-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirk ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa shaqo joojin ka sameeyey agaasimihii wasaaraddaas, sida ku cad qoraal kasoo baxay. Agaasimaha oo lagu magacaabo Karar Shukri Doomey ayaa lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay xilkiisa, islamarkaana kala qeybsanaan ka dhex-abuuray shaqaalada wasaaradda. Hilaal ayaa sidoo kale ku eedeeyey Karar Shukri inuu sameeyey “qaladaad qaran oo dhowr ah.” Karar Shukri Doomey ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu soo saaray warsaxaafadeedyo dhowr ah oo ku baxay magaca wasaaradda, balse aysan ka warhayn madaxda sare ee wasaaradda. Wasiirk ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu xilkan si ku-meel gaar ah ugu magacaabay Dr. Xuseen Cali Axmed, oo la-taliye sare u ah wasaaradda. Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday wasiir ku-xigeenka Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Mac’hadka horumarinta iyo Cilmi-baarista Soomaaliyeed ee SIDRA, ayaa maanta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ku soo bandhigay, diraasad ku saabsan halista sii kordhaysa ee kufsiga iyo xaqiiqada xaaladda haweenka Soomaaliyeeed, waxaana kulanka lagu soo bandhigay diraasadda ka soo qeyb-galay ururrada bulshada rayidka Puntland iyo ardayda jaamacadaha. Diraasadda uu soo bandhigay mac’hadka SIDRA, ayaa muujinaysa in adeegsiga maan-dooriyaha, daawashada filimaanta jinsiga, ku dhaqanka xeer-jajabka beelaha ee xallinta kiisaska kufsiga iyo haweenka la kufsado oo aan ku dhiirran in ay soo bandhigaan tacaddiga loo geystay ay dhammaantood sal u yihiin in uu sii kordho kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed. Diraasaddu waxay sheegaysaa in aysan jirin wacyi-gelinta laga sameeyo dhibaatooyinka kufsiga iyo tacaddiyada kale ee jinsiga, taasina ay kamid tahay waxyaabaha sii kordhinaya khatarta kufsiga. Sida diraasadda ku xusan, haweenka iyo gabdhaha la guursaday ayaa 67% ku dhiirrada in ay soo sheegaan tacaddiyada loo geystay, halka 12% ay ku dhiirradan gabdhaha aan weli la guursan, sidoo kale 8% haweenka la soo furay ayaa soo sheegaya tacaddiyada jinsiga, halka 2.8% ay ka yihiin haweenka laga dhintay. Cilmi-baarayaasha mac’hadka ee soo bandhigay diraasadda, ayaa sheegay in ay wakhti iyo dadaal badan geliyeen, uruurinta xogaha ku jira diraasaddan muhiimka u ah dabar-goynta tacaddiyada jinsiga ee loo geysto haweenka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii, diraasadda ayaa soo jeedisay, talooyin ka kooban 9 qodob oo ku aaddan habka looga hortegi karo tacaddiyada jinsiga, gaar ahaanna kufsiga, waxaana qodobadaasi kamid ah; in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalku ay dhisan guddi ka shaqeeya ka hortagga tacaddiyada kufsiga iyo in la sameeyo booliis u gaar ah la’tacaalidda denbiyada kufsiga. Sidoo kale, diraasadda ayaa soo jeedisay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalku ay sameeyaan hay’ado haweenku leeyihiin oo u xil saaran, soo sheegidda tacaddiyada kufsiga, islamarkaana la xoojiyo kuwa hadda dhisan iyo in la hirgeliyo taleefonno heegan ah 24-saac oo soo gudbiya kufsiga iyo tacaddiyada kale ee dhacay. Halkaan hoose ka eeg sawirada kulanka PUNTLAND POST The post Mac’hadka SIDRA oo soo bandhigay diraasad ku saabsan khatarta sii kordhaysa ee kufsiga appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Weftigii Somaliland ee uu hogaaminayey Wasiirka Arimaha dibada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa ka qaybgalay shir ay u balansanaayeen in ay magaalada Nairobi kula yeeshaan dawladda Federalka ee Soomaaliya. Hase yeeshee shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Somaliland iyo xubno ka socday beesha caalamka oo ay ka Mid ahaayeen dalalka Wakiiladoodu ay fadhiyaan Magaalada Nairobi ee Maraykanka, Midawga Yurub, Sweden, Turkiga, IGAD iyo UK, ayaa goobtii shirka waxa aan ka soo xaadirin masuuliyiintii shirkaasi ku matalayey dawlada federalka ee Somalia. Dawladda Federalka Somalia ayaa iyadu cabasho ka muujisay in Nairobi aanay ahayn meel ku haboon shirkaasi in uu ka dhaco, balse dhinaca Somaliland oo Ambassador Baashe Cawil uu ka mid ahaa masuuliyiintii Somaliland ku matalayey ayaa tilmaamay in ay aad uga xunyihiin in dawlada federaalka ee Somalia aanay qaadan fursadaasi lagu sii wadayo wadahadalada. Source
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Noorwey ee Soomaaliya Ms Elin Bergithe Rognlie iyo wafdi la socda oo Puntland soo gaadhay. Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo weftiga Safiiradda ayaa qaatay kulan balaadhan oo looga hadlayo sidii loo sii horumarin lahaa mashaariicda Dowladda Noorwey ay ka fuliso gudaha Puntland, kulanka Kadib Madaxweynaha iyo Safiiradda ayaa si wada-jira u faahfaahiyey dulucda kulankooda. “Waxaan Dowladda Noorwey uga mahadcelinaynaa mashaariicda faraha badan ee ay ka fuliso guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa horumarineed ee Puntland ka socda qeybahooda kala duwan, mashaariic faraha badan oo dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka ah oo hana qaaday, waxaan sidoo kale rajaynayaa in mustaqbalka iyo mashaariicda soo socotana gacan weyn ka gaystaan kuwa guud ee ay kala qeyb qaataan hay’addaha UN-ka, EU-da iyo hay’addaha kale, sidoo kale waxaan rajaynayaa in ay mashaariic badan dowladda iyo kobcinteeda maamulka iyo hormarinta guud qeyb ka qaadan doonaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Noorwey uga mahadnaqay wadashaqaynta wanaagsan ay leeyihiin Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxaana uu sheegay inuu rajaynayo in wadashaqayntaasi intaa kasii wanaagsanaanto. “Waxaan rajaynayaa in xiriirka Norway la leedahay Soomaaliya uu noqon doono mid wanaagsan oo sii waara, waan uga mahadcelinaynaa garab istaaggoodii muddada dheer, guud ahaan Soomaaliya ay garab taagnaayeen, waxaana rajaynaynaa in wada-shaqaynteenu noqon doonto mid wanaagsan oo labada dhinacba isfahan iyo horumarka guud ka dhasho”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Safiiradda dalka Noorwey ee Soomaaliya Ms. Elin Bergithe Rognlie ayaa dhankeeda ka mahadnaqday qaabilaadda wanaagsan ee uu Madaxweynaha Puntland ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Garoowe, waxaana ay dhankeeda caadaysay in Noorwey iyo Soomaaliya leeyihiin wadashaqayn wanaagsan oo amin walba sii amba qaadaysa, dhanka kale Safiiradda waxay ay xustay inay sii wadidoonaan wada-shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa dalkeeda iyo Puntland. kulanka Madaxweynaha iyo Safiiradda waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Bilayaha Axmed Maxamed Yuusuf ( Taaraan ), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yaasiin Mire Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac. PUNTLAND POST The post Deni oo Garoowe ku Qaabilay Wefdi ay hogaaminayso Safiirka dalka Norway ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/WAG/WG/ CQS/081/4/224/ 234/037-332/062019, uu ku laalay xaaladii deg-dega ahayd ee hore loogu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ujeedo: Laalis Xaalad Deg-deg ah Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida Hargeysa Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Hargeysa Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qaranka Hargeysa Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad; Markaan Arkay: In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada xaaladdii nabad-gelyo darro ee ka dhacday Degmadda Ceel Afweyn; Markaan Arkay: In Ciidammada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Qaranka iyo dilalkii kale ee ka dhacay degmadaasi; Markaan La-tashaday Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ee ay khusayso; Waxaan Go’aamiyey; 1) In aan laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd. 2) In dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharciga. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
-
Kulanka waxaa uu dhexmaray madaxweynaha Galmudug oo haatan ku sugan Cadaado iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah. Xildhibaannada waxaa ka mid ahaa: Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare Senator Abshir Axmed, Senator Cabdi Cawaale Qeydiid, Xildhibaan Saabir Shuuriye, Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo qaar kale. Sawirro: Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa ka hadashay shirkii maanta ka furmay Nairobi, ee lagu waday inay hordhac u noqdan wada-hadalada Somaliya iyo Somaliland. Kulankan ayaa waxa soo xaadirey oo qudha Somaliland iyo Beesha caalamka oo ay kamid ahaayen dalalka Maraykanka, Midawga Yurub, Sweden, Turkiga, IGAD, wakiilka gaarka ah ee UK. Baashe Cawil Cumar oo kamid ahaa wafdiga Somaliland ee ka qeyb-galayey wada-hadaladaasi, ahna safiirka Somaliland u fadhiya Kenya ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay kaliyeysiga Somaliland ee shirkan, taasi oo dowlada Somaliya ka baaqatay. Baashe ayaa sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey in Wafdiga Somaliland ay ku faraxsanyihiin inay ka qeyb galaan wada-tashi lagaga arinsanayo wada-hadalada Somaliya iyo Somaliland. Wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya ay lumisay fursad weyn oo lagu sii dar-dar gelin lahaa wada-hadaladaasi, wuxuuna yiri “Wafdigii Somaliland ee uu hogaaminayey wasiirka arimaha dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ku faraxsan inay ka qayb galeen wada tasho lagaga hadlay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya kaas oo ay goob joog ka ahaayeen beesha caalamka”. “Waxa goob joog ka ahaa beesha caalamka oo ay ku jiraan Maraykanka, Midawga Yurub, Sweden, Turkiga, IGAD, wakiilka gaarka ah ee UK u qaabilsan bariga Afrika iyo wakiilada kale ee caalamka ee ku sugan Nairobi halka aanay Soomaaliya ka soo qayb galin kulankan iyaga oo sheegaya inaanay Nairobi ahayn meel ku haboon wada-hadalada Somaliland.” Wuxuuna intaas ku sii daray “Anaga oo tixgelinayna hadana waxa murugo weyn ah in dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ay khasaarisay fursad weyn oo lagu sii wadi lahaa wada hadalka”. “Tani waxay muujinaysaa fawdada iyo balanqaad la,aanta wada hadal dhab ah oo Villa Soomaaliya ugu tala gashay habka ay iskaashi nabadeed ku wada yeelan lahaayeen Somaliland”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay in doorashada madaxweyne iyo mida baarlamaan ee Galmudug lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Go’aanka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu sii xoojinayaa midkii wasaaradda arrimaha gudaha oo horay u go’aamisay in doorashada lagu qabanayo magaaladaasi. Khayre oo meel fagaare ah kula hadlayay shacabka Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu u yimid in Galmudug uu kala shaqeeyo dhismaha maamul loo dhan yahay. Sidoo kale Khayre ayaa ugu baaqay dhammaan dadka ka soo jeeda gobollada Mudug iyo Galgaduud inay u istaagaan dhismaha iyo horumarka maamulkaasi. Hadalka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa imaanaya, iyadoo uu si weyn tallaabadani uga soo horjeedo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Xaaf ayaa doonaya in doorashada lagu qabto magaalada Cadaado gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Saldhigga muranka iyo meesha la’isku hayo ayaa ah halka lagu qabanayo doorashada oo ay qir iyo qir kala taagan yihiin labada dhinac. Saacadaha soo socda ayaa la faliyaan in wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay gaaraan Cadaado, si ay wada-hadallo ula soo yeeshaan Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ku sugan magaaladaasi. Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in qaban qaabo iyo soo dhaweyn ballaaran laga dareemayo halkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa qarax duhurnimadii maanta ka dhacay tuulada Af-urur ee gobolka Bari oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay. Qaraxa oo sida la sheegay ahaa miino dhulka la sii geliyay ayaa ku qarxay meherad laga shaaho oo ku taalla gudaha tuulada Af-urur halkaasi oo ay fadhiyeen askar ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland iyo dad shacab ah sida ay sheegeen goobjoogayaal. Waxaa la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen 5 ruux oo 3 kamid ah ay askar ahaayeen halka ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo kale kuwaasi oo 2 kamid ah la sheegayo in dhaawacyadoodu aad u fudud yihiin oo firirro yar yar gaareen. Ilaa iyo haatan ma jirto cid loo qabtay qaraxa iyo cid sheegatay midna balse malayshiyaad ka tisran Al-shabaab ayaa ku dhuumaalaysta buuraleyda ku xeeran tuuladaa Af-urur oo hostimaadda Calmadow. Al-shabaab ayaa mar qabsaday tuulada Af-urur horraantii bishaan June kadib markii ay ka baxeen ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland balse 3 maalmood kadib ay isaga carareen waxaana halkaasi dib ugu laabtay ciidamada dowladda. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta Khasaaraha qaraxii ka dhacay Af-urur appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo meel fagaara ah kula hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu magaalada u yimid in reer Galmudug uu kala shaqeeyo dhismaha Dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag oo ka shaqeeya danaha reer Galmudug iyo guud ummadda Soomaaliyeed. Mudane Xasan Cali Khayre oo Madaxynaha iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedaka Galmudug uga mahadceliyay aqbalaadooda qabsoomida doorshooyinka Galmudug, ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada Galmudug ugu baaqay in ay u midoobaan ka shaqaynta horumarinta dhulkooda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale ganacsatada ugu baaqay in ay maal gashadaan Galmdug si ay uga qayb qaataan horumarka la tiigsanayo. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay socdaal shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Gal-mdug. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Khayre: Waxaan idinkugu imid in aan idinla dhiso Gulmudug midaysan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa maanta soogaaray Muqdisho. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed ku saabsan imaanshaha Muqdisho ee Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay, oo kasoo baxay xafiiska QM. James Swan ayaa maanta yimid Muqdisho is uu ula wareego waajibaadka xilkiisa isagoo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Diblomaasiga rug-cadaaga ah, ee u dhashay Dalka Maraykanka, ayaa xilkan loo magacaabay 30kii May 2019 wuxuuna Qaramada Midoobay kusoo biirinayaa khibrad baaxad ballaaran uu u leeyahay dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya. Hawshii ugu horeysay ee uu Soomaaliya ka qabtay waxay ahayd 25 sano ka-hor markas oo uu ahaa Sarkaal qaabilsan Arrimaha Siyaasadda oo ka tirsanaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya sanadihii 1994kii ilaa 1996kii. Waqtiyadii u dambeeyay, Md. Swan ayaa shaqaynayay isagoo ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika muddadii 2007dii-2008dii, wuxuu soo noqday Danjiraha Dowladda Mareykanka u qaabilsan Djibouti muddadii u dhaxaysay 2008dii iyo 2011kii, wuxuu sidoo kale soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya 2011kii ilaa 2013kii. Wuxuu soo dhameystay xirfadiisii shaqo ee uu ka hayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu ka ahaa Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Congo, isagoo xilkaas hayay laga billaabo 2013kii ilaa 2016kii. “Waxaan rajeynayaa in mar kale aan la shaqeeyo dadka Soomaaliyeed ee adkeysiga leh oo aan si iskaashi leh ula shaqeeyo madaxdooda,” ayuu yiri Md. Swan. “Khibradeydii hore ee Soomaaliya waxay ahayd mid khusaysay xil laba-geesood ah, laakiin hadda waxaa sharaf ii ah oo mas’uuliyad iga saarantahay in aan dalka wakiil uga noqdo Qaramada Midoobay, iyo weliba guud ahaan beesha caalamka. Waxaan ku faraxsanahay wada-shaqaynta aan la yeelanayo saaxiibada dalka iyo kuwa caalamka si loo gaaro horumar waara oo ku aaddan nabadda iyo barwaaqada ay sida aadka ah u mudanyihiin dadka Soomaaliyeed.” Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Austria iyo Canada ee Soomaaliya. Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Austria Mudane Christian Fellner oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Alexander Van der Bellen ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran. Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Canada Marwo Lisa Stadelbauer oo warqadaheeda aqoonsiga u gudbisay Madaxweynaha ayaa sheegtay sida ay ugu faraxsan tahay in ay ka mid noqoto bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalkeenna. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Mashaariicda maalgelinta u adkaysiga Abaaraha iyo kasoo kabashada Saamaynta Isbedelka Cimilada. Mashaariicdan ayaa qorshuhu yahay inay ka faa’iidaystaan dadka ay saameeyeen abaarihii kala danbeeyey ee dalka ka dhacay, sida xoolo dhaqatada, Kalluumaysata, Beeralayda iyo in la hirgeliyo dhaamam biyaha lagu kaydiyo. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Puntland, waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, qaar kamida Guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland, ururada Bulshada rayid ka ah, Midowga Yurub, Saraakiil ka socdey dalalka Swedan iyo UK. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo si rasmiya shirka u furay ayaa tilmaamay in shirkani yahay mid muhiimad wayn xanbaarsan, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay baahi wayn u qabto mashaariicdani, gaar ahaan Puntland, marka loo eego abaarihii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay iyo dadkii Soomaaliyeed ee usoo hayaamay. Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeen Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u mahahceliyey hay’addaha kala duwan ee deeq bixiyayaasha ah, waxaana uu ku booriyey inay howshaan dar-dargeliyaan, isagoo caddeeyey in Dowladdu diyaar u tahay inay doorkeeda qaadato. Mashaariicdan oo qayb ka noqonaysa kasoo kabashada abaarihii saamaynta lahaa ee dalka ka dhacay ayaa waxaa ka faa’iidaysandoona ku dhawaad 10 degmo oo ka tirsan Puntland iyo in ka badan 40 Tuulo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Daah-furay Mashriicda Maalgelinta u Adkaysiga Abaaraha appeared first on Puntland Post.
-
James Swan ayaa maanta yimid Muqdisho is uu ula wareego waajibaadka xilkiisa isagoo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Diblomaasiga rug-cadaaga ah, ee u dhashay Dalka Maraykanka, ayaa xilkan loo magacaabay 30kii May 2019 wuxuuna Qaramada Midoobay kusoo biirinayaa khibrad baaxad ballaaran uu u leeyahay dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya. Hawshii ugu horeysay ee uu Soomaaliya ka qabtay waxay ahayd 25 sano ka-hor markas oo uu ahaa Sarkaal qaabilsan Arrimaha Siyaasadda oo ka tirsanaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya sanadihii 1994kii ilaa 1996kii. Waqtiyadii u dambeeyay, Md. Swan ayaa shaqaynayay isagoo ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika muddadii 2007dii-2008dii, wuxuu soo noqday Danjiraha Dowladda Mareykanka u qaabilsan Djibouti muddadii u dhaxaysay 2008dii iyo 2011kii, wuxuu sidoo kale soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya 2011kii ilaa 2013kii. Wuxuu soo dhameystay xirfadiisii shaqo ee uu ka hayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu ka ahaa Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Congo, isagoo xilkaas hayay laga billaabo 2013kii ilaa 2016kii. “Waxaan rajeynayaa in mar kale aan la shaqeeyo dadka Soomaaliyeed ee adkeysiga leh oo aan si iskaashi leh ula shaqeeyo madaxdooda,” ayuu yiri Md. Swan. “Khibradeydii hore ee Soomaaliya waxay ahayd mid khusaysay xil laba-geesood ah, laakiin hadda waxaa sharaf ii ah oo mas’uuliyad iga saarantahay in aan dalka wakiil uga noqdo Qaramada Midoobay, iyo weliba guud ahaan beesha caalamka. Waxaan ku faraxsanahay wada-shaqaynta aan la yeelanayo saaxiibada dalka iyo kuwa caalamka si loo gaaro horumar waara oo ku aaddan nabadda iyo barwaaqada ay sida aadka ah u mudanyihiin dadka Soomaaliyeed.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cadaad (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Wafdi hor dhac u ah socdaalka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa barqanimadii maanta gaaray halkaasi, kuwaas oo la kulmay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo socdaal dhulka ah ku tagi doono Cadaado ayaa haatan laga dareemaya gudaha magaaladaasi. Khayre ayaa dadaal badan ku bixinaya, sidii loo soo afjari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada Galmudug. Xaaladda ayaa weli cakiran balse waxaa socda dadaalo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan labada gole oo ku sugan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee G/Galgaduud. View the full article
-
Wararka ka imaanayaa tuulada Af-Urur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi haatan qarax lagula beegsaday ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland ee ku sugan tuuladaasi. Qarax miino nooca dhulka la geliyaa oo ku qarxay meherad ay fadhiyeen askar iyo dadk shacab ah ayaa mudda 30 daqiiqo ka hor ah ka dhacay tuulada sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen goobjoogayaal. Ugu yaraan 5 ruux oo 3 kamid ah askar yihiin ayaa ku dhintay qaraxa halka ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo kale siday sheegeen dadka degaanka. Faahfaahin intaasi ka sii badan lagama hayo khasaaraha qaraxa waxaanse idiin soo gudbin doona saacadaha soo socda. PUNTLAND POST The post 5 ruux oo ku dhimatay qarax ka dhacay tuulada Af-Urur ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Austria iyo Canada ee Soomaaliya. Safiirka Jamhuuriyadda Austria Mudane Christian Fellner oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Alexander Van der Bellen ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran. Sidoo kale, safiirka cusub ee dalka Canada Marwo Lisa Stadelbauer oo warqadaheeda aqoonsiga u gudbisay Madaxweynaha ayaa sheegtay sida ay ugu faraxsan tahay in ay ka mid noqoto bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalkeenna. Dhankiisa, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa safiriada cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirada cusub ee dalalka Canada iyo Austria appeared first on Puntland Post.
-
Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ayaa si kulul uga hadlay xaaladda cakiran ee haatan ka taagan maamulka goboleedka Galmudug Xildhibaanka ayaa sheegay in xiisada Galmudug ay mareyso meeshii ugu darneyd, loona baahan yahay in la badbaadiyo, sida uu hadaka u dhigay. Odawaa ayaa xusay inay muhiim tahay in loo turo maamulkaasi iyo shacabka ku dhaqan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Qoraal uu soo saaray xildhibaanku ayaa waxa uu soo jeediyay illaa saddex qodob oo uu tilmaamay in ay xal u noqon karaan xiisada taagan. Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Galmudug ayuuna ka dalbaday inay dhaqan galiyaan fulinta qodobadaasi oo kale ah:- 1-In dadka deegaankan wadi dagani wadatashi nabadeed oo lagu raadinayo is-fahan siyaasadeed gaaraan. 2-In dowladda federaalka ahi, ahaado dowrkeedu isu soo dhaweyn iyo isu soo jiidjiid ee uusan ahaayn kala fogeyn iyo iska horkeen. 3-In doorasho hogaan cusub la wada qabto ayadoo loo wada dhanyahay oo aan magaalooyin ama kooxo gaar ahi wax is bidin. Xildhibaan Odawaa ayaa ka mid ah xubno ku baxay xiisada Galmudug, waxaana haatan uu ku sugan yahay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Kulamo iyo wadahadallo ayey isaga iyo xildhibaano kale oo ka soo jeeda maamulkaasi ay wadaan, si xal waara looga gaaro khilaafkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
-
James Swan ayaa maanta yimid Muqdisho is uu ula wareego waajibaadka xilkiisa isagoo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Diblomaasiga rug-cadaaga ah, ee u dhashay Dalka Maraykanka, ayaa xilkan loo magacaabay 30kii May 2019 wuxuuna Qaramada Midoobay kusoo biirinayaa khibrad baaxad ballaaran uu u leeyahay dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya. Hawshii ugu horeysay ee uu Soomaaliya ka qabtay waxay ahayd 25 sano ka-hor markas oo uu ahaa Sarkaal qaabilsan Arrimaha Siyaasadda oo ka tirsanaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya sanadihii 1994kii ilaa 1996kii. Waqtiyadii u dambeeyay, Md. Swan ayaa shaqaynayay isagoo ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika muddadii 2007dii-2008dii, wuxuu soo noqday Danjiraha Dowladda Mareykanka u qaabilsan Djibouti muddadii u dhaxaysay 2008dii iyo 2011kii, wuxuu sidoo kale soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya 2011kii ilaa 2013kii. Wuxuu soo dhameystay xirfadiisii shaqo ee uu ka hayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu ka ahaa Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Congo, isagoo xilkaas hayay laga billaabo 2013kii ilaa 2016kii. “Waxaan rajeynayaa in mar kale aan la shaqeeyo dadka Soomaaliyeed ee adkeysiga leh oo aan si iskaashi leh ula shaqeeyo madaxdooda,” ayuu yiri Md. Swan. “Khibradeydii hore ee Soomaaliya waxay ahayd mid khusaysay xil laba-geesood ah, laakiin hadda waxaa sharaf ii ah oo mas’uuliyad iga saarantahay in aan dalka wakiil uga noqdo Qaramada Midoobay, iyo weliba guud ahaan beesha caalamka. Waxaan ku faraxsanahay wada-shaqaynta aan la yeelanayo saaxiibada dalka iyo kuwa caalamka si loo gaaro horumar waara oo ku aaddan nabadda iyo barwaaqada ay sida aadka ah u mudanyihiin dadka Soomaaliyeed.” _DHAMMAAD_ UNSOM The post Wakiilka Cusub ee Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.