Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,984
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Burco) Magaalada Burco Oo Laga Oogay Tukashada Salaada Ciidul Adxa Source
  2. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo saaka hadal kooban oo ku aaddan munaasabadda Ciida-Adxaa jeediyay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay joojiyaan dagaallada iyo colaadda iska socota ee aan ujeedada lahayn. Guddoomiyaha ayaa bulshada Puntland si gaar ah ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan Amniga Hoos ka daawo hadalka guddoomiye Dhoobo PUNTLAND POST The post Guddoomiye Dhoobo oo sheegay in Adduunku la yaabbanyahay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Salaada Ciida kula tukadey Shacabka Garowe Garoonka kubada Cagta ee Garowe. Madaxweyne Deni ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey [...] Source
  4. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka weynaha caasimadda Garoowe kula oogey salaadda ciidul Adxaha, Gar ahaan Garoonka kubadda cagta Mire Awaare. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale la oogey salaadda ciidda shacabkiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, isimmo, nabadoonno, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa qayb ka ahaa munaasabadda. Madaxweynaha Puntland ayaa dhammaan ummaadda islaamka ah, ummaada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland-ba ugu hambalyeeyey munaasibadda farxadda ciidul adxaha. “Marka ugu horaysan waxaan halkan hambalyo uga dirayaa dhammaan ummaadda Muslimiinta ah ee adduunka, shacabka Soomaaliyeed, kuwa reer Puntland waxaan ugu hambalyaynayaa munaasibadda ciidul Adxa fadligeeda oo ah munaasibad ku weyn dadka muslimiinta ah, shalay carafaa la taagnaa, maantana muslimiintu waxay ku ciidaysaa Ciidul Adxa, waxaan Alle ka rajaynaynaa ummaadda muslimiinta ah meelkastay joogto iyo dhibaatada ka jirta dalalka muslim ka ah inuu ka dulqaado”. “Waxaan sidoo kale ummaadda Soomaaliyeed u rajaynayaa cilmi fiican, nabadgelyo iyo deganaansho uu siiyo, dhibaatooyinka haystana uu ka dulqaado” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland. Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo la qaybsanaya muslimiinta caalamka iyo shacabka Soomaaliyeedba farxadda ciidul adxaha ayaa ugu hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland munaasibadda maalintani weyn. “Waxaan ummadda Islaam ka ah ugu hambalyaynayaa munaasibadda maalintani, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa leeyahay farxad ku ciida, intaasi kadib waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ilaashataan nabadgelyadiina, Puntland cadaw badan bay leedahay gude iyo debedba, kuwo shayaadiin ah iyo kuwo kale oo xuduudaha inagaga soo duula labadaba inaan dalkeena ka difaacanaa waa waajib”. “Puntland waxaa lagu dhisay isku duubni, wadatashi iyo dulqaad intaaba Puntland hadda waa looga baahan yahay, waxaa looga baahan yahay Samir, waxaa looga baahan yahay wadatashi, waxaa looga baahan yahay isu tanaasul, waxaynu maqlaynaa in beelaha qaarkood guuxyo iyo waxjiraan, waxaan u sheegayaa Puntland dulqaad bay u baahan tahay, isku duubni bay u baahan tahay, way kusoo caana maashay, Xukuumaddatan aan madaxda ka ahay waxay diyaar u tahay wixii wax qabada inay la fadhiisato oo qanciso, lakiin caado umalahaan jirin in beelo shirshiraan oo hadalo soo saaraan, waxana ku boorinayaa xukuumadda in arrintaasi laga hawlgalo” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda. Hoos ka daawo dhammaan PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Shacab weynaha Caasimadda Garoowe La oogey Salaadda Ciidul Adxa appeared first on Puntland Post.
  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta salaadda Ciidda kula dukaday masjidka Isbaheysiga Islaamka kumannaan ruux oo ka mid ah bulshada ku nool gobalka Banaadir. Ra’iisul Wasaaraha oo Salaadda kadib la hadlay Kumannaanki Shacabka ahaa ee Salaadda ku dukaday Masjidka Isbahaysiga ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa, isagoo u rajeyay in ay ku Ciidaan farxad iyo Caafimaad. Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka, Xildhibaanno, Wasiirro iyo Culimaa udiinka Soomaaliyeed ayaa ka mid ahaa Masuuliyiinti Shacabka kula dukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka, iyagoo Hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidda u diray Shacabka Soomaaliyeed. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo kumanaan shacab ah Salaada Ciidda la tukaday appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynaha dowladdaFederaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carafo ku tukaday masjidka Shuhadada madaxtooyada Villa Somalia. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo isaga oo xujayda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo acmaashooda suubban. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iscaawiyaan si farxadda ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka cadawga qawleysatada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka daawo dhammaan PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo salaadda Ciida Carafo ku oogay masjidka Shuhadada appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed karaash) oo saaka ka kadlayey fagaare lagu tukaday Salaadda Ciidda oo ku yaalla magaalada Garoowe ayaa caddeeyay mowqifka dowladda Puntland ee ku aaddan beelo ku dhawaaqay hirgelinta xukunka Shareecada Islaamka. Hoos ka daawo hadalka madaxweyne ku xigeenka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo caddaysay mowqifkeeda ku aaddan beelo ku dhawaaqay hirgelinta Shareecada Islaamka appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha XFS, Xasan Cali Khayre ayaa hambalyo ku aadan munaasabadda Ciida Carrafo u diray Ummadda Soomaaliyeed. Khayre ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka in ay is cafiyaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda. Sidoo kale wuxuu u rajeeyay in sanadkan kiisa kale uu Eebbe ku gaarsiiyo bash bash iyo barwaaqo. Maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ayaa maanta si weyn looga dabaal dagayaa Muqdisho iyo guud ahaan magaalooyinka kale ee dalka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Khayre.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhammaan dadka Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa. Deni ayaa ka dalbaday guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay isku furaan qalbiyadooda, islamarkaana ay is cafiyaan. “Waxaan u rajeynaa dhammaan Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed in ay farxad ku Ciidaan, isna saamaxaan, qalbiyadoodana isku furaan” ayaa uu yiri Madaxweyne Deni. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda. “Waa in ay si ay ku jirto Soomaalinimo, islaanimo u fiiriyaan dadka Soomaaliyeed mustaqbalkooda.” ayuu intaasi raaciyey Madaxweynaha maamulka Puntland. Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa ugu dambeyn Alle ka baryey in dhibtaada iyo culeyska uu ka dul qaado Ummadda Soomaaliyeed. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/fff.mp4 Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
  10. President Uhuru Kenyatta is leading a charm offensive in foreign countries to secure Kenya a seat at the UN Security Council and lobby for support on its position on Somalia as the confrontation between the two countries escalates. Source: Hiiraan Online
  11. Jowhar (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Hirshabelle ayaa waxaa uu Hambalyo ku aadan Munaasibadda Ciidul Adxaa u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle. Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha farxadeed awgeed loo baahan yahay inay is cafiyaan dhammaan umadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga farxiyo dadka danyarta ah iyo ubadkeena soo koraya. ‘’ Illaah waxaan ka baryayaa in sanadkaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo Nabad-gelyo, Horumar, Wadajir , Midnimo iyo inaan ka shaqeyno midnimadeena iyo horumarkeena ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Waare. ‘’ Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya wanaagsanaato, in Soomaaliya horumarto, in Hirshabelle meesha ay hada joogto sanandka dambe meel ka fiican ay gaarto dhanka horumarka iyo nabad-gelyada ‘’ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Waare. Madaxweynaha Hirshabelle waxaa uu sidoo kale baaq nabadeed oo ku aadan joojinta colaad beeleedyada mararka qaar Hirshabelle ka dhaca in lagu bedelo walaalnimo iyo wax wada qabsi. ‘’ Waxaan rajeynayaa in caqligu shaqeeyo , waxaana rabaa inaan ku booriyo cilimo udiinka, madax dhaqameedka, ganacsatada , waxgaradka reer Hirshabelle inay u kacaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarinta Dowladnimada’’ Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare. Ugu dambeyntii Waxa sidoo kale Ciida Carafo uu u diray Guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwa Hirshabelle, iyo ciidamada Amisom Ka howlgala Hirshabelle Gaar ahaan Ciidamada Hiil Walaal Ee Jibuuti Iyo Shacbiga Walaalaha Jibuuti, isagoo u rajeeyay caafimaad qab iyo Horumar. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  12. MOSCOW (Reuters) - Tens of thousands of Russians staged what a monitoring group called the country’s biggest political protest for eight years on Saturday, defying a crackdown to demand free elections to Moscow’s city legislature. Source: Hiiraan Online
  13. ADEN (Reuters) - Yemen’s southern separatists have taken effective control of Aden, seat of the internationally recognized government, fracturing the Saudi-led coalition which is trying to break the grip of the Iran-aligned Houthi movement on the country. Source: Hiiraan Online
  14. Kenya’s move to have the Al Shabaab militants blacklisted by United Nations as a terrorist group could curtail relief efforts in Somalia, rights activists warn. Source: Hiiraan Online
  15. The failure by the international community to honour financial pledges made to Uganda during a Solidarity Summit on Refugees is hindering the country’s ability to look after them, authorities have said. Source: Hiiraan Online
  16. A dispute over the “premature” release of convicted pirates by Somaliland authorities may reach the UN Security Council, after a protest by the Seychelles. Source: Hiiraan Online
  17. Nearly 2.5 million Muslims gathered at Saudi Arabia's Mount Arafat on Saturday for a vigil to atone for their sins, and then descended to Muzdalifa for the final stages of the annual haj pilgrimage amid summer heat and regional tensions. Source: Hiiraan Online
  18. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo congratulated the Somali people on the blessed occasion of Eid Al-Adha. Source: Hiiraan Online
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa. Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafa oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta dadnta guud iyo midnimada dadka muslimiinta. “Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ay kumannaan muwaadiniinteenna ah u jiheystaan sanad kasta, gudashada waajibaadka Xajka iyagoo naftooda, dadkooda iyo dalkoodaba Alle uga barya naxariis, barwaaqo iyo wanaag oo idil”. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ugu hambalyeeyay geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, guulaha isdaba joogga ah ee ay kasoo hooyeen hawlgaallada ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada Alshabaab. “Waxaan u dabbaal degaynaa Ciiddan iyadoo geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka Sida ay ka xoreeynayaan milayshiyaadka argagixisada ah deegaanno hor leh oo cadowgaasi ay ku dhibaateynayeen dadkeenna, kana soo maleegayeen dhagarta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed”. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si aynu wadajir ugu qeybsanno farxadda ciidda. Madaxweyne Maxamed Cabdalla Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciiddan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Waxaa maanta dhamaan caalamka islaamka ay u tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxa ee sanadka 1440, ayadoo dunida laga dareemayo farxadda ku aadan maalmahaan qiimaha ugu fadhiyo dhamaan umadda Muslimka ah. sidoo waxaa dhamaan maanta si is ku mid looga ciidayaa dhaamaan gobalada iyo deegaanada kala duwan ay dagaan dadka Soomaaliyee, ayadoo shacabka loo diyaariyay goobo ay ku gutaan Salaada ciidaha. Dhanka kale madaxugu sareyso dalka ayaa la filayaa in shacabka ay kula tukadaan Masjika Isbaheysiga Islaamka ayagoo haldli doona shacabka. Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha Goobjoog Media Group waxaa shabka Soomaaliyeed ugu hanbalyeeynayaan munaasabadda Ciidul Adxa ayaga oo leh Ciida Ciid Mubaarak. Goobjoo News Source: goobjoog.com
  21. Canada's government is facing increasing pressure to announce the outcome of its review of a lucrative weapons contract with Saudi Arabia, more than nine months after first announcing the inquiry in the wake of journalist Jamal Khashoggi's killing and the ongoing war in Yemen. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa. Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafa oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta dadnta guud iyo midnimada dadka muslimiinta. “Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ay kumannaan muwaadiniinteenna ah u jiheystaan sanad kasta, gudashada waajibaadka Xajka iyagoo naftooda, dadkooda iyo dalkoodaba Alle uga barya naxariis, barwaaqo iyo wanaag oo idil”. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ugu hambalyeeyay geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, guulaha isdaba joogga ah ee ay kasoo hooyeen hawlgaallada ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada Alshabaab. “Waxaan u dabbaal degaynaa Ciiddan iyadoo geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka Sida ay ka xoreeynayaan milayshiyaadka argagixisada ah deegaanno hor leh oo cadowgaasi ay ku dhibaateynayeen dadkeenna, kana soo maleegayeen dhagarta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed”. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si aynu wadajir ugu qeybsanno farxadda ciidda. Madaxweyne Maxamed Cabdalla Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciiddan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.