-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah. “Halgankii guumaysi diidka iyo Soomaalinnimadu waxa uu ahaa mid ka soo bilawday Gobollada Waqooyi. Waa kuwii awooddooda iyo hal-abuurkooda u isticmaalay baahinta iyo faafinta dareenka waddaniyadeed ee Soomaali oo qura, Soomaali oo qab leh, Soomaali ku wada nool hal dawlad iyo hal calan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. “Haddii marka dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo doonka iyo waddaniyadda, waxaan hadda ugu baaqayaa inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya si aan caqligeenna, cududdeenna iyo hadafkeenna u midayno, ugana shaqayno mustaqbalka ubadkeenna iyo maslaxadda dalkeenna iyo dadkeenna.” Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa hadallo ku aaddan halgankii xorriyadda iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas ka jeediyey masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dalka iyo waxgarad Soomaaliyeed oo goobjoog u ahaa taariikhdaas. Sidoo kale, Hobballada Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado isugu jira xasuusin, dhiirrigelin iyo dardaaran oo ay ku maamuusayaan maalintan qiimaha badan ee 26-ka Juun. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambaydunu ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay. Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, Diblumaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay munaasabadda Xuska 26-ka June appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo munaasabadda 26-ka June uga qeyb galay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa ugu hambalyeeyay maamulka Somaliland xuska 59 guurada xorriyadda Soomaaliya, gaar ahaan maalinta madax banaanida gobollladaasi ee 26-ka June. Khayre ayaa sheegay in dhibaato siyaasadeed oo dhacday lagu kala tagay, balse aan lagu talagalin waxii gaaray Somaliland. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay ka xuntahay dhibaatadii gaartay dadka dagan gobolka Waqooyi ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaarabeyso dhibaatada gaartay walaalaha Somaliland. Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amaaanay shacabka iyo madaxda maamulkaasi dadaalkii ballaarnaa ee ay u galeen madaxbannanida dalka iyo midowga koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya. Somaliland oo 1991-kii ku dhawaaqday inay ka’ go’aday Soomaaliya inteeda kale ayaa tan markaasi raadineysay madax banaanin, inkasto aysan weli waxba ka hirgalin. Hadalkan ka soo yeeray Xukumadda Soomaaliya ayaa imaanaya, xilli shalay dowladda federaalka ay shalay ka biyo diiday ka qeyb galka shir ay isugu imaan lahaayeen wakiilo ka socday labada dhinac. Shirkaas oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa kali ku noqday Somaliland. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo bulshada magaalada Dhuusamareeb kala qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 59-aad ee xorriyadda goballada Waqooyi ee dalka, ayaa hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in 26-ka June oo ah maalintii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago dhulka Soomaaliyeed, ay tahay maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed, ayaa dadka Soomaaliyeed xasuusiyay in dhiig badan lagu bixiyay xornimada aan maanta ku naalloonayno, waxa uuna u mahad celiyay cid kasta oo qayb ka qaadatay in dadka Soomaaliyeed ay ka xoroobaan gummaystaha. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay in aysan kala maarmin Soomaali ayaa ku baaqay in la adkeeyo midnimada, isaga oo intaa raaciyay in hoggaanka dalku ay ka garaabayaan tabashooyinka ay qabaan deegaannada goballada waqooyi ee dalka. June 26, 1960 ayaa goballada waqooyi ee dalka waxa ay xornimada ka qaateen gumeestihii Ingiriiska afar maalin kadib oo ku beegneed 1-da July, goballada koonfureed ee dalka ayaa iyana waxa ay xornimada ka qaateen Talyaaniga iyada oo isla maalintaasna midoobeen goballada waqooyi iyo Koonfur. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Xuska maalinta Xornimada 26-ka June appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiwahaab Xaaji Axmed oo ahaa Turjumaan ayaa sawirro naxdin leh ka qaaday Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah ku leynaya gudaha magaalada Muqdisho. Sarkaalkan oo la shaqeynayay howlgalka Midowga Africa ayaa la socday kolonyo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay isgoyska Ex-Koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho. Cabdiwahaab oo Wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamadii uu la socday ee AMISOM xilligaasi ay gaari Bl ah kala soo dageen sagaal qof oo rayid ahaa, kadibna ay toogteen. Sidoo kale sawirro uu ka qaaday dhacdadaas iyo warbixino uu ka diyaariyay ayuu sheegay inuu la wadaagay hay’adda dambi baaritsa CID-da ee Soomaaliya. Intaasi kadib CID oo bilowday baaris ayaa AMISOM u gudbisay sawirradii, balse nasiib darro waxa ay arrintaasi dhibaato ka soo gaartay Cabdiwahaab oo markii dambe xabsiga la dhigay. Waxa uu tilmaamay in loo yeeray isaga oo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, kadibna lagu wargaliyay in shaqadii laga joojiyay muddo lix bilood ahna xabsi yahay. Sidoo kale waxa uu xusay in lagu wargaliyay inuu bixiyay sirta AMISOM ,lana shaqeeyay Kooxda Al-Shabaab. Ninkan oo Soomaali Kenyaan ah ayaa sheegay in ciqaab xoogan uu kala kulmay xabsiyadii uu ku xirnaa ee magaalada Muqdisho. Xarigga Cabdiwahaab ayaa dhacay bishii August 2018,waxaana ugu dambeyn loo wareejiyay magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku suganyihiin Ciidamo Kenyaan ah. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Codka-Amisom.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo diidaya isku socodka gaadiidka. Wadada dheer ee makakka Al-mukarrama ayaa si gaar ah waxaa isgoys walba u taagan ciidamada dowladda, waxayna celinayaan gaadiidka ay wataan dadka shacabka ah. Dadweyne badan ayaa la arkayaa iyaga oo ku lugeynaya wadadadaasi iyo sidoo kale dhammaan jidadka kale ee soo gala wadada makka Al-mukarrama. Shacabka lugeynaya ayaa u badan shaqaale iyo arday, kuwaasi oo kuu sheegaya iney dhib qabaan xilliyada ay waddooyinka xiran yihiin. Sababaha loo xiray ayaa lagu sheegayaa dabaaldegyada 26-ka June ee ka socda magaalada Muqdisho. Wixii ka dambeeyey markii la doortay madaxweyne Farmaajo waxaa aad usoo kordhay waddooyinka magaalada ee Ogeysiin la’aanta la iska xiro, xilli olilihii Farmaajo qeyb ka ahayd inaan shacabka waddooyinka laga xiran doonin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) ― Xiriirka u dhaxeeya dowlada Somaliya iyo Kenya ayaa mudooyinkii u dambeeyay aad usii xumaanayey, kaasi oo sababay in dowlada Kenya ay hore ugu dhawaaqday inay xirtay xuduudii Soomaaliya, isla markaana ay joojiso gebi ahaanba ganacsigii kaga iman jirey Soomaaliya. Xiriirkaasi xumaaday ee u dhexeeyay Kenya iyo Somaliya ayaa waxa uu sababay in Shirkada duulimaadyada ee Kenya Airways ay waqti xaadirkan ay tix-gelin gaar ah siiso sidii ay duulimaadyo cusub ugu tagi laheyd magaalada Hargeysa, taasi oo ay qorsheynayso inay noqoto hadafkeeda xiga ee Geeska Afrika. Talaabadan ay dowladda Kenya qaadeyso ayaa waxay sarre u qaadeysa xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya dowladda aan weli aqoonsiga helin ee Somaliland. Kenya Airways ayaa muddo ku jirtay xog ururin buuxda oo ay ka sameynaysay Hargeysa oo ay hadda dhameystirtay, taasi oo markii dambe uu Baarlamaanku qalinka ugu duugay inay duulimaadyo ku tagi karto Hargeysa, balse ilaa hadda aan weli suurtagalin. Muwaadiniinta Kenyanka ee ku nool gudaha Somaliland ayaa waxa lagu qiyaasaa ilaa 15,000-qof, kuwaasi oo ka shaqeeya deeganada Somaliland, gaar ahaan dhinaca waxbarashada. Agaasimaha maamulka duulimaadka iyo Madaarada Somaliland, Cabdi Maxamed Rodol ayaa dhawaan waxa uu booqasho ku tagey caasimada Kenya ee Nairobi, si uu wada-hadalo ula yeesho Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Kenya, midaasi oo ku saabsaneyd in Hargeysa ay ku haboon tahay in duulimaadyo ay ku tagto diyaarada Kenya Airways. Waxa magaalada Hargeysa ilaa iyo hadda duulimaadyo caalami ah ku taga diyaarada Ethiopia Airlines oo iyadu todobaadkii labo jeer iskaga kala goosta Addis Ababa iyo Hargeysa. Sidoo kale Fly Dubai ayaa iyaduna duulimaado ka sameysa, taasi oo ka kala gooshta magaalooyinka Dubai iyo Hargeysa, midaasi oo keenta ganacsatada Somaliland ee ka imaanaya dhamaan dunida. Waxa isku soo beegmaya qorshaha ay Kenya qunsuliyada kaga furaneyso Hargeysa oo socda iyo daneynta Shirkada Kenya Airways oo iyadu u aragto inay Somaliland ka jirto fursado duulimaad. Bishii lasoo dhaafay, Agaasimaha Arrimaha Dibeda Kenya, Mr Philip Mundia Githiora ayaa loo asteeyay inuu caasimada Somaliland xafiis kasoo furo, waxaana hore xafiisyo diblomaasiyadeed ugu lahaa Hargeysa dalalka Itoobiya iyo Jabuuti. Dowladd Kenya ayaa mudooyinkii u dambeeyay qaadeysay talaabooyin ay ku sii xoojinayso xiriirka kala dhaxeeya Somaliland, midaasi oo loo arkayo cadaadis cusub oo Kenya ay Dowladda Somaliya ku saareyso khilaafka kala dhaxeeya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Click here Qaran News
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee beelaha dega deegaannada ay Galmudug ka koobantahay. Odayaasha dhaqanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay dowrka odayaasha dhaqanka iyo waxgaradku ay ku leeyihiin arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug. Wax-garadka iyo odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u bandhigay aragtidooda ku aadan hannaanka ugu habboon ee loo sameyn karo dib-u-heshiisiin loona dhisi karo Galmudug Midaysan laguna wada qanacsanyahay oo ka shaqaysa danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay in wax-garadku ay saldhig u yihiin dhismaha dowladnimada iyo wadajirka Bulshada, ayaa odayaasha u sheegay in isaga iyo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka go’antahay in reer Gal-mudug ay ku caawiyaan qabsoomiadda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda dhismaha maamul dhamaystiran, sal adag, oo ka fakara horumarinta deegaanka iyo mustaqbalka fog. Kulanka oo qayb ka ahaa shirarka uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayay bulshada Dhuusareeb ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka, iyo madaxda fulinta Dowlad gobaleedka Gal-mudug. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Marxuum Mursi, iga guddoon salaan gobeed. Waxaan kaala soo hadlayaa adduunyadii aad ka tagtay. Habeenkii aan geeridaadii maqlay oo hadda laga joogo hal asbuuc ayay aheed in aan farriintaan kuusoo diro, waxaanse ka cabsaday in ay kaaga dhex lunto farriimahii hirarka ahaa ee tacsida iyo ducada u badanaa ee laguu soo dirayay, sidaas ayaana ugu doortay in aan maanta kuu soo diro. Waxaan jeclaa in aan kaaga sheekeeyo sida jaceylka, dareenka iyo xamaasadda leh oo ay dadku uga falceliyeen geeridaada, balse warkooda kugu mashquulin maayo, waayo waxaad ogtahay in dadkii ku difaaci waayay adiga oo nool, aysan kuu gurmaneyn adiga oo dhintay. Aanse kuu soo koobee, malaayiin sadar oo geeridaada laga kala qoray waxaa ka run badnaa dhowr eray oo uu wiilkaada Axmed ah kuusoo qoray mar uu yiri: “Aabe, Alle agtiis ayaan ku kulmi doonnaa!” Dad badan oo aan hubo in aysan aqoon fiican kuu laheyn ayaa qoraallo kugula diganayay, waxa kaliya oo ay kugu colaadiyeenna waa in ay kaa uriyeen fikir Islaami ah iyo hammiga ummadeed ee aad maanta godka ugu jirto. Marxuum, in kaste oo aan wax badan kugu diiddanaa, miisaan kulama saarayo calmaani dhiiga-cab ah. Waan ka xumahay silaca laguu dilay, waxaanse kuugu hambalyeynayaa in aad ku dhimatay mabdi’ii aad u soo halgantay, ku soo cirreysatay, kuna han-weyneed in aad dhaqan-geliso, balse aad sababsatay. Ku seexo in uu Mursi dhintay, oo uusan mabdi’i dhiman, aana ku xusuusiyo hadalkii uu Cumar Mukhtaar yiri maalinkii la daldalayay ee ahaa “Isma dhiibeyno, waan guuleysaneynaa ama waan dhimaneynaa, fikirkeyguna aniga god ilama gelayo, ee wuu jiri doonaa, cimrigeyguna wuu ka dheeraan doonaa cimriga kan kan i diliya, oo magaceyga ayay taariikhdu xusi doontaa!!” Hadalka Cumar ku laab-qabowso, oo ku seexo in lagugu soo xusuusan doono in aad god u gashay fikirkaada iyo doorashadii shacabka. Cumar binu Khaddaab oo maalinkii uu furtay magaalada Qudus laga guntay in uu yiri “Waxan nahay dad uu Alle Islaamka ku sharfay, haddii aan sharaf meel kale ka raadinnana Alle wuu duleynayaa!” uga sheekeey sida ay Muslimiintu maanta uga fogaadeen diintooda iyo dulliga ay ka dhaxleen, una sheeg in magaalooyinkiisii Maka iyo Madiina dhowaan laga furay goobo lagu tunto oo xalaal ah!! Cumar u sheeg hadalkii uu caalimkii reer Masar ee Maxamed Cabdi ahaa uu yiri markii uu 1881-dii kasoo laabtay shirkii Baariis ee ahaa “Galbeedka ayaan tegay waxaana kusoo arkay dhaqan Islaam balse Muslimiin kuma soo arag, waxaan sidoo kale tegay bariga waxaana kusoo arkay Muslimiin balse dhaqan Islaam kuma arag!!” Cumar uga warbixi heerarkii ay Qudus soo martay isaga kadib, una sheeg in uu Mareykan maanta qorsheynayo in uu caasimad uga dhigo Yuhuudda. U sheeg dulliga muslimiinta heysta iyo sida madaxda Carabtu ay maanta ugu tartamayaan daba-dhilifnimada Yahuuda, una wari hadalkii uu aasaasaha machadka daraasaadka ee Yahuuda Mr. Mike Evans oo shir axaddii hore ka dhacay magaalada New-York ka sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman iyo dhaxal-sugaha Imaaraatka Maxamed bin Zaayid ay Israa’iil siiyaan dhaqaale ka badan kan ay Yahuudda ka helaan. Abuubakaru-siddiiq oo markii uu nabigu naf baxay ee dad badan ay diinta ka baxeen, inta seeftiisa qaatay oo murtaddiinta ku jihaaday, yiri “Ma diinta Islaamka ayaa nuqsaameysa aniga oo nool!” ku dul aqri khudbaddii uu 2014-kii jeediyay madaxweynaha Yuhuudda Mr. Reuven Rivlin ee ciwaankeedu ahaa “Noosoo celiya hantideennii!” ee uu Carabta uga dalbaday in ay magdhaw ahaan u siiyaan 300 oo bilyan oo dollar oo ay ku soo qiimeesteen hantidii ay uga tageen dalalka Carabta waagii ay ku qulqulayeen Falasdiin, iyo 100 bilyan oo doollar oo ah diyada Yuhuuddii lagu dilay dagaalkii Kheybar iyo hantidii looga qaniimeystay dagaalladii ay rasuulka la galeen! Abuubakar u sheeg in awoodda koobaad ee maanta dunida looga loollamayo aysan seef aheyn, oo ay aqoon iyo fikir tahay, loona kala horreeyo sida loo kala aqoon iyo aqris badan yahay, Muslimiintana tartankaas looga badiyay, oo umaddii ay suuradda Iqro kusoo degtay aysan maanta waxba aqrin, celcelis ahaanna uu qofka Muslimka ah uu sanadkii aqriyo hal buug, halka qofka Mareykanka u dhashay uu sanad kaste aqriyo 11 buug, kan Jabbaaniiska ahna uu aqriyo 70 buug. U sheeg in ay maanta Muslimiintu dulsaar ku yihiin caalamka oo aysan hayaanka kayaanka waxba darsan, taasna ugu tusaaleey in cuntada, cabitaanka, dharka, dawada iyo waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha qofka muslimka ah lagu soo sameeyo dalalka reer galbeedka. Igu salaam halgamayaashii qarniyadaan ee fikirkooda godka u galay, taariikhduna ay baal dahab ah ku qortay, oo ay ugu horreeyaan Axmed Gurey, Sayid Maxmed Cabdulle Xasan, Cumar Mukhtaar, Xasan Al-Bannaa, Sayid Qudub, Axmed Yaasiin iyo Saadaam Xuseen; uguna hambalyey in ay ku dhex noolyihiin, kuna noolaan doonaan quluubteenna. Nabadeey. Waxaa qoray Hussein Sabrie Gmail: Husseinsabrie@gmail.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu hore xaalad deg-deg ah ugu soo rogay degmooyinka ka tirsan Gobolka Sanaag, kuwasi oo kala ah Ceerigaabo, Ceel-Afweyne iyo Gar-Adag. Madaxweyne Biixi ayaa maanta ka laabtay xaaladii deg-dega aheyd ee uu xiligaasi uu ku soo rogay deeganadaasi, taasi oo uu ku sababeeyay in xiisadii gobolkaasi la dajiyey, ayna hadda nabad-doontahay. Wareegtada uu Madaxweynuhu kaga laabtay xaaladii deg-deg aheyd ayaa waxay u dhigneyd sidan: Wareegto Madaxweyne Ujeedo: Laalis Xaalad Deg-deg ah Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida Hargeysa Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Hargeysa Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qaranka Hargeysa Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad; Markaan Arkay: In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada xaaladdii nabad-gelyo darro ee ka dhacday Degmadda Ceel Afweyn; Markaan Arkay: In Ciidammada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Qaranka iyo dilalkii kale ee ka dhacay degmadaasi; Markaan La-tashaday Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ee ay khusayso; Waxaan Go’aamiyey; 1) In aan laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd. 2) In dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharciga. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
CASHUUR DEGMO AMA GOBOL GAAR AH MADAXWAYNE CIGAAL U XIDHAY IYO DEGMO UU WAX KA JARAY MIDINA MA JIRIN ! Waxa had iyo goor soo noqnoqda ama dadka qaar ku celceliyaan in ay yidhaahdaan madaxwayne cigaal baa gobolo ama degmooyin dhaqaale cashuureed oo gaar ah amaba sed bursiimo ah u sameeyay, arinkaasi waa mid aan waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn. Xeer la yidhaahdo mideynta cashuuraha ayaa ay dawladii Madaxwayne Maxamed Ibrahim Cigaal samaysay xeerkaasi oo cashuuraha intoodii ugu badnayd ka wareejiyey dawladaha hoose oo diiday in dadka laba cashuurood ku dhacaan. Cashuuraha iyo dakhliga dawladaha hoose ka helaan dawlada dhexe waa laba cashuurood oo midi ugu hadho baanka gobolka ama degmada cashuurta lagu qabtay, waana cashuurta dakhligeedu yahay 10% , iyo cashuur kale oo waxa la cashuurayo ka noqota 12.5% oo qasnada dawlada dhexe ku soo dhacda. Cashuurta dawlada hoose ee 10% ee degmooyinku ka helaan dakhliga dawlada dhexe ee gobolkaa ama degmadaa iyaga oo marka la qabtoba si toosa uga qaadan kara baanka , waxa lagu kala badan yahay sifooyinkan;- 1- Dawladaha hoose iyo maamulka gobolada oo kala shaqeeya in cashuurtu dawlada dhexe u soo wada xerooto, koontarabaanka iyo waxyaabaha lagu lunsado cashuuraha sida foojariga kala dagaal gasha wasaarada maaliyadda . 2- Iyo deegaanka istaratijayadeed ee degmadaasi ama gobolkaasi ku yaallo . Cashuurta kale ee 12.5% ee raacda cashuurta dawlada dhexe ee qasnada maaliyada ku dhacdaa waxa dib loogu kabaa degmooyinka inta badan looma eego tanaa dhaqaale badnayd ee darajada degmada ayaa wax lagu bixin jiray xiligii iigu dambaysay, waxaana jira degmooyin aan lahayn ilo dhaqaale oo xaq u leh in dawladoodu kabto. Arimahaa waxa aan arkaa iyada oo la siyaasadaynayo ee bal ka waran hadii la yidhaahdo degmo kastaa waxa ay dhaqaale soo saarto wax u qalma ayaa lagu celinayaa , waxa dhici karta in degmooyinka cabanaya ay kaga sii xumaataa ba , haddaba dhaqaale waa ay sameyn kartaa degmo waliba hadii ay nidaam wanaagsan oo ay ku urursato cashuuraha dawlada hoose iyo waxii ay ka hesho dawlada dhexe qorshe u samaysato. Muhamed Dhimbiil Qaran News
-
Ugu horayn, Dawladnimadu waa tiir ku qaali ah ah bulsho wayn kasta oo aasaastay dawladnimo ay ku gaadhaan guulo iyo horumar la taaban karo, la.aanteedna aan la awoodin gaadhisteeda tab iyo xeelad kasta oo la adeegsado. Dawladnimo waxay u baahan tahay Hogaan ay daacad ka tahay hogaamintu jecel horumarka bulshada kana fogaada wax kasta oo hagar daamo ku ah bulshada uu madaxda u yahay, aan jeclayn xilka se jecel gaadhsiinta bulshada heer la majeerto. Dawladnimo waxay u baahan tahay bulsho fahamsan dawladnimada adeecaysa hogaankooda kalana shaqaynaysa horumarka iyo gaadhida himilooyinka bulshadani leedahay. Dawladnimadu dhaba waxa lagu gaadhaa wada shaqayn, laab xaadhnaan, isla xisaabtan, calool furnaan, isu tanaasul iyo is gacan qabsi, se laguma qaadho aflagaado, nin jeclaysi, qabyaalad iyo ka faro qabsi toona. Soomaliland ahaan dawladnimada waxa aynu ka dhiganay boos kolba reer uu ku dilaal tago inta uu xilka hayana kaga faa,idaysto danahiisa iyo danaha reerkiisa sida; siinta ehelkiisa iyo qanacsatada isku reerka yihiin Mashaariic aan umada kale la siin oo ay u tahay naas nuujin iyo ka faa,idaysasho mudada xil haynta. Waxaana gaadhey heer qabiiladu ku heshiiyaan in dawladnimada qori isu dhiib ugu heshiiyan si ay iyaguna markooda hasha u maalaan, oo ay uga faa,idaystaan mudadaas ay maamulka hayaan. Inta aynu dawladnimada dano gaara ka leenahay, ma awoodno in horumar ka samayno ku kasta oo yimaadana kuma fikirayo horumarinta bulshada iyo dadka uu masuulka ka yahay ee dhiban balse tiisa ayaa cuslaysay ok wuxu ku dedaala intaanu ka tagin sidii uu uga faro qabsan lahaaa. Shakhsiga mudakarka ah ee ka fogaata xoolaha ummada, madax dhaqameedkiisa ayaa ku dhaliila waanu ku saarnee maxaad ka qabsatay meesha intaad joogtay. *ilayn waa duni aakhiru sabaan *Dadku ay isu muuqdaan *Oo dadka kii u dhawaa ku eegaayo dhurwaaga. *Waa duni kii wax taraayey uu ku duloobey agtooda. *Waa dunni kii wax liqaayey dadka uu u horeeyo. *Duni weeye dadkeeda qalbigeedu daboolmay. *Duni weeye dadkeedu ay dugaaga wax dhaamin. *Duni weeye waanagu gebigeed ka dhamaadey. Hadaba waxa inala gudboon waqti kale oo aan dawladnimo ku dhisanaa somaali ahaan inooma hadhin cid inoo dhisaysaana ma jirto ee waxa la jooga waqtigii dawladnimo saxa oo dadku daacad ka yahay la asaasi laha oo bulshadu markale ku diirsato kuna gaadho horumarkii ay dib uga dhacday muddadi ay dhibaatada iyo qaxa ku jirtay. Ugu dambayn, Alle waxaynu waydiisanynaa in uu masuul nooga dhigo dadka kooda ay daacad ka tahay dawladnimadu oo umada gaadhsiiya halkay u ooman tahay oo ah horumar. Alla Mahad leh W/Q: Ahmed Harir Adam Gmail:heebaan6926@gmail.com Hargeisa Somaliland Qaran News
-
Waxa nasiibdaro ah in Farmaajo iyo Khayre ay meel kaga dhacaan maalintii ay Somaliland xoriyada qaadatay ee 26 June 1960kii xoriyadaasi ay ka qaadatay dalka Ingriiska. Waxa nasiibdaro ah in maanta xagii ay hambalyo u soo diri lahaayeen walaalahooda Somaliland ay maanta caruurtooda u sheegaan taariikh khaldan oo ay yidhaahdaan waa maalintii ay is raaceen Somaliland Iyo Somalia Qaran News