-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Moscow)-NATO ayaa isku diyaarinaysa duni ay ka buuxaan Gantaalada dalka Ruushka iyadoo waqtiga heshiiskaan ku saabsana uu cararayo Heshiiskan oo ay Mareykanka iyo Ruushka galeen 1987 ayaa mamnuucaya gantaalada nooca riddada dhexe iyo kuwa riddada gaaban. Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa ugu baaqay Ruushk in uu u hogaansamo heshiiska ka hor waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay oo ah 2 bisha August. Waxuu sheegay in arrintaan ay tahay mid halis ah isla markaana gantaalada xambaari kara madaxyada Nucliyeerka ay daqiiqado yar ku gaari karaan magaalooyin ku yaala wadamada Yurub. Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa carabka ku adkeeyay in ay adagtahay in in la ogaado gentaaladaan,wuxuuna intaa ku daray in Nato ay si xikmadeysan isaga difaaci doontaa talaabadaan iyadoon indhaha ka qarsan doonin waxa uu Ruushku sameeynayo oo ay ka mid yihiin in madafiicda goobta ay daabulaan saldhigyo militari oo ku dhaw dalalka Yurub. Soo gaaridda gantaalada difaaca hawada ee Ruushka ka iibiyay dalka Turkiga ayaa loo arkaa khatar weyn islamarkana waxay arrintan khilaaf ka dhex abuurtay Mareykanka iyo Turkiga. Mareykanka ayaa sheegay in uu joojin doono in uu Ruushko ka iibiyo diyaaradaha dagaalka ee nooca F-35 . Xogyaha guud ee Nato Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Turkiga uu yahay bahwadaag muhiim ah marka laga hadlayo dagaalka lagula jiro kooxda IS, ee gudaha dalalka Ciraaq Suuriya . Waxaa intaa ku daray in NATO ay tagaeerayso dadaalada xalka loogu raadinayo arrintan. Xoghayaha guud ee NATO ayaa sheegay in uu ku dhiiragaliyay qaar badan oo ka mid ah xubnaha NATO xaqiiqda ah in ay kordhiyaan miisaaniyadda difaacooda kadib markii Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ugu baaqay in ay arrintaas sameeyaan. Sawirrka hadda muuqda ayaa ka wanaagsan sida uu xaalku ahaa dhowr sano ka hor ayuu yiri Xoghayaha NATO. Sidoo kale waxaa uu farta ku fiiqay in Mareykanku kordhiyay joogitaanka Militarigiisa ee Yurub taasina ay tahay wax laga walaaco . Xoghayaha guud ee Nato Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg Waxaa uu sheegay in uusna faahfaahin ka bixin doonin fara galinta NATO ee arrimaha nucliyerka iyo halka ay hubkeeda u daabuli doonto. Source
-
Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa magacawday guddiga qabanqaabada shirweynaha dib u heshiisiinta ee Galmudug. Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku magacaabay guddiga oo 12 xubnood ka kooban. Halkaan hoose ka akhriso magacaabista guddigan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgal ballaaran ka wadaan ciidamada ammaanka magaaladaasi. Howlgalkaan ayaa daba socda kadib markii xalay magaaladaasi lagu dilay, Suldan Cabdulahi suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa waxgaradkii soo xulay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Sidey inoo sheegeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa ku faafay xaafadaha qaar ee magaaladaasi, waxaana ay raadinayaad raggii dilkaasi ka dambeeyay. Inkastoo aanay jirin faah faahin laga bixiyey howlgalkan, ayaa hadane waxa uu saameyn ku yeeshay isku socodkii dadweynaha iyo ganacsigii ka jiray Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa xilala cusub u magacaabay mas’uuliyiin dhowr ah, kadib wareegto uu soo saaray. Wareegtada ayaa sidan u qorneyd: Madaxweynaha Maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo Wuxuu xeeriyay: Waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan ee maamulka Puntland. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr44, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan. Madaxweynaha Maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyay: Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo ( Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed (Xidig) oo ka mid ah Musharraxiinta doorashada dowlad goboleedka Jubbaland, sidoo kalena ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa eedeyn culus u jeediyey Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Xidig ayaa sheegay in Axmed Madoobe ay u afduuban tahay habraacyadii doorashada iyo nidaamka sugidda amniga, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Madaxweynuhu uu ka shaqeynayo kaliya sidii markale loo soo dooraan lahaa. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Xidig) ayaa ku baaqay in waddadii saxda aheyd lagu soo celiyo doorashada, haddii kale natiijada ka soo baxda ay ka hor imaan doonaan. Madaxweynaha Jubbaland oo Axmed Madoobe oo doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkani ayaa sanadkan la kulmaya loolan adag iyo culeys uga imaanaya dhinaca dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Bishan Augusto ee soo socoto ayaa la filayaa in doorashada lagu qabto magaalada Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Jowhar (SMN) – Madaxweynaha HirShabelle ayaa wuxuu ka warbixiyey kulan uu la yeeshay ergayga Qaramada Midoobay oo uu shalay kula kulmay Jowjar, caasimadda maamulkaasi. Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaadey in uu wakiilka kala xaajoodey arrimo ay kamid yihiin amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo siyaasada dalka. Mr Waare ayaa daboolka ka qaadey in ay sidoo kale isla soo qaadeen James Swan qodobo ay kamid yihiin xaaladaha abaareed ee ka jira maamulkaasi. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in uu sidoo kale u sheegay Swan in xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka uu wanaagsan yahay. Hogaamiyaha maamul goboleedkaasi ayaa tilmaamay in sidoo kale wakiilka UN-ka u gudbiyey cabasho ka dhan ah Itoobiya oo ku aadan webbiga Shabelle. Wada hadalo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka ayuu xusay in uu u soo jeediyey wakiilka in ay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeyso qaban-qaabiso. Webbiga Shabelle oo gobolada uu dalka ka maro ay kamid yihiin degaanada HirShabelle ayaa waxaa dhibaato ku qaba shacabka maadaama xiliyadda qaarkood ay Itoobiya joojiso biyaha ka yimaada webbigaasi. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddoomiyeyaasha gobollada Sanaag iyo Haylaan ee maamulkaasi, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale magaacabay maareeyaha iyo maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha magalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Halkan hoose ka aqriso: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr43, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay maareeyaha iyo maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha ee Boosaaso. Madaxweynaha Maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo Wuxuu xeeriyay: Waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Dhanka kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada gobollada Sanaag iyo Haylaan ee maamulkaasi. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr44, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan. Madaxweynaha maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyay: Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Dilka oo la sheegay in ay geysteen kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in lagu khaarijiyey Suldan Cabdullaahi Cabdiraxmaan. Marxuumka ayaa kamid ahaa Salaadiinta ugu caansan Gaalkacyo qaybta uu ka armiyo maamul goboleedka Galmudug. Ciidamada ammaanka oo howlgalo la sameeyay ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan dableyda oo goobta ka baxsatay. Mudooyinkii dambe dilalka lagu beegsanayo odayaasha dhaqanka ayaa kusoo badanayey qeybo kamid ah gobolada Soomaaliya. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug. Guddigan Caawa la magacaabay ayaa waxaa uu ka koobanyahay 12 Xubnood. Hadaba Halka Hoose ka Akhriso Magacaabista Guddiga Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-18072019.mp3 View the full article
-
Muqidsho ( Caasimada Online) – Wakiilka gaarka aha ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo dhawaan loo soo magacaabay xilkan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka. Ergeyga ayaa tilmaamay in xiriir wanaagsan oo dhex-mara madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay muhiim u tahay in la gaaro xal siyaasadeed. Sidoo kale wuxuu sheegay marka la yagleelo xasilooni siyaasadeed in la helayo amni iyo nabad galyo buuxda. James Swan oo ka warbixinayay socdaalkii uu ku tagay magaalada Jowhar ayaa sidoo kale shaaciyey inuu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha HirShabelle, ku xigeenkiisa iyo golaha wasiirada maamulkaasi, ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ku aadan xaaladaha ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Wuxuu intaasi ku daray in Qaramada Midoobay si ay u xoojiso howlaheeda HirShabelle ay ku yeelaneyso maamulkaasi xafiisyo ka shaqeynaya arrimaheeda, si ay hormariso howlaha ay ka qabato halkaasi. Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa horay u booqday Garowe iyo Kismaayo, halkaas oo uu kula soo kulmay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland: The 30th Anniversary Of The Execution Of 56 Civilians At Jazira Beech On July 17th, 1989, presidential military forces, known as red berets, led by a Colonel Ibrahim Ali Barre, Canjeh, cordoned off an area in the Medina district of Mogadishu. The residents of the area where questioned, made to produce identification documents and those who hailed from Somaliland were forced on to army trucks. These civilians who were selected on community basis came, predominantly, from the Isaaq community, however, other northerners from the Awdal Clan and Sool clan communities were are also included, just because of their accents and demeanour. Out of the hundreds detained, 57 unlucky men were taken to an isolated area of the popular Jazira beach on the outskirts of Mogadishu. Upon their arrival on the beach, the men were forced off the trucks, lined up and summarily gunned down with automatic weapons fire. Luckily, one of the men, Omar Muse Mire, survived and hid among the corpses until the perpetrators left. Such was the haste of the soldiers to leave the scene of the massacre, they neglected to check for any survivors that may report this heinous crime. The survivor made his way to the home of Ahmed Saleban Abdalle, “Daffle”, member of the Supreme Council of the Revolutionary regime and the son-in-law of the late dictator Mohamed Siyad Barre. Unable to comprehend that such an action took place, Ahmed Saleban, asked the then Somali Police Commissioner, Ahmed Jama Muse, to investigate the matter. The Police Commissioner and other senior officials were taken to the scene of the massacre by the sole survivor, Omar Muse Mire, only to discover the hastily covered remains of 56 victims. The victims were government civil servants, university lecturers, students, businessmen, sportsmen and artists. It was later determined that the massacre took place as a retaliation for the assassination of a Somali military officer in Hargeisa, who hailed from the Marehan community and was a close relative of Colonel Canjeh, the late dictator Siyad Barre and the current head of the federal administration in Mogadishu, Mohamed Abdillahi “Farmaajo”. In the thirty years since the massacre, none of the perpetrators have been brought to Justice and no official inquiry held or an official explanation given of the massacre. Just a few months later, the regime of the late dictator, Mohamed Siyad Barre fell and the Somali Republic became defunct. Events in Somalia since that massacre on Jazira Beech thirty years ago, with the countless deaths of civilians by internal conflicts, invasions by foreign forces, terrorism and other disasters, seem to put matters in perspective. However, the arbitrary nature of the massacre of civilians in the otherwise then peaceful Somali capital began the slippery road to ruin. Qarannews.com Qaran News
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa marka hore waxaa uu tacsi u diray Bulshada Reer Gaalkacyo iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo xalay ay rag hubeysnaa ku dileen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. “waxa uu ahaa nin qiimo badan oo aad uga shaqeeyay nabada Magaalada Gaalkacyo waxa uu ahaa dadkii Galmudug wax ka dhisay alle naxariistii jano haka waraabiyo samir iyo iimaan eebe ha inaga siiyo”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf. Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Bulshada ku nool Magalada Gaalkacyo in ay meel kaga soo jeestaan dadka cadawga ku ah jiritaankooda iyo noloshooda waxa uu intaas ku daray in Kooxaha Argagixisada Arxan laawayaasha ah aysan rabin in amniga iyo nabada noqoto Magaalada Gaalkacyo cid walbana ay masuul ka tahay amniga Magaalada Gaalkacyo waa sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba inta badan Shacabka kala duwan ee ku nool Magalada Gaalkacyo ayaa aad uga walaacsan amnidarrada kusoo korortay Magalada, iyaga oo aad uga xumaaday dilka xalay loo geystay Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa Waxgaradka Gobolka Mudug. Madaxweyne Xaaf ayaa muddooyinkaan waxaa laga waayey saaxadda siyaasadda, iyadoo lagu eedeeyey inuu lacag ka qaatay Dowladda Soomaaliya isla markaasna uu isaga baxay arrimaha Galmudug. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The Peace and Security Council (PSC) of the African Union (AU) has called on Somali leaders to foster peace and reconciliation as part of efforts to development the country. Source: Hiiraan Online
-
The UN mission in Somalia has honored soldiers of United Nations Guard Units (UNGU) for distinguished service in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusa-mareeb (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre oo kaga qayb-galay degmada Dhuusa-amreeb kulan loogu mahad-celinayay ayaa ka dalbaday wax-garadka Galmudug inay ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul mideeya gabi ahaan shacabka ku nool Galmudug. Kulankan oo ay soo agaasimeen qaar ka mid ah shacabka iyo xildhibaanadda deegaanka laga soo doorto ayaa dadkii ka hadlay waxay ra’iisul wasaaraha DF uga mahad-celiyeen dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixinayo sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan-yahay oo u adeegta dhamaan shacabka ku nool Galmudug, waxayna ballan-qaadeen inay qaadanayaan doorkooda. “Waxaan doonayaa inaad ka shaqeysaa sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan-yahay oo shacabka cadowgu haysto iyo kuwa xorta ahba si isku mid ah ugu adeegta,” ayuu yiri Khayre oo hadal ka jeediay kulankaas, isagoo dadka deegaanka ku boorriyay inay gacmaha is-qabsadaan. Sidoo kale Khayre ayaa ka codsaday shacabka Dhuusa-mareeb ku nool inay soo dhaweeyaan dadka reer Galmudug ee kasoo qayb-gelaya gogosha dib-u-heshiineed ee magaalada taalla, ayna muujiyaan in caasimaddu tahay goob loo wada-siman yahay, ayna muujinayaan tanaasul, cid kasta oo tabasho qabtana ay fadhigeeda ugu tagaan oo ay qanciyaan. “Caasimaddu inay Dhuusa-mareeb tahay la iskuma haysto, ee waxaa la isku haystaa mala meel-marin karaa fikirkaas, mana laga shaqeysiin karaa,” ayuu ku yiri hadalkiisa mar kale, isagoo sheegay in dhammaan shacabka ku nool Galmudug lagu qanciyo inay caasimadda Galmudug isugu yimaadaan si ay u tashadaan. Dhanka kale, Xasan Khayre ayaa mar kale ugu baaqay dhammaan shacabka Galmudug ee wali hubku uu gacantooda ku jiro inay hubka ku wareejiyaan Dowladda oo ciidamada la diiwaan-geliyo si loo helo ciidamo xooggan oo ka qayb-qaata xoreynta dalka iyo ilaalinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Khayre ayaa ku booqay in marka la dhiso Galdmugu la rabo inay isku kaashadaan sidii cadowga looga xoreyn lahaa deegaanada ay weli gacanta ku hayaan ee ay ka midka yihiin; Ceel-dheer iyo Ceel-buur oo aan weli gacanta dowladda ku jirin. PUNTLAND POST The post RW KHAYRE: Caasimadda Maamulka Galmudug inay Dhuusa-mareeb tahay la iskuma haysto appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj.Yarisow) ayaa galabta kulan wadatashi iyo isla-xisaabtan ah la yeeshay shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniiile. Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn warbixinno ku saabsan horumarrada kala duwan ee ka socda degmada Dayniile ka dhageystay Maamulka, waxayna sheegeen in isbadal badan uu ka jiro degmada, gaar ahaan dib-u-dhis iyo horumarin lagu sameeyey xarumaha degmada iyo waddooyinka. Inj. Yarisow ayaa ku ammaanay maamulka iyo shacabka Dayniile sida wadajirka ah ee uga shaqeynayaan dib-u-dhiska degmada, isla markaana ay muddo kooban ku hirgeliyeen mashaariic muhiim ah. Duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisow ayaa qeybaha bulshada uga warbixinay horumarka Xamar ee socda, isla markaana Shahaado Sharaf guddoonsiiyey Guddoomiyaha Degmada oo la yimid waxqabad muuqda. “Bulshada iyo Maamulka Degmada Dayniile waxay sameeyeen horumarro kala duwan oo muhiim ah si IsXilqaan ahna loo fuliyey, tani waxay ka tarjumeysaa haddii wadajir loo wajaho howllaha in horumar badan lagu tallaabsanayo,” ayuu yiri Inj. Yariisow. Ugu dambeyn, Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qay- galay xildhibaanno, siyaasiyiin, oday-dhaqameed iyo maamulka heer gobol iyo degmo, waxayna ku dhiirri-geliyeen shacabka Dayniile inay sii xoojiyaan horumarka ay xilligan wadaan. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo billaabay in uu la xisaabtamo Maamullada Degmooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyada oo sanad iyo bar uun naga xigto doorashada guud ee 2020-ka ayaa waxa aanan muuqan weji loogu hagaago iyo hannaan sax ah oo la isku ogyahay taas oo keeni karta qas, kala orod iyo jahawareer marka uu waqtiga soo dhowaado ama arrinta laga cabsi qabo oo dib u dhac iyo waqti kororsi. Xildhibaan Saabir Shiiriye, oo ah xildhibaan golaha shacabka ee BF oo arrinkan aan wax ka weydiiney waxaa uu yiri “Xukuumadda federaalka ah ayaa ka mas’uul ah, sida aad dareenteen madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu rabaa in doorasho aaney dalka ka dhicin, ilaa hadda ma cada qaabka doorashada, laguma heshiisin hannaan sax ah”. Mr. Shuuriye oo ka hadlayey sharciga doorashada ayaa waxaa uu yiri “Arrinta sharciga doorashada, horta dastuurka ayuu khilaafsan yahay, qaabka loo soo qoray, shaqo in laga qabto ayuu rabaa, kaas oo aan shaqo laga qaban wax horay u soconayo ma jiraan, guddi ayaa loo saaray iyaga ayaana ka shqeyn-doona”. Aqoonyahanka Yaxye Caamir oo arrinta doorashada 2020-ka kala hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa ku dooday in tashi la’aanta dowladda federaalka ah ay keentay in heerkan la soo gaaro“Waa run doorashada 2020-ka weji looma bixin, caalamka ayaa maalin walba dhahaya soo gudbiya nidaam doorasho, laakin jawaab looma hayo, mana ii muuqato in si dhow xal loo gaari-doono”. “Waxaa caqabad ka iman-doontaa in hal mar laga guuro nidaam doorasho oo muddo dheer lagu soo socday, waxaa sidoo kale adkaan-doonta diiwaan-gelinta dadka gudaha dalka iyo kuwa dibadda jooga, degmooyin waxaa jiro aan la tagi karin, oo matalaad aan yeelan-doonin. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magacawday Guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu magacaabay Guddiga qaban qaabashada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug. Guddiga uu magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu saleeyay sida la sheegay nidaamka awoodqeybsiga dalka ee 4.5. Halkaan ka daawo ismiidaamiyihii Kismaayo oo beel lama filaan kasoo jeedo Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com