Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliska Guutada 10aad ee Ciidamada Xooga Dalka ee Gobalka ee Gedo ayaa sheegay in Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo laga furayo Taliska laga qorshaynayo dib u xoreynta Gobalka Jubada Dhexe ee ay gacanta ku hayaan Alshabaab Taliyaha Taliska Guutada 10aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobalka Gedo Gaasaanle Sare Maxamed Cadow Cali(Sanka) iyo xubno uu hoggaaminayo oo maanta gaaray halkaasi sheegay in Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo laga furayo saldhig laga qorshaynayo dib u xoreynta Gobalka Jubada Dhexe. Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha magaaladaasi Baardheere Maamulka degmadaasi iyo Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. “Aniga booaqaashadeyda waxaa uu qeyb ka yahay dardargelinta howlgalada socda,qorshaheyna ayaa wuxuu yahay in aan aas aasno saldhigweyn oo loogu talagalay in laga qorsheeyo howlgalkiia maleeshiyada Ashabaab looga qabsan lahaa guud ahaan Jobada Dhexe”. Ayuu yiri Taliye Maxamed Cadow Cali(Sanka) Goblada Jubooyinka iyo Gedo waxaa ka soconaya howlgalo ballaaran oo ciidanka xooga ay ku doonayaan in ay dib Alshabaab ay kala wareegaan gobalka Jubada dhexe, si lamid ah howlgalada ka socda gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Bankiga Daryeel ayaa maanta daahfuray laanta Tre Piano ee magaalada Muqdisho, iyada oo munaasabadda daahfurka ay ka qaybgaleen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, xildhibaanno, mas’uuliyiin ka socday Bankiga dhexe, ururka bankiyada, rugta ganacsiga iyo xubno ka socday qaybaha bulshada. Maamullaha xarunta bankiga Daryeel ee Tre Piano ,Cabdullaahi Axmed Nuur oo ugu horrayn xafladda ka hadlay ayaa sheegay aasaaska bangiga inuu ku yimid baahida loo qabo adeegyo casri ah, wuxuuna inta ku daray bankiga inuu diiradda saarayo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo banki oo la isku haleyn karo, kuna xiraya hannaanka caalamiga ah ee ay ku shaqeeyaan bankiyada caalamiga ah, isagoo marka ku soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed ee dalka iyo qurba-joogta adeegyada uu bankigu bixinayo. Guddoomiyaha guud ee Ifitin Group , Aadan Cabdullaahi Axmed Ilka-case ayaa dhankiisa sheegay in bankiga Daryeel uu qayb ka yahay Ifitin Group, wuxuuna caddeeyay bankiga inuu ugu adeegayo bulshada Soomaaliyeed si daahfuran, ammaano ah oo deg deg leh. Guuleed Cismaan, guddoomiyaha ururka bankiyada dalka oo ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay daahfurka bankiga Daryeel , ayaa soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay in bankigan uu ka mid yahay bankiyada dalka ee sida casriga ah u shaqeyn doona,waxaa kalo uu tilmaamay ururka inuu isku xiro bankiyada gaarka loo leeyahay iyo bulshada. Rugta ganacsatada, ayaa dhankooda soo dhaweeyay, waxaana ay ballanqaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Daryeel Bank, sida uu munaasabadda ka sheegay guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsatada. Cawil Aadan oo ah agaasimaha maamulka lacagta ee bankiga dhexe , ayaa boggaadiyay bankiga Daryeel oo uu sheegay ka sakow adeegyada uu bixinayo, inuu dalka ku soo kordhin doono shaqo abuur. Xildhibaan Maxamuud Siraaji oo ah guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdi Cali oo isna ah guddoomiyaha guddiga midowga Baarlamaannada bariga Afrika ee la-dagaallanka gaajadda ayaa soo dhaweeyay daahfurka bankiga iyo adeegyada fudud ee uu bankiga bixinayo, iyaga oo ku booriyay inay si furan ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed. Wasiir ku-xigeenka wasaarada maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow oo munaasabadda daahfurka bankiga Daryeel soo xiray , ayaa ku ammaanay adeegyada sahlan ee uu bankiga usoo bandhigay bulshada Soomaaliyeed, arrintaa oo uu ku sheegay inay tusaale u tahay horumarka iyo horusocodka dalka, waxaa kalo uu ganacsatada Soomaaliyeed ku ammaanay dhabar adeyga ay u muujiyeen marxaladihii adkaa ee uu dalku soo maray, ganacsatada ayuu si gaar ah ugu baaqay inay xoogga saaran dhiirrigalinta adeegyada ganacsi iyo sida lagu gaari lahaa isku filnaasho buuxda. Ugu dambeyn, ka qaybgalayaasha daahfurka bankiga Daryeel ee magaalada Muqdisho ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta bangiga adeegyada u sahlaya bulshada in iyaga oo jooga gurigooda ama goobahooda inay qaab internet ah ku heli karaan dhammaan adeegyada bangi ee lacag diris, soo diris iyo dhigashaba leh, iyada oo aan la tageyn xarumaha bankiga. PUNTLAND POST The post Daryeel Bank oo la daahfuray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in duleedka Magaalada lagu dilay illaa 3 qof oo shacab ah kadib markii lagu rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen. Gaariga la rasaseeyay oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho ayaa noociisu ahaa NOHA, waxaana kuu kusii jeeday degmada Balcad. Sida wararka sheegayaan Kooxo Burcad ah ay rasaaseeyeen gaarigaas xilli uu marayay deegaanka Masax oo u dhow duleedka Magaalada Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaasta lagu furay gaariga ay ku geeriyoodeen Darawalkii gaariga iyo laba ruux oo gaariga saarnaa oo midkood dumar tahay. Meydkii iyo dadkii ku dhaawacmay gaariga ayaa meesha laga qaaday markii ay gurmad u fudiyeen qaar ka mid ah Shacabka degmada Balcad iyo Ehelada dadka rasaaastaas ku waxyeeloobay. Maamulka degmada Balcad ee Hirshabeelle wali kama hadlin dadka ku dhintay duleedka degmadda Balcad. Kooxihii Burcada ahaa ee ka dambeeyay rasaasta lagu furay gaariga ayaa la sheegay inay Goobta ka baxsadeen. Dilalka noocaan oo kale ah ayaa waqtiyadii dambe kusoo badanayey Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana inta badan baxsado kooxo ka dambeeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Peacekeeping Operations in Somalia are moving in the right direction, the UK Defence Attaché in Mogadishu has said. Source: Hiiraan Online
  5. Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in Alshabaab ay ku milmeen hay’adaha Amniga iyo Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Cabdiraxman Cabdishakuur oo sheegay in Al-shabaab ku milantay hay’adaha dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Xisbiga WADA-JIR ee Dalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka warramay hababka Al-shabaab uga dhex shaqayso Dalka Soomaaliya. Wuxuu Sawir ka bixiyey sida ay dhaqaalaha uga hesho meelo ay Dawladdu gacanta ku hayso, sida Dekedda, Kaantaroollada Gaadiidka lagu Cashuuro, Cashuurro ay ka qaaddo Wax soo-saarka dalka dibeddiisa loo dhoofiyo, Siyaasigan oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa isagoo mid mid u sheegaya siyaalo uu sheegay inay Al-shabaab kaga dhex shaqaysato Dalka Soomaaliya wuxuu yidhi “Al-shabaab waxay cashuur ka urursataa qaybo kala duwan Ganacsiga Dadweynaha Soomaaliyeed iyo meelaha ay Dawladdu gacanta ku hayso oo ay Dekeddu ugu horrayso, waynu ognahay in Al-shabaab ay Cashuur ka qaadaan Koontaynar kasta oo Dekedda yimaadda, Xogtaanu helaynaa waxay sheegaysaa koontaynarka 40-ka Feet ah waxay ka qaadaan $ 140 Dollar, kii 20 feet ahna waxay ka qaadaan $ 100 dollar, waxa kale oo ay Al-shabaab heshaa xogta la xidhiidha dhaqdhaqaaqa Dekedda.” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay oo kale “Waxaanu la kulanay Ganacsato Soomaaliyeed oo markii la waydiiyey inay bixiyaan Cashuurta Al-shabaab la soo hor-dhigay oo la yidhi waxan iyo waxan baad Dekedda kala soo degteen (ee bixiya Cashuurta Al-shabaab)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Al-shabaab waxay maraysaa Tuulada la yidhaahdo Mubaarik Qof kasta oo Ganacsato ah oo Alaab la soo dega in Fayl loo furi, Lambarka diwaangelinta la siiyo. Waxa kale oo ay Al-shabaab qaaddaa Cashuurta wax soo-saarka beeraha ama Dalagga Beeraha, sida Liinta la dhoofiyo, xoolaha la dhoofiyo, waxa kale oo ay awood u yeesheen in heshiis ama Koontaraak kasta oo la galo inay boqolkiiba 5 ku yeelato Al-shabaab, ma jirto Nootaayo ku taalla Magaalada oo dhul kala wareejin karta iyadoon Al-shabaab laga siinin qaybtooda.” Guddoomiyaha WADA-JIR wuxuu sheegay “Waxay ku guulaysteen in Gaadiidka Dadweynaha ay ka soo leexiyaan Jidadka ay Dawladdu gacanta ku hayso, si marka ay waddooyinka ay Maamulaan soo maraan ay cashuur uga qaataan. waxaynu ognahay in Hawlaha ay qabanayaan NGO-yadu ay Al-shabaab ka qaaddo boqolkiiba 30..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaynu ognahay in dhaqdhaqaaqyada baananka iyo Xawilaadaha ay Al-shabaab Gacanta ku haystaan…” Al-Shabaab waxay ku milmeen Hey’addaha Amniga dowladda iyo dakhliga magaalada, waxay canshuur ahaan u helaan 20 illaa 30 milyan, dadka ayay si toos ah ugu yeedhaan deegaanka Mubaarak, illaa iyo hadda waxaa is weydiin ah dowladda mala dagaalantay”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Source
  7. Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Cali Yuusuf (Xoosh), ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya, in dowladda Puntland ay mamnuucday shirkadda DAALLO AIRLINE. “Wasaarada Duulista Hawadda iyo Garoomadda ee Dawladda Puntland, waxa ay cadaynaysaa in aan waxba ka jirin warbixinta lagu sheegay in Shirkadda DAALLO AIRLINE laga mabnuucay Garoomada Puntland” ayuu yiri Xoosh oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirkaddu ay maantadan ka degtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ” waliba waxaan dad waynaha reer Puntland iyo guud ahan kuwa Soomaaliyeedba usheegayna in duulimaadkii caadiga ahaa ee shirkada DAALLO AIRLINE ay ku imaan jirtay Puntland ay maanta kaga soo dagtay Garoonka Boosaaso”. Agaasimaha ayaa tilmaamay in shirkadda DAALLO AIRLINE ay maalmihii u dambeeyay Garoomada Garoowe iyo Boosaaso ka qaadaysay dadka sannadkan soo gudanaya waajibaadka Xajka “Waxaa sida oo kale shirkada DAALLO AIRLINE Garoomadda Boosaaso iyo Garoowe ay ka qaaday duulimaad yadii XAJKA ee ay xujayda ugu qadaysay Dalka Sucuudiga” ayuu sii raaciyay Xoosh. Agaasimaha ayaa ugu dambeyntii caddeeyay, in Garoomada Puntland ay u furan yihiin diyaarad kasta oo si sharciya ku imaanaysa ” Garoomadda Puntland waxaan kusoo dhawaynaynaa cidkasta ama diyaarad kasta oo si sharci ah ku imanaysa kagana duulaysa, anaga oo adeeg ay ku qancaana u diyaarinayna”. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in shirkadda DAALLO AIRLINE laga mamnuucay Garoomada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ayaa faah faahin ka bixiyey halka ay marayso soo xulista Baarlamaanka cusub ee Jubbaland iyo qaabka ay u socoto soo xulista Odayaasha dhaqanka Jubbaland. Guddiga, oo inta uusan shirka jaraa’id qaban kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee soo xuli doona Xildhibaanada Jubbaland, ayaa ugu baaqay Odayaasha in ay soo xareeyaan foomamka iyo xogta xubnaha lasoo xulay. Guddiga ayaa Odayaasha ku booriyey in liiska ay soo gudbiyaan ay kusoo daraan xubno haween ah si loo ilaaliyo qoondada Dumarka. Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka oo hadlay ayaa sheegay in ay soo gudbiyeen liiska saddexda xubnood ee uu kasoo dhex baxayo qofka Xildhibaanka noqonaya. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee guddiga doorashooyinka Axmad Cumar Maxamed, oo faah faahin ka bixiyey qaabka ay u socoto soo gudbinta liiska Xildhibaanada cusub, ayaa warbaahinta u sheegay in Maalinta berri ee Talaadada ah ay ku egtahay xilliga guddigu qabtay ee loo qorsheeyey in lagu soo gudbiyo liiska xubnaha Baarlamaanka. Musharixiinta u taagan qabashadda Madaxweynaha Jubaland ayaa ilaa hada is diiwaan galin waxa ayna sheegeen in Gudiga doorashooyinka Jubbaland ay hoos shaqeeyaan Axmed Madoobe oo doonaya dib u doorasho. Dhinaca kale, Kismaayo Waxaa wada hadalo maanta ugu socdaan Taliyaha Ciidanka AMISOM , Wakiilka gaar ah ee IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Guunyo iyo Madaxweynaha Jubbalnd oo la xariir arimaha doorashadda Jubaland iyo tabashadda Musharixiinta Xildoonka ah. Doorashadda Jubbaland ayaa ah mid Dowladda Soomaaliya iyo beesho Caalamku isha ku hayaan sida wax u socdaan, waxaana Gudiga doorashooyinka Jubbaland ay sheegayaan in sidii loogu talagay u socoto doorashada Maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdisalaan Yaasiin Oo Si Adag Uga Hadlay Hadallo Xajiin Iyo Xanaf Leh Oo Ka Soo Yeedhay Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Mac’hadka horumarinta cilmi baarista ee SIDRA ayaa soo gabagabeeyay dood ku saabsanayd daraasad horu dhac ah oo ka hadlaysay waxabarashadu kaalinta ay ku leedahay soo [...] Source
  11. (SLT-Riyadh)-Ciidammada Cirka ee Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa Hawada ku burburiyey Diyaarado Drones ah oo Gantaal ahaan ay Xuutiyiintu ula beegsanayeen garoomo diyaaradeed oo ku yaalla Dalka Sucuudiga. Diyaarado Drones ah oo aan Magacyadooda la sheegin ayaa la burburiyey ka hor intii aanay soo gaadhin Yoolkooda, sida uu sheegay Colonel Turki Al Malki oo ah Afhayeenka Xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaallada ka wada dalka Yemen, iyagoo taageeraya Dawladda Yemen ee Adduunku aqoonsan yahay, isla-markaana uu Madaxweynaha ka yahay Abdrabu Mansur Hadi. “Kooxda Mitidiinta ah ee Xuutiyiintu mar walba waxay isticmaalayaan Farsamooyinka Argagixisada..” ayuu yidhi, Colonel Turki Al Malki, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga, waxaanu intaa ku daray in Weerarrada Xuutiyiintu la beegsanayaan Meelaha Dadka Shacabka ahi ku sugan yihiin ay yihiin dambiyo Dagaal. Colonel Turki Al Malki ma sheegin Goobaha diyaaradaha Drones-ka ah ee Hawada lagu burburiyey ay beegsanayeen, balse Telefiishanka Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay in Bar-tilmaameedka Diyaaradaha Drones-ku ahaayeen Madaarrada kala ah Abha, Najran iyo King Khaled airbase oo dhammaantood ku yaalla Koonfurta boqortooyada Sucuudiga oo u dhow xuduudka Yemen. Source
  12. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ayaa ka warbixiyay shir ay maanta yeesheen madaxweynaha Jubbaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha Xukuumaddiisa iyo taliyaha Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma. Madaxweyne ku xigeenk, ayaa sheegay in kulanka labada dhinac lagaga hadlay; sidii la iskaga kaashan lahaa ammaanka, isla markana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo Cusub oo degaanada Jubbaland lagaga saari doono malayshiyaadka Al-shabaab, waxaa uu intaas ku daray, in la isku raacay si wadajir ah in looga hortago, wararka been abuurka ah ee lagu kicinayo Bulshada, kuwaas oo la xiriira Arimaha doorashada madaxtinimada Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenku wuxuu tilmaamay, in AMISOM ay sheegtay inayna wax faragalin ah ku samayn doonin Arrimaha doorashada Jubbaland, loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago, iyadoo aysan wax shaki ah ku jirin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM. Waxaa kale oo sida uu xusay la isku raacay in si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashada Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM. PUNTLAND POST The post Shirkii madaxweynaha Jubaland iyo taliyaha AMISOM oo war laga soo saaray appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Hargeysa)-Beel Diiday Xubno Maamulaya Cisbitaalka Laascaanood, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Guddoomiye Mursal iyo wefdigiisa oo gaaray Johannesburg Guddoomiyaha Aqalka hoose Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Wefdiga guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb geli doono shirka Sanadlaha ah ee guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan halkaasi ka furmi doona. Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Jamaal Maxamed Barrow ayaa magaalada Johannesburg ee dalkaasi ku soo dhoweeyay guddoomiyaha iyo wefdigiisa. Guddoomiye Mursal ayaa uga mahad celiyay safiirka iyo shaqaalaha kale ee Safaaradda soo dhoweyntooda waxaana uu sheegay in ujeedka ay u soo gaareen Koonfur Afrika ay tahay iney ka qeyb galaan shirka guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika. Shirka guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika ayaa mudada uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha Qaxootiga Afrika. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo shir uga qayb-gelaya dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  15. Hobyo (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta mar kale dib furmay shirkii Magaalada Hobyo ee Beelaha Habargidir kaasoo looga tashanayo aayaha Maamulka Galmudug. Magaalada Hobyo waxaa Shalay gaaray Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeedo Beelaha Habargidir. Sidoo kale waxaa shirka gaaray maalmihii ugu dambeeyey ergooyin tiro badan oo ka kala socdo Beelaha Habargidir ee halkaas dago. Xildhibaanada Shirka ka qeybgalayo waxaa kamid ah Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Warsame Joodax, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Xildhibaano kale. Xildhibaanada qaar oo shirka ka hadlayey ayaa sheegay in shirka looga hadlayo Nabadda iyo sidii loo diyaarin lahaa Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha dago Deegaanada Galmudug. Waxyaabaha kale ee shirka looga hadli doono ayaa waxaa kamid ah sidii Deegaanada Galmudug ay uga dhici laheyd doorasho xalaal ah oo ka maran faragelinta Dowladda Soomaaliya si dad Galmudug ay u doortaan hoggaamiyaha ay u arkaan inuu yahay midka ka bixin karo xaaladda uu hadda ku jiro Maamulkaas. Xildhibaanada ayaa sheegay in Shirkaas uu taageersan yahay in laga qeybgalo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, oo la filayo in Dhuusamareeb lagu qabto 17-ka bishan. Maalmihii dambe waxaa soo baxay inuu shirka Hobyo caqabad ku yahay Shirka ay dowladda Iclaamisay ee lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb balse qaar ka tirsan Odayaasha iyo Xildhibaanada qeybta ka ah Shirka Hobyo waxay sheegeen inaysan caqabad ku aheyn shirkaas. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa muddo 45 Cisho ah ku bixiyey Deegaanada Galmudug, wuxuuna sheegay inay dowladda dhisi doonto Galmudug loo dhan yahay inkastoo ay Beelaha qaar qabaan tabasho iyo inay jirto eexasho ay waddo Dowladda. Shirka Hobyo ayaa waxaa abaabulkiisa lahaa Siyaasiyiinta Beelaha Habargidir kuwaas oo diidan inay meesha ka baxdo awoodooda siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Hobyo caasimada@live.com
  16. Kulan ay magaalada Laascaanood ku yeesheen waxgaradka iyo isimada beesha Ugaadh-yahan ayaa waxa ay kaga arrinsadeen aaya ka talinta gobolka Sool iyagoona shaaca ka qaaday [...] Source
  17. Johannesburg (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb geli doono shirka Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan halkaasi ka furmi doona. Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Amb: Jamaal Maxamed Barrow oo soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dalka Koonfur Afrika uu yahay dal muhiim u ah Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay safiirka iyo shaqaalaha kale ee Safaaradda soo dhoweyntooda diiran,isagoona dhanka kale sheegay in ujeedka ay u soo gaareen Koonfur Afrika ay tahay iney ka qeyb galaan shirka guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo ka dhici doona dalkaasi,socon doonna 6 ilaa iyo todobada bishan. Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika ayaa mudada uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha Qaxootiga Afrika. View the full article
  18. Beledweyne (SMN) – Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Mudane Cali Muxumad Caraale ayaa maanta magaalada Baladweyne ee xaruna gobolkaasi shir looga hadlayey amniga kula qaatay saraakiisha ammaanka ee ciidamada dowlad goboleedka HirShabelle. Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada inay ka qeyb qaataan sugida nabad gelyada, si loogu hortago falalka liddiga ku ah amniga. Sidoo kale wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeysa ciidamada ammaanka iyo shacabka ku dhaqan gudaha magaaladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/COD-ANISO-HIIRAAN.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday heerka ay gaarsiisan tahay awoodda Al-Shabaab ee Muqdisho iyo sida ay u dhex-galeen dowladda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku milmeen Hey’addaha amniga dowladda, isagoo xusay in xilligan Shabaab ay sida ay rabaan Muqdisho ka sameeyaan, illaa heer ay Canshuur ka qaadaan Dekeda Muqdisho iyo alaabaha ka soo dega. Waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka in aanay la imaan siyaasad cad oo ay kula dagaalanto, taas bedelkeed ay xoojisay dagaalka siyaasiyiinta mucaaradka, burburinta maamul goboleedyada iyo kala qeybinta Baarlamaanka. “Al-Shabaab waxay hadda marayaan in Tuulada Mubaarak feyl looga furo ganacsatada, lana siiyo lambar diiwaangelin ah, waa arrin aad looga naxo… waxay marayaan inay qaadaan canshuurta gudaha, sida xoolaha iyo wax soo saarka la dhoofiyo, waxayna awood u yeesheen in qandaraas kasta oo la galo ay saartaan 5% ka qaataan. Ma jirto Nootaayo magaalada ku taalla oo kala wareejin karta dhul iyadoo Al-Shabaab Canshuur laga siin, Waxay baabuurta aada Gobollada ku guuleysteen inay la leexiyaan wadooyinka ay joogaan ciidamada dowladda.. Waxay kaloo 30% ka qaataan hay’adaha NGO-yada…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo warbixintan naxdinta leh ka jeediyey xaflad uu xisbigiisa Wadajir ugu soo qabanqaabiyey xisbigiisa. Wuxuu soo qaatay qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir oo dhaawac kasoo gaaray uu u geeriyooday Guddoomiyihii G/banaadir C/raxmaan Yariisow, taasoo caddeyn u ah in meeshii ugu danbeysay ay beegsadeen Alshabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Kismaayo (SMN) – Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta tegay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ticabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya iyo ciidamo uu wato ayaa ka dagay barqanimadii maanta garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Ugu horreyn taliyaha ayaa salaan sharafeed ka qaatay ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ee ku sugan halkaasi, iyadoona kadib loo galbiyey gudaha degmadaasi. Taliyaha AMISOM iyo madaxweynaha Jubbalad Axmed Madoobe ayaa haatan kulan gaar ah waxa uu uga socdaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulkaasi. Kulankan oo ay warbaahintu dibad joog ka tahay ayaa lagu soo warramayaa in looga hadlayo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii ay amniga ula wareegi laheyd AMISOM. Sidoo kale taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulamo kale la qaadan doono guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi. Shirarkan is daba jooga ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan ayaa la filayo in la qabto doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee maamulka Jubbaland View the full article
  21. Laascaanood (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada maamulka Somaliland iyo Jabhad hubeysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii Jabhaddan oo diidan joogitaanka Ciidanka Somaliland ay weerar ku qaaday xero ay ku leeyihiin buurta Sayidka ee magaaladaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaal fooka fool ah oo saacado badan qaatay uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Dhinaca kale saraakiisha ciidamada maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay dagaalkaasi Taliyaha qeybta gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ciidamadooda rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeeen weerarkaasi iyo saddex qoray oo AK47 ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku raad joogaan rag kale, islamarkaana ay haatan baaritaano ka wadaan agagaarka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga ee maamulka Somaliland. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-05082019.mp3 View the full article