-
Content Count
214,011 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanadda kasoo jeedda deegaanada Somaliland ee ku jira labadda aqal ee baarlamaanka Dowladda Somalia, ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxda sare ee dalka, iyagoo ku eedeeyay eedeeyeen inay cuna-qabateyn saareen maamulka Somaliland. Mudanayaashan ayaa beeniyay hadalkii Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mahdi Maxamed Guuleed ee ahaa in Dowladda Somalia ay fasaxday markabkii ku xayirnaa dekedda Jeddah ee dalka Sucuudiga oo waday tiro badan oo xoolaha nool ah. Sidoo kale, Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaannada Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo uu cunna-qabateyn saaray maamulka Somaliland tan iyo xilka loo doortay. “Madaxda dalka hoggaaminaysa waxay caqabad ku yihiin Somaliland, waxaan halkan ka caddeynayaa in Madaxweyne Farmaajo oo ugu sarreeya uu qaadayay tan iyo markii lasoo doortay tallaabooyin ka dhan ah maamulka Somaliland oo aan kasoo jeedno,” ayuu yiri Xildhibaan Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaannada ugu afka dheer baarlamaanka Soomaaliya. Dhanka kale, Xildhibaanku wuxuu xusay in Dowladda Somalia ay baabi’isay heshiisyaddii ay horay u wada-gaareen maamulka Somaliland iyo Dowladda Dhexe ee Somalia, kuwaasoo uu xusay inay ahaayeen kuwo lagu doonayay in la isugu soo dhaweeyo labada dhinac. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo dhankiisa hadlay ayaa ka dhawaajiyay in madaxweynaha Somalia Farmaajo oo tan iyo markii xilka loo doortay uu hagar-daamo ku hayya Somaliland oo uu sheegay inay horumar iyo nabad-galyo aan la dhayalsan karin ay ku tallaabsatay. Ugu dabeyn, Xildhibaanadda ayaa sheegay n aysan jirin door ay Dowladda Somalia ku leedahay hannaankii lagu sii-daayay markabkii xoolaha siday ee ku xayirnaa boqortooyadda Saudi Arabia. PUNTLAND POST The post Xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland oo eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia ayaa lagu eedeeyay inay fara-gelin ku hayso doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan Jubbaland, iyadoo mas’uuliyiin ka hadlay arrintan ay dalbadeen in la joojiyo fara-gelinta ay DF ku hayso doorashooyinka maamulkaas. Waxgaradka deegaanada Jubbaland oo kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa si weyn uga soo hor-jeestay fara-galinta ay sheegeen in Dowladda dhexe ee Soalia ay ku heyso doorashadda Jubbaland. Odayaasha-dhaqanka ayaa sheegay inaysan aqbalayn in dowladda dhexe ay caqabad ku noqoto horumarka iyo nabad-galiyadda ka jira Jubbaland, loona baahan yahay in fara-gelinta loo bedelo taageero iyo garab-istaag. Sidoo kale, wax-garadka Jubbaland ayaa ka mid ahaa saxiixayaashii soo dhisay Dowladda Federaalka Somalia, waxayna xuseen inaysan aqbalayn fara-gelinta ay dowladdu ku hayso doorashada Jubbaland ee la filanayo inay dhawaan dhacdo. Dhanka kale, Odayaasha-dhaqanka maamulka Jubbaland waxay caddeeyeen inay taageer-sanyihiin sida ay guddiga madaxa-bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland wax u wadaan. Hadalka odayaasha-dhaqanka Jubbaland ayaa imaanaya xilli musharraxiinta qaarkood ay eedeyn u jeediyeen guddiga doorashooyinka Jubbaland, iyagoo ku eedeeyay inay afduubteen doorashadda Jubbaland. Ugu dambeyn, Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa lagu wadaa inay bisha soo socota ka dhacdo doorasho, taasoo lagu soo xulayo xildhibaanno kuwaas oo dooran doona madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaas oo ay isku soo taageen musharraxiin fara badan. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo lagu eedeeyay in fara-gelin ay ku hayso Doorashooyinka Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU,-- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has lauded Ugandan troops for their contribution to peace and stability in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
The European Union is preparing to offer Boris Johnson, the favourite to be Britain’s next prime minister, a no-deal Brexit extension beyond Oct. 31, the Guardian newspaper reported on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa waxaa ka billaabatay diiwaan gelinta dad la soo xulay kuwaas oo u badan dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar. Si rasmi ah looma ah oga waxa laga damacsan yahay dadkaan balse waxaa dadkaan soo xulaya xubno ka tirsan Xoogagga Wadaniyiinta Gobalka Banaadir, oo ah Urur sanad ka hor ay dhistay Villa Somalia, iyo Saraakiil ka tirsan Xisbigii Tayo ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dadka la soo xulayo ma ahan kuwa ku soo baxa imtixaan balse waxay ku yimaadaan is garasho, waxaana laga iibiyaa fikir ah taageerada Dowladda iyo garabsiinta Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale dadkaan ayaa u badan beelo gaar ah waxaana laga qorayaa magacyo iyo Numbero, waxaana sidoo kale laga reebayaa Sawiro iyadoo lagu wargelinayo in uu taageero Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ma jirto wax lacag ah ilaa hadda u bilaabatay balse waxa ugu weyn ee loo balan qaaday ayaa ah ka mid noqoshada Xisbiga Madaxweynaha iyo in la siin doono Fursado shaqo halka qaarkoodna loo balan qaaday lacag iyo jagooyin sare. Xog intaas dhaafsiisan oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso in doorashada Soomaaliya ay noqoto qof iyo cod islamarkaana laga qabto magaalooyinka ay dagan yihiin Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir waxaana dadka codeyn doona ay noqon doonaan dad aan aad u tira badneen. Dadka ay diiwaan gelintooda ka bilaatay Muqdisho waxaa lagu wadaa in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee qaata kaararka codeynta iyo sidoo kale in ay noqdaan kuwa ugu badan ee la diiwaan geliyo si Madaxtooyada Soomaaliya mar kale u guuleysato. Barnaamijkaan ayaa sidoo kale lagu wadaa in laga bilaabo magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar iyadoo sidoo kale qorshuhu yahay in la gaarsiiyo Dhuusamareeb oo xarun u ah Galmudug. Wali lama shaacin nuuca doorasho ee ka dhici doonta Soomaaliya balse waxaa la filayaa in ay laba mid noqoto kuwaas oo kala ah. In loo codeeyo qof iyo cod islamarkaana laga codeeyo magaalooyin cayiman oo laga diiwaan geliyo dhowr kun oo qof magaaladiiba. Iyo in la kordhiyo tiradii hore ee 51-da qof lana gaarsiiyo 250 qof kuwaas oo soo daarta Baarlamaanka kadibna Baarlamaanka ay doortaan Madaxweynaha balse qodobkaan waa adagtahay sida lagu qaato. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa u harsan 18 bil oo kaliya walina ma cada nuuca doorasho oo ka dhici doonto Soomaaliya waxaayna dad badan ay qabaan in aysan Soomaaliya ka dhici karin doorasho waqtigeeda lagu qabto. Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu waqtigeeda ka dhinaa 2 sano waxaa la shaaciyay nuuca doorasho ee ka dhici doonto Soomaaliya taas oo aheyd in xildhibaanada kusoo doortaan madaxweynaha 50+1 oo hadda lagu soo doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Halkaan ka daawo Lafta gareen oo xaday nashqadii Villa Somalia & duqeyn lagu diley saraakiil Shabaab ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
JOHANNESBURG—PepsiCo Inc. has agreed to buy South Africa’s Pioneer Foods Group Ltd. for $1.7 billion, as the snack-and-beverage giant looks to build up its business in sub-Saharan Africa. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka hadlayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay in guddiga uu wada-hadallada u magacaabay madaxweyne Farmaajo aysan khusayn arrimaha Somaliland maadaama loo soo wakiishay in ay dhammeeyaan tabashooyin jira iyo in ay dib u-heshiisiin sameeyan. Mudane Biixi wuxuu sheegay in Somaliland aysan tabashooyin iyo dib u-heshiisiin midna kala hadli doonin dowladda Federaalka Soomaaliya balse ay ka go’antahay Qaddiyadda goonni-isu-taagga iyo madax-bannaanideeda sidaasi darteedna aysan jirin wax ay guddiga la soo magacaabay kala hadlaan. Biixi ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay madaxweyne Farmaajo kala kulantay cadaawad iyo necayb daran oo dhinac walb ah kaaasi oo aysan hore uga arag madaxweynayaashii ka horreeyay ee Soomaaliya soo maray mudadii burburka kadib. waxaa kale oo uu beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii daysay markabkii xoolaha Somaliland siday ee lagu xannibay dekedda magaalada Jidda ee waddanka Sacuudiga kaasi oo markii dambe la sii daayay. Hadalkan ayuu ka sheegay kulan casho-sharaf ah oo uu xalay la qaatay safiirro diblomaasiyiin iyo aqoonyahanno ka socda dalalka caalamka kuwaas oo Hargeysa u jooga ka qaybgalka carwada caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo saaka halkaasi ka furmaysa. Halkaan ka daawo hadalka madaxweyne Biixi PUNTLAND POST The post Muuse Biixi: Madaxweyne farmaajo wuxuu Somaliland ku hayaa cadaawad aan hore loo arag oo dhinac walba ah appeared first on Puntland Post.
-
Guinea mother: I sat my exams 30 minutes after giving birth
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
An 18-year-old student who was rushed to hospital from an exam hall tells the BBC she went back to complete her tests just 30 minutes after giving birth. Source: Hiiraan Online -
Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa go’aan ka gaaraya qorshe ay Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, ku dooneyso inay bisha soo socoto ku booqato Daanta Galbeed, waxaa sidaas weriyey warbaahinta Israel. Ilhaan ayaa waxaa sidoo kale socdaalkan ku weliya Rashida Tlaib oo Iyana ka tirsan Aqalka Wakiilada. Rashida ayaa asal ahaan kasoo jeedda Falastiin, hase yeeshee waxay ku dhalatay Mareykanka. Israel ayaa meel-merisay sharci u diidaya inay Daanta Galbeed soo galaan dadka taageera dhaqaaqa loo yaqaan BDS oo ah mid lagu qaadacayo Israel inta ay ka ogolaaneyso xeerarka caalamiga ah, ayna ka baxeyso dhulalka ay ka haysato Falastiiniyiinta. Netanyahi ayaa sharciga u adeegsan kara inuu Ilhaan iyo Rashida u diido inay soo galaan Daanta Galbeed. Si kastaba, wasaaradda arrimaha dibedda Israel ayaa loo gol yahay inay mararka qaar hareer marto sharciga, haddii diidmada qofka loo arko inay dhaawici karto xiriirka arrimaha dibedda, sida uu weriyey wargeyska Haaretz. Sida uu leeyahay wargeyska, Netanyahu ayaa hadda looga fadhiyaa inuu shaaciyo go’aankaas ku aadan Ilhaan iyo Rashida, oo doodo badan ka dhaliyey Mareykanka, ayaga oo u doodiddooda xuquuqda Falastiiniyiinta loo rogay inay naceyb u qabaan Yahuudda. Ilhaan Cumar ayaa Arbacadii u sheegtay wargeyska Jewish Insider in iyada iyo Rashid ay qorheynayaan inay gobolka booqdaan toddobaadyada soo socda. Labadooda ayaa dhowaan waxay diyaariyeen sharci xaq u siinaya dadka Mareykanka inay qaadici karaa Israel oo ay taageeri karaan BDS, inkasta oo ay u badan tahay inuusan ka anisixin Aqalka Wakiilada Mareykanka. Halkaan ka daawo Lafta gareen oo xaday nashqadii Villa Somalia & duqeyn lagu diley saraakiil Shabaab ah Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa ka soo xigatay sarkaal ka tirsan wasaaradda Difaaca waddankaasi in boqor salmaan uu ogolaaday in ciidamada Maraykanku ay dib uga hawlgalaan gudaha boqortooyada 16 sannadood kadib markii ay ka baxeen. Qorshaha ciidamada Maraykanka dib loogu celinayo gudaha waddanka Sacuudiga ayaa looga golleeyahay difaaca nabadda iyo xasiloonida gobolka xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhexaysa jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan iyo Maraykanka oo ay weheliyaan xulafadiisa Sacuudiga iyo wadamada kale ee Khaliijka. Sidoo kale bayaan ka soo baxay taliska guud ee ciidamada Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyay in cutubyo ka tirsan ciidamada Maraykanka loo daabulayo gudaha waddanka Sacuudiga si ay u ilaaliyaan danaha Maraykanka ee gobolka iyo difaaca xulafadooda. Ciidamada Maraykanka ayaa horay waddanka Sacuudiga ka baxay 26 Agoosto 2003 waxaana sida la sheegayo tallaabadan cusub soo dedejiyay xiisadda sii kululaanaysa ee ka dhex taagan jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan iyo Xulafada Maraykanka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ciidamo ku daabulaya gudaha waddanka Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
-
Markii aad eegto xaaladda Soomaaliya islamarkaana aad si dhab ah ugu kuur gasho waxaa kuu muuqanaysa in Al-Shabaab ay awoodda wayn ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya halisna ay ku yihiin nolasha dad badan oo maras ah. Dad badan ayaa aaminsan in 4 sababood ay marqaati u yihiin in Al-Shabaab ay kaga awood badanyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya gobalada Koonfurta iyo bartamaha dalka. Calamdaahaas hoos u dhigaya awoodda Dowladda, islamarkaana muujnaya midda Al-Shabaab ayaa kala ah. Al-Shabaab waxay canshuur bilo iyo sanadle ah ka qaadaan inta badan ganacsiga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobalada kale Koomfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, mana jirto cid diida amarkooda. Garsoorka ugu way n ee maanta ka shaqeeya Soomaaliya, waa maxkamadaha Al-Shabaab waxaana gar bax u taga Ganacsato, Ciidan iyo Shaqaale Dowladeed, iyo qaybaha kale ee Bulshada. Al-Shabaab waxay go’aano ka gaaraan hanti ma guurta ah oo ay xalin waysay Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale garsoorka Al-Shabaab ayaa looga kalsooni badan yahay kan dowladda, maadaama aysan lacag iyo musuq-maasuq ku lug lahayn Al-Shabaab waxay maamushaan oo ay u taliyaan dadka ku hoos nool dowladda Soomaaliya iyo kuwa soo dhisay oo aan heysan difaac dowladeed iyo amni midna. Go’aankii ugu dambeeyay ay qaateen waxa uu ahaa, in Odayaasha dhaqanka ee soo dhisay dowladda Soomaaliya looga yeeray xarumaha Al-Shabaab walina aysan ka hadli dowladda Soomaaliya. Magaalada Muqdisho oo ah meesha ugu wayn oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya waxaa weerar ku ah Al-Shabaab oo aan magaalada Saldhigyo ku laheyn halka ay Dowladda tahay difaac. Wadooyinka Muqdisho iyo go’doonka gobalka ka jira waxaa sababay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab halkii ay aheyd iyaga lagu go’doomiyo Jubada dhexe iyo degaanada kale ay joogaan, oo lagu weeraro, balse taa beddelkeed dowladdii ayaa jidadka dhagaxaan kaga goosatay Shabaabka qaraxyada kasoo gelinay gobollada Shabeellooyinka oo ay ahayd in kagu ugaarsado. Qodobadaan iyo kuwa kale ayaa muujinaya in Al-Shabaab ay wali muuqato saameentooda awoodda ah islamarkaana ay ku qariyeen Awoodda Dowladda Soomaaliya. 2019, waxay umadda Soomaaliyeed rajo ka qabtay in la weyn doono goob lagu yaqaano Al-Shabaab, hase yeeshee waxay wali maamulaan gobolo iyo magaalooyin waa wayn waxaana laga celin la’yahay Madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo hal sano u qabsaday Shabaab, waxaa uu sii dhex socdaa kii saddexaad. Arrinta murugada leh ayaa ah inta Shabaab gacansiga ka qaadayaan lacag oo dhaqaale uu soo galayo, dadka qaarna nidaamkooda cadaaladda kaga kalsoon yihiin kan dowladda, waa ay adkaan doontaa in la ciribtiro. Halkaan ka daawo Lafta gareen oo xaday nashqadii Villa Somalia & duqeyn lagu diley saraakiil Shabaab ah W/Q: Axmed Nuur Muudey Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Washington DC (Caasimada Online) – Faallo qoraha sare ee wargeyska Washington Post, David Ignatius ayaa sheegay in daaraha dhaa-dheer ee Imaaraadka Carabta ay ku baabi’i doonaan dagaal kasta oo Iran lagu qaado. Dubai iyo Abu Dhabi waxay noqon doonaan bartilmamaeedka koowaad ee dagaal kasta oo dhex-mara Iran iyo Mareykanka. Tani waxaa garowsaday hoggaamiyayaasha Imaaraadka Carabta oo dhowaan go’aansaday inay ka goostaan Sacuudiga, islamarkaana inta badan ciidamadooda kala baxaan dagaalka Yemen. “Sabtidii tagtay Iran waxay Marinka Hormuz ku qabsatay Markab yar oo saliida qaada, hase yeeshee wax fal-celin ballaaran ah lagama sameyn. Halka Imaaraadka ay ka aamuseen, Mareykanka ayaa sidoo kale si kooban uga hadlay” ayuu ku yiri David Ignatius faalladii uu ku qoray Washington Post. Imaaraada Carabta, ayuu ku yiri qoraalka, waxay ogyihiin in daaraha dhaadheer ee quruxda badan ay noqon doonaan bartilmaameedyada gantaallaha Iran, kuwaas oo bilicda Dubai iyo Abu Dhabi u rogi doonaan dambas. Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa hadda isku dayaya in la xakameeyo xiisadda Iran, taasi oo qeyb ka ah in ciidamadooda kala baxaan Yemen kadib dagaal burbur badan oo qaatay afar sano oo lala galay maleeshiyada Iran ay taageerto ee Xuutiyiinta. Ka-bixitaanka ciidamada Imaaraadka Carabta ee Yemen ayaa sidoo kale tusmeyneysa in isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka uu burburayo, taasi oo macanheedu yahay in maskaxdii dagaalka Yemen oo ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salamn uu hadda kali ku yahay mashaqada Yemen. Halkaan ka daawo Lafta gareen oo xaday nashqadii Villa Somalia & duqeyn lagu diley saraakiil Shabaab ah Caasimada Online Xafiiska Washington DC caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka tirsan hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ee Waddani, ayaa ka hadlay Guddiga Qaran ee Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Dhab-u-heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Prof. Buubaa oo u muuqda inuusan wax dhib ah ku qaban guddigaas, si ka duwan xukuumadda Muuse Biixi, ayaa sheegay in Guddida uu magaacabay Farmaajo ay dowladdiisa uga shaqeyn doonan sidii ay iskugu diyaarin lahaayen miiska wada-hadalka, taasi oo ku tilmaamay inay DF Soomaaliya waqti xaadirkan diyaar u tahay inay bilowdo wada-hadaladaasi. Buubaa ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey isbadalada laga filan karo guddidaasi, isagoona xusay in Somaliland ay u baahantahay iyaduna guddi uga shaqeeya arrimaha wada-hadalada. Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Guddida madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay waa guddi uga shaqaynaysa sidii ay wada-hadalada u gali lahayd Soomaaliya, macluumaadka ay u baahan yihiin inay si fiican u soo darsaan iyo qodobada ay la imanayaana sida ugu haboon ee ay u soo jeedin karaan, iyada oo dawladuna doonayso in dunidu ogaato in dhinacooda ay diyaar u yihiin inay wada-hadalo la bilaabaan Somaliland”. “Waxayna labada dhinac u baahan yihiin in si wanaagsan looga soo shaqeeyo wada-hadalka iyo halka lagu wada-hadlayo laakiin cida galaysa wada-hadalka iyo sida loo gali doono taasi waxaa weeyaan wixii guddidan loo igmaday, Somaliland way u baahan tahay in dhinaceeda ay ka fikirto cidii arimahan ugu shaqayn lahayd”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Waxa laga yaabaa in wasaarada khaarijigu ay arimahaas wado laakiin waxa loo baahan yahay in guddi balaadhan oo la odhan karo wasaarada arimaha dibada ayey hoos iman kartaa arintan loo saaro, guddidan ay Soomaaliya magacawdayna waa iyada oo muujinaysa inay diyaar u tahay wada-hadalka”. “Waa lagama maarmaan in wada-hadal yimaado goor uu yimaadaba, guddida dhinacooda laga sameeyey iyo dhinaceena cida ku hawl leh arimahaas wada-hadalka iyo sida loola xaalayo Somaliya ayey ku xidhan tahay iyo wakhtiga ku haboon laakiin anigu shakhsi ahaan waxaan aaminsanahay in wada-hadalku faa’iido u yahay Somaliland iyo Somaliya caalamkuna culays badan saari doono”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga horyimid guddi ay dhawaan DF Somaliya u magacowday wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay inaanay guddidaasi marnaba khusaynin Somaliland, isla markaana shakhsiyaadka ka soo jeeda Somaliland ee ku jira guddigaasi aysan cidna matalin karin. Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Madaxweyne Farmaajo uu sii kordhiyay cadaawada uu Somaliland u hayo tan iyo intii uu xilka la wareegaysa, isagoona xusay inaysan jirin tabasho ay qabto Somaliland. Madaxweynaha oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno”. “Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa kale oo deel-qaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa”. “Hubaashuna waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Kooxdan caadaysatay una badheedhtay dhagridda iyo hagar-daamada ummaadda soomaliyeed, bannaysatay dhaca iyo dilka arxan-darrada ah ee ay ku haysay dadka soomaaliyeed, waxa ay hadda marayaan heer ay noqdaan kuwo iyagu is dhammeeya dhexdooda mar kastana u kala dhuunta sidii ay uuga soo bixi lahayeen kaymaha. Kooxdan aan lahayn arxanka iyo damiirka bini Aadamnimo waxa ay hal mar ka soo baxday dhulka soomaliyeed iyaga oo aan lahayn ujeed aan ahayn dhagridda soomaliyeed, kaas oo ay halmar ummadda qalbigeeda ku degeen kuna cebsi-geliyeen arxan-darradii qalbigu ka ilmaynaayay, kaas oo ahaa dilka qoor-gaynta ah, qarxinta iyo googooynta hilba dadka soomaaliyeed. Ma jiro hadaf iyo u jeeddo ay ka lahayeen dilkii iyo dhagriddii soomaaliyeed, ilaa ay ahayd ma aha e in ay dhaafsadaan hilbaha dadka quud iyo qaddaadiic ka soo gala dadka ay baqdinta geliyeen iyo gacmaha shisheeye ay u adeeggayaan. Kooxdan dhiig-quudatada ah waxa keliya oo ay hadda baxsad ku yihiin dadka dhexdooda iyaga oo malinba maalinta ka dambaysa miiska is keenaya. Waxa keliya oo ay hadda awoodda saarreen una badheedheen ku dhex dhuumashada dadka iyaga oo hagardoomo u dhiga, qaraxa iyo dillalka naf-la-caariga ahna ku cabsi gelinaya. Qalbiyada dadka soomaliyeed oo ay ka sii guuxayso ficilladii ay hore u soo geysteen ayaa ah halka wax ee dadka cabsi gelinaya, ma jirto awood iyo tamar ay hadda dib uugu bilaabaan dhagriddii hore, waayo hore waxay ummadda uugu khaldeen nidaam diinneed oo ay markii dambe dadku ku fahameen u jeedka uu lahaa ficilladii ay wax ku bilaabeen. Ummaadda soomaliyeed waxa ay ka dheregsantahay dhammaan ujeedka koxdan dhiigga miidhata, mana jirto hal hadaf oo ay maanta ku gaadhikaraan waxa ay hiigsanayaan oo ah in ay dabar-tiraan ummadda soomaliyeed, waxaa dhacay gabbalkoodii, godkoodii ayaa biyo uugu galeen, ma jirto meel ay ku dhuuman karaan, ma jirto cid ay gabbaad u noqonayaan, wakhtiga iyo waciyaga ayaa keenay meel ay ku muuqato dhagriddii ay hore u geysteen. Kooxdan magaca soomaaliyeed u samaysay caalammadda madow iyo argagaxa, waxa uu hadda wakhtigu noqonayaa mid soomaliya ka dhiga iftiinka caalamka. MAXAA LA GUDBOON SHACABKA SOOMALIYEED? Shacabka soomaliyeed waxa la gudboon in ay meel uuga soo wada jeestaan kooxdan gabbalkeedu dhacay, ummaddana soo dhagraysay wakhtiga dheer. Ma jirto qof soomaaliyeed oo maanta loo tilmaamayo magaca saxda ah ee Alshabaab, dhammanteenba waxaynu nahay kuwo waayay dad ay jeclayeen ama qaarkoodba ay hadda naafo u yihiin ficilladdii dhiig-miidhatada, qaarkale dalka ma soo gelikaraan oo waa ay fiiggeen. Hadda ma jirto tamar iyo awood ay ku sii haystaan qalbiyadeen, ilaa aynu xusuusannahay ficilladii hore ma aha e. Ficilladaas hore ay geysteen dhagar-qabayaashu waa kuwo qalbigeenna kicinaya ina kana dhigaya kuwo aan marnaba u muujin wax naxariis ah. Dadkeenna soomaliyeed waxaa ina la gudboon sidii aynu isaga qabanlahayn firxadka yar ee Alshabaab, isla markaasna aynu la shaqaynlahayn cid kasta oo cidhib-tiraysa dhagar-qabayaasha, isku duubnida iyo wada jirkuna waa halka waddo oo aynu ku takoorayno arxan-laawayaasha. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com Hyderabad, India Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
The Prime minister of Somali Hassan Ali Kheyre went to Dhusamareeb, the city I was born in, for a work-related visit. I have a sentimental attachment with the city. My father Hagi Abdullahi Warsame Hersi and his first cousin Adan Jama Hersi (aka Adan Guud) were mayors of Dhusamareeb Source: Hiiraan Online
-
Foreign Secretary Jeremy Hunt has said he is "extremely concerned" by the seizure of two tankers by Iran. The Stena Impero is British-flagged and the Mesdar ... Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
