Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garbahaarey (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka howlgallo ballaaran ay ka socdaan degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ka howlgala halkaasi. Ku simaha guddoomiyaha Garbahaarey, ahna Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Aadan Siraad oo u warramay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay baaritaanadaasi. Siraad ayaa sheegay in u jeedka howlgalladu ay yihiin, sidii looga hortagi lahaa weerarada ay inta badan Al-Shabaab ka fuliyaan guud ahaan gobolka Gedo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-garbaharey-.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug kula kulmay guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka ganansiga, xildhibaanno labada gole ka tirsan, iyo madaxa fulinta Galmudug, ayaa looga hadlay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dardar gelinta shaqada guddiga u taalla iyo ka mira dhalinta dadaallada leesugu keenayo dhammaan reer Galmudug si ay uga tashadaan aayaha iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga xasuusiyay shaqada adag ee loo igmaday in ay qabtaan, waxa uuna faray in sida ugu habboon, ugu dhaqsaha badan ugu daacadsan ay uga shaqeeyaan isu-keenidda bulshada, si gogosha Dhuusamareeb taalla ay uga soo baxdo natiijo farxad gelisa reer Galmudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayna Galmudug uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa siyaasiyiinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug ugu baaqay in guddiga ay kala shaqeeyaan gudashada mas’uuliyadda ka saaran shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafiga uu hoggaaminayo ayaa mudda hal bil ku dhaw waxa ay Galmudug u joogaan dhismaha Galmudug sal adag oo ka shaqeysa danaha reer Galmudug, kana qayb qaadata horumarka dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  3. A dam project and sugarcane plantation intended to transform southern Ethiopia could mean the end to a way of life for indigenous people living in the region. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-21072019.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan iyo danjiraha UK u fadhiya magaalada Muqdisho Ben Fender. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira xaaladda guud ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa James Swan iyo Ben Fender hordhigay dalab xaaasi ah oo ku aadan in Qaramada Midoobey iyo dowladda Ingiriiska ay Soomaaliya ka gacan siiyaan hanaanka deyn cafinta, doorashada 2021 iyo sidii ay dowladdiisu u baahin laheyd adeegyada aas aasiga u ah bulshada Soomaaliyeed. Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online labada mas’uul ayaa aqbalay dalabkaasi, iyagoo ballan qaaday in si deg deg ah loo fulin doono. Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa agaasimaha guud ee madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), iyo qaar ka mid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa, sidii loo cafin lahaa deymaha lagu leeyahay dalka, taas oo hadii ay ku guuleysato suura gelineyso in maalgashi caalami ah lagu sameeyo Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirro: Halkaan ka daawo Farmaajo oo dalab culus hor dhigay Deni & dhexdhexadinta Somalia iyo Kenya oo bilaabatay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. LONDON-- South Africa's Akani Simbine claimed the men's 100m title at the London leg of the IAAF Diamond League at the London Stadium on Saturday. Source: Hiiraan Online
  7. When Donald Trump began targeting Ilhan Omar and other progressive congresswomen of color with racist attacks, demanding they leave the country, Erica Mauter knew she had to counter his dangerous message. Source: Hiiraan Online
  8. Banks are increasingly facing the risk of losing deposits to digital money providers, as electronic money gets entrenched in the financial system, in efforts to promote financial inclusion. Source: Hiiraan Online
  9. The British government has invited Saudi Arabian representatives to the world’s largest arms fair, despite judges ruling the sale of weapons used in Yemen unlawful. Source: Hiiraan Online
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wargeyska The Indian Ocean ayaa baahiyey qormo ku saabsan socdaalkii Madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagay caasimada dalka Gini ee Conakry, kaasi oo sida uu sheegay uu ku lug lahaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. The Indian Ocean ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi markii uu la kulmay Madaxweynaha Gini Alpha Conde, ay isla soo qaadeen xiriir cusub oo Somaliland la yeelato dalka Ruushka, taasi oo uu dalbaday madaxweyne Putin. Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Biixi iyo Alpha ay isla qaaten in Somaliland saldhig milateri siiso dalka Ruushka, isagoona xusay in Alpha Conde uu madaxweyne Biixi ku dhiirigeliyay inuu xiriir dhow la yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir putin. Wuxuuna intaas raaciyay Wargeysku in Mr. Zhogng Jianhua oo ahaa wakiilkii dowladda China u qaabilsanaa Arimaha Afrika sannadihii 2012-2016, oo uu sheegay inuu hadda yahay la taliyaha madaxweynaha Ruushka ee arrimaha Afrika uu muddooyinkii u danbeeyay xiriir is daba jooga la lahaa madaxweyne Biixi si uu ugu qal-qaaliyo inuu aqbalo in Ruushku saldhig milateri ku yeesho Somaliland. Ruushka ayaa hore iskugu dayay inuu saldhigyo ka samaysto Sudan, Erateria iyo Djabuuti, balse hadda wuxuu u muuqda inuu Somaliland u soo guurayo oo uu qorshaynayo inuu saldhig ka samaysto deegaanka Saylac. Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Conakry ee dalka Gini ay tallaabooyinka danta u ah Somaliland qaaday, kadib markii ay aragtay dalal kale oo Midowga Afrika ka tirsan oo indhaha ku haya dowlada aan weli la aqoonsan ee Somaliland. Sida uu Wargeysku sheegayo Madaxweyne Alpha conde ayaa dowladda Itoobiya u tilmaamay in dalalka Senegal iyo Niger ay taageersan-yihiin qadiyadda Somaliland oo ay taageeri doonaan mooshin dan u ah qadiyadda madax-bannaanida Somaliland. Wargeyska ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in dalalkani ay dedaaladoodan siyaadadeed iyo milateri uga dan leeyihiin fursado ganacsi oo iyaga u muuqda. Wuxuuna intaasi ku daray Wargeysku in madaxweyne Biixi intuu uu socdaalka ku joogay dalka Gini uu booqday dhowr xarumood oo ah kuwa macdanta. Ugu dambeyntiina, waxa uu Wargeysku soo hadal qaaday in dawladda Somaliya ay xiriirka u jartay dalka Gini ka dib markii uu dalkaasi uu soo dhawayn iyo qaabilaad u sameeyay Madaxweyne Biixi. Halkaan ka daawo Farmaajo oo dalab culus hor dhigay Deni & dhexdhexadinta Somalia iyo Kenya oo bilaabatay Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  11. Washington (AFP) - Global heat maps of extreme poverty show Africa in deep red. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad 500 oo qof ayaa ku jira Xabsi weyn oo ku yaala xarunta Dembi Baarista Booliiska Soomaaliya ee CID, kuwaas oo qaarkood muddo fog ku jira Xabsiyada CID. Dadkaan ayaa u badan dhalinyaro laga soo qabtay xaafadaha magaalada Muqdisho markii ay howlgalada ka sameeyaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxaana qaar kamid ah ay xiran muddo ku dhow sanad. Ma jirto wax baaritaan ah oo lagu sameeyay qaar kamid ah dhalinyaraan tan iyo markii halkaan la keenay halka qaarkoodna la baaray dembiyana lagu waayay balse lagu celiyay xabsigii ay ku jireen. Caasimada Online ayaa ogaatay in CID ay dadkaan ka dooneyso lacag u dhaxeysa 3,000$ 10,000$ oo dollar. Dhowr qof oo ka tirsaneed dadkaan ayaa lagu sii daayay lacagta aan kor ku soo xusnay sida ay noo sheegayn dadkii la xirnaa iyop qaar ka mid ah ehellada. Haweenay wiilkeeda uu kamid yahay dadka xiran ayaa Caasimada Online u sheegtay in la weydiistay lacag dhan 4,200$ oo dollar si loogu sii daayo wiilkeeda oo ah Arday dhigta mid kamid ah Jaamacadaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in hore sidaan oo kale dad badan laga qaatay lacago madax furasho ah oo kumanaan dollar ah islamarkaana laga sii daayay xabsigii ay ku jireen ee CID-da. Arintaan ayaa halis waxay ku tahay amaanka qaranka. Sidoo kale CID waxaa dhib badan ku qaba qaar kamid ah Shacabka Soomaaliyeed oo Carruurtooda oo aan dembi ah gelin isaga jira Xabsiyada hey’adda. Booliiska Soomaaliya oo sameeya Baaritaano todobaadkiiba ugu yaraan 2 jeer ayaa hey’adda u gacan geliya tobaneeyo dhalinyaro ah oo guryahooda laga soo qabtay kuwaas oo ay waqti badan ku qaadato in ay ka dhamadaan xarunta CID, halka qaarkoodna iyagoo aan dembi gelin la isaga heesta Xabsiga markii ay bixin waayaan lacagaha laga rabo ee Madax furashada ah. Halkaan ka daawo Farmaajo oo dalab culus hor dhigay Deni & dhexdhexadinta Somalia iyo Kenya oo bilaabatay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. The Meteorological department has warned that strong southerly winds are expected to hit the Kenyan coast from Sunday. Source: Hiiraan Online
  14. NICOSIA, Cyprus -- Turkey's vice-president said Saturday that his country is dispatching a survey vessel to join two drillships and another research boat to search for hydrocarbons off ethnically divided Cyprus. Source: Hiiraan Online
  15. Former Vice President Joe Biden didn’t hide his criticism of President Trump during a campaign visit to Las Vegas on Saturday, telling supporters his presidency would return the nation to normalcy. Source: Hiiraan Online
  16. At least 17 people have been killed in clashes between Ethiopian security forces and activists seeking a new autonomous region for their Sidama ethnic group, according to a local official and hospital authorities. Source: Hiiraan Online
  17. Xeer Ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland, Maxamuud Xassan Aw-Cismaan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe, ayaa ka jawaabay hadal shalay ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalbaday in la sii daayo eedaysanayaal u xiran Garsoorka Puntland. Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in shakhsiyaadka ku jira xabsiyada magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, aysan ku xirneyn amar madaxweyne iyo mid mas’uul kale toona, balse ay u xiran yihiin laamaha Garsoorka Puntland, islamarkaana la marin doono hannaanka sharcig ah, haddii wax lagu helo iyo haddii kaleba. Aw-cismaan ayaa sheegay in Puntland ay leedahay nidaam sharci iyo hay’ado Garsoor oo qaabilsan go’aan ka gaarista dadka ku eedaysan in ay sharciga ku xad-gudbeen, balse aysan jirin cid kale oo sii dayn karta dadka Garsoorka u xiran. Sidoo kale, wuxuu sheegay in laamaha Garsoorka oo keliyah ay awood u leeyihiin, go’aan ka gaarista cid kasta oo ku eedaysan in ay xad-gudub ku samaysay nidaamka iyo sharciga u yaalla dowladda Puntland, isagoo xusay in aanu jirin mas’uul kale oo fara-gelin ku samayn kara arrimaha Garsoorka. Hadalka Xeer Ilaaliyaha ayaa ku soo beegmay, xilli madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo eedaysanayaal ku xiran magaalada Boosaaso oo lagu soo qabtay waaran-maxkamadeed. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee Xeer Ilaaliyaha PUNTLAND POST The post Xeer Ilaaliyaha Puntland oo sheegay in Deni iyo Farmaajo toona aysan sii dayn karin dadka u xiran Garsoorka appeared first on Puntland Post.
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam “Axmed Madoobe” ayaa qaaday tallaabooyin dhowr oo ka dhan ah ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil. Korneyl Cabdirashiid Macalin Gaas oo ah afhayeenkii hore ee ciidamada xooga dalka ee Jubbooyinka ayaa si kulul ugu hadlay dhaqdhaqaaqyada iyo ficilada uu Axmed Madoobe ka wado deegaanadda Jubland, xilli loo sii dhawaanayo waqtiga loo asteeyey doorashada xilka madaxtinimo ee Jubaland. Korneylka oo warysi siiyey idaacadda Simba, ayaa sheegay in hore magaalada Kismaayo looga soo celiyey sarkaakiil ay dirtay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya loona diiday inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo. Korneylka ayaa caburiska lagu haayo ciidamadaas ku eedeeyey xubno uu magacaabay oo uu sheegay inay qaraabo la yihiin Axmed Madoobe. Dhanka kale Korneyl Cabdirashiid Macalin Gaas ayaa madaxda dowladd gobeedka Jubaland ku eedeeyey naceyb ka dhan ah calanka Soomaaliya isagoo sheegay in calanka Soomaaliya dartiis loo dilay dad muwaadiniin ah islamarkaana calanka Soomaaliya lagu gubay magaalada Kismaayo seddex jeer. Korneylka ayaa taa beddelkeed xusay in calanka Kenya uu si nabad gelyo ah kaga babado, magaalada waxa uuna taas ku micneeyey in deegaanada Jubaland looga arrimiyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aanan laga maamulin magaalada Kismaayo oo si ku meel gaar ah magaalo madax ugu ah Jubaland. Mar uu ka hadlayey dowrka ay dowladda federalka ah ku leedahay Jubaland ayuu sheegay korneylku in dowladda looga baahan yahay inay deegaanada Jubaland ka xoreyso Axmed Madoobe iyo raga ku heybta ah. Isagoo hadalkiisa wata ayuu sheegay in shacabku uu markii hore ku kalsoona dowladda Farmaajo balse hadda ay muuqato daldaloolo badan oo muujinayo in deegaanada Jubaland waxa ka socdo aysan waxba ka qaban karin. Doorashada Jubaland oo ay ku tartamayaam musharixiin dhowr ah oo uu ku jiro Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo shalay is diiwan geliyey ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha soo aadan ee August. Hoos ka dhageyso korneyl Cabdirashiid Gaas https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Gaas.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  19. Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir oo kamid ah Mas’uuliyiinta xisbiga Waddani, ayaa sheegay inaysan Somaliland marnaba si toosa xoolaheeda uga iibin Sacuudiga, balse ay ka iibiyaan ganacsato carbeed oo u dhoofiya dalkaasi. Bashiir Xariir ayaa ku baaqay in Somaliland ay si toosa ula xiriirto dowlada Sacuudiga, isagoona si adag u dhaliilay go’aankii Somaliland lagu hoos geeyay DF Somaliya. Xariir ayaa waxa kale oo uu sheegay in Dowladda Federaalka Somaliya ay wado sidii Somaliland ay cuna-qabateyn dhaqaale u saari laheyd. Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Arrintan dhoofka Xoolaha siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay, warar kale duwana wey ka soo baxayaan, xoolaheenana si toos ah inagu Sucuudiga uguma iibino umana dhoofino, ee waxaynu ka iibinaa Ganacsato Carbeed, oo uu ka mid yahay Jaabir, iyaga ayaa si toos ah Sucuudiga u geeya, oo Sucuudiga ula macaamila”. “Waxa inaga nala gudboon Somaliland ahaan iyo Dawlad ahaanba mar haddii go’aano lid ku ah qaranimadeena ay soo baxeen inaynu si toos ah ula xidhiidhno Sucuudiga, oo aanay cidiba inoo dhaxaynin, gaar ahaan Hay’addaha Dawliga ah Sucuudiga ee dhoofka Xoolaheena saamaynta ku leh, sida Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, Sucudiguna sidiisaba maaha inuu yidhaahdo Xoolaha Somaliland, Somaliya ha soo maraan, oo Somaliya amar uga soo qaata”. Wuxuuna intaas kusii daray “Wax qarsoon maaha inay Somaliya inagu wado sidii Somaliland loo saari lahaa cuna qabatayn dhaqaale, mana aha inaynu Somaliya ku meeraysaysano, maxaa yeelay Somaliya waa dal aynu mar midawnay, haddana aynu kala baxnay, inooma taliso, kamana amar qaadano, ee waxaa la inaga rabaa inaynu si xeel dheer u waajahano siyaasada iyo dagaalka dimbolmaasiyadeed ee inaga dhanka ah ee Somaliya inagu wado”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug kula kulay, guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka ganansiga, xildhibaanno labada gole ka tirsan, iyo madaxa fulinta Galmudug, ayaa looga hadlay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dardar gelinta shaqada guddiga u taalla iyo ka mira dhalinta dadaallada leesugu keenayo dhammaan reer Galmudug si ay uga tashadaan aayaha iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga xasuusiyay shaqada adag ee loo igmaday in ay qabtaan, waxa uuna faray in sida ugu habboon, ugu dhaqsaha badan ugu daacadsan ay uga shaqeeyaan isu-keenidda bulshada, si gogosha Dhuusamareeb taalla ay uga soo baxdo natiijo farxad gelisa reer Galmudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayna Galmudug uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa siyaasiyiinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug ugu baaqay in guddiga ay kala shaqeeyaan gudashada mas’uuliyadda ka saaran shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafiga uu hoggaaminayo ayaa mudda hal bil ku dhow waxa ay Galmudug u joogaan arrimaha dib u-heshiisiinta bulshada degta degaannada Galmudug iyo sidoo kale qabashada doorashada madaxtinimada maamulkaasi. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo amar deg deg ah siiyay guddiga qaban-qaabada Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug appeared first on Puntland Post.
  21. Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa soo xulay ergadii dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wali ka walaacsan go’aankii ay ka qaadan lahaayeen baaqa iyo hanabaadda Al-shabaab. Odayaashaan oo ka wacan Xarumaha Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha dalka ayay Al-Shabaab sheegeen in Towxiidka loo qaban odayaasha sida ay sheegeen Al-Shabaab iyo sidoo kale in lasiin doono digniin iyo go’aano ku saabsan mustaqbalkooda. Qubarada amniga iyo dadka waxgaradka ah ayaa odayaasha dhaqanka usoo jeediyay in ay qaataan mid kamid ah laba talo oo muhiim ah kuna saabsan xaaladda ay wajahayaan. In odayaasha dhaqanka ay ka baxaan degaanada ay u arkaan in aysan ku badbaadeyn oo aadaan aag nabdoon islamarkaana ay xaaladooda ku wargeliyeen laamaha amaanka iyo dowladda Soomaaliya. Qofkii ka bixi kara dalka waa mid wanaagsan si loo badbaadiyo naftooda. In qofkii aan ka bixi karin dalka uu qaato hub sharciyeeysan, ugu yaraan Bastoolad islamarkaana ay dagaan aagga ay ku yar yihiin Al-shabaab sida Guryaha siyaasiinta iyo masuuliyiinta ay soo doorteen ama meelaha ka agdhow. Sidoo kale waxaa la gudboon in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbadaan Ciidamo ilaaliya oo mushaarkooda laga bixiyo Qasnadda Dowladda. In dhaqanka ay u tagaan Al-Shabaab islamarkaana iyagoo ah Muslim loo qabto Towxiidka waxay noqoneysaa dambi wayn oo ay odayaasha Soomaaliyeed galayaan. Sidoo kale odayaasha ma ahan dad u qalma in ay Al-Shabaab fuliyaan amaradooda oo ah dil, is qarxin iyo gaaleysan. Al-shabaab ayaa la aaminsan yahay in odayaasha dhaqanka ay ugu yaraan 2 qodob oo kala ah:- In ay uga digaan ka qayb qaadashada geedi socodka doorashada Soomaaliya, Islamarkaana ay ka towba keenaan waxyaabihii ay sameeyeen oo ahdhismaha Dowladnimada. Ama in ay soo doortaan Xubno siyaasiin ah oo Al-Shabaab looga shakineyn kuwaas oo u tartami doona Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xafiisyada kale ee Dowladda. Al-Shabaab oo halista ugu wayn Soomaaliya ayaa la sheegaa in Shaqaalaha Dowladda iyo masuuliyiinta sar sare ee dalka ay ku leeyihiin xubno muhiim ah oo xilal sara haaya kuwaas oo kamid ah Sirdoonka Al-Shabaab. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug kula kulay guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka ganansiga, xildhibaanno labada gole ka tirsan, iyo madaxa fulinta Galmudug, ayaa looga hadlay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dardar gelinta shaqada guddiga u taalla iyo ka mira dhalinta dadaallada leesugu keenayo dhammaan reer Galmudug si ay uga tashadaan aayaha iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga xasuusiyay shaqada adag ee loo igmaday in ay qabtaan, waxa uuna faray in sida ugu habboon, ugu dhaqsaha badan ugu daacadsan ay uga shaqeeyaan isu-keenidda bulshada, si gogosha Dhuusamareeb taalla ay uga soo baxdo natiijo farxad gelisa reer Galmudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayna Galmudug uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa siyaasiyiinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug ugu baaqay in guddiga ay kala shaqeeyaan gudashada mas’uuliyadda ka saaran shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafiga uu hoggaaminayo ayaa mudda hal bil ku dhaw waxa ay Galmudug u joogaan dhismaha Galmudug sal adag oo ka shaqeysa danaha reer Galmudug, kana qayb qaadata horumarka dalka.
  23. Hargeysa (Caasimada Online) ― Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamid ah hal-abuurka caanka ah ee reer Somaliland, ayaa si adag u dhaliilay Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Abwaan Weedhsame ayaa sheegay in xukuumada Muuse Biixi ay ka madhan-tahay milgaha talo wadaaga, isagoona ka dhawaajiyey in musuq-maasuqa ka jira xukuumadan uu marayo heerkii ugu sareeyay. Weedhsame ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxtooyada Somaliland aysan u jeedinba waxyaabaha jirra oo ay ku hadaaqeyso sharciga sareeya iyo horaa loo soconayaa. Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay, wuxuuna yiri “Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waa mid aad u liidata oo ka madhan milgaha talo-wadaaga”. Wuxuuna intaas kusii daray “Heerkii musuquna “sidan maan moodayn buu marayaa.” Balse madaxtooyada cajalad baa u daaran ay ka baxayso heeso ay ka mid yihiin “Horaa loo soconayaa” iyo “Sharciga ayaa sarreeya”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com