Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Dadkii ugu badnaa ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay ka baxay magaalada Beladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan waxaana aad looga dareemaya Guud ahaan gobalka gaar ahaan magaalada Beladweyne. Sidoo kale Ganacsigii ugu badnaa ayaa ku bur buray magaalada Beladweyne ee Xarunta Gobalka Hiraan. Qiyaastii wax ku dhow 3 kun oo ganacsi ayaa suuqa ka baxay waxaana sidoo kale la waayay dhamaan ganacsigii yaraa ee la wareejin jiray iyo maqaayadihii yaraa ee dadka danyarta ah. Arimahaan oo dhan ayaa waxaa sabab u ah kadib markii muddo laba sano ah aan lacagta Shilinka Soomaaliga ah laga isticmaalin Guud ahaan Gobalka Hiiraan iyo Gobalada dhexe oo dhan. Caasimada Online ayaa ogaatay in Beladweyne 40% dadkii ku noolaa ay u qaxeen Goballada Banaadir, Bari, Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose. Qaar kale oo ka tirsan dadkaasi ayaa u qaxay gobalada kale ee Puntland. Qaar badan oo kamid ah dadkii ku shaqeysan jiray Gaari gacanada ayaa magaalada isaga baxay waxayna ka tageen dhamaan Gaari gacanadooda kadib markii ay qaadan waayeen islamarkaana ay waayeen cid lacag yar ka siisa. Dadka ku nool Gobalka Hiiraan ayaa wajahaya dhibaatadii ugu darneed taariikhda waxaaana la aaminsan yahay in aysan dhibaatadaan oo kale arkin reer Hiiraan Xataa bur burkii iyo dagaaladii Sokeeye. Ma muuqato haba-yaraatee wax rajo ah oo ay qabaan dadka ku nool Gobalka Hiiraan oo ku saabsan sidii looga bixi lahaa dhibaatada Gobalka saameysay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka aamustay dhibaatadan mana jirto wax dedaal ah oo gelisay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Kooxda Al-shabaab ayaa degaanka Buula-fulay ee gobolka Baay ku soo bandhigtay, madax-dhaqameed ay sheegtay in ay kamid ahaayeen, ergooyinkii soo xulay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Qoraal iyo sawirro ay baahisay warbaahinta Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in munaasabad Towbad-keen ah loo qabtay 80 xubnood oo kamid ah ergooyinkii soo xulay Xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Al-shabaab waxay sheegtay in odayaasha oo fulinaya amarka Al-shabaab, ay uga yimaadeen degaannada Koofur Galbeed iyo Jubaland, si ay uga towbad keenaan soo xulistii xildhibaannada Baarlamanka Federaalka ee laga soo doorto labadaasi dowlad goboleed. Waxa kale oo Al-shabaab ay sheegtay in dhammaan odayaasha mar kale towbadda loo qabtay, dabadeedna muxaadirooyin dhaqan-celin ah la siiyay, laguna amray in ay degaannadoodii gaarsiiyan farriinta Al-shabaab. Waa markii labaad oo todobaad gudihii ay Al-shabaab soo bandhigto odayaal-dhaqameed ay ku sheegtay in ay ka towbad keeneen soo xulistii xildhibaannada Federaalka, iyadoo maalmo ka hor soo bandhigtay in ka badan 80 oday oo ka yimid Galmudug iyo Hirshabeelle. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo todobaad guhiis soo bandhigtay 160 oday-dhaqameed oo ka kala yimid afar dowlad goboleed appeared first on Puntland Post.
  3. Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay biyo la’aan daran marti geliyaan dadka ku nool magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka HirShabeelle iyo nawaaxigeeda sida ay noo sheegeen Saraakiil katirsan Gobalka. Sababta arintaan ayaa lagu sheegay in farsamo lagu sameyn doono hal Ceel Biyood oo aad looga isticmaalo magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeelada Dhexe sida ay sheegeen dadka degaanka. Saraakiil katirsan Shirkadda Farjano ayaa dadweynaha Jowhar ku wargeliyay in dib u habeyn lagu sameyn doono Ceelka biyaha ee Shirkadda mudadaasna ay magaalada Biyo la’aan ahaan doonto. Shirkadda ayaa la sheegay in ay dadka ku wargelisay arrintaan waxaana qoysaska qaarkood bilaabeen in ay sameestaan keydad biyo halka qaar kalane aysan heysan, sida ay soo sheegayaan dadka Jowhar ku nool. Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle inta badan malahan Keydad biyo iyo haaman waa-wayn oo markaan oo kale la isticmaalo, waxaase aad looga wal walayaa sida ay wax noqon doonaan. Jowhar waxaa ku yaala hal Shirkad oo kaliya oo biya siisa dhamaan Xaafadaha magaalada Jowhar waxa ayna arrintaan saameen ku yeeleyn kartaa guuda ahaan Jowhar iyadoo aysan jirin wax kale oo dadaal ah oo socda. Lama oga mudada ay qaadan karto dib u hagaajinta Haamanka Biyaha ee Shirkadda waxaase la filayaa in ay maalmo qaadato hadii aysan ka badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Nairobi (Caasimada Online) –Kooxda ladagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ee magacooda loo soo gaabiyo CGPCS, ayaa si adag xukuumadda Somaliland ugu cambaaraysay siidaynta 19 maxbuus oo ku xirnaay xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa, kuwaas oo loo heystay falal la xiriira Burcad-badeednimo. Qoraal ka soo baxay kooxda Ururka ladagaallanka Burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aan Somaliland ku sii daysay maxaabiista Burcad-badeedda ah, uu si cad u curyaaminayo dagaalka midaysan ee Beesha Caalamku mudada 10 sano ah kula jirtay qawlaysatada xeebaha Soomaaliya. Waxaa lagu sheegay qoraalka in mudadii lagu jiray dagaalkaas lagu guulaystay in hoos u dhaca ballaaran uu ku yimaado Burcad-badeeddii Xeebaha Soomaaliya. September ee sannadkii 2018-kii, ayuu sheegay Ururku inuu soo saaray qoraal uu Somaliland kaga dalbanayo in aan la sii dayn, maxaabiista loo heysto Burcad-badeednimada ee ku xiran magaalada Hargeysa, si aysan u dhiirri-gelin falalka Burcad-badeednimada ah. Sidoo kale, Kooxdu waxay sheegtay in sii daynta maxaabiista, ay gebi ahaanba burinayso heshiiskii is-afgaradka ahaay ee Seychelles ay Somaliland ugu wareejisay maxaabiista xukuman si mudada xukunkooda ay ugu dhameystaan deegaanada Somaliland. Waxaa kale oo ay kooxdu sheegtay, in xukunka lagu riday Burcad-badeedda aan waxba laga beddeli karin, ilaa ay ka heshiiyaan dhamaan dhinacyada ku midaysan ladagaallanka Burcad-badeedda Soomaalida. Qoraalka Ururka ladagaallanka Burcad-badeedda Soomaalida ee (CGPCS) ayaa lagu sheegay in Somaliland dacwad arintaas ku aadan ay ka geeyeen Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo kooxdu sheegtay in dacwaddas looga dalbaday Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa inay talaabada ugu haboon ka qaado Xukuumadda Somaliland. Hoos ka Akhriso Qoraalka Ururka (CGPCS) Premature release of 19 convicted pirates by Somaliland Authorities Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  5. Dowladda dalka philippines ayaa xaalad deg deg ah ku dhawaaqday, kaddib markii ilaa 622 qof ay gudaha dalkaasi ugu dhinteen cudurka dengue oo ah cudur ay gudbiso kaneecada teeda dheddiga ah. Wasiirka caafimaadka waddanka philippines Francisco Duque ayaa sheegay, in todobadii bilood ee sannadkan u horreeyay la diiwaan-geliyay in ka badan 146,000 qof oo uu soo ritay cudurka Denga, waxaana uu tilmaamay in boqolkiiba % 98 ay si xawliya ku socoto faafista cudurka. Sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladda deg deg ah ee dalka la geliyay ay u golaaneyso dowladaha hoose ee magaalooyinka, in ay helaan kaalmo deg deg ah oo ay kula tacaalaan cudurka. PUNTLAND POST The post Dalka philippines oo xaalad deg deg ah la geliyay appeared first on Puntland Post.
  6. Somaliland: President Muse Bihi Accepts King Salman Invite To The Hajj, But Sets Conditions The President of the Somaliland Republic, Muse Bihi Abdi, has conditionally accepted an official invitation from the Saudi Arabian King, Salman Ibn Abdulaziz, to make the Hajj pilgrimage. However, according to reliable sources, President Muse Bihi has made several request to the Saudi authorities prior to accepting the invitation. Our sources indicate that the request are primarily addressing the dignity or Republic of Somaliland and it’s citizens, and their representation in the form of the president. It is not clear whether Saudi Arabia will accede to these requests and whether the President will take part in the Hajj pilgrimage this year. Qarannews.com Qaran News
  7. Warbixintaan qeyb ka mid ah oo duuban horey baan u soo gudbiyay, oo waxaa laga heli karaa Youtube-keyga;- Ubah LIM- Voice – https://youtu.be/y_AcRmnp_MQ Source: Hiiraan Online
  8. Business owners in Cedar-Riverside, the heart of Minneapolis’ Somali community, are mobilizing against the city’s plan to transform a surface parking lot into a new public market. Source: Hiiraan Online
  9. The legal system of a country consists of the body of law applicable as well as the institutions that emanates the law. As lawyers know, legal systems in countries around the world generally fall into one of two main categories: common law systems and civil law systems. Source: Hiiraan Online
  10. Living in 2019 means getting used to the fact that every week brings with it some new, scurrilous attack on Rep. Ilhan Omar (D-MN). Sometimes these come from Democrats; most of the time they come courtesy of Trump Source: Hiiraan Online
  11. Moving to a biometric payment system for military personnel has markedly improved the reliability of soldier pay and revealed 10,000 ‘ghost soldiers’ according to a report by AFP. Source: Hiiraan Online
  12. Headline says ‘Trump urges unity vs racism’, prompting accusations that paper fed president’s narrative. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-___-Wararka-06082019.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, 37 Shaqaale oo ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa laga ceyriyey shaqada. Liiska Shaqaalaha laga ceyriyey Xafiiska ayaa waxaa la dhigay iridda hore ee Madaxtooyada iyadoo Ciidanka ilaalada madaxtooyada lagu amray inaysan shaqaalahaas soo geli karin. Warqadda Shaqaalahaan looga mamnuucay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in loo badalay meel kale inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn laguna qorin waraaqda halka loo wareejiyey. Qaar ka tirsan Shaqaalaha loo diiday inay soo galaan madaxtooyada ayaa sheegay inuu arrintaan ka dambeeyo Axmed Yuusuf Axmed oo ah agaasimaha guud ee Bii’ada ee Xaafiiska Ra’iisul wasaaraha. Shaqaalaha la ceyriyey ayaa ku doodayo in arrintaan ay tahay mid aan loo marin sida saxda ah isla markaasna uu ka shaqeeyey Axmed Yuusuf oo ay sheegeen inuusan isaba aheyn shaqaale rasmi ah. Shaqaalaha la ceyriyey ayaa waxaa lagu amray inay tagaan Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha, wixii hadda ka dambeeyana aysan soo gelin karin madaxtooyada. Maalmihii dambe waxaa soo badanayey shaqaalaha laga ceyrinayo xafiisyada Dowladda gaar ahaan kan madaxweynaha iyo kan Ra’isulwasaaraha, waxaana la xasuustaa in horey Xafiiska madaxweynaha looga eryey ku dhawaad 50 shaqaale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay kulankii dhex-maray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo odayaasha Mogadishu Clan, soona dhoweysay tallaabadii ay odayaasha qaadeen. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan ee dhawaan Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminayay odayaashii dhaqanka ee Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi kala soo wareegay 19-ka Maxbuus ee cafiska uu u fidiyay ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war bixiyay sidii Soomaalinimada, xushmadda iyo qadarinta laheyd ee loo soo dhaweeyay. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madaxweynaha Somaliland ku ammaanay soo dhaweynta Soomaalinimada leh ee uu ku qaabilay odayaasha gobalka Banaadir. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sidoo kale odyaasha dhaqanka uga mahad celiyay gacanta ay ka geysteen in mawaadiniintaas Soomaaliyeed ay xorriyaddooda dib u helaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii wadaan dowrka ballaaran ee dhaqanku ku leeyahay bulshada dhexdeeda. Intii kulanku uu socday ayaa odayaashu waxa ay codsadeen in la soo daayo oo iyana cafis loo fidiyo mawaadiniin kale oo dhallinyaradan ay isku xukun ahaayeen oo ku xiran Puntland iyo xabsiga dhexe ee dalka.
  16. Mac-hadka horumarinta cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA ayaa maanta magaalada Garowe ku qabtay kulan ku saabsanaa kaalinta ururada bulshadu ku leeyihiin yoolalka horumarineed ee Waara [...] Source
  17. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Garoowe Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mr.Cesaro Arroyo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku yimid Puntland. Madaxweyne ku-xigeenka waxaa ku wehlinaayey kulanka xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, waxaana looga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin, is xogwaraysi guud, wadashaqaynta Dowladda iyo Hay’adda WFP, Arrimaha bini’aadamtinimada iyo isbarasho maadaama Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo shaqada ku cusub yahay. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxda hay’adda u sheegay in waxqabadka WFP lagu saleeyo hadba baahiyaha deegaanka ka jira ee aan korka loogu keenin waxaan waxba ka bedelayn baahidii jirtey, waxaana uu ku ammaanay shaqada ay dalka ka wadaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la Kulmay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP appeared first on Puntland Post.
  18. Kismaayo (Caasimadda Online) – Doorashada madaxweynaha Jubaland ee la qorsheeyey inay dhacdo dhammaadka bishan ayaa u muuqata inay waqtigeeda ka dib dhici karto, marka la eego sida wax u socdaan. Maanta oo ah 6 August waxaa lagu ballansanaa in lagu dhawaaqo xildhibaanada Maamulka Jubbaland sida ay qorsheeyeen guddiga doorashada ee uu magacaabay madaxweynaha Jubaland.. Sidoo kale Guddiga Doorashada ayaa horey ugu dhawaaqay inay dhammaatay waqtigii is diiwaangelinta Musharixiinta inkastoo ay inta badan musharixiinta ka hor imaadeen maadaama ay ku eedeeyeen guddiga inuusan dhex dhexaad aheyn. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo maalmihii dhowaa ay magaalada Kismaayo isaga daba noqonayeen wafti ka socda beesha caalamka, gaar ahaan ururada Afrika ee IGAD iyo AU. Beesha Caalamka ayaa Axmed Madoobe ku cadaadinaysa in doorashada ay ka dhacdo goob ay ayada gacanta ku hayso ama dusha kala socoto. Culeyska badan ee soo fuulay Axmed Madoobe ayaa keenay inuu kasoo dago mowqifkii adkaa ee uu taagnaa, wuxuuna hadda ogolaaday inay doorashada qeyb ka noqdaan Booliska AMISOM oo sugi doono amniga Goobta Doorashada. Inta badan musharixiinta Maamulka Jubbalanad ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn guddiga doorashada, iyo qaabka ay hadda u socoto soo xulista Xildhibaanada Jubbaland. Dowladda Soomaaliya ayaa iyadana dooneyso inay meesha ka saarto Axmed Madoobe, waxayna culeys ku saareysaa inuu is casilo sidii Shariif Xasan iyo Xaaf oo kale si ay Maamulkaas ugu dhiibto madaxweyne iyada ka amar qaato, taasi oo Axmed Madoobe uusan marnaba yeeli doonin. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-06082019.mp3 View the full article
  20. Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bixiyey lacag horay uu ugu balanqaaday dhismaha garoonka Cabdulahi Ciise ee magaalada Galkacyo, ee Galmudug. Qoraal kasoo baxay guddiga dhismaha waxaa uu qornaa sidan: Gudiga Dhismaha Garoonka kubadda Cagta Cabdulaahi Ciise wuxuu uga mahadcelinayaa Raysal wasaare Kheyre Fulinta balanqaadkiisii Garoonka. Account Guddiga dhismaha Garoonka Abdullahi Isse ayaa lagu shubay Lacagtii uu balanqaday R/W Kheire, oo aheyd $227,167 (Laba boqon Labatan iyo todoba kun, boqol lixdan iyo todoba dollar). Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Dowladda Sucuudiga ayaa bilowday hirgalinta qorshe sir ah oo ay kaga cad-goosanayso dowladda Turkiga, kaddib markii Maxamed Bin Salmaan uu dulqaad dheeri ah u muujiyay madaxweyne Recep Dayyip Erdogan taaso salka ku haysa dilkii wariye Jamal Khashoggi. Qorshahan sirta ah ayaa lagu faahfaahiyay warbixin qarsoodi ah oo isugu jira kuwa sir ah iyo kuwa furan oo xog-ogaal ah oo ay diyaariyeen xulufada boqortooyada ee Imaaraadka. Warbixinan sirta waa mid ka mid ah qormooyin taxane bille ah ee ay soo saarto Xarunta Siyaasadda ee Imaaraatka,( Emirates Policy Centre) oo xiriir dhow la leh dowladda iyo hay’adaha ammaanka Imaaraadka. Qorshahan sirta ah oo cinwaankeedu ahaa “Warbixinta billaha ee Sucuudiga” taasoo la qoray 24-kii May 2019, ayaa lagu sheegay in lala wadaagay madaxda ugu sarraysa Imaaraadka, laakiin laguma daabicin mareegta ay leedahay Xarunta Siyaasadda ee Imaaraatka “Emirates Policy Centre”. hase yeeshee nuqul ay heshay jariiradda Middle Easty Eye ayaa soo bandhigay sirtan. Jariiradda Middle Easty Eye ayaa qortay,”Qorshaha Riyad ee bishii May waxaa lagu dajiyay ujeeddo lagu howl-galo oo lagu curyaamiyo dowladda Turkiga”. Jariiraddu waxay kaloo leedahay, “Qorshaha ugu wayn waa in la adeegsado xeelad kasta oo macquul ah oo culays lagu saarayo dowladda Turkey laguna wiiqayo awoodda madaxweyne Erdogan iyo in mashquul looga dhigo arrimaha gudaha dalka Turkiga taasoo hoos u dhigi doonta awooddiisa fursadna u noqon doonta mucaaradkiisa, ama in dhibaatooyin dhaqaale oo is xigxiga lagu riixo taasoo sababi karta inuu khalad ku dhoco oo kaddibna ay warbaahinta dalka & midda dibaddu aad u lafa-guraan. Wargayska Middle Easty Eye ayaa suaalo ka weyddiiyay saraakiisha Xarunta Siyaasadda Imaaraadka mashaqadan taagan, laakiin way ka gaabsadeen ayay tiri jariiraddu. IN LA XADDIDO KU LUGLAHAANSHAHA ARRIMAHA SIYAASADDA GOBOLKA Qorshaha Riyad ayaa ah in mudane Erdogan laga xaddido ka qaybgalka iyo wadaagga arrimaha ka dhacaya gobolka Barigga Dhexe. Jariiraddu waxay tiri:- Boqortooyada Sucuudigu ayaa bilowday inay si tartiib tartiib ah u joojiso maalgashiga shirkadaha Sucuudiga ee Turkiga ku sugan. In la yareeyo dalxiisayaasha u tamashle tagaya Turkiga, kaddibna dadka loo jiheeyo waddamo kale oo ay u dalxiis tagaan. In Sucuudigu yareeyo iibisiga alaabta ka imaanaysa Turkiga iyo in la daciifiyo ku lug-lahaanshaha siyaasadda gobolka iyo midda dalalka Islaamka. Wargaysku wuxuu tilmaamtay:- “In dhaxal-sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin-Salamaan uu qaatay go’aan uu isaga difaacayo eedayntii Ankara oo salka ku haysa dilka wariye Jamaal & sirdoonkii raggii dilay, dilkaasoo abuuray caro ka timid adduun-waynaha & in dolwadda Turkey ay soo bandhigtay caddaymo ku saabsan dilka wariyaha”. Sirta la helay ayaa tiri….. “Madaxweyne Erdogan aad ayuu ugu fogaaday ololihiisa ku wajahan boqortooyada, gaar ahaan dhaxal-sugaha, isagoo adeegsanaya qaabka ugu xasaasisan ee dilka wariye Jamaal”. Warbixinta ay diyaarisay Xarunta Imaaraadka ayaa tiri :- “Ankara maysan keenin wax caddayn ah oo muuqda oo lagu kabayo baaritaanka Sucuudiga ee ku saabsan dilka wariye Jamaal. Taa baddalkeeda Turkidu waxay warbixinno u dusiyeen warfaafinta, warbixinnadaasoo dhammaantood loogu tala-galay in khal-khal la galiyo sumcadda Boqortooyada iyo midda dhaxal-sugaha Maxamed Bin-Salmaan”. Warbixintu waxay intaas ku dartay, Xukuumadda Riyaad maysan ku darin inuu Mr, Erdogan ku guul-darraystay hadafkiisa ahaa inuu arrinta dilka Jamaal uu adduun waynaha garwadeen uga dhigo, lakiin Riyaad waxay leedahay waxaa la joogaa waqtigii aargoosiga”. Sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Xarunta Siyaasadda Imaaraadka. Hay’adda CIA & aqalka Congress’ka Maraykanka ayaa ku qancay warbixinta ay soo bandhigeen Turkida ee ku saabsan dilka Jamaal. Sidoo kale CIA iyaduna warbixin ay soo saartay ayay ku sheegtay inuu Maxamed Bin-Salmaan amray dilka wariyaha uuna lahaa fikradda howl-galinta xubnihii dilka gaystay. CIA warbixinta ay soo saartay waxay tiri “Ma jirto sabab la’aan ay arrintan ku dhici karto Maxamed Bin-Salaam oo aan ogayn ama aan ku lug-lahayn”. siday horay u daabacday jariiradda Wadhington Post. Caddaymahaas oo idil, waxaa ka daba yimid mid ay samaysan Qaramada Midoobeey qaybteeda qaabilsan arrimaha aadanaha, taasoo haweenayda kiiskan u qaabilsanayd Agnes Callamard ay tiri, “Dhaxal-sugaha Sucuudiga ayaa amray dilka wariye Jamaal Khashoggi. QORSHAHA LAGU CADAADINAYO TURKIDA OO BILOWDAY Sitimaakii tagay ayay soo shaaxbaxday xogtan ay qortay Imaaraadku ee sirta ah. Sucuudiga ayaa ammar ku bixiyay in la hakiyo 80 gawaari oo xamuul ah ganacsi ah oo isugu jira dhar iyo dawooyin kasoo dagay dekedda Duba ee Sucuudiga. Waxaa kaloo la hakiyay 300 oo konteenar ay ku jiraan qudaar ganacsi oo ka timid Turkey laguna joojiyay dekedda Jeddah ee isla Sucuudiga. Waxaa sidaas qoray jariiradda Middle East Eye oo kasoo xigtay saraakiil magacooda in la xuso diiday. Waxaa iyana hoos-udhac ku yimid dalxiiskii tagi jiray Turkiga taaso horay u ahayd 276 kun oo hadda noqotay 234 kun 6-dii bilood ee ugu dambeysay sanadkan 2019, siday shaacisay wasaaradda dalxiiska ee Turkiga. Sucuudiga ayaa Turkiga ku maalgaliyay adduun dhan 2-bilyan oo dollar sanadkii 2018, siday sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, isla sanadkaas Turkidu waxay u dhoofiyeen Sucuudiga ganacsi gaaraya 2.64-bilyan oo dollar, halka Turkidu alaabada ay kasoo dhoofsadeen Sucuudiga ay gaartay 2.32-bilyan oo dollar. SIYAASADDA DAAHA DHABARKIISA, ANKARA WAXAA GAARAY FARRIIMO KALE Siday ku warramayaan Imaaraatigu “Waxaa muuqata in madaxda Sucuudigu ay sii xumaynayaan xiriirka, oo ay bilaabeen inay Erdogan ula dhaqmaan sidii nin cadow oo kale ah, sidaas waxaa iclaamiyay Boqor Salaam isagoon ka laba-labayn. Taas waxaa caddayn kara in ammar la siiyay guddiga talo-bixinta shirkii Ururka Golaha Islaamka ee ka dhacay Makka 14-kii, May aanu soo dhaafnay oo aan wax casuumaad ah loogu dirin Mr Erdogan, shirkaasoo ay kasoo qayb-galeen wufuud heerkoodu sarreeyo. Madaxda sar-sare ee ku jiray liiska ka qayb-galayaasha shirkaas waxaa kamid ahaa Madaxweyne Erdogan, hoggaamiyaha Syria Bashar Al-Asad, Hassan Rouhani madaxweynaha Iran, Emiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani. Ugu dambeyntii, Boqor Salmaan ayaa amray in warqadda martiqaadka loo diro amiirka Qatar laakiin middii loo diri lahaa Erdogan lama soo saarin. CUNA-QABATAYNTA QARSOON Dowladda Turkiga way ka warqabtaa isku dayada uu wado Maxamed Bin-Salaam ee uu ku xumaynayo xiriirka labada waddan, isagoo kala ilaalinaya xiriir toos ah oo dhexmara Erdogan iyo aabihii Boqor Salmaan. Saraakiil in la xuso magacooda ka gaabsaday ayaa ku waramay inaysan la yaabanayn isku dayada ay Sucuudigu ku doonayaan inay Turkey ku ciqaabaan mowqifka ay Turkidu ka taagan tahay dilka wariye Jamaal Khaashoggi. “Waan ognahay waxay Sucuudigu samaynayaan, dhammaan waa lawada ogyahay, waxaa kuu caddayn kara warfaafinta Sucuudiga taageerta iyo midda ay iyagu leeyihiin” sidaas waxaa u sheegay jariiradda Middle Easty Eye saraakiil Turki ah oo ku macneeyay falalka Sucuudigu ku kacayo ee hakinta ganacsi RAAD-GURID. Saraakiishu waxay kaloo dheheen, “Dalxiiskii imaanayay hoos ayuu u dhacay, waxaan kaloo dhibaato ku qabnaa ganacsigii dhoofinta Turkiga ee Sucuudiga tagaysay, arrinta si dhow ayaan ula soconnaa”. Laakiin xukuumadda Ankara ma aaminsana in dadka Sucuudigu ay ku doorsanayaan meel kale Turkiga marka loo eego isku dayga ay Riyaad ku hor-istaagayso dadka dalxiiska. Saraakiisha Turkidu waxay kaloo xuseen, “Tusaale ahaan, Istanbul, waxaa ka buuxa daxliisayaal Sucuudi ah, Sucuudigu ha eegaan BBC codbixinta ay ka diyaariyeen Bariga Dhexe iyo sumcadda uu madaxweyne Erdogan ku leeyahay gobolka, kaddib waxay ogaanayaan inay guul-darraysanayaan”. Khamiistii lasoo dhaafay Madaxweyne Erdogan ayaa teleefanka ku wacay Boqor Salmaanka Wayn, isagoo kala xaajoonaya arrinta ku saabsan ganacsiga lagu hakiyay dekedaha Duba iyo Jiddah. Laakiin saraakiil kale oo Turki oo magacooda diiday ayaa ku waramay, in wadahadalka teleefan ee labada masuul uu daarnaa oo kaliya waxyaabaha ka socda Syria iyo suaalo ay iska waydiiyeen qaddiyadda Falastiin. Saraakiikhu waxay kaloo intaa ku dareen in wadahadalka uu Boqorku aad ula dhacay kuna taageeray Erdogan arrimaha ku saabsan Syria. Wada-hadalkaas khadka teleefanka ayuu Madaxweyne Erdogan ku casuumay boqor Salmaan iyo qoyskiisa oo uu ku jiro wiilkiisa dhaxal-sugaha ah Maxamed Bin-Salmaan inay yimaadaan Turkiga. W/Q: Maxamed Jaamac Faarax-Barre Oslo, Norway mjfaarax@gmail.com
  22. MOGADISHU (Xinhua) -- Somalia and the United States have agreed to intensify security operations to flush out al-Shabab militants in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  23. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ee ka soo jeeda gobollada Sool sanaag iyo Awdal ayaa ka dareeray Fadhi Saaka Golaha Wakiilada Somaliland ku ansixiyeen heshiis ay Saddexda Xisbi ee Kulmiye UCID iyo WADDANI ku gaadheen in guddiga doorashooyinka lagu kordhiyo laba Xubnood. Xildhibaannada Fadhiga debadda uga baxay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay ka horjeedin in doorashada wakhtigeeda la qabto, balse ay ka soo horjeedaan in doorashada Wakiillada la galo iyadoo aan heshiis laga gaadhin Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiillada. Halkaan ka daawo buuq iyo jaah-wareer ka dhacay Kulanka PUNTLAND POST The post Somaliland: Beel saddex shaati xidhan baa heshiisay appeared first on Puntland Post.
  24. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa uu shalay shaaca ka qaaday arrimo badan oo xasaasi ah, oo muujinaya awoodda Al-Shabaab ay ku leedahay magaalada Muqdisho. Waxaa ugu weynaa inuuu sheegay in kooxdan ay dhaqaale badan ka ururiso magaalada, ayaga oo canshuur ka qaada ganacsiyada magaalada ku yaalla iyo dhammaan badeecadaha kasoa dega dekedda Muqdisho. “Al-Shabaab waxay ku milmeen Hay’addaha Amniga dowladda iyo dakhliga magaalada, waxay canshuur ahaan u helaan 20 illaa 30 milyan oo dollar sanadii. Konteenar kasta oo dekedda kasoo dega waxay ka qaadaan 160 dollar. ”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. In Al-Shabaab ay canshuur ka qaadaan ganacsiyada Muqdisho, waa xaqiiq muddo sanado ah soo jirtay, oo uu ogyahay qof kasta oo magaalada ku sugan, hase yeeshee su’aasha ayaa ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma shalay oo kaliya ayuu ogaaday. Waxaan sidaas u leeyahay, doodda arrintan ku saabsan waxay mar soo shaac baxday bishii April ee lasoo dhaafay, markaasi oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu si yaab leh uga jawaabay eedeyn ahayd in qaraxyada Al-Shabaab ay maal-geliyaan ganacsiyada lacagta siiya. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia ayaa qoraal uu xilligaas soo dhigay facebook ku yiri “Qaraxyada dalka ka dhaca, gaar ahaan Muqdisho, waxaa ku baxa dhaqaale fara badan. Tusaale, halkii gaari marka qiimaha lagu iibiyay lagu daro lacagta ku baxda walxaha qarxa ee lagu xiro gawaarida oo qaarkood dibadda laga soo dhoofiyo waxay qiyaastii u dhaxaysaa 80 ilaa 100 kun. Xaggee Al Shabaab ka helaan lacagta intaas la eg ee maalin waba lagu xasuuqayo shacabka birimageyda ah?” Hadalka Cabdinuur wuxuu u dhacayey in Al-Shabaab aysan awoodi lahayn inay qaraxyo fuliyaan haddii aanay helin dhaqaale, waayo qaraxyada waxaa ku baxa qarash aad u badan. Ma rabo inaan guda galo doodda ah in ganacsatada ay ku saxan yihiin inay lacag siiyaan Al-Shabaab iyo in kale, waayo taas waa lagu kala aragti duwan yahay. Gacansatada waxay ku doodaan in haddii aysan lacagta bixin ay noloshooda halis tahay, oo aysan jirin cid ka difaaceysa Shabaab, halka kuwa taas ka aragtid duwanna ay qabaan in bixinta lacagtaas darteed, qof kasta oo Shabaab ay ku dilaan dhaqaalaha soo gala ay ganacsatada kaalin ku leeyihiin. Hase yeesee, waxaan rabaa inaaa dib idin xusuusiyo wixii uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur xilligaas kaga jawaabay hadalka Cabdinuur. Wuxuu qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri sidan. “Fariimaha maalmahan madaxda dowladda ka soo baxay iyo xogta ay ajnabiga la wadaagayaan wuxuu ujeedkeedu yahay in dadka Muqdisho danbiilayaal laga dhigo. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta oo lagu eedayo in ay Al-shabaab yihiin, ganacsatada oo lagu eedeeyo maalgelinta qaraxyada Al-shabaab, shacabka oo wada shaqayn la’aan lagu eedeeyo, kuwii gargaarka degdega ah fidinayey oo lagu eedeeyo in lagu soo dhexdhuunto, iyo saxaafadda oo buunbuunin lagu eedeeyo.” Su’aashu waxay tahay haddii afar bilood ka hor uu Cabdiraxmaan Cabsishakuur lahaa in lagu eedeeyo ganacsatada inay lacag siiyaan Al-Shabaab “waa qorshe dambiilayaal looga dhigo dadka Muqdisho”, muxuu shalay isaga u xaqiijiyey in ganacsatada Muqdisho ay bixiyaan canshuurta. Ma shalay ayuu garowsaday runta, mise weligiis wuu oga oo wuu iska indha tirayey afar bilood ka hor, balse hadda waxaa kasoo gashay dan iyo fursad siyaasadeed oo uu dowladda ku dhaliili karo? W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  25. Siyaasiga iyo Go’aanka Shacbiga Siyaasigu marka uu ku guuldarraysto kaalintiisa jihaynta iyo aragti abuurka bulshadiisa ayaa waxa uu fashilkiisa la hoos galaa bulshada lafteeda, waxa aanu ku tilmaamaa arrimaha waaweyn ee go’aansiga siyaasiga ah dalbanaya “waa go’aan shacbi”. Bulshada ayaa markan gaadhaysa go’aankii hoggaamiyeyaasha siyaasadda, halka siyaasiyiintuna bulshada ku raacayaan ee daba kuutinayaan. Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee dhabta ah, garashada iyo kartida hoggaamineedna lehi ma oggolaadaan in rabitaanka bulshada oo keli ah ay iska daba gurguurtaan. Hoggaamiyaha dhabta ahi waa ka akhriyi kara dareenka iyo doonista shacbigiisa. Iskama daba jiitamo rabitaabkaas bulshadiisa ee waxa uu bulshadiisaa ka horreeyaa tahan iyo in badan. Meel fog oo aanay bulshada waxba ka arki karin baa danta bulshadiisu uga hirtaa oo uga muuqataa. Waxa uu abuuraa aragti uu dhacsiiyo bulshadiisa, kuna jiheeyo, taas oo bulshada inteeda badani ka dhex arki karto danaheeda madhaafaanka ah. Bulshadu, aragti abuurkaas oo leh qorshe iyo tabo lagu beegsado, waa ta u soo hilowda ee u riyaaqda. Iyada oo aan is ogayn waa ta danahaas iyo qorsheyaashaas difaacda ee isu soo taagta. Bulshadu dabadeed waxa ay taas ka soo dhalaalkeeda ku daba gashaa hoggaamiyaheeda, isaguna (hoggaamiyuhuna) sidaas ayuu keenada ugu qabtaa oo uga shaqeeyaa hawadinta hawlahaas bulsheed iyo qabyo-tirkooda oo ah arrin gudinta loo hay ah oo maalin kasta gufeynteeda joogteysan tahay. Dhinaca kale, bulshada bisili ma oggolaato haddii ay ugu muuqato in siyaasiyiinteedu ay hoggaamintii la ambanayaan, in kasta oo ay marka hore ba bulshada bisili soo saarto hoggaan siyaasadeed oo shirraban, haddana haddii ay dhacdo in hoggaanku surmaseegto iyo xagal-dhaac yeesho bulshadu waa ta ku baraarugta, kana hortagta fashil yimaadda. Hoggaan la’aanta ama hoggaan xumaantu waa lafdhabarta mushkiladdeenna dawlad la’aaneed ama dawlad xumaaneed. Sooyaalkeenna dawladnimada casriga ah ayay taasi ilaa bilowgeedii iyo ilaa eeggan ka dhex muuqataa. 26 Juun 1960 gobannimadii la gaadhey waxa loo aaneeyaa hoggaamin xumo. Nimankii siyaasiyiinta ahaa ee bulshada hormoodka u ahaa waxa ay raaceen neecawdii iyo dabayshii midnimo-doonka ahayd ee shacabku ku dhololo’ayeen. Wax talo ah oo masiiri ah iyo wax qorshe ah oo dawladnimo ah midna ma aanay samayn ee waxa ay 29 Juun 1960 diyaarad u raaceen Muqdisho, iyaga oo aan waxba ku wada socon. Keli ah, waxa ay raaceen shacbigii midnimada doonayey. Bulshadu wax dembi ah taas kuma lahayn oo waa ay ku saxnayd, hase yeeshee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed waxa laga doonayey laba mid uun oo kala ahaa: in ay bulshada ku qanciyaan wax midnimo degdeg ah u dhaama oo ay ku negeeyaan ama in ay abuuraan qorshe lagu galo midnimo waxtar u leh. Labadaas midna ma aanay samayn ee waxa ay galeen midnimo aan macne iyo waxtar midna yeelan oo markii si xun loo maamulay na waxyeello noqotay. Markii ay talo faro-ka-haaddeyna, waxa ay siyaasiyiinta hoggaamineed fashilkoodaas ka hoos galeen dareenkii iyo rabitaankii shacbiga ee ahaa midnimo-doonka. Waxa ay yidhaahdeen, “waxa ay midnimadu ahayd go’aan shacbi”. 18 May 1991 waxa dhacday arrin taas la mid ah, cakiskeeda se ah. Markii uu taliskii Maxamed Siyaad dhacay ee Burco lagaga dhawaaqay la soo noqoshadii gobannimadii 26 Juun ee lagu hungoobey. Xasan Ciise Jaamac oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii SNM oo arrintaas Burco ka hadlayey waxa uu sheegay in laba nin abaabul xooggan sameeyeen. Yaxye Xaaji Ibraahim, AHN, oo reer Gebiley ahaa iyo Axmed Maxamed Halac, AHN, oo bariga Burco ahaa. Abaabul xoog leh ayay galeen. Markii ay dad badan ku qanciyeen dib ula soo noqoshada xorriyaddii 1960, ayay Xasan Ciise u yimaaddeen oo u sheegeen ra’yigooda. Xasan Ciise waxa uu sheegay in uu markii hore ka diidey aragtidooda oo aanu ku raacin. Sida Xasan caddeeyey labadaas nin waxa ay sii wateen abaabulkoodii, waxna ay hanteen dad badan oo ay ku jireen saraakiil badan oo SNM ka mid ahaa. Burco ayaa shir lagaga dhawaaqay. Xasan Ciise iyo labadaas marxuun mar kale ayay kulmeen. Xasan waxa uu sheegay markii uu arkay xoogga iyo faraha dadka la socda in uu ku raacay fekerkooda, hase yeeshee guddoomiyihii SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), AHN, uu aragtidaas si cad uga biyo-diidey. Ma aha Cabdiraxmaan Axmed Cali oo keli ah ee arriintaas gooni-isu-taagga waxa aan si buuxda ugu qancin inta badan siyaasiyiintii waaweynayd ee gudaha ku sheegnayd ama dibed ku sheellayd. In siyaasiyiinta hoggaamineed aanay go’aamiadii shirkaas Burco ka soo baxay ee Gooni-isu-taagga ku qanacsanayn waxa daliil u ah in ay Muqdisho u direen wefti rasmi ah oo heshiisyo kula soo galay Maxamed Faarax Caydiid, AHN, laba bilood iyo badh ka dib ku dhawaaqa la soo noqoshada xornimada. Magaca SNM iyo USC ayaa heshiisyadaas lagu soo wada galay. 19-kii Julay – 8-dii August 1991 ayaa wada hadallo labada dhinac u socdey waxa go’aannadii la gaadhey ee qalinka lagu duugey ka mid ahaa: – In labada urur u adeegaan sidii loo wada yeelan lahaa midaynta siyaasadda dibedda, barnaamijyo mashaariic horumarineed, manhajyada waxbarasheed, lacagta iyo gaadiidka iyo is gaadhsiinta – in ay isku furnaadaan isku socodka ganacsiga labada shacbi, lana kobciyo xidhiidhka hiddaha iyo dhaqanka, si loo xoojiyo gacaltooyada iyo walaaltinnimada. Wada hadalladaasi xallinta dhibaatooyinka ummadda Soomaaliyeed waxa ay u dhaafeen in ay u taallo dadkeeda. Aayo ka talin wixii ku saabsanna dhib baa loogu riixay xilliyo dambe. Waayo markaas gooni-isu-taaggu waxa uu dhacay laba bilood ka hor in ka badan oo ay Somaliland gooni u taagnayd. Dhinaca weftiga SNM waxa go’aannada wada hadalladaas u saxeexay Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda ah guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, markaas na ahaa guddoomiyaha weftigaas. Dhinaca USC waxa heshiiskaas u saxeexay Gen. Maxamed Faarax Caydiid oo AHN ahaa guddoomiyihii USC. Mar kale, go’aankan weyn ee masiiriga ah siyaasiyiintii hoggaamintu kuma yeelan kaalintii loo baahnaa, waxa aanay ku sharraxeen fashilkooda in go’aankaasi uu ahaa mid shacab. Waa run oo go’aan shacab buu ahaa, waayo waa in cid kale go’aan gaadhaa marka ciddii go’aaminta lahayd buste qoyan hoosta ka gasho. Mar kasta waa go’aan shacab oo aanu wax door ah siyaasigu ku lahayn oo uu bulshada go’aankeeda iska daba kuutiyey. Fashilkan siyaasiga hoggaamineed waxa ka markhaati kacaya sida ay maanta wax isugu cadho iyo bayd go’meen. Isku mar ayaynu ka wada inaabsannay hoggaankii talada markaas hayey iyo mucaaridkii talada ku ilaalin lahaa ee berrina hoggaanka in uu qabto isu diyaarin lahaa. U fiirsada hoggaaminta sare ee qaranka; xukuumadda talada haysa talo iyo qorshe xumaanteeda, saddexda xisbi qaran iyo qaab-dhismeedkooda ama sida ay u hawlgalaan ee hor iyo dabo-diidnimada ah. Eega wakiilladeenna golaha ku dhex asaasaqay muddo-xileed ahaan iyo guurtideenna dhaxaltooyadu carruuraysay. Waa fashil soo jiitamayey oo hoggaamineed, maantana gaadhey halkiisii ugu madaxa fiiqnayd. Somaliland oo ay madax iyo minjo la’aan dawladnimo ku sii baahayso oo caddaalad darradu cirka isku sii shareertay ayay ina saaqaysaa, maantana mar kale, neecawdii 1960. Dad badan ayaa hadal haya “Mar Kale Midnimo”. Waa dhab taasi oo dareenkaasi waa mid laabta la soo kacaya; in ka gubata oo is diidsiisa iyo in u riyaaqda oo u rixisaba. Waa dareen xitaa ka gudubsan oo indhaha ka lalinaya daruufaha iyo waayaha dhinaca kale (Soomaaliya) ka dhisaalan. Dareenkaasi isma weydiinayo sida mar kale loo midoobi karo iyo waxa lagu midoobayo iwm. Dadka qaar waxa ay hilaadinayaan in si ka xun sidii 1960 Xamar loo tegey haddana iyada oo loo kala socdo loo tegi karo, haddii aan talo iyo qorshe hadda laga sii yeelan. Hadda (2019) mar kale kaalintii siyaasiga meesha kama muuqato, wax door ahna kuma laha dareenkan kala daadsan ee aan bu’da lahayn ee soo kordhaya. Waxa ugu weyn ee dareenkan dabada ka riixaya ayaa u muuqda maamul xumada iyo caddaalad darrada shinkeedii dhaaftay ee gaammurtey ee Somaliland ka jirta oo ah isirro ka soo rayn waayey tan iyo 1991 in ay ka sii daraan mooyaane. Mabaadi, midnimo jacayl iyo waddaniyadi inta badan waa barkumataal, waxana ka xoog badan cadhada iyo umalka gaaxdey ee ka dhalanaya tabashada siyaasiga ah ee bulshada qaybo badan oo ka mid ah. Waa taas ta halista ahi. Waa marka aanay talo iyo qorshe lagu wada socdaa jirin. Xitaa inta wax tabanaysaa ma wada socdaan, waxna kuma wada socdaan. Hoggaan siyaasadeed meelnaba kama dhex muuqdo. In walba xabagta isku haysaa ee astaanta u ahi waa magac qabiil. Magacyada qabiilkuna dadka dano kama dhaxaysiiyaan, qorshe iyo talo na ma wadaajiyaan ee qabiil waliba gaarkiisa ayuu isu neefeeyaa oo naf been ah isu geliyaa, gar iyo gardarrana xaqa iyo saxnaanta isu siiyaa. Waa halkaas meesha ay kaalintii siyaasiyiinta iyo hoggaamintoodii bulsheed ku abaaddey ee ku luntay. Waa ta keenaysa in aynu reero is haya u wada muuqanayno. Masiirkii ummadeed waxa uu maqan u noqonayaa baylahdaas. Marka ay siyaasad iyo dawladnimo casri ah timaaddana waxa lagu soo wada dhacayaa meel madhan oo cid waliba ku khasaarayso. Dawladnimada casriga ah iyo reernimada is dabrayaa waa guuldarro weyn. Waxa ay isku noqdeen dayax iyo cadceed mar soo wada baxay, waxana shiiqay qarannimadii, dawladnimadii iyo isirradeedii maamul wanaaag ee caddaalad iyo sharci sarrayntii ahaa, karti iyo hufnaan hoggaamineed lahaa, waxna billaaday eexdii iyo qaraabokiilkii qabyaaladdu lahayd, musuq iyo maamul xumadii dhaqankaasi lahaa iwm. Siyaasiyiinta bulsheed iyaga ayaa lahaa kaalintaas hoggaamineed ee maqan, lagama se maarmo in kaalintaas buuxinteeda cidi isu soo gunaanaddo, cidi u soo baxdo, una badheedho mas’uuliyaddeeda iyo xilgudashooyinkeeda. Halista jirta ayaa taas khasbaysa. “Intaan habqan beeshu Huluulaha oodan Ku saan go’in hawdka Intaan habac jiitan Badhkeed ku hallaabin Markay habaq baahdo Dugaaggu hilbeysan Intaan hawa-boodka Fardaha higil raacay Kuwii higsanaayey Hummaaggu ka reebin Xayeeshku habaabin Intaan halladaadka Hayaanku is waayin Habeenku dhex qaadin Hadhow la shallaayin Hadaadunka naaftay Sidii habas daalka Hawaarsadey ciidda Anaa hiddiddiida Hobey hobe hooda Durbaankiyo heesta Ku soo hoga geyne Adaa hal-abuurka Tixraaca ha’leyda Ujeeddada hoose Hawaaale yaqaane Haruu orod Faarax Hurweynka jiciirtay Hadhaaga u jooji”. Sidaas awgeed, ma la odhan karaa waxa loo baahan yahay in arrintaas laga saaro mugdiga, doorka hadal-haynta iyo dareenka oo ma la qabanqaabin karaa doodo furan oo lagu gorfaynayo dareenkaas, waxyaalaha keenay iyo sida loo yarayn karo khasaaraha ka iman kara, loona tayayn karo wixii faa’iido laga dhex arki karo. Khasaare ka weyni ma jiro haddii kalsoonidu ku yaraato dadka dhexdiisa ama ay dhimato ba. Uurka bulshadu inta aanu kala guurin waxa qumman in la nooleeyo wixii uu ku wada joogi lahaa, iyada oo Somaliland gudaheeda samo-ka-talisnimo loogu gogol xaadhayo hadhowto meeshii la doonayo ee kale ha loogu sahan tago’e. “Wax aanad huraynin Inaad hadda yeesho Ayaa ka hagaagsan”. Su’aalaha darayga ah ee siyaasiga iyo masiiriga ah ee la is weydiin karo waxa ka mid ah kuwan hoose oo dadka qaar ay ka didi doonaan, qaar la yaabi doonaan, qaar na soo dhoweyn doonaan: 1. Soomaaliya iyo Somaliland, mar kale, dib ma uga wada hadli karaan midnimo waxtar u leh labada dhinac? Waayo midnimo? Sidee iyo qaabkee ugu fudud oo looga wada hadli kanaa arrintaas? Yaa ka wada hadlaya? Xilliga ugu habboon; ma hadda iyo DFS ee Farmaajo, mise doorashada 2021 wixii ka dambeeya xukuumadda timaadda? Inta wada hadal ka horraysa maxaa loo baahan yahay oo la sii dhammaystiraa? 2. Soomaaliya iyo Somaliland, haddii ay midnimo isku afgaran waayaan, ma ku heshiin karaan kala gurasho iyo kala tag buuxa oo ma noqon karaan laba dal oo walaalo ah oo is feedh yaal? 3. Ma jiri karaan wax aan labadaas ahayn oo labada dhinac ku heshiin karaan oo ay wadaagi karaan, haddii labadaas laga sal-gaadhi kari waayo? Doodo qaabkan leh oo loo badheedhaa waxa ay kicin doonaan dareenka siyaasiga, waxa aanay tusi karaan kaalintiisa hoggaamineed ee mararka hore uu ku soo fashilmay, haddana bannaan ee uu ka gaabinayo. Halkan uguma jeedo in aynu su’aalahaas kaga warcelinno, wax se aan u jeedaa suurta gal ma tahay in su’aalahaas fagaare siyaasadeed lagaga doodaa Somaliland gudaheeda iyo dibeddeedaba. Dadka Somaliland ma curin karaan doodo dhexdooda oo arrimahaas waaweyn dooxi kara? Waxa aan is leeyahay waa laga gudbey xilligii uu siyaasigu magaca bulshada ku xoqan lahaa ee uu fashilkiisa la hoos geli lahaa. Dad badan maanta siyaasiga kama oggolaan doonaan ‘waa go’aan shacbi’ ee waxa loo baahan yahay in siyaasigu uu qaato doorkiisa hoggaamineed iyo mas’uuliyaddiisa. Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News