-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabilay wefti madax-dhaqameed ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan, Mudane Maxamed Xasan Xaad. Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Mogadishu Clan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayey bahda dhaqanku madaxweynaha ugaga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo budhcad-badeednimo u xidhnaa, kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhawaan cafis u fidiyey. Madaxda dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan ayaa maantaba u ambo baxay magaalada Muqdisho iyaga oo hoggaaminaya 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska kusii daayey. Maxaabiista la cafiyey ayaa muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, waxana sii sagootiyey la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada, Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan. Kulanka xalay waxa madaxweynaha ku wehelinayeen masuuliyiin isugu jiray wasiiro, taliyeyaal iyo xeer ilaaliyaha qaranka
-
Guddoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa xalay khudbad uu ka jeediyay xuska 1-da Agoosto waxaa uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladda dalka iyo Nidaamka Federaalismka. Halkaan hoose ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Abshir Bukhaari: Puntland waxay kaalin mugleh ka soo qaadatay dib u soo noolaynta dowladnimadii burburtay ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa maanta war ka soo saray geerida Eng. Yariisow. Gudoomiyaha ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow, oo ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qatar oo lagu dabiibayey xaaladiisa caafimaad. Hoos ka aqriso qoraal uu arrintan kaga hadlayo oo uu bartiisa Facebook soo dhigay Gudoomiyuhu “Waxa aan dadka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Eng. Cabdiraxman Cumar Cisman [Yariisow] Duqii iyo Guddoomiyihii magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Illaahay waxa aan uga baryayaa in uu u naxariisto, qoyskiisii iyo dadka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo. Walaaltinimada isirka Soomaaliga ah ayaa ka sarreysa siyaasadda iyo waxa inaga dhaxeeya”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Mogadishu Mayor Dies After Being Injured In Suicide Attack May Allah Grant Him Jannah, the Mayor of Mogadishu, Somalia, Abdirahman Omar Osman, “Eng. Yariisow” has died in Doha, Qatar, as a result of severe injuries received in a deadly suicide blast at his offices last week. Eng. Yariisow, along with several other officials were the victims of an attack claimed by the Al-Shabab group targeting the recently appointed UN Special Envoy, Ambassador James Swan. The envoy left the meeting with the Mayor ahead of schedule and as a result survived the assassination attempt. Despite the heroic efforts by doctors and surgeons in Mogadishu and Doha, Mayor Yariisow succumbed to his injuries. Family members were at his bedside. Qarannews.com Qaran News
-
Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Jimco ah kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee maamulkaasi. Sarakiisha ayuu faray in ay adkeeyaan Nabadgalyada sidoo kalana ay soo gudbiyaan baaritaanada iyo in sharciga la horkeeno ragii geystay falalkii amniga lidka ku ahaa ee ka dhacay Kismaayo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Sarakiisha iyo Ciidamada kala duwan uga mahad celiyay sida ay naftooda ugu hurayaan nabadaynta iyo xasiloonida dalka. Axmed Madoobe ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay shacabka si dhow ula falgalaan mar walbana ka shaqeeyaan badbaadada Shacabka maadama ay dartood qoraxda iyo qabowga u taagan yihiin. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in cadaaladda lasoo taago cid walba oo ku lug-lahayd weerarkii xarunta gobolka Banaadir ee isbuucii hore. Wakiilka UN-ka u fadhiya Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in falalka noocaasi oo kale ah loo baahan yahay in ay u midoobaan shacabka Soomaaliya. Dowladda ayaa shaacisay in ay baaritaan ku waddo qaraxan, waxayna balanqaaday in ay natiijada lasoo wadaagi doonto dadweynaha. James Swan, ayaa dhanka kale, wuxuu ka tacsiyeeyey geerida Eng Yariisow, duqii hore Muqdisho ahaanna gudoomiyihii gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa shalay wuxuu ugu dhintay Dooxa, caasimada Qadar, dhaawac kasoo gaarey falkaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay. Meydka Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa lagu wadaa in maalinta Sabti ah laga soo dejiyo magaala madaxda waddanka. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi heer qaran ah u magacowday Aaska Injineer Yariisow, kaasi oo la rajeynayo in si maamuus sare ah loo duugo. View the full article
-
Halkan ka daawo Khudbadda madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo haatan ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya PUNTLAND POST The post Dr. Faroole oo sheegay in uu Firimbi ku yeerin doono Xukuumadda Deni haddii ay ka gaabiso shaqadii loo doortay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in ammaanka Muqdisho la adkeynayo inta lagu guda jiro maalmaha baroor-diiqa ee Eng Yariisow. Jenaraal Maxamed Xuseen Madaale, oo ku hadlayey afka taliyaha guud ee bileyska, ayaa shaaciyey in ciidamada la geliyay heegan sarre. Dadweynaha ayuu ka codsaday in ay lasoo wadaagan taliska waxyaabaha ay ka shakiyaan si looga hortago kahor inta aysan waxyeelo sababin. Dhinaca kale, Mr Madaale ayaa wuxuu sheegay in isaga oo wakiil ka ah taliyaha Booliska uu tacsi u dirayo qoyska marxuumka. Sikastaba ha ahaatee, maalinta berri oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in meydka marxuum Eng Yariisow la keeno magaaladda Muqdisho. View the full article
-
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Jimca ah si buuxda loogu wareejiyay sugidda amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Munaasabadda ay dowladda Federaalka kula wareegtay amniga Dhuusamareeb, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Amniga gudaha , Maxamed Abukar Islow Ducaale, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug , Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa munaasabaddaasi ka sheegay in howlaha dib u-heshiisiinta Galmudug ay hadda marayaan meel wanaagsan. Wasiirka Wasaarada Amniga gudaha Maxamed Abukar Islow (Ducaale), ayaa isna halkaasi ka shaaciyay in dowladda Federaalka Soomaaliya, ay si buuxda ula wareegtay amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Madaxa Golaha xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan , ayaa dhankiisa sheegay in Ciidanka amniga sugaya wixii ka soo hara ciidamada kale la gayn doono goobo loogu talagalay, si aysan u dhicin is bar-bar yaac , wax walba oo quseeya amniga Caasimadana looga dambaynayo hay’adaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya. Dr Cabdiraxmaan Cadullaahi Baaddiyow oo ka mid ah Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa isan goobta ka sheegay inay sugayaan eragadii ka qaybgalaysay Shirka, wuxuuna ugu baaqay in ay yimaaddaan Magaalada Dhusamareb. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la wareegtay sugidda Amniga Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (Xinhua) -- African Union and United Nations envoys in Somalia have mourned the death of Mogadishu mayor Abdirahman Omar Osman, who on Thursday died from injuries sustained in a suicide bomb attack on July 24, saying increased attacks will not derail efforts to stabilize the country. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (SMN) – Iyadoo qaban-qaabo loogu jiro sidii ay doorasho uga dhici lahayd degaanada maamulka Jubalanad ayaa waxaa jira dhinacyo iska soo horjeeda oo aragtiyo kala duwan ka qaba hanaanka loogu diyaar-garoobayo doorashadaasi. Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo Jubbaland ayaa qirsan in Axmad Madoobe, madaxweynaha maamulkaasi uu u xusul duubayo soo noqoshada mar kale, arintaas darteedna u wax kasta u samayn karo. Arimaha tuhunka badan dhaliyey ayaa ah qaraxyada iyo dilal qorshaysan ee ka dhacaya Kismaayo, kuwaaso dad qaar ay la yaaban yihiin waxa kusoo beegay xiligan aadka xasaasiga u ah. Nabadoon Badal Jaamac Xirsi Badal Laangare oo kamid ah Waxgaradka ku sugan Magaalada Muqdisho, deegaan ahaana ku abtirsada Jubaland ayaa saluug badan ka qaba sida doorashada loo maamulayo. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo fara galiso arimahan. Kismaayo waxaa ku sugan Murashaxiin badan oo ku tartamaya kursiga Madaxweynaha Jubalanad, kuwaaso cabsi badan ka qaba in uu faragalin ku sameeyo doorashada Madaxweynaha uu waqtiga kasii dhacayo ee Axmed Madoobe. View the full article
-
Jabuuti (SMN) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalkuba uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd eek u timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, Marxuum, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow). “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxaweyne Geelle. “Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa Guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka banaadir. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-02082019.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo jimco ah kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Maamulkaasi Jubbaland. Madaxweynaha ayaa Saraakiisha faray in ay adkeeyaan Nabadgalyada sidoo kalana ay soo gudbiyaan baaritaanada iyo in sharciga la horkeeno danbiilayaashii Falalkii amniga lidka ku ahaa ee u danbeeyay ka gaystay Magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Sarakiisha iyo Ciidamada kala duwan uga mahad celiyay sida ay naftooda ugu hurayaan nabadaynta iyo xasiloonida dalka. Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Jubbaland wuxuu kula dardaarmay in ay shacabka si dhow ula falgalaan mar walbana ka shaqeeyaan badbaadada Shacabka maadama ay dartood qoraxda iyo qabowga u taagan yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Jimco ah taariikhduna ay ku began tahay 2/8/2019 ayaa sirasmi ah waxaa loogu wareejiyay mas’uuliyadda Amniga Guud ee Magalada Dhuusamareeb. Goobta wareejinta oo aheyd Xarunta ay Dhuusamareeb ka degan yihiin Xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed sabriye, taliyeyaash Ciidamada iyo Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kale. Maxamed Shaakir Cali Xasan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaan mas’uuliyadda Amniga Dhuusamareeb ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay qaado. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhamaan Ciidamada kala Duwan ee ku sugan Gudaha Magaalada Dhuusamareeb loo saari Doonaa Bannaanka Magaalada,isla markaana Amniga Gudaha ay la wareegi doonaan Ciidamo Gaar ah oo Dowlada DFS u diyaarisay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalkuba uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd eek u timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, Marxuum, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow). “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxaweyne ; Geelle. “Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa Guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Amaanka magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online ayaa 31-kii July shaacisay in kooxda Ahlu-Sunna ay ogolaatay in ciidamo boolis federal ah oo ka tagaya Muqdisho la geeyo magaalada Dhuusomareeb, taasi oo horey u diideen. Shir Jaraa’id oo goor dhow ay si wada jir ah ugu qabteen magaaladda Dhuusamareeb wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Isloow, wasiirka arimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo guddomiyaha guddiga dib u heshiinta beelaha Galmudug Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow ayay ku sheegeen in ammaanka magaaladda Dhuusamareeb lagu wareejiyay dowladda faderaalka Soomaaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in lagu guulaystay in la isku daro ciidamadda booliska, Nabad Sugida iyo Militariga ayna si wada jir ah u xaqiijinayaan ammaanka magaalada. Wasiirka amniga Ducaale oo isna goobta ka hadlay ayaa Ku dhawaaqay In dowladda Soomaliya mas’uul ka tahay ammaanka magaalada Dhuusamareeb. Sheekh Shaakir ayaa isna sheegay in ay ugu mahad celinayaan dowladda faderaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayso dismaha maamulka Galmudug. “Ciidamada kala duwan ee ku sugan gudaha magaalada Dhuusamareeb waxaa loo saari doonaa banaanka magaalada, waxaana amniga gudaha la wareegaya ciidamo gaar ah oo dowlada faderaalka Soomaaliya u diyaarisey amamanka doorashadda” ayuu yiri madaxa xukumadda Galmudug, Sheekh Shaakir. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada maamulkaasi ayaa amray inay xoojiyaan amniga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe ayaa sheegay in saraakiisha looga fadhiyo inay adkeeyaan nabad gelyada inta inta lagu guda jiro doorashada dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday in ay soo gabagabeeyaan baaritaanadooda ku aadan weerarkii dhawaan ka dhacay hoteelka Cascasey iyo dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaaladaasi. Madaxweyne Axmed Axmed ayaa sidoo kale saraakiisha ciidamadiisa kula dar daarmay inay wada shaqeyn dhow la yeeshayaan shacabka qeybihiis kala duwan. Dhankooda saraakiisha ka qeyb galay shirka ayaa ballan qaaday in ay sii labo jibaari doonaan howlgalladooda, islamarkaana ay ka hortagi doonaan falalka liddiga ku ah nabad gelyda. Dhowaan ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada xildhibaanada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha ee maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Washington DC (Caasimada Online) – Wiilka Osama Bin Laden ayaa la rumeysan yahay inuu dhintay, islamarkaana lagu dilay howl-gal uu Mareykanka taageerayey sida ay sheegayaan warbixinno cusub. Saraakiil magacooda qariyey ayaa xaqiijiyey dilka la tuhunsan yahay ee Hamza bin Laden, oo la rumeysnaa inuu ku jiray da’diisii soddonaadka, sida uu markii ugu horreysay weriyey taleefishinka NBC News. Wargeyska New York Times ayaa sidoo kale weriyey in Hamza lagu dilay howl-gal dhacay labadii sano e ee ugu dambeysay gudahood, kaasi oo Mareykanka uu si un ugu lug lahaa. Si kastaba, saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay New York Times in dowladda aysan weli xaqiijin dhimashada Hamza. Mareykanka ayaa horey hal milyan oo dollar ugu yaboohay akhbaar kasta oo hoggaamin karta qabashada ama dilka Hamza bin Laden. Sida laga arkay warqado laga helay dhismihii lagu dilay Osama bin Laden, ee magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, Hamza, ayaa waxaa illaa iyo yaraaantiisa loo diyaarinayey inuu mar un hoggaanka Al-Qacida kala wareegay aabihiis. VOA
-
Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan qorshaha uu gobolka Banaadir ku yeelanayo Maamul u gaar ah, kaasoo ay uga baxayaan dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira caasimadda. Cosoble ayaa sheegay in dadka Muqdisho ay yihiin kuwa dhiban oo dowladda hadda jirta ay waddooyinka ka xiratay, ayna weli magalada qaraxyadii ka dhacayaan oo ay ku dhimanayaan kuna dhaawacmayaan mas’uuliyiin iyo dad shacab ah. “Dad isugu jira Qurbo-joog iyo reer Muqdisho ayaa diyaar-garow ugu jira in loo sameeyo gobolka Banaadir maamul gaar ah, dadkeenii way dhiban yihiin… waxaan rabnaa inaan u sheegno Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo in dhagax waddada lagu xiro aan dalka lagu maamuli karin,” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble. Sidoo kale, Wuxuuu mar kale sheegay inay soo gunaanadeen wada-tashadii ay maalmahaan wadeen, isla markaana ay magacaabayaan guddi ka shaqeeyaa soo diyaarinta dastuurkii uu ku shaqeyn lahaa maamulka cusub ee gobolka Banaadir. Xildhibaanka ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo beegmayaa xilli dhawr jeer uu fashilmay qorsho lagu doonayay in maamul ay dadku soo doortaan loo sameeyo gobolkan Banaadir, waxaana qorshahaas sida la sheegay xilkiisii ku waayay guddoomiyihii gobolkan Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed. Ugu dambeyn, Guddooomiyaha geeriyooday ee gobolka Banaadir ayaa horay uga hor-yimid talo arrintaan ku saabsan oo ay soo jeediyeen xubno uu ka mid yahay xildhibaan C/qaadir Cosoble, waxaana geeridiisa ay timid xilli aan weli la xallin khilaafka ku saabsan maamul u sameynta Xamar. DHAGEYSO: Codka; Xildhibaan C/qaadir Cosoble ee ku aaddan Maamul u smeynta Gobolka Banaadir; PUNTLAND POST The post Muqdisho oo laga wado dadaal lagu doonayo in maamul loogu sameeyo Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa shaacisay xilliga la aasayo marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan [Inj. Yariisow] oo maalintii shalay ahayd ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Qatar, halkaasoo looga daweynayay dhaawacyo kasoo gaaray qaraxii toddobaadkii hore ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar. Guddoomiyaha guddigii loo magacaabay xaaladaha deg-degga ah ee qaraxi kadhacay xarunta gobolka Banaadir, ahna wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Somalia, Cabdi Canshuur ayaa sheegay in DF ay diyaarad khaas ah u dirayso dalka Qatar si ay meydka u soo qaado. Wasiirka ayaa sheegay in maalinta berri ah Aas Qaran loo sameyn doono Inj. Yariisow, iyadoo aaskiisa ay kasoo qayb-geli doonaan xubnaha sare ee DFS, madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xubno kale oo muhiim ah. Sidoo kale, Waxaa dalka looga dhawaaqay saddex maalmood baroor-diiq Qaran ah, taasoo loogu barooranayo geerida guddoomiyihii hore ee gobolka banaadir, ahaana Duqii hore ee Muqdisho, kaasoo xilk hayay muddo sannad iyo bar ah. Geerida Inj. Yariisow ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia, iyagoo muujiyay sida ay uga naxeen geerida marxuumka oo ay ku tilmaameen mas’uul la dilay isagoo dalkiisa iyo dadkiisa u adeegaya, ayna dishay gacan-ka-xaq-daran. Dhanka kale, Waxaa la filayaa in aaska marxuumka ay ka qayb-galaan tiro badan oo ka mid ah shacabka Muqdisho, kuwaasoo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, waxaana la filayaa inay madax heer caalami ah ay ka qayb-galaan aaska marxuumka. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa wuxuu ku dhawaaqay shalay guddiga aaska Qaran ee marxuum Yariisow, kuwaasoo uu hor-kacayo RW ku xigeenka Somalia, Mahadi Maxamed Guuleed, ayna xubnihiisa ka mid yihiin; Wasiirka Boostada, Cabdi Canshuur, Wasiirka Isboortiga, Khadiijo Diiriye iyo kuwo kale. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday xilliga la aasayo Duqii hore ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.