Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta galay fasax 2 bil ah, kadib markii uu xirmay kalfadhigii 5aad. Kulan ay xarunta golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ku yeesheen guddiga joogtada ah ayaa sidaasi lagu shaaciyey. Aqalka sare waxaa uu kalfadhigan yeeshay ilaa 12 kulan, oo lagu soo bandhigay sharciyo badan, oo ka soo gudbay golaha shacabka. Waxaa ka mid ahaa: Sharciyeedka shirkadaha, Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowlada, Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ), Warbixin ku saabsan xirrirka iyo wada-shaqeynta labada Gole iyo qaar kale. Waxaa kale oo la xusuutaa Cabdi Xaashi, guddoomiyaha golaha iyo ka qeyb galkiisa shirka caalamiga ah ee horumarinta Baarlamaannada ee ka dhacaya magaalada Mooskow ee dalka Ruushka iyo kulan uu la yeeshay Guddomiye ku xigeenka Aqalka Federationka Dalka Ruushka (Aqalka Sare) Mudane Ilyas Umakhanov, kulan ay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ,Arrimaha bini’aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka sare BFS ay la yeesheen Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Ururada Bulshada rayidka, kulan ay la qaateen Wasirika Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan Iyo Xubno ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, kulanka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Xadgudub yada jinisiga Pramilla Navamanee Patten, safiirka dalka UK ufadhiyo Soomaaliya Mudane Ben Fender iyo ka qeyb galka guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare Mudane Abshir Axmed iyo Senatarro kale ee xafladda aasaaska Puntland. Warbixin Dhameystiran, kala soco Goobjoog Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo ay weheliyeen guddoomiye ku-xigeenka aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaano katirsan labada gole ee barlamaanka Soomaaliya [...] Source
  3. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Odoyaasha iyo waxgaradka Koofurta Gaalkacyo ayaa soo saaray go’aan cusub oo ku saabsan shirka ay dowladda u iclaamisay inuu ka dhaco Magaalada Dhuusamareeb. Odayaasha beesha Sacad oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hobyo ayaa waxa ay ka hadleen shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo loo madlan yahay in lagu qabto dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Odoyaasha dhaqanka ayaa sheegay in ay haatan ku mashquulsanyihiin Shir uga Socda Magaaladda Hobyo ayna sugayaan inta uu ka soo dhamaanayo sida ay hadalka u dhigeen. Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed iyo odayaal kale oo ka tirsan wax garadka Gobolka Mudug oo weriyaasha kula hadlay Magalada Hobyo ayaa sheegay in ilaa uu ka dhamanayo shirka nabadda Hobyo aysan ka qeyb galeynin shirka Dib u heshiinta ee deeganada Galmudug oo lagu wado in uu ka furmo Dhuusamareeb. Gudiga Qaban qaabadda Shirka dib u heshiinta beelaha Galmudug oo Xalay Dhuusamareeb dib ugu soo laabtay ka dib safar ay mareen deegaanadda Balanbal, Caaduwaaq, Xeraale, Huurshe, Gaalkacyo iyo Cadaado ayaa ugu qaabay Waxgaradka deegaanadda Galmudug in ay tabashada ay qabaan ay ku xaliyaan shirka dib u heshiinta oo ka furmaya Dhuusamareeb 5 bisha soo socota. Go’aanka ayaa kusoo aadayo xilli Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel} ayaa si wadajir ah uga war bixiyay natiijadii kasoo baxday socdaalkooda iyo xariirro ay la sameeyeen bulshada ku nool deegaannada aan xorta aheyn ee ka tirsan Galmudug. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhaqanka ugu baaqeen in aan la siyaasadeyn gogosha, beelununa ay kasoo qayb galaan gogosha Nabadeed ee Dhuusamareeb, halkaasna ay ku soo bandhigaan fikradahooda iyo hadii ay tabasho qabaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa wada qorshe ay ku waydiisaneyso Qaramada Midoobey in Al-Shabaab ay u aqoonsato koox argagaxiso ah. Ujeedka ka dambeeya arrintan ayaa ah sidii dareenka caalamka loogu soo jeedin lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya. Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya, Mudane Macharia Kamau ayaa sheegay inay qoraal codsi ah u diri doonaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana oo ay waydiisanayaan in Xarakada Al-Shabaab lagu daro liiska argagaxisada. “Waxaan diri doonaa codsi, iyadoo la raadinayo taageerada Imaaraadka Carabta ee ku aadan qorshaha Al-Shabaab loogu darayo liiska argagaxisada.” ayuu yiri Kamau. Sidoo kale xoghayaha ayaa xusay in qaraar tirsigiisu yahay 1267 la horgeyn doono golaha amaanka, kaas oo haddii la meel-mariyo wax ka bedeli doono dagaalka Al-Shabaab. Kenya ayaa qeyb ka ah dalalka dagaalka kula jira Al-Shabaa, waxaana ciidamo ka mid ah howlgalka AMISOM ay ka joogaan gobollada Jubbooyinka ee Soomaaliya. View the full article
  5. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa kulan la qaatay xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo kasoo laabtay socdaal ay ku mareen deegaannada Galmudug. Kulanka ayaa looga hadlay dardar-gelinta qorshaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo ka mira dhalinta shir-weynaha Dhuusamareeb ka furmaya August 05,2019 ee la isugu keenayo dhammaan beelaha Galmudug si la isugu diyaariyo dhismaha Galmudug loo dhanyahay. Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay najiijadii kasoo baxday kulamadii ay la qaateen iyo farriintii ay gaarsiiyeen bulshada deegaannada Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga faray in laba jibbaaraan dadaallada ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran shirka si loo gaaro hadafka guud oo ah in la helo Galmudug loo dhanyahay oo u adeegta bulshada reer Galmudug, kana qayb qaadata horumarinta qarannimada Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  6. Kismaayo (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Jubbaland Mudane Cabdi Baaley Xuseen oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho Shabelle ayaa marka hore ka warbixiyey shir gaar ah oo madaxda maamulkaasi ay maanta ku yeesheen magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulankaasi diirada lagu saaray arrimaha amniga iyo doorashooyinka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu beeniyey in dhibaatooyin amni darro ay ka jiraan garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan magaaladaasi. Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin culus u diray Musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi. Cabdi Baaley Xuseen ayaa tilmaamay in Musharraxii buuxin waaya shuruudaha doorashada ay ka tashan doonaan, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sidoo kale intaasi ku daray in illaa iyo hadda ay isa soo diiwaangeliyeen kaliya todoba Musharrax. Doorashada Jubbaland oo ololaheeda si weyn looga dareemayo Kismaayo ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socoto ee Augsut, balse waxaa weli jira caqabado iyo cabasho ay muujinayaan inta badan Musharraxiinta ku loolamaya doorashadaasi. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoona shalay amniga Kismaayo ay la wareegeen ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata Madaxweyne Axmed Madoobe. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-31072019.mp3 View the full article
  8. Kismaayo (Caasimadda Online) – Xilli dhawaan la filayo inay Magalada Kismaayo ka dhacdo doorashada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa Ciidamada AMISOM ee k sugan Magaladaas looga digay in loo adeegsado ama ay farageliyaan doorashada Maamulka Jubbaland. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ( Xasan Yare) oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in jubbaland ay xilligaan joogto in loo madax banneeyo doorashada,isla markaana aan wax faragelin ah lagu sameyn. “Doorashadu weerar ma ahan, Ciidamada AMISOM waxaa waajib ku ah in ay la dagaalamaan Al-Shabaab, kana qaybqaataan sugidda Amniga, iyaga oo maraya shuruucda Midowga Afrika” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare. Waxa uu sheegay in jubbaland ay leedahay Ciidamo kala duwan,sida Boolis, Nabadsugid iyo Ciidamo kale,hayeeshee Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo uu uga digayo in loo adeegsado doorashada, balse ay qaataan doorkooda oo ah la-dagaalanka Al-Shabaab. Sidoo kale Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo sii hadlayay ayuu sheegay in Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo kaliya ay ku Shaqeyn karaan amarka Hoggaanka Jubbaland, balse aan loo adeegsan waxyaabo kale oo la xiriira dhinaca Siyaasada. Hadalka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa kusoo aadaya xilli maalmahaan la hadal haayay in Ciidamada Itoobiya oo ka mid ah AMISOM eek u sugan Kismaayo ay faragelin ku sameynayaan doorashada Jubbaland si la mid ah dhacdooyinkii ka dhacay Magalada Baydhabo. Doorashada Jubbaland ayuu sheegay in lagu kala baxayo sanduuqa, waxa musharixiinta usoo jeediyay in ay isku kalsoonaadaan, kuna qancaan Guddiga Doorashada iyo codadka Xildhibaanada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa kulan dhiiri gelin iyo is barasho la qaatay xidigaha xulka 15-jirada ee dhawaan ka qeyb galaya tartanka bariga iyo bartamaha Afrika 2019 ee ka qabsoomaya Eretria. Guddoomiyaha dhallinyarada xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Xirse Maxamed ayaa sheegay in xulka da’yarta si wanaagsan loo diyaariyay iminka ay diyaar u yihiin in ay natiijooyin wanaagsan kasoo hooyaan tartanka bariga iyo bartamaha Afrika 2019 Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed ayaa xulka da’yarta kula dardaarmay in ay wanaajiyaan aqlaaqdooda wax ugu badan ay madaxda xiriirka ka hadlaan ay tahay horomarinta iyo garab istaagda da’yarta xulka si ay mustaqbalka loo helo dhallinyaro tayo wanaagsan oo guula ka keena tartamada dibada. kabtan xulka 15-jirada Anas oo ku hadlay magaca ciyaartooyda ayaa u mahadceliyay madaxda xiriirka kubbadda cagta,isagoo sheegay in ay si wanaagsan ay ugu diyaarisanayihiin ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika 2019 ee ka dhacay dalka Eratraia. Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa waxaada dhallinyarada xiriirka ku amaanay in ay diyaariyeen ciyaartooy tayo iyo aqlaaq wanaagsan wuxuuna geesta kale sheegay in ay dhallinyarada ay yihiin ubaxa iyo horomarka kubbadda cagta Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Madaxda Xariirka Iyo Xulka Dhalinyarada W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  10. Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ambassador, Ahmed Isse Awad, received the Dutch Ambassador to the Federal Republic of Somalia, Mr. Frans Makken in Mogadishu on Tuesday. The two discussed enhancing bilateral relations and means of cooperation in the areas of security, justice, immigration, and education sectors. The meeting, which also discussed several other agendas of common interest between the two friendly countries, was attended by the national security adviser to the Somali presidency, Mr. Abdisaid Muse Ali, director of the Department of America and Europe for the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, Mr. Abdidahir Abdirahman Abdi and other senior officials, including a representative from the Somali Immigration and Naturalization Directorate. The Somali government is working closely with its European Union partners in a bid to ease travel restrictions for its citizens. The Netherlands recently joined EU states that recognized Somali passport holders mainly diplomatic and service travel documents in May this year. A few months ago, Belgium announced that they also officially recognized Somalia’s diplomatic and service passport. Norway’s Embassy in Kenya said last year that diplomatic, service and ordinary passports of Somalia been recognized by Oslo. View the full article
  11. Nairobi (Caasimadda Online) – Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in maanta oo ay taariikhdu tahay 31ka July 2019 uu dhaqan galayo go’aankii ay ku dhimayeen mushaarka Ciidamada Kenya qeybta ku jirta AMISOM. Sanad miisaaniyadeedka AMISOM ayaa ka billowda bartamaha sanadkasta waxaana Midowga Yurub horay u sheegay in uu go’aankan ku dhaqaaqayo. Lacagta Dowladda ku hesho Magaca howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in ay gaareyso Sh8.5Bilyan oo lacagta Kenya ah,taas oo hadda kaddib kala bar jarmeysa. 12ka Bilood ee soo socota ayey lacagtaas noqoneysaa kala barka lacagta Kenya la siiyay laba iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay. Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOS ayaa lagu sheegay warbixinta in ay bixiyaan farsadama iyo taageerada goobta ee AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliya marka ay howlgallada ku jiraan. Holwgalka AMISOM ayaa waxaa u qorsheysan in sanadka 2021ka isaga baxdo SOomaaliya ka horna dowladda Soomaaliya kala shaqeyso sidii ay amniga dalka ugala wareegi lahayd Ciidamada AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargaysa) Somaliland Oo Eriday Dhalinyaro Ka Tirsanaa Barnaamijka Shaqo Qaran Oo Cabasho Ka Muujiyey Imitixaan Loo Galay Shaqaale Ay Qaadanayso Shirkada Singapore. Xukuumadda Somaliland ayaa eriday afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa barnaamijka shaqo qaran kuwaas oo shalay warbaahinta la hdlay iyagoo cabanaya. Agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran ee Somaliland Maxamed Xuseen (Mu’addinka) oo maanta HCTV la hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradani khalkhal geliyeen imtixaankii shalay laga qaaday ardayda barnaamijka shaqo qaran. Dhalinyarada ayaa ka cawday arday aan ka tirsanayn shaqo qaran oo imtixaanka u fadhiistay. Saddex wiil iyo inan ( gabadh) ayay kala yihiin dhalinyarada la eryay. Wariye Xasan Galaydh Source
  13. Every time young fashion designer Hawa Adan Hassan makes a new gown for a paying customer, she also makes her dreams come true. Source: Hiiraan Online
  14. Beledweyne (Caasimada Online) – Xooggaga Al-Shabaab ayaa shalay Galab gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ku dilay nin ay sheegeen inuu sameeyey falkii Qowmu Luud oo kale. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Buq Goosaar oo qiyaastii 50 KM dhinaca galbeed ka xiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa goobta ka akhriyay xukunka uu muteystay ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Nuurow, wuxuuna sheegay inuu fara xumeeyey illaa seddex carruur ah. Sidoo kale Qaadiga ayaa intaasi ku daray in Nuurow ui maxkamadda ka hor qirtay in isagoo caafimaad qaba uu sameeyey falkaasi. Fagaaraha lagu toogtay ninkan ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne ah iyo mas’uuliyiyiin ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay falalka toogashada ah, waxaana 26-kii bishan degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dishay nin Sixiroole ahaa. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  15. Citizens to “Exercise Increased Caution,” when traveling to some parts of Ethiopia. There are also parts of Ethiopia that the embassy advised citizens to avoid traveling to. Source: Hiiraan Online
  16. Suldaan Maxamed Cigale Hooley (Dr. Macrifi), oo ka tirsan guddiga farsamo ee shirka Hobyo iyo dhaqanka beesha Habargidir ayaa Goobjoog News uga waramay arrimaha shirka Hobyo, ujeedka laga lahaa, heerarkiisa iyo waxa laga filanayo. Dr. Macrifi, oo ugu horeyn ka hadlayey shirka Hobyo ayaa waxaa uu yiri “Shirkan muddo sanad ah ayuu ka socday caasimadda Muqdisho, oo halkaasi wax badan lagu gorfeeyey, kadib 15/7/2019 ayaa la iclaamiyey in Hobyo laga dhigayo, waxaana hadda la joogaa magaaladan Hobyo, oo qadiimiga ah iyo dekadda ah”. Suldaan Maxamed Cigale Hooley, mar uu ka hadlayey ujeedka shirka Hobyo waxaa uu sheegay “Ujeedka shirka waxa weeyaan in marka hore beelaha Habargidir is arkaan, doodaan, heshiiyaan, kadibna loo yeero 6-da beel ee kale ee walaalaha ah ee nala dega Galmudug, oo heshiis guud halkan lagu gaaro”. Hooleey waxaa kale uu ka hadlay in ergada hadda joogto shirka ay gaaraan ilaa 200, lana sugayo 50 kale oo dibadda ka imaanaya “Ergada hadda joogta waa 200, waxaan sugeynaa 50 dibadda ka imaanaya”, isaga oo intaa raaciyey in dadka deegaanka magaalada Hobyo ay ergada u diyaariyeen ilaa 31 guri, si deeqsinimo lehna dadka us oo dhoweeyeen. Dhinaca kale, Suldaan Maxamed Cigale Hooley (Dr. Macrifi), waxaa ay Goobjoog News weydiisay heerka uu hadda marayo shirka iyo goorta la soo gabagabeyn-doono “Hadda waxaa dhamaaday shirka wejiga 1aad oo ahaa dood ku saabsan, maxaa dhaliyey in dagaal dhex maro beelaha walaalaha ah?, waxyaalaha dagaallada keena ayaa la ogaaday, waxaa la isku afgartay in horta dhaqanka la mideeyo, oo mas’uuliyadda iyagu qaadaan, loogana dambeeyo, haddii ay gudan waayaanna sharci la sameeyo, oo lagula xisaabtamo”. “Wejiga 2aad, oo aan weli bilaaban, waxaan u yeernay dad deegaanka ah oo aqoonyahanno ah, oo dibadda ka imaanaya, waxaan rabnaa maalgeshi iyo in laga faa’ideysto, oo aqoon iyo khibrad wixii ay hayaan ay dalkooda dib ugu soo celiyaan” ayuu yiri Suldaan Maxamed Cigale Hooley. Ugu dambeyntii, Suldaan Maxamed Cigale Hooley, (Dr. Macrifi), waxaa uu ka gaabsaday inuu shaaciyo waqtiga la soo gabagabeyn doono shirka Hobyo, isaga oo ku soo koobay, “Todobaadka dambe ayaa sheegi-doonnaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. The United Nations says fewer and fewer refugees show interest in leaving the Dadaab refugee camps in Northern Kenya and returning home to Somalia. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) –Musharraxa Xukuumadda Xasan Cali Khayre ee doorashada Jubbaland, ahna wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar ) ayaa waxaa haatan soo wajahay walwal xoogan oo ku aadan ololihiisa doorashada, gaar ahaan sidii uu ka tagi lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Oomaar ayaa shaaciyey sababtii uu uga baaqay safar uu dhowaan ku tagi lahaa Kismaayo si uu ugu dhawaaqo Musharraxnimadiisa Jubbaland. Waxa uu sababta ku sheegay inuu doonayo in uu ka baaqsado in dagaal Dhiig ku daato uu ka dhaco halkaasi. “Safarkii aan Kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska hormaad u dhaco. Qof isku dayey inuu isoo qaado ma jiro.” ayuu yiri wasiir Oomaar. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka uu tagayo Kismaayo ay ilaalin doonto ciida sida uu hadalka u dhigay, kadib markii uu dhowaan ka biyo diiday madaxweyne Axmed Madoobe inuu ciidamo la tago gudaha magaaladaasi. ‘In kastoo aan xaq u leeyahay in la i ilaasho, haddana Kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin (ilaah ka sokowo.” ayuu markale yiri Oomaar. Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in weli dadkii talada xumaa ay Ummadda waalayaan, islamarkaana ay dagaal ka hurinayaan Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay. ”Dadkii talada xumaa baa weli ummadda waalaya. Dagaal aadan idinka hurin Jubbaland kama dhici doono. caqliga ha shaqeeyo” ayuu intaasi sii raaciyey. Xiisada siyaasadeed ee Jubbaland ayaa ka sii dareysa, iyadoo la filayo in bisha soo socota ee August la qabto doorashada guud ee maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  19. President Donald Trump weighed in on two Somali refugees arrested in Arizona last week for attempting to join the terrorist group ISIS. Source: Hiiraan Online
  20. Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya aysan ka midaysneyn go’itaanka Somaliland. Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in gebi ahaanba aysan jirin aragti goosasho oo ay ku midaysan yihiin bulshada shacabka ku nool gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya (Somaliland) balse go’itaanka ay ku kala qaysan yihiin bulshada halkaasi deggan. Sidoo kale wuxuu sheegay in Dunidu ay Soomaaliya u aqoonsantahay hal dal iyo hal dowlad oo aysan jirin dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya oo la yiraahdo Somaliland “Dunida Hal dal ayay aqoonsan tahay oo aan baasaboorkiisa ku safarno, shahaadooyinkiisa la tastiiqiyo” ayuu yiri Khadar Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxaa kale oo uu sheegay in loo baahanyahay wada-hadal in la furo si loo qanciyo tabashooyinka ay qabto Somaliland”haddii la wada jirayo waa in sifo iyo sharci dastuuri ah ku dhisan oo loo wada hadlo, qofka aragtidaas qaba u ogolaado qofka aragtida ka soo horjeeda qabo, 30 sano ayaa mareynaa, maxaa xal ah waa in la furaa doodo”ayuu sii raaciyay. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo sheegay in shacabka Waqooyi aysan ka midaysneyn goosashada Somaliland appeared first on Puntland Post.
  21. IOM Hargeisa completed a six-day ‘Training of Trainers’ as well as a three-day follow-up training on ‘Start and Improve Your Business Idea’. The training programme is developed by the International Labour Organization (ILO). Source: Hiiraan Online