Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Reports from Lower Shabelle region indicate that in the last few hours there have been military activities in the region with Somali government forces and DANAB-trained troops. Source: Hiiraan Online
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya saraakiisha ciidamada Somaliland, gaar ahaan taliyaha guud ee Milatariga iyo kan qeybta gobolka Sool ee maamulkaasi. Taliyaha ciidanka Milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo la hadlay warbaahinta ayaa amar deg deg ah ku bixiyay in la soo xiro taliyaha guutada 31-aad ee maamulkaasi Ismaaciil Faraax Cawaale (Doolaal). Kulan ay yeesheen labada taliye ayaa la sheegay in fashil uu ku soo dhamaaday , waxaana kadib taliye Taanni uu amray in gudaha magaalada Hargeysa lagu xiro Doolaal oo ah taliyaha ciidanka maamulka Somaliland ee ka howgala gobolka Sool. Wararka qaar ayaa sheegaya in go’aankani taliyaha Milatariga Somaliland uu la ogyahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Arrintan ayaa salka ku heysa rabshado ka soo cusboonaaday gobolka Sool, halkaas oo ay Somaliland kula dagaalameyso jabhad uu hoggaamiyo Feysal Falaalug. Xaaladda deegaano ka tirsan Somaliland, gaar ahaan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa maalmihii dambe kacsanayed, iyadoona dagaallo kala duwan ay ka dhaceen gobolladaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  3. Wasiirka Arrimaha debadda waddanka Israel, Yisrael Katz ayaa shaaciyay in dalkiisu ku biirayo, Qorshaha Maraykanka iyo Xulafadiisa Gacanka Carabtu ay ku doonayan, in lagaga hortago khatarta dowladda Iran ee ku wajan biyaha Khaliijka Carbeed. Warbaahinta Israel ayaa baahisay, in wasiirku uu hadalkan ka sheegay, kulan albaabadu u xirnaayeen oo guddiga Arrimaha debadda ee Baarlamanka Israel ay ka yeesheen, Qorshaha Maraykanka ee ku aaddan, ka hortagga khatarta Iran ee biyaha Khaliijka Carbeed. Mr Yisrael Katz ayaa tilmaamay, in Israel ay hadda qeyb ka tahay, wada-hadallada u socdo Maraykanka iyo dalalka Khaliijka ee la xiriirta sida looga hortagi karo, khatarta ku wajahan gobolka ee ka imaanaysa dowladda Iran. Wuxuu intaasi raaciyay, in Qorshaha Maraykanka uu ka wado wadamada khaliijka ay ka arkeen danaha Israel, maadaama lagu waabinayo awoodda dowladda Iran, haddana lagu xoojinayo xiriirka Israel iyo dalalka Khaliijka. PUNTLAND POST The post Israel oo sheegtay in ay ka qeyb-qaadanayso ilaalinta dalalka Khaliijka appeared first on Puntland Post.
  4. Shirka sanadlaha ee guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika oo ka furmay Magaaladda Johannesburg ee Dalka koonfur Afrika waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Guddoomiyaha oo shirka ka jeediyay qudbad ku baxeysay luuqada Ingiriiska waxa uu kaga hadlay dhowr qodod oo quseeyay Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha Soomaaliya iyo tan guud ahaan qaaradda Afrika. Waxyaabaha uu Guddoomiyaha golaha shacabka uu qudbadiisa diirada ku saaray waxaa ka mid ahaa xal u helida u helida Arrimaha dadka barakacyaasha ah oo ah dadka gudaha ku barakacay iyo sidoo kale qaxootiga isagoo tusaale usoo qaatay xadiga ama tirada dadka qaxootiga ah ee Afrika ,sidoo kalena Marka la fiiriyo dadka gudaha ku barakacay Dalka Soomaaliya uu yahay wadanka ugu badan, dhanka soomaaliya xal u helida arrinta barakacyaasha iyo qaxootiga ay Marka hore ka horeyso sida uu sheegay in dalka dhaqaale ahaan kor loo qaado isagoo tilmaamay in hadii kobac dhaqaale uu yimaado arrimaha qaxootiga iyo barakacyaashana xalkeeda la helaayo. Mar uu ka hadlayay kaalinta hay’adaha ka shaqeeya dhinaca bani’aadanimada waxa uu sheegay in uu jiro gaabis dhankoooda ama doorkooda arrimahaas la xiriirta Oo aan u muuqan Sidii loo baahnaa taasina uu sheegay in laf ahaanteeda ay tahay mid u baahan in xalkeeda la raadiyo. Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhamaan dalalka Qaaradda Afrika gaar ahaan baarlamaanada Afrika waxa uu u sheegay in loo baahanyahay qorshe guud oo wax looga qabto Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha si taas ay suuragal u noqotana ay Muhiim tahay in guud ahaan dalalka Afrika ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan. Sidoo kale mar uu ka hadlayay dhinaca xalinta khilaafyada ee qaaradda iyo sida xalkooda loo wajaho ayuu soo hadal qaaday in ay badatay in xalinta khilaafyada hub ama hanaan aan wada hadal aheyn loo adeegsado taasina uu sheegay in ay kaga haboontahay in khilaaf kasta iyo kala aragti duwanaansho walba lagu xaliyo wada hadal dadka ay quseysana loo sameeyo dib u heshiisiin dhab ah maadaamaa aduunyadu hada ay u gudubtay in wax walba xalkooda dib u heshiisiin lagu dhameeyo. Halkan ka daawo Khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo dhaliil adag u jeediyay hay’adaha Qaxootiga ka shaqeeya appeared first on Puntland Post.
  5. Xiriirka kubbadda cagta Bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa ayaa soo saaray isku aadka tartanka xulalka da’yarta 15-jirada ee isla bishan August ku qabsoomaya wadanka Eritria. 11-wadan ayaa tartanka dhallinyarada 15-jirada ee bariga iyo bartamaha Afrika ka qeybgalaya,iyadoo loo kala qeebiyay ilaa saddex Group oo kala ah A,B,C. Xulka 15-jirada dalkeena Soomaaliya ayaa ku jira Group A waxaana ku wehliya wadamada Eritrea,Burundi iyo Kenya,iyadoo ciyaarta furitaanka ay wada ciyaaridoonaan xulalka 15-jirada wadankeena Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Kenya. Wadanka Eritrea ayaa sanadii 2010 marti geliyay tartanka Challen Cup ee 20-jirada kaas oo ahaa tartan ku cusubaa Africa waxaana maalgelintiisa lahaa “Fifa Forward Programme”,iyadoo da’da 15-jirada uu yahay markii uu horeesay oo la qabto wadamada bariga iyo bartamaha Africa ee Cacefa. Halkan Ka Aqriso Isku Aadka Xulalka 15-jiarada GROUP A Kenya Eritrea Burundi Somalia GROUP B Uganda Rwanda Ethiopia Sudan GROUP C Tanzania SUDAN Djibouti “Waan ku kalsoonahay awooda ciyaartooydeena waxaana ku rajo weynahay in aan guulo wax waaweyn kasoo hooyno tartanka xulalka 15-jirada ee bariga iyo bartamaha Afrika 2019” waxaa sidaa Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiayaha dhallinyarada Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya Cabdullahi xirse Maxamuud. Soomaaliya ayaa sanadii 2018 gaartay markii ugu horeesay fiinalaha tartanka 17jirada ee ka dhacay dalka Burundi,iyadoo iminkana dhallinyarada 15jirada laga sugayo in ay la yimaadaan natiijooyin aad u wanaagsan. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. Baydhabo (SMN) – Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay ku soo bandhigtay ku dhowaad 100 oday oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Odayaashan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 80 oday ayaa waxa ay Al-Shabaab shaacisay inay ka kala yimaadeen maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Goobta lagu soo bandhigay odayaashani ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaas oo sheegay in ay aqaleen baaqoodii, islamarkaana la cafiyey ergadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Shantii bishan August ayey aheyd markii Al-Shabaab 86 oday dhaqameed ay ku soo bandhigtay deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay tilmaameen in ay ka soo kala jeedeen maamullada Galmudug iyo HirShabelle. Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in ay deegaanadeeda iska soo diiwaan geliyeen 159 oday oo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. View the full article
  7. Baydhabo (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay ku soo bandhigtay ku dhowaad 100 oday oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Odayaashan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 80 oday ayaa waxa ay Al-Shabaab shaacisay inay ka kala yimaadeen maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Goobta lagu soo bandhigay odayaashani ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaas oo sheegay in ergadan ay aqaleen baaqoodii, islamarkaana la cafiyey, sida ay hadalka u dhigeen. Shantii bishan August ayey aheyd markii Al-Shabaab illaa 86 oday dhaqameed ay ku soo bandhigtay deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay tilmaameen in ay ka soo kala jeedeen maamullada Galmudug iyo HirShabelle. Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in ay deegaanadeeda iska soo diiwaan geliyeen 159 oday oo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Bayaanka Al-Shabaab ee la xariira ergada ayaa soo baxay 15-kii bishii hore ee July, iyaga oo markaasi u qabtay odayaasha inay isku soo diiwaangeliyaan muddo 45 cisho ah, kadib markii ay ku eedeeyeen inay ku kaceen fal Gaalnimo ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  8. Bariire (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro ballaaran oo xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Sh/ Hoose. Weerarada oo ahaa kuwa is xig xigay oo gaarayey illaa saddex ayaa waxa ay Al-Shabaab ku qaadeen koontaroolka laga soo galo deegaankaasi. Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah weeraradaasi kadib ayaa waxaa xigay dagaallo foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinaca ka soo gaaray dagaalladaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga Soomaaliya. Dhinaca kale ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ka wada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada ayaa isku fidiyey xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi, kadib markii ay shalay kala wareegeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan baaritaanadaasi. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-07082019.mp3 View the full article
  10. DAKAR, SENEGAL - For one intense week, 40 boys and 20 girls from 29 African countries were chosen for a highly selective program to train with current and former players from the National Basketball Association (NBA) and Women’s National Basketball Association (WNBA). Source: Hiiraan Online
  11. WASHINGTON, Aug. 6 (Xinhua) -- U.S. private space company SpaceX on Tuesday launched a Falcon 9 rocket carrying an Israeli-owned satellite to provide communication services for Africa. Source: Hiiraan Online
  12. Aprototype of Turkey's first domestic flying car, called the "Cezeri," is nearing completion, Baykar Technical Director Selçuk Bayraktar announced Tuesday. Source: Hiiraan Online
  13. Members of 1 Assault Group Royal Marines have trained Ugandan soldiers to manage the 'human' element of conflict, ahead of their deployment to the UN Peacekeeping Operations in Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. Kismaayo (PP) ─ Musharraxiinta ka qayb-galaya doorashada Jubbaland ee la flinayo inay bishan ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa kulan ay la yeesheen ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxay kasoo saareen bayaan cad. Kulanka ay yeesheen Maxamed Cali Guyo iyo musharraxiinta ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaannadda maamulku ka taliyo gaar ahaan amaanka, siyaasada iyo doorashooyinka. Sidoo kale, Musharraxiinta oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta, ayaa soo bandhigay 10-qodob oo ay ku xireen ka qayb-galka doorashadda oo ay horay uga biyo-diideen. Shuruudaha ay musharraxiintu soo saareen ayaa waxay kala yihiin; 1. In la beddelo guddiga doorashooyinka kaasoo ku dhisan qaab aan sharci ahayn una adeegaya madaxweynaha waqtigiisu ka dhamaaday ee Axmed Madoobe. 2. In lasoo magacaabo guddi doorasho oo cusub, sida uu qabo dastuurka, kaasoo aan lahayn wax xad ah, isla markaana raacaya geeddi-socodka daruuriga ah ee loo baahdo. 3. In odayaasha saxda ah ay soo xulaan xildhibaannada cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka labaad ee Jubbaland, maadaama aan shaki weyn ka qabno kuwa hadda jira. 4. In hal murashax oo keliya loosoo xulo baarlamaanka cusub, maadaama xilligan uu maamulka soo rogay in saddex xubin ay soo xulaan odayaasha kadibna guddiga uu mid kala baxayo. 5. In doorashada uu maamulo guddi baarlamaani ah. 6. In doorashadda lagu qabto goob dhex-dhexaad ah sida xarunta Qaramada Midoobay. 7. In ciidamada AMISOM ay sugaan amniga goobta ay doorashadda ka dhici doonto iyo weliba amniga musharraxiinta ka qayb-galaya doorashada. 8 – In Dowladda Federaalka Somalia ay goob-joog ka noqoto doorashada. 9. In kor-joogto caalami ah ay kasoo muuqan madasha ay ka qabsoomeyso coddeynta. 10. In warbaahinta caalamka iyo tan maxalliga ah ay door ku yeeshaan tabinta doorashada. Ugu dambeyn, Qodobbada ay soo saareen musharraxiinta isbedel doonka ah ee Jubbaland ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo odayaasha dhaqanka la sheegay inay gudbiyeen liiskii ugu dambeeyay ee xildhibaannada ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Jubbaland. PUNTLAND POST The post Murashaxiinta Jubbaland oo shuruudo adag ku xiray ka qayb-galkooda doorashada appeared first on Puntland Post.
  15. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo saaka wareysi siinayey Laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda BBBC-da ayaa sheegay in uusan jirin khilaaf u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka. “Waxna waa wax Dastuuriya oo lagu khasbanyahay, hadday noqon lahayd dowladda Federaalka ah, iyo ama dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, oo ku saabsan sidii loo wada-shaqeyn lahaa, marka mar haddii Dastuurkaas KMG la ilaalinayo, wax khilaafa oo meesha imaan kara malaha” ayuu yiri Maxamed Mursal. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay, in loo baahanyahay in madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada, ay ku dhaqmaan Dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla, si aan khilaafba u imaan, haddii uu yimaadan loola noqdo Dastuurka. Halkaan ka dhegayso codkiisa PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka oo sheegay in aan khilaaf ka dhex jirin dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka appeared first on Puntland Post.
  16. TRIPOLI - Libya's internationally recognized government has allocated 40 million Libyan dinars ($28.5 million) for its defense ministry, it said on Tuesday, stepping up spending to fend off an eastern offensive as the war enters a fifth month. Source: Hiiraan Online
  17. Somali-American supermodel Iman is to receive the Franca Sozzani Award later this year to mark her contribution to the dual universes of modelling and humanitarian work. Source: Hiiraan Online
  18. AFRICA looks set to be the next major battlefield in an emerging "Cold War" between the US and China, experts have claimed. Source: Hiiraan Online
  19. (ERGO) – Two hospitals in the central Somali region of Galgadud are on the brink of closure due to lack of funds to support operations. Source: Hiiraan Online
  20. Kismaayo (PP) ─ Xukuumadda Washington ayaa war kasoo saaray doorashada la filayo inay bishaan dhammaadkeeda ka dhacdo maamulka Jubbaland, taasoo lagu soo dooran doono hoggaamiyaha xigi doona Axmed Madoobe oo muddo xileedkiisu dhammaaday. Mareykanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in doorashadaas noqoto mid ku dhacdo si xor ah oo kalsooni ku jirto, iyadoo la digtay fara-gelinnada la sheegayo in lagu hayo doorashada lagu wado inay ka dhacdo Jubbaland. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, haweeneyda lagu magacaabo, Morgan Ortagus oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay rajo badan ka qabto doorashadda Jubbaland inay noqo mid lagu wada kalsoonaan karo. Sidoo kale, Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, David Hale ayaa kulan uu Muqdish kula yeeshay, RW Xasan Cali Kheyre wuxuu kala hadlay sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah. Dhanka kale, Afhayeenka ayaa xustay in dowladda Mareykanka ay ka go,an tahay dadaallada is-beddellada siyaasadeed ah, horumarinta dhaqaale iyo xasilloonida ka socda Somalia. Xoghaye David Hale ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka Somalia inay ka digtoonaato fara-gelin ay ku sameyso doorashada Jubbaland, waxaana sidoo kale uu ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xalliyo khilaafyada ka taagan Galmudug si loo helo maamul loo dhan yahay. Dhanka kale, Muran badan ayaa ka taagan doorashada lagu waddo in bishan dhammaadkeeda ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, waxaana musharraxiinta qaarkood ay sheegeen in loo diiday inay taggaan Kismaayo. Ugu dambeyn, Odayaasha dhaqanka maamulka Jubbaland ayaa gudbiyay liiskii ugu dambeeyay ee xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka labaad ee Jubbaland, mudanayaashaas oo soo dooran doona Madaxweynaha cusub ee dowlad-goboleedka Jubbaland. PUNTLAND POST The post Muxuu Mareykanku ka yiri doorashada lagu wado in dhawaan ay ka dhacdo Jubbaland? appeared first on Puntland Post.
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Murashaxiinta u taagan kursiga ugu sareeya Jubaland ayaa magaaladda Kismaayo kula kulmay ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Maxamed Cali Guyo iyo siyaasiyiinta ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee degaanadda maamulkan gaar ahaan amniga, siyaasada iyo doorashooyinka. Tartameyaasha oo kulanka kadib soo saarey war-saxaafadeed ayaa soo bandhigay todob shuruud oo ay ku xireen ka qeybgalka doorashadda oo ay horey uga biyo diideen. Shuruudaha ayaa waxay kala yihiin 1 – In la bedelo guddiga haatan ee doorashooyinka kaasi oo “ku dhisan qaab sharci darro ah un adeegaya danaha madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Axmed Madoobe”. 2 – In lasoo magacaabo guddi doorasho oo cusub, sidda uu qabo dastuurka, kaasi oo aanan lahayn wax xad ah, isla markaana raacaya geedi u socodka daruuriga ah ee loo baahdo. 3 – In odayaasha “saxda ah” ay soo xulaan mudaneyaasha cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay shaki ka muujiyeen kuwa haatan. 4 – In kaliya hal murashax loosoo xulo baarlamaanka cusub, maadaama waqti xaadirkan uu maamulka soo rogay in saddex xubin ay soo xulaan odayaasha kadibna guddiga uu mid kala baxayo. 5 – In doorashada uu maamulo guddi baarlamaani ah 6 – In doorashadda lagu qabto goob dhex-dhexaad ah sidda xarunta Qaramada Midoobay 7 – In ciidamada AMISOM ay sugaan ammaanka goobta ay ka qabsoomeyso doorashadda xitaa amniga murashaxiinta 8 – In dowladda federaalka ay goobjoog ka noqoto doorashadda 9 – In korjoogto caalami ah ay kasoo muuqan madasha ay ka qabsoomeyso coddeynta 10 – In warbaahinta caalamka iyo tan maxaliga ah ay sidoo kale door ku yeeshaan tabinta Qodobada ay miiska soo saaran murashaxiinta kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya iyadda oo bisha August loo balansan yahay doorashadda ayna haatan socoto soo xulista Xildhibaanada cusub. Sikastaba ha ahaatee, liiska rasmiga ah ee baarlamaanka labaad ee maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo 48-da saacadood ee soo aadan. AQRISO BAYAANKA Garowe Online
  22. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowr shuruudood ku xiray dowlada Sacuudiga si uu sanadkan u soo guto waajibaadka Xajka. Madaxweyne Biixi ayaa dhowaan waxa uu boqorka Sucuudigu ku soo daray martida gaarka ah ee uu boqorku sannad kasta ku martiqaado gudashada waajibaadka Xajka, sida ay sheegayan wararka aanu helnay. Biixi ayaa dowladda Sacuudiga u diray waraaq uu ku lifaaqay shuruudaha uu ku xirayo dowladaasi si uu xajka u soo guto sanadkan, isla markaana ugu mahad-celinayo martiqaadka boqorka. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu shuruud uga dhigay in dal ku galka Sucuudiga loo soo saaro Baasaaboorka diblomaasiga Somaliland, lana siiyo hab maamuus Madaxweyne, isla markaana loo abaabulo kulan uu la yeesho boqorka Sucuudiga iyo qodobo kale oo uu ku rabo in Somaliland u muuqato dal madax-banaan. Madaxweyne Biixi ayaa waxa kale oo uu waraaqdasi ku sheegay in Somaliland tahay dal gaar ah oo madax-banaan oo doorata madaxdeeda, isagana ay waajib ku tahay inuu ilaaliyo sharafta iyo karaamada qaranka Somaliland. Boqortooyada Sacuudiga ayaa ila hadda wax jawaab ah ka bixin dalabaadka iyo Shuruudaha Madaxweyne Biixi ku xiray inuu Xajka ku tago martiqaadka uu boqorku u soo diray, balse talabaadan Biixi ayaa u muuqata mid uu ku doonayo inuu sii xoojiyo dhaq-dhaqaaqyada ay Somaliland ku doonayso in dal madax-banaan loo aqoonsado. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com