-
Content Count
213,993 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xubno ka tirsan Alshabaab ayaa barqadii maanta waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Owdhiigle ee gobalka Shabeelllaha Hoose. Weerarka oo ku bilaawday Qarax gaari oo ay fuliyeen naftood hurayaal ayaa waxaa xigay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda ee ku sugnaa goobta iyo qolyihii weerarka soo qaad. Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isgu jira dhaawac iyo dhimasho, in kastoo aan la helin tirade saxda ah ee wax ku noqotay Qaraxa iyo weerarka maanta ka dhacay degmada Owdheegle. Sidoo kale taliyaha ciidanka luqta general Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in degmada Owdheegle yaallaan hadda meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn waa sida uu hadalka u dhigay. Dhaka kale Alshabaab ayaa sheegtay weererka ka dhacay Owdheegle, war qoraal ah ay ku soo dhigeen barahooda ayeey ku sheegay in laba Qarax ay ku weerareen goobta khasaare badan ay ku gaarsiiyeen ciidamadii ku sugnaa saldhigga uu weerarku ka dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Awdheegle (Caasimada Online) – Mid ka mid ah dagaaladii ugu adkaa oo ay galaan ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Awdheegle gobalka Shabeellada Hoose, waxaana la sheegayaa in uu khaasaare badan ka soo gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa muddo isku abaabulayay baadiyaha degaanka Xawaadley ee gobalka Shabeellada Dhexe ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in shalay iyo ilaa xalay ay halkaasi isku abaabuleen islamarkaana ay xoolo ku qasheen. Dagaalamayaasha Shabaab ayaa dhowr geel ah loogu qalay Xawaadley islamarkaana ay halkaasi ugu khudbeeyeen hogaamiyaal ka tirsan Al-Shabaab oo uu kamid yahay guddoomiyaha Al-Shabaab Shabeellaha Dhexe Sheekh Yuusuf Ciise Kabo-Ku-Tukade, sida ay noo sheegeyn xubno katirsan wasaaradda difaaca soomaaliya. Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka oo ku sugan Awdheegle ayaa Caasimada Online u sheegay in ay dileen in k abadan 50 dagaalame oo Al-Shabaab ah islamarkaana ay nolasha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame. Ciidamada milateriga Soomaaliya oo ka war-hayay dagaalkaan iyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa la sheegay inuusan jiran khasaare wayn oo soo gaaray marka laga reebo dhimashada tiro ka yar 5 qof iyo dhaawaca gaaraya in ka badan 10 askari. Ilo wareedyo ka madax banaan dhinacyada dagaalamaya ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay la kulmeen khasaare xoog leh kadib markii ay u diyaar-garoobeen milateriga Soomaaliya oo kasii war-helay inay dagaal soo yihiin. Dhinaca kale taliyaha, ciidanka lugta ee xoogga dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay iska caabiyeen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in meydadka raggii weerarka soo qaaday oo aan xisaab laheyn ay daadsan yihiin degmada Awdheegle, sida uu hadalka u dhigay. Odawaa ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu ay nolosha ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan degna, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Danab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa magacaabay afar (4) xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga doorashooyinka, kuwaas oo kala ah. 1. Guuleed Saalax Barre 2. Jaamac Xirsi Faarax 3. Xasfo Salaad Maxamed. 4. Cabdirisaaq Axmed Siciid. Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa ka kooban sagaal (9) xubnood, shan (5) waxaa magacaaba madaxweynaha, halka afarta (4)kalana uu magacaabo Guddoomiyaha Baarlamaanka, dhamaantoodna waxaa ansixiya Baarlamaanka. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Barlamaanka Puntland oo magacaabay 4 kamid ah guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta gaaray xarunta dowlad goboleedka Jubbaland xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo doorashada Jubbaland ayaa sheegaya in isbedal lagu soo sameeyey jadwadlka doorashada madaxweynaha iyo mida guddoonka baarlamaanka ee maamulkaasi. Warqad ka soo baxday guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa lagu sheegay in doorashada guddoonka baarlamaanka la qabanayo 17-ka bishan oo ku beegan Sabtida soo socota. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in maanta oo ah 14-ka August ay bilaaban doonto diiwaan gelinta Musharraxiinta, kadibna doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 19-ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ah. Doorashadan ayaa ballantu aheyd in la qabto 24-ka bishan, balse waxaa haatan laga soo hormariyey waqtigaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo weli is qab qabsi uu ka jiro doorashada Jubbaland, taas oo keentay in musharraxiinta mucaaradka ah ay sameystaan guddi gaar ah iyo xildhibaano ka soo horjeeda kuwa Madaxweyne Axmed Madoobe. Halkan hoose ka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerar qarax ku billowday oo ay ku qaadday ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo uu watay ruux naftii haliga ah, kaas oo lala beegsaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib uu xigay weerar toos ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigeen warbaahintooda ku sheegay in khasaara lixaad leh ay ciidamada dowladda ku gaarsiiyeen weerarka. War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidankada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weeraradan oo loo adeegsaday laba kamid ah gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay, laguna dilay dhowr askari. Al-Shabaab ayaa sheegtay in tiro ay ku sheegtay tobonaan askari oo ah askar iyo saraakiil ay ku dileen weerarka. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab. Ciidamada dowladda weli wax war ah kama soo saarin weerarka iyo dagaalkii xigay. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
War qoraal ah oo ka soo baxay gudiga doorashooyinka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in isbedel lagu sameeyey hab sami u socodka doorashooyinka Jubbaland iyadoona maalinimada Khamiista ah ay bilaabi doonaan diiwaangelinta musharixiinta. Gudiga ayaa sheegay in maalinimada Jumcada ah ay dhici doonto doorashada guddoonka barlamaanka ee Jubbaland, halka maalinimada Sabtida ah oo Taariikhdu ku beegan tahay 18 Agoos ay barlamaanka cusub ee Jubbaland dhegaysan doonaan khudbadaha musharixiinta. Doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa ay qabsoomi doontaa 19-ka bisha Agoos iyadoona horay qorshuhu u ahaa in doorashada madaxtinimadu ay dhacdo 24-ka bishaan. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Jadwalka doorashada guddoonka barlamaanka & madaxweynaha Jubbaland oo la soo hormariyey. appeared first on Puntland Post.
-
Qoraal kasoo baxay Guddiga madax bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubnaland ayaa waxaa isbedel lagu sameeyay jadwalka xilliga ay dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Jubbaland & tan guddoonka Baarlamaanka. Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay in Maanta oo Khamiis ah ay bilaabaneyso diiwaangelinta musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka, maalinta berito ahna ay tahay Maalinta hadal-jeedinta musharixiinta,isla markaana jimcaha oo ku beegan 16-ka Bisha Agoosto la qabanayo doorashada guddoonka Baarlamaanka Jubbaland. Sidoo kale Guddiga doorashada Jubbaland ayaa waxa ay shaaciyeen in Maalinta Sabtida ah ee soo socota taariikhduna ku beegan tahay 18 Bisha Agoosto ay khudbaadahooda jeedin doonaan musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland,isla markaana Axada ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Jubbaland. Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa 4-tii Bishii July ee sanadkaan waxaa ay soo saareen jadwalka doorashada jubbaland kaas oo qorshuhu ahaa in doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ay dhacdo 18 Agoosto halka doorashada Madaxweynaha la qabto 24-ka Bishaan,hayeeshee waqtiyada la soo hormariyay Halkaan ka eeg Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Golaha wasiirada Malaysia ayaa maanta ka wada-hadlay waxa laga yeelayo degenaanshaha joogtada ah ee uu dalkaas ku leeyahay Sheekha u dhashay India ee Zakir Naik, ayada oo saddex wasiir ay dalbadeen in dalka laga caydhiyo sababo la xidhiidha eedeymo ku saabsan inuu jeediyey hadallo jinsiyeed xasaasi ah. Sheekh Zakir Naik, oo Malaysia ku noolaa saddexdii sanno ee tagay, ayaa dalka Hindiya ku wajahaya dacwado la xidhiidha been xalaleyn lacageed iyo inuu jeediyey hadallo naceyb ah. Waxa uu dhowaan jeediyey hadal aad looga dhalleeceeyey Malaysia, oo ah in dadka Hindus-ka ah ee ku nool dalkaas ku yaalla Koonfur Bari Asia ay “100 mar ka xuquuq badan yihiin” Muslimiinta laga tirada badan yahay ee India. Ka hadalka arrimaha jinsiga iyo diinta ayaa xasaasi ka ah Malaysia, oo ah dal Muslimiinta ay yihiin 60% ee 32-ka milyan ee ku nool. Inta soo hadhay ayaa badankood ah Shiinees iyo Hindi badankood ah Hindus. Wasiirada Malaysia ayaa sheegay in hadalka Zakir laga yaabo in looga dan lahaa in xiisad looga dhex abuuro Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahayn ee Malaysia. Sheekh Zakir waa uu beeniyey eedeymahaas. “Waxaan caddeenay mowqifkeena, waana in tallaabo la qaadaa, oo Zakir Naik aan loo ogolaan inuu sii joogo Malaysia” Waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri wasiirka is-gaadhsiinta Malaysia Gobind Singh Deo. “Ra’iisul wasaaraha waa uu dhageystay walaaceena. Isaga ayey u taallaa inuu mowqif qaato oo sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga gaaro waxa lagu xalin lahaa dhibaatadan” ayuu yidhi. Wasiirka shaqada iyo shaqaaleynta M. Kulasegaran iyo wasiirka biyaha, macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah Xavier Jayakumar, ayaa iyagana ka dalbaday ra’iisul wasaare Mahathir Mohamad in la eryo Sheekh Zakir Naik. “Ammaantii aan dowladda Malaysia ugu jeediyey sida Islaamiga ah ee wanaagsan ee ay ula dhaqanto dadka Hindus-ka ee laga tirada badan yahay ayaa si kale loo beddelay ayada oo dan siyaasadeed laga leeyahay” ayuu Sheekh Zakir ku yidhi bayaan uu soo saaray. Wakaaladda warraka Malaysia ee Bernama ayaa kasoo xigatay ra’iisul wasaare Mahathir inuu sheegay in Zakir aan dib loogu celin karin Malaysia sababo al xidhiidha amnigiisa. “Haddii dal kale uu doonayo inuu mart-geliyo, waan soo dhoweeneynaa” ayuu yidhi Mahathir. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday. In ka badan 10 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaasi iyo dagaalka xigay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Dadka dhintay waxaa ka mid ah Gacal Cabdulle oo ahaa Sawir qaade ka tirsan Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan kacsan, balse waxaa weli gacanta ku haya Awdheegle ciidamada dowladda oo todobaadkii hore Al-Shabaab kala wareegay degmadaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Wararkii ugu dambeeyey ee ay shabakadda Puntlandpost ka helayso deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in weerar qarax ismiidaamin ah loo adeegsadey uu ka dhacay saldhig ciidan. Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa waxaa lagu weeraray saldhig ay ciidamada dowladdu kuleeyihiin deegaanka Awdheegle oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Inkastoo ay adagtay in la helo xogta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, inkastoo dadka deegaanku ay sheegeen in qaruxu ahaa mid aad u xoogan isla markaana uu khasaare xoogan sababay. Ciidanka dowladda Soomaaliya ee DANAB ayaa maalmihii ugu dambeeyey howlgallo ka dhan ah Alshabaab waxa ay ka wadeen deegaanka Awdheegle iyo degaamada hoosyimaada. PUNTLANDPOST The post Saldhig ciidanka dowladdu ku leeyihiin Awdheegle oo weerar lagu qaaday. appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Kornel Siciid Cawil Jaamac (Caare) oo hoggaamiyo jabhadda la magac baxday Dulmi Diid ayaa faahfaahin ka bixiyey wada-hadallo uu kula jiro Somaliland. Korneyl Caare ayaa marka hore xaqiijiyey in labada dhinac ay u socdaan wada-hadallo guul laga gaaray Wuxuu shaaciyey in la isla gartay saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah: 1 In nabad la raadiyo 2 in xabad joojin la sameeyo 3 in wada-hadallo la furo. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan odayaasha dhaqanka ee garwadeenka ka ah wada-hadalladan ay shaaciyeen in Korneyl Caare uu aqbalay inuu la heshiiyo maamulka Somaliland. Caare oo horay uga soo goostay Somaliland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ciidanka maamulkaasi kula dagaalamayey gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Michael Rubin oo ah xeel-dheere Millatari iyo aqoonyahan Maraykan ah ayaa is barbar-dhigay baaxadda iyo dhererka dhulka ay ka kala taliyaan madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo uu tilmaamay inaanay shaqo isku laheyn isla markaana aanay isku duruuf ahayn. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu Khabiir Michael Rubin maanta ku baahiyey Wargeyska Siyaasadda Falanqeeya The Hill oo fadhigiisu yahay Maraykanka. Soomaaliya: Mr.Rubin wuxuu xusay in Madaarka Muqdisho oo ah Khadka Cagaaran ee dalka Soomaaliya uu yahay mid aad loo ilaaliyo oo qaali ah, iyadoo tobanaan sanno ay Soomaaliya ka jirtay sharci la’aan iyo xasilooni darro. Waxaanu intaas ku daray in wax kastaa ka dhici karaan Muqdisho. Waxaanu ku dooday in ashkhaas kooban oo ka mid ah dadka shisheeyaha ahi ay dibadda uga bixi karaan madaarka Muqdisho, iyagoo ay la socdaan ilaalo aad u hubaysan. Waxa kaloo uu iftiimiyey in diblomaasiyiinta ku sugan Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa Maraykanka iyo Yurub ay u furan tahay inay ku sugnaadaan Madaarka Muqdisho gudihiisa ama inay iska joogaan Kenya. Somaliland: Magaalada Dekedda ah ee Berbera arrimaheedu way ka duwan yihiin Soomaaliya waxaana laga furay hudheello cusub, waxaana isdhexgalay bulshada iyo dadka shisheeyaha ah oo magaalada ku wada dhaqan. Sidoo kale, caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxay sarrifleyaashu saxaaradahooda lacagta kaga hoydaan dibadda. Michael Rubin wuxuu intaas raaciyey in Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax falal argagixiso ah ka dhicin muddo ku siman toban sanno, halka ay Muqdisho iyo Kimaayo joogto noqdeen weerarada argagixisadu. Mr. Rubin wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka taliyo dhul masaafadiisu dhan tahay 50.000 Mile oo laba jibaaran, halka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu ka arrimiyo dhul bedkiisu gaadhayo 50.000 Feet oo ah aqalka Villa Soomaaliya. Waxa kaloo Rubin uu sheegay in aanay Somaliland iyo Soomaaliya isku duruuf ku sugnayn, sidaas awgeedna aanay habboonayn in digniinta socdaalka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku soo saarto aanay israacin Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa kaloo uu xusay in ciidammada ilaalada xeebaha Somaliland aanay u ogolaanin budhcad baddeeda xeebta Somaliland oo dhererkeedu yahay 450 Mile. Cumar Maxamed Faarax Source
-
Ciidamada xooga dalka gaar ahaan Danab ayaa saakay dhaqdhaqaayo ciidan waxaa ay ka wadaan gobalka Shabellaha Hoose, gaar ahaan tuulooyin hoos yimaada degmada Owdheegle oo dhawaan ay la wareegeen. Saraakiisha howlgalka hoggaaminaayo ayaa sheegay in hadafkoodu uu yahay sidii Alshabaab ay ugu saari lahaayeen gobalka, howlgalka ay wadaanna uusan joogsan doonin ilaa gobalka gacanta ay ku dhigaan. Wararka laga helaayo Owdheegle ayaa tibaaxaya in ciidamadu ay wadaan dhaqdhaqaaqyo, ayagoo mararka qaar ay ridayaan rasaas aad u badan. Degmada Owdheegle ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka dhawaan ay gaareen ciidanka xooga dalka, gaar ahaan kuwa danab oo howlgallo ka wada gobalka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya yaa faahfaahin ka bixisay kulan ay magaalada barakaysan ee Makka ku yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubno katirsan golaha xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in isaga iyo xubnaha kale ee golaha wasiiradu ay masjid kuyaal Makka ku kulmeen madaxweyne Muuse Biixi iyo wafti la socdey. Xilli uu waraysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa wasiir Cawad waxa uu sheegay in labada dhinac ay kulankaasi isugu muujiyeen inay yihiin dad walaalo ah, haseyeeshee uusan kulanku ahayn mid siyaasadeed ayna arrimaha Xajka kaliya kawada hadleen. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Wasiir Cawad oo ka warbixiyey kulankii ay Makka kula qaateen madaxweynaha Somaliland. appeared first on Puntland Post.
