Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. In the past five months, a chap named Michael Rubin began suddenly writing negative articles mostly comprising unsubstantiated characterizations, and outright lies about Somalia and Somali government. Many started asking questions about his motives Source: Hiiraan Online
  2. The authorities in Jubaland state dismissed claims that Ethiopian troops under the framework of African Union Mission in Somalia (AMISOM) have taken over security in Kismayu from Kenyan forces. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo dad xil-doon ah ayaa durba billaabay inay u loolamaan xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir, oo dhaawaciisa lagu daweynayo magaalada Doha ee Caasimadd dalka Qatar. Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Caasimadda ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin reer Muqdisho ah oo doonaya in lagu bedalo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Injineer C/raxamaan Cumar Cismaan (Yariisow). Odayaashani ayaa tilmaamay in arrintan ay tahay dadnimo xumo ah, islamarkaana siyaasiyiintaasi ayasan matalin shacabka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in siyaasiyiintaasi xil doonka ah, oo la xiriiray madaxweyne Farmaajo, ay yihiin kuwo aan damiir laheyn, islamarkaana ay iska qaban doonaan. “Waxaa jira siyaasiyiin naga mid ah oo Madaxweynaha ula rooraya warqado oo xilka Injineer Yariisow ka jarinaya dowladda, Madaxweyne ha ku ajarmin, Ra’iisul wasaare haku ajarmin nimankaas damiir maleh.” ayaa yiri mid ka mid ah Odayaasha. Sidoo kale isaga oo sii hadlayey ayaa wuxuu intaasi raaciyey “Nin nool lama dhexlo.” Guddoomiye Yariisow oo ku dhaawacmay weerarkii 24-tankii bishan ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa haatan lagu dabiibayaa gudaha dalka Qatar, waxaana xaaladdiisa caafimaad ay haatan ah tahay mid soo hagaageyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ugu tegay ciimada xoogga dalka ee ka tirsan guutada 15-aad ee taliska qaybta 21-aad, oo ka kooban ciidamadii dhawaan la qarameeyay ee Ahlu Sunna iyo ciidamadii qaybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hadda diyaar u ah howl-gallo lagu baacsanayo argagaxisada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidamada ugu tegay kormeer dhiirri gelin iyo dardaaran ah ayaa ku boorriyay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada, qarannimada, sugidda amniga iyo howl-gallada argagaxisada looga xoreynayo deegaannada ay uga suganyihiin dowlad gobaleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah ula dardaarmay Taliyaha guutada 15-aad, Gen. Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha taliska 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir (Kaanti), isaga oo ku adkeeyay in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran difaaca dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada ay u xil saaranyihiin. Mudane Xasan Cali Khayre oo sheegay in muhiimad wayn ay dowladda u leedahay tayeynta ciidamada iyo qalabeyntooda ayaa ballan qaaday in si dhaqsa ah loo dhisayo xarunta 21-aad, ciidamadana loo dhammaytirayo dhammaan qalabka iyo tababarrada ay u baahanyihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan fulinta mas’uuliyadda weyn. Isku dhafka ciidamada xoogga ayaa xoojinaya guulihii laga gaaray isku dhafidda ciidamada Booliiska iyo nabad-sugidda, arrintaas oo muujineysa in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ku guuleystay qorshihiisii ahaa qarameynta ciidamada Ahlu Sunna iyo ciidamada deegaanka, si ay wadajir ugu xureeyaan deegaannada Galmusug ay argagaxisadu uga sugantahay.
  5. Ciidamada Ahlu sunna ee dhowaan la diiwaan geliyey, ayaa maanta waxaa la wareegtay dowladda federaalka ee Soomaaliya. La wareegitaanka ciidankaan ayaa timid ka dib xaflad lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug, waxaana lagu shaaciyay, maanta wixii ka danbeeyo ay noqonayaan ciidamo hoostaga taliska guud ee xooga dalka iyo wasaaradda Gaashaandhigga ee federaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare-BFS mudane Abshir Maxamed Axmed, ayna ku jiraan senataro ay deegaanka doorashadoodu tahay Puntland ayaa Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, waxaa ku soo dhoweeyey masuuliyiin uu horkacayey guddoomiyaha Golaha wakiillada Puntland. Mudane Abshir ayaa qeyb ka ah martida ka qeyb galeysa xuska 1-da August ee aasaaska dowlad goboleedka Puntland. Halkaan ka eeg sida ay u dhacday soo dhaweynta gudoomiye ku-xigeen Abshir Axmed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Garowe (SMN) – Wafdigaan uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku- xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare-BFS, Senataro iyo hoowlwadeeno ayaa gaaray magalaada Garoowe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland. Wafdiga ayaa looga mahadceliyey in ay Garoowe u yimaadaan ka qeyb-galka munaasabadda 1-da August oo ah markii dhidibada loo taagay Puntland. Sanad-guuradan ayaa noqaneeysa tii 21aad. Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare, Abshir Maxamed Axmad ayaa Puntland ku ammaanay horumarrada ay gaartay iyo sida ay qeyb weyn uga tahay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. View the full article
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-30072019.mp3 View the full article
  9. Ethiopian forces have taken control of several positions in the Somali port city of Kismayo, capital of the Jubbaland region, after Kenyan troops reportedly withdrew from the area, Horn News 24 reported July 29. Source: Hiiraan Online
  10. Ganacsato reer Puntland ah oo ku midaysan Hiigsiga ah in gudaha dalka laga hirgeliyo warshado wax soo saar oo looga maarmo kuwa debadda ayaa markii u horraysay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ka hirgeliyay warashad cusub soo saari doonta Tuubbooyinka iyo Siligga. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray warshadda cusub ee Tuubooyinka iyo Siligga oo ay maalgashadeen Ganacsatada reer Puntland taas oo markii ugu horaysay laga hirgaliyey guud ahaan Puntland. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta dowladda Puntland oo madaxweynuhu u horreeyo, qaar kamid ah Ganacsatad waaweyn ee Puntland , Nabaddoono, Waxgarad,isimo, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale. Maamulaha shirkaddan cusub ee SOBIC ENN Abshir Cabdullaahi oo ugu horrayn munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in ujeedka ay shirkaddan u hirgeliyeen ay tahay, in laga maarmo Tuubooyinkii iyo Siliggi dalka debaddiisa laga keeni jiray ee dhibta badan laga mari jiray iyo in ay shaqa-abuur ka helaan dhalinyarada Waxbartay ee Puntland. Madaxweyne Deni oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa bogaadiyey ganacsatada maalgashiga ku samaynaysa dalka, gaar ahaan masuuliyiinta iska-kaashaday shirkaddan soo kordhisay samaynta tuubooyinka iyo siligga oo dalka siweyn looga isticmaalo. “Marka u horaysa waxaan aad ugu mahadcelinayaa dadkii maalgalinta ku sameeyey wersheddan maanta halkaan lagu daahfuray oo aan rajaynaayo in ay wax badan qayb ka noqondoonto horumarka dalka ka socda”. “Waxaa bisha August la daahfuri doonaa qorshaha shanta Sano ee soo socota, waxaana rajaynayaa in qeybaha kala duwan ee ganacsatadu in ay ku yeeshaan talo badan “xagge dalku u socon karaa dhinaciisa horumarka”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhowaan la qabandoono shirka maalgashiga Puntland, kaasi oo ay kasoo qayb gelidoonaan maalgashadayaal ajanebi ah iyo kuwo Soomaaliyeedba, waxaa uu sidoo kale xusay Madaxweynuhu in hadda lagu hawlan yahay samaynta xeerka Maalgashiga oo kala saaraya xuquuqda maalgashadayaasha muwaadiniinta ah iyo kuwa ajaanibta ah. Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta shirkadda SOBIC ayaa dhammaan dadkii kasoo qeyb galay bogaadiyeen shirkaddan cusub ee qaybta ka ah horumarka koboca dhaqaalaha Puntland. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Warshad Tuubbooyinka iyo Siligga samaysa oo markii ugu horraysay Puntland laga hirgeliyay appeared first on Puntland Post.
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta ayaa shaaciyey in diyaaraddo dagaal ay laba duqeyn ka geysteen magaaladda Jamaame ee gobolka Jubadda Hoose, koonfurta Soomaaliya, habeenimadii Isniinta. Saraakiisha oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa tilmaamay in duqeynta koowaad lala beegsaday munaasabad ay Al-Shabaab tababar ugu soo xireysay dagaalameyaal cusub. Xubnahaasi oo tiradooda aanan la cayimin ayaa waxaa la sheegay in loo qoray guutada xoogaag gacansaarka la leh Al-Qaacida u qaabilsanaa wadanka Kenya ee loo yaqaano Jaysh Ayman. Warbixinta ayaa intaasi ku dareysa in weerarka labaad ee dhanka cirka uu ka badbaaday horjooge sarre oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasi oo aanan wali la xaqiijin magaciisa iyo jagada sare ee uu hayey. Illaa iyo haatan lama ogga khasaaraha dhabta ah ee howlgaladaasi kasoo gaarey Al-Shabaab, wallow la tibaaxayo in ay jirto “dhimasho badan”. Jubadda Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa wuxuu kamid yahay degaanada ay ku xoogan tahay kooxdaasi, isla markaana ay ku tababarto xubnaha ka barbar-dagaalama. Duqeyntan ayaa kusoo beegmeysaa iyadda oo Jimcadii ay kulan ku yeesheen tuulada Buula Fulay ee gobolka Bay hogaamiyeyaasha Al-Shabaab, iyaga oo ka wada arrin-saday qodobo dhowr ah. Xogo la helay ayaa tilmaamay in kulankooda uu daarnaa isbedel ay ku sameeyaan degaanada ay maamulan iyo waliba xeelad cusub oo ay qorsheynayaa in ay kusoo kordhiyaan howlgalada ay fulinayaan. Mareykanka iyo Kenya ayaa inta badan duqeymo ka fuliya degaanada Jubooyinka, inkasta oo howlgalada culus aalaaba looga bartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Washington. Xigasho: Garowe Online
  12. Sii Deynta Maxaabiistii Budhcad-badeedku waxay ahay Talaabo Aadaminimo oo xaga fiican loo qaaday Culayskeedana leh ! Waxay ahayd bishii Labaad ee Sanadkii 2012 markii ay heshiis Caalami ah ay magaalada London ku kala sexeexdeen Madaxweynaha Dalka Seychelles Mudane James Michel iyo Madaxweynihii hore ee Dalka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, heshiiskaasi oo ahaa in Maxaabiis budhcad-badeed ah Soomaali ah oo Xukunkooda Maxkamadeed lagu qaaday Dalka Seychelles loo soo wareejiyo Jeelasha Somaliland si ay mudada lagu xukumay ay ugu qaataan Jeelka Hargeysa. Heshiiskaas ay labada Madaxweyne kala saxeexdeen waxaa goob joog ka ahaa Wasiirkii Dalka Ingiriiska u qaabilsanaa Qaarada Africa, Henry Bellingham, iyo Wasiirrada Arrimaha debeda iyo waliba gudaha ee Dalka Seychelles iyo madax kale. Ujeedada guud ee ay Somaliland u gashay heshiiskaas una ogolaatay in budhcad badeed reer Soomaaliya ah la keeno Somaliland waxay ahay iyada oo Xukuumada Somaliland si Aadaminimo iyo Muslinimo iyo Soomaalinimo ah u aqbashay Codsi uga yimi Qoysaskii maxaabiista oo Somaliland ka dalbaday in ay Maxaabiistaas qaabisho si ay ugu fududaato booqashadooda iyo ka war-hayntooda maadaama aanay Dalka Seychelles tegi karin kuna booqan karin oo ay culays ku ahayd. Shuruuda ay Xukuumada Somaliland ee waagaasi ay hor dhigtay Waalidiinta iyo waliba Dunida waxay ahay in qofkii si ikhtiyaar ah oo xor ah u dalbada oo kaliya ay qaabilayso, shuruuda kale waxay ahayd in go’aanka Xukunka ku dhacay uu yahay go’aan kama danbays ah oo aanuu rafcaan u hadhin. Hadaba Maxaabiistan oo aan shakhsiyan ku booqday Xabsiga Hargeysa waxay badankoodu ahaayeen qaar aan wax rafcaan ahba ka qaadan Xukunkii koowaad ee ku dhacay, waxaanay ii sheegeen in sababta ay Rafcaanka u qaadan waayeen ay ahayd iyaga oo ka baqanayay in ay ku sii jiraan Xabsiyada Seychelles baahi culusna u qabay in Hargeysa loo soo wareejiyo si ay dadkoodu usoo booqan karaan. Waxaa maxaabiista Jeelka Hargeysa ku jirtay ka muuqatay inay helaan daryeel fiican eheladooduna ay kaga war-hayn jireen kuna booqan jireen Jjeelka, inkasta oo maxaabiista qaarkood oo aan la kulmay ay ka muuqatay didmo iyo anfariir iyo waliba xanuun nafsi ah oo ay keentay Xukunka mudada dheer ahaa ee ay ku xukunaayeen kaasoo qaarkood Labaatan Sanadood Xabsi gaadhaya ay ku xukunaayeen. Aad iyo aad ayaan ugu Mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ee qaatay go’aanka geesinimada leh ee uu maalintii Shalay uu ku sii daayay xubnahan Xabsiga ku jiray oo kala ah: 1) Maxamed Axmed Ciise 2) Cadow Cali Cismaan 3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi 4) Axmed Cali Cismaan 5) Axmed Cali Siciid 6) Maxamed Axmed Cali 7) Bashiir Khaliif Xaashi 8. Cabdirisaaq Maxamed Cali 9) Cabdifataax Axmed Xasan 10) Nuur Maxamed Aadan 11) Jamaal Maxamed Cali 12) Cali Maxamed Cali 13) Cabdillaahi Maxamed Xasan 14) Cabdi Tahliil Xasan 15) Daahir Cabdillaahi Warsame 16) Cabdiqaadir Cabdi Cali 17) Cabdinuur Xaaji Aadan 18) Maxamed Maxamuud Xasan 19) Abuukar Axmed Ciise Waa go’aan culus oo miisaankiisa leh, waxaase hubaal ah inuu ahaa go’aan bini-aadaminimo oo loo baahnaa oo xiligii ku haboonaa yimi. Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed Qaran News
  13. We want to vote in an election held with INTEGRITY on its scheduled date Democratic power in the political system comes from simply being a citizen. Every citizen gets one vote and no one can be more of a citizen than another citizen. So we all supposedly get equal input into our politics and thus roughly equal Political Power. It is the struggled masses who are the foundation of this country; and if the foundation be rotten or insecure, the rest of the structure must eventually crumble; so they deserve to listen their concerns and be respected. When citizens join political parties, volunteer their time, donate money and vote for their leaders, they are exercising their basic democratic rights. Participation of citizens in political parties offers unique benefits, including opportunities to influence policy choices, choose and engage political leaders, and if capable run for office. Somaliland citizens want Elections held with Integrity and with no delay to express their opinions on the political choices. Internationally an Election held with Integrity (Electoral Integrity) was defined as the election based on the democratic principles of political equality. This means its administration is professional, impartial, and transparent throughout the electoral cycle including during its preparation period, its code of conduct guidelines, its campaign procedures, actions in the polling day and its aftermath activities. Electoral Integrity is important because it means to avoid rule of a government came through fraudulent election, to avoid political or ethnical conflicts and fights, to avoid bad governance and to avoid violent and destructive transfer of power. Elections are freedom of opinion and expression through the ballot box; then elections are the right of every person to take part in the government of one’s country through voting for his/her choice of the country’s representatives and leaders. Therefore, the right to vote and participate in elections administered with neutrality and equal access to vote on the appointed days are part of the basic civil and political rights of citizens. In democratic states political parties are also essential institutions of democracy; by competing in elections they offer citizens a choice in governance. Particularly the opposition parties are a major pillar of a country’s democracy; because they are the institutions that can hold the government to be accountable and act in the best interests of the society and in accordance with the constitution or be criticized and face consequences. In Somaliland we need to continue the vibrant, accountable and inclusive multiparty system and conduct elections held with Integrity on their scheduled dates. That is the only way to offer our citizens meaningful choices and opportunities for political participation. When elections are held with integrity, the bedrock democratic principle of political equality is honored. Electoral integrity or free and fair elections are the only instrument of democratic and peaceful transfer of power with the consent and choice of the majority of any country. When a government of a country comes to power through free and fair election means democratic principles and citizen rights are valued. But if elections are lacking integrity the choice of the majority and the rights of the citizens are always denied. Moreover, the heart of Somaliland’s hope to get recognition from the international community partly depends on democratic elections held with integrity on their scheduled dates. When the results of such elections are accepted by all parties or stakeholders, it would boost sustained democracy and increase the democratic credibility as international standard demands. So we need elections that are conducted with integrity; because only that type of elections upholds the rule of law, strengthens our democracy, strengthens our social and individual security, gives boost to our social integration and empower our unity. In order to achieve that goal, an environment with the acceptance and confidence of the three competing parties should be created; that is the refereeing institution (NEC) should be neutral trusted by all election competitors. Always when a political differences and conflicting ideas arise between a country’s ruling and opposition political parties; there may be a political hegemony practices by those who rule. Always the Side enjoying with the government power and related opportunities or the ruling party denies or refuses a legal procedural step or task or issue; that its implementation is in accordance with the country’s electoral laws; but it is against the political interest of that ruling party. The current situation in Somaliland has the same image as the president and his party refused the removal of NEC members from office; which is the key issue to go forward to solve the other disagreed issues and other election challenges. The refusal to remove the accused current NEC members from the office by the president and his party is the cause of the political standoff in Somaliland. Any effort to keep these accused NEC members in the office is a clear sign of delaying the election and distorting the integrity of that election; because NEC accused with partiality with true evidences will not hold a fair and free election. And when the integrity of the election is challenged; the public will lose the confidence and faith in the outcome of such election; the public will lose their trust to the government; the people supporting the parties may confront with each other; and the security and peace that we were proud of will be damaged. However, the ruling party should honor the rights of citizens including its supporters and respect the voters to take their turn of the decision to vote the coming election on its scheduled date. The most important step enabling us to boost sustained democracy, to increase our democratic credibility as international standard demands, to hold a free and fair election on the appointed date is to face the reality and select new electoral commission members; who are responsible, independent, accepted in the perception of the stakeholders or all parties and the public; a commission guided by the electoral laws and country regulations in the whole range of the electoral tasks. As soon as this issue is solved, there will be a constructive dialogue and an understanding between the political parties on the other disagreed issues concerning the elections. Without this, it is clear that the coming parliamentary election will go under serious strain, more delay will happen and our democracy will come to an end. The interest of Somaliland and the betterment of the future of its people is more bigger than the interest of seven persons and the interest of few governing persons. Adam Ali Younis aayonis@hotmail.com Qaran News
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Si Adag Uga Digay Ciidamada Qaranka ee Sida Fudud Loogu Laynayo Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Sanaag Hargeysa:29/07/2019 ()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay ciidamada qaranka ee ku hawlan sugidda amniga shacabka ee sida fudud loogu layno deegaanno kamid ah gobolka Sanaag, waxana uu shaaca ka qaaday inaan qaranku u dulqaadan doonin dhibaatada lagu hayo ciidamada qaranka. Madaxweynaha oo maanta ka hadlay madal lagu daah-furay qorshaha shanta sano ee hay’adda dhawrista tayada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gu horrayn waxa uu tacsi u diray tiro kamid ah ciidamada qaranka oo dhawaan lagu laayey deegaanka Ceel-Afweyn, isaga oo wax aan loo dulqaadan Karin ku tilmaamay dilka ciidamada qaranka ee soo noqnoqonaya, “Waxa aan Tacsiyadaynayaa ciidankii qaranka Booliska ee lagu laayey deegaanka Ceel-Afweyn oo aanan garanayn sababta loo laayey. Maalin dhaweyd uun bay ahayd markii saarkiishii Booliska ee Jeelka oo wax Allaalle iyo wax lagu laayey aan la garanayn,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidoo kale si cad u sheegay inaan loo adkaysan Karin ii ciidamada qaranka layntooda lagu degdego oo aan waxba la iska saarin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa la yaab leh in cid ama reer uu ciidanka qaranka si dhib yar isaga laayo, haddii looba dulqaato oo la yidhaahdo nabadda halla ilaaliyo ay waddo xalaal ah in ciidankii qaranka la laayo maalin walba oo ninku hadduu qolo yahayna aan la taaban Karin, hadduu qarankii yahayna lagu soo degdegayo oo bilaa macni lagu dilayaa wax la aqbali karo ma aha.” Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray, “Xukuumaddu ha dulqaadato, dadka halla waaniyo, gacan qabowna hallagu maamulo, laakiin dulqaadka iyo doqonniimadu waa walaalo, lamana kala saari karo, waxana ay ila tahay in dulqaadkii intuu qaranku dhaafay inuu doqonniimadii ku jiro oo maalin walba uu qarankii meyd soo wanaqsanayo oo ay noqotay ninkii waa ooma Ooyaan.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay qabashada dambiilayaasha dhibka ku haya ciidamada qaranka, waxana uu yidhi, “Annaga xukuumad ahaan iyo madaxweyne ahaanba waxa naga go’an in dambiilihiina la qabto iyo ninkii gardarraa, gacantii gacan ka weynna aan la geysanin.” Qaran News
  15. Kampala (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa goob fagaare ah ka sheegay hadal gaar ah oo dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Mr Museveni ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu u sheegay in dalkiisa uu la bur bursanyahay sharci la’aanta. “Waxaan u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya, in uusan yeelan karin dowlad shaqeyneysa haddii xeerarka dalka aysan diyaarsaneyn”, ayuu yiri Madaxweyne Museveni oo ka hadlayay kulan isaga iyo Farmaajo si gaar ah u dhexmaray wixii ay uga wadahadleen. Waxaa uu intaas ku daray in uu Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in uu marka hore dhiso sharciyada dalka kaddibna ay muwaaddiniinta billaabaan bixinta Canshuurta iyada oo la dhaqan gelinayo xeerarka dalka, markaas kaddibna ay iman karto dowlad shaqeysa oo bixisa mushaarka ciidanka. Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa hadalkan xalay ka sheegay kulan uu aqalka Madaxtooyada Uganda kula qaatay 19 Jeneraal oo ka mid ahaa Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya kuwaas oo uu uga warbixinayay talada uu siiyay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaa Saraakiisha uu la kulmay ee howlgabka noqday ka mid ah Joram Mugume, waxaana uu ku bogaadiyay howsha wanaagsan ee ay ka qabteen Soomaaliya. Museveni ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in uu yareeyo mushaarka Ciidamada laakiin uu adkeeyo xeerarka dalka, ciidan xoog lehna dhisto, sida uu hadalka u dhigay. Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad Caasimada Online Xafiiska Kampala caasimada@live.com
  16. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi ah la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Dib U Eegista Dastuurka ee Madaxa Bannaan kuwaas oo uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha hortabinta u leh. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo xubnaha labada Guddi ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinno ku aaddan hawlaha qabsoomay muddadii labada sanno ahayd ee ay shaqaynayeen, kuwa qabyada ah iyo qorshayaasha uga dejisan dardargelinta geeddiga qabyatirka Dastuurka. Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa hoosta ka xarriiqay inuu meel fiican marayo geeddi-socodka dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo hadda la gagabeeyay qaybta la xiriirta arrimaha farsamada iyo dib u eegista qodabbada iyo qoraalka dastuurka, balse loo baahan yahay in wada xaajood loo dhan yahay laga yeesho qodabbada masiiriga ah ee siyaasadda la xiriira. Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoominayey kulanka ayaa markii uu dhegaystay warbixinnada waxa uu sheegay in Dowladdu ay mudnaanta kowaad siinayso sidii loo dhammaystiri lahaa dastuurka iyada oo xoogga la saarayo xasiloonida iyo wadashaqaynta siyaasadeed ee ka dhexaysa laammaha dowladda maadaama oo ay khilaafyada siyaasadeed ee soo noqnoqday caqabad ku ahaayeen geeddi-socodka qabyatirka dastuurka. “Waxaan aaminsanahay inaad geeddiga soo gaarsiiseen meel fiican oo la dhammaystiri karo. Waxa arrintan qayb ka qaatay xasiloonida siyaasadeed ee aan haysanno oo aan aaminsanahay haddii aysan jiri lahayn inay hawsha aad haysaan intan ka sii adkaan lahayn. Waxa loo baahan yahay in xasiloonidaas la gaarsiiyo Dowlad Goboleedyada.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hawsha dhammaystirka dastuurku ay tahay mid dan u ah qof kasta oo Soomaaliyeed, sidaasi awgdeedna ay muhiim tahay in laga hawlgalo sidii qayb looga geysan lahaa fududaynta iyo taageerada hawshan Qaran iyada oo laga tanaasulayo danaha shakhsiga ah. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale bogaadiyey shaqada ay qabteen Wasaaradda iyo Guddiyada u xilsaaran dhammaystirka dastuurka kuwaasi oo ku shaqeeyay duruufo adag isaga oo ku boorriyey in la dardargeliyo dadaallada haatan socda. Shirka waxa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guulleed, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista Dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo xubno ka tirsan labada Guddi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Kulan La Qaatay Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka appeared first on Puntland Post.
  17. By: Dr. Mohamud M Uluso High hope sparked the world-widely reported jubilations for the electoral victory of President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo on February 8, 2017. The jubilant masses expected from president Farmajo honesty, integrity, patriotism, and compassion, respect of the constitution and rule of law, fulfillment of political campaign promises, improved security and living standards, and in general exceptional leadership. Unfortunately, after 2 ½ years in office, President Farmajo not only unrepentantly reneged on all his political campaign promises for building a democratic government of the people, by the people, for the people of Somalia, but he deliberately rejected the constitutional democratic system of governance and embarked on establishing a Sultanism system of governance, worse than the authoritarian system of governance overthrown by popular uprising in 1991. By definition, Sultanism, term coined by sociologist Max Weber, is a type of extreme authoritarian regime in which political and economic power is concentrated in the hands of a ruler who is unbound, unconstrained by ideological, political, legal, and traditional rules. It elicits loyalty through favoritism and nepotism from its cronies, and inflicts swift and brutal reprisals against its opponents, and applies draconian suppression on free media and civil society. It’s highly personalistic authority exercising discretionary power. The administration and military forces are purely personal instruments of the ruler. Government positions are personal properties of the ruler aspiring to rule for life. In the past 2 ½ years, contempt to peace and state building Principles and goals, disregard of the federal constitution and rule of law, brazen corruption, public financial mismanagement, clientalism, illegitimate use of security forces for killings, arrests, and intimidation, abuse of judicial system, complete elimination of parliamentary oversight and government accountability and responsiveness, abolition of separation of powers and checks and balances, propaganda and disinformation, false nationalistic narratives, are the hallmarks and methods of control and domination employed by the federal government of President Mohamed Abdullahi Farmajo. Needlessly, time passed by fomenting domestic and international crisis that not only halted progress towards peace and state building but eroded national reconciliation and public confidence in federal government. President Farmajo and his cronies are determined at all costs to establish Sultanism in Somalia. But, the Somali people share the powerful sentiment to resist and defeat Sultanism in Somalia. The federal government proclaims accomplishments not related to its stated constitutional mission of advancing a nation building agenda and goals. The policy priorities agreed with international donors have been cast aside. All energies, resources, and attentions of the federal government have been directed to the recruitment and mobilization of large force of sycophants to praise President Farmajo; antagonism, marginalization, and smear campaign against certain clans; the ousting of former respected experienced speaker of the federal parliament Mr. Jawari; disabling the federal parliament to eliminate government accountability, transparency, and responsiveness; dismissal of independent ministers from the cabinet; campaign to oust all Presidents of the federal member states through corruption, local divisions, and collusion with Ethiopia; the purge of the security forces from mistrusted elements to secure allegiance to the ruler; and quarrel with international partners. The security forces operates under the whims of the President, the commander in chief. Ironically, Somali people suffer the misfortune of being subject to the unconscionable abuses of Sultan regime under the tutelage of African Union Forces (AMISOM) authorized by the United Nations Security Council invoking Chapter VII of the UN Charter. Western donors foot the AMISOM bill. This arrangement is betrayal of democracy, good governance, and international laws. The concern of the international partners of Somalia about the protection of gender and minority rights in Somalia is futile because almost all citizens live in violence, insecurity, oppression, and poverty for the failure of the Somali state to respect the rule of law and to serve effectively, efficiently, justly, and fairly to all Somali citizens. Sultanism breeds insecurity, terrorism, armed rebellions, and poverty. Despotic system of governance caused the collapse of the Somali state, civil conflict, and statelessness that afflicted Somalia for a long period of its history. While US President Donald Trump referenced “Somalia” as totally a broken and crime infested place governed by most corrupt and inept government in the world, in a different light, on July 17, 2019, the US Ambassador to Somalia, Donald Y. Yamamoto, published a self-absolution and compassion article highlighting the US support for alleviating the immense problems vexing Somalia. In the article, the Ambassador emphasized good governance as key to peace and prosperity in Somalia and said: The United States is supporting the Federal Government of Somalia and Federal Member States as they work together, along with Somalia’s vibrant civil society to rebuild communities and establish credible governance (emphasis added). Federal and state officials still have much work to do to determine how to share resources and authorities to better deliver services to Somalia’s citizens, including security, and follow through with their shared commitment to hold one-person, one-vote elections on schedule next year. Unfortunately, President Mohamed Farmajo has doggedly refused to work with federal member states, with civil society, and with many stakeholders for reconciliation and for important political agreements critical for the completion of the federal constitution and for building the institutional structures of the Federal Republic of Somalia. Instead, he chose populist politics based on social division, youth manipulation, political exclusion and marginalization, corruption, and clientalism, and destabilization of federal member states, all to create subservient loyalists, acolytes rather than stakeholders. Thus, the prolonged stalemate that halted the progress towards peace, security, and democratization, has forced some members of the international partners to express their frustrations and self-absolution positions publicly and directly to the Somali people and to withhold their financial support. The 2017 UNSOM and UN High Commissioner for Human Rights (HCHR) report on “Protection of Civilians: Building the Foundation for peace, security and human rights in Somalia” for the promotion of human rights and protection of civilians as foundational elements for legitimate state did not produce the desired impact. Regrettably, the outlook for democratic state in Somalia is bleak. Emerging Sultanism propel Somalia back to violence and lawlessness. President Farmajo and his coterie failed to appreciate the mammoth work required to perform in order to transition Somalia from failed state situation to full-fledged functioning sovereign state capable of providing state functions of peace, security and prosperity. In 2018 and 2019, many international organizations published several evaluation reports on Somalia’s post-conflict progress. The common conclusion of all reports is the failure of decades of international support efforts in Somalia. The UK government sponsored a report on “Elite Bargains and Political Deals Project: Somalia Case Study,” prepared by Professor Ken Menkhaus for period 2000-2018. The report argues that the Somali political elite bargain – peace and political agreements signed between participants of peace and reconciliation conferences – collapses if the presence of AMISOM forces and the international aid are withdrawn today and consequently disintegration of Somali society is inevitable. The report also contends that the political elite in power became a political cartel interested in personal gains (division of spoils) and if that doesn’t change immediately, the failure of the Somali state will persist. The Elliot School of International Affairs at the George Washington University supported the report on “Building the Somali National Army: Anatomy of a failure, 2008-2018,” written by Professor Paul D. Williams. The report states that “over a decade of security force assistance initiatives to build an effective Somali National Army (SNA) failed because of interrelated effects of political, contextual, and operational challenges.” That indisputable failure makes unthinkable the departure of AMISOM forces from Somalia in 2021 or in another decade to avoid quick collapse. The Swedish International Development Agency has sponsored a report on “Evaluation of Sida’s support to peacebuilding in conflict and post conflict contexts – Somalia Country Report,” prepared by a team led by Erik Bryld and published January 8, 2019. Most of the 2018 key progress indicators like governance effectiveness, political stability and absence of violence, voice of accountability, freedom of press, control of corruption, internally displaced people, and refugee, all show negative, unchanged or negligible positive change compare to 1990 base. That’s a big blow. The Institute for Economics and Peace (IEP) in Sydney, Australia issued in June 2019, “the Global Peace Index 2019 report” in which Somalia due to small improvement in internal conflicts ranks at 158 place out of 163 countries. Somalia is the sixth least peaceful countries in the world. The other five countries are Iraq, Yemen, South Sudan, Syria, and Afghanistan. The report uses 23 qualitative and quantitative indicators to measure the attitudes, institutions, and structures that create, support, and sustain peace in each country. Finally, Bertelsmann Stiftung Transformation Index (BTI) 2018 Somalia country report evaluates the political, economic, and democratic governance performance of Somalia as part of 129 countries. Its conclusion on Somalia is not far from the conclusions of other reports. Based on the scale of 1 to 10, the overall status index of Somalia is 1.34. Breaking down in its components, the governance index is 2.25; the political transformation is 1.43; and the economic transformation is 1.25. Important issues considered under those indexes include political and social integration, stability of democratic institutions, rule of law, political participation, sustainability, economic performance, private property and market organization, international cooperation, consensus building, resource efficiency, and steering capability. Somalia is at lower end of the scale. The reports guide the public and private policy and decision makers of the developed countries and international organizations for security, cooperation, investment, business and political interests in all countries. I quoted the above-mentioned assessment reports to remind the Somali leaders what type of country they are exploiting and to reflect on the gap between what they are focused on and what they are supposed to work on in order to establish a Somali state able to serve its people effectively, efficiently, and reliably. Some hyperbolic statements of the international donors to justify the billions of taxpayers’ dollars allocated to Somalia for decades obscure the paltry or regressive performance of the Somali leaders and the deepening of public dissatisfaction. The direct cooperation between international donors and executive branch of government contributes to the avoidance of accountability and transparency of the federal government. Somali leaders have fallen far short of serving their people and country with honesty, integrity, patriotism, competency, and determination. President Farmajo is the final nail in the coffin for the failure of rebuilding a democratic State of Somalia. By: Dr. Mohamud M Uluso mohamuduluso@gmail.com Disclaimer: The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Caasimada Online’s editorial stance.
  18. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi ah la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Dib U Eegista Dastuurka ee Madaxa Bannaan kuwaas oo uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha hortabinta u leh. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo xubnaha labada Guddi ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinno ku aaddan hawlaha qabsoomay muddadii labada sanno ahayd ee ay shaqaynayeen, kuwa qabyada ah iyo qorshayaasha uga dejisan dardargelinta geeddiga qabyatirka Dastuurka. Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa hoosta ka xarriiqay inuu meel fiican marayo geeddi-socodka dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo hadda la gagabeeyay qaybta la xiriirta arrimaha farsamada iyo dib u eegista qodabbada iyo qoraalka dastuurka, balse loo baahan yahay in wada xaajood loo dhan yahay laga yeesho qodabbada masiiriga ah ee siyaasadda la xiriira. Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoominayey kulanka ayaa markii uu dhegaystay warbixinnada waxa uu sheegay in Dowladdu ay mudnaanta kowaad siinayso sidii loo dhammaystiri lahaa dastuurka iyada oo xoogga la saarayo xasiloonida iyo wadashaqaynta siyaasadeed ee ka dhexaysa laammaha dowladda maadaama oo ay khilaafyada siyaasadeed ee soo noqnoqday caqabad ku ahaayeen geeddi-socodka qabyatirka dastuurka. “Waxaan aaminsanahay inaad geeddiga soo gaarsiiseen meel fiican oo la dhammaystiri karo. Waxa arrintan qayb ka qaatay xasiloonida siyaasadeed ee aan haysanno oo aan aaminsanahay haddii aysan jiri lahayn inay hawsha aad haysaan intan ka sii adkaan lahayn. Waxa loo baahan yahay in xasiloonidaas la gaarsiiyo Dowlad Goboleedyada.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hawsha dhammaystirka dastuurku ay tahay mid dan u ah qof kasta oo Soomaaliyeed, sidaasi awgdeedna ay muhiim tahay in laga hawlgalo sidii qayb looga geysan lahaa fududaynta iyo taageerada hawshan Qaran iyada oo laga tanaasulayo danaha shakhsiga ah. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale bogaadiyey shaqada ay qabteen Wasaaradda iyo Guddiyada u xilsaaran dhammaystirka dastuurka kuwaasi oo ku shaqeeyay duruufo adag isaga oo ku boorriyey in la dardargeliyo dadaallada haatan socda. Shirka waxa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guulleed, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista Dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo xubno ka tirsan labada Guddi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  19. The police in the breakaway Somaliland on Tuesday arrested four journalists in Hargeisa town. Source: Hiiraan Online
  20. The police in the breakaway Somaliland on Tuesday arrested four journalists in Hargeisa town. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online ) – Odayaasha beelaha Muqdisho ayaa war ka soo saaray qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxayna shaaca ka qaadeen inay jirana tuhunno iyo su’aalo badan oo u baahan in dowladda ay ka jawaabto. Waxgaradkan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dowladda looga fadhiyo inay si deg deg ah ku soo bandhigto baaritaanka dhacdadaasi. Waxa ay tilmaameen in loo baahan yahay in la cadeeyo, sida uu ka dhacay weerarkaasi iyo cida fududeysay intaba. Odayaasha ayaa xusay in xarunta dowladda hoose ay aheyd goob amnigeeda si weyn loo sugo, islamarkaana aysan suuragal aheyn in si fudud qarax lagu galiyo. Sidoo kale wax ay tilmaameen in arrin lala yaabo ay tahay in weli Caasimada oo kala xiran la beegsanayo xarumihii dowladda, weeraraduna ay sii socdaan, iyadoo ciidamo badan ay ku sugan yihiin magaalada, howlgalladuna ay joogto yihiin. Ugu dambeyn Odayaasha beelaha Muqdisho ayaa ka dalbaday madaxda dowladda federaalka inay la yimaadaan isbedal wax looga qabanayo nabad gelyada, sidoo kalena lagu yareynaya culeyska heysta shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir. Ammaanka degmooyinka Muqdisho ayaa maalmihii dambe faraha ka sii baxayay, iyadoo ay ka dhacayeen weeraro iyo qaraxyo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Hoos ka daawo codka odayaasha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tagay laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federalka Soomaaliya Xafiiska Puntland, gaar ahaan Garoowe. Madaxweyne ku xigeenka waxaa xarunta ku soo dhaweeyay Agaasimaha guud ee Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ay wehliyaan, Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda laanta Puntland Col. Maxamed Faarax Qambi iyo Saraakiil kale. Kormeerkan oo Madaxweyne ku xigeenku uu ku eegatay bannaanka shaqo ee Laantan waxa uu indhaha indheeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin Waaxaha Baasaboorada, Fiisooyinka, IT-ga iyo kuwa kale. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane ayaa bogaadiyay Maamaamulka iyo Shaqaalaha Xafiiska Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS, gaar ahaan Laanta Puntland, waxaana uu kala dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan howlaha loo igmaday ee ay ummaada u hayaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland oo Kormeeray Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda appeared first on Puntland Post.
  23. Burco:(SL-T)Biriijkii Labaad Ee Burco Xidhan Mudo Gaadhaysa 3 Bilood Fashilka Wasaarada Gaadiidka +Qaylo Dhaanta Shacabka Oo Isa Soo Taraysa Source
  24. Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Aqalka sare ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Guddoomiyaha iyo xildhibaannada la socda waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay Senetor Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo ka tirsan Golaha Aqalka sare iyo sidoo kale guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo xildhibaanno kale. Sidoo kale waxaa Garoowe ku sugan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo xubno weheliya kaasi oo shalay soo gaaray caasimadda Puntland xalayna la kulmay madaxweyne Deni. Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Garoowe u yimid ka qeyb-galka xiritaanka Kalfadhiga 44-aad ee Baarlamanka Puntland iyo sidoo kale ka qeyb-galka munaasabadda ballaaran ee xuska sannad-guurada 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Puntland oo ku beegan 1-da Agoosto 1998. Dhinaca kale mas’uuliyiinta ayaa la filayaa in mudada ay Garoowe joogan ay dowladda Puntland kala hadli doonaan arrima ku khuseeya xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan wanaagsaneyn. PUNTLAND POST The post Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo Garoowe soo gaaray appeared first on Puntland Post.