-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
CAPE TOWN, July 29 (Xinhua) -- The estimated overall HIV prevalence rate is approximately 13.5 percent among the South African population, according to figures released on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Ramla Ali is one of 15 women who "break barriers" who appear on the Duchess of Sussex's Vogue front page. The Somalia-born English and British boxing champion has called it an "absolute honour" to feature alongside the likes of teenage climate activist Greta Thunberg and New Zealand Prime Minister Jacinda Ardern. But who is she? This is her story, as first told in 2018. Source: Hiiraan Online
-
TUCSON, AZ — Federal agents arrested two men Friday at Tucson International Airport for conspiring to join the Islamic State. Source: Hiiraan Online
-
Khalid Sheikh Mohammed, the accused al-Qaeda mastermind of the September 11, 2001 attacks, has indicated a willingness to be deposed by victims who are suing Saudi Arabia for damages, if the United States government decides not to seek the death penalty against him, according to reports published on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda ugu sarreysa kooxda Al-Shabaab ayaa isugu yimid kulan naadir ah oo dhacay jimcihii tagtay, sida uu sheegay weriye Haaruun Macruuf oo xog-ogaal u ah arrimmaha kooxdan. Qoraal uu Haaruun Macruuf soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in kulanka oo uu ka qeyb-galay amiirka Al-Shabaab Abu Cubaydah uu ka dhacay tuulada Buulo Falaay ee gobolka Bay. Kulanka ayaa waxaa Abu Cubaydah ku wehliyey oo sidoo kale ka qeyb galay Mahad Karate, Ibraahim Cali Aadan, Jacfar Dheere iyo saraakiil kale oo sare oo ka mid ah kooxda. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga iyo is-beddel ay kooxda Al-Shabaab dooneyso inay ku sameyso wilaayaatka ama maamul goboleedyada kooxda hoos yimaada, sida ay sheegeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ahaa kulanka. In dhammaan madaxda sare ee Al-Shabaab ay isugu yimaadaan goob qura kuna kulmaan ayaa ah wax aan inta badan dhicin, ayada oo ay ka baqaan in la beegsado oo mar qura la dilo dhammaan madaxda sare ee kooxda. Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com

Muqdisho (Caasimada Online) – Ruqiyo Xasan Ibraahim, ma ahan magaca saxda ah ee Hooyada aan warbixintaan ka qoreyno, waxaana qarinay magaceeda runta ah, codkeeda iyo sawirkeeda sababo amnigeeda la xariira. Waxay ku nooshahay magaalada Muqdisho balse markeedii hore waxay ka timid gobalka Hiiraan ee Soomaaliya sida ay noo sheegtay kadib markii aan ku booqanay gurigeeda oo ku yaalo Xaafad katirsan Muqdisho. Hooyo Ruqiyo Xasan, waxa uu Alle siiyay 4 Canug oo isugu jira 3 Wiil iyo hal gabar balse maanta midna ugama noola carruurtaas waxayna dhamaantood ku baxeen gacanta Al-Shabaab. Wiilkeedii ugu horreeyay ee Curudka ahaa waxay ku waysay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen arday deeq waxbarasho u doonatay Dowladda Soomaaliya sanadkii 2011. Weerarkaas waxa uu ka dhacay dhismaha Xarunta Harkaha iyo Saamaha, 4-tii October ee 2011. Marxuumka oo aan magaciisa qarinay ayaa ka tirsanaa Arday dhameestay waxbarashada dugsiga sare oo rajo ka qabay inuu guul gaarsiiyo qoyskiisa oo sabool ah, sidoo kalane agoon ah. Nasiib darro rajadii wiilka iyo hamigii hooyo halkaas ayey ku bur bureen. Hooyo Ruqiyo murugada iyo Xanuunka halkaas ugama dhamaanin hadane waxay wiil kale oo yaraanka qoyska ahaa ay ku waysay Qaraxii Zoobe isagoo caawiye ka ahaa goob shaqo oo halkaasi ku taallo. Ma aysan arkin meydka wiilkeeda waxa uuna katirsanaa dad badan oo la waayay, balse waxay aamintay in uu dhintay. Waxay aheyd waayo xanuun badan oo soo maray iyo laba garab oo muhiim ah oo ka baxay. Waxaa u bilaawday nolal mugdi ah oo aad u liidato balse rajada Alle kama aysan quusan waxayna Alle ka biraday guul iyo garab. Hooyo Ruqiyo waxay sidoo kale weerar kale oo ka dhacay Saldhigga Waabiri ku waysay Gabadha kaliya ee qabtay waxa uuna qarax haleelay iyadoo saaran gaari Caasi ah oo halkaasi marayay. Dhaawac daran oo soo gaaray Gabadha ayey markii dambe u geeriyootay. Wiilkeedii ugu dambeeyay oo Bajaajle ah ayey Hooyo Ruqiyo ku waysay weerarkii ugu dambeeyay oo ay Al-Shabaab ku soo qaadeen Barta Kontaroolka ee Sayidka lagana ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Ma jirto murugo ka wayn iyo xanuun ka daran in 4-tii Canug ee Alle ku siiyay maalinba mid soo aasto islamarkaana aadnan garaneyn sababta lagaaga dilay. Sidoo kalane aadnan qabsan karin qofkii kaa dilay. Al-Shabaab oo ah koox ka been sheegta Diinta Islaamka ayaa si ba’an u laysa dadka marasta ah oo aan dembi ah ka gelin mana jirto dhaq dhaqaaq guud oo dalka ka socda islamarkaana lagu soo afjarayo maleeshiyada Al-Shabaab. Hooyo Ruqiyo Xasan, oo ah qof samir badan kuna xiran Alle ayaa noo sheegtay in aysan dooneyn in ay ka soo muuqato Warbaahinta balse markii dambe ayey naga ogolaatay in aan Warbixinteeda qorno annag oo qarineyna magaceeda. Hadda waa kaligeed, Afartii Carruur midba maalin ayey soo aastay halka hore-na uu ka dhintay Seygeeda kadib Xanuuno ku dhacay. Wixii markaas ka dambeeyay ma aysan guursan balse waxay dhabarka u xiratay in ay Carruurteeda korsato markii ay ku nasan laheydna Al-Shabaab ayaa gablan ka dhigay. Waxay noo sheegtay Hooyo Ruqiyo, in maalmaha soo socda ay ku wajahan magaalada Kuala Lumpur ee Xarunta Dalka Malaysia waxayna ka sii aadi doonta Dalka UK sida ay noo sheegtay. In dalka ay ka baxdo ma aysan jecleen balse waxaa ku cadaadiyay Xubno katirsan qoyskeeda oo ku nool dalka dibadiisa iyo kuwa ku sugan gudaha dalka sidaas darteedna ay go’aansatay in ay dalka ka dhoofto. Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad FIIRO GAAR AH: Caasimadda Online waxay ka gaabsaneysaa baahinta iyo bixinta wax kasta oo ku saabsan xogta Haweeneyda dhibanaha u ah Al-Shabaab balse waxay dadka Soomaaliyeed la wadaageysaa raadadka xun ee ka dhashay Xasuuqa Al-Shabaab ay ka wadaan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com

Qaybta 1aad Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Abdullahi Goodax ayaa bishaan horaanteeda ku dhawaaqay in Jaamacadaha waddanka ka jira la kala saari doono. Waxay noqon doonaan kuwo yar o heli doona aqoonsiga jaamacadnimada (accreditation) ee wasaaradda, o si wadan doono shaqadooda, iyo Jaamacado badan o waayi doona aqoonsiga o albaabada lo xiri doono marka la so saaro natiijada kormeerka iyo baarista lagu sameen doono(Inspection) Jaamacadaha o dhan. Sidoo kale, Wasiirka waxa u sheegay in dugsiyada hoose iyo kuwa sare e dalka ka jira lo kala saari doono qaar ruqsada lagala noqon doono o albaabada lo xiri doono iyo kuwo hawshooda lo oggolaan doono in ay sii wataan kormeerka ka dib. Sababta khasab ka dhigeysa in Wasaaradda xirto Jaamacadaha badan, waxa ka mid ah jaamacadihii oo taran xad-dhaaf ah iyo tayo la’aan lagu arkay. Waxa la sheegay in ay jiraan kuwo badan o isu beddelay masnac ama warshad so saarta dibloomoyinka(Diploma Mill) dadweynaha laga iibiyo. Waxa kale o la sheegay in ay jiraan jaamacado ah “Garab Rarato” o sheegta in ay bixiyaan koorsoyin Online ah. Hase yeeshee, taas macnaheeda ma aha in aysan jirin jaamacado dadaalaya intii karaan kooda ah. Laakiin ayaga xitaa waxa laga sheegayaa cillado ay ka mid yihiin ardayda o aan lagu adkeynin imtixaanka iyo maqnaashaha badan e ardayda o ay u dulqaataan. Ceebaha iyo cilladaha dugsiyada hoose iyo dugsiyada sare aad bay u badan yihiin. Afar sano ka hor warbixintii aan ka daabacay ka akhriso o google garee: Imtixaanka mideysan: Xarig-jiidka Wasaradda Waxbarashada waxbarashada iyo “Dalladaha” Waxaa nasiib darro ah, in ardaydii sanadkan imtixaanka fasalka 4aad u fariistay, badankood ku dhaceen. Waxa jiro sida Wasiirka Waxbarashada sheegay, iskoolaad badan o uusan hal arday ka gudbin imtixaanka. Intaas waxa ka sii badan ardayda dirqiga ku baastay. Haddabo, Si lo ilaaliyo tayada waxbarashada Jaamacadaha iyo iskoolaadka Somalia, sida ka jirta dhammaan caalamka, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa waajib ku ah in ay xaqiijiso in ardayda Somaliyed helaan waxbarasho tayo leh o la jaan qaadi karta heerka caalamiga ah o dabooli karta baahida dalkeena u qabo in la so saaro dad tacliin iyo karti u leh mihnada shaqo e kala duwan. Waxan qormadaan idinku so gudbinaynaa qaar ka mid ah shuruudaha aqoonsiga Jamacadnimo (University Accreditation Criteria) ee caalmka ka jira . Waxa kale o aan qaybta 2aad idiinku so gudbin doonaa shuruudaha laga rabo iskoolaadka hoose iyo kuwa sare. Shuruudahan o loo yaqaano “Mabadi’da iyo Habraaca” lagu maamulo waxbarashada dalka (Policies and Procedures) o ay Wasaradda Waxbarashada so diyaarisay iyo “Hindise Sharciyedka Waxbarashada” o Golaha Shacabka so maray(Education Act) ayaa assas u ah shurudaha aqoonsiga jaamacadeed iyo sidoo kale maamulidda dugsiyada. Wasaradda waxbaraashada wa in ay u gudbiso Jaamacadaha iyo iskoolaadka dokumentiga aan kor ku so sheegnay iyo liiska(foomka) la rabo in ay so buuxiyaan o hordhac u ah kormeerka wasaaradda “Pre-inspection Checklist” . Markas ka dib, kormeerayaasha Wasaradda waxay so booqan doonan Jaamacadda(Site-visit) waqtiga lo asteeyey si ay u fuliyaan kormeerka iyo baarista o ah “itus o itaabsii” , ama(evidence based inspection). Ugu badnaan laba usbuuc gudohood, wa in ay Wasaradda so saartaa natiijada kormeerka iyo baarista(Inspection Report). Jaamacadaha iyo dugsiyada mara baarista ama haku baasaan ama haku dhacaane, waxay wasaradda u gudbinaysaa qaan-sheegto(Invoice) gaaraya ilaa $5,000.00 doolar o ah kharajka la xiriira baarista. Jamacaddii ama dugsigii bixin waaya lacagtaas lix bilood gudohood ma sii shaqeen karo. Intaas waxa dheer, Jaamacaddi ama dugsigii leh faracyo kale(Multiple campus), farac kasta wuxu marayaa kormeer iyo baaris(inspection) u gaar ah sidii Jaamacad kale ama dugsi kale. Waxaana waajib ku noqonaysa bixinta kharajka kale e baarista o la mid ah ki hore. Inkastoo aanan halkan ku soo koobi karin shuruudaha aqoonsiga Jaamacaded(Accreditation Criteria) o ka badan ilaa 30 shuruudood, haddana waxan halkan idiin ku so gudbinayaa dhoor qodob o aad muhiim u ah o jaamacaddii laga waayo aan loo aqoonsan doonin jaamacad amarna lagu siin doono in albaabada lo xiro. Qaybta 2aad baan idiinku so bandhigi doonaa qodobada kale e shuruudaha jaamacadaha iyo dugsiyada. Waa in Jaamacadda leedahay maalin u astan in fasallada bilaabmaan iyo maalinta u cayiman in ay dhamaadaan( Start Date and End Date). Waxa mamnuuc ah in arday aan maalintaas la bilaabin dufcadaas lagu so daro fasalka(Continuous Intake is not acceptable) iyo in aan laso xirin fasalladaas waqtigaas ka hor. Jaamacadda waxay wasaaradda u so gudbinaysaa liiska magacyada ardayda isku dufcadda xilliga bilowga fasallada sanad waliba. Wasaaradda waxay sameynesaa kormeero badan o aan la sii shaacinin(Unannounced Visits) si loo hubiyo fulinta qodobkan, lana xaqiijiyo in ardada liiskooda la so gudbiyey ay joogaan jaamacadda. Koorasyada borogaraamka wa in ay ahaadaan kuwo Jaamacad caalamka laga aqoonsan yahay. Jaamacadda waxay wasaradda u so gudbinaysaa macuumaadka xirirka Jamacadda arrintaas kala sameysay Jaamacadda caalamiga ah. Haddii ay Jaamacadda bixiso kooras ay ayada sameysatay(Locally Developed Course), Wasaaradda wa ay hakinaysaa kooraskaas inta ay khubarada so oggolaanayaan ayagoo u bar bar dhigaaya korosyada noociis ah e Jaamacadaha Caalimiga ka baxa. Online Koros (Online Course) waxa laga rabaa in uu leeyahay Website u gaar ah(Platform) o ay isku arkaan macallinka iyo ardayda(synchronous & Asynchronous) o mujinaaya ardayga marka u login sameeyey iyo marka u ka baxay website ka iyo dhammaan asaynmentiyadii u so dhamaystiray. Waxa la yiraahdo koresbondens(correspondence) lama oggola. Sidoo kale waa in jaamacadda leedahay bayaan ku cad shuruudaha ardayda kaga qalin-jebin karaan iyo buuga lo yaqaano koras kalandar(Course Calendar) so koobayaa dhamaan koorsooyinka brogaraamyada kala duwan . Macallimiinta wax ka dhigta Jaamacadda markii lo qaybiyo seddex meelood, labo meelood(Two Third)waa in ay haystaan shahaadada Phd. Qaybta seddexaad wa in ay haystaan shahaadada Master ka. Macallimiinta haysata Bachelor ka waxay noqon karaan caawiye(assistant). Macallimiinta wa in ay so gudbiyaan Cinwaanka, emailka iyo telefonka Jaamacadaha ay ka so qaateen shahadooyinkooda Bachelorka, Master ka iyo Phd. Jaamacadahas wa in ay noqdaan kuwa caalamka aqoonsan yahay(Internationally Recognized Universities). Wasaaradda Waxbarashada ayadoo kaashanaysaa u qaybsanaha safaradaha Somalia e arrimaha waxbarashada(Cultural Attaché) waxay xirir la sameynasa Jaamacadahas si xaqiijin(Verification) loogu sameeyo shahaadoyinka. Jaamacadda in ay leedahay Maktabad ,Sheybaar iyo Kombutar Lab ku filan ardayda iyo barnaanij cilmi baaris (Library , Laboratories , Computer Lab and research program ) waa khasab(Mandatory). Wasaarada waxay u kuur gelaysaa tayada iyo faa’idada gaarka ah(the quality and the relevance) e Maktabadda, Sheybaarka iyo barnaamijka cilmi baarista. Sidoo kale ardayda wa inay helaan kutubo anan koobi aheyn o originaal ah.Maxa yeelay wa lagu dhibtoonaya akhrinta buugga koobi ga ah waana sharci darro la isku qabsan karo. Maaliyadda iyo xisaabaadka maamulka lacagta(Finances and Financial Management) e jaamacadda wa in u yahay mid daah furan(transparent).Jaamacadda waa in so gudbiso warbixin xisaab-xir(Audited Financial Statement ) o ah odhit ay sameysay hay’ad madax banaan o muctarif ah. Komeerayaasha waxay u kuur gelayaan qaabka dhakhliga u soo xaroodo(source of income), dhaq-dhaqaaqa akoonka iyo awoodda ama keydka maaliyadeed e jaamacadda haysato si lo xaqiijiyo in jaamacadda isbixin karto. Baarayaasha waxay si gaar ah ugu kuur gelayaan in jaamacadda macallimiinta siiso mushaar ku filan o ay ku shaqeen karaan o an ahayn “dan kugu qabatay e qawda maqashii”.In macallimiinta la siyo mushaar ku filan waxy suutogelinaysaa macallimiinta in ay howshooda ku aadan cashar diyaarinta, cashar bixinta, sixidda iyo qiimeynta imtixaanaadka, brojektiska iyo asaaynmentiyada ardayda iyo cilmi baarista ay si waafi ah u gutaan. Jaamacadda wa in laga helaa natiijadii cilmi baarista ay macallimiinta sameyeen. Si Badqabka iyo Feydhoorka(Health and Safety) ardayda loo ilaaliyo waa in dhismayasha jaamacadda aysan noqon baraakoyin. Baraakada marka qorraxda qabato indhaha iyo araga ardayda ayey wax u dhimaysaa. Sido kale, wa in arday kasta helaa kursi iyo miis u gaar ah. Fasallada gudohooda mariin(passageway) la maro waa in u ka banaan yahay safafka miisaska dhexdooda si loo yareeyo khatarta isbuurashada marka xaalad deg deg ah so kororto. Midda kale, musqualaha jaamacadda tiradooda iyo tayadooda wa in ay yihiin in ku filan baahida ardayda, macallimiinta iyo shaqaalaha. Musqulaha dumarka u gaarka ah waa in ay ka durugsan yihiin kuawa ragga. Musqulaha nadaafaddooda wa in aad loo ilaaliyo lagana helo istijo, saxannada gacmadhaqa iyo biyaha o socda si joogto ah(running water). 7.Jaamacadda wa in leedahay shurudaha ardayda ku so geli karaan Jaamacadda o qoran (Admission Criteria), xeerka xaadirinta iyo maqnaashaha(Attendance Policy) o caddaynaya inta maalmood e Jaamacadda u dul qaadan karto in u ardayga ka maqnaado casharada iyo xeerka qiimeynta heerka waxbarasho e ardayda sida imtixaanaadka, asaaymentiyada (Assessment and Evaluation policy) noqotaa mid dheelitiran. Jaamacadda wa in ay leedahay xeer cadeynaaya waxa laga yeelayo ardaygii teeramka dhamadkiisa ay natiijadiisa adka u xuntahay. Wasaaradda waxay u kuurgelaysaa feelasha ardayda. Arday kasta feelkiisa wa in laga helo arjigii u so qortay iyo diiwan gelintiisa(Signed and dated Application and Registration forms) o saxiian o taariikheysan, dokumentiyada caddaynaaya in u buuxiyey shuruudihii lagu geli karay jaamacadda(Admission Requirements)iyo natiijadiisa waxbarasho o dhan (updated transcript). Qaabka waxbarashada jaamacadda waxa lagu qiimeynayaa sida macallimiinta fasalka u maareeyaan. Kormeerayaasha waxay u kuur gelayaan sida macallinka u gudbinaayo casharada, liiska ardayda fasalka iyo xaadirintii maalinlaha ahaa(Pupil Attendance Records), fahraska kooraska(Course Outline) iyo Cashar diyaarintiisi maalinlaha ahaa(Daily Lesson Plans). Baarayaasha(inspectors) waxa kale o u kuur gelayaan o khasab ah in ay arkaan daftarada ardayda (student notebooks) iyo wixii qiimeyn ah iyo asaymenti ah o taariikheysan iyo buundada ardayda(MarkedTests, Projects, assignments and examinations with student name and date ) o waafaqsan manhajka koroska. Kormeerayaasha waxay waraysi la yeelanayaan ardayda iyo macallinka fasalka gudihiisa. Qore: Abdinur Ali Farah Toronto , Canada Email: a22farah@yahoo.ca

Wareegto Madaxweyne: 29/07/2019 Cafis Maxaabiis Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse biixi Cabdi Waxa Uu Wareegto Madaxweyne Oo Summaddeedu Tahay /JSL/XM/WM/222-350/072019 ,Uu Cafis U Fidiyey Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xidhnaa falalka Budhcad-badeednimada . Waxaanay U Dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012, Qodobkiisa 16aad iyo Qodobkiisa 20aad xubintiisa 2aad; oo dhigaya in Madaxweynuhu cafis u fidin karo maxaabiista laga soo wareejiyey Dal kale, si la mid ah awoodaha cafiska ee ku tilmaaman Qodobka 90aad, faqradiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Maxaabiista u xidhan falalka budhcad-badeednimo ee lagu soo xukumay dalka Seychelles ay Jamhuuriyadda Somaliland u aqbashay xabsi ku hayntoodu ay ahayd in ay ka qayb-qaadato dadaalladii Caalamiga ahaa ee la dagaalanka budhcad-badeedda, oo halis wayn ku hayay Bad-weynta Hindiya iyo Badda Cas; Markaan Arkay Ujeeddada heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland la gashay Dalka Seychelles ee soo wareejinta maxaabiista u dhalatay dalka Soomaaliya ay ku salaysnayd arrimo bani’aadannimo oo ay ka mid tahay in maxaabiiistu helaan dal ay bii’addiisa diin ahaan, dhaqan ahaan, iyo luuqad ahaanba fahmi karaan, loona soo dhaweeyo ehelladooda, maaddaama xaaladaha amni ee ka jiray dalkoodu aanay suurtagalinayn in loo wareejiyo xabsiyadooda; Markaan Arkay; Maxaabiista u xidhan dambiyada budhcad-badeednimadu in muddadii ay ku jireen xabsiyada Jamhuuriyadda Somaliland loo sameeyay dhaqan-celin iyo toosin, taasina ay keentay in ay la yimaaddaan dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan, kana tanaasulaan falalkii budcad-badeednimo; Markaan Tixgaliyey: Codsiga Madax-dhaqameedka, waayeelka iyo ehellada maxaabiista budhcad-badeednimada u xidhan ee laga soo wareejiyey Dalka Seychelles; Markaan Helay: Qoraalka soo-jeedinta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/168/2019, kuna taariikhaysan 24/07/2019; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis gaara u fidiyo Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xidhan falalka Budhcad-badeednimada, kuwaas oo kala ah: 1) Maxamed Axmed Ciise 2) Cadow Cali Cismaan 3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi 4) Axmed Cali Cismaan 5) Axmed Cali Siciid 6) Maxamed Axmed Cali 7) Bashiir Khaliif Xaashi 8) Cabdirisaaq Maxamed Cali 9) Cabdifataax Axmed Xasan 10) Nuur Maxamed Aadan 11) Jamaal Maxamed Cali 12) Cali Maxamed Cali 13) Cabdillaahi Maxamed Xasan 14) Cabdi Tahliil Xasan 15) Daahir Cabdillaahi Warsame 16) Cabdiqaadir Cabdi Cali 17) Cabdinuur Xaaji Aadan 18) Maxamed Maxamuud Xasan 19) Abuukar Axmed Ciise Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa guriga uu Garoowe ka deganyahay ku booqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh. Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa ka mid ah Madaxda ka qeybgalaysa todobaadka Puntland, gaar ahaan 1-da August oo loo dabaaldegayo sanadguuradii 21-aad ee Aasaaska Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo la kulmay guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wargeyska Alwaddan ee kasoo baxo dalka Sacuudiga ayaa Maanta daabacay Warbixin ku saabsaneyd inuu Shiikh Cali Wajiis oo ah Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka u sheegay wargeyskaas inay Dowladda Soomaaliya ku tuhmeyso dalka Qadar inay ku lug leedahay qaraxyada iyo dilalka ka dhaco Soomaaliya. Wargeyska ayaa sheegay inuu Shiikh Cali Wajiis arrintaas ku sheegay wareysi ay la yeelatay 26 Bishaan oo ku beegneyd waqtigii ay taagneyd Warbixintii uu qoray Wargeyska New York Times ee dalka Mareykanka kaasoo lagu soo bandhigay hadalo ay is dhaafsadeyn Ganacsade iyo Safiirka Qadar u fadhiyo Soomaaliya oo muujinayo inuu jiro xiriir ay Dowladda Qadar la leedahay dilalka iyo qaraxyada ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland. Al-Waddan ayaa qoray isaga oo kasoo xiganaya Sheekh Cali Maxamuud Xasan la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya in dalka Soomaaliya yahay meel u furan Kooxo iyo hay’ado sirdoon oo kaladuwa isaga oo sababta kusheegay in aanay illaa hadda Soomaaliya u suuragalin in ay hesho waxyaabihii u sahli lahaa illaalinta iyo kahortegidda caqabadaha taagan sida laamaha sirdoonka iyo lsocoshada iyo tirada iyo tayada ciidanka oo aan weli ku filnayn u babac dhigga arrimaha halista ku ah Ammaanka. Wargeyska Al-Waddan waxa uu daabacay in Sheekh Cali Maxamuud (Wajiiz) uu u sheegay in dowladda Qatar ay tahay Argagixiso-kalkaal ayna xiriir qoto dheer la leedahay xarakada Alshabaab ee la dagaalanta dowladda Soomaaliya iyada oo soo dhoweyn u fidisay Maxamed Siciid Atam oo horay uga tirsanaa Alshabaab sidaas oo kalana ay weli xiriir la leedahay madax katirsan kooxahaas. Wargeyska ayaa sheegay in uu ka soo xigtay Sheekh Cali Maxamuud Xasan la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya in dhinacyada uu quseeyo arrinkani ay doonayaan in la laalo galka kusaabsan codkii la duubay ee uu daah qaaday Wargeyska New York times kaas oo kusaabsanaa in Qatar kadambeysay Qaraxyo kadhacay Soomaaliya, g si gaar ahna ay Qatar dooneyso in ay kasbato xubno kamid ah laamaha nabadgelyada iyo Siyaasiyiin Soomaali ah. Haddaba Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka Sheekh Cali Maxamuud Xassan (Wajiis) ayaa beeniyay warbixintaas lagu daabacay wargeyska Alwaddan ee kasoo baxa Dalka Sucuudiga. Sheekh Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wargeyskan uu fasiraad khaldan ka bixiyey wareysiga uu siiyey, iyadoona la marin habaabiyey nuxurka hadalladkiisa. Lataliyaha Madaxweyne Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka ayaa tilmaamay in aysan Soomaaliya xamili karin in loo soo tallaalo khilaafyada Gobolka, balse taas baddelkeed ay u baahan tahay in si muuqda loo garab siiyo, looguna taageero shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay mar kale cagahooda ugu istaagi lahaayeen. “Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Boqortooyada Sucuudiga ma ahan mid uu saameynayo marin habaabinta uu sameeyey wariyaha diyaariyey warbixintan, si taas la mid ah ayeysan waxyeello ku noqonayn warbixintan la marin habaabiyey xiriirka aan la wadaagno dowladda Qatar, sababtoo ah dhammaan dalalka Carabta ee aan bahwadaagta nahay waxaan la wadaagnaa xiriir walaaltinimo oo wanaagsan.” Wuxuu sheegay mowqifka Dowladda ee ku aadan Warbixintii uu qoray Wargeyska New York Times inuu saxaafadda la wadaagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cawad. Sheekh Cali Wajiis ayaa xusay mowqifka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed ay ka taagan yihiin khilaafyada dalalka aan bahwadaagta nahay, mowqifkaas oo ku saleysan dhexdhexaadnimo iyo in laga shaqeeyo isu soo dhaweynta, heshiisiinta iyo xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee lama huraanka u ah horumarka iyo xasilloonida Gobalka. Hoos ka dhageyso codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/gggg.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey) oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo culus u jeediyey wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga xukuumada federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad. Ganey oo ka mid ah xubnaha guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka ayaa ugu horreyn walaac ka muujiyey hab dhaqanka wasiirka, wuxuu ku eedeeyey in wasaaradda muddada yar ee uu joogo uu ka shaqaaleysiiyey 12 qof oo ay isagu qaraabo dhow yihiin , sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in marka ay wax ka weydiiyeen arrintaasi uu ugu jawaabay inay tahay mid mamnuuc ah. Xildhibaanka oo la hadlayey Radio Simba ayaa sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku dhaliilay inuu faah faahin ka bixin waayey heshiis uu dhawan ku saxiixay dalka Marocco, kaas oo uu xusay in aysan waxba kala socon labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Dhanka kale waxa uu carabka ku dhuftay inuu ka meer meeray su’aal ay ka weydiiyeen ka guddi ahaan eedeyntii qaraxyada ee loo jeediyey dowladda Qatar. Xildhibaan Maxamed Xasan Odiris (Ganey) ayaa hoosta ka xariiqay in wasiirku uu arintaasi ku tilmaamay eedeymo siyaasadeed, islamarkaana uusan dooneyn in baaritaan dhab lagu lagu sameeyo eedeyntaasi. Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa shalay hortagay guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka, kuwaas oo wax badan ka weydiiyey howlaha wasaaraddiisa. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/cod-raage.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Oodweyne: Dhalinyaro mudaharaad qabanaayay oo la xidhxidhay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Magalada Garoowe ee Xarunta Nugaal waxaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay dhinaca Amniga,waxaana ka qeyb galay Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo ay weheliyaan taliyayaasha Ciidamada booliska, asluubta, badda iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal. Kulanka ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saarayay dhinaca Amniga,xilli dhawaan la filayo in Magalada Garoowe lagu qabto Munaasabada aas’aaska Puntland oo ku beegan 1-da Bisha Agoosto,waxaana kulanka laga soo saaray awaamiir la xiriirta dhanka Amniga. Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muduun Axmed Muuse ayaa sheegay in laga bilaabo 31da July ilaa dhammaadka xuska 1da Agoosto hakad la gelin doono isu socodka gaadiidka isaga kala goosha Garoowe iyo magaalooyinka kale. Awamiirtaan laga soo saaray Amniga Magalada Garoowe ayaa waxaa uu kusoo aadaayaa xilli shalay Madaxweynaha puntland uu kulan isugu yeeray laamaha Amniga Puntland,isla markaana uu faray dardar gelinta dhinaca Amniga inta lagu guda jiro todobaadka dabaaldega Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Markaan ka akhrsitay Caasimada Online, in maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland saakay ku xukuntay dil toogasho nin fududeeyay dilkii Paul Anthony Formasa, waxaan go’aansaday inaan qoraal ka sameeyey waxa ay shareecada Islaamka ka qabto midka fududeeyey iyo kan dilayba. Waxaan rabaa inaan soo bandhigo intaan ka garanayo shareecad islaamka. Haddii qof gaal ah oo heshiis ku jooga dhulka musliminta uu dilo qof muslim ah, xukunkiisa muxuu yahay? Kaasoo shareecada islaamka ey utaqaano (الذمي). Waxaan tilmaamayaa sharciga waxa uu kaqabo arrinta sare ku xusan, waxaaka ukala qadayaa dhowr qodob:- 1- Maxaa la dhahaa Dimi (الذمي)? Waa qof aan heysan diinta islaamka ama gaal ah oo ku joogo dhulka muslimiinta sifo sharci ah, oo heshiis ay dowlado kala qorteen ah, waxaana laga qaadayaa ququul oo yaqaano jizyo (الجزية), waxaana u daliil ah Alle SWT hadalkiisa. قوله تعالى: (قَاتِلُوا الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَلَا بِالْيَوْمِ الْآخِرِ وَلَا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ اللَّهُ وَرَسُولُهُ وَلَا يَدِينُونَ دِينَ الْحَقِّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حَتَّى يُعْطُوا الْجِزْيَةَ عَنْ يَدٍ وَهُمْ صَاغِرُونَ) [ سورة التوبة، الآية: 29] Haddii ay gaalada ku joogaan heshiis dowladeed, waxaa waajib ku ah dadka xukunka haya iyo shacabkaba inay ilaaliyaan qofka ka diinta duwan ee la nool, oo aysan ku xadgudbin, islamarkaana ilaaliyaan naftiisa, maalkiisa iyo sharafkiisaba. Haddii qofka muslimka ah uu dilo qof ku dhex nool muslimiinta waxaa sunada kusoo arootay goodin iyo ciqaab adag inuu la kulmayo, nabiga N.N.K.H waxuu noo tilmaamay qofkii dilo DIMI (الذمي) in uusan urineynin udugga jannada. قال صلى الله عليه وسلم : ( من قتل معاهدا لم يرح رائحة الجنة ) 2 – Hadii qofkii Dimi (الذمي ) ah la dilo, oo dilka uu gaysto qof muslim ah, maxaa laga yeelayaa? Shareecada islaamka waxay ka qabtaa arrintaas in aan la dileynin qofka muslimka ah ee dilay Dimi (الذمي), taasna micnaheeda maahan in la fududeysaynayo dilkiisa ama uu banaan yahay oo ciqabta uu muteysanaa qaarban soo tilmaamnay, haddane nabiga N.N.K.H waxa uu noo tilmamayaa inaa qof muslim ah loo dili karin qof gaal ah, ha ahaado Dimi (الذمي) ama qof hishiis ku jooga ( المعاهد). في البخاري من حديث علي رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : (لَا يُقْتَلَ مُسْلِمٌ بِكَافِرٍ) 3- Maxuu noqonayaa xukunka ciqabta ah ee adduunyada uu ku muteysan karo qofkii dilay Dimi(الذمي) ama qof dhulka islaamka heshiis ku joogo ( المعاهد)?. Haddii uu yahay dilka si kama ah ama aan ula kac ahayn, qofkaas waxaa laga qaadayo diyo (ديته). Waxayna tahay qiimo ahaan, qofka muslimka ah diyadiisa barked, ooo uu bixinayo dilaaga. Haddii uu yahay dilka mid kas ah waxaa laga qaadayaa diyada qofka muslimka oo kale. فجاء عن ابن عمر رضي الله عنه : ” أن رجلاً مسلماً قتل رجلاً من أهل الذمة عمداً ، ورفع إلى عثمان رضي الله عنه فلم يقتله ، وغلظ عليه الدية ، مثل دية المسلم. “ Gunaanad: Ku dhaqanka shareecada islaamka iyo xeerarka umada ku heshiisay iyo dastuurka oo aan khilaafsaneyn shareecada islaamka waa bad-baadada umaddan, khilaafidda kitaabka iyo Sunnadana, waa halaaga illaa maanta aan ka bixi la’nahay. Waxaa ku qoran datuurka federaalka Soomaaliya Qodobka 2-aad Dowlada iyo Diinta, Faqradiisa (3) Lama soo saari karo sharci aan waafaqsaneyn mabaadi’da guud ee shareecada islaamka iyo maqaasiddeeda. Sidaas oo ay tahayna, haddana in toos loo khilaafayo shareecada islaamka, lana soo saarayo xeerar kitaabka iyo sunnada toos u khilaafaya sida xeerka ciqaabta Soomaaliya ee D.L.16 December 1962, waa ayaandarro. Hoggaanka dadka ha ogaadan in wax magaratada lakhiyaami karo laakiin Alle SWT aan lakhiyaani karin. W/Q: Maxamed Ibraahim siyaasi1990@gmail.com