-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (SMN) – Wafdi ka socda dowladda Mareykanka ayaa maanta ku wajahan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Xubnahan ayaa waxaa la sheegay inuu horkacayo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wufuudaasi ay qeyb ka yihiin qaar ka mid ah safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, inkastoo aan la shaacin. Wafdigani ka socda beesha caalamka ayaa kulamo la qaadan doono madaxweynaha Jubbaland iyo Musharraxiinta, iyaga oo kala hadli doono doorashada maamulkaasi. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu argayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socota ee August, iyadoo ay weli jiraan caqabado u baahan in la xaliyo. View the full article
-
The European Union (EU) and its partners refunded Kenya Sh4.3 billion for its troops fighting Al-Shabaab militia in Somalia in the fiscal year ended June 2019, latest Exchequer statistics show. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan shirka la filayo in dhowaan uu ka furmo gudaha magaaladaasi. Dr Baadiyow ayaa marka hore ku baaqay in aan la siyaasadeyn dib u heshiisiinta ay dowladdu ka wado deegaanada maamulka Galmudug. “Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, aqoonyahannada iyo siyaasiyiin, yaa la siyaasadeyn dib u heshiisiinta Galmudug, malahan mucaarad iyo muxaafad dhammaan waa inay ka soo qeyb galaan shirkaas.”ayuu yiri Baadiyow. Sidoo kale wuxuu ka warbixiyey safaro ay lixdii maalmood ee la soo dhaafay ay ku bixiyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in deegaanadii ay tageen ay ka jireen tabashooyin badan oo isugu jira kuwo beelaha dhexdooda ah iyo kuwa laga qabo maamulkii hore. “Meel kasta tabashooyin ayaa ka jiro, kuwo beelaha dhexdooda ayaa tabasho qaba, qaar maamulkii hore ayay wax ka tabanayaan, qaar amniga goobta shirka ka dhacayo, tabashada wey badan yihiin, waxaas oo dhan marka la isku daro farriinta aan u sidno waa wax kasta waxay ka dhaxeysaa reer Galmudug in shirka ay ka soo qeyb galaan beelaha ka soo qeyb galaan, wixii tabasho halkaas ku xaliyaan, dib u dhiska dowladnimada looga shaqeeyo.”ayuu mar kale yiri Dr Baadiyow. Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ayaa la filayaa inuu furmo 5-ta bisha soo socota, iyadoo weli beesha degta Cadaado ay ka biyo diidan tahay shirkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ururka Iskaashiga Islaamka u ogolaatay in uu xarun Ergo-goboleedka furto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah Ururka Iskaashiga Islaamka Muqdisho kula saxiixatay heshiis cusub oo ku saabsan in la unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada. Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Saciid Xaaji Maxamuud oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada. The post Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo heshiis cusub kala saxiixday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay ku qaabilay Magaalada Muqdisho Safiirka Netherlands ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Frans Makken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, garsoorka, socdaalka iyo waxbarashada. Kulanka oo lagaga dooday dhowr qodob oo muhiim u leh labada dal ee saaxiibada ah, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo uu ku jiray sarkaal ka wakiil ahaa Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka oo faragelin ku sameyneyso arrimaha maamulka Jubbalanad ayaa xal u raadineysa muranka siyaasadeed ee weli ka taagan doorashada maamulkaasi. Xubno ka socda safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wafdigan ayaa waxa horkacaya safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Muqdisho Donald Yamamoto. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wufuudaasi ay qeyb ka yihiin qaar ka mid ah safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, inkastoo aan la shaacin. Yamamoto iyo wafdigiisa ayaa la kulmo doono madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Musharraxiinta iyo Odayaasha Dhaqanka, iyaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo magaalada Kismaayo. Axmed Madoobe iyo Musharraxiinta la loomeysa oo cabasho muujineyso ayaa isku haya doorashada. Xaaladda Kismaayo ayaa sidoo kale weli kacsan, kadib markii shalay lagu soo daadiyey ciidamo cusub oo ka amar qaata madaxweyne Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa uga digey dowladda dhexe, farogelin ay ku sameyso doorashada Jubbaland ee la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay xildhibaanka, in sidoo kale AMISOM aanay wax farogelin ah ku sameyn karin doorashada Jubbaland, sababtuna ay tahay in howsha ay dalka u joogaan ay tahay la dagaalanka Al-shabaab. “AMISOM waxay dowlad goboleedka Jubbaland ka codsato un bay kula shaqeyneysaa…Jubbaland waxaa jooga ciidamada Booliiska, Nabad sugidda iyo sidoo kale kuwa Daraawiishta, Jubbaland iyadaa mas’uul ka ah doorashadeeda…Dowladda federaalka wax shaqo ah oo ay ku leedahay ma jirto doorashada dowlad goboleedyada” ayuu yiri xildhibaan Xasan Yare. Jubbaland ayaa looga diyaar garoobayaa doorashada baarlamaanka iyo sidoo kale tan madaxweynaha, waxaana jira musharraxiin badan oo isku soo taagay xilalkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga qaabilsan qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo maalmahaan socdaal ku marayay degaannada Galmudug, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel} ayaa si wadajir ah uga war bixiyay natiijadii kasoo baxday socdaalkooda iyo xariirro ay la sameeyeen bulshada ku nool deegaannada aan xorta aheyn ee ka tirsan Galmudug. Guddoomiyaha Gudddiga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhaqanka in aan la siyaasadeyn shirka, beelununa ay kasoo qayb galaan gogosha Nabadeed ee Dhuusamareeb, halkaasna ay ku soo bandhigaan fikradahooda iyo hadii ay tabasho qabaan. “Meel kasta tabashooyin ayaa ka jiro, kuwo beelaha dhexdooda ayaa tabasho qaba, qaar maamulkii hore ayay wax ka tabanayaan, qaar amniga goobta shirka ka dhacayo, tabashada wey badan yihiin, waxaas oo dhan marka la isku daro farriinta aan u sidno waa wax kasta waxay ka dhaxeysaa reer Galmudug in shirka ay ka soo qeyb galaan beelaha ka soo qeyb galaan, wixii tabasho halkaas ku xaliyaan” ayuu yiri Baadiyow. Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaal ku tegay Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado. Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Dhuusamareeb ka furmayo 5-Agoosto 2019. PUNTLAND POST The post Guddiga Qaban-qaabada Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ka digay in shirka la siyaasadeeyo appeared first on Puntland Post.
-
Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururkaasi ku yeelanayo dalka, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada. Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada. Source: goobjoog.com
-
Ciidamada DF oo dad isku Qoys ah ku laayey Shabeelaha Hoose
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Bangarafta ay dad shacab ah ku weerareen duleedka magaalada Wanlaweyn ee gobolkaasi. Weerarka ayaa si gaar ah loola beegsaday Beer ku taalla banaanka magaalada, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad Beeraley ah. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ciidamadu ay ku dileen illaa 6 Qof oo la sheegay inay isku Qoys ahaayeen. Sidoo kale waxaa la’yahay nolo iyo geeri nin kale oo sugnaa Beerta uu weerarku ka dhacay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sida aan wararka ku heleyno ciidamada fuliyey weerarkaasi ayaa ka soo baxay saldhig Milatari oo ay ku leeyihiin deegaanka Bali-Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Illaa iyo hadda lama oga sababta loo laayey dadkaasi rayidka ah, balse marar badan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dad shacab ah ku dilay gobolka Sh/ Hoose. Dhacdadii ugu xooganeyd ayaa 25-kii August 2017-kii ka dhacday deegaanka Bariire, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Ajaaniib ah ay ku dileen illaa 10 Qof oo rayid ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com -
Kulanka wasiir Cawad iyo safiir Makken Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay ku qaabilay Magaalada Muqdisho Safiirka Netherlands ee Soomaaliya, Frans Makken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, garsoorka, socdaalka iyo waxbarashada. Kulanka oo lagaga dooday dhowr qodob oo muhiim u leh labada dal ee saaxiibada ah, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo uu ku jiray sarkaal ka wakiil ahaa Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Netherlands oo dhinacyo kala duwan ka wada-hadlay appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo maalmahaan socdaal ku marayay deegaannada Galmudug, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel} ayaa si wadajir ah uga war bixiyay natiijadii kasoo baxday socdaalkooda iyo xariirro ay la sameeyeen bulshada ku nool deegaannada aan xorta aheyn ee ka tirsan Galmudug. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhaqanka ugu baaqeen in aan la siyaasadeyn gogosha, beelununa ay kasoo qayb galaan gogosha Nabadeed ee Dhuusamareeb, halkaasna ay ku soo bandhigaan fikradahooda iyo hadii ay tabasho qabaan. Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kulamo wadatashi iyo fariin gaarsiin ah la qaatay bulshada ku nool deegaannada ay socdaalka kusoo mareen. Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaal ku tegay Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado. Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Dhuusamareeb ka furmayo August 05/2019. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) oo u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo ku aadan S/land. Guuleed ayaa soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna sheegay in DF ay ka go’an tahay sidii ay u qancin laheyd madaxda maamulkaasi. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Somaliland in ay ka soo dabacdo meesha ay hadda joogto, si guul looga gaaro wada-hadallada labada dhinac. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-cadaani.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Soomaaliya ayaa kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada. Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-31072019.mp3 View the full article
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaradka Carabta Anwar Gargaash oo ka hadlay maqaalkii uu daabacay wargeyska New York Times ee looga hadlay in Qatar ku lug laheyd qarax ka dhacay magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in taasi ay cadeyn u tahay xiriirka Qatar ay la leedahay argagixisada. Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “halista codka la duubay ma ahan mid lagu dabooli karo war-saxaafadeed la soo saaray.” Wasiirka ayaa intaasi ku daray “u ololeynta argagixisanimo ee ka dhanka ah Imaaraadka waa mid laga shaleyn doono” wuxuuna intaa raaciyay in xiriirka afarta dal u jareen Qatar uu ahaa mid loo baahnaa. Toddobaadkii tagay, wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa daabacay cod maqal ah oo ay kuwada sheekeysteen nin ganacsade ah oo u dhaw Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa iyagoo kawada hadlaya qarax ka dhacay Boosaaso iyo dil isla magaalada loogu gaystay madaxii DP World ee dekadda Boosaaso. Ganacsadaha ayaa u sheegay safiirka iney ka warqabaan dilka iyo qaraxa oo sida uu sheegay ay ka dambeeyaan xulafadooda, si Imaaradka uu uga guuro magaalada Boosaaso cabsi darteed. Qaraxaas Qaraxaas, oo ay sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof. Caasimada Online Xafiiska Abu Dhabi caasimada@live.com
-
“Soomaaliland waa ayo, yaase ka mid ah?” Maadaama dadka waqooyiga Soomaaliya ku dhaqan ayna wada ahayn Soomaaliland ama ayna isku raacsaneyn iney ka go’aan Soomaalida inteeda kale, xukuumadda Farmaajo kuwee la fureysaa wada hadalka ay guddiga u magacawdey? Ma kuwa wax ka tirsanaya Soomaali inteeda kale ee ah kooxda gooni u goosatada ah qabiilka kali ah, mise kuwa ku naaloonaya midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed ee Soomaali weyn wax dhibaato ah aan ka sheeganeyn? Miyaaney ku habooneyn in dadyowga midnimada jecel sida Makhir, SSC iyo Awdal iney xukuumaddu aqoonsato? Mise xukuumadda Farmaajo waxay shacabka midnimo doonka ah u sadqeyneysaa kooxda yar ee goonigoosatada ah, si ay danaheeda u gaarto? Ilaa sannadkii ay kooxda reer Hargeysa, Burco iyo Berbera ay ku dhawaaqeen gooni-isu-taagga, isimada degaannada SSC, Maakhir iyo Awdal waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen iney xukuumadihii Soomaaliya iyo dawladaha caalamka u sheegaan in midnimada Jamhuuriyadda Federaalka ahi ay tahay muqaddas aan laga gorgortami Karin. Iyaguna ay Jamhuuriyadda Soomaaliya ka mid yihiin oo aaney ku raacsaneyn kooxda sheegatey iney Soomaaliya ka go’een. Waxa u dambeyey warsaxaafadeedkii dhowaan ay soo saareen Isimada beesha SSC ee Sool clan iyagoo sii xoojinaya baaqyadoodii hore, kaas oo xukuumadda madaxweyne Farmaajo iyo aduunweynaha ay si cad ugu sheegeen in aanay ka mid ahayn Soomaaliland, isla markaana wadahadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland qof ama koox ku matali kartaa gobollada SSC aaney jirin. Isagoo, habayaraatee wax tixgelin ah aan siinin arrimahii ay soo jeediyeen Isimada degaannada SSC, ayuu madaxweyne Farmaajo magacaabey Guddiga Qaran ee Dib-u-heshisiinta iyo wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland. Guddiga uu magacaabey madaxweyne Farmaajo wuxuu ihaano ku yahay dhammaan dadka midnimo doonka ah ee waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaanna baaqii isimada gobollada SSC ee bishan horraanteedii. Kaas oo cod buuxa ay ku diideen arrimaha wadahadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Una sheegey Xukuumadda Federaalka in aanay raalli ka noqon doonin wada hadalladaas. Guddigani wuxuu taariikhda ku galayaa inuu ka mid noqonayo arrimaha Siyaasad xumada iyo dhibaatooyinka ah ee ay xukuumadda Soomaaliyeed ku dhabar jabineyso dadka midnimada jecel ee waqooyi Soomaaliya. Xukuumadda Farmaajo waxay duudsidey xuquuqdii aayo ka talinta gobollada SSC. Waxana muuqata iney dooneyso iney ku khasabto iney raacaan goonigoosatada. Taasina waxay caddeyneysaa in xukuumadda federeaalku aanay rabin inay taageerto yuhuunta shacabka midnimo doonka ah si xal waara laga gaadho dhibaatada ka jirta waqooyiga Soomaaliya. Waxaan xukuumadda kula talin lahaa:- Iney iska daayaan siyaasadda gurracan ee madhaleyska ah ee at ka waxaan waqooyiga Soomaaliya. Iney dadyowga midnimada jecel ee waqooyiga u oggolaadaan iney ka tashashdaan aayahooda midnimo doonka ah, isla markaana gacan ku siiyaan. Iney kooxda goonigoosatada ah ee “Isaaq” la furaan wadahadal u gaar ah, kana shaafiyaan waxyaabaha ay tabanayaan. Iney xukuumaddu magacawdo guddi ballaadhan oo si ku saleysan xaqiiqada shacabka Soomaaliyeed u soo lafagura dib-u-heshiisiin dhab oo loo sameeyo ummadda Soomaaliyeed. Guddigaas oo ka kooban aqoonyahanno ku takhasusey cilmiga bulshada, siyaasiyiin ruug-caddaa ah, culamaa’udiin, isimada iyo cuqaasha beelaha. Qore: Xildhibaan Ahmed Ismail Shabel Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa la sheegay in bil walba lacag kumanaan dollar ah uu ku bixiyo daganaansho la’aanta siyaaseed ee degaanada maamulka Galmudug oo muddo dheer loolan siyaasadeed iyo muran dhuleed kala dhaxeeyo. Xabno sare oo ka tirsan oo maamulka Ahlu-Sunna oo la hadlay Caasimada Online ayaa Xaqiijiyay in maamulka Ahlu-Sunna uu bil walba lacag gaaraysa 30,000$ uu ka qaato maamulka Puntland sidoo kalane adeegyo lacag la’aan ah loo sameeyo. Lacagtaan la siiyo Ahlu-Sunna ayaa la sheegay in laga jaro Canshuurta Dekadda Boosaaso sidoo kalane gaadiidka iyo adeegyada kale ee u socda Ahlu-Sunna ay si lacag la’aan ah uga soo dagaan Dekadda Boosaaso ee Puntland. Sababta ay Puntland lacagtaan u bixiso ayaa lagu sheegay in aysan dagin Siyaasadda Galmudug, sidoo kalane aysan isu raacin gobalada Mudug iyo Galgaduud oo ay maamulka Puntland u arkaan u arkaan caqabadda 1aad ee horumarkooda. Galmudug iyo Puntland waxaa ka dhaxeeya muran ku saabsan soodinta magaalada Gaalkacyo waxaana dhowr jeer dhaxmaray dagaalo culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan. Wali xal looma helin murankaasi labada maamul waxaana la’ aaminsan yahay in Ahlu-Sunna ay garabka ugu wayn ka helaan maamulka Puntland. Sidoo kale wararkan aan helnay ayaa Xaqiijinaya in Puntland ay qayb ka tahay go’aanada qaar ee Ahlu-Sunna ka gaarto masiirkeeda siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa maanta war ka soo saartay halka ay marayaan Wada-hadalada u socda jabhadada uu hogaamiyo Kornayl Caare. Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa sheegay inay meel fiican marayaan wada-hadalaasi kala dhaxeeya Jabhada. Wasiir Cabdilaahi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in xukuumada Biixi markasta ka go’antahay inay nabad ku dhameyso tabashada Kornayl Caare. Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Caare waa nin somalilander ah, inaguna waxaynu ku soo caano maalnay sodonkaas sanadood wax kasta oo ina horyimaada in si nabadgalyo ah lagu dhamaystiro, xukuumadana go’aankeedu waa in hawshaasi ku dhamaato si nabad galyo ah waayo nin kasta oo dhinaciisa iyo dhinaceena ka dhimanayaaba waa dadkeenii”. “Xilkuna waxa uu saaran yahay waa mas’uuliyiinta iyo dadkaas la doortay ilaahayna kala xisaabtamayaa markaa dawladu waxay ku dedaalaysaa in hawshaasi ay ku dhamaato nabad galyo”. Si kastaba, Wada-hadaladan u socda xukuumada Biixi iyo Jabhada Kornayl Caare ayaa u muuqda kuwo aan wax badan ka badalin xiisada dagaal ee ka taagan deegaanada gobolka Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee xisbiga Waddani ayaa si mug weyn uga hadlay wada-hadala u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland. Xirsi ayaa sheegay in Wada-hadaladaasi ay muhiimad gaara u leeyihiin Somaliland, oo ku sheegay inay tahay xaqiiqo jirta iyo hannaan dawladeed oo aan la dafiri karin. Hogaamiye Xirsi ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoon xusay bar bilowgii wada-hadaladasi iyo arrin hadda suurta-galinya inay dib u furmaan wada-hadaladaasi. Halkan hoose ka akhriso qoraalka oo dhameystiran: “Dadyawga Soomaalida waxaa la sheegaa in ay yihiin isir da’weyn iyadoo qaybo ka mid ahi ay ciriq ku leeyihiin qoomiyadaha Carabta iyo meelo kale balse way yar yihiin qoraallo ku filan oo caddaynaya sheegashada carabnimada iyo isirka soo jireenka ah midnaba, waxaase jira raadad iyo tibaaxo arrimahaa wax ka iftiiminaya. Somaliland waxaa gumaysan jiray boqortooyada Ingiriiska, taas oo xoriyaddeedii ka qaadatay 26 June 1960, halka Soomaaliya uu gumaysan jiray dalka Talyaanigu oo ay xoriyaddeedii ka qaadatay 1 July 1960 isla markiibana ay isku biireen oo la baxeen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Dhalashadii dawladda cusub ayaamo yar uun ka dib, waxaa soo shaacbaxay tabashada dadkii Somaliland taas oo ku wajahnayd israaca ilaa ay keentay isku daygii inqilaabkii dhicisoobay ee 1961. Si kastaba ha ahaatee, ammin aan badnayn ayay talinaysay dawladdii shicibka ahayd, muddo ka dibna waxaa dhacay gulufkii meleterigu horkacayay ee uu General Maxamed Siyaad Barre talada dalka kula wareegay 1969kii, iyada oo xilligaa ay dhaceen xadgudubyo, dilal tiro badan iyo xasuuq ka dhacay gobollada dhexe iyo Somaliland, iyada oo uu ka talinayay ilaa 1991kii oo ay jabhado hubaysani qori caaradii xukunka kaga tuureen, isla markaana uu qarxay dagaal sokeeyo oo dhiig badani ku daatay. Wadahadalladu waa shay muhiimad weyn u leh Somaliland, Soomaaliya iyo gobolkaba guud ahaanba, waxaana dunidu wadahadallada siisaa qiimo weyn. Waa waxa keenaya is waydiimaha dunida in ay labada daraf waydiiso oo ku celceliso oo muujiso in ay danaynayso. Waana dariiqii ay u mareen dhammaan dawladihii kala baxay ee dunida soo maray sida Jakoslafaakiya oo noqotay labada dawladood ee Czech Republic iyo Slovakia. Sidaa waxaa la mid ah qaar badan oo ay ka mid yihiin East Timor iyo Indonesia. Ethiopia iyo Eritrea. Serbia iyo Montenegro iyo kuwii ugu dambeeyay 2010 Sudan iyo Koonfurta Sudan. Dhammaan intan aan soo sheegay wadahadalladii waxay ku dhammaadeen in ay kala baxaan oo labadii dhinac noqdaan labo dawladood duniduna ku waafaqday oo u aqoonsatay. Waxaa iyaguna dib u heshiiyay oo wadahadalkoodii midnimo ku dhamaaday Yemen oo isu hayay koonfur iyo waqooyi, waxaa iyaduna dhawaan Scotland ay dalbatay in ay ka go’aan dalka UK, waxaana loo qaaday afti taas oo ku dhammaatay midnimo. Somaliland waa xaqiiqo jirta iyo hannaan dawladeed oo aan la dafiri karin, laakiin dawlad dunidu aqoonsan tahay ma aha. Muddo 29 sanadood ah iskeed ayay isu maamulaysay (de facto state) halka muddo 31 sanadood ahna ay Soomaaliya ka midka ahayd. In kasta oo ay inta badan dadkeedu ku qanacsan yihiin sida ay tahay, haddana dood badan ayaa ka taagan sidii ay dawladnimo ugu gudbi lahayd. Najax M. Aadan oo qormo ku falanqeeyay arrintan ayaa ku dooday “Guud ahaan rejada laga qabo in Hannaanka de facto uu u gudbo Jamhuuriyad madaxbannaan (de jure) waa mid hawl adagi hor taal marka la eego xaaladda siyaasiga ah ee dunida maanta. Sidoo kale, soojireenka taariikhda ee cilmiga siyaasaddu wuxuu muuqaal wanaagsan ka bixinayaa xaqa aayo ka tashiga. Tusaale ahaan, xog aruurin uu sameeyay Adrian Florea ayaa muujineysa tiro 34 dawladood oo hannaanka de facto ah maray, intii u dhaxeysay 1945 iyo 2011, iyada oo 18 keliya ay ka badbaadeen. H alka 16kii kalena ay galeen khilaaf ku saleysan Madaxbannaani, kaas oo markii danbe la xalilay. 12 kamid ahi waxay dib ula midoobeen dalalkii ay ka soo jeedeen weji nabadeed oo aan xoog loo adeegsan. Waxa xusid mudan in afar kaliya ay u gudbeen heer dawlad madax bannaan — Eritrea, East Timor, Kosovo, iyo South Sudan. Somaliland waxay ka mid noqon kartaa kuwa badbaada, muhiimad dhuleed iyo taariikheed. Waase sababo ku dhisan mala-awaal iyo odoros. Haddaba, wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxaa saldhig u ahaa rabitaanka labada dhinac iyo soo jeedintii shirkii London oo ay fadhiyeen in ka badan 50 dawladood madaxdoodu, iyo shirkii Istanbul oo la mid ahaa, kuwaas oo ay ka soo baxday War murtiyeed lagu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay xidhiidhkooda mustaqbalka ka wadahadlaan, waxaa dhacay kulamo isdabajoog ah oo kii ugu horreeyay ka qabsoomay dalka UK, kuwii xigayna ay ka dhaceen dalalka UAE, Turkey iyo Djibouti. Dariiqyada lagu kala baxo waxaa ka mid ah, hannaan dunidu gogosha dhigto, (Facilitation process) markhaatina ka noqoto oo si toos ah labada dhinac u wadahadlaan. Hannaan Dhexdhexaadinta (Mediation process). Hannaan Kala saarid xeerbeegti (Arbitration Process), iyo Maxkamadda Adduunka ee ku kala baxa sharciga (International Court of Justice). Waxay Somaliland iyo Soomaaliya xilligaa isla qaateen, in Soomaalidu wada hadasho duniduna gogasha u dhigto markhaatina ka ahaato. Waxaanay labada dhinac muhiim u arkeen, in lala kaashado khabiirro caalami ah iyo farsamo yaqaanno ku xeeldher arrimaha wadahadallada, qodobka 5aad faqraddiisa 4aad ee heshiiskii London: “Called on the international community to continue to facilitate the talks, including providing the two”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-___-Wararka-30072019.mp3 View the full article