-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Goor sii horreysay oo maanta ah waxaan qornay war ku saabsan in idaacadaha Muqdisho qaarkood oo gaaraya ilaa afar looga yeeray xarunta NISA. Warkaas oo ay na siiyeen ilo-wareedyo, waxaa maamulka NISA iyo idaacadahaba ay xaqiijiyeen inuusan jirin. Waan ka cudur daaranaynaa qaladkaas. Maamulka Caasimada Online
-
Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo islamarkaana ay ka mid yihiin Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Sharmarke garaad suleymaan iyo Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle oo ah marwada Guddoomiyaha golaha shacabka oo maanta soo gaaray Magaaladda Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka puntland,waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada puntland. Shir jaraa’id Oo ay si wadajir ah ugu qabteen qeybta nasashada ee garoonka ayaa Guddoomiyaha wakiilada ee Dowlad Goboleedka Puntland waxa uuu garoowe kusoo dhoweeeyay wafdigan. Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Sidoo kale ka hadlay ujeedka socdaalka isaga iyo wafdigiisa ee Magaaladda tan garoowe Garoowe. Wafdiga Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa mudada ay joogaan Magaaladda tan Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka puntland ayaa waxa ay kaga qeyb geli doonaan Xuska markii la aas aasay Dowlad Goboleedka Puntland iyo sidoo Kale xiritaanka fadhiga 44-aad ee golaha wakiilada Dowlad Goboleedka puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa u yeeray madaxda Afar Idaacad oo ku yaalla magaalada Muqdisho maalintii shalay oo ay Taariikhda ku beegneed 28-kii July sanadka 2019. Agaasimiyaasha Idaacadahaan ayaa tagay Xarunta Ciidamada Nabada Sugidda Soomaaliya ee Habar Qadiijo oo aheyd halkii laga wacay, waxaana la sheegay in markii dambe lagu wargeliyay in kulankaas baaqday balse ay diyaar noqdaan markii loo yeero. Idaacadaha loo yeeray ayaa kala ah Radio Kulmiye, Radio Goobjoog, Radio Shabeelle iyo Idaacadda Qaranka ee Radio Muqdisho, oo u muuqato in la isaga soo daray islamarkaana uu ujeedka yahay Warbaahinta kale. Warbaahinta madaxda banaan ee loo yeeray islamarkaana kala ah Radio Kulmiye, Goobjoog iyo Shabeelle ayaa ah kuwa loogu dhageysi badan yahay magaalada Muqdisho, waxaana maalmihii la soo dhaafay ka baxayay warar ku saabsan weerarkii Xanuunka badnaa ee ka dhacay Xarunta Gobalka Banaadir. Agaasimiyaashaan oo aan lahadalnay ayaa noo sheegay in aysan ogeyn sababta loogu yeeray balse dorraad galab lagu wargeliyay in ay yimaadaan Xarunta NISA islamarkaana ay la kulmiyaan madaxda hay’adda. Inkastoo kulanka uu baaqday haddana loo sheegin xiliga xiga ay kulmayaan ayaa hadane waxay walaac ka qabaan ujeedka loogu yeeray iyo waxa laga rabo. Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed muddooyinkii ugu dambeeyay kama mid aheyn Talisyada dadka iyo Warbaahinta Caburiya mana jirin tabashooyin ka soo baxay Warbaahinta iyo qaybaha kale ee Bulshada basle waxaa aad looga cawdaa Taliska qaybta Booliiska Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Maamullka Somaliland Muuse biixi Cabdi ayaa maanta cafis u fidiyey maxaabiis Burcad badeed Soomaali ah oo laga soo wareejiyey dalka Seycheles waxaa ayna ku xukunaayeen xabsiyo kala duwan kadib markii lagu helay falal Burcad badeednimo ah mudana ay xabsi ku soo qaateen Seycheles. Maxaabiistan madaxweynuhu cafiska u fidiyay ayaa tiradoodu gaareyso 19 maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiis wadanka Seycheles lagu xukumay balse markii dambe loo soo wareejiyay xabsiyo ku yaal Somaliland si ay ugu dhamaystaan xabsigii lagu xukumay. Haddaba, Qoraalka Madaxweynaha wuxuu u qornaa: “Markaan Arkay: Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012, Qodobkiisa 16aad iyo Qodobkiisa 20aad xubintiisa 2aad; oo dhigaya in Madaxweynuhu cafis u fidin karo maxaabiista laga soo wareejiyey Dal kale, si la mid ah awoodaha cafiska ee ku tilmaaman Qodobka 90aad, faqradiisa 5aad ee Dastuurka Somaliland;” “Markaan Arkay: Maxaabiista u xidhan falalka budhcad-badeednimo ee lagu soo xukumay dalka Seychelles ay Somaliland u aqbashay xabsi ku hayntoodu ay ahayd in ay ka qayb-qaadato dadaalladii Caalamiga ahaa ee la dagaalanka budhcad-badeedda, oo halis wayn ku hayay Bad-weynta Hindiya iyo Badda Cas.” Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis gaara u fidiyo Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xiran falalka Budhcad-badeednimada, kuwaas oo kala ah: 1) Maxamed Axmed Ciise 2) Cadow Cali Cismaan 3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi 4) Axmed Cali Cismaan 5) Axmed Cali Siciid 6) Maxamed Axmed Cali 7) Bashiir Khaliif Xaashi 8) Cabdirisaaq Maxamed Cali 9) Cabdifataax Axmed Xasan 10) Nuur Maxamed Aadan 11) Jamaal Maxamed Cali 12) Cali Maxamed Cali 13) Cabdillaahi Maxamed Xasan 14) Cabdi Tahliil Xasan 15) Daahir Cabdillaahi Warsame 16) Cabdiqaadir Cabdi Cali 17) Cabdinuur Xaaji Aadan 18) Maxamed Maxamuud Xasan 19) Abuukar Axmed Ciise Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si adag uga hadlay ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo lagu laayey degmada Ceel-Afweyn. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay inaysan marnaba u dul-qaadan doonin in macno la’aan lagu laayo ciidamada Somaliland, isla mrkaana talaabo adag laga qaadi doono cidkasta oo isku dayda inay waxyeelo u geysato ciidamada. Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Waxan tacsi u dirayaa ciidankii qaranka Booliska ee lagu laayey Ceel-Afweyn, oo aan la garaneyn sababta loo laayey, kuwii dhintay Allaha u naxariisto, kuwa noolna Allaha noo cafimadiyo”. “Garan mayno wax ciidankaa lagu laayey, wax dhibaato ah oo ciidankaas iskugu yimaadan oo lagu laayo oo maanta la qiri karaa ma jirto, cisho dhoweyd unbey aheyd markii hore loo laayey Saraakiishii booliska ee jeelka iyagana wax lagu laayey la garaneyn”. “Waxaa la yaab leh in Cid ama Reer uu ciidanka qaranku si dhib yar iskaga laayo, dabadeetana haddii qaranku dul-qaato uu yidhaahdo bal ‘nabada ha la ilaaliyo oo halkan ha loo wareego’ inay noqoto wado xalaala in ciidankii qaranka la laayo maalin walba”. Wuxuuna intaas kusii daray “Reerihiina ay labo jilib kala baqdaan oo ninku haduu qolo yahay aan la taaban karin oo reerkooga laga baqanaayo, haduu qarankii yahayna lagu soo dag-dagaayo bilaa micno lagu dilaayo wax dhici kara maaha”. “Waxaanu ka qaadeyna reeraha leynaya ciidanka qaranka wax aynaan kula bur-burin, ninka gardarana ku qabano, aad iyo aadna wan uga xumahay mana sii socon karto, markaasna waa in dambiilihii la qabtaa oo gacantii gacan ka weyn loo geysan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa goor dhow ka dhacay degmada Wadajir ee goolka Banaadir, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah, qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka halka loo yaqaano Aargada oo ka tirsan degmadaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la sheegay in lagu soo xiray walxaha qarxa. Wadihii gaariga ayaa lagu soo warramayaa inuu ka badbaaday qaraxaasi, waxaana ilo lagu kalsoon yahay ay sheegeen in gaariga uu qarxay mar uu ka dagay kadib. Ma jiro wax khasaare ah oo uu geystay qaraxan, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka bilaabay halkaasi. Lama oga illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsiga watay baabuurka lagu soo xiray qaraxaasi. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli maanta ay soo shaac baxday digniin amni oo sheegeysa in gudaha magaalada Muqdisho ay ku jiraan illaa saddex gaari oo qaraxyo sida. Si kastaba, ma cadda in gaariga qarxay uu ka mid yahay kuwii ay hay’adaha ammaanka ka digeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse biixi Cabdi Waxa Uu Wareegto Madaxweyne Oo Summaddeedu Tahay /JSL/XM/WM/222-350/072019 ,Uu Cafis U Fidiyey Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xidhnaa falalka Budhcad-badeednimada Waxaanay U Dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012, Qodobkiisa 16aad iyo Qodobkiisa 20aad xubintiisa 2aad; oo dhigaya in Madaxweynuhu cafis u fidin karo maxaabiista laga soo wareejiyey Dal kale, si la mid ah awoodaha cafiska ee ku tilmaaman Qodobka 90aad, faqradiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Maxaabiista u xidhan falalka budhcad-badeednimo ee lagu soo xukumay dalka Seychelles ay Jamhuuriyadda Somaliland u aqbashay xabsi ku hayntoodu ay ahayd in ay ka qayb-qaadato dadaalladii Caalamiga ahaa ee la dagaalanka budhcad-badeedda, oo halis wayn ku hayay Bad-weynta Hindiya iyo Badda Cas; Markaan Arkay Ujeeddada heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland la gashay Dalka Seychelles ee soo wareejinta maxaabiista u dhalatay dalka Soomaaliya ay ku salaysnayd arrimo bani’aadannimo oo ay ka mid tahay in maxaabiiistu helaan dal ay bii’addiisa diin ahaan, dhaqan ahaan, iyo luuqad ahaanba fahmi karaan, loona soo dhaweeyo ehelladooda, maaddaama xaaladaha amni ee ka jiray dalkoodu aanay suurtagalinayn in loo wareejiyo xabsiyadooda; Markaan Arkay; Maxaabiista u xidhan dambiyada budhcad-badeednimadu in muddadii ay ku jireen xabsiyada Jamhuuriyadda Somaliland loo sameeyay dhaqan-celin iyo toosin, taasina ay keentay in ay la yimaaddaan dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan, kana tanaasulaan falalkii budcad-badeednimo; Markaan Tixgaliyey: Codsiga Madax-dhaqameedka, waayeelka iyo ehellada maxaabiista budhcad-badeednimada u xidhan ee laga soo wareejiyey Dalka Seychelles; Markaan Helay: Qoraalka soo-jeedinta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/168/2019, kuna taariikhaysan 24/07/2019; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis gaara u fidiyo Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xidhan falalka Budhcad-badeednimada, kuwaas oo kala ah: 1) Maxamed Axmed Ciise 2) Cadow Cali Cismaan 3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi 4) Axmed Cali Cismaan 5) Axmed Cali Siciid 6) Maxamed Axmed Cali 7) Bashiir Khaliif Xaashi 8) Cabdirisaaq Maxamed Cali 9) Cabdifataax Axmed Xasan 10) Nuur Maxamed Aadan 11) Jamaal Maxamed Cali 12) Cali Maxamed Cali 13) Cabdillaahi Maxamed Xasan 14) Cabdi Tahliil Xasan 15) Daahir Cabdillaahi Warsame 16) Cabdiqaadir Cabdi Cali 17) Cabdinuur Xaaji Aadan 18) Maxamed Maxamuud Xasan 19) Abuukar Axmed Ciise Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
-
Madaxweynaha Somaliland ayaa goor dhaweyd sameeyey xil ka qaadis iyo magaasbis waxaana uu madaxweyne Muuse Biixi magacaabey 1 Axmed Xussen Nuur Axmed Taajir ( Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada 2 Axmed Yuusuf Maxamed ( Maareeyaha Haay’adda Wadooyinka ) 3 Cabdishakuur Ismaciil Muumin Aar (Agaasimaha Fulinta Kominshanka Aids-ka ee Somaliland ) 4 Maxamuud Ismaciil Cilmi ( Agaasimaha Guud Ee Haaya’dda Duulista Iyo Madaarada ) 5 Xamse Suldan Aadan Faarax ( Agaasimaha Guud ee Haaya’dda Shaqaalaha Dawlada ) 6 Cawaale Faarax Cilmi ( Badhasaab ku xigeenka Gobalka Awdal ) 7 Diiriye Cabdi Jaamac ( Xubin ka tirsan Gudidda qandaraas-yada Qaranka ) 8 Sahra Maxamed Xussen ( Agaasimaha Daaweynta Iyo Daryeelka ee Kominshanka Xakameynta Aidsk-ka ) Sidoo kale Madaxweyne Biixi Ayaa Xilka Ka Qaadey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Agaasimaha Fulinta Ee Kominshanka Aids-ka Maareyaha Haaya’dda Wadooyinka Badhasaab Ku Xigeenka Gobalka Awdal Agaasimaha Daawenta Iyo Daryeelka Aids-ka Dhinaca Kale ayaa cafiyey qaar ka mid ah maxaabiistii budhcad badeeda u xidhmneyd ee laga soo wareejiyey dalka Siishalis Qaran News
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay shir dib loogu eegayo Mashruuca horumarinta degmooyinla Puntland ee JPLG. Shirkaan oo bishiiba mar la qabto waxaa doorkaan looga hadlay, guulihii la gaaray, caqabadihii lala kulmay iyo qorshaha sanadka soo socda ee JPLG, waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehlinayay xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Agaasimayaasha guud, guddoomiyayaasha degmooyinka, kuwa gobolada, Saraakiil ka socday hay’adaha barnaamijkan ka taageera dowladda iyo marti Sharaf kale. Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cismaan Karaash oo furay shirka ayaa sheegay inuu xog-ogaal u yahay mashuurcaan horumarinta degmooyinka, waxaana uu tilmaamay inuu waxtar ballaaran u leeyahay shacabka Puntland, isla markaana uu ka muuqday horumar ahaan degmooyinka uu ka shaqeeyo. Mudane Axmed Karaash ayaa xusay inuu jiro tartarn dhinaca degmooyinka ah, kaasoo salka ku haya horumarka iyo Kobaca ay samaynayaan magaalooyinku, isla markaana ay muhiim tahay in mashruucaan la baahiyo. Ugu danbayn Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa u mahadceliyay hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee gacanta ka gaysta ka shaqaynta hirgalinta mashuurcaan, waxaana uu ugu baaqay inay sii dar-dar galiyaan, si loo gaaro yoolka Horumarineed ee la hiigasanayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo daah-furay shirka Dib u-eegista Mashruuca JPLG appeared first on Puntland Post.
-
Xulka da’yarta 15-jirada ayaa kulan ciyaareed saaxiibtinimo la ciyaaray iskuuulka Daaru-Tarbiya oo kaalinta 2aad ee kala horeynta kaga jira tartanka iskuuulada ee Youth League 2019 wuuxuna kulanka ka dhacay garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan. Madaxda xiriirka kubbadda cagta ayaa dhiiri gelin uu mujiyay,iyagoo soo xaadiray ciyaartan waxaan masuuliyeentii garoonka ku sugnaa ka mid ahaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab,guddoomiye ku xigeenla 2aad ee xiriirka Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed,gudoomiyaha dhallinyarada xiriirka kubbadda cagta Cabdullahi Xirse Maxamuud iyo madaxa suuq geynta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdi cusman Daamey. Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar aad u saraysa waxaana qeybta 1aad hogaanka labo gool ku qabtay xidigaha iskuul Daaru-Tarbiya waxaana goolasha y dhaliyay laaciibkooda Idiris Maxamed Bilaal. Madaxda suuuq geynta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdi Cusmaan Daameey ayaa sheegay in mar walbo ay diyaar u yihiin in ay dhiiri gelinyaan dhallinyarada da’yarta ee matalaysa xulka. Markii leysku soo laabtay kulanka xulka da’yarta ayaa ciyaarta ka dhigay 2-2,iyadoo waqtigii loogu tala galay ay kusoo idlaatay barbaro macallin Saciid Cali Muxidiin oo ka mid ah tababarayaasha xulka da’yarta ayaa kulanka ka dib inoo waramay,isagoo sheegay in ay wadaan diyaar garow wanaagsan iyo in ay kulamo saaxiibtinimo la qaataan kooxaha iskuulada,si loo ogaado isku xirnaanta iyo wada shaqeenta ciyaartooyda da’yarta. Dhalliyaha goolasha iskuul Daaru-Tarbiya Laacib Idiris Maxamed iyo macallin Axmed Cusmaan Axmed oo Goobjoog la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanayihiin bandhig ay soo bandhigeen tani ay ku dhiir gelinayso in ay hor u socod ka sameeyaan tartanka Youth league maadaama ay ku jiraan kaalinta 2-aad. Guddoomiyaha xiriirka Soomlaaiyeed ee kubaddda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab ayaa xulka 15-jirada kula dardaarmay in ay da’daal badan ku bixiyaan aqlaaqdooda taasina ay tahay waxa ugu weyn ee lagu rabo in ay xoog saaraan dhallinyarada maadam ay fursada y helayaan in ay difaacaan wadankooda hooyo. Si kastaba xulka 15 jirada ayaa bisha August ka qeyb galaya tartanka 15-jirada bariga iyo bartamaha Afrika 2019 ee ka dhacay wadamka Eratria,iyadoo sanadii 2018,17 jirara dalkeena ay gaareen fiinalaha koobka bariga iyo bartamaha afrika ee ka qabsoomay dalk Burundi. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Saaxiibtinimo Ee Da’yarta Iyo Iskuul Daaru-Tarbiya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
1- Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ka gaabiyeen dar-dar gelintii qodoban soo socda: A) Habraacii wadashaqeyneed ee ay la yeelan lahaayeen Golaha Baarlamaanka si Baarlamaanku xeerarka saami qaybsiga u curiyaanB) Dar-dar gelinta iyo dib u furistii Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha si howshu u kala socoto oo mudada qorshe hawleedku u soo gaabatoC) Miisaaniyada Doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta oo aanay ka soo wada xareyn badhkii Xukuumada si diiwaan gelinta Codbixiyayaasha loo sii bilaaboD) Waxay ka gaabiyeen Hab-raacii wada shaqeyneed ee Madaxweynaha iyo ogeysiintii Garsoorka si xukuumadu xil-isaga saarto miisaaniyada qaybta kaga aadan oo dhanE) Waxay ka gaabiyeen dhamaan wada shaqeyntii Waaxyaha qaranka waayo, way arkayeen saansaanta mudo kordhinta ee ay la sugeen waqtigan xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ee waqtigii doorashada loo cayimay ay ka hadhay 4-ta bilood. iyaga oo hore u sheegay in ay u baahan yihiin mudo ugu yaraan 10 bilood ah. 2- Golaha Baarlamaanku waxay iyana dhegaha ka fureysteen qodobadan hoose :A) in ay diyaariyaan shuruucdii saami-qeybsiga kuraasta Golaha Wakiilada Gobolada oo mudo aad u dheer soo cakirnaa oo ilaa doorashadii hore hortaalay..B) Waxay ku fashilmeen in ay xeerarka labada Doorasho ee isku sidkan ay is waafajiyaan oo aanay howsha isla wada sugin ee sii falkiyaan.C) Waxay ku fashilmeen ku dhaqankii waajibaadkii Dastuuriga ahaa ee ay kuraasta Baarlamaanka ku baneyn lahaayeen maadaama uu mudo xileedkoodii dhamaaday.D) Waxay ku fashilmeen in ay sii diyaarinyaan oo miiska sii saaraan xeerarkii lagu bedeli lahaa maadaama uu maandheytkoodii uu dhamaaday. 3- Madaxtooyadu waxay ka gaabisayqodobadan hoose :A) in ay dabo galaan Xeerarka Baarlamaanku miiska hoostiisa uu dhigay ee ay diyaarin waayeen mudadaa dheer ee kolba waqtiga loo sii kordhinaayey.B) Waxay ku fashilmeen Miisaaniyada Doorashooyinka ee komishanka qaranku u soo gudbiyey ee ay xukuumad ahaan qaybtooda soo dhameystiri waayeen.C) Madaxweynuhu wuxuu ka gaabiyey Isfahan la’aantii ay is fahmi waayeen asxaabta qaranka ee mucaaridka ah taas oo uu waqti badani ku lumay.D) Madaxtooyadu waxay ka gaabisay dar-dar gelintii dhamaan qorsheyaashii lagu gaadhi lahaa in Doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto.E) Madaxtooyadu waxay ku ribatay ku dhaqankii Dastuurka qaranka iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa ee Hanaanka Geedi socodka Dimuqraadiyada JSL ku dhisneynd Maadaama Doorashooyinkii dib u dhaceen oo aanay marna ku qabsoomi karin 4-bilood gudahood. Golaha Baarlamaanka waxaa mudo kordhin qayrul sharci ah loo sameeyey 3 Jeer oo hore, waxaanay kuraasta ku fadhiyaan mudo 3 term ah iyada oo aan marna la qiimeyn ku dhaqanka xeerarka Dastuurka qaranka ee sida cad u qeexaaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran Sadexda Dhar-dhaar ee Qaranku ka kooban yahay.Shuruucda Dastuurka ee sida badheedhka ah loo jebiyey waxaa ka mid ah dhamaan shuruucdii isla xisaabtanka qoleyaasha qaranka sida ay qeexayaan qodobada 37-aad oo qeexaya waajibaadka isla xisaabtanka, qodobada 56-aad iyo 97-aad oo qeexaaya awoodaha isla xisaabtanka waaxyaha qaranka. Waxaa la jebiyey Hanaankii Dimuqraadiga ahaa, maamul-wanaagii, milgihii iyo macnihii dawladnimo, Waxaa la jebiyey Xil-gudashadii I, is-xisaabintii iyo Xaliibnaantii sadexda hayadood ee qaranka JSL ugu sareeya oo kala ah Fulinta, Xeerdejinta iyo Garsoorka. Dhamaan waxaa xilkoodii gabay hayadihii isla Xisaabtami lahaa ee xilkooda Dastuuriga ah gudan lahaa kuwaa soo Waaxiba ay Waaxda kale xilkii u kordhinayso oo hada xaalkoodii uu iska noqday ” dhabarka ii xoq- aan kuu xogee” taas oo shacab weynihii doortay iyo musharaxiintii iyaga bedeli lahaa si badheedh ah loogu heshiiyey si kuraasta loogu sii fadhiyo mudo dheer. ” Bal waa taase shacabka reer Somaalilaan mar qudha ha loo sheego cida xilkeedii gudan wayday ee masuulka ka noqonaysa Doorashooyinkaa mudada dheer dib ugu sii dhacaya.? Waxaa la caayayaa waa caqligii shacab weynihii doortay ee dirtay ee maandheytka mudada kooban ee 5-ta sano ah siiyey. Doorashooyinka mar kasta dib u dhacaaya ee aan waqtigooda lagu qaban waxay Saameyn xoogan oo taban ku yeelanaysaa Sumcadii iyo karaamadii Somalilaan waxaana ay ka dhigaysaa Sawirkii guud ee Somalilaan qorax madow oo sii dhacaysa. Waxay aheyd in aanay ciida ku rafan ee Komishanka doorashooyinku ay mar kasta is cadeeyaan oo ay sii sheegaan halka howshu mareyso iyo in doorashadu dib u dhacayso.. Waxaa ceeb iyo fadeexad qaawan inagu ah in Doorashada Baarlamaanku ay 5-jeer dib u dhacdo halka Dawlada Federaalka Somaaliya ay 3 doorasho baarlamaan qabsadeen inagana ay hal baarlamaan ina hor fadhiyeen 13 sanadood. Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Doorasho 4 bilood gudahood ku dhacaysaa ma jirtee Shacaboow – Shacaboow Tiraa Kaa Gedmane Wax isu gey geyso !!! Allaa Mahada Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
-
Saddexda qodob ee ugu waaweyn ee lagu heshiiyey iyo mid waliba qodobka uu diidana ee uu hadda aqballay . Si dadku u fahmaan, isla markaana mid waliba ka uu ku dhegsana iyo ka uu doonayey u ogaatid, waxa fiican in saddexda qodob aan horta soo bandhigo, ka dibna mid waliba ka uu ogolaa iyo ka uu diidana aynu tilmaamno. saddexda xisbi qodobadan ay ku heshiiyeen mid waliba kuu diidiinaa ayuu xalku noqday inuu ogolaado. Markii dhinacyadu soo bandhigeen qodobada isku haystaan oo kala ahaa qodobada ugu waaweyn sidan; 1. Komishanka la kordhiyo oo laga dhigo sagal xubnood oo xisbiyadu mucaaradku wateen, 2. In guddida doorashooyinku diyaariyaan diiwaangalinta Codbixiyeyaasha oo mucaaradku diidana xukuumaduan doonaysay in shaqado sii socoto.. 3. Iyo in xisbiga WADDANI dib ugu soo celiyo wakiiladii komishanka u joogay si shaqadi usii socoto. Saddexda qodob oo midna xukuumadu diidanayd labana mucaaradku, waxa lagu dirqiyey in mid waliba qaato oo uu liqi waxa uu diidanaa. 1. In komishanka la kordhiyo oo ay wateen xisbiyada mucaardku balse ka gaws qaniinayeen xukuumadda iyo xisbigeedu way ogolaadeen, waxaana lagu xidhay in sharciga la mariyo oo baarlamaanka la hor geeyo ka dibna wax ka bedel ku sameeyeen xeerka doorashooyinka, markii hore xukuumaddu waxay ku doodaysay in sagaal laga dhigo marka baarlamaanka cusub yimaado oo wakhtigasi xeerkaasi wax laga bedelo, balse waxa hada lagu heshiiyey in baarlamaankan jooga ka dhigaan sagaal xubnood oo xeerkasi hadda isbedel lagu sameeyo. 2. In guddida doorashooyinka hadda jira sii shaqeeyaan oo diiwaangalintii codbixiyeyaasha sii diyaariyaan waxa diidana mucaaradka gaar ahaan xisbiga WADDANI oo ka soo horjeeday in guddida doorashooyinka ee hada jooga wax shaqo ah qabtaan, way ogolaadeen inay sii shaqeeyaan inta la soo magacaabay guddida cusub, waxa lagu siyaadiyey in kuwan joogana sii diyaariyey diwaangalinta codbixiyeyaasha, guddida cusubna qabato diiwaangalinta . 3. In xisbiga WADANI dib usoo celiyo wakiiladii xisbigiisa u joogay xarunta komishanka doorashooyinka oo uu kala baxay markii uu qaadacay inuu wada shaqayn la sameeyo komishanka aan muddo xileedkiisi dhamaan ee hada sii shaqaynaya. Saddexda sanadka iyo badhka isku mari kari la’aayeen ee qaadhaan bixiyeyaashu ku xaliyeen ee mid waliba wixi uu diidana ku dirqiyeen waa intaas. sawirkan idin muuqda waxaan ka soo jaray sadexda qodob ee hada lagu heshiiyey ayey ka mid yihiin. Source
-
Garowe (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday madaxii amniyaatka ee Al-Shabaab u qaabilsanaa gudaha magaalada Muqdisho. Maxkamadda ayaa shaacisay in Ayuub Nuur Nuux oo 23 sano jir ah uu qirtay dambigaasi, islamarkaani lagu xukumay dil toogasho ah. Puntland ayaa sidoo kale intaasi raacisay in ninkan oo dhowaan ka soo laabtay dalka Sacuudiga uu dib ugu laabtay Al-Shabaab. Sidoo kale maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta xukuno dil ah ku riday illaa saddex kale oo ka kala tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish, halka mid kalena ay sheegtay in lagu waayey wax dambi ah, kaas oo ay maxkamaddu fasaxday. Gaashaanle Cawil Axmed Faarax oo ka tirsan garsoorayaasha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa shaaciyey in raggaasi ay heystaan fursad kale oo ku dalban karaan Racfaan muddo bil ah. Maamulka Puntland ayaa horay xukuno kala duwan ugu riday xubno ay ku eedeeyeen Argagixisanimo, kuwaas oo ay ku qabteen howlgallo ka dhacay deegaanada maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Halis amni oo cusub ayaa ka jirta magaalada Muqdisho, waxaana warbixinno amni ay sheegayaan inay suurta-gal tahay inuu dhaco weerar loo adeegsado baabuur ay ka buuxaan walxaha qarxa. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in hay’adaha amniga ay bixiyeen digniin ku aadan in magaalada ay ku jiraan saddex baabuur oo bartilmaameed ka dhigan kara baraha kontrool ee ammaanka laga sugo ama dhismooyin. Mid ka mid ah baabuurtan ayaa noociisa lagu sheegay Toyota Noah midbakiisu yahay Giriije. Lama yaqaan midibada labada baabuur ee kale, mana jiraan wax faah-faahinno ah oo intaan dhaafsan. Hay’adaha amniga ayaa wada dadaallo looga hor-tagayo baabuurtan iyo inay fuliyaan qaraxyada. Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii dhowaa xirtay dhammaan baraha laga soo galo magaalada Muqdisho, ayada oo loo diiday baabuurta. Inkasta oo taasi ay yareysay qaraxyada, haddana ma wada joojin. Cabsidan ayaa imaneysa ayada oo 24-kii bishan July uu qarax is-miidaamin ah ka dhex dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo mas’uuliyiin badan lagu dilay, laguna dhaawacay qaar kale oo uu ku jiro duqa Muqdisho, Injineer Yariisow. Sidoo kale qarax 22-kii bishan July ka dhacay bar laga sugo amniga garoonka Muqdisho, oo ku dhow KM4 ayaa waxaa ku dhintay 20 qof, ayada oo 50 kale ay ku dhaawacmeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT – Hargeysa) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-351/072019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Ku: Maxamed Daahir Axmed Furre; Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Ku: Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin; Maareeyihii Hay’adda Waddooyinka Ku: Cabdi Nuur Sugaal; Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal Ku: Naasir Ayjeex Jaamac; Agaasimihii Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka Ku: Maxamed Abiib Yuusuf; Agaasimihii Daaweynta iyo Daryeelka ee Komishanka Xakamaynta AIDS-ka Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan: Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. UJEEDO : MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska 2. Axmed Yuusuf Maxamed Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland 3. Cabdishakhuur Ismaaciil Muumin Aar Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka 4. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada 5. Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda 6. Cawaale Faarax Cilmi Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal 7. Diiriye Cabdi Jaamac Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka 8. Sahra Maxamed Xuseen Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka Komishanka Xakamaynta AIDS-ka ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
-
Atleast six soldiers from East African country of Burundi, were killed in an attack near Somali capital Mogadishu, an official said. The soldiers were part of the African Union Mission in Somalia (AMISOM). “Elements of the al-Shabaab terrorist group have attacked Burundian soldiers of the Somalia Peacekeeping Mission (AMISOM) in Balad district, located about 30 kilometers northeast from the capital city of Mogadishu,” Colonel Floribert Biyereke, spokesman of the Burundian army said late Sunday. “Six soldiers were killed on the spot. Three others sustained serious injuries. Two soldiers are missing,” he added. Attack came just few days after six people including two district commissioners were killed, in a suicide bomb attack on a government building in the country’s capital. Somali-based al-Qaeda affiliated group al-Shabaab has claimed responsibility for the deadly suicide attack. With a strength of 22,000 troops, the African Union Mission in Somalia (AMISOM) is an active, regional peacekeeping mission, working under the mandate of the African Union and the UN. It was created by the African Union’s Peace and Security Council in January 2007, with an initial mandate for six months. The Burundi contingent is the second largest within the AMISOM with 5,432 troops, after Uganda which has more than 6,000 troops. Burundi has been active in the African Union Peacekeeping Force in Somalia since 2007. Somalia, located in the Horn of Africa and bordered by Ethiopia to the west, the Gulf of Aden to the north had witnessed multiple terror attacks over past two decades. In October 2017, hundreds of people were killed in a double car bombing in Mogadishu, the deadliest attack in the country’s history. Source: Andoulu
-
(SLT-Riyadh)-Sacuudi Carabiya ayaa maanta isku diyaarineysa tacsida boqor Salmaan walaakiis ka weynaa, kaasi oo geriyooday isaga oo 96 jir ah. “Amiir Bandar bin Cabdulcaziz al-Sacuud waa uu geeriyooday” waxaa sidaa lagu yiri bayaan ay soo saartay maxkamadda boqortooyada oo ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA. “Waxaa tacsi loogu qaban doonaa, salaadda janaasadana lagula dukan doonaa masjidka weyn ee Xaramka ee Makkah.” Amiir Bandar bin Cabdulcaziz al-Sacuud ayaa ahaa wiilka ugu weyn ee weli la noolaa ilmihii uu ka tagay boqorkii aas-aasay Sacuudi Carabiya ee Cabdulcaziiz. Maxkamadda boqortooyada Sacuudiga ma aysan sheegin sababta geerida amiri Bandar, hase yeeshee qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa weriyey inuu dhowr sano xanuunsanaa. Amiri Bandar bin Cabdulcaziz al-Sacuud ayaa lagu yaqiin inuu ahaa nin aan shaqo ku lahayn siyaasadda boqortooyada. Inkasta oo qoyska boqortooyada ay xubno ka yihiin kumanaan qof, haddana kaliya inyar oo ka mid ah ayaa saameyn ku leh siyaasadda. Source
-
Bujumbura (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix askari oo ka mid ah ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Amisom, ayaa lagu dilay weerar ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, waxaa sidaas xaqiijiyey sarkaal sare “Unugyo ka tirsan kooxda argagixisada ee Al-Shabaab ayaa weeraray ciidaamda Burundi ee ku sugan degmada Balcad, oo 30 km u jirta Muqdisho” waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada Burundi, Colonel Floribert Biyereke. “Lix askari ayaa isla goobta lagu dilay. Saddex waxaa gaaray dhaawacyo halis ah, laba askarina waa la la’yahay.” Ayuu yiri. Kooxda Al-Shabaab ayaa sabtidii sheegatay in dagaal-yahannadeeda ay cagta mariyeen kolonyo ciidamo Burundi ah oo dhaq dhaqaaqyo ka sameynayey degmada Balcad. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas lagu gubay ugu yaraan saddex gaari ah, oo ay ku jiraan gaadiid dagaal iyo baaldoozarro, halka sidoo kalena ay si dirqi ah ku baxsadeen gaadiid kale oo dhowr ah. Al-Shabaab waxay sidoo kale sheegatay in weerarka ay ku dishay 10 askari. Burundi ah ayaa ah dalka labaad ee ugu ciidamada badan Amisom, waxaana Soomaaliya ka jooga 5,432 askari, halka Uganda oo ugu badan ay ka joogaan in ka badan 6,000 oo askari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Garoowe)-Maxkamadda Ciidammada Puntland ayaa xukuntay Askari lagu eedeeyay inuu fududeeyay Dil Magaalada Boosaaso bishii February ee sanadkan loogu geystay Madaxii Shirkadda P&0 oo qayb ka ah Shirkadda DP World oo maamusha Dekedda Boosaaso. Askarigan oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali Xirsi ayaa markii la dhegaystay Dacwaddiisa waxa Maxkamaddu ku xukuntayt Dil toogasho ah, iyadoo lagu eedeeyay inuu fududeeyay in nin ka mid ah Al-shabaab oo Dekedda Boosaaso ku dilo dilay Paul Anthony Farmosa oo ahaa Madaxii Shirkadda P&0 ee hoos tagta DP World u qaabilsanaa Maamulka Dekedda Boosaaso. Paul Anthony oo u dhashay Dalka Talyaaniga ayaa waxa masuuliyadda Dilkiisa sheegatay Al-shabaab xilligaa. Askariga Dilka lagu xukumay ayaa rafcaan ka qaadan kara xukunka ku dhacay, sida Maxkamaddu sheegtay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Dilka Ciidammada Qaranka iyo Booliska ee Bilihii u dambeeyay ku soo noqnoqonayey Gobollada bariga Dalka, kaasi oo ay ugu dambeeyeen Dil Deegaanka Ceel Af-weyn loogu geystay laba Askari oo Boolis ah Toddobaadkan. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay illaa hadda garanayn sababta labadaa Askari loo dilay, sababta Dadka Shacabka ahi ay ugu deg-degaan Dilalka Askarta. Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Booliska lagu laayey Ceel Af-weyn, oo aan la garanayn sababta loo laayey, kuwa dhintay Allaah ha u naxariisto, kuwa dhaawaca ahna Allaah ha caafimaadiyo, Garan mayno waxa Ciidankaa lagu laayey, Wax Alaale iyo wax Ciidankaasi ay iskugu yimaaddaan oo Maanta la qiri karaa ma jirto, Saraakiishii hore ee jeelka ayaan iyadana la garanayn wax Alaale iyo wax loo laayey.” Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyey Munaasibad ka dhacday Magaalada Hargeysa waxa kale oo uu sheegay “Waxa layaab leh in Cid ama reer uu Ciidanka Qaranka si dhibyar iskaga laayo, reerihiina ay laba Jilib kala baqdaan oo Ninku hadduu qolo yahay aan la taaban karin oo reerkooda laga baqanayo, hadduu Qaranka yahayna lagu soo deg-degayo oo bilaa macno lagu dilayaa wax dhici kara maaha. Haddaynu nidhi Xukuumaddu ha dul-qaadato, Dadka hala waaniyo, Gacan qabow ha lagu maamulo, Dul-qaadka iyo doqoniimadu waa walaalo, waxaad mooddaa in inta Qarankii uu Dul-qaadkii dhaafay uu imika doqonimadii ku jiro, oo Maalin walba Qarankii uu Meyd soo waadhsanayo (Qaadanayo) oo ay tahay Ninkii waa looma ooyaan, waxay ila tahay inay taasi soo afjarmayso, Caqli ka badana la keeno dhib yaraantaa Ciidammada Qaranka loo laynayo..”ayuu yidhi. Source