Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Mogadishu Clan ayaa si adag uga hortimid beegsi ay sheegtay in maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku hayo beesha Gaaljecel. Afhayeenka Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo warbaahinta u akhriyay war-saxaafadeed kasoo baxay shir ay maanta beesha ku yeelatay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga horyimid beegsiga maamulka Lafta-gareen ee beesha Gaaljecel. Shirkaan oo ay ka qeyb-galeen duubabka waaweyn ee Mogadishu Clan, waxaana loogu baaqay maamulka Lafta-gareen inuu joojiyo ciidamada uu ku daabulayo deegaanka Yaaqbari weyne ee lagu beegsanayo beesha Gaaljecel. “Odayaasha beesha Mogadishu Clan waxaa u cuntami weysay in awooddii maamulkaas oo dhan loo adeegsado beesha Gaaljecel,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan. Sidoo kale waxay odayaasha dhaqanka Mogadishu Clan ugu baaqeen madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya inay soo fara-geliso arrintaan. Odayaasha dhaqanka Mogadishu Clan ayaa waxa kale ay aqbaleen inuu sii socdo shirka looga tashanayo Shabeellaha Hoose iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo gogol nabadeed u fidiyay beelaha dega Shabeellaha Hoose oo dhan. “Waxay odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan cadeynayaan in aysan cabasho ka aheyn qabiil ee ay cabasho ka yihiin maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ugu baaqayaan maamulka Koonfur Galbeed inuu joojiyo beegsiga beesha gogosha maanta dhigtay ee Gaaljecel Saran-soor.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Beesha Mogadishu Clan oo si adag uga hortimid beegsi uu bilaabay Lafta-gareen appeared first on Caasimada Online.
  2. The two countries are due to sign defence, energy and trade deals and hold the first meeting of a strategic cooperation council Source: Hiiraan Online
  3. Hargeisa (HOL) — A new study conducted at Mogadishu Somali Turkish Training and Research Hospital has revealed that traditional cervical cauterization, a widely practiced procedure in Somalia, significantly raises the risk of preterm births. According to the study, women who underwent this procedure were more than twice as likely to experience preterm deliveries compared to those who had not. Source: Hiiraan Online
  4. It was rare for Muna Mohamed’s sons to go out or make friends. That recently changed. Source: Hiiraan Online
  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar u dadhiya Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, ayada oo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaala iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah. Dhankiisa, Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh, ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  6. MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — The Islamic Association of North America (IANA) held its 21st annual conference in Minneapolis on Sunday, drawing attention to critical issues such as unity, family stability, and preserving Islamic culture. Leaders and scholars addressed hundreds of attendees, offering insights and programs to strengthen the Muslim community across the United States. Source: Hiiraan Online
  7. BELGRADE, Serbia (HOL) — Somali Ambassador to Serbia, Mohamed Abdullahi Ahmed, visited the Linx Aviation Pilot School in Belgrade today to discuss opportunities for Somali youth to receive pilot training. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin culus kasoo saaray hanaanka lagu wajahayo xiisadda Itoobiya ee salka ku haysa damaca baddeena. Kheyre ayaa waxa uu sheegay in duullaanka Itoobiya looga gudbi karo oo keliya isku-duubni iyo midnimo, isla markaana laga fogaado wax walba oo dhaawici kara wadajirka umadda Soomaaliyeed. “Dalkeennu wuxuu wajahayaa duullaan shisheeye oo ay ku soo qaadday Itoobiya, waxaana uga gudbi karnaa dhiifooni, isku-duubni, iyo midnimo, iyo in aan ka foggaanno wax waliba oo dhaawici kara wadajirka bulshadeenna,” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo saaray maanta. Waxa uu intaas kusii daray “Koonfur Galbeed iyo deegaannada kale ee Soomaaliyeed ee ay maanta joogaan ciidamada shisheeye kuma imaan jaceyl loo qabo ee waxaa keentay duruufta amni ee dalka ka jirta.” Dowladda federaalka ayuu ujeediyay in ay masuuliyad gaar ah iska saarto sidii ay u dabooli lahayd baahida amni ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo xaqiiqada qaraarna lagu wajaho caqli saliim ah, si looga maarmo ciidan shisheeye. “Dariiqa maanta dalka looga bad-baadinayo duullaanka Itoobiya nagama xigo dhanka qabyaaladda, kala-qeybinta bulshada, iyo in dalka iyo dowladnimada laga xigsado reer Koonfur Galbeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ka digayaa hadallada xanafta, dhiillada, iyo qabyaaladda xambaarsan ee warbaahinta la isu marinayo, oo abuuraya khilaaf hor leh, siina kala dhantaalaya midnima ummaddeenna.” Ugu dambeeyntiina wuxuu madaxda sare ee dalka ugu baaqay inay la yimaadan aragti qaran, waaqici ah, islamarkaana jiheyn karta bulshada, mideyna karta cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed. “Waxaan madaxda Dalka ugu baaqayaa in ay mudnaanna siiyaan danta guud, kana fogaadaan wax walba oo kala qeybin kara midnimada dalkeenna iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.” The post Xasan Cali Kheyre oo digniin ka soo saaray arrin ka soo korortay xad-gudubka Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  9. Ethiopia has been embroiled in a diplomatic row with Somalia after striking a deal with breakaway region Somaliland for access to a port on the Gulf of Aden. A recent post on Facebook claims to share a video clip of Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed issuing a “stern warning” to both Somalia and Egypt, which has taken Somalia’s side in the quarrel. Source: Hiiraan Online
  10. Hargeisa (HOL) — The Somaliland government has announced that MP Mohamed Abiib Yusuf will face trial on treason charges, alleging that he engaged in activities to destabilize the state. Source: Hiiraan Online
  11. Garowe (HOL) — Puntland's Interior Minister Abdi Farah Said Juha has accused Egypt of leveraging Somalia in its long-standing dispute with Ethiopia over the Nile River. Juha claimed that Egypt is using Somalia as a strategic tool to protect its interests in the Nile, a vital water source for the country. Source: Hiiraan Online
  12. Reaching Somaliland is becoming more convenient with the emergence of budget airlines introducing routes to this off-the-beaten-path destination. Although still relatively undiscovered, several major airline hubs now offer connections to Somaliland, making it simpler for adventurous travelers to experience its unique blend of culture and history, including the remarkable ancient cave paintings at Laas Geel. A thoughtfully planned itinerary can keep travel costs down, with numerous options offering a comprehensive experience in just a few days, encompassing highlights like the port city of Berbera and the town of Sheikh. The increasing trend of independent travel and locally-arranged tours is fostering a more budget-friendly approach to experiencing the distinctive atmosphere of Somaliland. As interest in exploring less-visited destinations rises, Somaliland’s appeal as an intriguing option continues to grow, presenting an opportunity to explore a region that remains relatively untouched by mass tourism. Reaching Somaliland by air has historically been somewhat limited, with a few major airlines focusing on connections within the region. However, the landscape is shifting with new budget airlines recognizing the potential of this unique destination, offering more affordable travel options. Hargeisa’s Abdurahman Ahmed Ali International Airport serves as the main gateway, and it’s seen a significant increase in travelers in recent years, exceeding 200,000 in 2023, indicating a surge in interest. The arrival of new budget carriers in 2024 has expanded connectivity, with direct flights from cities like Addis Ababa and Nairobi now becoming common. This has dramatically cut travel times and costs. This influx of budget airlines has noticeably reduced flight prices to Somaliland, with fares sometimes dropping below $100 for one-way tickets. While most regional carriers utilize relatively modern aircraft, travelers should be prepared for potential delays and cancellations, a familiar issue in lesser-traveled destinations. The frequency of flights naturally fluctuates based on seasonal demand. Travel periods around holidays and local festivities can see a spike in air travel, impacting ticket availability and prices. Interestingly, frequent flyer miles can sometimes be used to access Somaliland, as some airlines allow mileage combinations with partner airlines for redemption. It’s worth exploring this route when planning a trip. Some airlines now also offer stopovers in their itineraries, such as Djibouti, offering travelers the chance to combine a trip to Somaliland with exploration of a neighboring country, making the overall trip more enriching. Local airlines often provide a good alternative for domestic travel within Somaliland, with competitively priced tickets between Hargeisa, Borama, and Berbera, effectively shortening travel time. While the restaurant scene in Somaliland is still evolving, international cuisines are starting to appear, and the local dishes are gaining more recognition. This could mean a more diverse culinary experience after your affordable flight, enriching the overall travel experience Mightytravels Qaran News
  13. Federal prosecutors have dropped their criminal case against a Maryland attorney whom they accused of engaging in a scheme to fraudulently access more than $12.5 million in Somali government assets from financial institutions. Source: Hiiraan Online
  14. (Bloomberg) -- Djibouti’s government expects Ethiopia to accept an offer for exclusive access to one of its ports, a proposal that’s aimed at defusing regional tensions triggered by Addis Ababa’s bid to regain direct access to the sea. Source: Hiiraan Online
  15. In Somalia, where drought and displacement have become a harsh reality, an eight-year-old girl named Fardowsa Mohamed embodies the unwavering spirit of children determined to learn. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) — Somali government forces, backed by international allies, have conducted a successful strike resulting in the death of over 19 Al Shabaab militants in the Galgaduud and Middle Shabelle regions, the government announced today. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadal khada taleefoonka ah la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell, isaga oo ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaaamayo Al-Shabaab, waxayna adkeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka. Wada-hadalkan ayaa kusoo aaday, xilli ay kasii dareyso xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana haatan soo saddaxeeyay dalka Masar. Maamulka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa hadda qaaday tallaabo kale oo hurineyso xiisadda, wuxuuna soo badhigay hub culus oo ay ku jiraan Gantaallada Balastikada ee M-20, waxayna tani muujineysaa in Itoobiya ay markan diyaar garowday dagaal toos ah. Wararka ayaa sheegaya in gantaalladan oo Sawirradooda lagu baahiyay baraha bulshada iyo ciidamo la geyn doono magaalooyin u dhow xadka Soomaaliya, gaar ahaan D.D.S. Dhankooda Soomaaliya iyo Masar ayaa go’aan ku gaaray inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus milatari, xilli ay xiisad xooggan ka taagan tahay gobolka. Dhoolatuskan ayaa la filayaa in la qabto bishan dhexdeeda, ayada oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee labada dal, sida laga soo xigtay illo dhanka ammaanka oo ku dhow Masar. “Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya. Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ammaanka dalka Masar. The post XASAN oo qaaday tallaabo kale oo xiisadda Itoobiya ah – Muxuu sameeyay maanta? appeared first on Caasimada Online.
  18. Beesha Celi Makaahiil ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in ay ku soo biireen Xisbiga WADDANI. Musharraxa madaxweyne kuxigeen Danjire Maxamed Cali Cabdi oo ay weheliyaan Afhayeenka xisbiga, Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada, Xoghayaha Dib u dajinta iyo Barakacayaasha iyo Gudoomiyaha xisbiga ee gobolka Awdal ayaa ku soo dhaweeyay, oday dhaqameedka, dhalinyarada, iyo Siyaasiyiinta oo uu horkacayo Cabdiraxmaan Ibraahim Cali oo iska casilay xubinimadii iyo xilkii Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE. Qaran News
  19. In ka badan 19 ka tirsan Shabaab ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay deegaanno ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda. Hawlgalka koowaad oo socday muddo ka badan 24-saac ayaa ka dhacay tuulada Geed Ma’arke oo hoos tagta Degmada Ruunirgood, halkaas oo ay isku diyaarinayeen Shabaab, goobtaas ayaa lagu dilay ilaa iyo 14 ka tirsan Shabaab. Hawlgalka labaad ayaa lagu beegsaday goob Isbaaro u ahayd cadowga oo ay doonayeen inay ku baadaan dadka safarka ah, kuna taalla deegaanka Ceel Heelle, waxaana goobtaasi lagu dilay shan xubnood sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale fariisinka Ceel Heelle waxaa lagu burburiyay gaadiid dagaal oo cadowgu kala soo baxsadeen halka uu ka dhacay howlgalka koowaad, kuwaasi oo ay ku jiraan gaari nooca loo yaqaano Cabdi-Bilaha iyo gaari booyad ah. Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibbaarey howlgallada ka dhanka ah Shabaab iyadoo dowladda ay ka go’antahay dagaalka ka dhanka ah Shabaab. Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khadka Taleefonka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell. Warsaxaafadeed kooban oo ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya ayay ku sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Khadka Taleefonka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Wada-hadalka Xasan Sheekh iyo Josep Borrell lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula ciribtirayo argagixisada, waxayna adkeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Xasan Sheekh iyo Josep Borrell oo ka wada-hadlay Ilaalinta Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara. Qorshahaan ayaa loogu talagalay in hal milyan oo barakacayaal ah dib loogu deegaameeyo. Qorshahani wuxuu ka mid yahay dadaallada xukuumadda ee lagu xallinayo dhibaatooyinka barakaca iyo dhismayaasha bulshooyinka ku jira xaaladaha deg-degga ah. Qorshahan wuxuu bixin doonaa qorshe faahfaahsan oo lagu taageerayo barakacayaasha, isagoo ujeedkiisu yahay in laga caawiyo sidii ay u heli lahaayeen deegaan la xakameeyo oo ammaan ah. Waxa kale oo uu ka kooban yahay taageerooyin la xiriira dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo adeegyada bulshada, si loo hubiyo in barakacayaashu ay helaan nolol tayo leh iyo horumar. Daahfurkan wuxuu muujiyay dadaalka xukuumadda ee ku aaddan sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka la xiriira barakaca iyo sidii loo dhisi lahaa bulshooyin adkeysi leh oo leh fursado horumarineed. Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda sare ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa hortegay xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo la xisaabtan la yeeshay hoggaanka wasaaradda, si wax looga waydiiyo wax-qabadkooda. Kulanka waxaa goobjoog ahaa wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan iyo agaasimaha guud Dr. Guuleed Cabdijaliil, waxayna su’aallo uga jawaabeen guddiga ay hortageen ee labada gole. Arrimaha wax laga waydiiyay waxaa kamid ah lacag $12 milyan ah oo loogu talagalay in lagu hormariyo machadka caafimaadka iyo waxa hortaagan iyo illaa iyo hadda. Xildhibaan Cabdulqaadir oo kamid ah xubnaha kulanka ka qayb-galay ayaa su’aal ka keenay sababta ay wasaaradda caafimaadka u dalbato lacago yar, ayada oo haysto fursado muhiim ah oo ay ku qaadan karo lacago badan oo ay ku socod siiyo shaqadeeda. “Waxaa jirta in sanadkii hore lacag yar aad dalbateen maxaa sababay adinkoo lacagtaas mashruuca loogu talagalay sanad kasta lacag badan la dalban karo, ma kabaasigiina yar, macquul maahin in 2021 mashaariic soo bilaabatay illaa iyo hadda la dhaho lacag yar ayaa laga isticmaalaa? ayuu waydiiyay xildhibaan Cabdulqaadir oo kulanka ka qayb-galay. Intaasi kadib waxaa hadalka qaatay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Mudane Guuleed Cabdijaliil oo si faah-faahsan uga jawaabay su’aasha xildhibaanka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aanu gaabis jirin, isla markaana lacagahaasi ay qaar ka isticmaaleen, laguna fuliyay mashaariic muhiim ah, kuwa kalena ay soo socdaan. “Gaabis la sheegi karo hadda ma jiro lacagaha loogu talagalay mashruuca lama wada isticmaalin, laakiin waxbaa laga isticmaalay, waxaana usoo gudbi karaa is xisaab ah oo dukuminti ah” ayuu ku jawaabay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka. Agaasime Guuleed ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan mashruuca Damal Caafimaad iyo sida looga faa’iideystay, kaas oo la gaarsiiyay gobollo badan. “Mashruuca Damal Caafimaad wuxuu ka kooban yahay 4 qaybood lacagta loogu talagalay mashuuraca 75% waxay aadeysay adeeg bixin waxa soo haray waxay isugu jiraan lacago loogu talagalay in mashruuca dadka maamulaayo ay mushaaraad u noqdaan inta soo hartayne wasaaradda karaankeeda lagu dhiso” ayuu mar kale agaasime Guuleed. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Si guud mashruucaan bilaabashadiisa daaha ku yimid ayaa waxaa dhana sameeyay”. The post Daawo: Xildhibaan ku qabsaday wasaarad ka tirsan DF dalbashada lacag yar + Jawaab appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka hadlay dooda culus ee ka dhalatay taageeradii uu maamulka Koonfur Galbeed u muujiyay ciidamada Itoobiya ee hadda jooga Soomaaliya. Warsame ayaa ayaa shaaca ka qaaday in Koonfur Galbed aysan heshiis bada lagu bixiyay aysan la gelin Itoobiya, isla markaana aanu jirin sabab loo beegsado maamulkaasi. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in laga haboon yahay in arrinta la qabiileeyo, isla markaana dano gaar ah oo siyaasadeed ooga faa’iideysto xiisadda taagan. Siyaasigan oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in difaaca dalka iyo danaha qaranka ay mas’uul tahay dowladda Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay tahay cida leh go’aanka ay ku joogayaan ama ay ku baxayaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS. Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:- Ka hortagga damaca Itoobiya waa masuuliyad dowladeed ee ma aha mid beeleed, waxna kama galo oday magac qabiil ku hanjaba iyo shaqaale rayad ah oo siyaasad lugaha loo geliyo, balse waa kaga sii dareen, maadaama uu hadalkoodu dhiilo qabiil kiciyey, bulshadiina kala irdheeyey. Waxaase damaca looga hortegi karaa midnimo gudaha ah, dadaal diblomaasiyad oo dibedda ah iyo siyaasad waaqici ah oo lagu dheelitiro duruufaha qalafsan ee dalkeenna ka jirta ee keenay in Itoobiya looga maarmi waayo nabad ilaalin iyo la dagallanka AS. Reer Koonfur Galbeed lama saxiixan MoU bad lagu bixiyey Itoobiya, ATMIS kuma soo darin ciidankeeda nabad ilaalinta, heshiiska difaaca ah ee ciidankeeda ATMIS ka baxsan dalka ku joogaanna lama gelin, waa dulmi iyo gardarro waxa loo beegsado. Soomaaliyeey waa in aan garawsanaa in ku xadgudubka gobonimada dalkeena uusan qabiil ama maamul gobol midkoodna wax ka goynin. Dowlad-qaran uunbaa dal difaaci karta, waxna ka goyn karta loollaanka joqraafi siyaasadeed ee Gobolka, gaar ahaan kan la xariira amniga Badda Cas iyo biyaha Webiga Niil, iskumana heli karno in aan kala adkaanno, cadawgeenana ka adkaano, mana jiro maanta cudur nooga wayn hoggaan xumo iyo midnimo la’aan. The post CC Shakuur oo si yaab leh u difaacay reer K/Galbeed kadib tallaabadii ay qaadeen appeared first on Caasimada Online.
  24. Howlgal duqeyn ah oo ay fuliyeen diyaarado dagaal ayaa lagu beegsaday fariisimo ay Kooxda Alshabaab ku lahaayeen deegaanno hoostaga magaaladooyinka Ruuni-nirgood iyo Ceeldheer ee gobollada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA. Duqeymaha oo dhowr jeer lagu garaacay fadhiyadii lshabaab ee deegaanadaas ayaa lagu dilay dagaalamayaal badan kooxda ka tirsan,ayadoo gaadiid iyo saanad kale lagu burburiyay sida ay wararku sheegayaan, balse lama oga tirada rasmiga ah ee xubnaha ku dhintay howlgalka. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay goor dhow war saxaafadeed ka soo saari doonto sida uu weerarkaasi u dhacay iyo khasaaraha soo gaaray xubnihii Alshabaabka ahaa ee goobtaas ku sugnaa. Source: goobjoog.com