Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,417
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wareejisay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur xabsi uu ku jiray muddo sagaal bil ah, waxaana la geeyay xabsi guri kale oo ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya sida ay ogaatay Caasimada Online. Abuu Mansuur ayaa la dejiyay guri dhawaan lagu sameeyay dayactir, kaas oo ku yaala gudaha madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka hotelka Gob-Soor ee Villa Somalia waxaana aad loo adkeeyay ammaanka gurigaas. Caasimada Online ayaa ogaatay in halkii uu ku xirnaa 9-kii bil ee la soo dhaafay Abuu Mansuur looga soo wareejiyay sabab la xiriira dayactir ku socda Guryaha VIP-da loo yaqaano ee Taliska NISA, iyadoo la sheegay in uu guriga cusub sii joogo doono muddo dhowr-cesho ah una dhaxeysa 30-60 cesho. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa waxaa soo qabtay Ciidamada Itoobiya 13-kii bishii December ee sanadkii 2018 kadib markii uu isu sharaxay xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo ay u diidaneed Dowladda Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyey inuu ka baxay heshiis lala galay. Dedaalo badan oo la geliyay in lagu sii daayo ilaa hadda ma suurta gelin waxaana diiday Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka sarre ayaa xarunta madaxtoyada dalka Djibouti kulan kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Gelle. Labada dhinac ayaa iska xogwareystay arrimaha xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Djibouti gaar ahaanna taageerada dowladda Djibouti ay siiso waddanka Soomaaliya. Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan la qaatey Guddoomiyaha Barlamaanka jabuuti Maxamed Cali Maxamed. Masuul’iyiinta ayaa kulankooda uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriinka labada Baarlamaan. Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho rasmiya ku jooga Caasimada waddanka Djibouti halkaasi oo ay kulamo kala duwan kula qaateen madaxda dalkaasi. PUNTLAND POST The post Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Djibouti appeared first on Puntland Post.
  3. MOGADISHU, Somalia At least two people including the former secretary of the Banadir regional administration were killed with several others wounded in two separate bomb blasts in the Somali capital Mogadishu on Sunday, officials said. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tiradii ugu horreysay oo dhalinyaro Soomaali ah tababar ugu dirtay dalka Eritrea oo dhawaan heshiis saaxiibtinimo la galay Soomaaliya, Caasimada Online ayaa ogaatay. Dhalinyarada tababarka loo qaaday oo gaaraya ku dhowaad 100 qof ayaa la sheegay in xulistooda ay socotay dhowrkii bil ee la soo dhaafay, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid dadkii ka qayb qaatay arintaan. Dadka la qaaday oo tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 100, ayaa la sheegey in la soo siin doono tababar casri ah oo ku saabsan la dagaalanka iyo helista xogaha Argigixisada. Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee u diiwaan gashan Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in loo maray xulista dhalinyaradaan loo qaaday dalka Eritrea. Caasimada Online ayaa la kulantay dhalinyaro aan wali bixin laakiin laga diiwaan geliyay hey’adaha amaanka Soomaaliya si dhowaan loogu qaado dibadda waxayna noo sheegeyn in qaar kale ay ka horreeyaan oo maalmo ka hor ay dalka ka baxeen. Eritrea, oo dhawaan laga qaaday cunaqabateyn saarneed kadib markii ay la heshiisay Itoobiya ayaa sidoo kale heshiis la gashay Dowladda Soomaaliya. Dalkaan Eritrea, waxaa horey loogu eedeeyey in uu la shaqeeyo islamarkaana uu taageero Argigixisada Soomaaliya waxa uuna mar soo dhaweyn jiray Kooxihii Islaamiyiinta Soomaaliya, inkasta oo Eritrea ay beeniso eedeymahaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhibaatooyin dhanka deegaanka ah, ayada oo qaar laga saaro guryihii ay deganaayeen, qaarna korontada iyo biyaha looga jartay inay lacagtii bixin waayeen, kadib markii aysan dhowr bil qaadan mushaharkooda. Qaar kamid ah shaqaalaha Gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in bishii July ee la soo dhaafay iyo bishaan gaba-gabada mareysa aysan qaadan mushaar halka dhamaan bilooyinkii kale ee la soo dhaafay ay qaadan jireen 50 maalmood kadib. “Caadiyadan mushaarka waa soo daahi jiray waxaana la qaadan jiray 20-ka bisha kale waana nagula dhibsaday arintaas waayo dadka guryaha leh 5-ta bisha kadib kaama yeelayaan, waxaase ka sii daran in aanan qaadan bishii 2-aad” ayuu yiri qof katirsan shaqaalaha dowladda Hoose oo la hadlay Caasimada Online. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa todobaad ka hor bixiyey Mushaarka qayb kamid ah shaqaalaha Gobalka, gaar ahaan qaybta Howlaha Guud waxaana soo baxay amar lagu joojinayo bixinta mushaarka bishii hore oo bixintiisa bilaabatay maalmo ka hor. Mushaarka oo aan badneyn, waqtiga la bixiyo oo ah 50-kii maalmood-ba mar iyo maciishadda magaalada Muqdisho oo aad u sareysa ayaa sababtay in inta badan Shaqaalaha Dowladda Hoose laga saaro guryo ay kiro ku daganaayeen oo ku yaala aagga muhiimka ah ama degmooyinka amnigooda roonyahay ee Muqdisho, oo qaali ah. Lama oga sida uu wax uga qaban doono Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” oo wada kulamo is daba-joog ah oo ku saabsan xaaladda iyo shaadada Gobalka. Caasimada Online waxay ogaatay in dhibaato daran ay wajahayaan shaqaalahada Gobalka Banaadir sidoo kalane aysan sax-saneyn shaqada Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir una baahantahay sixitaan iyo fadhiisin guud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugidda magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay ku dhawaad 10 oday dhaqameed oo cafis u doontay Al-Shabaab. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda ciidamada gobolka Hiiraan, Kabtan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa sheegay in dhamaan odayaashii u tagay Al-Shabaab maxkamadd la saarayo. Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa ku amray ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska ee ka howlgala gobolka Hiiraan inay soo xiraan si loo maxkamadeeyo odayaashii u tagay Al-Shabaab. “Waxaan soo saarnay awaamiir ku socotay dhamaan hey’adaha amniga si gaar ah booliska iyo Nabad-sugidda, inay soo qabtaan odayaasha ka baxay deegaanada Hir-Shabeelle ee lasoo kulmay Al-Shabaab,” ayuu yiri ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada G/Hiiraan. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Waxaan gacanta ku heynaa oo hadda xiran ku dhawaad 10 oday dhaqameed oo la kulmay Al-Shabaab, waxaana la tiigsa doonaa sharciga”. Caasimada Online Xaafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  7. Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyaha ciidanka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay Sarkaal iyo ciidamo ka tirsan Somaliland oo dhawaan ku biiray maamulka Puntland. Taliye Taani ayaa ciidamadaasi ku biirey maamulka Puntland ee ka goostay Somaliland, ku tilmaamay kuwo wax matarayaal ah oo culeys ku hayey qaranka Somaliland, isla markaana ka xukuumada ahaan ay ku faraxsan-yihiin inay ka goostaan. Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha ciidanka Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey in ciidamadaasi ay ka hor-yimaadeen inay ka qeyb qaatan dagaalka ka dhanka ah Puntland, wuxuuna yiri “Ciidamada la sheegay waxay ahaayeen kuwo deegaankaasi laga qarameeyey oo aan qaranka hawl u qaban jirin oo halkaasi uun lagu masruufo, wali wax hawl-gal ah oo ay qabteen ma jirto, waxaanu ku nidhi Badhan taga waxa ay yidhaahdeen heshiish baa naga dhexeeya Puntland oo ah in aan la is weerarin sidaasay ku diideen amarkii la siiyey”. “Qarankan uma baahna lacag bilaash ah oo la bixiyo, qofka lacag la siinaya waa in wixii lagu siiyey ku qabtaa sida ciidamada kale u shaqeeyaan oo kale, hadii aanu waajibkii fulin Karin maaha inuu ciidanka ku sii jiro waana ku faraxsanahay inay iska tageen waayo lacag bilaash ah ayuun bay qaadan jireen, dadka caykaasi ah inay ka tagaan waa muhiim”. Wuxuuna intaas kusii daray “Ciidankaasi wax kharash ah mooyee wax ay nagu tarayeen ma jirto, marka looma baahna kuwo tagay kuwo aan waxba qabana anba waanu eryi ama iyaga iska tagi ama qarankay u shaqayn, laakiin isku dul noolaan dambe jiri mayso”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. Somalia’s coast became home to illegal fishing and toxic wastes. It’s difficult to expose every illegal maritime activity in Somalia waters but I would like to shed some light on the lucid theft and toxic wastes which foreigners Source: Hiiraan Online
  9. Jubbaland is a place filled with potential triumph and promise of hope. It is a place with a vibrant river, fertile soils, the beautiful Indian Ocean, and livestock. Jubbaland is known for its diverse cultures and hospitality. It has the potential to be one of Somalia’s most exceptional, productive, Source: Hiiraan Online
  10. A former Banaadir regional official was killed in a car bomb attack in Mogadishu Sunday while an SNA hospital chairman escaped death in a separate incident. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-___-Warraka-25082019.mp3 View the full article
  12. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo hosted a dinner for various authors in Mogadishu on Wednesday and praised the role they can play in protecting the language, Somali culture and history. Source: Hiiraan Online
  13. There are claims coming from Dhusamareb district in Galguduud region that two planes filled with Somali government troops arrived to assist with the reconciliation conference. Source: Hiiraan Online
  14. An explosion has reportedly killed former Benadir Reginal Secretary General Amin Sheikh Elmi. Source: Hiiraan Online
  15. Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa magaalada Garoowe ku doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo afhayeen cusub oo kala hagi doona. Guuleed Saalax Barre oo horay wasiir uga soo noqday Puntland ayaa loo doortay guddoomiyaha halka ku-xigeen loo doortay ruug caddaa warbaahineed Cabdinuur Sheekh Maxamed halka afhayeen loo doortay xildhibaan hore Cali Jaamac Faarax. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo guddoon cusub doortay. appeared first on Puntland Post.
  16. Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa magaalada Garoowe ku doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo afhayeen, waxaana ku soo kala baxay Guuleed Saalax Barre, [...] Source
  17. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa caawa maqribkii ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb. Wasiirka ayaa waxaa wafdigiisa ku wehliyay Saraakiil ka socotay howlgalka midowga Afrika ee AMISOM iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka. Sidoo kale dayaaradda uu la socday wasiir Islow ayaa waxaa saarnaa hub iyo saanad ciidan oo aad u badan, oo loogu talo-galay ciidamada ay maanta dowladda gaysay magaalada Dhuusomareeeb. Hubkii laga dajiyay diyaaradaas ayaa lagu daabulay gudaha magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan guriga madaxtooyada u ahaan jiray Madaxweyne Xaaf, haatana ay daganyihiin saraakiil ka tirsan dowladda federaalka. Ciidamada dowladda ee saakay laga dajiyay Dhuusamareeb iyo kuwii horay ugu sugnaay ayaa caawa heegan la galiyay, waxayna la wareegeen amaanka dhamaan xarumaha muhiimka ah ee magaalada. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nooca ay Soomaalidu u taqaano dhejiska ayaa waxaa loogu xiray masuul horey uga tirsanaa maamulka gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aamiin Sheekh Cilmi, wuxuuna ahaa xoghayihii hore ee maamulkii gudoomiye Muungaab. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in gaariga uu ku qarxay meel ku dhow kontarool ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Aamiin uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey weerarkaasi oo aysan jirin cid sheegatay. Waa qaraxii labaad oo maanta ka dhaca Muqdisho, iyada oo midkii koowaad ay ka badbaaday Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xoogga. View the full article
  19. (SLT- Beyruut)-Raysal wasaaraha dalka Lubnaan Sacad Xariiri ayaa ka hadlay laba diyaarad oo nooca duuliyaha aan laheyn oo maanta ku burburay koonfurta magaalada caasimada ah ee Beyruut. Mr Sacad ayaa tilmaamay weerar qaawan oo Israa’iil ku soo qaatay oo ka dhan ah madax banaanida Lubnaan. Dhanka kale wuxuu intaa raaciyay in isku dayga Israa’iil uu kicinayo xasiloonida ka jirta gobolka Bariga Dhexe. Arintaan ayaa waxaa sidoo kale goor dhow ka hadlay hogaamiyaha ururka Xisbullah Shiikh Xasan Nasrullah waxaana uu sheegay in weerarka Israa’iil uu halis ku yahay Hormarka. Afhayeenka Ururkan Maxamed Cafiif ayaa sidoo kale beeniyay maanta in ay soo rideen labada Diyaaradood. Source
  20. Hobyo (SMN) – Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa waxa uu lacag ugu deeqay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyey in uu ku taageerayo dhismaha jidkaasi aduun lacageed gaaraya tobban kun oo dollar. Dhinaca kale, Mr Guuleed oo booqday xarunta guddiga ku howlan dhismaha wadadaasiayaa bogaadiyey shaqadda ay hayaan. Jidka isku xirta Gaalkacyo-Hobyo oo ka wada tirsan gobolka Mudug ayaa waxa uu muhiim u yahay isu socodka shacabka labada magaalo. Dhismaha wadadan ayaa waxaa la sheegayaa in ay kaalin weyn ka cayaareyso horumarka dhanka ganacsiga iyo isu socodka labada magaalo. View the full article
  21. Beledweyne-(Caasimada Online) – Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay degaanka Buurweyn oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Buurweyn oo qiyaastii 25-KM koonfur kaga beegan magaalada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan, ayaa Al-Shabaab u ahayd goob muhiim ahay canshuuraha ku qaadaan. Dhamme Cabdi Maxamed Xasan oo ah taliyaha hoggaaminayay ciidanka xoogga dalka ee la wareegay Buurweyn, ayaa sheegay in weerarkaas ay uga gol lahaayeen xaqiijinta amaanka degmada Buula-burde oo sanado badan go’doon ugu jirta Al-Shabaab. Waxa uu sheegay Taliyuhu in si nabad ah ay kula wareegeen deegaankaas oo il dhaqaale u ahaay Al-Shabaab, kaddib markii ay iskaga carareen, haatana ay qorsheynayaan inay dib ugu laabtaan Buula-burde oo aysan kusii sugnaa doonin Buurweyn. Waxa kale oo uu sheegay inay ku laaba doonaan oo dib ula wareegi doonaan deegaanka Buurweyn, isagoo carrabka ku adkeeyay in markaas ay ka sameysa doonaan saldhigyo ciidan. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku caan baxay inay dib u baneeyaa dhul ay dagaal kaga qabsadeen Al-Shabaab, waxeyna arintaas shaki iyo walaac badan ka muujiyay waxgarad badan oo Soomaaliyeed. Caasimada Online Xaafiiska Beleweyne Caasimada@live.com
  22. Jabuuti (SMN) – Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka sarre ee jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta qasriga madaxtoyada djibouti kulan kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Walalaha aanahay ee Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Gelle. Mas’uuliyiintan ayaa iska xogwareystay arrimaha xiriirka labada dal oo ah wadamo walaalo ah,iyo kaalinta dowladda Jabuuti markasta ay la garab taagantahay walaalohoodi Soomaaliyeed. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatey Guddoomiyaha Barlamaanka jabuuti Mudane Maxamed Cali Maxamed. Masuuliyiintaan ayaa kulankooda uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriinka labada Baarlamaan. Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho rasmiya ku jooga Caasimada Jamhuuriyada aynu walaalaha nahay ee Jabuuti,halkaasi oo ay kulamo kaladuwan kula qaateen madaxda dalkaasi. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhaawacantay ka gedaal markii rasaas ay fureen ciidamadda dowladda Soomaaliya. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in arrintan ay ka dhacday degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Rasaasta ay ganeen xoogaga dowladda federaalka ah ayaa waxaa la sheegay in ay ahayd mid ay wadada ku furanayeen Dr Aamiin Samakaab, Agaasimaha Isbitaalka Al Bayaan, oo la dhigay dhaawacyadda ayaa sheegaya in bukaanada xaaladooda ay soo fiicnaaneyso. Sikastaba ha ahaatee, dhacdooyinka noocaan ah ayaa ah kuwa soo laab-laabtay, waxaana khasaaraha alaaba uu soo gaaraa dadka shacabka ah. View the full article