Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaalkacyo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in labada maamul ee Gaalkacyo ka jira ay dowladda federaalku kala shaqeyneyso nabadeynta iyo isu soo dhawaanshaha bulshada. “Shacabka iyo dowladda waa wadnaha iyo beerka qofka bini aadamka. Lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda”, ayuu yiri Khayre. Xasan Cali Khayre, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa hadalka ka sheegay markii uu shalay tegay waqoyga xarunta gobolka Mudug oo uu ka armiyo maamul goboleedka Puntland. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dhisayso garoonka kubbadda cagta Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. View the full article
  2. Gaalkacyo (SMN) – Dabley hubeysan ayaa la sheegayaa in xalay ay rasaas ooda uga qaadeen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah. Gaari la rasaaseeyay ayaa lagu waramayaa in uu marayey degaanka Saaxo oo u dhaxeeyay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob. Dadka saarnaa baabuurka ayaa sheegayaa in ay kasoo jeedeen degmada Goldogob ay kusoo wajahnaayeen xarunta gobolka Mudug. Inta la xaqiijiyey afar ruux oo rayid ah ku dhimatay dhacdadaasi xili ay ku dhaawacmeen tirro kale oo intaasi ka baxay. Kooxaha hubeysan ee falka sameysay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen xili aanan wali la ogeyn waxa keenay falkan. Mas’uuliyiinta maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Mudooyinkii dambe waxaa degaanada gobolka Mudug waxaa kusoo kordhayey dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil. View the full article
  3. Ceerigaabo (SMN) – Maamulka Somaliland ayaa lagu waramayaa in uu ciidamo dheeraad ah kusoo daabulay agagaarka magaaladda Ceerigoobo ee gobolka Sanaag, waqoyga Soomaaliya. Talaabadan ayaa imaaneysa xili ay halkaasi shalay ka dhaceen dibad-baxyo rabshado watay kuwaasi oo waxyeelo sababay. Ciidamada ayaa la sheegayaa ay bilaabeen howlgalo ay uga hortagayaan in mar kale ay halkaasi ka dhacaan banaanbaxyo rabshado wata. Dhanka kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo isku dhac mar kale qaybo kamid ah gobolkaasi ku dhexmara ciidamada Somaliland iyo Jabhadda uu hogaamiyo Korneyl Caare. Jabhadda Korneylka iyo ciidamada Somaliland ayaa dhowr jeer horey ugu diriray qaybo kamid ah gobolkaasi oo ay wali isku hor-fadhiyaan. Xaaladda gobolka ayaa la sheegayaa in ay tahay mid kacsan isla markaana laga cabsi qabo iska hor-imaad dhinacyadaasi dhex-mara. Mudooyinkii dambe qeybo kamid ah gobolka Sanaag waxaa kusoo laa-laabanyey dagaalo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Jabhadda Korneyl Caare. View the full article
  4. London (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka ayaa beeniyay in ay jiraan kulamo xal loogu raadinayo dacwadda badda ee ka dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale waxbo kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan dowladdo dhexdhexaadin ka dhex-wado labadda dowladood oo doonaya in ay xaalada wada ku dhameeyaan. Mr Cawad ayaa ku nuux-nuux saday in dowladda federaalka aysan marnaba gorgortan ka geli doonin dacwadda badda, ayna ka dhowrsugayaan go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Dunida. Dabayaaqadda sanadkan 2019 ayaa la filayaa in uu soo baxo go’aanka ICJ, kaasi oo mid kamid ah dhageysiyadiisa ugu dambeeya la filayo in dib loo bilaabo bisha soo aadan ee September 2019. Hadalka wasiirka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili ay taagneyd hadal-heyn ku aadan in uu isbedelay mowqifka madaxda dalka ee kiiska badda, taasi oo uu horey u beeniyay xafiiska madaxweyne Farmaajo. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay shir la sheegay inuu dhex mari doono Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu garwadeen ka yahay Ra’iisul wasaaraha dalka Itboobiya. Cawad oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da aya waxba kama jiraan ku tilmaamay kulankaasi oo si aad ah ay hadal heysay Warbaahinta. Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuusan jirin wax kulan ah oo qesheysan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), kaas oo uu la yeelanayo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta. Kulankan oo si aad ah loo hadal hayay ayaa wararku waxa ay sheegayeen inuu ka dhacayo magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, balse wasiir Cawad ayaa tilmaamay in wasaaraddiisu ay qaabilsantahay arrimaha dibadda, islamarkaana wararkaasi ay yihiin kuwa la been abuuray. Dhinaca kale Wargeysyada The Nation iyo the East African ee Kenya ayaa shalay sheegay in Itoobiya ay wafdi u kala dirtay Kenya iyo Soomaaliya si xal loogu helo muranka dhul-badeedka u dhexeeya labada dal. Maqaalka wargeyska The Nation ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Soomalida iyo kuwa Kenya uu ka soo xigtay in Abiy Axmed, oo haatan ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD, uu shir u qaban doono labada madaxweyne, Uhuru Kenyatta iyo Maxamad Cabdullahi Farmajo, inkastoo aysan weli arrintan xaqiijin labada Madaxweyne. Arrintan ayaa ku soo beegmeyso iyadoo dowladda Soomaaliya ay beenisay inuu wax isbaddel ah ku yimid mowqifkeedii ku aaddanaa dacwadda ee maxkamadda ICJ. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-11072019.mp3 View the full article
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomnaaliya ayaa u muuqata inay u hoggaansameyso cadaadiska xooggan ee caalamiga ah ee la saarayo ee ku aaddan muranka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya, sida ay werinayaan warbaahinta caalamiga ah. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Soomaaliya ay hadda u muuqato inay fursad cusub siineyso xal ka baxsan maxkamadda oo kiiskan laga gaaro, taasi oo ah arrin ay muddo diidaneyd. Wargeyska Business Week ayaa qoray inuu jiro kulan qarsoodi ah oo dhex maray wakiilo ka socda Nairobi iyo Muqdisho, kaasi oo ay dhex-dhexaadisay dowladda Mareykanka, kana dhacay New York. Sidoo kale, wargeyska Daily Nation ee kasoo baxay Nairobi ayaa qoray inay jiraan dadaallo uu wado ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ay gadaal ka riixayaan Mareykanka iyo Britain, kuwaasi oo muddo si hoose u socday balse soo shaac baxay toddobaadkan. Taleefishinka CGTN ee Shiinaha ayaa isna warbixin uu qoray ku sheegay in qorshaha Abiy Ahmed uu yahay in dib loo dhigo kiiska maxkamadda ilaa waqti cayiman si waqti loo siiyo wada-hadallada. Qorshahan ayaa u muuqda mid Soomaaliya laga iibin karo maadaama aysan si buuxda kiiska maxkamadda uga wada baxeyn, oo ay kaliya dib u dhigeyso inta wada-hadallada socdaan, waana midd hadda si xooggan diiradda loo saarayo. Abiy Ahmed ayaa qorsheeyey inay 13-ka bishan kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta. Kulankan ayaan waxaa weli xaqiijin labada waddan. Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray laba maalin ka hor ku beeniyey “inuu is-beddelay mowqifkii Soomaaliya ee ku aadanaa ee kiiska maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Hosted by Edmonton's former poet laureate, Ahmed 'Knowmadic' Ali, Orality features two local nationally recognized poets, Titilope Sonuga and Ian Keteku. Source: Hiiraan Online
  9. Sida la xaqiijiyay afar ruux oo dhinacyadii dagaallamaya ayaa ku dhintay lix kalena waa ku dhaawacantay dagaal culus oo ciidamada Somaliland iyo jabhadda Caarre shalay ku dhexmaray degaanka Dhoob oo qiyaastii 45 dhanka bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Dagaalkii shalay ayaa bilowday kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland oo ka baxay degmada Yubbe ay weerar ku qaadeen ciidamo uu hoggaaminayey Col. Siciid Cawil jaamac Caarre oo ku socday buuraleyda magaalada Ceerigaabo balse xilliga la weeraray ku sugnaa degaankaasi Dhoob. Dadka dhintay ayaa sida la sheegayo waxaa ku jira saddex askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland halka maydka hal ruuxna laga soo helay dhufays ay banneeyeen ciidanka jabadda Caarre oo iyagu difaac ku jiray maadaama ciidamada Somaliland weerarka qaadeen. Sidoo kale waxa la sheegayaa in dhaawacyada oo lix ruux gaaraya ay ku jiraan laba kamid ah jabhadda Caarre oo midkood dhaawac fudud qabay uu ka baxsaday isbitaalka magaalada Ceerigaabo iyadoo afarta kalena ay ka tirsanaayeen ciidamada Somaliland. Wararku waxay intaas ku darayaan in jabhadda caarre laga qabsaday gaari nooca dagaalka ah oo god kaga dhacay iyo saddex askari oo saarnaa. Dhinaca kale Somaliland ayaa bandow saartay magaalada Ceerigaaabo ee xarunta gobolka Sanaag halkaasi oo ay shalay ka dhaceen muddaharaadyo looga horjeedo xukuumadda Muuse Biixi laguna taageerayo Col. Caarre. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta khasaaraha kala gaaray Somaliland iyo Jabhadda Caarre appeared first on Puntland Post.
  10. Corruption Day by Transparency International in partnership with Afrobarometer, reveals that more than half of all citizens surveyed in 35 African countries think corruption is getting worse in their country. Fifty-nine per cent of people think their government is doing badly at tackling corruption. Source: Hiiraan Online
  11. NAIROBI -- Senegal has been selected to stage the Basketball Without Borders (BWB) Africa 2019 tournament, which will take place from July 28-31 in Dakar Source: Hiiraan Online
  12. Rep. Ilhan Omar, a Minnesota Democrat, hit back at Fox News host Tucker Carlson on Wednesday, after he claimed she hated the U.S. in a segment the night before. She called the three-minute video an example of "white racist supremacist rhetoric." Source: Hiiraan Online
  13. KAMPALA,-- The Federation of Uganda Football Association (FUFA) on Wednesday appointed Abdallah Mubiru as the caretaker coach of the national team. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilaawday dhismaha tabeelooyin ka sameysan dhagxaan shub ah oo laga taagay inta badan Isgoysyada Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay in lagu xirayo Kaamirooyin casri ah oo ka qeyb qaata sugidda amaanka magaalada Muqdisho Kaamirooyinkaan ayaa lagu xirayaa dhamaan Isgoysyada Maka Al-Mukarama iyo sidoo kale dhamaan Raana-boodka waddada Maka Al-Mukarama ee loogu talagalay in ay ku kala wareegtaan Gaadiidka isticmaala wadadaasi lagu xirayo Kaamirooyinka. Sababta loo keenay Kaamirooyinkaan islamarkaana loogu xirayo waddada Makal Al-Mukarama ayaa lagu sheegay laba sabab oo kala ah. 1 – In ay noqdaan xog keydsan oo laga baaro dhammaan dhacdooyinka Waddadaasi muhiimka u ah dadweynaha Muqdisho islamarkaana ku badan qaraxyada iyo Weerarada Al-Shabaab. 2 – In xal loo helo shaki laga qabo ciidamada qaar oo ku aadan in Gaadiidka ay soo daayaan, markii la weydiinaya ay isku tuur tuuraan ama ay beeniyaan waana sababta ugu muhiimsan oo loo xirayo Kaamirooyinkaan. Wadada Makka Al-Mukarama oo ah meesha ugu adag ee amaankeeda aad loo adkeeyo ayaa ka bixi weysay weerada Al-Shabaab. Qaraxyada ugu badan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ka dhacaan Wadada Maka Al-Mukarama iyo nawaaxigeeda oo ay ku yaalaan goobaha ganacsi ee ugu waa wayn magaalada Muqdisho. Sidoo kale waa goobaha ugu badan oo ay ku kulmaan shacabka magaalada Muqdisho, iyadoo xiliyada dambe ee maalintii iyo habeenadii ay dadweyne soo buux dhaafiyaan maqaayado ku yaala hareeraha wadadaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. The Iranians manning their Third Khordad missile battery might have wondered if their system could bring down an American on June 20 when they got orders to fire at a target miles away over the Gulf of Oman. Iran had been watching the drone since it left an air base just after midnight. It was a big target, a sophisticated American drone known as a RQ-4A Global Hawk worth more than $100 million. With a wingspan of 13 meters and weighing 12 tons, it looked more like a private jet than a drone. Source: Hiiraan Online
  16. ISTANBUL (Reuters) - Turkey called on the United States on Wednesday to avoid steps harmful to bilateral relations after the U.S. State Department spokeswoman reiterated Ankara would face “real and negative consequences” for acquiring Russian S-400 defense systems. Source: Hiiraan Online
  17. A taxi driver was the alleged organiser behind a plot to import £500,000 worth of a banned stimulant seized in Belfast, the High Court has heard. Source: Hiiraan Online
  18. Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu ka weecday maqaamkii uu maamulkooda ugu soo dhoweyn lahaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo. C/raxmaan Dhabanacad, wasiirka wasaaradda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii hore ay doonayeen in Ra’iisul wasaaraha usoo dhoweeyaan si hab maamuus ah, balse qorshahaasi uu meesha ka saareen Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa. Wuxuu sheegay wasiirka, in xubno wasiirro ah loogu soo diray Gaalkacyo si ay usoo dhoweeyaan Ra’iisul wasaaraha, balse ay dhacday arrin taas ka duwan. Markii ay la hadleen wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayuu tilmaamay in aysan dooneyn soo dhoweyn maamuus leh, balse rabaan oo kaliya iney la hadlaan dad meel isugu yimid. “Waxaan u diyaarinnay waxgaradkii iyo mas’uuliyiinta si uu madaxtooyada ugula hadlo, balse wuxuu la kulmay dhallinyaro diyaarsanaa, waxayna noo sheegeen ineysan dooneyn soo dhoweyn maamuus leh, balse ay rabaan iney dad banaanbaxaya la hadlaan” ayuu yiri wasiirka. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa gelinkii dambe ee shalay wuxuu u gudbay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo uu kula hadlay dadweyne badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya in uu diiday hab-maamuuskii iyo soo dhoweyntii ay u diyaarisay Puntland xilli uu shalay galab booqday waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Wasiirka ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo safar shaqo ku yimid koonfurta magaalada Gaalkacyo uu dalbaday in uu dhanka Puntland u soo gudbo balse la isku fahmi-waayay habkii loo soo dhoweyn lahaa kadib markii Ra’iisul wasaaruhu diiday hab-maamuuskii iyo soo dhoweyntii ay Puntland u diyaarisay uuna sheegay in uu u socdo dhalinyaro loogu sii diyaariyay waqooyiga Gaalkacyo si uu khudbad ugu jeediyo. Mudane Dhabancad ayaa intaasi raaciyay in kulamo kala duwan kadib la isla gartay in Ra’iisul wasaaraha lagu soo dhoweeyo waqooyiga Gaalkacyo islamarkaana loo sameeyay jadwal uu kula kulmayo qeybaha kala duwan ee bulshada waooyiga Gaalkacyo oo ay u horreeyaan isimada Dhaqanka isagoo caddeeyay in taasna uu mar kale baal-maray Ra’iisul wasaaruhu. Dhabancad ayaa raalli-gelin siiyay isimadii iyo madax-dhaqameedkii kale oo uu sheegay in ay sii diyaar-garooben la kulanka Ra’iisul wasaaraha balse uu tix-gelin waayay ixtiraamka ay mudan yihiin. Sidoo kale wuxuu warbaahinta u soo bandhigay jadwalkii loo diyaariyay soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha oo sida ka muuqata ay ku jirto la kulanka isimada ku sugan waqooyiga Gaalkacyo. Halkaan ka daawo shirkiisa jaraa’id PUNTLAND POST The post Wasiir Dhabancad: Khayre waa nin aysan ka muuqan mas’uuliyad Ra’iisul wasaaranimo appeared first on Puntland Post.
  20. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa ka hadashay socdaalkii shalay uu ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Xasan Cali Kheyre uu ku tagay qaybta waqooyi ee magaaladda Gaalkacyo isaga oo aan fasax ka qaadan maamulkaas. Sida ay ogaatay Caasimada Online, socdaalka ayaa waxaa ka dhashay khilaaf iyo kala qeybsanaan Puntland dhexdeeda ah kadib markii madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku gacan seyray inuu Ra’iisul wasaaruhu booqdo Waqooyiga Gaalkacyo. So kastaba, Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii ogaaday galabta in dhallinyaro is abaabulay ay ku sugayaan garoonka Kubbadda Cagta ee Cawaale waxa uu go’aansaday inuu tago, isaga oo aan ogolaansho weydiisan Deni. Dhanka kale ciidamada PSF-ta Puntland ayaa ku gacan seyray amarka madaxweyne Deni ee ahaa inaan loo oggolaan in Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbo, taas oo dhalisay khilaaf soo kala dhex galay maamulka iyo ciidamada oo Ra’isul Wasaaraha soo dhoweeyay. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad oo shir jaraa’id ku qabtay Galkacayo ayaa ku eedeeyay Ra’isul wasaaraha inuu diiday hanaankii iyo maamuuskii ay ugu talageen. “hanaankii iyo meeqaamkii aanu ugu talagalnay si masuuliyad darro ku jirto in Ra’isul wasaaruhu u diiday oo uu yiri annigu hanaana raaci maayo, umana socdo inaan isimo, odoyaal iyo waxgarad u diyaarsanaa inaan la kulmee ee waxaan u socdaa inaan dhalinyaro meel iigu diyaarsan inaan dhexgalo, dhalinyarada inuu dhexgalo annagaa diyaar u ahayn oo jadwalkagay ku jirtay. Haddii aanu aragnay wixii ilaahay maanta na tusay, waxaan maqli jiray cimrigaaga, maanta wixii aanu aragnay waxay ahayd in dad badan oo Soomaaliyeed nala arkaan” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland. Wasiirku wuxuu raaligalin iyo cudur daar u diray isimadii iyo cuqaashii uu sheegay inay u diyaargarobeen soo dhaweynta ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre. Si kastaba, xafiiska Kheyre ayaa laga soo xigtay inaysan jirin hab maamuus uu dhinac maray ra’iisul wasaaraha balse waxa la isku hayo ay tahay in Kheyre uu buriyey diidmadii Deni ee ahaa inuu Gaalkacyo booqdo isaga oo si hoose ula xiriiray saraakiil ciidan. Arrintan ayaa imaneysa xilli uu aad u xun yahay khilaafka ka dhex oogan maamulka Puntland iyo dowladda federaalka mana cadda tallaabada xigta ee ay Puntland qaadi doonto. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa, koox hubeysan ayaa xalay halkaasi ku dilay labo wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka degaanka. Labada dhalinyaradda ah ee la dilay ayaa lagu kala Magacaabi jiray Ismaaciil iyo Maxamed, waxaana la sheegay in ay halkaasi ku lahaayeen Studio iyo Footo Sawiradda lagu galo. Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, kahor inta aysan halkasi soo gaarin Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka labada ruux. Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka Sameeyay xaafada uu dilka ka dhacay, mana jirto Cid falkaasi dilka ah loo soo qabtay oo la shaaciyay. Kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilka labadan wiil ayaa sheegtay inay ahaayeen xubno ka tirsan ciidamada sirdoonka ee Soomaaliya. War lagu baahiyey idaacadda Andulus ee Al-Shabaab, ayaa kooxdan waxay magacyada labada wiil ku kala sheegtay Ismaaciil Bootaan Kheyre iyo Cabdi Jareer. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay labaduba ka tirsanaayeen Nabad sugidda qeybta dharcadda ee aan ku labisneed dharka ay caanka ku yihiin ciidamada dowladda, balse ma jirto cid xaqiijin karta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay odayaal iyo waxgarad ka socda Beesha Direed kuwaas oo cabasho ka ah dilal ay Ciidamada dowladda Soomaaliya u geesteen dad Shacab ah oo beeshaasi ka tirsan. Dilkii ugu dambeeyay ee loo geesto qof ka soo jeeda Beesha Direed ayaa waxa uu ahaa Allah ha u naxariistee wiil dhalinyaro ah oo maalmo ka hor Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu ku dilay magaalada Muqdisho kadib markii ay biyo gaarsiisay Mooto Bajaaj uu wade ka ahaa. Marxuumka la dilay ee Bajaajlaha ahaa ayaa la dhashay mid kamid ah Ilaalada Gaar-ka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya kaas oo fududeeyay in Madaxweynaha ay la kulmaan dadka uu ka soo jeedo walaalkiis oo si bareer ah loo dilay. “Mudane Madaxweyne tan iyo markii aad xilka qabatay Ciidamada Dowladda magaalada Muqdisho oo kaliya waxay nooga dileen 9 qof, midna cadaalad ma helin sababta ayaa u baahanahay” ayuu yiri mid kamid ah dhaqanka Beesha Direed oo kamid ahaa dadkii Madaxweynaha la kulmay, sida ay noo sheegeen xubno joogay kulanka “Maanta waxaan kuugu nimid inaa helno dadkii ka dambeeyay dilka 9 qof oo beesha ah ama inaa annaga raadsano oo aad berri mas’uul ka noqotid wixii dhaco” ayuu lagu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka codsaday odayaashii Beesha Direed ee kulanka la qaatay in la siiyo muddo kooban si uu kulan ula qaato saraakiisha amaanka oo arintaan gacanta ku haaya. Inta badan dilalka ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka fuliyaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa jirin wax tilaabo ah oo laga qaado waxaana jira walaac ay qabaan qaar kamid ah dadka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com