Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,271
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qodobo dhameystir u ah nabadeynta colaaddiii galbeedka Mudug ee beelaha Sacad iyo Leelkase ayaa maanta lagu gaaray deegaanka Maygaagta ee gobolkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug, oo ay wehliyaan odayaasha dhaqanka labada beelood ayaa ku dhawaaqay qodobada dhamaystirka fulinta go’aannadii xabbad-joojinta ee colaadda labada beelood, iyagoo go’aamiyay in hubin lagu sameeyo dhamaystirka fulinta qodobadii hore usoo baxay ee qaadista maleeshiyaadka beelihii dagaallamay. Sidoo kale waxay fareen ciidamada qaabilsan amniga inay xaqiijiyaan in aan isku dhac dambe imaan inta laga hirgelinayo heshiis nabadeed oo rasmi ah, iyada oo sharci-darro loo aqoonsaday in dhismayaal iyo deegaameyn laga sameeyo dhulkii lagu dagaallamay. “Waxaa loogu baaqay dhammaan odayaasha labada beelood in ay kaalintooda ka qaataan fulinta go’aannadii xabbad-joojinta labada dhinac,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka. Sidoo kale waxay go’aamiyeen in 5-ta bisha August ee 2024 uu furmo shirka rasmiga ah ee nabadaynta labada beelood, kaasi oo lagu qabanayo magaalada Gaalkacyo, si loo dhammaystiro gogoshii wada-hadalka nabadda labada dhinac ee dirirtu dhex-martay. Dhinacyada ayaa waxa kale oo ay go’aamiyeen in wada-hadallada gogoshu ay ku koobnaadan odayaasha labada dhinac, iyadoo maamullada Galmudug iyo Puntland ay korjoogteynayaan. “Maamullada waxay marwalba la xallinayaan odayaasha wixii ay isku fahmi waayaan, sidoo kalena ay farsamao ahaan hagayaan maamulka shirka, iyada oo gogosha ku koobnaaneyso odayaasha labada dhinac,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirka. The post War ka cusub beelihii ku dagaalamay Mudug ee Sacad iyo Leelkase appeared first on Caasimada Online.
  2. Shirkadda Ethiopian Airline oo war ka soo saartay muuqaal baraha bulshada ku faafay saacadihii u dambeeyey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in xogaha sheegaya in gabadh Soomaaliyeed laga dejiyey kursi diyaaradeed si loo fadhiisiyo Wasiir ka tirsan dawladda Itoobiya. Maamuulka Diyaaradda ayaa sheegay in gabadhaasi ay ka mid ahayd dad ay diyaaraddu ka buuxsan tahay oo lagu war geliyey in ay soo raacan diyaaradda dambe balse ay ka dhega adaygtay codsigii shaqaaluhu ay siiyeen. Muuqaal uu markii koowaad soo baahiyey Larry Madow oo TV ga CNN uga soo warrama dalka Kenya ayaa muujinayey gabadh xijaaban oo doonaysa in ay fadhiisto kuraasta diyaaaradda balse ay wada murmayaan shaqaalihii diyaaradda ka hawl gelayay. Diyaaradda gabadhan laga reebay ayaa ka soo duulaysay magaalada Addis ababa iyada oo ku sii jeedday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Masjidka Cali Jimcaale ayaa war xasaasi ah kasoo saaray caro ka dhalatay qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay wadaad lag magacaabo Ibraahim Cabdicasiis Faarax (Ciyow), kaas oo la sheegay inuu kamid yahay culimada masjidka, wuxuuna qoraalkaas ugu gefay caalimkii waynaa ee Sheekh Cusmaan Xiddig oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Maamulka Masjidka ayaa iska fogeeyay hadalka ninkan, wuxuuna sidoo kale sheegay in aanu kamid ahayImaamyada rasmiga ah ee Masjidka Cali Jaamac ee magaalada Muqdisho. “Maamulka Masjidka Cali Jimcaale wuxuu cadeynayaa in uusan Ibraahim Ciyow kamid ahayn maamulka, Imaamyada rasmiga ah iyo Macallimiinta masjidkaba, Masjidkuna masuul kama aha fikirka qof gaar ah oo aan masjidka shaqo ku lahayn, Wuxuu maamulka masjidku ku baaqayaa in la hubsado waxa la baahinayo loogana baqo Allaah” ayaa lagu yiri qoraalka. Marka laga soo tago warka kasoo baxay maamulka Masjidka, waxaa jira muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinaya Ibraahim Ciyow oo khudbado ka jeedinayo gudaha Masjidka Cali Jimcaale, taas oo iyana dhalisay su’aallo iyo shaki kale. Arrinta carada dhalisay ayaa ah in Ibraahim Ciyow uu sheegay in marxuumka uu qoray kutubo ka hadlayo waxyaalo shirki ah, isaga oo xusay in maalmaha soo socda la arki doono, ayada oo la caabudayo qabriga Sheekh Cismaan Xiddig, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale isla Ibraahim Ciyow ayaa mar kale soo hadlay, wuxuuna faah-faahiyay hadalkiisa carada dhaliyay, balse ma bixin wax raalli-gelin ah. Hoose ka akhriso:- Bismillaah . Qoraal aan xalay meeshaan kusoo qoray baa waxaa laga soo saaray waxyaaba badan oonan ku jirin sidaa darteed waxaan istusay inaan cadeeyo dhawr shaay : Waxaan ucudur daaranayaa Masjidka Cali Jimcaale oo magacayga lagu gaaray laguna aflagaadeeyay , anigu waxba kama ihi , maamul iyo imaam toona , wixii aan soo qoro aniga naftayda ayaan ku matalaa . Ma aaminsani , mana dhihin in sh cismaan xidig gaal yahay , mana gaalaysiin , in la dhihi karo allaha unaxariistana waa aaminsanahay … lkn kutub baan ka hadlay oo sheekha lafihiisa kamaba hadlin . Waxaan aaminsanahay in kutubta sheekha ay ku jiraan qaladaad badan gaarsiisan bidcooyin iyo shirkiyaat oon cadaynteeda qofka ubaahan aan siin karo . Waxaan arkay qoraalo iyo videos laleeyahay ; hala dilo iyo hala xiro iyo malalac noocaas ah waxaan leeyahay qoladaas : hadalkayga hadii aad si cilmi ah ugawada hadlayno waa gar waana ogolahay , lkn qaaqle iyo siyaasi saaqiday aniga waxba iiga cuni maayaan inay meelaha iga caayaan iyo hanjabaad , hadda ka hor ayaanba kusoo kacay ayadoo la leeyahay saakay uu gaalkacyo isku qarxiyay iyo hala dilo , walina waa noolahay . ugu dambayn: Xaqa allaha nafahmsiiyo oo nagu dilo … wixii kutubta ku qoranna si cilmi ah halooga wada hadlo , illeen kuma baaba’ayaan in la iscaayee . wabillaahi tawfiiq . The post Maamulka Masjidka Cali Jimcaale oo war culus kasoo saaray arrintii carada dhalisay appeared first on Caasimada Online.
  4. Xubno ka tirsan ururka Shabaab oo sitay gaari nooca lagu magacaabo Succeed ayuu goor dhow qarax kula kacay deegaan lagu magacaabo Laaggan oo u dhexeeya deegaanada kala ah Guduudey iyo Buulo-bacaad oo ka tirsan gobolka Jubada hoose sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland. Gaariga waxaa saarnaa shan xubnood oo ka tirsan Ururka Shabaab, kuwaasoo la sheegay in ay sideen waxyaabaha qarxa. Qaraxa waxaa ku dhintay dhammaan xubnihii saarnaa Gaariga. waxaa sidoo kale ku gubtay gaarigii. Qaar ka mid ah dadka deegaanka uu qaraxu ka dhacay ayaa xaqiijiyay in ay maqleen dhawaqa Qaraxa ka dhacay deegaanka. Xubno ka tirsan Shabaab ayaa yimid deegaanka kuwaasoo meesha ka qaaday Meydadka Shanta xubnood, Sidoo kale waxa ay jiiteen haraagii ka haray gaariga. Qaraxan ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lala damacsanaa ciidanka Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay guulo kasoo hooyay dagaallo ka dhacay gobolka Jubbada hoose lana wareegay deegaano cusub. Source: goobjoog.com
  5. The Dire Need for Reunification of the Somaliland People: Addressing the Divisive Impact of the Kulmiye Government Abstract The unity and solidarity of Somaliland have long been foundational to its stability and progress. However, the current administration under President Muse Bihi has fostered division and unrest, leading to civil strife and fragmentation. This paper explores the need for reunification among the Somaliland people, analyzing the government’s role in exacerbating divisions and proposing steps toward restoring unity and effective governance. Introduction The primary priority for Somaliland is the restoration of unity and solidarity among its people. Under the leadership of President Bihi, the Kulmiye government initially presented itself as an inclusive administration. However, its tenure has been marked by significant challenges, including territorial losses, military setbacks, economic mismanagement, and a decline in public services. The Current State Over the course of his term and illegal expansions in office, President Muse Bihi and his Kulmiye Party have demonstrated a disastrous failure of leadership that threatens to undermine Somaliland’s hard-won stability. For seven years, Bihi’s regime has neglected its fundamental responsibilities of ensuring unity, security, good governance, and public welfare. Under Bihi’s tenure, Somaliland’s reputation and standing on the international stage have declined precipitously. Its territorial integrity has faced unprecedented challenges, with the loss of key border regions like Sool and Sanaag raising grave security concerns. Domestically, Bihi has stoked divisions by favoring select clans over others in state resources and government appointments. Communal trust and cooperation have severely eroded as a result. Bihi has repeatedly and blatantly violated the constitution through measures such as postponing national elections, consolidating power around his family’s interests, and silencing political dissent. His administration has become synonymous with cronyism, nepotism and corruption. Valuable state assets have been brazenly looted and embezzled with impunity. The dire public health situation exemplifies policy failures, as once exemplary healthcare services collapse from chronic underfunding and mismanagement. Access to clean water and electricity – basic rights – have severely declined nationwide under Bihi’s watch. Rising inflation and economic instability have plunged many citizens into destitution while a few of his family capture state resources for personal gain. After seven disastrous years defined by broken promises, diminished autonomy, rampant graft and humanitarian neglect, it is clear President Bihi is incapable of governing Somaliland out of its current crises. Urgent change in leadership is required to rescue the nation. Government’s Initial Promise and Subsequent Failures When President Behi assumed office, there was hope for comprehensive governance across all regions and districts of Somaliland where the former administrations extended its reach fully functioning, with the national army advancing to Tukaraq. However, the situation has drastically deteriorated, particularly in the most parts of the Sool region and Eastern Sanaag, where government control has completely eroded and the Somaliland national army retreated to Oog, over 170 kilometers from the border. Military and Territorial Setbacks The collapse of government authority in LasAnod is emblematic of broader military failures. Over 300 soldiers, including high-ranking officers, have been taken as prisoners of war, underscoring the severe operational and strategic deficiencies of the current government . Social and Economic Disintegration The Kulmiye government’s tenure has also been marred by social and economic disintegration. Communities that once coexisted peacefully are now embroiled in conflicts, exacerbated by governmental mismanagement. A community army was created when the public lost confidence in the government to protect them. The administration’s misappropriation of national wealth, including the sale of communal assets such as playgrounds, military camps, and health centers, has further eroded public trust . Economic instability has compounded the nation’s woes, with rampant inflation and a volatile exchange rate diminishing the quality of life. Essential public services, including healthcare, water, and electricity, have deteriorated, leaving the population in dire straits. The government’s failure to address these issues has only deepened public discontent . Call for Political Change The upcoming election on November 13, 2024, represents a critical juncture for Somaliland. It is an opportunity for the people to reclaim their power and elect a leader committed to reunification and effective governance. Dr Abdirahman Cirro emerges as a promising candidate, with a vision to heal divisions, restore public trust, and tackle the myriad challenges facing the nation. Conclusion The need for reunification in Somaliland has never been more urgent for a long time. Over the past six years, the divisive policies and ineffective governance of the Kulmiye administration have seriously fractured the social, economic, and political fabric holding the nation together. Somaliland’s progress has been undermined by deteriorating security, rising tensions between communities, and the lack of public services and economic opportunities plaguing its citizens. As the people of Somaliland prepare to go to the polls in the upcoming November elections, it is absolutely imperative that they exercise their democratic right by choosing a leader truly committed to unifying the country once more. A leader with a vision to restore solidarity, representation, and equal development across Somaliland’s diverse regions. Abdirahman Cirro stands out as the candidate best positioned to meet this pressing need. Through his campaign platform emphasizing national healing, consensus-building, and good governance, Cirro offers a realistic path towards revitalizing Somaliland’s founding principles of unity, stability, and shared prosperity. With his reputation as a skilled diplomat and experienced administrator, Cirro can be trusted to repair frayed social bonds, reintegrate border areas, strengthen the military, and deliver essential services to citizens. By electing Abdirahman Cirro as our next president, the people of Somaliland will empower leadership dedicated to addressing the root causes of current divisions and moving the nation confidently into a brighter future. Cirro’s vision gives hope that Somaliland’s communities and clans can reunite in the spirit of solidarity that has sustained them for decades. It is a vision that will safeguard Somaliland’s sovereignty, autonomy and hard-won independence for generations to come. The choice before voters is clear. Abdi Halim M. Musa E-mail: halimusa4@gmail.com Hargeisa, Rep. Of Somaliland Qaran News
  6. Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ku xariirta aad u qabsaday hadal qoraal ah oo ku saabsan geerida caalimkii weynaa ee Shiikh Cismaan Xiddig, oo uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay wadaad lagu magacaabo Ibraahim Ciyow oo ku nool magaalada Muqdisho. Wadaadkan ayaa sheegay in shiikh Cismaan Xiddig Allaha u naxariistee uu qoray kitaabo uu ku saabsan waxyaabo gaalnimo ah, islamarkaana uu ahaa nin khuraafaadka iyo qabuuraha in la baryo oo kaalmo la weydiisto ka shaqeyn jirey oo aan wax faa’iido leh bulshada uga tagin. Hadalkan ayaa sababay falcelin badan oo bulshada ka timid, waxaana durbadiiba ka jawaabay maamulka masaajidka shiikh Cali Jimcaale oo sheegay inaanu wadaadkaasi kamid ahayn maamulka Masjidkooda, islamarkaana aragtiisu ay asaga u gaar tahay. Sidoo dadweyne badan oo arrintaas ka carooday ayaa siyaabo kala duwan baraha bulshada u marinaya hadallo adag oo ka dhan ah qoraalka muranka dhaliyay ee uu qoray Ibraahim Ciyow, kaas oo shiikh Cismaan Xiddig oo shalay geeriyooday gaalnimo ku eedeeyay. Shiikh Cismaan Xiddig ayaa ahaa caalim Soomaaliya oo ay geeridiisu taabatay ummadda Soomaaliyeed oo dhan iyo qaar kamida dadyowga islaamka ee dunida kale, wuxuuna in ka badan 50 ku howlanaa fudinta diinta islaamka, asagoo kumanaan culumo ah wax baray, kitaabo badanna qoray. Source: goobjoog.com
  7. Mogadishu (HOL) — The Office of the Attorney General has taken firm action against expired food products seized at the port of Mogadishu on March 7. The expired goods, primarily flour, were intended for local markets, potentially putting the health of citizens at risk. Source: Hiiraan Online
  8. NAIROBI, Kenya (HOL) — Ethiopian Airlines is under fire after a viral video showed a young Somali woman being forcefully removed from flight ET308 on July 19. The incident, which has sparked widespread outrage on social media, particularly within the Somali community, has led to calls for a boycott of the airline. Source: Hiiraan Online
  9. Buurhakaba (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta deegaan cusub kala wareegay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal culus oo ay ka sameeyeen gobolka Baay. Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada huwanta ah kula wareegeen deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25 KM u jira degmadaasi. War kasoo baxay kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah. “Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25km u jira degmada Buur-hakaba ku dilay xubno ka tirsan khawaarijta, iyagoo kala wareegay gacan ku haynta deegaankaasi” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa howlgalkan khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. Koonfur Galbeed ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku xoogan deegaanada maamulkaasi. The post Ciidamada dowladda oo deegaan cusub kala wareegay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (HOL) - Several federal lawmakers have asked President Hassan Sheikh Mohamud to resign, criticizing his leadership style as the number of dissatisfied politicians has increased over the past months. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa habeen hore magaalada Muqdisho ku geeriyooday caalimkii waynaa ee Soomaaliyeed Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig), kaas oo isla shalay lagu aasay Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qaybgalay kumaan kun oo dad ah una badan Jamaacadiisa. Geerida Sheekh Cusmaan Xiddig kadib ayaa waxaa haatan soo kordhay arrin kale oo uu ka dhawaajiyay Ibraahim Cabdicasiis Faarax (Ciyow) oo la sheegay inuu ka mid yahay Imaamyada Masjidka wayn ee Cali Jimcaale ee magaalada Muqdisho, kaas oo war yaableh kasoo saaray geerida marxuumka. Ibraahim Ciyow ayaa soo saaray qoraal dheer oo ‘u muuqdo mid digasho ah’ wuxuuna si aad ah loogu baahiyay baaraha bulshada, kadib markii ay ka caroodeen dad badan. Ninkan ayaa qoraalkiisa uga hadlay Kutubadii uu qoray Sheekh Cismaan Xiddig oo uu ku tilmaamay inay ka hadlaan shirki iyo la barakeysto maydkiisa. “Geeridu digasho maleh laakiin mabaadi’da mujaamalo ma taqaan . Waxaan arkayay kuwa wahaabiyo ah oo leh “ sh cismaan xidig ilaaheey ha unaxariisto ,wuxuu allifay kutub badan oo naafico ah ……….” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ibraahim Ciyow. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Nacam wuu allifay kutub lkn ma taqaan kutubtiisa oo ma aragtay ?? kulligood ama badankood wuxuu ku difaacayaa inta aan suufiyo isku haynayba oo mayd la baryo oo tawasul loo bixiyo iyo qubuuro laysku jiid jiido oo la baryo oo tabaruk uu ubixiyay iyo shirkiyaatkoodii iyo khuraafadoodii un , mana lahan nafci ee kutub baadi iyo shirki iyo khuraafo buu ka tagay , ilaaheey baana yaqaan sida uu yeelayo oo iiga naxariis badan”. Imaamka Masjidka Cali Jimcaale oo sii hadlay ayaa xusay in maalmaha soo socda la arki doono, ayada oo la caabudayo qabriga Sheekh Cismaan Xiddig, sida uu hadalka u dhigay. “Al muhiim qofku wuxuu yahay inuu yaqaan waa muhiim inta uusan caadifadii iyo qalbi jileecee ummu hebel galin, igana qor inaad arki doontaa isaga oo mardhow la caabudayo oo magac Ziyaaro loo bixin doono u tagistiisa iyo baryadiisa, illeen isagaaba usii dhigay in la barakeysto, haddii uu dhintee” ayuu mar kale yiri Imaamka Masjidka Cali Jimcaale. Arrintan ayaa dhalisay dood xasaasi ah iyo falcelin xoogan, waxaana ka hadlay dad badan oo Soomaaliyeed oo ka carooday hadalka kasoo yeeray Ibraahim Ciyow. Siyaasiga caanka ah Cali Yare oo ka falceliyay ayaa yiri ” Waxaan maqlayaa in ninkaan kibray ee baarqabka ah oo meydka AUN Shiikh Cismaan Xidig caayay kuna tilmaamay mushrigga inuu Iimaam ka yahay masjidka Shiikh Cali Jimcaale ee Muqdisho ku yaalla iyo inuu macalin u yahay ardayda masaajidka quraanka lagu baro. Middii ay labadaas tahayba xertii Sheekhu ka tagay ee kumanaanka kun ah iyo ummada muslimka ah ee ninkaan magaalada uu joogo la joogta ama haleeli karta masuuliyad in la edbiyo ah ayaa dushooda saaran”. Shiriif Shire Axmed ayaa isna yiri “Waa xaqiiq in uu soo saarayo kuwa is qarxiya Somalia waxaa la dagay waa dadka nuucaan ah oo cid wax ka qabanaysa aysan jirin”. Sakariye Cabdi Xakiin ayaa isna ku jawaabay “Ibraahiim Ciyow cilmiga aad soo baratay maku fari waayay inaad maytida afkaaga ka dhowrto. Sheekh Cismaan Xidig AUN inaad ku tilmaamto qof shirki faafinaya maaha wax lagaa aqbali karo, waliba Masjidka Cali Jimcaale in aad imaam noogu noqoto adigoo culimadeenii gaalaysiinayana”. Ayuu Barre ayaa yiri “Ma jecleen inaan wax yaabo kale ka hadlo balse waxaan la aamusi waayay dhaqan xumada iyo jaahilnimada xargaha goosatay ee inankaas kula dhaqmaayo Ahlu-qabuurka”. Ugu dambeyn Ibraahim Ciyow ayaa qoraalkii uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ka saaray, laakiin dad badan ayaa sawirro ka qaaday, kadibna jawaaba kulul ka bixiyay. The post Caro xooggan oo ka dhalatay Imaam Masjid ‘oo u gefay’ Sheekh Cusmaan Xiddig appeared first on Caasimada Online.
  12. Hargeisa (HOL) — The Hargeisa International Book Fair, one of the most significant literary events in Africa, entered its second day on Sunday, showcasing a diverse array of books, historical photographs, traditional tools, and ancient artifacts reflecting the rich cultural heritage of Somaliland. Running from July 20 to 25, 2024, at the Hargeysa Cultural Centre, this year's event features Tunisia as the partner country with the theme "Togetherness." Source: Hiiraan Online
  13. Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 87 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil Sabtidi shalay duqeeyeen dekadda magaalada Xudeyda ee dalka Yemen. Weerarkan ayaa yimid, maalin kaddib marki ay kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Dowladda Iran ay gantaal nuuca riddada dheer ku dhufatay magaalada canagsiga Israa’iil ee Tel Aviv, halkaas oo la sheegay in uu ku dhintay hal qof afar kalana ku dhaawacmeen. Telafishanka Al-Masirah ee ku hadla codka Xuutiga ayaa sheegay, in dhaawacyada intooda badani ay yihiin gubniin kasoo gaadhay dab ka kacay goobaha shidaalka lagu keydiyo ee dekadda, kuwaas oo ay bartilmaameedsadeen diyaaradaha f-15-ka Isra’il. Afhayeen u hadlay milatariga Isra’il ayaa sheegay in dekadda Xudeyda ay Xuutiyiinta ay kala soo dagaan hubka uga yimaada Iran. Waxuu kaloo sheegay in meelaha kale ee ay beegsadeen ay ka mid yihiin xarumaha tamarta. Dhanka kale, ayaa Sabtidi sii waday duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Marinka Gaza, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka xaqiijiyeen dilka 29 Falastiiniyiin ah. Dadka la dilay shalay waxaa ku jiray wariye lagu magacaabo Mohammad Abu Jasser, xaaskiisa iyo laba carruur ah oo uu dhalay, kaddib marki gurigooda oo ku yaalla waqooyiga Marinka Gaza la duqeeyay. Xafiiska warbaahinta Gaza ayaa ku warramay in Maxamed Jaser uu noqday saxafigi 161-aad ee ay Israa’iil ku disho Gaza tan iyo 7-badi bishi October. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan raashin dhacay oo dhowaan lagu qabtay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, kaas oo la doonayay in loo gudbiyo suuqyada Muqdisho, si loo iibiyo. Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed oo daba-gal ku sameysay raashinkan oo uu noociisu ahaa Bur ayaa ogaatay inuu dhacay, wuxuuna gaarayay illaa 7 kunteenar. Intaas kadib waxaa kiiskan la wareegay xafiiska xeer ilaaliyaha oo baariis dheer kadib caddeeyay in Burkan uu yahay mid dhacay, wuxuuna kasoo saaray go’aan culus. Xeer ilaaliye Mustaf oo dekedda kula hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in la go’aamiyay in Burkan lagu celiyo dalkii laga soo dhoofiyay oo ah waddanka Turkiga. “Baaritaan dheer oo caddeymo lagu lifaaqay oo maxkamadda iyo xafiiska xeer ilaalinta ugu jira ay wadaageen waxaa go’aan lagu soo saaray in lagu celiyo meeshii laga keenay” ayuu yiri xeer ilaaliye Mustaf. Waxaa kale oo uu kusii daray “Todobada kunteenar waa la raray annaga oo ku hubinay mid walba inuu yahay sidii lagu keenay laga soo bilaabo maalinkii la qabtay, illaa hadda waxaa ilaalinayay oo gacanta ku hayay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga dekedda”. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in warbixin baariiseedkan ay la wadaagi doonaan dowladda Turkiga, si loola xisaabtamo shirkadda soo daabusha oo dalkaas laga leeyahay. “Dukumintiyada iyo caddeymaha la helay iyo warbixin baariseedka la sameeyay waxaa qaab diblumaasiyadeed loo gaarsiin doonaa dowladda Turkiga, ayada oo loo marsiinayo wasaaradda arrimaha dibadda, lala wadaagaayo safaaradda Turkiga” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo la go’aamiyay in shirkadda keentay Burkan dhacay magdhow ahaan looga qaado lacagtii ka baxday ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu soo qaldan badeecaddaasi. Ugu dambeyn hay’adda Taya-dhowrka iyo Xeer ilaalinta ayaa digniin culus u diray guud ahaan ganacsatada, waxayna sheegeen in tallaabi laga qaadi doono cid kasta oo raashin dhacay dalka usoo dhoofiso, maadaama uu halis ku yahay nolosha dadka Soomaaliyeed, The post Daawo: DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo cajiib ah, dal kalena ku celisay… appeared first on Caasimada Online.
  15. Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si qoto dheer uga walaacsan dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Buulo Mareer Shabeellaha Hoose 17-kii Luulyo 2024 sanadkaan taasoo lagu dilay dad shacab ah. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay ATMIS in ay dileen laba qof oo shacab ah sidoo kalena ay dhaawaceen mid kale. ATMIS ayaa sheegtay in ay la socota dhacdadaan , islamarkaana ay bilowday baaritaano ku saabsan dadkaasi. “Waxaan bilownay baaritaan dhab ah oo ku saabsan eedaymahan waxayna halkan u xaqiijinaysaa dhammaan daneeyayaasha in natiijada la soo bandhigi doono dadweynaha marka la soo gabagabeeyo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ATMIS. Waxa ay intaasi kusii dartay “ATMIS waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen, waxayna u rajaynaysaa in ay u hiiliyaan xilligan adag.” ATMIS ayaa sheegtay in Hawlgalladeeda Taageerada Nabadda ee Soomaaliya ay hagto ATMIS-ta udub-dhexaadka u tahay ilaalinta nolosha rayidka. “Ciidamada ATMIS waa in ay si adag ugu hoggaansamaan Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada, Heerarka Xuquuqul Insaanka, iyo Xeerarka Hawlgelinta ee lagu maamulayo hawlgallada milatari, iyada oo si gaar ah xoogga loo saarayo ilaalinta rayidka iyo carruurta.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ATMIS. ATMIS waxa ay sheegtay weli ka go’an tahay hufnaanta iyo isla xisaabtanka dhammaan hawlaheeda, islamarkaana markii howlgalka dhamaado ay soo bandhigi donaan sida falka u dhacay. Source: goobjoog.com
  16. Economic issues and LGBTQ issues in local schools are prompting more Somali voters to choose Republican candidates, according to some local Somalis. Source: Hiiraan Online
  17. Three people were killed in the air raids against the port city which come a day after a drone attack by the Yemeni group killed one person in Tel Aviv. Source: Hiiraan Online
  18. Donald Trump held his first campaign rally since he survived an assassination attempt Saturday, returning to the battleground state of Michigan alongside his newly named running mate. Source: Hiiraan Online
  19. Milateriga maamulka Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo ka fuliyeen magaalada dekedda leh ee Xudeydah ee dalka Yemen, taas oo jawaab u ah weerarrada kooxda Xuutiyiinta horey ugu qaadeen dhinacooda. Wasaaradda caafimaadka ee ka hawl-gasha deegaannada ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhinteen, 87 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha, ayadoo intaa ku dartay in qaar badan oo ka mid ah dadkaas waxyeello gubasho ahi ay soo gaartay. Duqeymaha cirka ah ee Israa’iil ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii Xuutiyiinta ay sheegteen mas’uuliyadda weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo hal qof ku dilay Tel Aviv, laguna dhaawacay 10 kale oo Israa’iiliyiin ah. TV-ga Al Masirah ee taageera kooxda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weerarka Israel lala beegsaday goobo lagu keydiyo saliida iyo warshad koronto oo ku taal Xudeydah, halkaasi oo uu dab ka kacay, waxyeello gubasho ahi ay ka dhalatay. Warbaahinta oo soo xiganeysa saraakiisha caafimaadka ayaa sheegtay in duqeymaha cirka ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo aan la cayimin tirada rasmiga ah, balse militariga Israa’iil ayaa caddeeyay in ay duqeeyeen bartilmaameedyo militari oo ku yaal Yemen. Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo inuu dagaalka Qasa ku sii baaho guud ahaan Bariga Dhexe, waana duqeyntii ugu horreysay ee ay Israa’iil ka fuliso gudaha Yemen tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa. Source: goobjoog.com
  20. Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ku qaadday dekedda Xudeydah ee ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen, maalin kaddib markii diyaarad aan duuliye lahayn oo ay kooxdaasi leedahay duqaysay magaalada Tel Aviv. Wasiirka Difaaca Yoav Gallant ayaa in dalkiisu uu fariin u diray dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta. “Dabka hadda ka holcaya Xudeyda, waxaa laga arkay Bariga Dhexe oo dhan, muhiimadduna waa caddahay,” ayuu yiri Gallant Wakaaladaha wararka ee Xuutiyiinta ku xiran ayaa sheegay in saddex qof ay ku dhinteen in ka badan 80 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha Israa’iil. Sarkaal ka tirsan Xuuthiyiinta Mohammed Abdulsalam ayaa weerarka diyaaradaha israa’iil ku tilmama “gardarrada Israa’iil ee Yemen”. Waxa uu sheegay in duqeymahan looga dan leeyahay in lagu cadaadiyo Xuutiyiinta in ay joojiyaan taageerada ay siiyaan Falastiiniyiinta ku sugan Qasa, arrin uu sheegay in aysan dhici doonin. Waa markii ugu horreysay oo Israa’iil ay si toos ah uga jawaabto waxa ay ku sheegtay boqolaal ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yemen iyo weeraro gantaallo oo lala beegsaday dhulkeeda bilihii la soo dhaafay. Muuqaal laga soo duubay Xudeydah ayaa muujinaya dab weyn oo kacaya fiidnimadii Sabtida. Xukuumadda Sanca ee Xuutiyiinta ay maamulaan ayaa sheegay in Israa’iil ay garaacday goobo saliidda lagu keydiyo oo u dhow xeebta, iyo sidoo kale warshad koronto ah oo halkaas u dhow. War qoraal ah oo ay soo saarteen ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF, ayaa lagu yyiri “Ka dib sagaal bilood oo weeraro cirka ah oo isdaba joog ah oo ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Israa’iil, diyaaradaha dagaalka ee IAF, Ciidanka Cirka ee Israa’iil, waxay fuliyeen weerar hawl-gal oo ballaaran oo ka dhacay meel 1,800km u jirta bartilmaameedyada militariga argagixisada Xuutiyiinta” ee aagga dekedda Xudeyda. “IDF waxay awood u leedahay inay ka shaqeyso meel kasta oo looga baahan yahay, waxayna weerari doontaa ciidan kasta oo khatar gelinaya Israa’iil,” ayaa lagu yiri bayaanka, Israa’iil ayaa howlgalkeeda sabtidii ay ku garaacday Yemen ugu yeertay ‘Garabka fidsan.’ Mr Gallant, ayaa sheegay in diyaaradaha Israa’iil ay duqeeyeen kooxdan sababtoo ah waxay dhibaato u geysteen Israa’iiliyiinta. “Xuutiyiintu waxay na soo weerareen in ka badan 200 oo jeer, waa markii ugu horeysay ee ay waxyeello u geystaan muwaadin Israa’iili ah, anagu waa weerarnay. Taasna waxaan ka sameyn doonnaa meel kasta oo looga baahdo,” ayuu yiri. Gallant. XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Isagoo hadlayay Sabtidii kadib weerarrada, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisa uu “si walba isu difaaci doono” waxkasta oo ay ugu kacdo. “Qof kasta oo na wax yeelo waxa uu ku bixin doonaa qiime aad u culus gardaradooda,” ayuu ku yiri hadal uu ka jeediyay telefishinka, isagoo sheegay in dekadda ay duqeeyeen ay tahay meel laga soo galiyo hubka Iran. Wuxuu intaa ku daray in cadowga Israa’iil ay u muujinayso inaysan jirin meel aysan gaari karin. Duqeymo Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay dhismo ku yaalla magaaalada Tel Aviv, ayaa sarkaal ka tirsan militariga Israa’iil uu sheegay in diyaarad nooca ay duuliyaha lahayn ee Iiran lagu farsameeyey ay fulisay weerarka. Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay fuliyeen weerarkaas, waxayna wacad ku mareen inay sii kordhin doonaan. Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay nin 50 jir ah oo dhawaan u guuray Israa’iil isagoo ka yimid Belarus, waxaana ku dhaawacmay siddeed kale. Sarkaal ka tirsan ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda difaaca ay ogaadeen diyaarada aan duuliyaha lahayn ee imaanaysa balse aysan isku dayin inay soo ridaan sababta oo ah “qalad bini’aadantinimo”. Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta, oo ah hay’adda fulinta ee dhaqdhaqaaqa, ayaa laga soo xigtay warbaahinta ay maamulaan Xuuthiyiinta fiidnimadii Sabtida in ay jiri doonto “jawaab wax ku ool ah” oo ku saabsan duqeynta cirka. In kasta oo aanay Israa’iil hore u duqayn Xuutiyiinta Yemen, haddana Maraykanka iyo UK waxa ay wadeen duqeymo ka dhan ah kooxdan muddo bilo ah si ay u joojiyaan Xuutiyiinta oo weerarro ku qaada maraakiibta ganacsi ee mara gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Xuutiyiinta ayaa markii hore sheegay in ay weerarayaan maraakiibta ku xiran Israa’iil, ama ku sii jeeda ama ka baxaya. Afhayeenka milateriga ee kooxda Xuutiyiinta Yemen, Yahya Saree, ayaa wacad ku maray in kooxdu aanay ka waaban doonin weerarrada “bartilmaameedyada muhiimka ah” ee Israa’iil, saacado kaddib markii Israa’iil ay duqaymo xagga cirka ah ku qaadday magaalo xeebeedka Xudeydah ee Yemen. Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay jiri doonto “jawaab wax ku ool ah” oo laga bixiyo duqeynta Israa’iil. Source bbcsomali Qaran News
  21. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay shirkadaha korantada kula xisaabtamayso waxyeellada dadweynaha iyo hantidooda ka soo gaarta dabka ay sababto korantadu, islamarkaana aan loo dulqaadan doonin khasaare walba oo taxadar la’aan iyo masuuliyad xumo keenaan. Maareeyaha hayadda korantada qaranka Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ilaalinta bedqabka dadweynuhu ay tahay musiiliyadda ugu weyn ee hay’adda saaran, islamarkaana ay shirkadaha kula xisaabtami doonaan qaladaadka aqoon xumada iyo dayaca ku yimaada ee dadka waxyeelada u geysta. Maareeyaha ayaa sidoo kale tilmaamay inay hubin doonaan tayada qalabka korantada iyo waxtarkiisa si uu u noqdo mid ku habboon, una qalma halbeegyada saxda ah ee agabka loo adeegsado korantada caalamiga. Hadalka ayaa ku soo beegmaya xilli ay shilal badan oo korantadu sababta u tahay dalka ka dhacaan, islamarkaana ay dhashaan waxyeellooyin isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed, ayadoo aan dhibaatadaas inta badan waxba layska weydiin, cidna loo maxkamadayn. Source: goobjoog.com
  22. A PROMINENT IRISH-Somali anti-female genital mutilation (FGM) activist has said care and supports for victims of female genital mutilation in Ireland are not currently adequate. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) —African Union peacekeeping forces, ATMIS, have been accused of killing at least two civilians in the Buulo Mareer area of the Lower Shabelle region, sparking major concern and prompting an investigation. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Sabtidii shalay guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan hubka sharci darrada ah, dagaallada sokeeye iyo dhowrista xasaanada Xildhibaanada, kaasoo ay saxiixeen 18 xildhibaan oo ka tirsan Golaha. Xildhibaan Cali Mahdi Qalato oo ka tirsan xubnaha gudbiyay mooshinkan ayaa faah-faahiyay ujeedkooda, wuxuuna sheegay inay xaq u leeyihiin keenista mooshin, maadaama ay yihiin xildhibaanno, ayna tahay inay la xisaabtamaan cid kasta oo gudan wayso shaqadeeda. “Mooshinka sidiisa xildhibaannadu xaqbey u leeyihiin inay keenaan oo waxaa weeye ciddii shaqadeeda gabta in laga keeno waajib waayay, baalamamaanka sidiisaba wuxuu ku shaqeeyo waa mooshin” ayuu yiri Xildhibaan Cali Mahdi Qalato. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka mooshinka ay gudbiyeen uu yahay mid ku toosinayaan xukuumadda oo uu ku eedeeyay inay ku fashilantay shaqadeeda, “Mooshinkii maanta waxaan rabnaa in aan dalka ku toosino, waayo xukuumaddan waxaan ka war heynaa sida ay maanta fadhiidka u tahay” ayuu mar kale yiri xildhibaan Qalato. Waxaa kale oo uu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu kala diro xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, isla markaana uu soo dhiso xukuumad cusub, “Aniga waxaan qabaa in madaxweynaha Soomaaliyeed ay hal arrin u furan tahay dalkii maanta siyaasad waa lagu kala tegay arrimaheenna gudaha qalalaase ayaa ka jira, dalkii maanta cadow ayaa kusoo duulay waxaa laga rabaa Xasan Sheekh in xukuumadda uu kala diro, maadaama ay fashilantay oo uu soo dhiso xukuumad ka shaqeyn karta midnimada iyo qaranka Soomaaliyeed” ayuu kusii daray xildhibaanku. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, taas oo leh wajiyo kala duwan, waxaana xaaladda ugu adag wajahaya xukuumadda. The post Muxuu yahay MOOSHINKA cusub ee guddoonka golaha shacabka loo gudbiyay? appeared first on Caasimada Online.
  25. Shamsa Sharawe has become infamous within the Somali community across the world for speaking out against female genital mutilation (FGM) . In a video to illustrate what happened to her vulva when she was aged six she cut off the petals of a rose with a razor blade and then stitched up what was left of the flower. Source: Hiiraan Online