-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u soo celiyaan heshiisyadii dowladdii dhexe la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sano ku dhaw dalka ka maqnaa. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal oo la hadlayay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay Shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi oo haatan ka baxay xaaladdii ku qasabtay in ay wadanka kaga baxaan tan iyo bur burkii dowladdi dhexe ee dalka, isagoo intaa ku daray inay aqbaleen in ay bixiyaan dhamaan xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sheegay in madaxda Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya. “Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil waxaa jirta qandaraasyo lala galay xilligi dowladdi dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xirmooyin, xirmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruuf” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka. Wasiir ku-xigeenka ayaa xusay in haatan ay madaxda shirkadaha aqbaleen heshiiska, maadaama dowladda ay ku guuleysatay inay meel mariso sharciga shidaalka, isla markaana ay ka soo jawaabeen baaqii Wasaaradda oo ahayd in shirkadihii caalamiga ahaa ee heshiisyada lala galay ay dalka dib ugu soo laabtaan. “Tani waxa ay muujineysaa in wadanka ay xasilooni ka jirto, taasi oo Soomaaliya guul u soo hooyatay ay u tahay, waana tallaabo lagu farxo in shirkado caalami ah oo sidan u waa weyn ay diyaar u noqdaan inay dalka dib ugu soo laabtaan” ayuu yiiri Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal. Heshiiskan ayaa waxaa Wasaaradda u saxiixay Wasiirka Batroolka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed. View the full article
-
Garissa (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidamada dowladda Kenya ay ku lahaayeen nawaaxiga magaalada Garissa gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal socday dhowr saacadood oo u dhexeeyay labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Saldhigga la wareeray ayaa ku yaallay deegaanka Yombis oo u dhow magaalada Garissa ee dhulka NFD. Al Shabaab oo war ka soo saaray weerarkaasi waxa ay sheegeen in dagaal ay kula wareegeen saldhig Ciidanka Kenya ay ku lahayeen halkaasi, islamarkaana ay ku soo furteen saanad Milatari, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa intaasi ku daraya in ay dab qabadsiiyeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Safaricom ay ku laheyd deegaanka Yombis, kadib markii ciidamadii ilaalada ka ahaa ay goobta ka baxsadeen. Dhanka kale taliska Ciidanka Booliska Kenya ayaa hadlay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Afhayeenka Booliska dalkaasi Charles Owino ayaa shaaciyay in ay iska caabiyeen weerar lagu soo qaaday ciidankooda, islamarkaana ay dileen illaa saddex ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya View the full article
-
Marka (SMN) – Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka ayaa saakay Al Shabaab kala wareegay deegaanno hor leh oo hoostaga Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidanka Danab ayaa hadda howlgallo baaritaanno ah kawada gudaha deegaanka Ceel-saliin oo ay saakay la wareegeen, kaas oo dhanka Waqooye 20-KM kaga beegan magaalada Marka ee xarunta gbolka Shabeelaha Hoose. Saraakiil ka tirsan kua xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidanka ay soo dhaweeyeen dadka deegaanka marka ay tageen halkaasi. Gobolka Shabeelaha hoose waxaa ka socda hawlgal baaxad leh oo ka dhan ah AlShabaab oo weli maamula deegaano hoostaga gobolkaasi. View the full article
-
One hundred twenty-six former Al-Shabaab combatants on Friday graduated from the Baidoa Rehabilitation Centre in Somalia’s South West State after completing an intensive rehabilitation programme. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-22062019.mp3 View the full article
-
Wararkii ugu dambeeyey wada hadalka Dowladda iyo Ahlu Sunna
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamlka Galmudug ayaa sheegayo inuu hakad galay wadahadalkii u dhaxeeyey wafdigii ka socday Dowladda iyo Madaxda Ahlu Sunna. Wararka ayaa sheegayo in dhawr jeer oo la isku laalaabtay aan weli la gaarin wax is afgarad ah. Dooda ugu badan ee labada dhinac ayaa ku saleysan: Lacagta ay Ahlu Sunna rabto in la siiyo oo gaareyso ilaa 4 Malyan taasoo culeys ku ah Dowladda Soomaaliya, waxayna halkaas geysay ilaa 2 Malyan, waxaana taas diiday madaxda Ahlu Sunna. Cidda lahaan doonto agaasimka Doorashada cusub ee dhici doonto, Ahlu Sunna ayaa dooneyso inay lahaato agaasinka doorashada cusub ee Galmudug haddii meesha laga saaro Xaaf, halka dowladdana ay iyada rabto. Inaan faragelin lagu sameyn karin awoodda dhanka Ciidamada Ahlu Sunna iyo maamulkooda taasoo u cuntami weysay Dowladda. In Ahlu Sunna ay yeelato xilalka ugu sareeyo Maamulkaas, waxaana arrintaas diiday Dowladda. Afartaas qodob ayaa ah xudunta Wadahadalka Ahlu Sunna iyo Dowladda, waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan inay wafdigii Dowladda ku laabteen meelihii laga dajiyey Dhuusamareeb. Wada hadalada ayaa hadda hakad ku jiro, waxaana la filayaa inay labada dhinac is hor fadhiistaan markii ugu dambeysay si loo gaaro natiijo. Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isku diyaariyey safar uu kaga tagayo Dhuusamareeb, waxaana duleedka Magaaladaas soo buux dhaafiyey ciidamo badan oo wato gawaarida Dagaalka kuwaas oo taabacsan Xaaf. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay soo dooneyn Madaxweyne Xaaf oo la qorsheynayo in safar dhulka ah uu ka gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com -
Senior Federal Government of Somalia (FGS) officials have expressed optimism that the country will hold peaceful and credible elections in 2020/2021 despite the political and socio-economic challenges facing the country. Speaking at the close of the four-day workshop on electoral security and dispute resolution, in Kampala on Thursday, the officials urged all government agencies involved in the preparations to work together to achieve universal adult suffrage. “I request parliamentarians in this workshop to advocate for ‘one-person-one-vote’ within the Senate and the house of the parliament to expedite the passing of the electoral law,” said the Chairperson of the National Independent Electoral Commission of Somalia (NIEC), Halima Ismail Ibrahim. Ibrahim said electoral law was critical in guiding preparations, implementation, and management of future elections, adding that parliament must urgently ensure the law is passed. Civil society groups have been pushing for the enactment of the electoral law, saying it will help enhance the participation of citizens in the country’s decision-making process. The chairperson of the Electoral Commission of Uganda, Justice Simon Byabakama, said in order for Somalia to deliver a ‘one-person, one-vote’ election, the NIEC must urgently come up with electoral locations to enable the Electoral Security Task Force to map out security threats and carry out the necessary risk assessment. “This will enable the task force to complete the drafting of the electoral security strategy and also come up with a clear action plan in a timely manner,” Justice Byabakama observed. He said Uganda’s Electoral Commission was ready to offer technical support to the NIEC and urged the international community to help Somalia organize her first universal adult suffrage elections since 1969. AMISOM Senior Political Officer, Hajji Ssebirumbi, said Somalia was on the right track to achieve secure, free and fair elections, saying electoral officials were working hard to achieve universal adult suffrage. “We are all aware that Somalia has not had this type of elections (‘one-person, one-vote’) for the last 50 years so the essence of planning, coordination and having a strategy in place is what we are working on at the moment,” added Mr. Ssebirumbi. The workshop also discussed the electoral disputes that may arise, using previous exercises, mainly the 2012 and the 2016 elections, as examples. Mr. Ssebirumbi said the workshop had come up with recommendations on electoral security, which will be reviewed by the government and partners before a final strategy is published. “Similarly there will be proposals that will be put forward on alternate dispute resolution mechanisms so that we can be able to prepare for free, fair, secure and credible elections in 2020/21,” he added. The Director General of the Federal Ministry of Internal Security, Yusuf Ali Mohamed, emphasized that the ministry will do everything within its power to ensure there are enough officers to secure all electoral areas. “We learned that the security forces needed training on human rights and other basic skills and also need equipment in order to perform their duties effectively. In the coming months we will train about 2 000 police officers to help secure electoral areas,” noted Mr. Mohamed. Dr. Abdi Fatah Tahir, a member of the federal parliament, expressed hope that the 2020/2021 elections will be successful, saying the officials have learned positive lessons from several African countries that experienced similar challenges to what Somalia is currently facing. “We had good lessons and we can now start forming the Electoral Security Task Force for Somalia and also understand the relationship between the judiciary, the NIEC, and the forces and how they can mitigate electoral disputes,” Mr. Tahir added. The four-day workshop, which commenced on Monday, was organised by the African Union Mission in Somalia (AMISOM). View the full article
-
Three Al Shabaab militants were on Friday night killed by police during a raid at a Border Patrol Unit (BDU) in Garissa County. Police Spokesman Charles Owino said the attack occurred at Yumbis in Fafi Constituency last night when Al Shabaab militants crossed over from Somalia. They are reported to have destroyed a communications mast that serves the region, before they launched the attack at the police unit, leading to a fierce shoot out. “Three Al Shabaab attackers were killed during the incident,” Owino said, “but our officers did not suffer a casualty.” Owino says apart from three of the attackers who were killed, several others are thought to have escaped with serious injuries but there was no casualty on the officers. The incident comes a week after 12 police officers were killed in Wajir when their vehicle ran over an Improvised Explosive Device (IED) at Konton area near the Somalia border. View the full article
-
Berbera,(Qaran news)-8 Markab oo sida raashin iyo bagaash ganacsi oo faro badan oo ay lahaayeen ganacsato reer Somaliland ah iyo kuwo Itoobiya u socdayba ayaa dekada dekada Berbera dib uga laabtay kadib markii ay diideen in ay bixiyaan lacag ay ku sheegeen xad dhaaf oo lagu soo rogay markab kasta oo ku soo xidhanaaya dekada Berbera. Maraakiibtani qaar dekada markii ay ku soo xidheen dib ayay uga laabteen dekada markii ay diideen lacagta lagu soo rogay ee la kowsatay xukumadda Muuse Biixi xaga kuwo kalana badweynta dib uga laabteen Hadaba shirkaddani lacagta guranaysa ayaa lagu magacaabaa Somaliland documentation and Control declared, Accounka lacagta loogu shubayana waxa ku qoran Somaliland Maritime Security Organization, waxna ay lacgtaasi ku dhacaysaa dalka Jabuuti, waxna dalka Jabuuti lagala soconayaa dhaq dhaqaaqa dekada Berbera iyo markab kasta oo soo galaaya ama ka baxaaya. Sida ay doonto ha ahaatee, waxa maraakiibtani joojisay imaatinka Berbera ee maceeshadii iyo bagaashkii dalka galaayay dib ula laabtay ay soo kordhin doontaa sicir barar iyo nolosha oo ku qaali garawda dadka danyarta ah iyo masaakiinta oo hadaba la daalaa dhacaaya sicir barar iyo gaajo. Dhanka kalana ilaa hada lama garanaayo cidani uu Muuse Biixi ku naas’nuujinaayo mashruucani dhiig miiratada ah. Mid ka mid ah shirkadaha maraakiibta ah ee la laabtay alaabtii rarka ahaa ee ay sideen ayaa sheegay in ay ku badanyahay lacagtaasi lagu soo rogay, waxana ay Xuseen hadii 5 boqol oo doolar la na odhan lahaa macquul ayay ahaan lahayd. Qaran News
-
At least ten people were reported to have been killed and scores wounded in a renewed inter-clan fighting erupted in central Somalia. The battle ensued in Wardheer, a small rural town located some 60 kilometers away from Mataban district in Hiran region and both warring clan militiamen exchanged heavy and small weapons. The situation is tense and local residents are in panic for the ongoing combat which could force hundreds to flee their houses if the local authorities fail to intervene in the skirmish swiftly. The fight is over a dispute and clan vendetta. The Horn of Africa country is suffering from a severe drought that continues to push the aid-dependent nation closer to a full-blown famine. View the full article
-
Somalia’s Minister for Interior and Federal affairs, Abdi Mohamed Sabriye, is in Dhusamareb, the administrative capital of Galmudug regional state for talks with leaders. The Minister held a meeting with Galmudug Chief Minister and Ahlu Suna spiritual leader, Sheikh Mohamed Shakir, on Friday. The meeting focused on the difference between the Federal Government and Galmudug leadership that is deeply rooted in upcoming regional state elections. Galmudug leader, Ahmed Duale Gelle Haaf, is expected to meet the visiting Interior Minister and his delegation for further discussions. Somalia’s Interior Ministry on Thursday called upon Dhusamareeb based regional state to conduct elections before 4th July to strengthen the democratic process. View the full article
-
Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland National Elections Commission (NEC) held a meeting in Hargeisa with all the stakeholders and donor nations to update the state of readiness for the prospective parliamentary and local elections slated for December 12th, 2019. The Commission gave a presentation on the current state of readiness and the tools to be used with regard to voter registration, ballots, election security and voter fraud. The NEC hopes to hold a mock voter registration drive in the coming weeks. Meanwhile, two of Somaliland’s political parties Kulmiye and UCID appeared to be ever more ready to hold a two party elections in Somaliland. This would be in-contravention of the constitution and would not be a legal or a binding election. UCID chair Faisal Ali Warabe and Kulmiye deputy-chair, Mohamed Kahin Ahmed, spoke to the media after their meeting with the NEC and stressed their believe that a two party election in Somaliland, in their opinion, is eminently feasible. Somaliland’s main opposition party, Waddani, has previously decried any attempts to try and hold a two party elections in the country. The party is still standing firm in it’s position pertaining to the current elections commission, and appear to be unwilling to compromise on their opposition to the current NEC holding any further elections in Somaliland. There seems to be a case of brinkmanship going on between the Somaliland political parties, which is not in the interest of the nation and it’s democratic stature. It would seem that the need for dialogue between all the parties and institutions, with free and frank discussions and a consensus that puts the interest of the country above political considerations is paramount. Qarannews.com Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo aad u hubeysan oo taabacsan Madaxweynaha Galmudug Axmed Duucaale Geelle (Xaaf) oo ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay gaareen duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay soo dooneyn Madaxweyne Xaaf oo la qorsheynayo in safar dhulka ah uu ka gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciidamadani ay xalay ku hakadeen magaalada Galinsoor, islamarkaana saaka ay soo gudbeen deegaanka Mareergur oo hoos yimaada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgauud. Dhanka kale warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu-Sunna ay dhaq dhaqaaqyo dhankooda ka bilaabeen gudaha Dhuusamareeb iyo nawaaxigeeda. Dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, xilli 24-kii saac ee la soo dhaafay xiisado siyaasadeed oo xoogan ay ka taagnaayeen deegaanada maamulka Galmudug. Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku sugan Dhuusamareeb, kuwaas oo kulamo siyaasadeed ka wada halkaasi. Weli waxaa sii xoogeysanaya is jiidka u dhexeeya madaxda Galmudug iyo dowladda dhexe oo dooneyso in is bedal uu ka dhaco maaamulkaasi. Lama oga halka uu ka dambeyn doono khilaafkan oo cuuryaamiyay howlihii Galmudug, tan iyo markii la dhisay maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Duusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Duusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamada oo ahaa kuwa is daba joog ah ayaa waxaa yeeshay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye. Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada ee maamulkaasi. Ilo ku dhow kulamadaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in Shaakir iyo Sabriye ay isku afgarteen inta badan waxyaabihii ay ka wada hadleen. Dowladda Soomaaliya ayaa haatan u maaqata in ay dabin lama filaan ah u dhigtay Madaxweyne Xaaf, islamarkaana uu ku dhacay. Sidoo kale dowladda ayaa wata qorshe ay kula heshiineyso Ahlu-Sunna Waljamaaca. Dhinaca kale Xaaf ayaa illaa iyo hadda wax kulan ah la qaadan wasiirka arrimaha dowladda Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dhinacyada isku haya siyaasadda Galmudug ayaa kala taagan qir iyo qir, waxaana xaaladdu ay ka sii dartay markii dowladdu ay ku dhawaaqday in la qabanayo doorashada maamulkaasi. Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ay socdaan dadaallo xoogan oo looga arrinsanayo xiisadaha ka aloolsan halkaasi, inkastoo weli fikirkiisii uu ku dhagan yahay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo diidan in haatan doorasho uu galo maamukiisa. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wargeyska siraha faafiya ee Indian Ocean( African Intelligence) ayaa qoray warbixin kooban oo uu ku sheegay in guddoomiyaha Midawga Afrika Musa Faki Maxamed qabo walaac ku saabsan in dalalka xubnaha ka ah Midawga Afrika taageeraan qaddiyadda Somaliland. Warbixinta xambaarsan in Guddoomiyaha Midawga Afrika ka digayo dalal ka mid ah ururku soo hor dhigaan golaha aqoonsiga Somaliland waxaanu ku boorriyay ilaalinta wada jirka iyo la dagaallanka xagjirnimada. Dalalka Kenya iyo Ereteriya ayaa muddooyinkan daambe muujiyay in ay kor u qaadayaan xidhiidhkooda Somaliland waxaanay inta badan Afrika qabta walaac ah in aqoonsiga Somaliland furayo albaab ah in umada badan dalbadaan aqoonsi. Source
-
(SLT-Laascaanood)-Wararka laga helayo jiidda hore ee ciidamada Qaranka Somaliland ayaa sheegaya in gaadhiga madaxweyne ku xigeenka Puntland Mr Axmed Karaash oo lagala soo baxsaday Garoowe uu u soo galay ciidanka Qaranka Somaliland. Gaadhigan oo noociisa lagu sheegay Hard top waxa loola soo galay fadhiisinka Ciidanka Somaliland ee Xuddun ee gobolka Sool mana cadda sababtu. Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Somalilandtoday Source
-
Garowe (SMN) – Maxkamada racfaanka gobolka Nugaal ayaa lagu wadaa in maanta ay dhageysato dacwadda illaa 3 eedeysane oo loo heysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd. Raggan oo ay horay dil ugu soo xukuntay maxkamada darajada koowaad ee Garowe ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige. Qareenada difaacayay eedeysanayaashan ayaa horay racfaan uga soo qaatay xukunkaasi. Lama oga in maxkamadda racfaanku ay burin doonto xukunkii maxkamadda darajada koowaad iyo in ay ku raaci doonto. Kiiska Caa’isho Yar ayaa bishii Febraayo ee sanadkan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo si weyn uga xumaatay bulshada Soomaaliyeed. View the full article
-
(SLT-Brussles)-Midowga Yurub ayaa ku hanjabay in uu cunaqabatayn ku soo rogi doono dalka Turkiga, waa haddii uu sii wado “qodidda sharcidarrada ah” ee shidaalka iyo gaaska dabiiciga ahi ee uu ka wado meel u dhow biyaha dalka Qubrus ee barigga badda Mediterranean-ka. Hanjabaadan ayaa timid xilli uu shir Midowga Yurub uu uga socdo magaalada Brussels ee dalka Belgum. Madaxa golaha Midowga Yurub Jean-Claude Juncker ayaa tallaabada uu Turkiga qaaday ku tilmaamay “mid gebi ahaanba aan la aqbali karin”. Turkiga ayaa khamiistii la soo dhaafay Qubrus u diray markab labaad oo ah kuwa lagu qodo ceelasha shidaalka. Jamhuuriyadda Qubrus ayaa xubin ka ah Midowga Yurub balse woqooyiga Qubrus oo ka go’day jamhuuriyaddaasi ayaa gacansaar weyn la leh dalka Turkiga. Golaha Midowga Yurub oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha waddamda reer yurub ayaa Turkiga ugu baaqay in uu joojiyo arrintaasi isla markaana uu ixtiraamo madaxbannaanida dhuleed ee Qubrus. Warbixin qoraal ah oo laga soo saaray kulanka reer Yurub ee Brussels ayaa lagu sheegay in “golaha reer Yurub uu ansixinayo baaqa ku wajahan guddiga reer Yurub iyo wasaaradaha arrimaha dibadda ee waddamada reer Yurub ee ah in ay soo hindisaan tallaabooyinka ugu habboon sida in la qaado tallaabooyin leh bartilmaameed cayiman.” Dalka Turkiga ayaa ah dalka kaliya ee aqoonsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Qubrusta Turkiga ee woqooyiga, taa oo ka takooran dunida inteeda kale. Turkiga ayaa sheegay in ceelashaasi shidaalka uu ka qodayo gudaha dalkiisa, si waafaqsan shuruucda caalamiga ahi. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Faatix uu tan iyo bishii shanaad ee sanadkan ku sugnaa galbeedka Qubrus isla markaana uu haatan billaabay in uu qodo ceelal shidaal oo ku yaal badda Mediterranean-ka. Turkiga ayaa doonaya in uu ku biiro Midowga Yurub balse wadaxaajoodyada arrintaasi ku saabsan ayaa hakad galay. Guddiga Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ay ka baxday ballanqaadyadii ahaa in ay wax ka qabaneyso arrimaha caddaaladda dalkaasi iyo sareynta sharciga. Dowladda Turkiga ayaa gacan bir ah ku qabatay laamaha dowladda ee dalkaasi tan iyo markii uu dhacay inqilaabkii dhicisoobay ee sanadkii 2016, kaa oo la doonayay in xukunka looga tuuro madaxweyne Erdogan. Ra’iisalwasaaraha Giriigga Alexis Tsipras ayaa sheegay in hanjabaadda Midowga Yurub ay ku wajahan tahay shirkado iyo shakhsiyaad, ayna tahay mid Midowga Yurub uu ku xayirayo hantida shakhsiyaadkaasi iyo shirkadahaasi, arrintaa oo ay ka dhalan doonto cawaaqib dhanka dhaqaalaha ahi. “Tallaabooyinkan ayaa la qaadi doonaa haddii Turkigu uu joojin waayo hawlaha sharcidarrada ah ee uu ka wado aagga dhaqaale ee Qubrus,” ayuu Brussels ka sheegay ra’iisalwasaare Alexis Tsipras. Turkiga oo ka tirsan gaashaanbuurta Nato oo isla markaana xulufo la ah waddamada reer galbeedka ayaa waxa uu ganacsi weyn kala dhaxeeyaa waddamada reer Yurub, walina sida Ruushka oo kale lama uusan kulmin wax xayiraado ah oo uga yimid dhanka reer Yurub. Mareykanka ayaa mar sii horreysay xayiraado ugu hanjabay Turkiga haddii madaxweyne Erdogan uu ku adkeysto in uu hannaanka difaaca gantaalada ee S-400 uu ka iibsado dalka Ruushka. Source
-
(SLT- Georgia)-Banaanbaxyo waaweyn ayaa ka dhacay magaalada caasimada u ah dalka Georgia waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad 200 oo qof sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan laamaha Caafimaadka. Dibadbaxa ayaa yimid kadib markii ay shacabka ka cadhoodeen booqasho uu xarunta baarlamaanka ku tagay xildhibaan ka tirsan dowlada Ruushka. Ciidanka ka hortaga rabshadaha ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dibadbaxayaasha oo u badnaa dhalinyaro waxaana xabsiga dhigeen dhowr qof. Sergey Gavrilov oo u dhashay Ruushka ayaa la sheegay in uu khudbad u jeediyay xildhibaanada Georgia isaga oo garab fadhiyay Afhayeenka Baarlamaanka. Dalkaan ayaa hore uga mid ahaa wadamadii hore uga tirsanaa Ruushka ee la odhan Jiray Soviet. Source
-
(SLT-Qasa)-Ugu yaraan 81 Falastiiniyiin ah ayaa la sheegay in shalay galab lagu dhaawacay iska horimaad ay la galeen Ciiddanka Israa’iil ee ku sugan Bariag Marinka Qasa, kuna dhow xuduudka Israa’iil. Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa, Ashraf Al qedra ayaa u sheegay Suxufiyiinta in 79 Dibadbaxayaal iyo 2 ka tirsan Shaqaalaha Caafimaadka dhaawacyo ka soo gaadheen rabshadahaasi. Warbaahinta Maxaliga iyo Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay Dibadbaaxayaashu isku dhaceen Askarta Israel ee ku sugan inta u dhexeysa Xuduudka Braiga Marinka Qasa iyo Israa’iil. Dibadbaxayaasha waxay ku wada urureen meel ku dhow Xududuka, iyagoo wata Calanka Falastiin, kuna dhawaaqayey Erayo ka dhan ah Israa’iil, waxayna dhagxeeyeen Askarta Israa’iil oo iyagana ku soo jawaabay sunta dadka ka ilmeysiisa, rasaasta cinjirka iyo xabadaha rasmiga. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qiray in uu amray in weerar lagu qaado wadanka Iiraan ka hor inta aanu ka laaban go’aankan. Mr Trump ayaa tilmaamay in Jimcaha shalay ah uu la hadlay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ay ka niqaasheen xiisadda labadan dal kala dhaxeysa Iiraan. Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa xusay in Iiraan ay tahay cadowga Mareykanka iyo dalalka kale ee ku yaalla Bariga Dhexe. Donald Trump ayaa intaa raaciyay in uu sii wadi doono cadaadiska uu ku hayo Iiraan oo uu tilmaamay in ay hoy u tahay kooxaha Argagixisada. Waxuu ka gaabsaday in uu warbaahinta la sii wadaago waxyaabaha kale oo ay ka hadleen dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Khamiistii ayey aheyd markii ciidanka kacaanka IIraan ay soo rideen diyaarada Drone ah oo ay leeyihiin Millatariga Mareykanka. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Illaa 126 xubnood oo horay uga tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, balse ka soo goostay ayaa tababar dhaqan celin ah loogu xiray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Xubnahan oo u badan dhalinyaro ayaa waxaa sidoo kale la baray farsamooyin kala duwan oo ay ku maareyn karaan noloshooda. Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Jarmalka, hay’adda IOM iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya. Munaasabad qalin jabin ah oo QM ay u sameysay dhalinyaradaasi ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxdii ka hadashay xafladda ayaa kula dardaarmay xubnaha horay uga soo tagay Al-Shabaab in ay ka fakiraan Mustaqbalkooda, islamarkaana ay kor u qaadaan aqoontooda, si ay helaan nolol dhaanta tii hore. Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka furan dhowr xarumood oo lagu sii hayo Dagaalyahanada isaga soo baxa Kooxda Al-Shabaab, si in muddo loola socda dhaq dhaqaaqooda. Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya, waxaana ay ka fuliyaan weeraro khasaaro geysta. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (SMN) – Faah faahinno dheeraad ha ayaa ka soo baxaya kulamo siyaasadeed oo xalay illaa saaka ka socda magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamadan oo ahaa kuwa is daba joog ah ayaa waxaa garawadeen ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaiya Cabdi Sabriye Maxamed. Warar hor dhac ah ayaa sheegayA in natiijo wax kool ah laga gaaray kulamadaasi, kuwaas oo ku aadan in dhawaan la qabto doorashada guud ee maamulkaasi. Xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ayaa haatan yeelatay waji cusUb, iyadoo lagu soo warramayo Ahlu Sunna ay ay soo dhaweysay dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya. Muddooyinkii la soo dhaafaywaxaa cirka isku sii shareerayay khilaafka maamukaasi, kadib markii XFS ay shaacisay xilliga la qabanayo doorashada maamulkaasi. View the full article