-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cabdirisaaq Cumar Faarax, Guddoomiyaha Hanti-dhawrka Puntland Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah xasaanadda siiyey Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka Guud ee Puntland Cabdirisaaq Cumar Faarax oo 8-dii bishan July magacaabay Madaxweyne Deni. Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka Guud ee Puntland ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay taariikh nololeedkiisa, wuxuu sameeyay dhawr balan-qaad oo ay kamid tahay la dagaalanka musuqmaasuq iyo hubinta kharash dawladda. Intaaas kadib 40 Xildhaaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa codka xasaanadda siiyey Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka Guud Cabdirisaaq Cumar Faarax. Ugu dambeyna Garyaqaan guud ee Puntland ayaa Baarlamaanka ku hor dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka. Hoos ka daawo khudbadii Guddoomiyaha Hanti-dhawrka iyo xasaanad siintiii Baarlamaanka PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo xasaanadda siiyey Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka appeared first on Puntland Post.
-
Egypt’s second-largest state bank, Banque Misr plans to enter Djibouti’s banking market as it bets on continued overseas expansion, chairman Mohamed Mahmoud Eletreby said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (SMN) – Guddiga doorashooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta shaaciyey shuruudaha laga rabo musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka maamulkaasi. War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in isdiiwaan gelinta ay ka bilaabaneyso maanta o Khamiis ah, kuna egtahay maalinta Sabtida ah oo ku beegan 20-07-2019-ka. Lacagta isdiiwaan gelinta ayey guddigu ku sheegeen $30,000 (Soddon kun) oo dollar oo laga doonayo ragga Musharraxiinta ah, halka haweenka bixinayaan $15,000 (shan iyo toban kun) oo doollarka Mareykanka ah. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Qoraal digniin ah oo ka soo baxay Xafiiska Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed, ayaa lagu sheegay in laga billaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18/7/2019-ka,hareeraha Waddooyinka muhiimka ah ee Gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista Baabuurta. Taliska Booliska ayaa Muwaadininta G/Banaadir faray in ay feejignaan dheer ka yeeshaan goobaha ay dhiganayaan Gawaaridooda, iyadoo lagu wargelinayo in Baabuurkii meel la iska dhigo ay hay’adaha amniga la wareegi doonaan. Wuxuu taliska Booliska Soomaaliyeed ugu baaqay Muwaaddiniinta Gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, iyadoo la faray Bulshadu in Baabuurkii ay ka shakiyaan ay ku war geliyaan Ciidanka amniga , iyagoo wacaya 991. Halkan hoose ka aqriso: DIGNIIN; Danta amniga awgeed laga Bilaabo manta taariikhdu tahay 18/07/2019 waxaa G/Banadir gaar ahaan wadooyinka halbowlaha ah laga mamnuucay dhigista baabuurta (parking). Muwadininta G/Banadir waxaa ka codsaneenaa in fejignaan dheer ka yeeshaan goobaha baabuurtooda dhigtaan. Waxaana lagu wargelinayaa in baabuurkii meel la iska dhigo ay heyadaha amniga la wareegi doonaan. Hadaba muwaadin la shaqey heyadaha amniga si aan dhammanteen u shacabka uwada badbaadino. Baabuurkii aad ka shakisid fadlan wac 991 kuna wargeli ciidanka amniga. #Mogadishu #SPF991 View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Guddiga Doorashada iyo xuduudaha ee dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta shaaciyay Jaantuska isdiiwaangelinta iyo shuruudaha doorashada Madaxweynaha. Warqadaha ka soo baxay Guddiga ayey ku sheegeen in isdiiwaangelinta musharrixiinta ka billaabaneyso maanta oo Khamiis ah kuna egtahay maalinta Sabtiga ah. Shuruudaha Musharrixiinta ayey sidoo kale shaaciyeen Guddiga waxaana ka mid ah bixinta lacag gaareysa $30,000 (Soddon kun) oo doollar. Sidoo kale waxaa shuruudaha ka mid ah musharrixiinta Haweenka ah in ay bixinayaan $15,000 (shan iyo toban kun) oo doollarka Mareykanka ah. Qodobada kale ayaa waxaa ka mid ah warqadaha dambi la’aanta, sawirro teesare ah iyo qorshaha musharraxa. Sidoo kale qodobada waxaa ku jiro inuusan isisoo sharixi karin musharax qabo naag ajnabi ah, waxaana la rumeysan yahay in qodobkaan lagu xakameenayo musharaxa Dowladda ay wadato Oomaar oo la sheegay inuu qabo xaas Ajnabi ah. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiyo Xuseen Axmed ayaa soo saartay digniin la xariirta amniga magaalada Muqdisho. Zakiyo oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Facebook-ga ayaa sheegtay in maanta oo ah 18-07-2019-ka laga bilaabo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista baabuurta. Sidoo kale waxa ay ka dalbatay wadayaasha gaadiidka in ay feejignaan dheer ka yeeshaan goobaha ay dhigayaan gaadiidkooda. Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ayaa intaasi ku dartay ciddii u hoggaansami weyso amarkan in gaariga ay kala wareegi doonaan hay’adaha amniga. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada ee mararka qaar ka dhaca gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Halkan hoose ka aqriso qoraalka: DIGNIIN; Danta amniga awgeed laga Bilaabo manta taariikhdu tahay 18/07/2019 waxaa G/Banadir gaar ahaan wadooyinka halbowlaha ah laga mamnuucay dhigista baabuurta (parking). Muwadininta G/Banadir waxaa ka codsaneenaa in fejignaan dheer ka yeeshaan goobaha baabuurtooda dhigtaan. Waxaana lagu wargelinayaa in baabuurkii meel la iska dhigo ay heyadaha amniga la wareegi doonaan. Hadaba muwaadin la shaqey heyadaha amniga si aan dhammanteen u shacabka uwada badbaadino. Baabuurkii aad ka shakisid fadlan wac 991 kuna wargeli ciidanka amniga. #Mogadishu #SPF991 Ammaanka Muqdisho oo ay haatan si weyn u sugayaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo iyo dilal ay geystaan Al-Shabaab. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxwaynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa arbacadii wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland. Ugu horeyn, taliyahii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Adimral Faarax Qare oo Goobjoog News kala hadlay sharci ahaanta madaxweyne inuu shaqo u diro xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo ah hey’ad ka madaxbannaan fulinta ayaa difaacay tilaabadaas, isaga oo intaasi raaciyey in ay tahay “ad hoc committee” ama guddi qabanaya shaqo gaar ah, waqti gaaban, howshuudana xadidan tahay, sidaasi darteedna uu madaxweynaha xaq u leeyahay inuu sidaasi sameeyo. Dad badan ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay khibradda guddigan la magacaabay iyo kartidooda ku aadan ka miro dhalinta wada hadallada iyo midnimo lala gaaro mar kale Somaliland. Haddaba, Wax Ka Baro, Taariikhda Shakhsiyaadka uu Magacaabey Madaxweyne Farmaajo: Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo guddoomiyaha guddiga, waxaa oday da’a ah, waxaa uu 1964-tii ahaa tarjubaanka baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo afaf badan wax ku qori jiray ilaa markii dambe xukuumaddii Cali Maxamed Geedi ee madaxweyne Cabdullahi Yuusuf oo ka noqday wasiirka arrimaha dibadda, hadda waxaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. Dadka qaar ayaa ku dhaliilo go’aanno uu horay uga qaaday siyaasadda iyo shakhsiyadiisa. Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), Waa nin da’ ah, waxaa uu soo noqday Komandos, Taliyaha guul-wadeyaasha, Safiirka Soomaaliya ee dalalka Masar, Sacuudiga iyo Djibouti, waxaa kale uu noqday wasiiru-dowle, markii ay dowladdii Maxamed Siyaad dhaceysay waxaa uu ahaa taliyaha booliiska Soomaaliyeed, waxaa kale uu qabay gabadhii Maxamed Siyaad Barre. Waxaa isna lagu dhaliilaa in aanu aheyn qof adag, oo dhiifoon. Maxaa Kale Oo Aan Ka Naqaanaa Dadka Guddigan Ku Jira: Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow) : Waxaa uu dhashay 1954, waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaa uu wax ku soo bartay jaamacadda Odesa ee Ukrain, waxaa uu Macalin ka ahaa Jaamacadda Gaheyr, kadib markii dambe waa goostay waxaa uuna Jaamacadda Magel ka diyaariyey cilmiga taariikhda PhD ayuu heystaa. Waxaa lagu dhaliilay iney ku yar tahay khibradda diblomaasiyadda iyo wada hadalka. Dr.Cali Siciid Fiqi: Waxaa uu noqday Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Faransiiska, Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub, February 16, 2017, madaxweyne Farmaajo ayaa si KMG ah ka dhigay agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, waxaa uu ka soo shaqeeyey UNESCO iyo ururo kale, Bare ayuu ka noqday University of Palermo, Italy, waa uu PhD ka qaaday Leipzig University. Waxaa lagu dhaliilay fudeyd iyo xanaaq. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse: Waxaa uu PhD ka heystaa cilmiga ciidanka, waa waayo arag, soo bartay istaraatiijiyadda, 1987-dii waxaa uu soo noqday taliyaha booliiska Soomaaliyeed isaga oo ugu horeeyey Guulwade. Isaga iyo ninka dambe waxaan la ogeyn iney saameyn doonto ka tirsanaanta ciidanka iyo haddii ay geysteen wax caburin ah xilligii ay ahaayeen taliyeyaasha ciidamada booliiska. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli): Waa shakhsi muddo ku soo jiray siyaasadda, waxaa uu horay u soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda iyo sidoo kale duulista hawada Soomaaliya, baarlamaanka 10-aad waxaa uu ka mid noqday xildhibaannada golaha shacabka. Waxaa isna lagu dhaliilay go’aanno badan uu ka qaatay siyaasadda arrimaha dibadda gaar ahaan dhanka Itoobiya. Ugu dambeyntii, Shakhsiyaadkan uu hadda xulay madaxweyne Farmaajo waxaa ay ka duwan da’a ahaan iyo aqoon ahaanba kuwii ay Somaliland diiday iney hor fariisato March 2015-kii, lamana oga sida ay uga fal-celin-doonaan, laakin khubaro la hadlay Goobjoog News ayaa ku taliyey in marka hore ay haboon yahay in laga wada hadlo “wada hadalka”, lagana bilaabo wax la isku raacsan yahay, oo siyaasadda aan lagu bilaabin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Isku soo bixii ugu horeeyey ee Madaxweynaha dalka Maraykanku Donald Trump uu ku doonayo in dib loogu doorto mar kale sanadka 2020 ayuu dib ugu cusboonaysiiyey dagaalka dhinaca midabka oo uu ku qaaday afarta balood eek u jira aqalka Kongres-ka dalka Maraykanka. Waxaana dad taageersan Madaxweynaha dalka Maraykanka ay ku qaylinayeen “Dib iyada u celi’ “Send her back!”, waxaana afarta hablood ee dagaalka uu kula jiro Madaxweynaha dalka Maraykanku ka mid ah gabadha ku dhalatay Somalia ee Ilhan Omar oo laga soo doorto Minnesota. Madaxweynaha dalka Maraykanku waxa uu carabka ku dhuftay xili uu taageerayaashiisa uu kula hadlayey Greenville ee North Carolina arbacadii shalay wuxuu sheegay in ay iska tagi doonaan hadii aanay jeclayn Maraykanka iiyo siyaasadihiisa ku wajahan Muhaajiriinta iyo difaacida Israel. Hase yeeshee hadaladan iyo dagaalkan ka dhanka ah Afarta Hablood ee ku jira Aqalka Congress-ka ayaa keenay cambaarayn xoogle oo Madaxweyne Donald Trump disha loo saaray inuu u dhaqmayo hab cunfi iyo cunsuriyadi ay ku dheehan tahay. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Maraykanka Joe Biden oo ka mid ah masuuliyiinta si weyn u cambaareeyey hadalada cunsuriyada ah ee Madaxweynaha dalka Maraykanka ka soo yeedhaya ayaa tilmaamay in hadalada noocaas ahi aanay dhisaynin America Balaadhan, waxaanu hadal qoraal ah oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka uu ku sheegay in “Xubnaha Congress-ka – ee ah caruurtii muhaahiriintu, ee sida kuwo badan oo inaga mid ahi – waxa ay tusaale u yihiin waxa Maraykanka ka dhiga Mid weyn,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Maraykanka Joe Biden. Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xilka ka qaaday wasiirka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha maamulkaasi Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu shaaciyey in gabi ahaan xilkii looga xayuubiyey wasiirkaasi. Sidoo kale Digreetadan ayaa lagu magacaabay in wasiirka cusub uu noqdo Cabdishakuur Abuukar Xasan. Sababta xilka looga qaaday wasiir Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa lagu sheegay n Hirshabeelle ay haatan u baahan tahay isbeddel dhinaca Maaliyadda ah. Dhinaca kale warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa ku warramaya in muddooyinkii la soo dhaafay uu jiray khilaaf xoogan oo u dhexeeyey wasiirka xilka laga qaaday iyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Arrintaasi ayaa la sheegay inay isoo dadajisay in la Eryo wasiirkii Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha ee dowlad goboleedka HirShabelle. Halkan hoose ka Aqriso: Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dawlada Punntlan ayaa magaalooyinka Buurtinle iyo Xarfo ku qabatay shirar wacyigelin ah oo ku saabsan baahinta shuruucda, siyaasadaha iyo xeerarka deegaanka ee ay diyaarisay wasaarada Deegaaka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada, shirarkaas ayaa waxaa loo qabtay qaybaha kaladuwan ee bulshada gaar ahaana dadka kudhaqan deegaanada hoosyimaada degmooyinkaas iyo Miyigaba. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Mudane, Maxamed Xassan Ciise iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” ayaa hogaaminayey soo bandhigida siyaasadaha deegaanka ee ay wasaaraddu u gudbinaysay bulshada waxaana ay bulshada ku dhaqan deegaanadaas kula dardaarmeen inay bartaan xeerarka iyo siyaasadaha kaladuwan ee ay Wasaaraddu soo bandhigtay. Wasaaradda ayaa intii ay socdeen shirarkaan baahinta Siyaasadaha iyo xeerarka kaladuwan ee deegaanka waxay bulshada usoo bandhigtay Siyaasada Maaraynta daaqa, xeerka laalinta deeganka, Siyaasada Ilaalinta deegaanka Puntland. Iyo Sharciga sahminta saamaynta Deegaanka (EIA), dhanka kale bulshada ayaa soo bandhigay xeerar dhaqameedkeeda kaladuwan ee ay ku ilaashadaan deegaanka waxaana gabagadii tababaradaas la mideeyey dhamaan shuruuc dhaqameedka bulshada iyo siyaasadaha dawlada ee ku aadan ilaalinta iyo maaraynta Deegaanka. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Deegaanka oo wacyigelin ku saabsan baahinta shuruucda iyo xeerarka Deegaanka ku qabatay Buurtinle iyo Xarfo appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa saaka xil muhiim ah u magacaabay mas’uul horay uga tirsanaa maamulka Somaliland, kaas oo dhawaan u soo goostay dhinaca dowlad goboleedka Puntland. Deni ayaa Cali Xuseen Maxamed u magacaabay guddoomiyaha gobolka Sanaag, iyadoona ku xigeenkiisa loo magacaabay Jaamac Cabdullaahi Cali, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Cali Xuseen Maxamed ayaa horay u ahaa guddoomiyaha degmada Badhan gobolka Sanaag ee Somaliland, balse waxa uu dhawaan ku soo biiray maamulka Puntland. Halkan hoose ka aqriso: Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr44, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay guddoomiyeyaasha iyo ku xigeenada gobolka Sanaag. Madaxweynaha maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyay: Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Somaliland iyo Puntland waxaa ka dhexeeya muran xoogan, kuwaas oo isku haya maamulka qeybo ka mid ah gobollada Sanaag iyo Sool ee waqooyiga Soomaaliya. Labadaani maamul oo daris ah ayaa sidoo kale marar badan ku dagaalamay gobolladaasi oo ay weli isku hor fadhiyaan Ciidamadooda. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
-
Bil ka dib waxaa lasoo xeray tartankii Da’yarta ee Muqdisho Talent Youth Cup kaasoo oo ka socday garoonka kooxda Munashiibiya ee degmada Warta Nabada waxaana ka qeybgalay 32 koox oo ka kala socoday 17-degmo. Xeritaanka tartanka waxaa kasoo qeyb galay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdriraxmaan Cusmaan Yariisow wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye,guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xiriirka kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed maamulka ciyaartooyda macaliiminta iyo taageerayaasha naadiga dowladda hoose iyo sidoo kale madaxda degmada Warta Nabada. Guddoomiye ku xigeenka naadiga Muqdisho City Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji Dacar ayaa u mahad celiyay kooxihii tartanka ka qeybgalay,isagoo sheegay in ay joogteen doonaan sanad kasta tartamadan oo kale. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xiriirka kubbadda cagta dalka Cali Cabdi Maxamed Cali shiine ayaa qaban qaabadan tartankan kaga mahad celiyay maamulka naadiga Muqdisho City,isagoo intaa ku daray in dhallinyaradii laga helay ciyaaryahan ay ka mid noqondoonaan horomarka kubadda cagta Soomaaliya. Saddex koox ee ku guulaystay heerarka kala duwan ee tartanka Muqdisho Talent Cup ayaa ciyaartooydii soo gaarsiiyay heerka gabgabada Goobjoog u sheegay in ay ka qeyb galeen ciyaaro xiiso leh oo xamaasad badan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay horomarka ciyaaraha kala duwan ee ka socoda degmooyinka Gobolka ka maamul ahaan ay qaateen siyaasad ah horomarinta iyo gar istaagida dhallinyarada jecel xirfada isboortiga. Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa bogaadisay da’daalka ayaa caasimada ka wadaan naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club dhallinyarada kasoo baxday ciyaaryahan iyo kuwa kale oo ka socda degmooyinka Gobolka lagu gaabi doono kooxaha iyo xulka qaranka. Si kastaba heerka afar iyo toban jirada ee Muqdisho Talent waxaa ku guulaystay da’yarta Muqdisho oo ka dhisan degmada Warta Nabadda, heerka 17-jirada waxaa iyagana hantay kooxda Badbaado oo ka dhisan degmada Kaaraan ,halka 11-jirada ay iyagan guulaysteen dayarta Muqdisho City Club oo ka aas aasan degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xeritaanka Tartanka Da’yarta Muqdisho Talent Cup 2019 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
The UN mission in Somalia has honored soldiers of United Nations Guard Units (UNGU) for distinguished service in the Horn of Africa nation. The soldiers, belonging to UNGU 5, were awarded the United Nations Medal for Special Service, normally conferred to military and police personnel who have served the UN with distinction, the UN mission in Somalia said in a statement issued in Mogadishu on Wednesday. James Swan, special representative of the United Nations Secretary-General for Somalia and head of the United Nations Assistance Mission in Somalia who awarded the medals lauded the collaboration existing between the UN security teams and the African Union Mission in Somalia (AMISOM) personnel in Somalia. Swan added that the close working relations had contributed immensely in improving security in Somalia. “Your work in protecting the United Nations in Mogadishu allows us to do our work in support of the Somali people. You have made contributions to these efforts directly and indirectly,” said Swan. James Lakara, AMISOM deputy force commander lauded the contingent for delivering on their tasks despite the challenges they faced. “This contingent has delivered on its tasks and I take this opportunity to congratulate members of UNGU 5 for a job well done,” said Lakara. The UNGU troops provide protection to UN civilian personnel, UN facilities, and installations in Somalia. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag u dhaliilay guddiga dib u heshiisiinta Galmudug oo uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye. Fiqi ayaa su’aal ka keenay habkii loo magacaabay guddigaasi oo ka shaqeyn doono qaban qaabada iyo diyaarinta shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Wasiir Sabriye mar welibo uu soo saaro go’aanno iyo warqado, sida ay rabto ah xukuumadda Soomaaliya. Waxa kale oo uu shaaciyey in inta badan xubnaha guddiga ay Mushaar ka qaataan xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. “Wasiir Sabriye waa nin is-hafraya, wasaaraddiisuna waxay noqotay mid waraaqaheeda sidii la rabo wax loogu soo qorto, guddiga dib uheshiisiinta Galmudug lagu sheegay marka laga reebo dhowr qofood, intooda badan waxey ka tirsan yihiin xafiiska Khayre oo mushaari ka yihiin.”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi Axmed Macalin Fiqi oo hadalkiisa sii watay ayaa shaki galiyey guddigan, isaga oo xusay in aysan waxba soo kordhineyn, islamarkaana uu ka Shaqeyn doono kaliya danaha dowladda dhexe Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu intaasi raaciyey inuu rajeynayo in aysan horseed u noqon kala geynta shacabka ku dhaqan deegaanada dowlad goboleedka Galmudug. “Ma Galmudug danaheeda ayay ka shaqeynayaan mise danaha Khayre ka leeyahay GM? waxaan rajaynayaa in aysan horseed u noqon kala geynta dadka Galmudug.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli xukuumadda Soomaaliya ay guullo waa weyn ka gaartay arrimaha Galmudug, islamarkaana ay haatan ku howlan tahay qaban qaabada iyo sida loo wajahayo doorashada guud ee maamulkaasi. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Unknown gunmen have shot and killed a tribal elder in central Somalia on Wednesday night, police and witnesses said. The elder, Abdullahi Abdirahman was gunned down by assailants armed with pistols in the troubled southern Galkayo town, the regional capital of Mudug. The killers managed to escape the scene before the arrival of the local security forces. No group has yet claimed responsibility for the apparent assassination. The town which straddles the border between Galmudug and Puntland has been the scene of rising killings and frequent rape in the past few months. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wararka aanu ka helayno halka ay marayso Waan waantii u dhexaysay Xukuumadda iyo Jabhaddii Kornayl Caarre ayaa sheegaya in aan wali la isla meel dhigin heshiis rasmi ah oo ay labada dhinac ku qancaan, waxaana laga cabsi qabaaba inuu mar kale dagaal dhaco. Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa daaha ka rogay in Gudiyaddii hawshaasi gacanta ku hayay ee u kala dab qaadayay Xukuumadda iyo Jabhadda kornayl Caare aanay wali ka midho dhalin waan waanta, waxaana lasoo sheegayaa in shuruudo aad ukala fog lakala taagan yahay. Ergaddan ayaa la sheegay inay Madaxweyne Biixi u soo jeediyeen innuu saddexdan arimood ugu horayn sameeyo. 1 – Inuu Soo Saaro Qoraal saamaxaad ufidin ah oo heer madaxweyne ah islamarkaana uu u gudibiyo Hay’addaha ay khusayso sida Taliyaha Ciidamada Qaranka, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Garyaqaanka Guud ee QARANKA, Lana Wargeliyo Xeer Illaaliyaha Guud 2- Inuu gaadiidka iyo Hubka Jabhadda qoraal ku soo saaro inuu lacagtooda bixinayo. 3- Iyo Inuu Gudi Madax bannaan u wakiisho Caarre oo wixii ay soo go’aamiyaan uu fulinayo, kulana dhaqmayo Caarre. Warar lagu kalsoon yahay ayaa Waxa sidoo kale noo sheegeen in Madaxweyne Muuse saddexdaasi Shuruudoodaba ganafka ku dhuftay, islamarkaana uu gudida faray inuu bilaa shuruud Caarre Ciidanka Qaranka Iskugu soo dhiibo saacado kooban gudahood. Wararkan ayaa intaasi ku daray inay Xukuumaddu sidoo kale Ciidamo badan ku daad gurayso Buurta Kulmiye oo Jihadda BARI 50km ugu toosan Ceerigaabo halkaasi oo uu fadhiisin ka dhigtay Kornayl Caare. Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in xoog looga cabsi qabo inuu dagaal mar kale ka dhex qarxo Ciidanka Qaranka iyo Jabhadda Caare. Wixii ka soo kordha la socda warkan kala soco Somalilandtoday.com Source
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa gudoomiyaha gobolka Sanaag u magacaabay Cali Xuseen Soomaali. Cali ayaa hore u ahaa guddoomiyaha gobolka Badhan ee Somaliland laakiin, wuxuu qayb ka ahaa siyaasiyiin iyo ciidamo Somaliland dhawaan ka goostay oo u galay maamulka Puntland. Wareegto uu soo saaray Siciid Deni ayaa u dhignayd sidan:- Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Source
-
The Federal government of Somalia has started efforts to kickoff reconciliation conference to bring together various political groups in Galmudug state ahead of planned regional elections. The office of the Prime Minister through the Interior Ministry has named twelve-member technical committee on Wednesday to spearhead the process. They include ten men and two women. Statement from the Ministry of Interior, federal affairs and reconciliation said the government has decided to put in place a technical committee considering various challenges facing the state. “Following consultation with the members of the both upper and the lower house of parliament from the Galmudug state, traditional elders while considering the upcoming elections and the security challenges, the ministry has decided to establish a committee to work towards reconciliation meeting.” The statement said. The statement from the Ministry of Interior further said official from the ministry will closely work with the organizing committee on achieving the groundbreaking reconciliation conference scheduled in Dhusamareb, the administrative capital of the state. The main task of the committee will be bringing together various delegates from communities residing in the state while working towards the realization of a long-lasting solution on contentious issues surrounding political-cultural difference in the area. View the full article
-
(SLT-London)-Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka UK ayaa ammaanay tallaabadii Golaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham ay ku aqoonsadeen dhawaan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Mudane Stephen Doughty wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi uu yeeshay Baarlamaanka Ingiriisku, waxaanu xildhibaanku bartiisa Twitterka ku baahiyey inuu fursad u helay inuu bogaadiyo Golaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham isla markaana uu baarlamaanka UK ku booriyey inay ku soo biiraan Magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlet oo hore u soo jeediyey in la ictiraafo Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo uu Stephen Doughty oo ka mid ah saaxiibbada Somaliland uu Baarlamaanka Ingiriiska ka sheegay in qurba jooga Somaliland ee ku nool UK ay taageero ka geysteen horumarka iyo ganacsiga Somaliland. Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska Mr. Rory Stewart ayaa isna fadhigaas ka xaqiijiyey in qurbajooga Somaliland ee UK ay si xoogle ugu ololeeyaan Somaliland, waxaanu tusaale u soo qaatay inay ka hawlgalaan sidii Somaliland u xakameyn laheyd Gudniinka fircooniga ah. Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska wuxuu xusay in Jaaliyadda Somaliland ee UK ay dalkooda ka saacidaan sidii ay u geyn lahaayeen khubarro gacan ka geysata mashaariic ka socda Somaliland. Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Waa markii labaad ee Xildhibaan Stephen Doughty uu muddo laba bilood gudahood ah Baarlamaanka Ingiriiska ku soo hadal qaado Qaddiyadda JSL. Cumar Maxamed Faarax Source
-
(SLT-Masar)-Saraakiisha Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in Maleeshiyo gacan-saar la leh Kooxda Daacish ay 4 qof surka kaga gooyeen Waqooyiga Gacan-biyoodka Siinaay. Maleeshiyadda ayaa la sheegay inay shalay weerareen koox dad ah oo ku sugnaa Degmadda Yar ee Bir Al-abdi, kadibna ay qoorta ka gooyeen 4 qof, halka qof 5-aad ay hore u afduubteen. Wararka waxay sheegeen in Dhibanayaasha la dilay iyo midka la qafaashay ay Maleeshiyadda ku tuhmeen inay la shaqeeyaan Ciiddanka Ammaanka ee dowladda Masar. Maleeshiyadda taabacsan Kooxda Daacish waxay ka hawl-galaan inta badan Deegaanadda ku teedsan Lama-degaanka Gacan-biyoodka Siinaay, waxayna beegsadaan Ciiddanka Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi. Source
-
(SLT-London)-Dibadbax ay dad badan ka qeyb galeen oo caddaalad loogu dalbanayo gabadh yar oo Soomaali ah ayaa ka dhacay magaalada London. Gabdha yar ee caddaaladda loo raadinayo ayaa dhawaan geeriyootay, waxaana qoyskeedu ay sheegeen in dhimashadeeda ay ka dambeysay dhibaateyn badan oo loogu geystay Iskuulkii ay dhiganeysay. Shukri Cabdi ayaa la sheegay in muddo dhowr bilood ah lagu dhibaateynayay goobtii ay waxbarashada u joogtay. Boodhadhka ay mudaharaadeyaasha siteen ayaa lagu qoray erayo caddaalad loogu raadinayo Shukri Dadka dibadbaxa ka qeyb qaadanayay ayaa iskugu tagay bannaanka hore ee xafiiska ra’iisul wasaaraha UK. Waxa ay sidoo kale ku wareegeen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada, iyagoo sitay boodhadh uu ku qoran yahay halkudhigga ka turjumaya ujeeddada mudaharaadka. Meydka Shukri ayaa 27-kii bishii Juun laga helay wabiga Irwell, kaddib markii ay boolisku sameeyeen howlgal baadigoob ah. Hooyadeed oo lagu magacaabo Zamzam Tuure ayaa qeylo dhaan u gudbisay laamaha ammaanka, markii ay gabadheeda iskuulka kasoo laaban weyday. Source
-
(SLT-Pakistan)-Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada ayaa ku amartay dowlada Pakistaan inay u ogolaato qunsuliyada Hindiya inay la kulanto Kulbhushan Jadhav oo lagu helay in uu howlo basaasnimo ah u Joogay dalka Pakistaan. Garsooraha Maxkamada ICJ Cabdiqawi Axmed Yusuf oo gaadhay xukunka Arbacadii shalay ayaa dhanka kale diiday dalab ka yimid Hindiya oo ahaa in meesha laga saaro xukunka ay Maxkamada millatari ee Pakistaan ku riday Jadhav. Maxkamadda ayaa dhanka kale amartay in dib loo dhigo waqtiga xukunka dilka ah iyada oo ku saleysay in Pakistaan ay ku xadgudubtay xuquuqda ay u laheyd qunsuliyada Hindiya inay doodo Muwaadinkeeda. Dhanka kale dowlada Pakistaan ayaa meesha ka saartay eeda ah inay diiday in ninkaan uu helo qareeno u dooda maadaama uu galay fal argagixiso oo ka dhan ah Jiritaanka Pakistaan. Garsoori Cabdiqawi ayaa sheegay in sharciga heshiiskii Viena qodobka 36-aad ee xiriir wanaaga uu muujinayo in arintaan ay ku dabaqeen si loo wadahadlo ka hor inta aan xukunka la Gaarin. ICJ ayaa sheegtay in diblumaasiyiinta Hindiya ay xaq u leeyihiin in xabsiga ay ku soo booqdaan Mr Jadhav. Xukunkaan ayaa waxaa soo dhaweeyay Ra’isul wasaaraha Hindiya Narendra Modi waxaana uu u hanbalyeeyay Maxakamada ICJ kadib qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka. Dhanka kale wasaarada arimaha dibada ee Pakistaan ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay galabta sheegtay in Kulbhushan Jadhav oo ah sargaal ka tirsan milatariga Hindiya uu dalkooda ku soo galay isaga oo aan wadan ogolaanshaha dal ku Galka. Pakistaan ayaa intaa raacisay in Jadhav uu watay aqoonsi been abuur ah oo ku qoran yahay magaca ah Xuseen Mubaarak Patel. Xukuumada Islamabad ayaa intaa raacisay in la daweyn doono Jadhav oo dowlada Delhi ay sheegtay in uu xanuunsan yahay, balse uu xidhnaan Doono. Kulbhushan Jadhav ayaa lagu eedeeyay in uu mas,uul ka ahaa weeraro dhiig badan ku daatay oo ka dhacay dalka Pakistaan, iyadoo natiijada laga dhaclay ay aheyd in uu agoon ka dhigay caruur aad u yar yar, halka sidoo kale ee carmalo ku noqdeen dumar Badan. Sargaalkaan oo horay uga mid ahaa milatariga Hindiya ayaa bishii March ee sanadkii 2016-kii ciidanka amniga Pakistaan waxay ku xireen gobolka Balochistan. Bishii April ee sanadkii 2017-dii ayaa maxkamad Millatari oo ku taal dalka Pakistaan waxay ku xukuntay dil toogasho, balse Hindiya ayaa dacwad u gudbisay maxkamada cadaalada ee ICJ waxaana ay xukunkaan ku sheegtay mid aan cadaalad Aheyn. Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo ka warbixinayey kulan uu shalay la qaatay ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swam ayaa sheegay inuu u gudbiyey dacwad ka dhan ah dowladda Itoobiya. Waare ayaa tilmaamay in dacwadda ay gudbisay HirShabelle ay la xariirto Webiga Shabelle ee mara deegaanada maamulkaasi. Wuxuu carabka ku duftay in Itoobiya ay xirato Webiga marka uu biyo yareeyo, islamarkaana ay soo deyso marka uu buuxsamo , taas oo keenta in fatahaad ay ka dhacdo gobollada Hiiraan iyo Shabeelah Dhexe. Madaxweyne Waare ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinkaasi iyo kuwa kale oo ka jira HirShabelle uu hordhigay James Swam, islamarkaana uu rajeynayo in dhammaan wax laga qabto arrimahaasi. Dhinaca kale waxa uu shaaciyey inay ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen amniga, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo siyaasadda. Ugu dambeyn wuxuu xusay in ay isla garteen in la qabto wada-hadallo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
(SLT- Kyoto)-Ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyooday, ku-dhawaad 40 kalena wey dhaawacmeen, kadib markii uu saaka dab ka kacay Dhismo Istuudiyo lagu sameeyo Filimadda Dhaqdhaqaaqa ee (Cartoons) oo ku yaalla magaalada Kyoto ee dalkaasi. Boliska waxay sheegeen in Nin 41-jir ah ayaa lagu tuhunsan yahay inuu wax dareere ah ku buufiyey Dhismaha Istuudiyaha oo ka kooban 3 Dabaq. Ninka lagu tuhunsan yahay inuu bilaabay dabka ka kacay dhismahaasi waxa uu ka mid noqday 40-kii qof ee ku dhaawacmay shilkaasi, kuwaasi oo ay Ciiddanka Boliska u gudbiyeen Cisbitaalladda, si loogu soo daaweeyo. Warbaahinta dalkaasi waxay Booliska ka soo xigteen in 10 qof oo mayd ah laga helay Dabaqa 2-aad ee Dhismaha. Abaarihii 10-kii iyo badhkii subaxnimo ee saaka Xilliga dalka Japan ayuu dabku ka kacay Dhismo Istuudiyaha oo ay leedahay Shirkadda farsameeysa Filimadda Dhaqdhaqaaqa ee Kyoto Animation Company. Source