-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beledweyne (SMN) – Wafdigan uu hoggaaminayo wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Taclinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey. Xubnaha uu hoggaaminayo mudane Cabdullaahi goodax Barre waxaa kamid ah xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha bulshada. Ujeedka socdaalka wafdigan maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xalinta xiisada ka taagan magaalada Beledweyne. Inta ay joogaan waxaa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle,kan gobolka iyo degmada oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha bulshada,iyagoo uu kuurgalaya xaalada halkaasi ka jirata. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamedc Guuleed(Khadar) ayaa qaabilay wafdi ay hoggaaminayso ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Dalka Talyaaniga Ms. Emanuela Claudia Del Re oo soo gaartay magaalada Muqdisho. Ugu horeyn waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Khayre. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka HE Ms. Emanuela Claudia Del Re ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dhinac,sida iskaashiga iyo wax wada qabsiga danaha labada dal. Dhanka kale wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa la kulmay ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Talyaaniga,waxaana ay ka wada hadleen sidii dowladda Talyaaniga ay u taageeri lahaya horumarinta dhanka waxbarashada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa aay isla soo hadal qaadeen taageeridda iyo fursadaha waxbarasho ee lacag la’aanta ah ee ardayda Soomaaliyeed,barnaamijyo lagu horumarinayo Jaamacadda Umadda. Dowladda Talyaaniga ayaaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya,waxaana xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga uu yahay mid soo jireen ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
(SLT-Pyanyang)-Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka helay Warqad uu si shaqsi ah ugu soo diray, sida ay ku warrantay Warbaahinta Dawladda Kuuriyada Waqooyiga. Warqaddan ayaa Xogta ay Xambaarsan tahay waxa qayb ka ah Wada-hadallada aan midho-dhalin ee Trump iyo Kim Jong Un ka yeesheen Nukliyeerka Waqooyiga Kuuriya, sida ay sheegtay Kuuriya. Maraykanku wuu ku adag yahay doonistiisa ah in Waqooyiga Kuuriya ay burburiso Hubkeeda Nukliyeerka, ka hor intaan laga qaadin Cunaqabaynta Caalamiga ah, arrintaana Kuuriya si tallaabo-tallaabo ah ayay ugu sii durkaysaa, laakiin waxay doonaysaa waxay ku beddelanayso Burburinta Hubkeeda halista ah. Labada Dhinac waxay hore iskugu eedeeyeen masuuliyadda Burburka kulamadii ay yeelan lahaayeen, laakiin labada Hoggaamiye waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay kulmaan. Trump ayaa horraantii bishan sheegay inuu Waraaq Qurux badan ka helay Hoggaamiye Kim. Source
-
(SLT-Khartoum)-Qareen u dhashay dalka Sudan ayaa sheegay inuu ku guulaystay in Internet-ka loo soo celiyo , iyadoo khadka internetku uu ka go’an yahay dhamaan dalka Sudan oo dhan. Abdel-Adheem Hassan ayaa maalintii axadii ku guulaystay dacwad ka dhan ahaa shirkadda Internet-ka ee dalka Sudan, Zain Sudan oo Milatariga dalkaasi ku amreen inay jaraan khadka internet-ka. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay Qareenku in guushiisu ay faa’ido u leedahay uun isaga kadib markii uu awooday inuu dacwad ka gudbiyo. Internet-ka ayaa la jaray kadib markii ciidamada amaanku ay si xun ula dhagmeen dibadbaxayaashii ku sugnaa Khartoum. Waxaanay dibadbaxayaashu ay doonayeen in la soo afjaro xukunka milatariga ee daba socday afgambigii ka dhanka ahaa Cumar Xasan Al-bashiir bishii April. Mr Xasan ayaa sheegay in wakhti xaadirkan shacabka dalku ay heayaan iyagoo aan dib u helin wixii ay xaqa u lahaayeen. Waxaanu sheegay inuu dib ugu noqday maalintii khamiisti si uu ugu soo guulaysto xaqa dad badan oo reer Sudan ah. “Bari toole waxa aanu leenahay kulan maxkamadeed iyo maalinta ka dambaysa bari. Waxaana rajo wanaagsan ah in Hal Million oo dad ahi ay heli doonaan internetka dhamaadka todobaadkan,” ayuu yidhi Mr Xasan. Hase yeeshee Wariyaha BBC-da qaybta Carabiga uga soo warama Khartoum ayaa xaqiijiyey in internet-ku uu wali xayiran yahay inkastoo Maxkamada Sudan ay Amartay. Waxaanu Mr Hassan uu BBC-da u sheegay “In qaybta farsamadu ay ku guuldaraysteen in amar qoraal ah oo ay ku jarayaan internet-ka ay soo saaraan. “Qof kastaaba waxa uu isku dayeyey inuu ka fogaado masuuliyada, ma joro qof doonayey in arintaasi lagala xisaabtamo – waa dambi caalamiya oo xadgudub ku ah xuquuqada banidaamka. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay maamulka dalka sudan in uu soo afjaro xadgudubka ka dhanka ah dadka dibadbaxaya, waxaanu madaxa UN-ka ee xuquuqda Aadamaha Michelle Bachelet uu ugu baaqay dawlada Milatariga inay soo afjaraan xayiraada saaran internet-ka xili uu khudbad ka jeedinayey shirkii golaha xuquuqal insaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay Geneva. Source
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay gelinkii dambe gaaray Dhuusamareeb ayaa kulamo ka wada magaaladaasi. Kulamada oo ahaa kuwa is daba joog ah ayaa waxaa uu Ra’iisul wasaaruhu la qaatay madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca. Intooda badan kulamada ayaa diirada lagu saaray xiisada Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada maamulkaasi. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa socdaal ku maray qeybo ka mid ah Dhuusamareeb, isaga oo la kulmay qaar ka mid ah shacabka magaaladaasi. Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, waxaana la’isku mari la’yahay halka lagu qabanayo doorashada guud ee maamulkaasi. View the full article
-
Maamulka Galmudug waa maamulka labaad ee ugu cusub dhammaan maamulada dalka ka jira waa markii laga hadlaayo inta sano ay jirsadeen, maamulka Hirshabeelle kaliya ayaa ka dambeeyay, dhanka kale maamulka Galmudug waa maamulka ugu badan tirada qabaa’ilka daga waa illaa iyo 11 qabiil waxayna dhammaan wada dagaan Mudug iyo Galgaduud. Dhul ahaan deegaanada Galmudug waa hal gobol iyo bar, gobolka Galgaduud oo dhammaystiran iyo gobolka Mudug oo laba degmo iyo bar ah (Xaradheere iyo hobyo iyo qayb Galkacyo ah) inkastoo lagu murmay sharci ahaanta maamulkaas laakiin dowladdii xilligaas jirtay ee uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud waxay u aqoonsatay maamul goboleed dhamays tiran. Laga soo billaabo markii la doortay madaxweynihii ugu horeeyay ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed Sanadkii 2015 illaa xilligaan wax horumar ah oo la taaban karo oo uu maamulkaas gaaray mar jiraan waxaana loo sababayn karaa laba arrimood oo is biirsaday midkoodba hasii xoog badnaadee, labada arrin ee la haray Galmudug waa khilaaf maamulka dhexdiisa ah ama mid kala dhexeeya dowladda dhexe iyo qarash la’aan soo wajahday maamulka maadaama uusan haysan meel daqli ku filan uu kasoo galo. Khilaafka: Laga soo billaaob markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay in doorasha Galmudug qabsoomi doonto uuna sheegay in caasimadda maamulka iyo xarunta doorashadu noqonayaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galgaduud waxaa billawday Khilaaf soo kala dhex galay maamulka Ahlusunna oo saldhiggiisu ahaa magaalada Dhuusamareeb. Muranka ugu badnaa waxa uu ka jiray maamulka Ahlusunna oo dowladda ku xiray shuruudo badan oo dowladda ku adkaaday inay fuliso, maadaama Ahlusuuna ay dagaalo badan la gashay Alshabaab ugu dambeyna ay ku guuleysatay inay ka saarto Dhuusamareeb iyo Guriceel waxay dowladda soo hordhigtay shardi ahaa in ay celiso qarashaadkii ku baxay dagaalkii ay la gashay Alshabaab, laakiin lacagtaas dowladdu waa ka dhaga adaygtay inay bixiso lacagtaa waana salka khilaafka dowladda iyo Ahlusunna meesha uu ka bilowday. Kulamo badan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb waxaa la isku dayay in kooxda Ahlusuuna lagu qanciyo inay ka qaybgasho kulamada ka dhacaya magaalada Cadaado laakiin waxay ku adkeysteen inaysan ka qayb gali doonin shirkaas waxayna si gooni ah ugu dhawaaqeen maamul kale oo fadhigiisu noqon doono magaalada Dhuusamareeb. Ayadoo Ahlusunna ay maqan tahay ayaa loo dareeray doorashada madaxweynenimo ee Galmudug, inkastoo ay kasoo qayb galeen musharixiin kasoo jeeda Guriceel iyo dhuusamareeb oo laga yaabi lahaa inay sabab u noqdaan soo caro celinta kooxda Ahlusunna haddana kuma aysan guulaysan xilka ugu sareeya ee maamulkaas Laga billaabo 4ta Luulyo 2015 oo ahayd maalintii Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ku guuleystay madaxweynaha waxaa kala xirmay waddo kasta oo ay kusoo dhawaan lahaayeen ahlusunna maddaama hammi uga jiray sidii ay hogaanka maamulka u noqon lahaayeen. Intii kala xirnaantaas jirtay waqti dheer ayaa lasoo gudbay wali maamulkii Galmudug waxaa caasimad ku-meelgaar ah u ah magaalada Cadaado, waxaa billaabatay soo xulistii xildhibaanadii ka mid noqon lahaa Federaalka dhamaan reer Galmudugna waxay isugu tageen Cadaado waxaana soo dhamaatay doorashii xildhibaanada inkastoo musuq badan iyo wax is dabamarin badan ay meesha ka dhacday. Xaaf waxaa uu u tartamay xildhibaannimo, markii uu waayey waxaa uu raadiyey kursiga madaxweynaha Galmudug Waxaa dhawr mar magaalada Cadaado lagu qabtay shirar ay yeelanayeen xildhibaanada maamulka oo ay uga soo horjeedeen madaxweynihii xilligaas Cabdikariim Xuseen una muuqday shirar gadaal laga xiiraayay, ugu dambeyn waxaa mooshin laga keenay madaxweyne Guuleed. Janaayo 2017 ayaana codka kalsoonida loo qaaday oo 53 xildhibaan oo kulanka kasoo qayb qalay ay sheegeen inayn kala laabteen kalsoonida sidaasna uu ku dhacay madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed Cabdikariin Xuseen ayaa lagu eedeeyay inuu maamulka habsaamiyay oo ussan wax qabad la imaan muddadii uu madaxweynaha ahaa waxaa sidoo lagu eedeeyay in uu saldhig ka dhigtay magaalada Muqdisho halkii la rabay inuu ku shaqeeyo deegaanna ka dhigto magaalada Cadaado, Cabdikariin Xuseen markii hore waa diiday codka baarlamaanka ee kalsooni kala noqoshada laakiin bishii Febraayo ayuu ku dhawaaqay inuu is casilay sababo la xariira caafimaadkiisa, Maarso 2017 isla baarlamaankii ayaa doortay Xaaf oo markii hore xil ka qaadista Cabdikariim soo abaabulay, doorashiisii kadib Madaxweyne Xaaf wuxuu billaabay inuu shaqeeyo sidii maamulkiisa u raadin lahaa Ahlusunna oo heshiis ula gali lahaa waxaana billowday in loo kala dabqaado maamulkiisa iyo kii Ahlusunna oo ugu dambeyn waxay heshiis kusoo kala saxiixdeen dalka Jabuuti kadibna waxaa lagu casuumay magaalada Muqdisho si heshiiska loo dhamaystiro kulankaasna waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Heshiiskaas hadduu dhacay oo la is fahmay waxaa lagu qasban yahay in markaan loosoo guuro magaalada Dhuusamareeb oo markii hore looga maqnaa is faham waa’ga ka dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna laakiin soo guuridda maamulka wuxuu keenay caqabad kale oo reer caado iyo maamulkii galmudug ayaa khilaaf soo kala dhex galay, laba arin oo ugu weynayd waxay ahayd in ballanqaadyada Ahlusunna loo sameeyay ay ahaayeen ka badbadis iyo in caasimadda dhuusamaeeb loo wareejiyo tashi la’aan. Khilaafka cadaado wuxuu majaha dhooqo u galiyay Galmudug oo markii hore aan waxqabad lahayn laakiin ka talinaysay dhul ballaaran madaxweyne Xaaf waxaa loo diiday in Cadaado uu tago ama xataa safar kusoo maro, Xaafna wuxuu toos isugu dhiibay Ahlusunna oo saldhig ayuu Dhuusamareeb ka dhigtay in kastoo marmar safar circa ah uu Gaalkacyo ku tagaayay, Khilaafkii waa sii xoogeystay waxaa laba u kala jabay Baarlamaankii, Wasiiraddii iyo madaxdii sare ee dowladda, kulamo ka kala dhacay Cadaado iyo Dhuusamareeb waxaa la sheegay in xilka laga qaaday Xaaf iyo kuwo kale oo Guddoomiyaha Baarlamaanka Gacal Casir ama madaxweyne ku xigeenka Carabeey xilka looga qaaday in kastoo dowladda lagu eedeeyay inay qilaafka sii hurisay haddana madaxdu marna uma bisleyn inay tanaasul sameeyaan. Hadda waxaa la joogaa Dhuusamareeb Khilaafkii soo jiitamaayay wuxuu ka dhex taagan yahay Ahlusunna iyo madaxweyne Xaaf, wasiirka arimaha gudaha oo dhuusamareeb tagay ayaa Ahlusunna la kulmay wada hadalna la galay madaxda ugu sareysa Ahlusunna, isfahamkaasna wuxuu nabar ku noqday madaxweyhe Xaaf. Madaxweyne Xaaf oo ka carooday in Ahlusunna ay dhinac orodo heshiisyana ay dowladda la gasho ayaa isaga soo tagay magaalada Dhuusamareeb wuxuu ku laabtay magaalada cadaado oo markii hore u ahayd xaruntiisa ku-meelgaarka ah kahor intuusan dhuusamareeb usoo wareegin. Xaaf waxa uu soo saaray warqad uu ku sheegay in maamulkiisu ogol yahay doorasho iyo inuu soo afjarmay khilaafkii kala dhexeeyay dowladda dhexe, wuxuuna ku baaqay in doorashadu ay ka dhacdo cadaado maadaama aan la isku halayn karin Dhuusamareeb iyo Ahlusunna oo heshiiskii uu la galay uu burburay. Warqad kale oo ay soo saartay wasaaradda arimaha gudaha waxay sheegeen in doorashada Galmudug lagu qaban doono magaalada dhuusamareeb. Haddii Cadaado doorashada loo aado waxaa la weyn doonaa ahlusunna haddiise dhuusamareeb lagu qabto waxaa meeshaas isugu imaan doona Ahlusunna oo kaliya maadaama reer Cadado iyo Xaafba aysan soo socon. Gunaanad Ayadoo aan la isku keenin Ahlusunna iyo Xaaf oo doorasho loo dhan yahay aan la qaban haddii doorasho dhacdo Khilaaf waji cusub leh ayaa soo siyaadi doona maahane maamul Galmudug oo dhan ka shaqeeya kama soo bixi karon, waxaana dib usoo laaban doona kala go’ii Ahlusunna iyo Galmudug. Waxaa ii muuqata in xaaladdu hadda joogto meel wax laga qaban karo maadaama Ahlusunna iyo Xaaf labaduba ogol yihiin doorasho laakiin meeshii lagu qaban lahaa kaliya muranku ka jiro, dowladda dhexe kaalinteeda hadda ayaa loo baahan yahay, haddii ay si masuuliyad ku jirto u wajahaan arrinta oo dhexdhexaadnimo iyo masuuliyad iska saaraan xal waara ayaa loo heli karaa laakiin haddii ay noqoto doorasho un qabta madaxweyne maqaar saar ah waa la dooran doonaa laakiin maamul shaqeeya kasoo bixi mayo Galmudug waxay haysataa inay laba kala doorato, waa mide inay meel isugu yimaadaan oo heshiis wada gaaraan maamul loo dhan yahayna soo dhistaan ama inay sidii horeba ay u ahaayeen madaxweyne feer iyo faralaab ah doortaan khilaaf iyo qoqobnaanna ku jiraan W/Q: Maxamed Deeq Taako Deeqaxmed15@gmail.com Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
(SLT-Nairobi)-Wasiir ka tirsan dowladda Kenya ayaa beeniyay eedeyn loo jeediyay oo ahaa inuu waday qorshe uu ku dili rabay madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, sida uu ku warramay wargeyska The Standard. Wasiirka ganacsiga Kenya, Peter Munya iyo saddex wasiir oo kale ayaa tegay xarunta dambi baarista si wax looga weyddiyo eedeymaha ah inay u hanjabeen madaxweyne ku-xigeenka Kenya. Waxaa lagu eedeeyay mas’uuliyintani inay yeesheen kulan qarsoodi ah. “Waxaan caddeynay in aysan jirin goob aan kulan qarsoodi ah ku yeelanay, oo ku saabsan arrintaas” ayuu yiri Munya. Dhanka kale, wargeyska Daily Nation ayaa ku warramay in afarta wasiir looga yeeray xarunta dambi baarista si su’aalo looga weyddiyo eedeymaha ah inay doonayeen inay hor istaagaan dadaallada madaxweyne ku-xigeenka uu ku doonayo inuu u tartamo doorashada madaxtinimada sannadka 2020-ka. Source
-
Beijing (SMN)- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumada Federalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheeegay in dalka uu diyaar u yahay in uu ka fa’ideysto hindisaha hurumarineed ee kaabayaasha dhaqaalaha ee Madaxweynaha Shacbiga Shiinaha Xi Jinping kaasi oo Africa iyo dunida oo idil ka wada faa’ideysanso. Wasiirka ayaa dhigiisa dalka Shiinaha waxa uu la qaatay kulan laba geesood ah oo ku qotoma xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal iyo in Soomaaliya ay ka faa’ideysato fursadaha jira ee dhanka mashaariicda hurumarineed, ganacsiga iyo wax-is-dhaafsiga. “Dawladda Soomaaliya waxa ay heshiis is af-garad ah kuna saabsan ku biirida hindisaha kabayasha dhaqaalaha la gashay dawladda Shiinaha sanadkii hore, 2018, waxana aan hadda u nimid ka dhabeynta heshiiskaas, waayo dawladaha Africa iyo adduunka oo dhan baa ka faa’ideysanaya, kana faa’idey”, Wasiirka ayaa sidaa u sheegay SONNA. Wasiirka ayaa rajo ka muujiyey in iskaashiga dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha uu gaaro level cusub oo dhanka iskaashiga, ganacsiga, sare u qaadida dhanka warshadaha iyo wax-is-dhaafsiga labada dad mud 3-sano gudahood, isaga oo rajo wanaagsan ka qaba, xusayna dhinacyada ay is ka kaashan karaan “Waxa aan sidoo kale ka faa’ideynaa Shiinaha dhisida kaabayasha dhaqaalaha sida wadooyinka, dekadaha, eeraborada iyo sare u qaadida technology-yada, waxbarida dhalinyarada, u abuurada shaqo. Hurumarinta beeraha iyo kalluumaysiga”, ayuu yiri. Soomaaliya ayaa leh dhul beereed weyn, waxana ay sidoo kale leedahay xeebta uga dheer Africa waxana ay u baahan tahay suuq ay kheyraadkeeda u beec-gayso sida kan Shiinaha oo kale. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa ka qayb-galaya shir u dhaxeeya wasiirada arrimaha debbadda Africa iyo madaxda hay’adaha maaliyada waddanka Shiinaha kaasi oo lagu daba-galayo hir-gelintii natiijada ka soo baxday shir madaxeed dalka Shiinaha iyo Africa ee ahaa iskaashiga labada dhinac loona yaqaan FOCOC Waana shir soconaya laba beri sida uu ku soo waramayo Wariyaha SONNA ee caasimada Beijing, hawlaha shaqa u jooga kana qayb-galaya shirkaasi maanta oo talaado ah oo galay maalintiisa labaad. By Mohamed Osman Abdi “Black Cobra” E-mail: Cobrasonna@gmail.com Beijing-China Sawiro kale hoos kala eeg SHARE Facebook Twitter View the full article
-
Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Fuursade Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddaysay in aysan ka qeyb-geli doonin kulan qorshaysnaa in uu maanta magaalada Nairobi uga furmo dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Dr Nuur Diiriye Fuursade ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in aysan xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka qeyb-geli doonin kulanka Nairobi balse wuxuu xaqiijiyay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay in ay wada-hadallo mira-dhal ah la furto maamulka Somaliland marka lagu heshiiyo ajandaha shirka iyo goobta uu ka dhacayo. “Dowladda Federaalka Soomaaliya kama qeyb galayso shirka la sheegay inuu Nayroobi ka dhacayo balse waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay wada hadallo mira dhal ah lala furo Somaliland marka goobta, ajandaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo” ayuu yiri Fuursade. Dhinaca kale Somaliland ayaa xalay sheegtay in uu kulankaasi ka furmayo magaalada Nairobi ayna isku arki doonaan mas’uuliyiin ka socda labada dhinac inkastoo kulanka ay ku tilmaantay mid hordhac u ah sidii wada’hadallo rasmiya loo bilaabi lahaa. Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cumar Cawil ayaa xalay sidaasi u sheegay telefishinka Horn Cable isagoo raaciyay in kulanka ay goob-joog ka noqon doonaa wakiillo ka socda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo xubno matalaya Beesha Caalamka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan Somaliland kula kulmayn dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Addis Ababa)-War kasoo baxay booliska Federalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in askarigii ilaalinayay taliyaha la dilay in hadda uu yaallo Cisbitaal lagana daweynayo dhaawac soo gaadhay. Balse booliska ma ayna shaacin magaca askarigaas. Ciidammada booliska Federaalka ee Itoobiya ayaa raalli gelin ka bixiyay hadal ay shalay sheegeen oo ahaa in askarigii lagu eedeeyay inuu dilay madaxii ciidammada dalkaas Gen Seare Mekonnen uu is toogtay. Xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa horraan sheegay in askariga uu dilay Janaraal Seare iyo sarkaal sare xilli ay joogeen gurigooda si loo afgembiyo hoggaanka maamulka Amxaarada. Waa markii labaad oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan arrinta ku aadan askariga lagu tuhunsan yahay inuu toogtay madaxii guud ee ciidammada Itoobiya. Sabtidii dowladda Itoobiya waxay sheegtay in askarigaas la xidhay halka Isniintii taliyaha guud ee booliska Endeshaw Tasew uu shaaca ka qaaday askarigaas uu is dilay markii uu toogtay Janaraallada. Hase yeeshee illaa hadda makala cadda in dhaawaca soo gaaray askarigaas uu yahay mid isaga uu isku geeystay ama inuu dhaawacay qof kale intii uu weerarka socday. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shalay ku soo rogay Iraan wuxuu ugu yeeray “cunaqabateynno cusub oo dhinaca dhaqaalaha ah” isagoo si gaar ah ula beegsaday hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei. Trump ayaa saxiixay wareegto madaxweyne oo uu ku sheegay inuu ku hor istaagayo Tehran iyo Khamenei galaangal kasta oo ay u yeelan karaan suuqyada maaliyadda ee caalamka. Xoghayaha Maaliyadda iyo Lacagta ee Mareykanka Steven Manuchin ayaa sheegay in talaabadan inay fariisin doonto balaayiin dollar oo hantida Iran ah. Madaxweyne Trump ayaa talaabadan ku tilmaamay mid “adag oo u dhiganta jawaabta Mareykanka” ee dayuuraddii Drone ee Iran ay Mareykanka ka soo riday todobaadkii tagay. Dronetaas oo nooca wax ishaafalateeya ah ayuu Mareykanku sheegay inay duuleysay hawada caalamiga ah markii ay Iran soo rideysay meel ku dhow gacanka Hurmuz ee Khaliijka Carabta. Laakiin Iran ayaa ku doodeysa inay ku soo xadgudubtay hawadeeda. Source
-
Wasiirka Amniga dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shalay hor-tegay Baarlamanka si jawaab uga bixiyo eedaymo ku xusan warbixin uu soo bandhigay guddiga Amniga golaha wakiilada Puntland. Guddiga ayaa warbixin uu todobaadkii hore u gudbiyay Baarlamanka ku sheegay in wasaradda Amnigu aysan fulin qorshe ka kooban 10 qodob oo ku aaddanaa sugidda amniga Puntland. Guddiga ayaa sidoo kale wasaaradda ku eedeeyay ay soo gudbin wayday warbixin tixraac leh oo ku saabsan amniga iyo nabadgelyada Puntland islamarkaana wasiirka wasaaraddaasi uu ka baaqsaday in uu horyimaado golaha. Waxaa kale oo guddigu wasiir Gallan ku eedeeyay in uu askareeyay dhalinyaro khal-khal gelin ku haya amniga Boosaaso iyo in uu faraha ka laabtay xaaladda nabadgelyo ee gobolka Mudug. Haddaba wasiirka ayaa shalay raalli-gelin ka bixiyay qaar kamid ah eedaymaha ku cad warbixinta guddiga halka qaar kalena uu beeniyay sida in uu askareeyay dhalinyaro dhibaato ku haya amniga Boosaaso. Dhinaca kale xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay warbixinta laga soo gudbiyay waxaana su’aalahaasi kamid ah sababta uu uga war-wareegayo in uu tego gobolka Mudug? Hoos ka daawo jawaabaha wasiirka PUNTLAND POST The post Waa maxay sababta Gallan uga war-wareegayo in uu tego gobolka Mudug? appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday shir maanta lagu waday iney ku wada hadlaan Somaliland oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco magaalada Nairobi. Agaasimaha guud ee Villa Somaliland Dr. Nuur Diiriye ayaa waxaa uu yiri ” Dowladda Federaalka Soomaaliyakama qeyb galayso shirka la sheegay inuu Nayroobi ka dhacayo balse waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay wada hadallo mira dhal ah lala furo Somaliland marka goobta, ajandaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo”. Kulanka waxaa soo qaban-qaabisay xarunta Centre for Humanitarian Dialogue, sidoo kale waxaa ka qeyb geli lahaa mas’uuliyiin ka socoto beesha caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa uu markii Labaad kasoo muuqdo wariye C/maalik Muuse Coldoon. Coldoon oo ah Wariye ayaa sidoo kale ah Samafale aad looga yaqaano guud ahaan dalka, waana shaqsi u ololeeya arrimaha bini’aadannimada. Wariye Coldoon ayaa ku eedeysan kicin dadweyne iyo sidoo kale arrimo lagu sheegay iney wax u dhimayaan madax-bannaanida ay sheegatay Somaliland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Falanqeeye sare, Saalim Siciid Saalim oo kamid ah khabiirada sida dhow ula socda arrimaha siyaasadda Soomaaliya kuna nool Garoowe, ayaa faallo kooban ku cabbiray jaah-wareerka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug. “Qaybtii 1aad is hardanka Xaaf iyo dawladda federaalka waxaa muuqata in Xaaf lagu diray oo Dhuusamareeb laga saaray, lana kala furay isaga iyo Ahlu-sunna” ayuu yiri Saalim. Balse, wuxuu aaminsanyahay in xifaaltan u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah uu ka bilwoday Galmudug, uuna saamayn ku yeelan karo xaaladda aloosan. “Qaybta labaad ee hardanka oo tan ugu adag ah ayaa siyaasiyiin mucaarad ku ah dawladda federaalka mar horeba iska xaadiriyeen Cadaado oo ay halkaas ugu yeerteen Xaaf” ayuu sii raaciyay. Mr Saalim ayaa qaba in kooxda la baxday Ahlu-sunna Waljamaaca aysan kalsooni badan ka haysan siyaasiyiinta iyo qabaa’ilka deggan Galmudug, taasina ay horseedi karto in kafadda siyaasadeed u wareegto dhanka Cadaado ee Xaaf iyo mucaaradku joogaan. “Siyaasiyiinta iyo badi qaa’ilka Galmudug waxay u arkaan Ahlu sunna koox diimeed xagjir ah oo ma doonayaan inay hoos farsiistan maamul ay xoog ku leeyihiin, waxaana tan keenaysa in hadda badi siyaasiyiinta iyo qabaailka maamulka isugu tagaan Cadaado”. Wuxuu intaasi raaciyay, in haddii sidaasi dhacdo ay fursad u abuurayso siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Damu-jadiid oo haatan isu muujinaya in ay la safanyihiin madaxweyne Xaaf, iyadoo ay cidlo soo istaagi doonaan Villa Somalia iyo Ahlu-sunna, haddii miisaanku u liico dhanka Cadaado. Waxaase uu xusay in siyaasiyiinta mucaaradka laftoodu ay musharrixiin gaar ah u wataan doorashada Galmudug aysan taageero Xaaf u aadin magaalada Cadaado, balse sida uu sheegayo fursad ay ka arkeen kala’boodista Xaaf iyo Ahlu-sunna. “Siyaasiyiinta u badan mucaaradka ee Damul Jadiid iyo Daljir iyo rag kale waxay aad ugu faraxsanyihiin kala haadka Xaaf iyo Ahlu-sunna waxayna haatan isu diyaarinayaan sheeka ah “allaw kala guurka Xaaf iyo Ahlu-sunna dabadooda naga risaaq” oo waxay ku taamayaan doorasha dhaqso uga dhacda Cadaado oo ay musharixiin ay wataan kasoo baxaan” ayuu yiri Saalim. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo fursad dahabiya u abuurtay mucaaradkeeda appeared first on Puntland Post.
-
Click here Qaran News
-
Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in haddii aan degdeg lagu xallin khilaafka ka dhaxeeya madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo sidoo kale guddoomiyahii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ay keeni karto in uu dhaco dagaal. Admiraal Khaliif Idiris oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in B/weyne ay haatan gashay xaalad murugsan, islamarkaana haddii xal la waayo dagaal la filan karo. Sidoo kale, nabadoonka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti la doonayo in loo adeegsado weerar lagu qaado Yuusuf Dabageed. “Haddii si nabad ah wax lagu xalin waayo dagaal ayaa imaan kara, ciidamada Jabuuti ayaa isku dayaya iney xoog ku weeraraan Dabageed, waxayna taasi keeni kartaa dagaal ay shacabka ka qeybgalaan, waana waxa aan ka digeyno in lagu degdego weerarka Dabageed” ayuu yiri Admiral Khaliif. Yuusuf Dabageed, weli waxa uu diidan yahay in uu wareejiyo xilkii dhowaan laga qaaday, waxaana walwalka ugu badan yahay in dagaal uu ka dhaco magaaladaasi, maadaama madaxda maamulkaasi ay ammar ku bixiyeen in lasoo xiro Dabageed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaliya ayaa shaacisay in ay si weyn uga soo horjeedo in Kenya ay hoggaamiso la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida. Wasiir Axmed Ciise Cawad oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in go’aanka kooxda xiriirka Soomaaliya ay ku doorteen Kenya uusan u qalmin Soomaaliya, islamarkaana aysan u hoggaansami doonin Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in haatan ururka xiriirka Soomaaliya ee la dagaalanka Burcadbadeeda uu dhammaaday waqtigiisa, isaga oo guuleystay. Cawad ayaa intaasi ku daray in aysan jirin Burcadbadeed lala dagaalamo, islamarkaana gabi ahaan laga taqalusay. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale carabta ku dhuftay in Kenya iyo Soomaaliya haatan uu ka dhexeeya muran dhinaca badda ah, sidaas daraadeedna aysan suuragal aheyn in Kenya ay qabato hoggaankaasi. Ugu dambeyn waxa uu beeniyay in Ciidamo Kenyaan ah ay ilaalinayaan biyaha Soomaaliya,balse waxa sheegay in Ciidamo isku dhaf ah oo ka socda ururka ay yihiin cidda qabaneysa shaqadaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan meel xasaasi ah ay mareyso dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya, taas oo hortaalla maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-25062019.mp3 View the full article
-
Nairobi (PP) ─ Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen warar sheegaya in kooxda Al-shabaab ee Somalia ay doonayso inay weerarro aad u culus kusoo qaadaan gudaha dalka Kenya, iyagoo aan sheegin xilliga laga yaabo inay weerarradaas dhacaan. Saraakiisha ciidamada amniga Kenya, ayaa sheegay in xogta ay hayaan ay sheegayso in Al-shababa ay ku jiraan diyaar-garowgii ugu dambeeyay ayna dhici karto inay weerar culus ka geystaan gudaha Kenya. Mas’uuliyiin u hadlay hay’adaha amngia Kenya ayaa xusay in ciidamadoodu ay billaabeen hawl-gallo ay uga hor-tagayaan weerarradan, iyadoo goobaha ay hawl-gallada laga billlaabay ku sheegay inay ka mid yihiin magaalooyinka ku yaalla xuduudaha ay Somalia iyo Kenya wadaagaan; Sida Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera. Sidoo kale, Booliiska Kenya ayaa sheegay in goobaha laga cabsida qabo inay weerarraan ciidamada Kenya ay ka mid yihiin; Sheikh Barrow, Arabia, Fino, Damasa Lafey, Alungo, Warankara, Falama, Elrhamu iyo Garsesala oo hoos-taga Mandheera. Waxay kaloo booliisku sheegeen in goobaha baqdinta laga qabo ay ka mid yihiin; Kotulo, Mansa, Boji, Diif, Konton iyo Khorof Harar, oo dhamaantood ka tirsan is-maamulka Wajeer, sidoo kalena; Liboi, Kulan, Hulugho, Bodhai, Boni forest, Galmagala, Amuma iyo Hamey oo ka tirsan Gaarisa ay Kooxda Al-shabaab ka geysan karto weerarro. Dhanka kale, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin digniinta ay ciidamada Kenya soo saareen, waxaana kooxda ayaa dhawr jeer oo hore weerarro khasaare badan dhaliyay ka geystay gudaha Kenya, kuwaasoo ay ku jireen midkii ay ku qaaday Jaamacadda Gaarisa. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhawaanahan wadday dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayso inay weerarro uga geysto gudaha Kenya, iyadoo dhawr jeer oo horena ugu hanjabtay Kenya inay dagaal adag la galayso, maadaama ay uga sugan yihiin Somalia ciidammo fara badan oo qayb ka ah AMISOM. PUNTLAND POST The post Booliska Kenya oo shaaciyay cabsi laga qabo in la weeraro Deegaanno kala duwan appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo xalay lagu soo dhoweeyay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa halkaasi wuxuu durba ka bilaabay kulamo gaar gaar ah. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, waxgarad iyo mas’uuliyiin kale ayaa madaxweyne Xaaf kusoo dhoweeyey Cadaado, iyadoo uu degay madaxtooyada magaaladaasi. Wararkii ugu dambeeyey ayaa waxay sheegayaan in Xaaf uu wado kulamo gaar gaar ah, isaga oo isla xalay la kulmay xildhibaannada federaalka ee ku sugan magaalada Cadaado. Madaxweyne Xaaf ayaa isaga soo guuray degmada Dhuusamareeb, kadib markii ay is khilaafeen Ahlu-sunna Waljameeca oo heshiis la gashay DFS. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, guddoomiyahii gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, in Saddex jeer uu soo abaabulay isku day uu sheegay in isaga lagu qaarajin lahaa. Dabageed ayaa tilmaamay in halka loo yaqaan Lama-galaay uu madaxweyne Waare kasoo abaabulayo qorsheyaashan, isaga oo isku dayaya inuu adeegsado AMISOM, waa siduu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in dhankooda ay ka foojigan yihiin qorshe walbo oo la doonayo in lagu qaarajiyo. “Waare Lama-galaay wuxuu markii Saddexaad kasoo abaabulay qorshe la igu qaarajinaa, ama nalagu soo weeraraa, taasna waa ku fashilmay ee waxaan u sheegeynaa cid walbo oo reer Hiiraan ah iney arrintan la socoto” Dabageed ayaa dhanka kale ugu baaqay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan iney wada yimaadaan magaalada B/weyne, kana tashadaan aayaha gobolka Hiiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com