Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shaaciyey in cabasho ku aadan doorashada maamulkaasi uu u gudbiyey Qaramada Midoobay. Axmed Madoobe oo shalay kulan la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah. Madaxweynaha Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay isla garteen in loo madax baneeyo qabashada doorashada Jubbaland. Bisha Augusto ee sanadkan ayaa loo ballansan yahay in doorashada lagu qabtao magaaladda xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-jubbland.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Indian Ocean Newsletter oo hoos tagay warbaahinta African Intelligence, ayaa qoray in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhowaan booqan doono dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Wargeyska ayaa ujeedada booqashada Farmaajo ku sheegay inuu mas’uuliyiinta dalkaas la samaysto isbahaysi cusub islamarkaana u xaqiijiyo inuu yareyn doono saameynta Qatar ay ku leedahay Soomaaliya. Sida warbixintan lagu sheegay, madaxweynaha ayaa ka walaacsan isbahaysi hoose oo ay sameysteen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ku-xigeenka iyo sii-hayaha agaasimaha hay’adda nabad-sugidda Fahad Yaasiin iyo nin aan la shaacin magaciisa oo madax ka ah shirkad soo saarta shidaalka. Waxaa qoraalkan lagu sheegay in saddexdan mas’uul ay dowladda Kenya kala shaqeynayaan inay la galaan heshiis aan la shaacin waxa uu yahay. Wargeyska ayaa qoray in madaxweyne Farmaajo uu rumeysan yahay in Kheyre uu xiriir qarsoodi ah la sameystay Qatar, oo maal-gelin doonta ololihiisa doorashada 2021. Madaxweyne Farmaajo ayaa Kheyre siiyey awood ballaraan si uu u xoojiyo taageeradiisa gudaha. Xiriir aan la sameynay xafiiska madaxweynaha, waxay sheegeen inaysan illaa iyo hadda waxba ka ogeyn booqasho la qorsheeyey in madaxweynaha uu ku tago dalka Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, xafiiska madaxweynaha iyo kan ra’iisul wasaaraha ayaa si isku mid ah u beeniyey sax ahaanshaha warbixinada la xiriira tuhunada labada mas’uul ay kala qabaan, waxayna ku qeexeen wax aan jirin oo lagu qoslo. Tuhunka ku saabsan in Kheyre uu madaxweyne isku sharxayo 2021 waa mid muddo taagnaa, hase yeeshee weli ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Beledweyne (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nuuaca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka kuwa Itoobiya, xilli ay marayeen deegaanka Halgan ee gobolkaasi. Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi ayaa tilmaamay inuu haleelay gaari Uuraal ah oo ay wateen ciidamadaasi. Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in qaraxaasi ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ugu yaraan 20 ka tirsanaa ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi. Inta bada Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka. View the full article
  4. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-16072019.mp3 View the full article
  5. The Somali government will roll out an annual award scheme in honour of Hodan Nalaye, a Somali-Canadian TV host who was killed late last week in the city of Kismayo in an Al-Shabaab attack. Source: Hiiraan Online
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in wax faragelin ah lagu sameeyo doorashada Jubaland ee dhawaan ka dhaceysa maamul goboleedkaas. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay magaalada Kismaayo shalay iyo kulamo uu halkaas kula yeeshay madaxda Jubaland. Swan ayaa sheegay in uu la kulmay Madaxweynaha Jubaland, Guddiga xudduudaha iyo doorashooyinka Jubaland iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Xubnaha labada aqal ee Federaalka ee ka soo jeeda Jubaland. Waxaa uu ka tacsiyeeyay weerarkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee sababay dhimashada 26-ka qof iyo dhaawaca 56 kale, islamarkaana ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Mr James ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay soo jeedineyso in doorashada Jubaland waqtigeeda ku dhacdi islamarkaana wax rabshado ah aysan gelin. Waxaa kale oo uu sheegay in uu ka digayo faragelin nooc kasta oo ay tahay oo lagu sameeyo doorashada Jubaland ee dhaceysa Bisha August. Doorashada Jubaland ayaa waxaa isku haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo dooneysa inay maamusho iyo Axmed Madoobe oo diidan. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  7. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa Miino lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM, xilli ay marayeen deegaanka Halgan ee gobolkaasi. Ciidamada la qarxiyey ayaa ku sii jeeday saldhig ay ku leeyihiin deegaankaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka dagaal ee ciidamada Itoobiya. Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in qaraxaasi ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ugu yaraan 20 ka tirsanaa ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM oo ku aadan qaraxaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro dhabo gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  8. Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay sannad walba bixin doonto Abaal-marin loogu magac-daray Hodon Naaleeye oo ahayd gabar weriye ah oo ku dhimatay weerarkii argagixiso ee dhowaan lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo. Gabadha weriyaha oo mudda dheer ku noolayd waddanka Canada ayaa sannadihii u dambeeyay ku sugnayd gudaha dalka iyadoo ka shaqeynaysay barnaamijyo dhiirri-gelinaya bilicda nabadda iyo horumarka ka socda gudaha Soomaaliya si ay ugu soo dhiirradaan qurba-joogta dalka u dhashay. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sannad waliba abaal-marinno guddoon-siin doonto hadba qofkii ka tirsan Qurba-joogta Soomaaliyeed ee loo aqoonsado in uu wax muuqda qabtay iyadoo abaal-marintaasi lagu xusi doono weriye Hodon Naaleeye oo sannadihii u dambeeyay indhaha Qurba-joogta ku soo jeedisay bilicda nabadda iyo horumarka ka socda dalka gudihiisa. “Iyada oo la xurmaynayo nolosha halabuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay bixin doontaa inshaallah (Abaalmarinta HodanNalayeh). Sanad waliba waxa aanu guddoonsiin doonnaa qof aan u aqoonsannay in uu wax muuqda qabtay oo ka tirsan Qurbajoogga Soomaaliyeed. Nala soco si xog dheeraad ah u heshid” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Debadda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo abaal-marinno ku bixinaysa magaca Hodon Naaleeye appeared first on Puntland Post.
  9. By the end of Monday, Kenya’s birth registry would have recorded about 3,154 newborns. Source: Hiiraan Online
  10. A prolonged dry spell has ravaged Wajir in the last three months with fears of adverse effects on both residents and their livestock. Source: Hiiraan Online
  11. Three terror suspects were on Monday killed and two police officers critically injured after an Improvised Explosive (IED) targeting a border security patrol unit exploded at Kiunga area in Lamu County. Source: Hiiraan Online
  12. Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ee ku hawlgala magaca AMISOM qarax lagula eegtay nawaaxiga degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan. Qarax oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa sida la sheegayo jalfiyay mid kamid ah kolonyo ay leeyihiin ciidamada Ethiopia oo ku soday saldhig ku yaallla degaanka Halgan oo u dhexeeya degmada Buula-burde iyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay qaraxaasi u dhigeen ciidamada AMISOM islamarkaana ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ilaa 20 askari oo ka tirsan ciidamada Ethiopia ee ku hawlgala magaca AMISOM. Balse weli ma jiro war la xiriira sheegashada Al-shabaab oo ka soo baxay dhanka ciidamada Ethiopia sidoo kale ma jirto cid ka madax-bannaan labada dhinac oo xaqiijisay khasaaraha ka dhashay qaraxa. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay 20 askari ka dileen ciidamada Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  13. An Islamic scholar has condemned a social media trend that has swept the Middle East and much of the world, arguing it goes against the religion. Source: Hiiraan Online
  14. One day, Hodan Nalayeh would be pounding the pavement in the Twin Cities, striking up conversations with Somali-Americans at their businesses — with her camera rolling and her face beaming. Source: Hiiraan Online
  15. Ultimately, these strikes are a blood-shedding public relations move. We’re needlessly flexing our military muscles and celebrating how many “terrorists” we’ve killed. US action does nothing to dampen the underlying motivation of insurgents, and it may even serve to create more. Source: Hiiraan Online
  16. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo ka hadlayey munaasabad lagu daah-furay duullimaadyada Ethiopian Airline ay ka bilowday magaalada Garowe ayaa digniin adag u diray dad uu sheegay in ay kicinayaan dhalinyarada Puntland si ay isaga horkeenaan shacabka iyo maamulkiisa. Dani ayaa tilmaamay in ay jiraan dad doonaya in ay wiiqaan jiritaanka Puntland, iyagoo u soo maraya kicinta dhalinyarada, isagoo ka digay in dhalinyarada loo adeegsado burburinta Puntland. “Puntland hogaanka ayey uga duwan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxaan ka digayaa dadka daneynaya in ay bulshada hogaankeeda wiiqaan oo dhallinyarada ku kiciyaan, waxaan qirayaa in ninkii sameeyey Heesta ‘Ku dayo Puntland’ uu wax wanaagsan sameeyey, waxaan leeyahay nagu dayda, maaha in dadka la hareer maro oo wax aan jirin loo akhriyo , hayaankeennu waa in uu qeexan yahay, waxaan caddeynayaa in reer Puntland aysan cidna ka ogolaaneyn in ay nidaamkeeda burburiso”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Dani uu sheegay in fara galin lagu hayo maamulkiisa, waxuuna hadalkiisu kusoo aadayaa xili ay dhowaan Puntland ku eedeysay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqanayey Waqooyiga magaalada Gaalkacyo in uu baal maray bah maamuuskii ay Puntland u diyaarisay, waxaana xiligaas eedeynta Puntland laga dheehan karay in ay ka xumaatay dhalinyaro badan oo Kheyre uu qudbad ugu jeediyey Waqooyiga Gaalkacyo. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. A UN envoy in Somalia said on Monday terror attacks will not derail efforts to stabilize Somalia and expressed solidarity in the aftermath of a terror attack on Friday in which 26 people were killed and 56 others injured. Source: Hiiraan Online
  18. Ethiopian and US Defense Force kicked off today joint military training is officially opened at Peace Support Training Center, Addis Ababa, the capital of Ethiopia, on Monday, July 15, 2019, according to a press release sent to borkena. Source: Hiiraan Online
  19. A group of 20 individuals want Kenya to decline participating in a court case that has been filed at the International Court of Justice (ICJ) involving a maritime border dispute with Somalia. Source: Hiiraan Online
  20. Washington – President Donald Trump, under fire for tweets attacking Rep. Ilhan Omar and three other first-term Democratic congresswomen, renewed his assault on the Minnesota Democrat on Monday during a formal presentation before dozens of business owners gathered on the South Lawn to celebrate American entrepreneurship. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) ― Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiisada ka dhex-taagan Dowlada Somaliya iyo Somaliland ee ku aadan xoolaha loo dhoofiyo Sacuudiga. Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu ka xunyahay culayska ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ka soo wajahay markabkii ay xooluhu saarnayen ee ku xayirnaa dekeda Jeddah. Xasan ayaa sidoo kale weeraray dowladda Soomaaliya, waxaana uu ka dhawaajiyey in Mas’uuliyadu ka marantahay in la siyaasadeyo arrimaha horumarinta iyo ganacsiga oo uu sheegay inay si toos ah u taabanayan muwaadinka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona dowlada Somaliya ku booriyey in nolosha dadka Somaliyeed laga hormariyo wax-walba, isla markaana baaq u direy dowlada iyo shacabka reer Somaliland, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan: “Waxaan ka xummahay ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ee culeysku kasoo wajahay markabka ay saaran yihiin 20ka kun ee neef ee ariga ee dekedda Jeddah loo diiday inuu ku dejiyo xoolaha. Waa wax ay ka maran tahay mas’uuliyad ummaddeed in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta, ganacsiga iyo gargaarka oo dhammaan si toos ah u taabanayo nolosha muwaaddinka caadiga gaar ahaan arrinka markabkaan, waxay si toos ah u taabanayaa nolosha dadka reer guuraaga ah ee duruufaha ka yimid isbaddelka cimilada awalba la tacaalayay. Dowladda Somalia waxaan ku boorinayaa in nolosha dadka Soomaaliyeed wax walba laga hormariyo, dadka qaarkiina ay qabkooda dib u liqaan. Dowladda iyo dadka reer Somaliland waxaan leeyahay “SI JIRTABA SIIMA JIRTO” ee idinkuna isxakameeya”. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com