Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Addis Ababa)-Safaaradda Maraykanka ku leeyahay magaalada Addis Ababa waxay soo saartay digniino dhanka Ammaanka ah, waxaana dadka Maraykanka looga digay in ayna u socdaalin qeybo ka mid ah dalka Ethiopia. Qoraalka waxaa lagu sheegay in heerka Ammaanka ee qeybo ka mid ah Ethiopia uu yahay Heerka 2-aad, waxaana Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dalkaasi lagu booriyey inay feejignaadaan dheeraad ah muujiyaan. Safaaradda waxay kaloo ka digtay inay Muwaadiniintooda u socdaalaan qeybo ka mid ah dalkaasi iyo inay Gobalka Soomaalida kala kulmi karaan khatar Colaadeed, Argagixiso, Afduub iyo miinooyinka dhulka lagu aasay, waa sida hadalka loo dhigay. Hadalka qoraalka ee ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee magaalada Addis Abeba waxaa kaloo lagu muujiyey inay suurtogal tahay inay weeraro Argagixiso iyo Afduub ka dhacaan Gobaladda Ismaamulka Soomaalida ee Bariga Ethiopia. Waxaa kaloo lagu sheegay Qoraalka inay dhici karto Hawlgalo Milliteri oo ay soo qaadaan Kooxaha Hubeysan ee ku sugan Gobalka Ogaadeeniya iyo Deegaanka Harargey. Waxaa kaloo laga digay weeraro Argagixiso oo ka dhici kara Koonfurta Ethiopia, Galbeedka Gobalka Oromiya iyo Deegaanadda la deriska ah ee ay deggaan Qowmiyadaha Benishangul iyo Oromadda. Dhanka kale, Madaxda Is-maamulka Soomaalida Ethiopia ayaa u muuqanin inay ku faraxsan yihiin Digniinta dhanka socdaalka ee ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Addis Abeba. Source
  2. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudan Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka kooban golaha wasiirrada oo ka shaqeynaya aaska guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ku geeriyooday Isbitaal kuyaala magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ku hadlaya magaca Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehelka uu ka baxay iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in madaxweyne Maxamamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu amray in mudda sedax maalin ah calanka dalka hoos loo dhigo si baroor diiq iyo duco loogu sameeyo guddoomiyihii gobolka Banaadir, Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) Warbaahinta qarankana ayaa iyana laga joojiyay barnaamijyadii caadiga ahaa lagaba billaabay in Qur’aan laga baahinayo arrintaas oo baroor diiqda qayb ka ah. Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ayaa ka shaqeynaya aaska qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Isbitaal ku yaala Dooxa ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii Argagaxiso ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. View the full article
  3. African Development Bank helps power wind of change in Kenya Abidjan, Cote d’Ivoire, 31 July 2019 – Africa’s largest wind farm, a €620 million energy masterpiece boosting 365 turbines in northern Kenya, will help the East African nation stay on track to reach its target of 100% green energy by 2020. Known as the Lake Turkana Wind Power, the 40,000 acre wind farm will generate around 310 megawatts of power to the national grid, enough to light up over 300,000 households. The winds sweeping the area start in the Indian Ocean and are channeled through the “Turkana corridor” created by Ethiopian and Kenyan highlands. They blow consistently at 11 miles per hour, making this an ideal area for situating wind turbines. The wind farm will increase the country’s electricity supply by 13%. At its launch earlier this month, President Uhuru Kenyatta said, “We again raise the bar for the continent …Kenya is without doubt on course to be a global leader in renewable energy.” The African Development Bank served as lead arranger for €436 million in senior credit facilities towards the project cost of €623 million euros. The Bank also provided a partial risk guarantee from the African Development Fund of €20 million for the part of the project devoted to the transmission lines. Since 2016, the Bank has invested around $4.5bn of its own resources in the energy sector. African Development Bank President Akinwumi Adesina is in little doubt about the significance of the Bank’s funding. “African economic development is all about political will. We have little time and much to do for the continental transformation needed to light up and power Africa by 2025. Projects like the Lake Turkana Wind Power allow us to leap forward towards our key objectives. The Bank is very proud to be associated with this crucial addition to African infrastructure and clean energy generation”. The continent has copious, even limitless, supplies of sun, water, and wind, as well as significant amounts of natural gas and other valuable natural resources and raw materials. Acccordingly, its New Deal is investing $12 billion over the next five years and leveraging up to $55 billion to achieve universal access to energy by 2025. “This is a milestone that we are proud to celebrate. Kids can’t learn much in the dark. School books have to be put down when the sun sets. Life-saving vaccines can’t be preserved. Nurses and mid-wives have to deliver babies using lanterns or torches”, said Wale Shonibare, the Bank’s acting Vice-President for power, energy, climate change, and green growth. “Turkana’s launch proves that we are determined to continue to work relentlessly to close Africa’s energy gap. Our efforts will be felt in hundreds of thousands of Kenyan households and beyond”, Shonibare added. The site is Kenya’s largest renewable energy project and its biggest single private sector investment. The plant is expected to reduce power shortages by 12.5% and cut the cost of electricity in Kenya by up to 10%. It is proof of Kenya’s commitment to pursue clean sources of energy and provides a major boost to the country’s international commitments to lower greenhouse gas emissions. Qaran News
  4. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Abibakar Cabdiraxmaan Good iyo Xil Cabdilqaadir Jibriil Tukaale, kana mida mudanayaasha golaha wakiiladda ee gobolka Awdal ayaa sheegay in aan bulshadda gobolka Awdal iyo Salal wax doorasho ah galeyn ilaa laga heshiiyo saamiga doorashadda. Waxaaney sidan ka sheegeen shir-jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta aqalka baarlamaanka Somaliland. Xildhibaan Abibakar Cabdiraxmaan Good ayuu yidhi xildhibaan Abibakar Cabdiraxmaan Good kana mida mudanayaasha gobolka Awdal “Gobolka Awdal doorasho ku gelimaayo saddex iyo toban xubnood, anaga wixii 60-kii lagu heshiiyay nama khuseyso ee hada in miiska leysugu yimaado oo laga wada heshiiyo ayaa na khuseysa, wax gobolka Awdala aqbalyo maaha, dadweynaha gobolka Awdala waxaan leeyahay, waar waa masiirkiini, waar waa mustaqbalkiini, iyadda oo 15-sandood wax lalaha in maanta wax leydinku shaanbadeeyo ma dooneyno, marnaba ha aqbalina in saamiga 13-ka ah aad ku gaashaan waa xaqiini xaqiina raadsadda” Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa iska difaacday eedaymo uga yimid xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. MOGADISHU, Somalia — Somalia’s government said Thursday the mayor of Mogadishu has died after being badly wounded in an al-Shabab extremist attack in his office last week. The spokesman for Somalia’s president said Abdirahman Omar Osman died Thursday in Qatar, where he had been airlifted for treatment after the July 24 attack. Officials said he had been in a coma. The Somalia-based al-Shabab and officials have said a rare female suicide bomber used in the attack had been aiming for the American who is the new United Nations envoy to Somalia. James Swan had left the office just minutes earlier. It was not clear how the bomber managed to enter the mayor’s office, as visitors are required to pass through at least four metal detectors. Osman had been a councilor in London before returning to Somalia to enter local politics. Somalia’s president expressed condolences and said Osman’s service as mayor had been selfless. The U.S. mission to Somalia in a tweet called Osman “an excellent partner and tireless advocate for the people of Mogadishu and all Somalis.” View the full article
  7. Allaah ha u naxariistee waxaa maanta ku geeriyooday Magaalada Doxa ee Dalka Qadar Gudoomiyihii Gobolka Banaadir, isla markaana ahaa Duqii Magaalada Muqdishu Eng Cabdiraxmaan Cismaan [...] Source
  8. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Shacabka ka Tacsiyadeeyay Geerida ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Yariisoow). Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo wuxuu amray Laamaha Dawladda ee ay khusayso inay calanka hoos loo dhoogu geerida ku timid Duqii Magaalada Muqdisho, kaasi oo u Geeriyooday dhaawac loo geeyay Cisbitaal ku yaalla Dalka Qadar. War-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow) oo goor dhaw ku geeriyooday dalka Qatar. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow), Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho. Marxuumku waxa uu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmaynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo ka soo qayb qaatay dedaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya xilliyo kala duwan. Waxaa lagu xasuusan doonaa sidii hagar la’aanta ahayd ee uu ugu khidmeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo dadaalkii uu geliyay horumarka magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka argagaxisada oo uu ka qaatay dowr muuqda. Madaxweynaha ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda inta lagu jiro baroordiiqda Guddoomiyaha oo soconaysa muddo 3 cisho ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannada Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.” Source
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow) oo goor dhaw ku geeriyooday dalka Qatar. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow), Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho. Marxuumku waxa uu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo ka soo qayb qaatay dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya xilliyo kala duwan.” “Waxaa lagu xasuusan doonaa sidii hagar la’aanta ahayd ee uu ugu khidmeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo dadaalkii uu geliyay horumarka magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka argagaxisada oo uu ka qaatay dowr muuqda.“ Madaxweynaha ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda inta lagu jiro baroordiiqda Guddoomiyaha oo soconaysa muddo 3 cisho ah Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannada Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimadda Online)-Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan loogu hadlaayay raadinta maqaamka shacabka gobolka banaadir iyo qorshe maamul gaar ah loogu dhisayo gobolka banaadir. Gogosha kulanka oo ay dhigeen odayaasha dhaqanka beesha Mudulood ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan labada golle ee baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, qurba joog iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Ugu horeyn dhamaan dadkii kulanka ka hadlay ayaa tacsi u diray ehelada dadkii iyo masuuliyiintii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay xarunta gobolka banaadir. Nabadoon Maxamed Cadoow Cali oo ka mid ah nabadoonadii kulanka ka hadlay ayaa madaxda dowladda ugu baaqay in cadaalad loo raadiyo dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka. “Madaxda dowladda waxaan ka sugeynaa iney cadaalad u raadiyaan dadkii dhintay, waxaan kaloo u baahanahay cid qaadata masuuliyada wixii dhacay bulshadana loo soo bandhigo warbixin sax ah oo ay ku qancaan”. ayuu yiri Nabadoonku. Malaaq Maxamuud Malaaq Cali iyo Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cali ayaa si wadajir ah kulanka ugu sheegay in Muqdisho ay noqotay magaalo xabsi ah oo dadkeeda aysan isku gudbi Karin. Waxa ay tilmaameen in ay u baahan yihiin in maamul gaar ah loo sameeyo gobolka banaadir oo ku yimaada codka shacabka Muqdisho. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay kala shaqeynayaan sidii maamul u gaar ah gobolka loogu sameyn lahaa. “Farmaajo waxa uu mar walbo sheegaa in dalka ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah balse ma ogolo in gobolka banaadir dadkiisa ay duq magaalo doortaan golle degaanna la dhiso, waxaan balan qaadaya in cabashada odayaasha dhaqanka aan horgeyn doono golaha shacabka kana shaqeyn doono sidii maqaamka caasimadda lagu heli lahaa”. ayuu yiri xildhibaan Fiqi. Xildhibaan C/qaadir Cosob Cali oo kulanka soo xeray ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka heysta shacabka gobolka iyo baahida loo qabo in la helo maamul matala. Xildhibaanka ayaa sheegay in ay dhisi doonaan guddiyo farsamo oo arrinta maamul u sameynta ka shaqeeya si loo helo maamul doorasho ku yimid. “Magaalada dhagax laguma maamuli karo madaxda dowladda waan u sheegnay, waxaan dhiseynaa guddiyo farsamo oo soo diyaariya dhismaha maamul u sameynta gobolka banaadir, qorshaha aan wadno madaxda waan la wadaageynaa si shacabkaan dulman ee canshuur bixiyayaasha ah wax loogu qabto” ayuu yiri xildhibaan C/qaadir Cosoble. Ugu dambeyn kulanka ayaa loogu duceeyay dhamaan masuuliyiintii iyo dadkii shacabka ahaa oo ay waxyeeladu kasoo gaareen qaraxii 24-kii bishii July ka dhacay xarunta aqalka dowladda ee Hoose. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow) oo goor dhaw ku geeriyooday dalka Qatar. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow), Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho. Marxuumku waxa uu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo ka soo qayb qaatay dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya xilliyo kala duwan.” “Waxaa lagu xasuusan doonaa sidii hagar la’aanta ahayd ee uu ugu khidmeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo dadaalkii uu geliyay horumarka magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka argagaxisada oo uu ka qaatay dowr muuqda.“ Madaxweynaha ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda inta lagu jiro baroordiiqda Guddoomiyaha oo soconaysa muddo 3 cisho ah Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannada Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun View the full article
  12. MOGADISHU, Somalia — Somalia’s government says the mayor of Mogadishu has died after being badly wounded in an al-Shabab extremist attack in his office last week. The spokesman for Somalia’s president said Abdirahman Omar Osman died Thursday in Qatar, where he had been airlifted for treatment after the July 24 attack. The Somalia-based al-Shabab and officials have said a rare female suicide bomber used in the attack had been aiming for the American who is the new United Nations envoy to Somalia. James Swan had left the office just minutes earlier. It was not clear how the bomber managed to enter the mayor’s office, as visitors are required to pass through at least four metal detectors. Osman had been a councillor in London before returning to Somalia to enter local politics. Source: AP
  13. Mogadishu mayor, Abdirahman Omar Osman has died in Doha, the capital city of Qatar, according to Farhan Jimale, a senior journalist at BBC News. Source: Hiiraan Online
  14. A Somali military tribunal on Thursday sentenced a Daesh terrorist to death for his role in the killing of five people, including civilians and a security official, in separate shooting incidents in 2018-19. Source: Hiiraan Online
  15. Halkaan hoose ka daawo muuqaal si cajiiba u soo bandhigaya sida maanta Garoowe looga dabbaal-degay xuska sannad-guuradii 21-aad aas’aaskii Puntland oo ku beegan 1-da Agoosto 1998. PUNTLAND POST The post Muuqaal cajiiba oo soo bandhigaya dabbaal-degii 1-da Agoosto ee barxadda Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  16. Dooxa (SMN) – Guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa goor dhow ku geeriyooday gudaha dalka Qatar. Marxuum Eng. Yariisow ayaa ku dhintay Isbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee dalkaasi, halkaasi oo muddooyinkii dambe lagu dabiibayey, kadib markii uu ku dhaawacmay Weerarkii xooganaa ee dhawaan ka dhacay Xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal ayaa iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Sen. Cabdi Xaashi ayaa tacsi u diray Qaraabada, Ehelka iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyaggoo Marxuumka EBBE uga baryey in Naxatiisa jano uu ka waraabiyo. Sidoo kale Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Naxdin leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Yariisow. C/nuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa Qoyskii, Qaraabadii, iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Duqii Caasimadda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN View the full article
  17. Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa magaaladda Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa ku geeridooday dalka Qatar oo todobaadkii hore loo qaaday kadib markii dhaawac culus ka soo gaaray qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir. Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA oo xiganaysa Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa faafisay geerida guddoomiyihii gobolka Cabdiraxmaan Yariisow. Eng. Yariisow ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaaladda Doha ee Dalka Qatar halkaasi oo Muddooyinkii dambe lagu dabiibayey, kadib markii uu ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Xarunta Qqalka dowladda Hoose ee Xamar. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Sen. Cabdi Xaashi ayaa tacsi u diray Qaraabada, Ehelka shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Eng. Yariisow. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii gobolka Banaadir oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  18. Xuska sanadguurada 21-aad ee kasoo wareegtey Aasaaskii Puntland ee 1998 waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane [...] Source
  19. Warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ku dhintay Allaha u naxariistee, Guddoomiyahii gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho, Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow). Allaha u naxariistee, Injineer Yariisow ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerar ismiidaamin ah oo 24-kii bishan ka dhex-dhacay xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho. Dalka gudahiisa oo wax looga qaban waayey ayaa keentay in dibadda loo qaado, iyadoo geeridiisa inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta la socotay qaarkood. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT- Muqdisho) – Allaah unaxariiste waxaa goor dhawyed geeriyooday guddoomiyihii gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Cumar oo ku magac dheeraa Injineer Yariisow kaasi oo ku dhaawacmay qarixi toddobaadki la soo dhaafay ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Dhawaaca guddoomiye Yariisow ayaa toddobaadkii hore loo qaaday dalka Qadar si loogu soo daweeyo. Source
  21. (SLT – Hargeysa) – Afar dhallinyaro ah oo ka tirsanaa dhallinyarada shaqo qaran oo dhawaan laga saaray liiska barnaamijkaasi kadib markii ay sheegeen in imtixaan laga qaadayay la musuq-maasuqay ayaa maanta sheegay in ay hayaan caddeymo ku saabsan musuq-masuqa imtixaankaasi. Dhallinyaradan oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa sidoo kale eedeymo u soo jeediyay guddoomiyaha barnaamijkaasi shaqo qaran. Halkann ka daawo muuqaalka Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qatar oo lagu daweynayey. Naxariistii Janno allaha siiyo. Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah.
  23. (SLT – Hargeysa) – War-saxaafaddeed ka soo baxay shirkii golaha wasiirrada Somaliland ayaa la sheegay in lagaga hadlay saddex qodob oo hore guddi loogu saaray WAR-SAXAAFADEED: 01 /08/2019 Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Warbiximo Lagaga Dhegeystay Guddi Hore Goluhu U Saaray. Kal-fadhigii 39-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa warbixin lagaga dhegaystay guddi uu goluhu kalfadhigii aan caadiga ahayn ee isniintii todobaadkii hore loo xil saaray inay ka soo talo bixiyaan arrimo la xidhiidha.  Xidhiidhka beesha caalamka iyo Jamhuuriyada Somaliland.  La macaamilka hay’adaha UN-ka iyo kuwa caalamiga ah.  Ganacsiga iyo maalgashadayaasha shisheeye. Guddidaas oo warbixintooda goluhu bayaan ku soo saari doono kalfadhiyada danbe. Sidoo kale golaha wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland wuxu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay saami qaybsiga doorashada wakiillada, waxaanu goluhu isku raacay in wada tashi balaadhan lagala yeesho cida ay khusayso. Ugu dambayn waxa goluhu bogaadinayaa heshiiskii sadexda xisbi qaran ee dalku ka gaadheen qabsoomida doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, waxaana ka go’an xukuumada qabsoomida doorashada oo xiligeedii ku dhacda. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source