-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhowaan iska celiyay Jinsiyadii uu ka heestay dalka Mareykanka oo uu ku noolaa muddo dheer sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. Dad ka agdhow Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu wajahayo dacwad ay dad Soomaaliyeed ka fureen dalka Mareykanka dhowr bilood ka hor maadaama uu yahay muwaadin Mareykan ah. Dacwadda Mareykanka laga furay ayaa la sheegay in ay geeyeen dad ay qaraabo yihiin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo dalkaasi ku nool kuwaasi oo Madaxweynaha ku eedeeyay tacadiyo ka dhan Xuquuqa Bini-aadanka. Sarkaal ka tirsan Xibisga Cadaaladda iyo Amniga oo uu aas aasay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur, ayaa Caasimada Online u sheegay in Maxkamad ku taala Mareykanka ay dacwad ka geeyeen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana ay Maxkamadda aqbashay ama ay qabatay kiiska ka dhanka ah Farmaajo. Caasimada Online ma cadeyn karto inuu jiri kiiska Dacwadeed ee la sheegay in Mareykanka looga furay Madaxweynaha Soomaaliya ay ka danbeyso celinta Jinisyadii Mareykanka balse waxaa jira in magaalada Muqdisho uu dhowr bil ka hor ka sheegay Yuusuf Xasan Mursal oo Xisbiga Mukhtaar Roobow katirsan uu sheegay in ay dacweyn doonaan Madaxweynaha Soomaaliya. “Farmaajo waan dacweyn doonaa kamana hari doono waxaana ballan qaadeynaa in uu ka qoomameeyo Farmaajo, dadkii uu ku dilay Baydhabo iyo Xaraggii Sheekh Mukhtaar” ayuu magaalada Muqdisho ka sheegay Yuusuf Xasan Mursal oo ay qaraabo yihiin Abuu Mansuur. Dhowr su’aal oo kale ayaa ka dhashay sababta uu Madaxweynaha Soomaaliya u wareejiyay Jinsiyadii Mareykanka waxaana su’aalahaas isweydiinaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibadda. Si kastaba, qoraalka Villa Somalia kasoo baxay ayaa lagu sheegay in qorshaha celin jinsiyadda Mareykanka uu madaxweynaha billaabay waxyar un kadib markii la doortay, taas oo macanaheedu yahay inay ka horreysay arrinta Mukhtaar Roobow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xabsiga dhexe ee Xamar waxaa ku xiran maxaabiista ugu badan ee loo haysto danbiyada la xiriira Argagixisada iyo dambiyada kale ayaa dhibaato xooggan oo dahsoon ay ka dhex jirtaa, iyadoo maxaabiista aan la kala soocin danbiyadooda. Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa lagu wada xiraa cid kasta oo dowladda ay u aragto qatar amni iyo mid siyaasadeed, waxayna taasi keentay in maxaabiista kala duwan ay isku dhex milmaan. Haddaba, baaris iyo dabagal ay Caasimada Online, sameysay ayey ku ogaatay in halis xoogan ay ka dhex jirto xabsiyadaasi, iyadoo saraakiisha dowladda iyo xubnaha Al-Shabaab ee lasoo qabto lagu dhex haayo hal qol. Si aan ugu gun gaarno baaristaan ayaa xiriiro kala duwan iyo dabal aan sameynay ku ogaanay xaqiiqda, waxaana jira saraakiil ka tirsan DF iyo maxaabiista Al-Shabaab lagu dhex haayo ilaa hadda qol qura, taasoo keentay in xubnaha Shabaab ee xiran ay handadaad kula kacaan saraakiisha dowladda ee qolka kula xiran. Falkaasi ayaa waxaa caddeyn u ah in Anthony Thomas oo ah nin u dhashay UK oo lagu qabtay bishii Janaayo garoonka diyaaraddaha Muqdisho xili lagu helay boorsooyinkiisa waxyaabaha qarxa, laguna eedeeyay inuu qalqal gelinayay amaanka garoonka xabsi la dhigay, kaasoo xabsiga ay ku weerareen xubno Daacish ka tirsan oo dhaawac ay u geysteen. Nuur Ismaaciil Sheekh oo ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala Muqdisho, balse hadda sababo amni ugu soo cararay ayaa Caasimada Online u sheegay in isaga naftiisa lagu dhex handaday xabsiga, isagoo sheegay in xubno ka tirsan Shabaab ay ku handadeen in hadii uu xabsiga ka baxo uusan shaacin karin magacyadooda, haddii uu sheegana waajibkiisa la marsiin doono. Xubnahaasi ka tirsan Shabaab ayaa xabsiyada dhexdooda ku dhex haysta taleefanada halka dadka shcabka ahna aan loo ogoleyn, haddiii lagu arkana lagu ciqaabayo. Arrintaan fajacisada ah lama oga in ay ka war qabaan saraakiisha ku shaqada leh iyo in kale, hase ahaatee, dadka shacabka aysan intooda badan ka war hayn, mooyee inta eheladooda waqtiyo kusoo dhex qaatay xabsiyadaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa waxay warbixin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan waxyeeladda shacabka loo geystay bilooyinkii lasoo dhaafay. Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Badbaada u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa waxay tilmaamtay in intii u dhaxeysay 14 December 2018 iyo 4 May lagu dilay, guud ahaan Soomaaliya, 757 rayid ah. Warbixinta ayaa intaasi ku dareysa in 72% shaqsiyaadkaasi ay ku baxeen weeraradda maleyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab. Sidda ku xusan qoromadda, 9% oo kamid ah xubnahaasi ayaa waxaa khaarijiyey ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Hay’adda ayaa sheegtay in 10% ay ku naf-waayeen gacan aanan la aqoonsan, oo ay ku jirto 6% oo ah duqeymo ay fuliyeen diyaarado aanan heybtooda la garan. Soomaaliya, dal dhaca Geeska Afrika, oo kasoo kabanaya colaado sokeeye tan iyo burburkii 1991-dii, ayaa lagu sheegaa in uu kamid yahay wadamada ugu badan ee sanad kasta lagu laayo rayidka. Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo ah khatarta ugu weyn ammaanka waddanka ayaa fulisa howlgalo isugu jira qaraxyo gaari iyo is-miidaamin si lamid ah weeraro toos ah iyo dilal qorsheysan. Isha: Garowe Online
-
Wasiiro ama madax iyo odayaal xoolahoodii lagu laaluushayo oo mid kasta ku faraxsanyahay! Waxaa arrin yaab leh danta uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka leeyahay inuu jinsiyaddii uu dalka Maraykanka ka haysta iska celiyo! Kolayba ma aha mid dadka Soomaaliyeed ugu macnaysmaysa inay tahay sabab la xiriirta danta dalka, wadaninimo, Soomaali jacayl, iyo inuu shisheeye ka madax bannaanyahay! Waxaa iyadana jira warar kale oo tilmaamaamaya in dowladda Maraykanka ay iyada kala noqotay sharcigiisii jinsiyadda iyadoo ku eedeynaysa musuqmaasuq baahsan oo uu ku sameeyay doorashadii maamul goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya 2018kii. Waxaana adag sida loo rumaysto in Madaxweyne Farmaajo uu iska celiyay jinsiyaddii uu ka haysta dalka Maraykanka sida loo ekeysiinayay sababo la xiriira dal jacayl iyo wax-iska-celin, dabeecad ahaanna Farmaajo ma aha qofkaas ama kama muuqato dhaqankiisa qof ahaan ama kartidiisa hoggaamiyenimo, laakiin waxaa lagu macnayn karaa inay jiraan sababo badan oo wali inaga qarsoon!…maxay yihiin waqtigaa sheegi doona… Waxaan iyadana mar keliya ka muuqan oo aan madaxweynaha hannaankiisa siyaasadeed laga dheehan wadaniyaddii uu shaatigeeda soo gashtay, oo xataa haddii ay dhab tahay inuu isaga iska celiyay jinsiyaddii Maraykanka waxaa loo qaadan karaa oo keliya in arrintani ay tahay mid uu doonayo inuu ku xoojiyo hal-ku-dhegyadiisii hore ee lagu soo doortay ee wadaniyadda ku salaysnaa, taasoo dadku xooggiisu qabaan inuusan ka run sheegin oo uusan lahayn dhaqankeeda! Madaxweynuhu isagu dantii uu doono ha ka lahaado inuu celiyo jinsiyaddiisii Maraykanka, laakiin shacabku waxay taaganyihiin Timirtii Horaba Dab Loo Waa! Waxaanse shaki ku jirin in arrintani ay qayb ahaan ka mid tahay waxyaabaha ay madaxweynaha la noqotay meeshii uu ka bilaabi lahaa ololihiisa doorashada 2021-ka…Waxaa kaloo loo qaadan karaa inay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah barnaamijyada uu ugu diyaar garobayay sidii mar kale loo soo dooran lahaa, waxaana aad macquul u ah inay wada socdaan duulaanka uu ku qaaday maamul goboleeddada, iyo inuu markii hore iibsaday golihii sharci ahaanshaha maamul-goboleeddada difaaci lahaa (baarlamaankii) isagoo wasiiro ka dhigaya ama mushaaro dheeri ah u qoraya!… Waxaa iyadana aan qofna daah ka saarnayn madaxweyne, Farmaajo, ra’iisal-wasaare, Xasan KHeyre, iyo wasiirada dhammaan ay isku raacsanyihiin inay ku shaqeeyaan nidaam musuqmaasuq ah oo guntiisu tahay burburinta nidaamka dowladeed ee taagta daran ee wali la lagdamaya burburkii uu dalka soo maray iyo siyaasadihii is diidanaa ee burburkaas ka dhashay. Waxay ku shaqeeyaan siyaasad loo adeegsanayo lacago ay ku laaluushayaan dad-weynihii, siyaasiyiintii, aqoonyahankii, ganacsatadii, dhallin-yaradii, taasoo sida ay is fahmasiiyeen ay ku meel marin karaan siyaasado guracan oo lagu wiiqayo dhammaan qawaaniintii iyo hay’adihii dowladda, oo uu ugu horeeyay golihii shacabka, waxay la dagaaleen dhaqankii suubanaa ee mujatamaca, iyagoo ku bedelay been lagu faafiyo dad-weynaha dhexdiisa taasoo ay waliba dhammaan isku raacsanyihiin, waxayna habkaas u arkeen qaabka keliya ee ay ku meel marin karayaan siyaasaddooda qaloocan ee ka soo hor jeedda qawaaniinta, dastuurka dalka u yaala iyo damiirka qof kasta oo garasha leh, oo ay ku jirto wadaniyad iyo lixo-jeclo uu dadkiisa iyo dalkiisa uu u qabo. Waxaa iyadana in si cad loo qeexo ah in laaluushka noocaas ah uu yahay midka albaabada loogu xiray golihii shacabka, in laaluushka noocaas ah uu yahay midka aamusiiyay guddoomiyihii golaha shacabka Maxamed Mursal SHiikh Cabdiraxmaan isla markaasna fadhiidka ka dhigaya hawshii golaha shacabka!…waa shaqadaas, shaqada ay hayaan Farmaajo, KHeyre, iyo xukuumadooda! Waa laaluushkaas midka Galmudug loogu kala raray Dhuusamareeb, Hobyo, Cadaado, iyo Caabudwaaq, shacabku waa inuu indhaha kala qaadaa oo uu arkaa waxa hareerihiisa ka socda…Bal Maxamed Mursal ha la weydiiyo aaway ammaannadii iyo hawshii aad ummadda u haysay?!…Aaway golihii laguugu ogaa?! Ma hubtaa kitaabkii aad ku dhaaratay cahdigii aad ku martay inaad ku taagantahay!… SHaki la’aan “haa” buu oran lahaa lagana yaabo inuu kitaab kale ku mari lahaa inuu ku taaganyahay cahdigii loo dhaariyay!… Arrinta ay bilaabeen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali KHeyre ee ay ku sharciyeeyeen musuqmaasuqa ma aha mid iyag keliya ku ekaanaysa, laakiin waa nidaam ay jideeyeen oo khatar weyn oo dalka soo wajahday ah, taasoo haddii aan la helin talo lagu hor joogsado dhibaato aad u weyn siyaasadda dowladnimmada Soomaaliya ay ka dhaxlayso. Adigu ka feker dowlad wax kasta gadanaysa, Guddoomiyihii golaha shacabka gadanaysa, madaxdii maamul goboleeddada gadanaysa, wasiiradii gadanaysa…Sharcigii dalka oo dhan lacago siisatay!… Taasi waa sharci la’aan, waa dowlad la’aan, macnaha waa Burcadnimo! Arrintan sida muuqato waxay noqonaysaa tab ay barteen siyaasiyiinta aan noocooda iyo tayadooda aragnay, ama aan baranay, waxaana shaki la’aan ah musuqmaasuqa, iyo laaluushka in xukuumadda hadda joogta ay ka dhigtay qayb ka mid ah nidaamka ay dalka ku maamusho! Sida hadda muuqata fal-danbiyeed ma ah in xukuumadda ay laaluush bixiso, dowladda waxaa lagu eedeeyay inay Maxamed Cusmaan Jawaari lacag laaluusha siisay si uu xilkii guddoomiyinimmada baarlamaanka uga tago, ma aysan beenin!… Sidaas oo kale waxaa lagu eedeeyay inay lacag faro badan ku laaluushta SHariif Xasan SHiikh Aadan madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed si uu xilkaas uga tago ma aysan beenin!… Arrinta wali taagan ee Galmudug, si ay isaga hor keento Ahlu-Sunnah iyo madaxweynihii Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf) waxaa lagu eedeeyay dowladda in hoggaanka Ahlu-Sunnah siisay lacag laaluusha ah oo 4 million oo dollar, sidaasoo kalana ay madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ay siisay 3 million oo dollar oo laaluusha ah si uu isaga tago xilka, dowladdu marna ma aysan beenin jiritaanka musuqmaasuqa intaas la eg ee ay dalka nidaamkiisa siyaasadeed ku burburinaysay taasoo loo qaadan karo inay si ula kac ah dalka xeerarkiisii iyo qawaaniintiisii u burburnaysa, waxaana la moodaa inay XABAASHA ama QABRIGA ku soo ogaadeen Golihii Shacabka iyo hay’adihii sharci-ilaallinta!… Maxay hadda ka wadaa Jubbaland?!… Dalkii wuxuu noqday shimbirkii garabka ka jabay ee uu cunugga yar qabtay! Waxaas oo dhan marka aad u dhabbo gasho waxay ku tusayaan in Farmaajo iyo KHeyre aysan lahayn tayo hoggaamin dowladeed ama siyaasadeed, isla markaasna aysan ku kalsoonayn awooddoda hoggaaminta haddii aysan laaluush bixinayn, waxayna xeylad yaridooda siyaasadeed ay ku qasabtay qaybinta lacago laaluusha ah, isku-dir, iyo kala geynta ummadda!…Waxayse khatarta ugu weyn ka imaanaysaa in denbiyada ay galeen labadaas nin aysan waxba ka qaban ama haba yaraatee aysan wax ka oran haddii ay ahaan lahayd Golihii SHacabka, ama Xeer-Ilaallinta Qaranka!… Waxaana talo wanaagsan ah si aysan mar dmbe u dhicin in Xildhibaannada lagu laaluusho xil wasiirnimo in si sharci ah laga mamnuuco qofka xildhibaanka ah inuu wax xil ah oo ka baxsan xildhibaanimmada qabto sida; inuu wasiir noqdo ama xil kale ee dowladeed, ama in laga mamnuuco qof aan xildhibaan ahayn inuu wasiir noqdo si loo ilaaliyo tayada iyo taabo galnimmada golaha ama loo yareeyo in xildhibaannada lagu laaluusho wasiirnimo, ama xilal kale sida ay hadaba sameeyeen KHeyre iyo Farmaajo! Qays Bin Mulawax oo ahaa ninkii u waashay Laylah Al-Caamiriyah ayaa markuu dhibaatooday oo uu waayay wax uga garaaba dhibaatada uu ku jiro ku calaacalay tix uu macnaheedu ahaa; Anigu soo ma ihi shimbirkii garabka ka jabayee ilmuhu qabteen, iyagana aysan lahayn caqli ay ku daayaan asna uusan lahayn awood uu kaga duulo! Soomaaliya Allow sidaas ma u egtahay?! Burburkii ku dhacay!… Farmaajo iyo KHeyre waxay siyaasad u qaateen isku dirka iyo kala dilka shacabkii ay u adeegi lahaayeen, waxay la dagaaleen dareen kasta oo wadan jacayl iyo wadaniyad horseedi lahaa, waxayna wadankii u ekeysiiyeen dal aan la kala lahayn oo ay u simanyihiin qofka Soomaaliga ah iyo qofka aan ahayn!…Waxay dhallin-yardii ka dhaadhiciyeen dalkooda lagu soo duulay gaalo iyo muslimiinba inuusan cadow lahayn! Waxa ay ina badeen waxaa ka daran waxa ay ina bareen!…Dad-weynaha wax laga doonayaa inay gartaan oo ay fahmaan wax ku dhacay Galmudug, iyo xiisadaha maamullada jira laga dhex wado iyadoo laaluush loo isticmaalayo lacagihii loogu adeegi lahaa dadka iyo dalka… W/Q: Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan alle_yaqaan99@yahoo.co.uk AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)― Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta iyo mashaariicda ee UNDP ayaa liiska dadka aan lala macaamili karin bishii janaayo 2018 ku darty 18 Soomaaliyeed oo isugu jira ururo iyo shaqsiyaad lala xiriiriyay masuqmaasuq, hase ahaatee 30-ka bihsii July ka saartay hay’adda wadaniga ah ee Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO) oo ku xoogan deegaanada HirShabeelle iyo Banaadir. Warbixin kasoo baxday hay’adda UNDP oo boggeeda lagu daabacay qoraalka xayiraada looga hay’adda Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO )oo lagu sheegay in aysan u qalmin ka mid sii ahaanshaha liiska hay’addaha iyo shaqsiyaadka la geliyay Black List ee aan lala macaamili karin, taasoo ka dhigan in xayiraad laga saaray macaamilka iyo xiriirada caalamiga ah. “Guddiga dib u eegista ee hay’adda UNDP Vendor Review Committee (VRC) iyagoo eegay nidaamka geedi socodka maamul dhammaystiran oo ku saleysan natiijooyinka Xafiiska Hanti-dhowrka iyo Baarayaasha VRC ayaa waxay u oggolaadeen hay’adda SHARDO in xayiraada laga qaado, howlaheeda iyo xiriirada caalamiga ahna wixii ka danbeeyay 30 bishii July ay wadan karto” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UNDP. Hay’adda Shardo oo mudo ku dhow 20 sano ka howlgaleysay Labada Shabeelle iyo Banaadir ayaa ah hay’add wadani ah oo dhinaca mashaariicda wax ku oolka sida waxbarashada, caafimaadka iyo deegaankaba ku howlaneyd mudadii ay jirtay, waxayna xiriiro caalami ah la laheyd hay’adda UN iyo kuwa kale ee ka dhisan dalal dhowr ah. Ilaa weli waxaa xayiraadda saaran 17 ururo iyo shaqsiyaad Soomaaliyeed oo arrintooda ay socon doonto mudo u dhaxeysa 3 ilaa shan sano oo xayiraada sii saarnaan doontaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/BAr___Qubanaha-03082019-sax.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) ―Warar si weyn baraha bulshada si weyn ugu baahay saacadihii lasoo dhaafay, kadib markii ay baaqatay diyaaraddii Muqdisho u qaadi laheyd meydka Marxuum C/raxmaan Cismaan Yariisoow, Duqii Muqdisho ahaana gudoomiyihii gobolka Banaadir oo u dhintay qaraxii lagula eegtay xarunta gobolka Banaadir todobaadkii hore ayaa waxaa beeniyay maamulka gobolka Banaadir. Sida qorshuhu ahaa waxaa la filayay in maanta aas qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho, hase ahaate dib u dhinac ku timid. Baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta ayaa lagu faafiyay in meydka Inj. Yariisoow ay dalbadeen dowladda UK oo loo duuliyay magaalada London si baaritaan loogu sameeyo geeridiisa, maadaama uu ku dhintay isbitaal ku yaal Doha oo dhaawaciisa lagu daweynayay. Hase ahaatee, xiriir caasimada Online la sameysay caawa Afhayeenka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar (Saalah Dheere) ayaa inoo sheegay in wararka baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ay yihiin kuwo been abuur ah isla markaana sababta dib u dhaca aaska ku yimid ay tahay in diyaaraddii soo qaadi laheyd meydka ay tahay cilad ku timid diyaaradii keeni laheyd Muqdisho. Afhayeenka ayaa sheegay in beri oo Isniin Axad ah 8-da subaxnimo la keeni doono Muqdisho, si aaskii qaran loogu sameeyo. Baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay in meydka Marxuumka loo duuliyay London maadaama bey yiraahdeen uu ahaa muwaadin UK u dhashay, dowladda UK-na ay ka shakisay dhimashadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa si cajiiba sheeko ugu iftiimiyey dad ka halis badan Al-shabaabka gumaadka ku haya umadda Soomaaliyeed. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay in dadka iska dhigaya inay shacabka wax u qabanayaan ee weliba siraya ay ka halis badanyihiin kooxaha xagjirka ah. Hoos ka aqriso qoraalka uu arrintaas kaga hadlayo oo dhameystiran “Shimbir baa wuxuu doonay in uu barkad biyo ku jiraan ka cabo. Wuxuu arkay dhallinyaro ku xoonsan barkadda oo ka biya cabaya. Wuxuu is yiri bal u yara kaadi inta ay banneynayaan goobta. Markii ay dhallinyaradii dhammeysteen oo ay barkaddii faarujiyeen, ayaa waxaa soo dhacay nin oday ah oo ger wayn leh oo ay haybad iyo deganaan ka muuqato. Shimbirkii wuxuu is yiri odaygan waxba kuuma dhimayee bal biyahaaga cab. Barkaddii ayuu dhinac kaga soo degey. Odaygii ayaa inta dhagax qaatay shimbirkii Il ka tuuray. Shimbirkii ayaa dacwooday, garsoorihiina wuxuu xukmiyey in odaygii la qisaaso oo Isha uu shimbirka ka tuuray laga rido. Shimbirkii wuxuu yiri ma doonayo in ishii uu odaygu iga tuuray la iigu qisaaso. Wuxuu yiri waxaan rabaa in gerka la iiga guro, sababtoo waxaa i hoday oo aan ku sirmay waa garkiisa weyn. Alshabaab in ay na gumaadaan way xanuun badan tahay, laakiin dadka na siraya ee aan moodno in ay wax noo qabanayaan ayaa ka xanuun badan. Kuu dhaamin maayo dhagar ayey dhaantaa”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqedisho ayaa tasci ugu tegay qoyska iyo ehelka guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la kulmay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo maamo Nuuriye Xassan Isxaaq oo hooyo u aheyd guddoomiyihii gobakka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ee u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii argagagaxiso ee dowladda hoose ee Xamar. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dhammaan ehelka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay tacsida uu ugu yimid qoyska. Ra’iisul Wasaaraha oo saxiixay buugga tacsida ayaa sheegay in Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu ahaa mas’uul Soomaalinimadu ku wayntahay, u taagnaa qarannimada oo aan ka daalin u adeegidda bulshada, waxa uuna Allah uga baryay in uu u naxariisto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa isi soo taraya cabashooyinka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee laga tirsanayo Madaxweynaha waqti xileedkiisu sii dhamaanayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Iyadoo lagu howlanyahay dhismaha maamul cusub oo ay yeelato Jubbaland, ayaa waxaa Kismaayo ka jirta caburin lagu hayo wax garadka, siyaasiyiinta iyo dhamaan Bulshada reer Jubbaland, kuwaas oo si toos ah looga tirsanayo Madaxweyne Axmed Madoobe. Nabadoon magaciisa aan kusoo koobnay Cabdi sababo amni dartood oo kamid Nabadoonada reer Jubbaland ee ku nool magaalada Kismaayo ayaa Radio Kulmiye u sheegay in ciidamo uu usoo diray Axmed Madoobe ay usoo dhaceen Gurigiisa iyagoo asaga raadinaya, balse waxa uu sheegay Nabadoonku in xiligaas uu ka maqnaay guriga, isagoo sheegay in Ilmihiisa lagu handaday iney sheegaan meesha uu jiro. Sidoo kale Nabadoonka ayaa sheegay inuusan kaligiis dhibkaas qabin, balse labaacsanayo dhamaan waxgaradka ku nool magaalada Kismaayo, waxuuna dowladda federaalka ka dalbaday inay wax ka qabato oo aysan indhaha ka fiirsan xaalada aday oo sida uu sheegay ku heysata Kismaayo. Magaalada Kismaayo ayaa lagu balansanyahay in dabayaaqada bishaan lagu qabto doorashada maamulka Jubbaland, hayeeshee ilaa hadda ma muuqato saansaan muujineysa in bishaan doorasho ka dhacdo Kismaayo. Hoos ka dhageyso codka nabadoonka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/CODKA-Nabadoon-Cabdi-Kismaayo..mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid, taas oo loo sababaynayo cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddaii soo qaadi lahayd meydka marxuumka. Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng; Cabdi Canshuur Xasan, ayaa sheegay in xilligii lasoo qaadi lahaa Maanta meydka marxuumka ay cillad ku timid Diyaaradda, isla maraana loo beddelay Diyaarad kale, iyadoo qorshuhu uu yahay in Berrito 8:00 barqanimo la keeno Muqdisho. “Cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddii soo qaadi lahayd Meydka Marxuumka ayuu ku yimid cillad farsamo, sidaas awgeed ayaa loo beddelay Diyaaraddii, iyadoo laga dhigay Berri Siddeedda Subaxnimo” ayuu yiri, Wasiir Canshuur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gudoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, mudane: Mohamed Mursal Sheikh Abdiraxman iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hoggaaminaayo ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garowe ee Casimada Puntland, ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen waxay ka qeyb galeen xuska markii la unkay maamulkaasi 1-da Agost 1998-dii. Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa intii uusan ka soo dhoofin Magaalada Garoowe waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo sagootiyay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo qaar ka mid ah golihiisa Wasiirrada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga qaban-qaabada Aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid, taas oo loo sababaynayo cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddaii soo qaadi lahayd meydka marxuumka. Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng; Cabdi Canshuur Xasan, ayaa sheegay in xilligii lasoo qaadi lahaa Maanta meydka marxuumka ay cillad ku timid Diyaaradda, isla maraana loo beddelay Diyaarad kale, iyadoo qorshuhu uu yahay in Berrito 8:00 barqanimo la keeno Muqdisho. “Cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddii soo qaadi lahayd Meydka Marxuumka ayuu ku yimid cillad farsamo, sidaas awgeed ayaa loo beddelay Diyaaraddii, iyadoo laga dhigay Berri Siddeedda Subaxnimo” ayuu yiri, Wasiir Canshuur. Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee Injineer Yariisoow, ayaa Bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in ay u duceeyaan guddoomiyahii Ummadda Sooaamliyeed, wuxuuna mar kale Alle ugu baryay in uu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqedisho ayaa tasci ugu tegay qoyska iyo ehelka guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la kulmay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo maamo Nuuriye Xassan Isxaaq oo hooyo u aheyd guddoomiyihii gobakka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ee u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii argagagaxiso ee dowladda hoose ee Xamar. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dhammaan ehelka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay tacsida uu ugu yimid qoyska. Ra’iisul Wasaaraha oo saxiixay buugga tacsida ayaa sheegay in Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu ahaa mas’uul Soomaalinimadu ku wayntahay, u taagnaa qarannimada oo aan ka daalin u adeegidda bulshada, waxa uuna Allah uga baryay in uu u naxariisto. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaad halkan ka dhageysan kartaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-03082019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqedisho ayaa tasci ugu tegay qoyska iyo ehelka guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la kulmay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo maamo Nuuriya Xassan Isxaaq oo ah hooyada guddoomiyihii gobakka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ee u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii argagagaxiso ee dowladda hoose ee Xamar. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dhammaan ehelka ayaa Ra’iisul Wasaarha uga mahadceliyay tascida uu ugu yimid qoyska. Ra’iisul Wasaaraha oo saxiixay buugga tacsida ayaa sheegay in Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu ahaa mas’uul Soomaalinimadu ku wayntahay, u taagnaa qarannimada oo aan ka daalin u adeegidda bulshada, waxa uuna Allah uga baryay in uu u naxariisto. Axada berrito ayaa waxaa lagu wadaa in Gudoomiye Yariisow aas qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.
-
Guddomiye Ku-xigeenka kowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Abashir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), ayaa Sabtida maanta kormeeray Taliska guud ee ciidanka Asluubta Puntland iyo xabsiga weyn ee caasimadda Garoowe. Kormeerka Guddoomiyaha waxaa ku wehelinaayey, Wasiirka Wasaaradda Cadaallada iyo Arrimaha Diinta Puntland Cawil Shiikh Xaamud, xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale. Muhiimadda kormeerka ayaa la xiriirtay ogaanshaha xaaladda maxaabiis Soomaliyeed oo ku xukuman Burcad Badeed, kuwaasi oo ku xiran xabsiga weyn ee Garoowe. Guddomiye Ku-xigeenka kowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Abshir Bukhaari ayaa kadib kormeerkaasi la hadlay warbaahinta. “Waa dedaalaynaa dowladdana waa ku warcelinaynaa, jawaabbaan idinku soo celinaynaa, haddaba rajadaydu waxay ahayd inaad diyaaradda ila raacdaan, lakiin weli waxbaa dhiman heshiisyada caalamiga ahna lama burburin karo oo farsamooyin badan baa jira”. “Waan u Mahadcelinayaa Dowladda Puntland iyo hay’addaheeda garsoorkaba, dedaal muuqda ayay mujiyeen, waan idiin soo jawaabaynaa, howshiinana waa usoo noqon doonnaa” Ayuu yiri Abshir Bukhaari Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Cawil Shiikh Xaamud ayaa isna xusay in dowladda Puntland inta tabarteeda ah dedaal walba u samaysay siidaynta maxaabiista Soomaliyeed ee ku eedaysan burcad badeednimada “Puntland waa dedaashay, haddana waa dedaalaynaa, laakiin xeerar aan laga gudbi karin baa jira” Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa dhankiisa sheegay in xukunka 48 eedaysanayaal Burcad Badeed oo Puntland ku-xiran ay xaq-darro tahay “Xukunku caddaalad darro weeye dowladda federaalku ha u qareento, Puntland intii tamarteeda ah waa dedaashay, Baarlamaanka ha u qareemeen dadkaas si ay raggani cadaaladdooda u helaan” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyuhu. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in maxaabiista burcad-badeednimad ugu xiran Garoowe ay xaq-darro ku xiran yihiin appeared first on Puntland Post.
-
Burco (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in maanta weerar lagu qaaday guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi. Guddoomiye Xamse ayaa waxa lagu weeraray deegaanka Cali saahid oo ka tirsan deegaanada hoostaga gobolka Togdheer, halkaasi oo ku marayey socdaal. Gaadhiga uu saarna guddoomiyaha ayaa waxa lagu soo waramayaa in rasaas badan lala dhacay, inkasta oo aysan gudoomiyaha ka soo gaadhin dhaawac culus weerarkaasi. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo xukuumada Biixi oo si cad u bidhaaminaya siday wax u dhaceen iyo cida ka dambeysay weerarkasi lagu qaaday guddoomiyaha. Wixii warar ah ee kasoo kordha isha ku hay Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
ASKARI XAMAR LAGA WADAY MASUGI KARAA AMNIGA DHUUSAMAREEB?. Muqdisho oo aan ognahay sida uu u dayacanyahay amnigeeda, oo dhawaan xafiiskiisa lagu qarxiyay duqii Muqdisho, xarun walba ee dowladeedna jid u xiranyahay askariga laga waday ee la geeyay dhuusamareeb labbo sababood uma sugi karo amniga Dhuusamareeb 1- Aqoon darro deegaan oo ah sababta ugu weyn ee uusan uga howl gali karin askariga la geeyay Dhuusamareeb. Dhuusamareeb waxaa amnigeeda sugayay ciidamo deegaanka ah oo la socday qof walba ee kusoo kordho magaalada, waxaana isi soo diiwaan galin jiray shaqsi walba ee ku cusub magaaladaas si loola socdo dhaq-dhaqaaqiisa. 2- Ahlu sunna oo qabto tuhun ah in ciidamada dowladda ay ku dhexjiraan askar kasoo goosatay Al Shabaab. Madaxda ugu sarreysa Ahlu Sunna ayaa aaminsan in ciidamada dowladda ay ka dhex buxaan askar kasoo goosatay Al Shabaab sidaas darteedna aan lagu aamini karin ammaanka magaalada Dhuusamareeb. ASKARIGA DHUUSAMAREEB LA GEEYAY MUQDHISHO MAKA MAARANTAY?. Magaalada Muqdisho oo ah halka laga kaxeeyay ciidamada la wareegay ammaanka caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ah mid aan sugneen amnigeeda, waxaa ka dhaco qaraxyo, weerarro lagu qaado xarumaha dowladda iyo Hotelada iyo dilal qorsheesan. Dowladda oo xoogga ugu badan saartay wadada Maka Al Mukarama ayaan wali ku guuleysan sugidda amniga wadadaas dheer iska dhaaf magaalada oo idil. MAXUU YAHAY DAMACA DOWLADDA EE DHUUSMAREEB?. 1- in dowladda Federaalka ay maamusho doorashada soo aaddan ee Galmudug, si ay usoo saarato shaqsi ay iyada wadato, sida hore uga dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. 2- in ay wiiqdo awoodda Ahlu sunna oo ah urur diimeed mayal adag, feejignaan dheerna uga jira dowladda, sidoo kalena doonaya in ay gacantooda soo gasho maamulka Galmudug oo ah mid dhex-yaallo 11 qabiil oo daga deeganada maamulkaas. 3- in ay ka hor istaagto soo laabashada xildhibaanada Federaalka kasoo galo Galmudug oo intooda badan ah kuwo aan la dhacsaneen siyaasadda dowladda Farmaajo, taas oo badalkeeda dowladda ay damacsantahay in ay kasoo saarato xildhibaano iyada taabacsan. 4- In lasoo afduubo madaxda Ahlu Sunn iyo cid walba ee aan dowladda wadan ee isku soo sharaxdo doorashada Galmudug, isla markaana loo arko in ay ku guuleysan karto doorashada soo aaddan, sida hore ugu dhacday Mukhtaar Roobow Abuu Mansoor. Hadii ay intaas iskugu aaddo dowladda Federaalka ah ee Soomaalia waxaa gacanteeda soo gali doono maamul goboleedkii labaad, ka dib Koonfur Galbeed. Waxaase shaki gali karo sii ahaanshaha mid sugan ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayadoon jid la xirin, dhagaxaan la dhigin, AMISOM-na la geen, jiritaanka awooddii Ahlu sunna, qanaacada beelaha dega deegaanada Galmudug iyo soo laabashada xildhibaannada aan taabacsaneen dowladda Farmaajo. W/Q:- Nuune Ali Hassan AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid