayo maamulka guud ee Somaliland. PUNTLAND POST The post Faysal Cali Waraabe oo maamulka Muuse Biixi u jeediyay dhaliil, soona saaray Digniin appeared first on Puntland Post.
  11. Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Islaam] ayaa ka hadlay xaaladaha ka jira deegaannada uu maamulkiisu ka taliyo, isagoo sheegay in dhirta deegaannadaas lagu hayo xaalufin ba’an. Axmed Madoobe ayaa xusay in sababta ugu badan ee xaalufinta dhirta ay tahay iyadoo loo bedelo dhuxul, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dhirta la jarayo si aanu deegaanka ugu dhicin xaaluf sababa dhibaatooyin kale oo aan hadda loo jeedin. “Xaaluf ba’an ayaa deegaanka ku dhacay, waxaana sabab u ahaa dhirta oo la jarayo iyo dhuxusha, taasoo keentay inuu roobku yaraadu, waayo halkan dhul roob buu ahaa oo ay ku noolaayeen jireen maroodiga iyo duur-joogta kale,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku baaqay in laga wada-hortago kuwa dhirta xaalufinta ku haya, wuxuuna la barbar dhigay Al-shabaab oo uu xusay inay dagaal adag kula jiraan, kuwa dhirta jarana ay dagaal la mdi ah la geli doonaan. “Waxaa loo baahan yahay inaan u midowno kuwa dhirta jaraya ee dhuxusha u bedelayo, sida aan ugu midownay kooxda Al-shabaab oo kale,” ayuu mar kale hadalkiisa ku daray madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland oo hadalladiisa ay ka muuqatay caro. Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in qofka dhirta jaraya loo arko sidii qof jaraya risiqa qof kale oo Soomaali ah, wuxuuna xusay in dhuxusha ay dhibaato weyn ku tahay dadka iyo deegaanka, ayna doonayana inay ka hortagaan cid walba oo doonaysa inay dhirta dhuxul u bedesho. Madaxweynaha Jubbaland ayaa hadalkan jeediyay isagoo booqsaho gaar ah ku maraya deegaanka Cabdalla-biroole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxaana booqashadan loo arkay inay qayb ka tahay ololihiisa doorashada dhawaan ka dhici doonta magaalada Kismaayo. Ugu dambeyn, Hadalka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa meesha ka saaraya hadallo horay loo sheegay oo ahaa inuu isagu qayb ka yahay dhirta loo bedelayo dhuxusha uuna dekedda Kismaayo ka dhoofiyo dhuxul fara badan oo loo ganacsi geeyo dalalka Khaliijka Carabta. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inay la dirirayaan kuwa dhirta u beddela dhuxusha appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Sirdoonka dalka Kenya ayaa shaaciyey inay heleen xog cusub oo sheegeysa in Al-Shabaab gudaha dalkaasi ay la galeen walxaha qarxa. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay abaabulayaan weeraro hor leh oo ay ka geystaan qeybo ka mid ah dalka Kenya. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in la qorsheynayo in weeraradaasi ay dhacaan midkood July ama August ee sanadkan. Laamaha amniga, gaar ahaa sirdoonka Kenya ayaa intaasi ky daray in weeraradaasi lala damacsan yahay goobaha Dalxiiska ama meelaha ay dadka ku badan yihiin ee dalkaasi. Kenya ayaa shacabka ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka taxadaraan amnigooda. Sirdoonka dowladda Kenya ayaa dhowr jeer soo saaray digniino ka dhan ah Al-Shabaab oo weeraro xoogan ka geysta dalkaasi. Weeraradii ugu waa weynaa ee Kenya ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah weerarkii Westgate Mall 2013-kii , weerarkii Empkatoni ee 2014-kii, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015-kii iyo weerarkii Dusit D2 ee 2019-ka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay 3 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Hoteel Naasa-Hablood2 ee M/Muqdisho ,28,Oct sanadkii 2017,kaasi oo khasaare dhaliyay. Hadaba halkan ka akhriso: Habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda. Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:- 1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud. 2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo 3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale. Taariikhdu ahayd 30/05/2018 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017. Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa. WABILAAHI TOWFIIQ View the full article
  14. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Golaha degaanka magaalada Birmingham ee waddanka Ingiriiska ay dal madax-bannaan u aqoonsadeen maamulkiisa Somaliland. War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi oo ku hadlaya magaca Somaliland uu hambalyo iyo mahad-naq u jeedinayo Golaha degaanka Birmingham oo dal madax-bannaan u aqoonsaday Somaliland “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumadda iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu halkan hambalyo iyo mahadnaq uga dirayaa Golaha Deegaanka Birmingham iyo guud ahaanba shacabka ku nool oo 08-07-2019, ku dhawaaqay inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan” aya lagu yiri war-saxaafadeedka. Sidoo kale madaxweynaha Somaliland ayaa amaan u jeediyay Golaha degaanka Birmingham oo uu sheegay in ay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini’aadanimo oo aad u qiima badan kadib markii sid uu sheegay ay dal madax bannaan u aqoonsadeen maamulka Somaliland. “Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Birmingham waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan ahmiyadda weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa” ayuu sii raaciyay. Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee dhanka dal madax-bannaan isagoo Beesha Caalamka ka codsaday in ay tix-geliyaan oo ictiraaf siiyaan Somaliland. “Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu beesha caalamka ka codsanayaa inay xaqiiqsadaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo xukuumadda Somaliland mudada 28ka Sanno ah ee ay ku buuxiyeen dhammaan shuruudihii dalnimo iyo dawlad madax-bannaan oo ay u dhanyihiin haykalkii dawladnimo”. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo sheegay in Somaliland laga aqoonsaday magaalo ku taalla dalka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa todobaadyada soo sovs wuxuu markale u safari doonaa Dal kale oo aan wali la shaacin. Wararka ay Puntlandi.com [...] Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa ka tanaasulay ka qayb-galka doorashada Galmudug ee sanadkaan 2019 kadib kulamo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xaaf oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Sii-hayaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame, iyo masuuliyiin kale ayaa la isku raacay in Madaxweyne Xaaf uusan kamid noqon tartanka Madaxwweynaha Galmudug ee doorashada sanadkaan 2019. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, Axmed Ducaale Geelle ayaa la sheegay in uu qaatay malaayiin lacag ah oo qayb ka aheyd heshiiskii uu la galay dowladda Soomaaliya kaas oo lagu gaaray magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud. Lacagta la siiyay Madaxweyne Xaaf oo lagu kala qaatay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la bixiyay habeenkii uu warqadda soo saaray Madaxweyne Xaaf ee ku beegneed 3-dii bishaan. Warqadaas waxaa ku qornaa in wixii hadda ka dambeeya dooraashada Galmudug iyo Shirka dib u heshiisiinta ay garwadayn ka tahay Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya. Dadka aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in Xaaf uu hadda ka dhamaaday Arimaha Galmudug islamarkaana uu saxiixay heshiis ah in uusan ka qaybgali doonin tartanka Galmudug wixii hadda ka dambeeyana ay maamusho dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Xukuumadda Soomaaliya ee Xaaf siiyay lacagtaan oo lagu sheegay in ay ka badan tahay 3 milyan oo dollar ayaa Madaxweyne Xaaf u ballan qaaday in xil muhiim ah loo magacaabi doono dad uu wato.. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa hore meesha uga saaray Madaxweynihii Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan kadib markii ay saareen cadaadis taas oo markii dambe sababtay inuu Iscasilo kana tanaasulo doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-subax-10072019.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dambeeyey weerarkii 28 October sanadkii 2017 lagu qaaday Hoteelka Naasa-Hablood2 ee magaalada Muqdisho. Ragga la xukumay oo gaarayey illaa saddex ayaa la sheegay inay fuliyeen weerarkaasi oo dhaliyey khasaare leh dhimasho iyo dhaawac. Saddexda qof ee la toogtay ayaa kala ahaa: Farxaan Maxamed Samatar, Cabdinaasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule. Halkan hoose ka aqriso habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda. Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:- 1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud. 2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo 3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale. Taariikhdu ahayd 30/05/2018 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017. Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa. WABILAAHI TOWFIIQ Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Somalia government has denied reports that it opted to resolve its maritime boundary dispute with Kenya out of court. Source: Hiiraan Online
  20. Dawlada Somalia ayaa saaka oo Arbaco ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex eedeysane oo rag ah kuwaas oo loo heystay ka qeyb-qaadashada weerar lagu qaaday hotelka Naasa-Hablood 2 ee magalada Muqdisho. Weerarkaas ayaa hotelka Naasa-Hablood 2 waxaa lagu qaaday taariikhdu marka ay aheyd 28kii bishii Octoobar ee sanadkii 2017, waxaana ka mid ahaa dadkii weerarkaasi ku dhintay wasiirkii arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed. Ragga saaka dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabaa: 1 : Farxaan Maxamed Samatar 2 : Cabdi Naasir Dhaqane 3: Abshir Maxamed Xaaji. Horraantii sanadka 2018 ayay maxkamada ciidamada qalabka sida xukun dil ah ku ridday saddexdan ragga ah, iyagoona ugu dambeyn saakay xukunka dilka toogashada ah lagu fuliyay. Qaran News
  21. NEW YORK -- The NBA will stage its latest Basketball Without Borders Africa camp in Senegal later this month, the organization revealed on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhawaan ka baxay ballan uu la galay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha daga magaalada Muqdisho, taas oo ku saabsaneed go’doonka Gobalka Banaadir. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu damacsanaa in uu fuliyo ballantii uu la galay odayaasha balse uu ka diiday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ra’iisul Wasaare Kheyre, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in uu dib u dhigo ballanta odayaasha muddo aan la cayimin isagoo usoo bandhigay sababo badan oo muujinaya in laga baxi karo balantaasi. Sida aan xogta ku helnay, Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku yiri. “Muadne Madaxweyne intii ay dadka naga dhiman lahaayeen, hanaga dhibtoodaano.” Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaatay talada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxayna ku balameen labada Mas’uul in cabashada odayaasha lagu wareejiyo Xasan Cali Kheyre. “Haddii ay ku yimaadaan odayaasha dhaqanka u soo wareeji xafiiskayga aniga ayaa qaabili doono” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo baajiyay balan uu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay noo sheegeen xubno ku dhow xafiiska madaxweynaha. Kulankaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhacay maalin ka hor inta uusan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ka bixin magaalada Muqdisho una safrin Galmudug. Lama oga halka uu ka dambeyn doono Jawhareerka ka jira magaalada Muqdisho iyo loolanka u dhaxeeya odayaasha iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan go’doonka Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Nicki Minaj Nicki Minaj oo ka mid ah fannaaniinta dumarka ah ee caanka ah, ayaa baajisay bandhig lagu casuumay oo todobaadka soo socda ka dhacaya dalka Sacuudiga, iyadoo sheegtay inay dooneyso inay taageero u muujiso xuquuqda dumarka iyo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Talaabadan ay ku baajisay ka qeyb galka bandhiga ka dhacaya magaalada Jeddah ayaa timid, kadib markii dad ay walaac ka muujiyeen rikoorka ka yaala dalkaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Dadka qaar ayaa su’aalo iska weydiinayay sida ay uga soo hor muuqan doonto boqortooyada lagu yiqaano asturnaanta iyo illaalinta dhaqamada diinta islaamka, maadama ay fanaanadan baneyso qeybo badan oo jirkeeda ka mid ah. Sacuudi Carabiya ayaa isku dayaysay inay furfurto xanibaada ay saartay madadaalada si loo hormariyo qeybta madadaalada.Tallaabada oo qeyb ka ah isbadal bulsho iyo mid dhaqaalaba. Waxaa aad isha looga haayay xaalada xuquuqda aadanaha ee wadankaasi, taas oo ka sii dartay ka dib dilkii saxafiga Jamal Khashoggi oo lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii October. Bishii Maarso, boqortooyada ayaa dhaleeceyn kale la kulantay kadib markii ay xirtay 10 haween oo u dhaq dhaqaqa xuquuqda aadanaha. “Inkastoo aan rabo inaan taageerayaasheyda Sacudiga aan u qabto bandhig faneed, hadana waxaan ogaaday inay muhiim tahay inaan si dhab ah u muujiyo taageerada aan u hayo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, xuquuqda dumarka iyo xorriyatul qowlka”ayay tiri Nicki Minaj. Jimcihii la soo dhaafay, Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa warqad u dirtay Minaj, iyagoo ka codsaday in aysan ka qeyb galin bandhiga lagu casuumay ee dhacaya 18-ka July. Hay’ada waxay ugu baaqday in ay “diiddo lacagta dawladda” oo ay fursada ku siideynta 10-ka haween ee u dhaq dhaqaaqa arimaha xuquuqda aadanaha oo xabsiga ku jira. Toddobaadkii hore, qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha isgaarsiinta bulshada, ayaa go’aankeeda ku aadan ka qeyb galka bandhig faneedka ku tilmaamay inay munaafaqnimo tahay maadaama dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda laga mamnuucay Sacuudi Carabiya. Qaran News
  24. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay safiirka Ingiriiska u fadhiya Mareykanka inuu yahay nin doqon ah oo aanan fakarin. “Waa nin doqon ah” ayuu yiri Madaxweyne Trump, xilli Ingriiska iyo Mareykanka ay ka dhex taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay Emailo soo shaac baxay. “Waa in uu ka hadlaa arrimaha ka taagan dalkiisa iyo Ra’iisul wasaaraha UK, May guuldarrada ay kasoo hoyisay arrinta ka bixidda Midowga Yurub, wax dan ah kama gelin dhaleeceenta lii jeedinayo si kastaba ha u xumaadeen ” ayuu yiri Trump. Hadalkan Trump ayaa kusoo beegmaya xilli xafiiska Downing Street ee looga taliyo dalka Ingiriiska uu soo saaray war murtiyeed lagu sheegay in Ra’isulwasaaraha Britain Theresa May ay kalsooni buuxda ku qabto safiirka u fadhiya Maraykanka, inkasta oo madaxweynaha dalkaas Donald Trump uu sheegay in uusan la shaqayn doonin Sir Kim Darroch. Axaddii ayay aheyd markii ay bannaanka usoo baxeen Emailo muujinayaa aragtida uu safiirka ka qabo maamulka Trump, isaga oo ku tilmaamay mid qalalaase ka samaysan, islamarkaasna ay wax badan ka qaldanyihiin. Safiirka Ingiriiska u fadhiyo Mareykanka Sir Kim ayaa la sheegay in uusan kulan la qaadan doonin gabadha Trump, Ivanka, kulankaas oo la qorsheeyay maanta, sida loo sheegay BBC. “Safiirka waalan ee UK ee sanka laga galiyay Maraykanka ma ahan qof aan ku faraxsanahay, waa mid doqonimada ay ka tan badatay” ayuu ku yiri bartiisa Twitter-ka. Theresa May ayaa safiirka ku tilmaamtay nin daacad ah oo runta ka sheega waxa uu arko ama dareemo. Hadalka Trump ee ah ‘lama shaqayn doono Kim’ ayaa ka dhignaan kara in danjiraha si rasmi ah looga eryay Maraykanka, lana siiyay waxa loo yaqaano Persona Non Grata. Qaran News
  25. Maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka oo Arbaco ah xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo ku eedaysnaa weerar sannadkii 2017 lagu qaaday hotelka Naasa-hablood 2 ee Magaalada Muqdisho. Saddexda nin ee saaka Maxkamaddu xukunta dilka ah ku fulisay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Farxaan Maxamed Samatar Cabdinaasir Dhaqane Xassan iyo Abshir Maxamed Xaaji oo sida maxkamaddu sheegtay dhammaantood lagu helay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab islamarkaana ay fuliyeen weerar ka dhacay Hoteel Naasa-hablood 2. Weerarka lagu qaaday hoteel Naasa-hablood 2 oo dhacay 28-dii October 2017 ay xilligaasi mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab ayaa waxa ku dhintay 18 ruux waxaana ku dhaawacmay in ka badan 40 kale . Halkan hoose ka akhriso xukunka ku dhacay Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:- 1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud. 2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo 3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale. Taariikhdu ahayd 30/05/2018 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017. Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa. WABILAAHI TOWFIIQ PUNTLAND POST The post Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo xukun dil ah ridday appeared first on Puntland Post.