Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo ka hadlay kulankii Agaasimayaasha Wasaaradaha Dawladda ayaa yiri "hay'adii aanu ka wayno lacagta Cashuurta dacwad [...] Source
  2. Madaxweynaya Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda UNICEF oo uu hogaaminayo Madaxa Soomaaliya ee Hay’addaasi [...] Source
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta Kenya ayaa warbixin ka qoray wax u muuqda bahdil ay dowladda federaalka Soomaaliya ku sameeneyso dowladda Kenya. Wargeyska The Standard ayaa qoray in Kenya ay muddo laba bil ku dhow ay Soomaaliya ka sugeyso jawaab balse ilaa iyo hadda aan wax war ah lasoo siin, taasi oo Kenya ay ka carrootay. Jawaabta Kenya ay Soomaaliya ka sugeyso ayaa la xiriirta kulan saddexdii bishii April magaalada Nairobi ku dhex-maray wasiirada arrimaha dibedda Kenya iyo Soomaaliya, Monica Juma iyo Axmed Ciise Cawad. Kulankaas ayaa sida la sheegay labada dhinac ay isku raaceen dhowr qodob oo la diiwaan geliyey, hase yeeshee Kenya ayaa kadib qodobadii kulanka lagu diiwaan geliyey u dirtay Soomaaliya, si ay usoo xaqiijiso una soo ogolaato, si markaas kadib loo shaaciyo. Si kastaba, Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda wax jawaab ah laga hayn, sida ay Kenya sheegtay, waxaana Kenya ay ku eedeeneysaa Soomaaliya inaysan dooneyn xiriir wanaagsna iyo wada-hadal. Ilaa iyo hadda ma cadda sababta Soomaaliya aysan usoo ansixin qodobada kulanka, balse waxaa la rumeysan yahay inaysan ku qancin habka Kenya ay u dhigtay, oo ay ku jireen waxyaabo aan laga wada-hadlin. Sidoo kale, dowladda federaalka ayaan marnaba ogoleyn in wax gor-gorton ah ay ka gasho muranka biyaha, taas oo ay horay u sheegtay in ay war sugi doonto kaliya go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Kenya ayaa wal wal xoogan ka qabta kiiskan, waxaana Khuburo dhinaca Badda iyo Diblomaasiyadda ah ay horay u sheegeen in ay u badan tahay in Kenya looga guuleysto dacwadda haatan ka furan Hague. Dhinaca kale Aqooyahan Cabdullaahi Nuur Xaashi oo dagan magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa carabka ku dhuftay in Kenya ay ogaatay, kadib sahmin ay sameysay, Kheyraadka faraha badan ee ku jira biyaha lagu muranan yahay, sidaasina ay ku damaacineyso Badda Soomaalia. Aqooyahankan oo la hadlay mid ka mid Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Shidaalka dabiiciga ah ee ku jira Biyaha uu ka fudud yahay marka la soo saarayo kan bariga, taasina ay qeyb ka tahay waxa Kenya ku riixaya sheegashada biyaha Soomaaliya. ICJ ayaa la filayaa in go’aan kama dambeys ah ay ka soo saarto kiiskan dhammaadka sanadkan 2019-ka, si ay ugu kala baxaan dacwaddaasi Soomaaliya iyo Kenya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  4. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-27 ee Juun, 19, 2019, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeenka ku meel gaarka ah ee [...] Source
  5. Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa Ansixiyey maanta Sharciga maareeynta maaliyadda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda,kaasoo horey laba Akhrin usoo maray. Kooramka Mudanayaasha golaha shacabka ee BFJS waxaa uu ahaa 141-Xildhibaan,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waxaa Codka Haa ku ogolaatay 135 xildhibaan, 6-Xildhibaan mudane ayaa diiday mana jirin xildhibaan ka aamusay,sida uu natiijada codeynta uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraji ayaa xildhibaanada golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan. Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in maadaamaa maalmihii lasoo dhaafay joogta noqotay xildhibaanada kulamada golaha ka maqan aan marnaba loo dul qaadan doonin Xildhibaan ka maqnaada kulamada golaha, islamarkaana Xildhibaankii sabab la’aan maqnaada kulamada golaha ay la tiigsan doonaan xeer hoosaadka golaha shacabka. View the full article
  6. Bonn (SMN) – Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa oo ku sugan magaalada Bonn ee dalka Jarmalka ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Federaalka Jarmalka oo u hoggaaminayay Madaxa Bariga Africa ee wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Jarmalka,Niels Breyer. Wasiir Sadiiq Warfaa iyo mas’uuliyiinta wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Jarmalka oo uu qeyb ka ahaa u qeybsanaha Soomaaliya ee wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Jarmalka ayaa ka wada-hadlay sidii Jarmalka uu uga caawin lahaa Soomaaliya dib u howlgallinta iskuulladii farsamada gacanta iyo machadka Sidam ee lagu tababbaro shaqaalaha, waxaa intaa dheer oo wasiirka uu kala hadlay dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sidii loogu heli lahaa shaqo abuur. ” Waxaan mas’uuliyiinta Jarmalka u sheegnay dadaallada socda iyo sida ay noogu go’antahay dhallinyarada inay shaqooyin helaan, waxaan u bandhiggay inay gacan naga siiyaan dugsiyada farsamada sidii dib loogu howlgalin lahaa arrinta oo Jarmalku uu horay uga caawin jiray Soomaaliya.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa. ” Waxaa kalo aan u sheegnay shaqo abuurka inay u baahantahay shaqaalo xirfad leh si taas loo gaarana inay gacan naga siiyaan dib u howlgalinta machadka Sidam ee lagu tababbaro shaqaalaha.” ayuu ku daray. Madaxa Bariga Africa ee wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Federaalka Jarmalka,Niels Breyer ayaa soo dhaweeyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta bulshada, isagoo marka ballanqaaday si dhow inay ula shaqeyn doonaan xukuumadda Soomaaliya. Waxaa kalo uu rajo ka muujiyay si dhaqso ah inuu Jarmalka usoo celiyo doorkiisii ku aaddanaa taageerada uu dowladda Soomaaliya ka siin jiray horumarinta farsamada gacanta. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa toddobaadkii u dambeeyay kullamo ku qaadanayey dalalka Switzerland iyo Jarmalka, isagoo magaalada Geneva kaga qaybgalay shir-weynaha shaqaalaha adduunka, waxaana muddo 33 sanno kaddib ay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay dib ula soo laabato codeyntii ururka shaqaalaha adduunka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  7. With the aim of easing its import-export trade logistics, Ethiopia today officially inaugurates 220 kilometers toll road that links eastern part of Ethiopia’s city – Dire Dawa with Dewale city bordering Djibouti. Source: Hiiraan Online
  8. The crown prince of Saudi Arabia should be investigated over the murder of the dissident journalist Jamal Khashoggi because there is “credible evidence” that he and other senior officials are liable for the killing, according to a damning and forensic UN report. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo la hadlayay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay xiriirka haatan ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sheegay in uu soo hagaagayo xiriirka labada dal, isaga oo bar bar dhig ku sameeyay, sida uu ahaa labadii sano ee la soo dhaafay. Khayre ayaa ayaa tilmaamay in iskaashi leh dhinacyo badan uu ka dhaxeeyo labada dowladood. Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in dhawaan Mareykanku uu dib u furanayo xafiisyadii uu ku lahaa Soomaaliya, xilligii dowladda dhexe ee dalka. Dhinaca kale kulan uu la yeeshay Ra’iisul wasaaruhu madax ka tirsan hay’adda USAID ayaa waxa ay kaga wada hadleen arrimo dhowr ah, sida Siyaasadda, Ammaanka iyo arrimaha Deyn cafinta Soomaaliya. Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo qaaday, sidii loo dhaqan gelin ahaa heshiisyo horay u dhex maray labada dowladood. Mareykanka ayaa dowladda federaalka ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Kooxda Shabaab, waxaana ciidamo lagu qitaaso 500 illaa 600 ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo gacan siiya Ciidamada Milatariga Soomaaliya. Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa inta badan duqeyn dhinaca cirkaah ka fulisa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. NAIROBI — The U.S. government reopened a permanent mission of the U.S. Agency for International Development in Somalia on Monday, 28 years after it closed when civil war led to the collapse of the central government. The decision to reopen a mission, according to USAID, was fueled by the Somali government’s “commitment to meaningful reform and re-engagement with the international community.” The United States is the largest donor of humanitarian assistance to Somalia, providing nearly $672 million since 2018, according to USAID. This move is part of a series of steps taken by the U.S. government to revive ties with the East African nation. Last year, the U.S. government reestablished a permanent diplomatic presence in Somalia, which was also severed in 1991. “We want to help advance peace and stability, strengthen governing institutions, and help create the conditions for economic investment and growth,” said USAID Administrator Mark Green during a ribbon cutting ceremony in Mogadishu on Monday. ‘Political dimension’ But the reopening of the USAID mission also has a “very political dimension,” said Matt Bryden, strategic adviser to Sahan, a Somalia-focused think tank. It could be used to bolster the central government’s dismissal of federal member states, he said. The Federal Government of Somalia was established in 2012 under a provisional constitution, with six member states, including Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabelle, South West State, and Jubaland. It also includes an administrative region in Mogadishu, where the central government is located. Despite international efforts to stabilize the country, the central government in Mogadishu still has limited reach. The relationship between these member states and the central government is tense, with disagreements including how the central government has handled security, how much autonomy should be given to member states and how foreign aid should be distributed. “Under the current administration, we’ve seen a very highly centralizing, monopolistic approach to this state-building process, which has alienated most of the federal member states, and much of the population,” Bryden said. This political impasse has “continued to hamper progress on key political and security processes,” according to a U.N. Security Council report from May. Moving the USAID office from Nairobi, Kenya, to Mogadishu would have symbolic implications that could increase tensions between the central government and member states, Bryden said. “The U.S. is widely perceived as one of the most supportive Western partners of a centralist approach that encourages the federal government to feel that it can ignore the provisional constitution and get away with dismissive relations with the federal member states,” he said. “The opening of a USAID office is likely to reinforce the impression that the federal government has the wind at its back and can count on external financial largesse.” Elections, security, debt relief General elections are expected to be held next year in Somalia — the first popular vote in the country since 1969. The current president was elected by members of parliament. The African Union is also transitioning out of its security role, with the Somali security forces expected to take over this responsibility. The country is also seeking debt relief. “The most constructive thing external powers can do is encourage the federal government to engage with the federal member states and negotiate the completion of the transition,” Bryden said. Green, during a press conference in Nairobi on Tuesday, said that the U.S. government has placed pressure on the central government to cooperate with federal member states in its conversations about reforms needed in order for Somalia to achieve debt relief. “A big part of that is making sure they are connected with, working with, listening to, and partnering with the external governments,” he said. “So that we have a government that represents not merely one part of the country, but the entire country. The prime minister made it very clear to us that he is committed to that.” Source: Devex.com
  11. Madaxweynaya Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda UNICEF oo uu hogaaminayo Madaxa Soomaaliya ee Hay’addaasi Mr. Werber Schultunk iyo Isuduwaha Hay’adda ICRC Puntland Emmanuel Lippolis. Kulamadaasi waxaa Madaxweynaha Puntland ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xassan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf iyo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jamac Dabaraani. Kulanka Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Hay’adda UNICEF waxaa looga wadahadlay mashaariicda horumarineed ee Hay’adda UNICEF ka waddo Puntland, waxaana ka warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jamac. “Madaxweye Deni wuxuu xarunta Madaxtooyada kula kulmay masuulka cusub ee UNICEF usoo magacowday Soomaaliya Mr Werber Schultunk iyo xubno ka tirsan saraakiisha Hay’addaasi, waxaa laga wadahadlay sidii loo wada-shaqayn lahaa iyo in UNICEF sii joogtayso mashariicda ay ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland”. “Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay madaxda UNICEF in waxqabadkooda ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanada ka jira ee ay soo gudbiyaan, taas oo uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay taasi, si looga jawaabo baahiyaha jira” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Isuduwaha ICRC Puntland Emmanuel Lippolis Iyo Madaxa Xafiiska ICRC Puntland Cabdifataax Fandhaal, waxaa ka warbixiyey kulankaasi Afhayeenka Madaxtooyada Puntland. “Madaxweyne Deni waxa uu isla xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay isu duwaha ICRC Puntland Emmanuel Lippolis oo fadhigiisu yahay Nairobi iyo madaxa xafiiska ICRC Puntland Mudane Cabdifataax Fandhaal waxaa laga wada-hadlay shaqada ay ICRC ka wado Puntland, shaqooyinka socda iyo sidii wada-shaqaynta muhiimka ah ee ka dhaxaysa Puntland iyo Hay’adda ICRC loo sii joogtayn lahaa”. Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay wafdi ka socda UNICEF iyo ICRC appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-27 ee Juun, 19, 2019, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeenka ku meel gaarka ah ee Degmada Buurtinle. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Is casilaaddii Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada Maamulka Degmada Buurtinle. Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Dihaal) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Buurtinle. 2. Waxaa Maxamed Cabdixakiim Geelle si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Buurtinle. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. -DHAMMAAD- The post Madaxweynaha Puntland oo maamul ku meel gaar ah u magacaabay degmada Buurtinle appeared first on Puntland Post.
  13. Wasaaradda amniga dowled gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntiland ayaa ku dhawaaqday in cid weliba oo ajnabi ah, oo soo galeyso deegaanada uu ka taliyo maamulkooda, gaar ahaan kuwa ka yimaada dalka dibadiisa laga doonayo fiiso. Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil, oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in arrintaan looga dan leeyahay in lagu sugo amniga deegaanada Puntland, waxa uuna intaas ku daray amarkaan inuu samaynayo qof waliba oo Ajnabi ah oo imaanaya deegaanada Puntland. Yuusuf oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri“ Annagu waxa aan ka hadnaynaa waxaa weeye dalka diyaarado laguma soo galo xuduudahana waa laga soo gala, waxyaabo badan ayaa jiro, waa inaan dalka koontaroolnaa amnigiisa iyo caafimaadkiisa waa wax aan xaq u leenahay, waana wax naloo idmaday”. Wasiir ku-xigeenka oo hadalkiisa siiwato ayaa carabka ku dhuftay in dadka Soomaaliyeed aanu quseynin sharcigaan Puntland ay waa jib ku tahay in ay ilaaliso xuduudaheeda“ Umadda Soomaaliyeed, annagu wax dal ku gal ah in ay Puntland ku soo galaan, waxaan kawada hadalnay maahan, Puntland xaq ayeey u leedahay in ay koontaroosho xuduudaheeda”. Dhanka kale, Yuusuf Maxamed Ismaaciil, ayaa ku booriyay dhammaan dowled gobaleedyada dalka ka jira in dadka dibadda ka imaanaya la koontaroolo caafimaadkooda iyo fayaqabkooda. “ Cid waliba oo maamul sheeganeysa , waan ku boorinaynaa in ay dalka xuduudihiisa adkeeyaan, oo wax waliba Soomaaliya khatar ku ah ee ka soo galaya”. Ugu daneyn wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Puntland aysan aheyn meel qofkii rabo uu iska soo galo ee ay tahay dowled dhisan.“ Meel la iska soo galo ma ahan, waa dowlad madaxweyne leh, national security leh, wadanka inta aan maamulno haddii aan koontaroolno, Soomaaliya inteeda kalena waan u sii gudbinaynaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday qaab cusub oo lagu xallinayo khilaafka xudduudaha badda ee kala dhaxeeya dalka Soomaaliya. Kenya ayaa sheegtay inuu raadinayo faragalinta Qaramada Midoobay ee xiisadda diblomaasiyadeed ee sii kordhaysa taasoo laga baqdin qabo inay saameym ku yeelato amniga gobolka. Sida laga soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in dalkeeda uu u qoray warqad Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan khilaafka badda ee Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa la sheegay in uu si rasmi ah ula wadaagay qoraalka Kenya 15-ka xubnood ee Gollaha amaanka, iyadoo lagu soo daray ajandaha uu ka doodayo. “Labo todobaad ka hor, arrinta (muranka badda xudduudaha), ayaa waxaa saxeexay Xoghayaha Guud ee QM maadaama muranka uu khatar ku keeni karo nabadda iyo ammaanka gobolka,” ayay tiri Juma. Bishii Febraayo ee sanadkan, Kenya waxay u yeertay safiirkeeda Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay ka soo horjeesatay Shirkii London, ee lagu soo bandhigay macluumaad la xiriira sahmin lagu sameeyay goobaha shidaalka uu ku jira ee xeebaha Soomaaliya. Sanadkii 2014-kii Soomaaliya ayaa dacwad ku aadan muranka xuduuda badda u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalada taasoo lagu wado inay dhawaan go’aan kazoo sartay kiiskan. Sannadkii 2017, Soomaaliya waxay ku guuleysatay kiiskii ugu horreeyay ee dacwadda badda ee hortaalla Maxkamadda ICJ. Soomaaliya waxay dooneysaa in maxkamadda ICJ ay go’aamisay muranka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka horyimid War-Saxaafadeed ay wasaaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ka soo saartay arrimaha doorashooyinka ee maamulka Galmudug. Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay in warka ka soo baxay wasaaradda uusan laheyn sal sharci ah oo la daliishado. Waxa uu tilmaamay in Galmudug ay leedahay Dastuur gaar ah, madax la doortay iyo maamul lagu heshiiyay. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in dowlad goboleedyada dalka ay xaq u leeyihiin in ay ku dhaqmaan awoodahooda, inta laga gaarayo is waafajinta Dasuurka ay gaarka u leeyihiin iyo kan dowladda dhexe oo uu xusay in ay ku cadahay qodobka 42-aad ee Dastuurka KMG. Mahad Salaad ayaa intaasi ku daray in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha aysan door toos ah iyo mid dadban ku laheyn faragalinta doorashooyinka dowlad goboleedyada hoos yimaada dowladda dhexe ee Soomaaliya. “Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xukuumadda Federaalka door toos ah iyo mid dadban midna kuma lahan faragelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada, War-Saxaafadeedka xalay saqdii dhaxe ka soo baxayna malahan wax sal sharci ah oo la daliishado” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad. Dhankiisa Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya. Fiqi ayaa marka hore ku tilmaamay warqadda ka soo baxday wasaaradda wax loo yaqaano yac-yacood oo dhexeeya bisayl iyo cayriin, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale uu xusay in aysan u cuskan qodob Dastuuri ah, islamarkaana ay ka gaabiyeen sanad iyo barkii la soo dhaafay khilaafkii ka taagnaa Galmudug. “Warqaddan ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha waa mid hareermarsan dastuurka dalka, sidaas ayayna wax kama jiraan ku tahay, tallaabo kasta oo damaca Farmaajo lagu fuliyana waa uun wax bulshada Galmudug sii kala qaybinaya, oo aan lagu gaari doonin u jeedooyinka gurracan ee laga leeyahay” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi. Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Galmudug in ay ka tashato madax uu ugu yeeray in ay kala qeybiyeen, iskuna direen mas’uuliyiinta maamulkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-28 ee Juun, 19, 2019, ku kala dirid Golaha Deegaanka ee Degmada Buurtinle. Madaxweynaha Dowladda [...] Source
  17. Nairobi (Caasimada Online)– Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xassan ayaa maanta la kulmay Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Somalia, Danjire Mehmet Yilmiz. Wasiir Eng Abdullahi Ali Hassan iyo safiirka ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka dhaqan, dhaqaale ee labada dal ka wada dhaxeeya iyo sidii loo horumarin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga warshadeynta. Sidoo kale, waxaa qeyb ka ahaa kulanka isdhaafsiga kheyraadka labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal. Safiirka Turkiga ayaa sidoo kale sheegay muhiimadda heshiiska dhaqaale ee TEPA (TEBA Agreement) kaas oo ah heshiis dhinacyo badan taabanaya sida; Maalgashiga iyo Ganacsiga, heshiiskan ayaa labada waddan ka wada xaajoonayeen soona bilaabmay 2018. Wasiirka ayaa safiirka ku ammaanay dadaalka dheeraadka ah ee uu Turkigu ka wado Somalia, waxaana dhanka kale uu wasiirku ballan qaaday inay halkaas kasii wadayaan xiriirka dhaw ee Wasaaraddu la leedahay dhiggeeda Turkiga. Ugu danbeyntii, Wasiirka ayaa amaanay taageerada dowladda Turkiga, isagoo tusaale usoo qaatay xiligii adkaa ee uu booqashada Muqdisho ku yimid madaxweynaha Turkiga iyo mashaariicda baaxadda leh ee ay ka fuliyeen Somalia, haddana dalka ka wado mashaariic kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Mohamed Abdullahi Ali left his home in Mogadishu four years ago and crossed to Kenya, hoping to find a safer and happier life in the refugee camps in Dadaab. Source: Hiiraan Online
  19. Qatar Charity (QC), with the support of people in Qatar, has inaugurated a mosque in the Somali capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  20. Kismaayo (SMM) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland ayaa maanta howlgallo ka sameeyay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka fuliyeen xaafado ka tirsan magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka baaritaanadan ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amniga Kismaayo. Dhinaca kale wasiirka wasaaradda amniga ee maamulkaasi C/rashiid Nuur Xasan (Janan) ayaa digniin adagay u diray Musharraxiinta ku sugan halkaasi. Wasiir Janan ayaa tilmaamay in aan loo baahneyn in Musharraxiinta ay cadow ka dhigtaan Ciidanka amniga, balse ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabad galyada. Dhawaan ayaa la filayaa in doorashada Madaxweyne iyo mida Baarlamaan ee Jubbaland ay ka dhacdo magaalo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. View the full article