Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muddo hadda laga joogo, laba sannadood iyo badh ayuu Raiisal Wasaare ahaa Xasan Cali Kheyre. Taas oo kasoo bilaabmatey 1-dii – Maarso ee sannaddii 2017kii. Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya, uu digreeto ku magacaabey 23-dii – Febraayo, 2017kii Xasan Cali Kheyre. Halka Golaha shacabkuna ay ansixiyeen codeyntiisa dabaddeed 29-kii maarso. Rejo baahsan, aadna u mugweyn baa laga qabey labadamas’uul ee talada dalka gacanta ku dhigey. Ololihii hore, ee uu sameeyey Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa shacabka Soomaaliyeed quluubtooda gilgiley, oo in uun u bidhaamiyey naallo soo noqotey. Durbadiiba, waxa uu Xasan lasoo ifbaxey aftahannimo, uu ku sakhraamiyey shacabkii Soomaaliyeed. Riyaaqa iyo taageere xadkiisii dhaafey buu kasbadey, kaas oo horseeday in la illaawo waxyaabo badan, oo loo baahnaa in caqliga Soomaaligu uu isweyddiiyo. Anigeygan, qoraalka qoraya waxa aan kamid ahaa shacabkaas, jidboodey oo weyddiimaha tirada badan aan xasuusanba. Wuxuuna iila muuqdey, nin Eebbahay ku galladey sifooyin badan oo aan siyaasiyiinta Soomaalida, muddo ku arag. Waxa kamid ahaa waxaa iiga dhex muuqdey Xasan: Daacadnimo, Soomaalinimo Jaceyl, Deddaal badan, Waddani, Maamule wanaagsan, Siyaasi aragti fog iwm. Horaa, se Soomaali ugu maahmaahdey “Caano daatey, debadood la qabey e” muddo laba sanno iyo googo’ ah ayaan weyddiimihii dib isu weyddiiyey. Waxaan isweyddiiyey Xasan Cali Kheyre waa kuma? Halkuu ka yimid? Goormuu siyaasadda ku biirey? Siyaasadda Soomaalida goormuu kusoo biirey? Background jaadkee ah ayuu leeyahay? Ma Waddani dhab ahbaa? Hadalladan badan fal maku daraa? Waxqabad intee le’eg buu ku tallaabsadey muddadaas uu xilka hayey? Waa jaadkee siyaasaddiisa guddeed? Tiisa dibaddeed? Iwm. Haddaba waxaan isku deyi doonaa inaan guudmar ku sameynno sooyaalka ama taariikhda shakhsiyadeed ee Xasan Cali Kheyre? Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre Xasan wuxuu ku dhashey tuulada loo yaqaan Jacar Galgaduud, taas oo ilaa 50km u jirta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, hilaaddii 1968-kii. Wuxuu muddo kaddib, usoo hayaamey magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, halkaas oo uu Dugsigii Hoose/Dhexe iyo Sare ba ku dhammesytey. Kaddib 1991kii, markii dalku burburey, ee dagaalladu bilaabmeen, Xasan wuxuu u soo qaxey dalka Norwey. Dabaddeed muddo afar sanno ah kaddib, oo ku beegan 1994kii ayaa uu bilaabmey Jaamacadda Osolo, gaar haan Kuliyadda Political Science, halka minor ay u aheyd Sociology. Wuxuuna ka qalinjebiyey sannaddii 1998-kii. Intaas kaddib, wuxuu bilaabey Master of Bussiness Adminisration(MBA) oo uu ka bilaabey Jaamacadda Edinburgh Bussiness School, gaar ahaanna Dugsiga heerka labaad ee Ganacsiga Heirot-Watt University. Wuxuuna qalinjebiyey sannaddii 2001-dii. Heerkiisa aqooneed waa intaas. Bal haddana aynu jalleecno heerkiisa khibradeed ama shaqo, oo laga soo bilaabo ilaa markaas uu waxbarashada Academic ah dhammeystey oo ah 2001-dii. Xasan qalinjebintiisa kaddib, wuxuu shaqo ka bilaabey hay’adda Qoxootiga ee Norway “Norwegian Refugee Council – NRC” waxayna markaas aheyd 2002-dii. Waxaana uu ahaa isku xidhaha xarumaah hay’adda NRC-da. Xasan wuu ka tagey shaqadii muddo yar oo kooban kaddib, isagoo isku dayey in uu bilaabo Ganacsi iwm. Balse sannaddii 2006dii, ayuu kusoo noqdey hay’addii uu ka tagey ee NRC-da. Wuxuuna sii joogeey illaa muddo sagaal sannadood ah. Wuxuuna noqdey Agaasime heer gobol, gaar ahaan oo loo magacaabey Agaasimaha Geeska Afrika ee hay’adda NRC-da. Markaas uu ahaa Agaasimaha Geeska Afrika, oo ku beegan 2012-kii, gaar ahaanna bishii Juun. Waxa Badeecaddii hay’adda NRC ayaa laga soo weerarey Waqooyi-Bari Kenya “NFD” taas oo la diley mid kamid ah darawalladii, halka kuwo kale-na la dhawaacey. Halka afar qof oo ajanabi ahna la afduubtey. Dabaddeed, muddo afar maalmood ah ajnebigii waa lasoo daayey. Waxaana ay Maxkamadda Norwey, ku eedeysey mas’uulkii Hay’adda ee aaggaas oo ahaa Xasan Cali Kheyre, in ay arrintani sabab u tahay diyaar garow la’aan ama habeysnaan la’aan amni, oo isaga dhankiisa ahaatey. Kaddib Xasan Cali Kheyre, waxa uu la shaqeeyey 2013-ka wixii ka dambeeyey shirkadda shidaal baadhista ee Soma Oil and Gas. Waxaana loo magacaabey Agaasimaha Fulinta shirkadda ee qaaradda Afrika. Shirkaddani, waa shirkad Ingiriis ah, waxayna ku shaqo leedahay, shidaal sahaminta Soomaaliya. Haddaba Febraayo, 2016-kii ayaa Qaramada Midoobey, warqad u direen diblumaasiyiinta dalalka Ingiriiska iyo Norway, kuwaas oo ay ku tilmaamayaan in Xasan Cali Kheyre ay baadhayaan Guddida ilaalinta Soomaaliya iyo Eriteriya ee Qaramada midoobey “United Nations Monitoring Group for Somalia and Eriteria”, taas oo ay ku tilmaamey in Agaasimaha Fulinta Soma Oil Gas ee Afrika Xasan Cali Kheyre, uu baadhitaan ku socdo la xidhiidha in lagu eedeeyey in uu ay jiraan xadhko uu la leeyahay ururada argagixisada, gaar ahaan kuwa Geeska Afrika ee Al-Shabaab. Kaddib, haddana 17-kii Febraayo ee isla sannadkaas 2016-kii ayaa ay caddeeyeen, in waxba lagu waayey Mr. Kheyre, dhammaan eedaha loo soo jeediyey oo dhan. Walow, ay se tilmaameen in weli shaki arrintaa la xidhiidhaa uu jiro. Intaas kaddib, Xasan Cali Kheyre waxa uu shirkaddii Soma Oil Gas iska casiley 23-dii – Febraayo, 2017-kii. Taariikhdiisa, intaas ayey ku egtahay. Bal haddaba, waxaan isweyddiiyey arrimahan soo socda! Sidee baa qof badeecaddii NRC-da u sameyn kari waayey qorshe ammaan oo adag, ayunu dal dhan oo burburey dib u dhiskiisa ugu aaminney? Sidee baa qof aan khibraddiisu dhaafsiisneyn Agaasime hay’addeed loogu aaminey Raiisal Wasaaranimadii dalka? Isagoon weligii Agaasime Wasaaradeed, Xoghaye Wasaaradeed ama Ku-xigeen Wasiir soo noqon? Ee aynnu keliya hal mar u saarney kursigii dalka ugu sarreeyey ee Raiisal Wasaaranimada? Sow haggardaamo iyo god katuur dawladdeena ah maaha? Waxa kale ee la yaabka lihi, waxa ay tahay sidee baa qof loogu eedeeyey xadhko aragagaxiso in uu la leeyahay Al-Shabaab, loogu doortey Raiisal Wasaaraha dalka? Miyaan background-kiisa hore la baadhin? Khibraddiisa hore la baadhin? Cidduu yahey la baadhin? Arrintani waxa ay ka turjumeysaa, mooganaanta ay shacabka Soomaaliyeed ku jiraan dharaar iyo habeen. Waana sababta illaa hadda aan loo heynin wax waxqabad ah, oo uu dalka kusoo kordhiyey Xasan Cali Kheyre, aan ka aheyn booto iyo hadal uu fagaarayaasha kaga dhurmo. Wuxuu ku celceliyaa isla xisaabtan iyo waddaninimo, balse isaga ayaa ay tahay in lala xisaabtamo, oo la hubiyo in uu waddani yahay iyo in uu khaa’in yahay? Arrinta kale, baa waxa ay tahay shirkaddii u dambeysey ee uu Xasan Cali Kheyre ka shaqeynayey waa shirkad rabta in ay sahansato shidaalka ku jira dalkeenna. Si kasta oo loogu fududeyn karo helistiisana waa ay u mareysaa. Shirkaddan Soma and Oil Gas, markii ay sahamisey ceelasha shidaalka Soomaaliiya, waxa durbaba qeylo dhaan ka muujisey dawladda Kenya. Arrintanna, in loo fiirsado ayaa ay mudantahay sababtoo ah Kiiniya iyo shirkaddanba waxa aynnu maqalney waa intii dawladda Farmaajo iyo Xasan Cali kheyre timid. Mar ka horreysey, oo aynnu maqalney ma jirin? Dherigana waxa kulka ka keena waa kuleylka ayaa hore loo yidhi. Xasan Cali Kheyre, waxa uu u egyahay nin u jooga dilaalidda shidaalka Soomaaliya, una dilaalaya shirkadda Soma and Oil Gas. Doorashadiisiina in dawladda Nabad iyo Nolol soo bixisteeda ay gacmo shisheeye ku lug leeyihiin shaki kuma jiro. Xasan Cali Kheyre, waxa keliya ee immika u hadhey waa sannad iyo lix bilood. Qodobo la taaban karo, oo uu ku dhaqaaqeyna ama uu qabteyna ma jirto. Carruur baa magafe laga soo daayey oo keliyana, wax shacabka Soomaaliyeed lagu aamusiin karo ilama aha aniga agteyda. Waxaan hadal iyo afka noolnimo aheynna Xasan waa laga waayey. Waxaa, se ay u egtahahay in Maxamed Farmaajo uu Xasan u doortey, mashquulinta iyo aftahannimo ku sixridda shacabka Soomaaliyeed. Waxay, se shacabka Soomaaliyeed, muddooyinkan garowsadeen luggooyada iyo hungowga uu horseedka ka yahay Xasan Cali Kheyre, iyo in lagula khaldamey kursigaas Raiisal Wasaaranimada! Qalinkii: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani” Hargeisa, Somalia Afeef:- PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale, aragtida qoraalkan waxaa leh qofka ku saxiixan, waxaan kaliya oo dhiirigalinaa isdhaafsiga aragtida. The post Xasan Cali Kheyre: Miyaa lagu hungoobey? Mise? appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada 26 juun ee ay xoriyada ka qaateen guumaystihii Ingiriiska gobolada waqooyi ee dalkeena. Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha Xoriyadu ay yihiin kuwo mudan in la wayneeyo oo jiilka Cusub la dareensiiyo qiimaha ay ku fadhido madaxbanaanida iyo wadajirka dalkeena. Caawa oo kale ayay ahayd habeenkii ugu horeeysey ee dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taago calankeena buluuga ah ayada oo 26-June-1960 waqtigan oo kale laga taagey bartamaha magaalada Hargeysa . PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo shacabka Soomaaliyeed ku hambalyeeyay munaasabadda 26-ka June appeared first on Puntland Post.
  3. APO Group content is copyright free and can be republished at will. African Development Bank Group (AfDB) PRESS RELEASE African Development Bank approves USD 24.7 million for Water and Sanitation Development in South Sudan The Strategic Water Supply and Sanitation Improvement Project will support the rehabilitation of approximately 50km of the Juba town distribution network and related works ABIDJAN, Ivory Coast, June 25, 2019/ — The Board of Directors of the African Development Bank (www.AfDB.org) on June 20, 2019, approved a proposal to commit $24.7 million to finance the South Sudan Strategic Water Supply and Sanitation Improvement Project. The Strategic Water Supply and Sanitation Improvement Project will support the rehabilitation of approximately 50km of the Juba town distribution network and related works, including metering and public water collections outlets. The project will also cover feasibility and engineering design for two other towns under the jurisdiction of South Sudan Urban Water Corporation. The project will additionally cover the development of solar powered water distributions systems and sanitation and hygiene promotion in high-density rural communities surrounding Juba, as well as capacity development in the relevant water institutions. Implementation will commence during the 2019/2020 financial year, with the Ministry of Water Resources and Irrigation and the South Sudan Urban Water Corporation serving as the executing and implementing agencies, respectively. South Sudan’s capital city of Juba, like many urban centers in the country, suffers from the effects of years of armed conflict and under-investment in the development and maintenance of basic water infrastructure. Increased numbers of displaced people and rapid urbanization have placed considerable strain on existing urban water supply infrastructure and the illegal supply of untreated water drawn from river Nile by private water tanker operators is common in the city and its suburbs. On completion, the project will directly benefit 300,000 people in Juba and the surrounding rural Jubek state. The nearly $2 million grant will ensure that schools and communities in eight targeted rural areas of Jubek state, will benefit from 40 public/institutional latrines blocks to be constructed, as well as hygiene education. “The incorporation of a rural water and sanitation component in areas that are relatively safe to reach indicates that the project opens a pathway for more support for rural WaSH going forward,” said Osward Chanda, Manager for the Water Security and Sanitation Division at the Department of Water Development and Sanitation. “By helping to improve the quality and delivery of urban water supply services in Juba city and strengthening rural water supply and sanitation services, the project will greatly assist its target population,” said Bank Country Manager for South Sudan, Benedict Kanu. He added that it will help in combatting diseases, reducing health costs, improving quality of life, as well as helping women save time and increased convenience due to closer water supply outlets. Since 2012, the Bank has contributed more than $136.79 million in development aid across various sectors in South Sudan. Bank support has focused on capacity building, infrastructure development, and creating conditions for promoting peace, stability and state building, among the Bank’s strategic priorities. The project aligns with South Sudan’s National Development Strategy (2018-21) and the orientation of the Bank’s 2012-18 Country Strategy Paper, which was extended in May 2019 to 2021. Both strategies emphasize nation building through capacity building and infrastructure development. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). View multimedia content Media Contact: Amba Mpoke-Bigg Communication and External Relations Department African Development Bank Email: a.mpoke-bigg@afdb.org Technical Contact: Andrew Mbiro Water and Sanitation Specialist African Development Bank About the African Development Bank Group: The African Development Bank Group (www.AfDB.org) is Africa’s premier development finance institution. It comprises three distinct entities: the African Development Bank, the African Development Fund (ADF) and the Nigeria Trust Fund (NTF). On the ground in 37 African countries with an external office in Japan, the Bank contributes to the economic development and the social progress of its 54 regional member states. For more information: www.AfDB.org SOURCE African Development Bank Group (AfDB)African Development Bank approves USD 24.7 million for Water and Sanitation Development in South SudanAfrican Development Bank approves USD 24.7 million for Water and Sanitation Development in South Sudan Qaran News
  4. Sidii Ay Kutimi Xornimadii Somaliland Ee 26-kii June 1960-kii Iyo 59 Sano Kadib Halkay Ku Dambeysay. W/q: Hamse Bashe Wiyeer-yare “Calankaannu sugaynaye , Sahankiisa ahaynow Seermaweydo hillaacdayow, Sagal maanta darroorayoo Siigadii naga maydhayow, Saq dhexaannu ahayne Kii soo saaray cadceeddow, Samada kii u ekaaye xiddigaa mid la siiyayow, Saaxirkii kala guurraye aha Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib Kanna saar” Abwaan cabdilahi suldaan – 26kii june 1960kii Taariikh ahaan waxay ku beegnayd 1884kii markii Guumeystayaashii reer galbeedku usoo kala tartameen qabsashada Dhulkii Soomaalidu deganayd oo ay Somaliland-na kamid ahayd, Somaliland oo kutaalay bogcad aad muhiim ugu ah isku xidhka caalamka, sidoo kalena leh Khayraad dabiici ah oo aad u faro-badan. Dhamaadkii qarnigii 19aad waxay Somaliland u ahayd wakhti ay la kulantay isbedelo taariikhi ah, waana xiligii Nin cadaan ah oo kasocoday Dawladii Ingiriisku uu kormeer kusoo maray deegaanada Somaliland, waana xiligii dadka Somaliland (Oday dhaqameedyo) ay heshiis taarikh ah la galeen Guumaystihii Ingiriiska, heshiiskaad dadka Somaliland ay ku ilaalinayeen diintooda iyo dalkooda, waxaanu heshiiskaasi ahaa mid Somaliland taariikhada u galay oo ay kaga duwaneyd Qaarada inteeda kale ee uu guumaystuhu qoriga caaradiisa ku qabsaday. Qodobadii Lugu Heshiiyey: 1. In aan Saraakiil mooyaane aanu Askari u dhashay Dalka Ingiriisku aanu iman karin dhulka Somaliland, taas badelkeedana uu Ingiriisku Askarta ka qorto dadka reer Somaliland. 2. In Xaasaska saraakiisha Ingiriisku aanay ku dhali karin meel kamid ah dhulka Somaliland, taas oo macnaheedu ahaa in Dalka laga saaro marka ay gaadhaan xiliga dhalmada. 3. In aanu Ingiriisku dalka ka dhisi karin Kiniisado ama Dugsiyo lugu barto Afkiisa, taas oo looga jeeday in la ilaaliyo dhaqanka suuban ee diinta Islaamka iyo afka hooyo ee ay umadu leedahay. 4. In boqortooyada Ingiriisku aanay lacankeeda ku dul taagin meel kamid ah dhulka Somaliland ee ay ka taagaan meel ka sareysa ciida, si aanu Ingiriisku iskugu arkin in uu leeyahay dhulka Somaliland. 5. Waxa kale oo kamid ahaa in aanu Ingiriisku ku wareejin karin dhulka Somaliland dawlad kale oo shisheeye. Bilawgii qarnigii 20aad waxaa dhulka Somaliland ka bilaamay halgan xornimo-doon ah oo ay horkacayeen ciidamadii Daraawiishta oo uu hogaaminaayey AHN Sayid Maxamed Cabdale Xasan, ciidamadaas oo ay xarun u ahayd magaalada Taleex, 21-tan sano kadib markii uu socoday halgankii daraawiishutu ayaa ugu dambeyntii la jabiyey ciidankii Daraawiishta, kadib markii diyaaradihii ugu horeeyey ee yimaada qaarada Afrika ay dulaan iyo duqaymo ku qaadeen xaruntii halgamayaasha ee taleex, iyagoo dhulka dhigay qalcadihii waaweynaa ee looga telin jiray halgamayaashii Daraawiishta. Sayidka oo gabay ku sifaynaaya duulaankaas diyaarada ayaa waxa kamid ahaa gabaygaas “Coomaado duulayey Cadan ka keeneen, Cirka iyo dhulkaa isqabsaday cararaqdoodiiye”. Halgankii daraawishu muu noqon mid ku joogsada duqaymihii diyaaradaha, ee waxay firdhadkii ku galeen dhulkii looyaqaanay Soomaali galbeed halkaas oo ay kasii wadeen halgamo iyo abaabulo hoose oo aakhirkiina soogaadhey Somaliland. Sanadkii 1957kii waxaa la aasaasay Goleh Dad Somalilander ah iyo Xubno Ingiriis ah iskugu jiray, wuxuuna ahaa goole metalaaya Somaliland, golahan ayaa ahaa mid go’aaminaaya sharciga, Madaxdii Ingiriiska ee golahaas kujiray iyo odayaal dhaqameed Somaliland ah ayaa xiligaas socodaal kutegay dalal badan oo Yurub iyo afrika katirsan, markii ay xubnahaasi kusoo noqodeen Somaliland waxaa si xoogleh u bilaamay halgankii xornimo-doonka iyada oo si toos ah dadka Somaliland Ingiriiska ku amrayeen in ay xoriyadooda siiyaan, si xaalada kacsan ee shacabka loo dejiyo ayuu Ingiriisku gudaha Somaliland ku qabtay doorasho ay ku tartamayeen Xisbiyo badan taas oo qayb ka ahayd sidii Madaxtinimada qayb looga siin lahaa Bulshadii dalka lahayd ee reer Somaliland. 26kii June 1960kii ayey Somaliland si buuxda xoriyadeedii uga heshay Boqortooyadii Ingiriiska iyada oo aqoonsi buuxda ka heshay dalalkii joogtada ku ahaa Golaha Amaanka sida Faransiiska, Shiinaha, Maraykanka, Ingiriiska iyo Midawgii Soofiyatiga, halka sidoo kale ay Somaliland aqoonsadeen dalal ay kamid ahayd Jamhuuriyada Carabta ee Masar, Munaasibado waaweyn oo xornimada loogu debaal degaayana waxaa lugu qabtay guud ahaan Somaaliland. Abaaro 6dii markay saacadu ahayd 26kii june ayaa calankii Ingiriiska laga dejiyey goob munaasibada xoriyadu ka dhacaysay oo kutaala gudaha magaalda Hargeysa, munasibadaas waxaa goobjoog ahaa Madax aad u tiro badan oo Boqortooyadii Ingiriiska ka socoday oo uu hogaaminayey Badhasaabkii Ingiriiska u fadhiyey Somaliland, sidoo kale waxaa goobtaas buux dhaafiyey dadweyne xamaasad iyo jibo haysay oo mar uun sugaayey in ay arkaan calanka Ingiriiska oo la dejinaayo, Munasibadaas waxay ciidankii Ingiriisku ka rideen madaafiic ay kaga qayb qaadanayaan xorniyada ay Somaliland heshay, Badhasaabkii Ingiriiskuna waxa uu goobtaas ka akhriyey khudbad Amaan iyo xil-wareejin iskugu jirta oo uu kusii sabootinaayey Dadkii iyo Dhulkii mudada badan ay xukumayeen, Sidoo kale waxa goobtaas ay abwaano Somaliland ah (Cabdilaahi Suldaan Timacade, Abwaan Cabdi Iidaan Faarax) kusoo bandhigeen Gabayo iyo geeraaro taariikhda galay oo ay kaga qayb qaadanayeen xuskaas iyo munaasibadaas aadka qiimaha ugu dhex lahayd dadka Somaliland, Abaaro 12kii markay saacadu ahaydna waxay dadkii iskusoo baxay oo xoonsani isku soo shubeen Beerta xoriyada Hargeysa si ay mar uun indhaha uga qaadaan calanka la saarayo ee bedelay kii laga dejiyey ee Ingiriiska. Hadii aan intaas kagasoo gudbo sidii xoriyadu kutimi iyo dedaalkii loo maray, aynu eegno 59 sano kadib maanta oo kale. Somaliland oo xor ahayd 59 sanadood ayaan weli wax aqoonsi ah ka heli caalamka, inkasta oo aynu soo tilmaamnay in maalintii xornimada ay Somaliland aqoonsadeen wadamo waaweyn caalamka kamid ahi ahadan sababo jiray awgeed aqoonsigaasi muu noqon mid sii waara. Xukumadihii ugu horeeyey ee Somaliland soo maraa waxay sanad kasta 26ka June qaban jireen munaasibado waaweyn oo lugu xusaayo maalintaas qiimaha uleh shacabka Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida, laakiin sanadadii ugu dambeeyey xuska 26ka June waxay u muuqatay mid meesha kasii baxaysa iyada oo iyada badalkeedii la xusaayey oo la weyneeyey 18ka May,Hadaba shacabka Somaliland miyey ilaaween maalintaas qiimaha badan?, libin iyo guul ay Soomaali oodhan usoo xareeyeen maxaa ka dhigay maanta mid ay ka gacan madhanyihiin?, Maxaa ka dhigay 26ka June in ay kusii hadho oo keliya afka iyo hadal hayn?, Jawaabaha su’aalahani waakuwo guud ahaan sugaaya Shacabka Somaliland. Lasoco Qaybta Xoriyadii luntay 4 cisho kadib Wa-bilaahi Tawfiiq Saxafi /Qoraa Madax banaan. Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare) E-mail: Xamse18@gmail.com Www.facebook.com/wiyeeer Www.wiyeeryare.blogspot.com Hargeysa/Somaliland Qaran News
  5. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Bar__-Qumanaha-Wararka-25062019-Oky.mp3 View the full article
  6. ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) — Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed sobbed openly at a service Tuesday for the country’s military chief who was assassinated by his bodyguard over the weekend. Source: Hiiraan Online
  7. Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa qoraal ay soo saartay shaaca uga qaaday goorta si rasmi ah loo dhageysan doono doodda dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda ay dhici doonto 9-ka illaa 13-ka bisha Sepetmber ee sanadkan. Dhageysiga ayaa ka kooban laba wareeg. Wareegga koowaad ayaa la qaban doonaa 9-ka iyo 11-ka September. 9-ka oo ku beegan Isniin waxaa doodda leh Soomaaliya, halka 11-ka oo arbaco ay leedahay Kenya. Wareegga labaad ee dhageysiga dacwadda ayaa dhici doona 12-ka iyo 13-ka September. 12-ka oo ku beegan khamiis waxaa hadli doonaa Soomaaliya, halka 13-ka oo Jimco ah ay hadalka leedahay Kenya. Go’aanka kama dambeysta ah ee maxkamadda ayaa la filayaa inuu soo dabayaaqada sanadkan. Hoos ka arag warqadda kasoo baxday maxkamadda Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  8. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed has been seen weeping at a memorial for the army chief of staff who was shot dead in an alleged coup attempt on Saturday. Source: Hiiraan Online
  9. Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ururka Ahlusunna Waljamaaca ee ku sugan Magaalada ay Shuruudo hor dhigeen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Ahlusunna ku wargaliyay in ay soo wareejiyaan Ciidanka si xuquuq ay u siiso dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka mid noqdaan taliska qeybta 21-aad, waxaa uu sidoo kale soo jeediyay in Galmudug si siman loo qeybsan doono, islamarkaana aysan jiri doonin waxyaabo dheeraad ah oo la siinaayo Ahlusunna lala doonaayo maamul dhameystiran in loo dhiso Galmudug. Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud ayaa intaasi ka dib la sheegay in uu Ra’iisul Wasaaraha hor dhigay in Xildhibaano dheeraad ah laga siiyo maamulka Galmudug, kuwaasoo ka madax banaan 89 Mudane ee laga soo xulo beelaha Galmudug, in Ciidanka Ahlusunna si gaar ah loo aqoonsado, in xilal ay soo Magacowdaan Sidda Madaxa Xukuumadda, Wasiiro iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, islamarkaana dhammaan doorashooyinka Galmudug lagu qabto Dhuusamareeb. Wasiir ka tirsan Galmudug islamarkaana ka mid ahaa Wasiiradii ka yimid dhanka Ahlusunna oo ka gaabsaday in magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa xaqiijiyay Warkaan, waxaana uu sheegay in Dhuusamareeb uu kasoo bidhaamay Khilaaf cusub oo ku aadan habka awood qeybsiga maamulka Galmudug. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay in uu yeeray Xildhibaano ku sugnaa Magaalada Cadaado si ay qeyb uga noqdaan xalinta tabashooyinka maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ahlusunna ay jiraan heshiis hoose oo dowladda dhexe ay la gaartay maalmo ka hor,kuwaasoo aan qaarkood la fulin. Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan sheegay in dhammaan uu buray heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug, islamarkaana doorashadda maamulkaasi lagu qaban doono Magaalada Cadaado. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. The hearing of the maritime dispute between Kenya and Somalia will start on September 9 and run through to September 13 at the International Court of Justice (ICJ) at the Hague, Netherlands. Source: Hiiraan Online
  11. (SLT-Tehran)-Madaxweynaha Iiraaan xasan ruuxaani ayaa ka hor yimid cunaqabateynta cusub ee uu Mareykanka saaray hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Aayatullahi Cali Khumeyni. Mr Ruuxaani ayaa intaa ku daray in go’aankaan uu yahay mid ixtiraam darro ah, isaga oo hoggaanka aqalka cad ku tilmaamay mid maskax ahaan dhiman. Qudbad uu ka jeediyay Tv-ga qaran ayuu Ruuxaani ku sheegay talaadada maanta ah in Cunaqabateynta Khumeyni ay fashil ku dhamaan Doonto. Wuxuu intaa ku daray in aysan xiligaan Jirin baahi uu hogaamiyaha Ruuxiga ah ugu safro dalalka Dibada gaar ahaan Mareykanka. Aqalka Cad maskax ahaan ma ahan mid fadhiya istaraatijiyada aamusnaanta ah ee aan adeegsaneyno ma ahan in aan ka baqeyno Mareykanka ayuu yiri Ruuxaani. Dhanka kale Xukuumada Washington ayaa sheegtay in todobaadkaan ay cunnaqabateyn ku soo rogi doonto wasiirka arimaha dibeda Iiraan Mohammad Javad Zarif. Arimahaan ayaa ku soo aadaya iyadoo xoghayaha amuuraha dibeda Mareykanka Mike Pompeo uu sheegay in dalkiisa uu diyaarinayo in wadahadal uu la galo Iiraan. Source
  12. (SLT-Riyadh)-Haweeneyda uu guursan lahaa wariye Jamal Khashoggi oo sannadkii hore lagu dilay dhismaha qunsuliyada Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa ku baaqday in Baadhitaan caalami ah lagu sameeyo dilka Saxafigaan. Baaqa ka soo yeedhay Hatice Cengiz, ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii khabiir dhanka baadhitaanada ah oo ka tirsan qaramada midoobay ay dilka Khashoggi ku eedeysay boqortooyada Sacuudiga. Cengiz oo kula hadashay diblumaasiyiin iyo saxafiyiin ku sugan magaalada Geneva ee caasimada Swiss-ka ayaa sheegtay in warbixinta qaramada midoobay ay xoojin u tahay in baadhitaanada la sii Wado. Waxaan u baahanahay baaritaan caalami ah oo ku aadan dilka loo geestay Khashoggi, ma ahan oo kaliya in la baadho madaxda sacuudiga doorka ay ku leeyihiin dilkaan ee waxaa sidoo kale jira in hogaanka boqortooyada ay cabsi galin iyo handadaad isku dayeen si ayu tirtiraan Cadeymaha. Warbixin ka kooban boqol bog oo 19-bishan June ay soo saartay Agnes Callamard oo qaramada midoobay u qaabilsan dhanka baadhitaanada ayaa muujinaya in boqortooyada Sacuudiga ay ku lug laheyd dilkii 2-dii October loo geestay wariye Jamal Khashoggi. Saxafigaan ayaa lagu dhex khaarijiyay dhismaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul oo uu ka doontay shahaado muujineysa in ay kala tageen afadiisii Hore. Dowlada Turkiga ayaa dhanka kale sheegtay in 15 xubnood oo loo soo tababaray dilkaan ay ka danbeeyeen dilka Jamaal. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Sababta Ay Soomaaliya U Diiday Shirkii Wada-hadallada Somaliland Iyo Muqdisho Ee Maanta Ka Dhacay Nairobi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Oo Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ku Eedeeyay Inay Faro-galin Ku Hayaan Xaalado Colaadeed Oo Ka Taagan Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargaysa) Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyey Qandaraas Ay Ka Qayb Qaadanayaan 17 Shirkadood. Source
  16. (SLT-Washington)-Waaxda arrimaha dibedda Maraykanka waxay soo saartay Digniin cusub iyo khataraha ay Muwaadiniintooda kala kulmi karaan haddii ay u safraan dal kasta oo ku yaalla Qaaradda Afrika. USA and Somalia – Miniature Flags Isolated on White Background. Warbixinta waxaa si gaar ah loogu muujiyey 14 Waddan oo ku yaalla Caalamka oo ay ka socdaan colaado, waxana si gaar ah loo tilmaamay 6 dal oo ku yaalla Qaaradda Afrika, kuwaasi oo heerka Socdaalka la gaadhsiiyey digniinta Heerka 4-aad ee lagu qiimeeyey dalalka aan loo safri Karin. Qiimeynta waaxda arrimaha dibedda Maraykanka ee dalalka Afrika ee lagu asteeyey Khatarta heerka 4-aad ee aan loogu socdaali karin waxay kala yihiin: Soomaaliya, Suudaan, South Sudan, Mali, Libya iyo dalka Afrikada Dhexe. Digniinta waxaa lagu xusay inay Muwaadiniinta haysta dhalashadda Maraykanka marnaba socdaal ku tegin Soomaaliya (Do Not Travel), waxayna ka digtay inay la kulmi karaan Dembiyo, Afduub, Budhcad-baddee iyo weeraro ka dhici kara deegaanadda ay dadka Dalxiisayaasha booqdaan, iyadoo weerarada baahsan ee ka dhaca Somalia la sheegay inay boqolaal qof ku geeriyoodeen iyo inay Macluul iyo barakaca dadka deegaanka, kuwaasi oo noqday dad u nugul saboolnimo xag-jir ah iyo colaado. Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka uga digto dadkeeda inay u soo socdaalaan Somalia, kuna tilmaamaan Dal Khatar ah oo Heerka 4-aad ku jira. Source
  17. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxda imaraadka Carabta ee maalgelisa ciidamada Badda Puntland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan PMPF ayaa joojiyey bishii la soo dhaafay gebi ahaanba qandaraaskii sahay-siinta iyo quudinta hay’addii horay u haysan jirtay oo lagu magacaabo BDG. Hay’adda BDG ayaa ahayd in muddo ah kooxdii haysan jirtay qandaraaska quudinta iyo sahay-siinta ciidamada Badda Puntland. Doorashadii Deni ee Puntland ka dib, waxaa soo kala dhexgalay kooxda BDG dhexdeeda khilaaf xoogan; waxaana jira in qandaraasleyda mudada dheer isla shaqeysan jiray ee ganacsatada Somalida u badan ay haatan u kala jabeen laba garab. Madaxda imaaraadka carabta ee iyagu maalgeliya ciidanka badda Puntlnd ayaa diiday in wax wada shaqayn ah la yeeshaan Hay’adda BDG oo ay leeyihiin rag ganacsato reer Bari iyo reer nugaleed u badan. Dadka aadka ugu dhow dhow BDG iyo kooxaha labada garab u kala jabay ee ganacsatada reer Bari iyo reer Nugaaleedka u kala safan ayaa tilmaamaya in madaxweyne Siciid Cabdulaahi Dani, Maxamuud shido, Daahir Macalin Ayaanle iyo wiil ay madaxweynaha walalo yihiin oo lagu magacaabo Xassan Cabdulaahi Deni ay doonayaan tabo iyo xeelado kale oo ay dhaqaalha ku bixi jiray BDG jeebka ugu shubtaan, meeshana ay ka saaran Sadex nin oo awoodda ugu badan ku lahaa qandaraaska. Kooxdan Madaxweyne Deni duqa u yahay waxay doonayaan in la baabi’iyo gebi ahaanba hay’adda BDG oo marka la burburiyo dib loo abuuro koox gaar ah oo la shaqeyn doonta madaxda Imaaraadka Carabta, isga oo marka la baabi’iyo damacsan yahay in madaxweynuhu u diro qoraal cusub oo loogu cimaamadayo kooxdiisaan cusub , waxaana kooxdaas ka mid ah Maxamuud Shiddo, Daahir Macalin Ayaanle iyo Xassan Deni oo ay walalo yihiin Madaxweynaha, waxayna qabanayaan kooxdaas madaxweynaha magacaabi doono, shaqqdii ay qaban jirtay BDG iyaga oo buuxinaya booskii iyo howlihii ay qaban jireen hay’adda BDG ee hadda laga joojiyey qandaraasyadii ay ka qaadan jireen imaraadka carabta. Kooxaha la dhigay banaanka ayaa waxay kala yihiin Senator Maxamuud Mashruuc, Cismaan Shire Quud iyo Bashiir Abdulaahi Saalax-Deer oo dhaamantood ka soo jeeda beelaha awooda ku leh gobolka bari. Maxanuud shido, Daahir macalin ayaanle iyo Madaxweyne deni ayaa aaminsan in dhaqaalaha ku bixi jiray hay’adda BDG iyagu gacantooda la soo gasho dibaddana loo saaro maalqabeennada reer bariga ah ee kor ku xusan. Saaxiibbada ku dhow dhow Maxamuud shido- oo ah hogaamiyaha kooxda Aaranjaan- ayaa sheegaya in muddo dheer uu u ciil cunayay kooxadan oo la sheegay inay si gunimo ah ula dhaqmi jireen xilliyadii Madaxweyne Gaas taladda hayey, markaas oo uu Shiddo gacan ku gabbad ahaa. Maxamuud shido ayaa la tilmaamayaa in hadda la joogo waqtigii uu jaansika la sugayey kooxda reer bari ee dhaqaale badan oo mashruucaas ka soo xarooday ka gacan-bidixeysay mudadii uu ka mid ahaa BDG. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN) – Milatariga Mareykanka ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in uu duqeyn ku dilay hal dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu shaaciyey in weerarka cirka ah ay 24-kii bishaan ka fuliyeen magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe. AFRCOM ayaa tilmaamtay in howlgalkan oo ay kala kaashadeen dowladda Soomaaliya aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah. Marka laga soo tago sheegashada Mareykanka, ma jiro illaa iyo haatan wax war ah oo ku saabsan duqeyntan oo kasoo baxay Al-Shabaab. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ujeedada kulanka ayaa la sheegay in uu ahaa la socodka Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qarank oo a ay wado qoristiisa Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee DFS. Wasaaradda Qorsheynta XFS ayaa u soo bandhigtay Guddigaan, qabyo qoraalka koowaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka, Seddexda ahmiyad ee muhiimada u leh dalka, kuwaas oo kala ah Siyaasadda loo dhan yahay, horumarinta Dhaqaalaha iyo Amniga, iyo kala sareynta Sharciga. Xildhabaanada Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa Waasaradda su’aalo ka waydiiyay hanaanka uu u dhacay wada-tashiga Wareegga Koowaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo sida loo dhageystay Aragtida Shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale Xildhibaanada ayaa wax ka waydiiyay wasaaradda howlaha kale ee muhiimka ah ee ay wado, kuwaas oo ahmiyad ballaaran u leh dalkeenna, waxaana guddiga uu boggaadiyey shaqada culus oo ay hayso wasaaradda Qorsheynta XFS, kuwaasi oo lafdhabar u ah dalka. View the full article
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa Dowladda Sacuudi Carabiya ugu hanjabay in xoolaha laga dhoofiyo Dekadda Magaalada Berbera aysan mowsimka Xajka ee sanadkan u diri doonin Sucuudiga. Go’aanka ayey Somaliland sheegtay in uu ka dhashay warqad ay Dowladda Sacuudiga u dirtay Somaliland uguna sheegtay in warqadda caafimaadka Xoolaha sanadkan ee Xajka ay bixineyso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka Xannaada Xoolaha Somaliland ayaa sheegay in wali warqad ay dowladda Federaalka ah dirtay aan xoolo looga dhoofin Somaliland hadda kaddibna aysan dhaceyn. Waxaa uu intaas ku daray in haddii dowladda Sacuudiga ay ku adkeysato go’aankeeda ay Somaliland heysan doonto xoolaha laga dhoofiyo Dekadda Magaalada Berbera. Xoolaha Mowsimka Xajka laga dhoofiyo Dekadda Berbera ayaa laga keenaa guud ahaan Dhulka Soomaalida,waxaana laga wada dhoofiyaa Dekadda Berbera. La oga sida ay dowladda Sucuudiga uga warcelin doonto hadalka Somaliland iyada oo dhinaca kalena Dowladda Federaalka ah ee SOomaaliya aysan ka hadlin go’aanka Sucuudiga iyo midka Somaliland. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  21. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in la qaado xayiraadii saarneyd xoolaha Soomaaliya ee loo iib-geeyo dalka Sucuudiga. War Saxaafadeedka wasaaradda ayaa u qornaa sida tan; Xoolaha Soomaliya waa laf-dhabarka dhaqaalaha dalka waxaana noloshoodu ku tiirsantahay in ka badan 70% shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxa ay qayb ka qaatan kororka wax soos saarka dhaqaalaha gudaha dalka (GDP) 65% isla markaana waxaa ka soo hoyata dhoofka xoolaha in ka baddan 80% lacagta adag ee soo gasha dalka. Xoolaha Soomaaliyeed waxeey saldhig u yiiin xoolo dhaqatadeena reer guuraaga ah kuna nool miyiga iyagoo ka helo caano iyo hilib ee xagga nafaqada caruurta iyo haweenka iyo lacago kaash oo ay ku dabooshaan nolol maalmoodka iyo in ay ku soo iibsadaan raashinka daruuriga ah. Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaal Soomaaliya iyadoo gudaneeysa waajibaadkeeda shaqo ee ku aadan barnamijka Xukuumadda oo uu Rai’iisul Wasraaha ka yahay Mudane Xasan Cai Khayre, gaar ahaan Tubaha Qaranka iyadoo ay Wasaaraddu qay ka tahay tubta dhaqaalaha ee Xukuumadda waxeey u howl gashay fulinta halbeegyada saldhiga u ah tubta dhaqaalha e ku aadan horumarinta Xoolaha Soomaaliyeed iyo ka qaadida xayiraada saarneyd dhoofka xoolaha ee loo dhoofiyo Dalka Boqortooyada Sacuudiga ee aan walaalaha nahay, isla markaana loo helo suuqyo cusub oo loo iib geeyo xoolaheena nool iyo waxa ka soo baxa. Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daqqa, waxeey ku guuleeysatay in markii ugu horaysay diyaariso muddo dheer kadib Straateejiyad guud oo muddo toban sano ah(2020 – 2030), taasoo ay gacan naga siiyeen Hay’adaha Bangiga Aduunka iyo FAO oo lagu horamarinaayo xoolaha Soomaliyeed ee dhinacyada: (Caafimaadka, Daaqa, Biyaha, Waraabka, Horumarinta Dhoofka Xoolaha iyo hagaajinta iyo kobcinta Caanaha, Hilibka, maqaarka xoolaha, Digaaga, Calafka, Shinada iyo wixii la xiriira), taasoo lagu soo gabagabeeyey dalka gudihiisa 17-19-kii bisha Juun 2019 ,waxana daah furay Raii’sul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomalia , goob joogna ay ka ahaayeen Madaxa Xaafiiska Bangiga Aduunka ee Soomaaliya, Madax Xaafiiska FAO ee Soomaaliya, EU, UN-ka iyo xubka socday Deeq bixiyayaasha Calamka. Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, iyadoo gudaneeysa waajibaadkeeda shaqo waxeey u howl gashay in xayiraada laga qaado xoolaha Soomaliya ee aan u dhoofino Dalka Boqortooyada Sacuudiga , iyadoo kashaneeysa Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Ali Kayre. Xiriiro baddan oo aan la sameeynay wasaradda dhigeena ah ee dalka Sacuudiga kadib wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku-Xigeenka Xukuumada oo uu ka mid ahaa Wasiirka Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa uu safar ku tagay Dalka Sacuudiga iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay in xoolaha Soomaaliyeed laga qaado xayiraadaha soo noq noqtay waxaana la isku afgartay in si wada jir ah aan uga wada shaqeeyno si aaney xayiraadahaasi ay dib u soo laabanin. Iyadoo Wasaraddu daba joogto arrintaas waxeey safar ku tagtay Dalka France, Paris, bishii May ee sanadkan si ay uga qayb gasho Shirweeynaha 87-aad ee Hay’adda Caafimaadka Xoolaha ee OIE taasoo haysa, bixisana shuruudaha dhoofaka xoolaha nool iyo wax aka soo baxa xoolaha gaar ahaan shuruudaha caafimaadka xoolaha (Animal and Animal Products), waxaana halkaas kula kulanay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Xoolaha ee Aduunka (OIE) Mrs. Monica Eliot oo aan isku afgaranay in Hay’adda OIE iyo Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daqa ka wada shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa halbeegyda caalamiga ah ( International Standards) oo lagama maarmaan u ah dhoofka xoolaha iyo wax aka soo baxa; iyo hagajinta iyo kor u qaadida heerka maxjarada xoolaha laga dhoofinayo, Shaybarada iyo Guud ahaan Caafimaadka Xoolaha si looga hortago cudurada loogana daaweeyo. Hadaba, waxaana halkaan ugu soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed, xoolo dhaqatada , ganacsatada iyo ciddi ku howlana arrimaha dhoofka xoolaha Soomaliya, in ay Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ay ku guulaysatay in xayiradii dhoofka xoolaha soomaaliya ee dalka Sacuudi Arabiya laga qaaday Moosinka Xajkan sanadkan 2019-ka iyado Wasaarddeena iyo Wassaradda Beeraha ee dalka Sacuudiga a noo socoto sidii guud ahaan looga qaadi lahaay xayrada dhoofka xoolaha Soomaaliya iyado howshasi ay meel gebo bebo ah ay mareeyso dhowaana aan idinla wadaagi doono wixii ka soo baxa. Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo magaca Dawladda Federaalka Soomaliya, waxaan halkaan mahad ballaaran uga jeedinayaa Dawladda Boqortooyada Sacuudiga ee aan Walaalaha nahay oo uu Hogaamiyo u addeegaha labada Xaram ee xurmada mudan Boqor Salmaan Bin Abdulaziz, gaar ahaan waxaan u mahad celinayaa Wasaardda Bay’idda, Biyaha iyo Beeraha ee Dawladda Sacuudiga oo runtii ay wada shaqeeyn fiican naga dhaxeeyso waxaana soo dhoweeyneeynaa qaraarkii ay kaga qaadeen xayirada dhoofka xoolaha ee sandkan Moosinka Hajka 2019-ka kaasoo si rasmi ah noogu soo gudbiyeen. Anigoo la qaybsanaya farxaddan shacabka Soomaaliyeed iyo inta daneeysa xoolaha Soomaaliyeed waxaan idinka codsaneeyna in aad nagala shaqeeysaan horumarinta caafimaadka iyo fulinta halbeegyada caalamiga ah (International Standards) ee la xiriira dhoofka Xoolaha Soomaaliya iyadoo danta gaar aan ka hormarineeyno danta guud ee Umadda Soomaaliyeed oo ay noloshoodu ku tiirsantahay xoolaha. Dhammaad View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Habeen-25062019.mp3 View the full article
  23. (SLT- Minnesota)-Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitter-ka ku daabacday iyadoo la damaashaadeysa dadka isku jinsiga ah ee isku taga oo sannadkasta bishan oo kale sameysta dabaaldegyo. Dalalka sharci ahaan ogol LGTB waxaa ka dhacaya munaasabo “guur” oo dhexmaraya dadkaas oo sannadkiiba mar la qabto. “Waqti cajiib ah oo ciyaaro iyo dabaaldeg ah ayaan la qaaday #TCPride damaadkii toddobaadka”, ayey ku qortay barteeda Twitter-ka. Waxay soo dhigtay muuqaalkeeda ayadoo qoob ka ciyaar ka sameyneysa goob ay ka muuqdeen dad lagu qiyaasi karo illaa boqollaal qof. Xildhibaanadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Ilhaan Cumar, ayaa dhammaadkii bishii la soo dhaafay, aqalka Congress-ka geysay hindise sharciyeed difaacaya xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Waxay dooneysaa in arrimaha socdaalka laga hor istaago qof kasta oo gacan ka geysatay fulinta sharciga ay meel marisay boqortooyada dalka Brunei ee dhigaya in la mamnuucay in ay isu galmoodaan dadka isku jinsiga ah. Sharciga dalka Brunei ayaa dhigaya in dadka lagu helo in ay isu weeydaarteen iyaga oo isku jinsi ah, in lagu xukumayo dil dhagax ah (rajmin). Ilhaan oo fariin soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayaa sheegtay in sharcigan ay oga gol leedahay in ay oga hor tagto wax ay ku tilmaamtay “Naceybka iyo dulqaad la’aanta kala aragti duwanaanta”, sida ay hadalka u dhigtay. Ilhaan Cumar oo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah, Soomaalina ah ee gasha Aqalka Congress-ka ayaa aad loogu yaqiinay in ay u ololeyso arrimaha muslimiinta. War qoraal ah oo 17-kii bishii May, ay soo dhigtay bog ay ku leedahay internet-ka, oo ay kaga hadlaysay sharciga boqorka Brunei uu dhowaan shaaciyay, ayay ku tiri “Sharcigan waa mid lid ku ah qiyamkeena xuquuqda aadanaha, waana in lagu dhaleeceeyaa ereybixinnada ugu xoogga badan”. Sharciga ay Ilhaan Congress-ka hor geysay ayaa quseeya in xayiraad la saaro islamarkaasna laga hor istaago in uu ganacsi la yeesho Maraykanka qof kasta ama shirkad kasta oo gacan ka geysata hirgelinta sharciga cusub ee Brunei ee ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Source
  24. Somaliland: Somalia No Show At Prelimary Meeting In Nairobi A consensus building meeting hosted by non-governmental organisation in Nairobi, Kenya, between Somaliland and Somalia was boycotted by the federal entity in Mogadishu. The meeting which was attended by international delegates from the United States, United Kingdom, Kenya, Sweden and Turkey was to have been a starting point for the stalled talks between the Republic of Somaliland and the federal administration in Somalia. However, despite the fact that all other parties were present, the delegation from Somalia was a no show. In a statement issued from representatives of the federal administration in Mogadishu, “the venue, the agenda and the representation were not suitable at this time” As forecast in Qarannews.com, it was highly unlikely that a delegation from the federal administration in Mogadishu would attend a meeting being held in Kenya, given the current frosty relationship between Mogadishu and Nairobi. Still, it was hoped that some maturity and leadership would be shown by the federal administration in Mogadishu, since this meeting, was basically a preliminary discussions about future discussions. It is not clear, whether another meeting will be rescheduled, but, the Somaliland delegation took the opportunity to engage the representatives from the international community and the host nation of Kenya. Qarannews.com Qaran News