Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa Gef siyaasadeed ku tilmaantay Guddi ka kooban lix xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo Madaxweynaha Soomaaliya u Magacaabay Wada-hadallada Somaliland. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay inaan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya dhacaynin illaa Soomaaliya garwaaqsato in Midnimadii Soomaaliya burburtay 1991-kii. War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah: In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland. Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska. Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina wuxuu dhigayaa inaan cadowga loo caban ee layska celiyo. Qodobkiisa labaadna wuxuu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka. Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn laba dal oo kala madax bannaan caalamkuna aqoonsan yahay, islamarkaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed, balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay laba dal oo kala madax-bannaan, waxaana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay. Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo cadowga dalkiisa. Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maantana aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga.” Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dhawaan midawga yurub u soo magacaabay dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez. Kulankan ayaa daaranaa soo dhawayn iyo isbarasho, waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu safiirka warbixin ka siiyey xaalada guud ee dalka Somaliland iyo horumarka uu ku tallaabsanayo maalinba maalinta ka danbaysa. Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, mashaariicda horumarineed ee ay midawga yurub ka wadaan Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa, waxa kale oo lagu lafo-guray wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu madaxweynuhu u sheegay safiirka mowqifka ay Jamhuuriyadda Somaliland ka taagan tahay wada hadalo dhexmara labada dal iyo guud ahaan iskaashiga iyo wada shaqaynta midawga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka dhexeeya. Source
  3. Somaliland ayaa jawaab kasoo saartay guddi wada hadal uu shalay magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo. Somaliland ayaa sheegtay in guud ahaan aysan aqbali doonin in ay la fadhiisato guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo, war qoraal ah oo ay Soomaaliland soo saartay ayaa lagu yiri. Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah: 1. In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland. Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska. Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina dhigimaayo in cadawgaagu ku waydiiyo tabasho, balse wuxuu ku farayaa in layska celiyo. 2. Qodobkiisa labaadna wuxu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka. Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn laba dal oo kala madax bannaan caalamkuna aqoonsan yahay, islamarkaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed, balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay laba dal oo kala madax-bannaan, waxana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay. Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo cadowga dalkiisa. Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maantana aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga. Goobooj News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-18072019.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Saciido Xasan Cusmaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha Aqalka Sare ee kasoo jeeda Gobolka Sanaag ayaa ku eedeysay madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu colaad gaara u hayo beesha Sanaag, isagoo u diidan awood qeybsigii ay xaqa u lahayd. Iyadoo Warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayay sheegtay inuu Madaxweyne Farmaajo yahay qof qabyaaalad yaqaan, isagoo hortaagan muddo 2 sano iyo bar ah xilkii safiir ee ay lahayd Beesha Sanaag, waxayna caddeyn u soo qaadatay inuu Beeshiisa u magacaabay laba safiir, halka uu beesha Sanaag u diidan yahay xilkeedii. Senator Samiira waxay Soomaalida u sheegtay inay been tahay inuusan Farmaajo aqoon qabiil, waxayna caddeysay in dhibaatadda dalka ka jira iyo faragelinta maamul Goboleedyada ku socota uu wado Maxamed C/llaahi Farmaajo. “Madaxweyne waxaad ogaataa in lagaa waayey wixii laguu qabay, Soomaali oo dhanna waa kugu hungowday.., ma doonayo in Somaliland iyo Somalia ay heshiiso, waxayna ka muuqataa Guddiga uu magacaabay, Puntland faragelin ayuu ku sameeyay, mana rabin in sidaas qurxoon wax u dhacaan..” ayey tiri Senator Samiira. Halkaan ka daawo Axmed Madoobe oo afduubtay Doorashada Jubbaland Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Boosaaso waxaa maanta lagu xiray saddex xubnood oo ka tirsan Guddiga dhismaha wadada bartamaha magaaladaas. Maamulaha Amal Bank, Bososo Xubnaha la xiray ayaa kala ah maamulihii Amal Bank Boosaaso Sheekh Maxamed Faahiye, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji iyo Eng. Maalfo. Ilaa iyo hadda ma cadda sababta loo xiray xubnahan, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay tahay lacag $150,000 ah oo dowladda Federaalka ugu deeqday Guddiga dhismaha wadada bartamaha Boosaaso. Wararka ayaa sheegaya in Puntland ay ku wargelisay guddigaas in dib loo celiyo lacagta ka timi Federaalka oo la soo marsiiyay Amal Bank Boosaaso, balse arrintaas ay qaadadeen gudiga gacanta ku haya dhismaha wadada. Dowladda Federaalka ayaa horey lacago ugu deeqday dhismayaasha garoomada kubbadda cagta Garowe iyo Gaalkacyo, taas oo la soo mariyay gudiyadii gacanta ku hayay. Xiriirka Puntland iyo Federaalka ayaan wanaagsanayn, hadana hay’adaha Puntland iyo kuwa Federaalka waxaa ka dhexeeya wada shaqeyn. PUNTLAND POST The post Guddi waddo dhisme oo lagu xiray Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  7. Kulankaan oo guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cusmaan Barre Maxamed uu la qaatay qaar kamid ah Odoyaasha, Siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ee Magaaladda Beled-weyne ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay siddii loo Horumarin lahaa Deegaanada Hirshabbeelle, maadaamaa ay Hirshabeelle ay kamid tahay maamuladii ugu dambeyay ee la dhisay. Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xog waraysi uu guddoomiyaha la yeelanayay dadka deegaanka oo ku aadanaa xaalada nololeed iyo mid deegaan. Waxaa Kulanka ka hadlay guddoomiyaha degmadda Beled-weyne Maxamed Axmad Ibraahim food cade iyo xildhibaano tirsan Maamulka Hirshabeelle, waxaana ay shegeen in kulankaan uu muhiim u yahay bulshada degaanka, maadaamaa ay ka hadlayaan xaaladooda. Kulankaan oo muddo saacado ah socday ayaa dadkii ka hadlay waxaa ay sheegeen in xaalado kala duwan ay ka jiraan gobolka Hiiraan, iyaggoo su’aalo weydiiyay guddoomiyha oo ay u badnaayeen siddii Horumar loo gaarsiin lahaa Maamulka Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab,gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee xiriirka Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed iyo xoghayaha guud ee xiriirka Soomaalliyeed ee kubbadda cagta DR.Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa magaalada Qaahir ee dalka Masar kaga qeyb galay doorashada xubanaha guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika,waxaana sidoo kale madashan ku sugnaa madax ka socotay FIFA. Gudoomiyaha X.K.Cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab ayaa ka mid noqday xubnaha cusub ee guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee Caf,isagoo horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka xiriika kubbadda cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa (The Council for East and Central Africa Football Associations). “Alx waa ku faraxsanahay guushan waxayna usoo hooyatay dhamaan bahda kubbadda cagta Soomaaliya darajadan in aan helno waxa ay ka dhigantahay in aan wax la qeebsano qaarada” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab. Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xiriirka kubbadda cagta Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo isna kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin guusha uu gaaray mudane Cabdiqani Saciid Carab minka ay ka tilmaamanyihiin xiriirada kale ee qaarada Afrika marka laga eego geedi socoda iyo horomarka kubbadda cagta Sooomaaliya. Wafidga ka socda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya daawashada ciyaarta u danbeesa tartanka African Cup of Nation oo ay kama dambeestiisa wada dheeli doonaan xulalka Senegal iyo Algeria. “Ka qeygalka dhacdooyinka oo kale ka xariir ahaan waxa ay inoo tahay in aan wax badan ka barano,si aan u gaarno guul waaweyn oo dhinaca kubbadda cagta dalkeena,guusha uu gaaray guddoomiye Cabdiqani Saciid waxa ay sharaf iyo horomar u tahay kubbadda cagta Soomaaliya” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta DR.Yuusuf Muxidiin Axmed. Si kastaba Madaxda xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa maal maha soo aadan kusoo laabanaya dalka,iyagoo la hadli doona wabaahinta ciyaaraha gudaha waxayna ka warbixindoonaan guulaha la gaaray iyo halka ay hiigsanayso sanadaha soo socda. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  9. Hargeysa (Caasimadda Online) – Somaliland ayaa War kasoo saartay Guddigii uu shalay Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee loo xil saaraay Wada hadaladda Soomaaliya iyo Somaliland. Somaliland ayaa sheegtay in guud ahaan aysan aqbali doonin in ay la fadhiisato Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo. Warka Somaliland ayaa siddaan u qornaa: Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah: 1. In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland. Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska. Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina dhigimaayo in cadawgaagu ku waydiiyo tabasho, balse wuxuu ku farayaa in layska celiyo. 2. Qodobkiisa labaadna wuxu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka. Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn laba dal oo kala madax bannaan caalamkuna aqoonsan yahay, islamarkaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed, balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay laba dal oo kala madax-bannaan, waxana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay. Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo cadowga dalkiisa. Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maantana aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Russia is ready to sell its super-maneuverable Sukhoi Su-35 fighter jets to Turkey, head of the Russian state conglomerate Rostec said Thursday. Source: Hiiraan Online
  11. Dozens of British politicians, including the Labour Party's leader, Jeremy Corbyn, and Mayor Sadiq Khan of London, are among those to sign an open letter expressing solidarity with Rep. Ilhan Omar and the three other US congresswomen targeted by President Donald Trump in recent days. Source: Hiiraan Online
  12. Drought-hit families in a village in Dhobley, in southern Somalia’s Lower Juba region, are faced with a stark choice between buying water and sending their children to school. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka sare , Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya , Benjamin James Fedner; iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee Dowlad gobolleedyada Dalka, gaar ahaan dedaallada Dowladda Federaalku ka waddo Galmudug iyo arrimaha Jubbaland oo ay doorashooyin ku soo wajahan yihiin dhowaan. Agaasimaha Xafiiska Guddoonka golaha guddiyada iyo habmaamuuska ee Aqalka sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in si qoto-dheer looga hadlay Jubbalaan iyo Galmudug oo ay xaalado kala duwan ka jiraan. Dowladda Ingariiska ayaa horey u sheegtay in ay kordhineyso taageerada ay siiso Soomaaliya iyo wada shaqeynta gaarka ah ee kala dhexeysa hay’adaha Dalka oo uu Barlamaanka ka mid yahay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowlada Uganda ayaa ku dhawaad 2,000 oo askari usoo diraysa Soomaaliya kuwaas oo tababar loogu soo gabagabeeyay gudaha dalka Uganda. Ciidamada tababrkan loo soo gabagabeeyay ayaa tiro ahaan gaaraya 1,828 askari iyagoona qayb ka noqon doona hawlgalka midowga afrika ee Amisom. Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Uganda, General Wilson Mabadi, oo lahadladay ciidamadan kadib markii loosoo gabagabeeyay tababarka ayaa kula dar daarmay in si hufan ay ugutaan waajibaadkooda shaqo. “Waxaad ka tageesaan Uganda si aad u aadaan ugana biirtaan ciidamada xasilanaya Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda” ayuu hadalkisa sii raaciyay General Mabadi. Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka ee dalka Uganda ayaa sidoo kale dhankiisa kula dar daarmay in ay ciidamada tababarka loosoo gaba gabeeyay ay u shaqeeyaan si ay ku jirto Wadaniyad iyo Akhlaal. Tababarka saraakiishan ayaa waxaa ka qayb qaatay saraakiil Militari oo ukala dhalatay wadamada Holland, Britain iyo Mareykanka. Hawlgalka ciidamada Amisom ayaa lagu waday in guud ahaan dalka ay iskaga baxaan markii lagaaro horaanta sanadka 2021 iyadoona sidoo kale qorshuhu ahaa inta ka horeyso waqtigaasi in ciidamada nabad ilaalinta midowga ee Amisom loo dhimo si tartiib tartiib ah. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Qoraal digniin ah oo kasoo baxay Xafiiska Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto ; Zakiya Xuseen Axmed, ayaa lagu sheegay in laga billaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18/7/2019-ka,hareeraha Waddooyinka muhiimka ah ee Gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista Baabuurta. Taliska Booliska ayaa Muwaadininta G/Banaadir faray in ay feejignaan dheer ka yeeshaan goobaha ay dhiganayaan Gawaaridooda, iyadoo lagu wargelinayo in Baabuurkii meel la iska dhigo ay hay’adaha amniga la wareegi doonaan. Wuxuu taliska Booliska Soomaaliyeed ugu baaqay Muwaaddiniinta Gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka , si ay Shacabka ugu badbaadaan dhibaatada soo gaarta marka ay ka mid yihiin qaraxyada iyadoo la faray Bulshadu in Baabuurkii ay ka shakiyaan ay ku war geliyaan Ciidanka amniga , iyagoo wacaya 991 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. A total of 1,828 officers and men of UPDF comprising of UGABAG XXVIII and UNGU VI have on Wednesday 17 been flagged off to Somalia by Lt Gen Wilson Mbasu Mbadi, the Deputy Chief of Defence Forces, at Singo Peace Support Operation Centre in Nakaseke District. Source: Hiiraan Online
  17. Guddoomiyaha Aqalka sare , Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya , Benjamin James Fedner; iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee Dowlad gobolleedyada Dalka, gaar ahaan dedaallada Dowladda Federaalku ka waddo Galmudug iyo arrimaha Jubbaland oo ay doorashooyin ku soo wajahan yihiin dhowaan. Agaasimaha Xafiiska Guddoonka golaha guddiyada iyo habmaamuuska ee Aqalka sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in si qoto-dheer looga hadlay Jubbalaan iyo Galmudug oo ay xaalado kala duwan ka jiraan. Dowladda Ingariiska ayaa horey u sheegtay in ay kordhineyso taageerada ay siiso Soomaaliya iyo wada shaqeynta gaarka ah ee kala dhexeysa hay’adaha Dalka oo uu Barlamaanka ka mid yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-18072019.mp3 View the full article
  19. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xalay magacaabay Guddiga Qaban qaabada Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Galmudug. Guddigan ayaa ka kooban 12 Xubnood oo labo ay haween yihiin, Waxaana durba la hadal hayaa fadeexad culus oo ka taagan guddigaas. Inta badan guddigaan la magacaabay waa la Taliyaasha Xafiiska Ra’isulwasaare Kheyre iyo Madaxweynaha, waxayna taas muujisay qorshaha ay Dowladda ku dooneyso inay ku qabsato Galmudug. Sidoo kale Guddiga waxaa ku jiro ilaa 3 xubin oo matalayo Ahlu Sunna. Guddiga ayaa intooda badan ah shakhsiyaad aad u taageero Nabad iyo Nolol, waxaana durba qeylo dhaan kasoo muujiyey siyaasiyiin badan. Shabakadda Caasimadda Online ayey u suurtagashay inay hesho magacyada iyo qabiilada Guddiga la magacaabay iyo mid kasta shaqada uu qabto, waana sida hoos kaaga muuqato 1) Cabdiraxmaan Macalin Cabdillaahi Baadiyow,Wacaysle, La taliyaha Farmaajo 2) Maxamed Nuur Gacal, Murusade, La taliyaha Xafiiska Kheyre 3) Aadan Cusmaan Xuseen, Shiikhaal, La Taliyaha Xafiiska Kheyre 4) Maxamed Maxamuud Gacma-Dheere, Saleebaan, La Taliyaha Xafiiska Kheyre 5) Cabdikaafi Maxamed Maxamuud, Ceyr, Ahlu Sunna 6) Xasan Maxamed Jimcaale, Duduble, La Taliyaha Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal 7) Amb. Cabdi Xaaji Liibaan (Dhabancad) Sacad 8) Faadumo Axmed Caalin (Cureeji) Saruur, La Taliyaha Xafiiska Kheyre 9)| Cabdi Maxamed Jaamac, Mareexaan,La Taliyaha Madaxweyne Farmaajo 10) Mahad Aadan Guuleed, Mareexaan, Ahlu Sunna 11) Cabdullaahi Aadan Xaashi, Surre, Alu Sunna 12) Sahra Colaad Cabdi, Beesha Shanaad, La Taliyaha Xafiiska Kheyre, waana Xaaska General Bashiir Goobe Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dowlad gobaleedka Soomaaliyeed Jubbaland,ayaa soo saaray shuruudaha laga rabo mursharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynanaha Jubbaland. Warqad qoraal ah oo ka so baxday xafiiska guddiga madaxabanaan oo fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo, ayaa lagu sheegay ilaa dhowr qodob kuwaas oo laga rabo in ay soo buuxiyaan murashaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha dowled gobaleedka Jubbaland. Warqadaan ay soo saareen guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee Jubbaland ayaa loogu baaqan dhamaan murashaxiinta , in arjiyadooda.ay soo gudbiyaan laga bilaabo 16-7-2019-ka ilaa 22-7—2019-ka Halkaan ka aqriso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Jowhar (SMN ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha maamulkaasi Maxamed Maxamuud Cabdulle. Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa xilkaasi loogu magacaabay Cabdishakuur Abuukar Xasan. Xilka qaadista wasiir Maxamuud Cabdulle ayaa lagu sheegay in Hirshabeelle ay xillgan u baahan tahay isbeddel dhinaca Maaliyadda ah. Halkan hoose ka akhriso: View the full article