Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararkii ugu dambeeyey ee ay shabakadda Puntlandpost ka helayso deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in weerar qarax ismiidaamin ah loo adeegsadey uu ka dhacay saldhig ciidan. Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa waxaa lagu weeraray saldhig ay ciidamada dowladdu kuleeyihiin deegaanka Awdheegle oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Inkastoo ay adagtay in la helo xogta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, inkastoo dadka deegaanku ay sheegeen in qaruxu ahaa mid aad u xoogan isla markaana uu khasaare xoogan sababay. Ciidanka dowladda Soomaaliya ee DANAB ayaa maalmihii ugu dambeeyey howlgallo ka dhan ah Alshabaab waxa ay ka wadeen deegaanka Awdheegle iyo degaamada hoosyimaada. PUNTLANDPOST The post Saldhig ciidanka dowladdu ku leeyihiin Awdheegle oo weerar lagu qaaday. appeared first on Puntland Post.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Kornel Siciid Cawil Jaamac (Caare) oo hoggaamiyo jabhadda la magac baxday Dulmi Diid ayaa faahfaahin ka bixiyey wada-hadallo uu kula jiro Somaliland. Korneyl Caare ayaa marka hore xaqiijiyey in labada dhinac ay u socdaan wada-hadallo guul laga gaaray Wuxuu shaaciyey in la isla gartay saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah: 1 In nabad la raadiyo 2 in xabad joojin la sameeyo 3 in wada-hadallo la furo. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan odayaasha dhaqanka ee garwadeenka ka ah wada-hadalladan ay shaaciyeen in Korneyl Caare uu aqbalay inuu la heshiiyo maamulka Somaliland. Caare oo horay uga soo goostay Somaliland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ciidanka maamulkaasi kula dagaalamayey gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  3. National Assembly Majority Leader Aden Duale has asked President Uhuru Kenyatta to use diplomacy to resolve the border dispute between Kenya and Somalia. Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Washington)-Michael Rubin oo ah xeel-dheere Millatari iyo aqoonyahan Maraykan ah ayaa is barbar-dhigay baaxadda iyo dhererka dhulka ay ka kala taliyaan madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo uu tilmaamay inaanay shaqo isku laheyn isla markaana aanay isku duruuf ahayn. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu Khabiir Michael Rubin maanta ku baahiyey Wargeyska Siyaasadda Falanqeeya The Hill oo fadhigiisu yahay Maraykanka. Soomaaliya: Mr.Rubin wuxuu xusay in Madaarka Muqdisho oo ah Khadka Cagaaran ee dalka Soomaaliya uu yahay mid aad loo ilaaliyo oo qaali ah, iyadoo tobanaan sanno ay Soomaaliya ka jirtay sharci la’aan iyo xasilooni darro. Waxaanu intaas ku daray in wax kastaa ka dhici karaan Muqdisho. Waxaanu ku dooday in ashkhaas kooban oo ka mid ah dadka shisheeyaha ahi ay dibadda uga bixi karaan madaarka Muqdisho, iyagoo ay la socdaan ilaalo aad u hubaysan. Waxa kaloo uu iftiimiyey in diblomaasiyiinta ku sugan Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa Maraykanka iyo Yurub ay u furan tahay inay ku sugnaadaan Madaarka Muqdisho gudihiisa ama inay iska joogaan Kenya. Somaliland: Magaalada Dekedda ah ee Berbera arrimaheedu way ka duwan yihiin Soomaaliya waxaana laga furay hudheello cusub, waxaana isdhexgalay bulshada iyo dadka shisheeyaha ah oo magaalada ku wada dhaqan. Sidoo kale, caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxay sarrifleyaashu saxaaradahooda lacagta kaga hoydaan dibadda. Michael Rubin wuxuu intaas raaciyey in Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax falal argagixiso ah ka dhicin muddo ku siman toban sanno, halka ay Muqdisho iyo Kimaayo joogto noqdeen weerarada argagixisadu. Mr. Rubin wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka taliyo dhul masaafadiisu dhan tahay 50.000 Mile oo laba jibaaran, halka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu ka arrimiyo dhul bedkiisu gaadhayo 50.000 Feet oo ah aqalka Villa Soomaaliya. Waxa kaloo Rubin uu sheegay in aanay Somaliland iyo Soomaaliya isku duruuf ku sugnayn, sidaas awgeedna aanay habboonayn in digniinta socdaalka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku soo saarto aanay israacin Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa kaloo uu xusay in ciidammada ilaalada xeebaha Somaliland aanay u ogolaanin budhcad baddeeda xeebta Somaliland oo dhererkeedu yahay 450 Mile. Cumar Maxamed Faarax Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Siciid Cawil Caarre ayaa ka hadlay kulan dhawaan dhex-maray Madax-dhaqameedka beeshiisa oo dhawaan la filayo in la kulmaan Madaxweynaha Somaliland waxaanu faah-faahin ka bixiyay arrimaha ay ka wada-hadleen Madax-dhaqameedka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Ciidamada xooga dalka gaar ahaan Danab ayaa saakay dhaqdhaqaayo ciidan waxaa ay ka wadaan gobalka Shabellaha Hoose, gaar ahaan tuulooyin hoos yimaada degmada Owdheegle oo dhawaan ay la wareegeen. Saraakiisha howlgalka hoggaaminaayo ayaa sheegay in hadafkoodu uu yahay sidii Alshabaab ay ugu saari lahaayeen gobalka, howlgalka ay wadaanna uusan joogsan doonin ilaa gobalka gacanta ay ku dhigaan. Wararka laga helaayo Owdheegle ayaa tibaaxaya in ciidamadu ay wadaan dhaqdhaqaaqyo, ayagoo mararka qaar ay ridayaan rasaas aad u badan. Degmada Owdheegle ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka dhawaan ay gaareen ciidanka xooga dalka, gaar ahaan kuwa danab oo howlgallo ka wada gobalka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Kulankii Madaxweyne Muuse Biixi Iyo wasiirrada Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya yaa faahfaahin ka bixisay kulan ay magaalada barakaysan ee Makka ku yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubno katirsan golaha xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in isaga iyo xubnaha kale ee golaha wasiiradu ay masjid kuyaal Makka ku kulmeen madaxweyne Muuse Biixi iyo wafti la socdey. Xilli uu waraysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa wasiir Cawad waxa uu sheegay in labada dhinac ay kulankaasi isugu muujiyeen inay yihiin dad walaalo ah, haseyeeshee uusan kulanku ahayn mid siyaasadeed ayna arrimaha Xajka kaliya kawada hadleen. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Wasiir Cawad oo ka warbixiyey kulankii ay Makka kula qaateen madaxweynaha Somaliland. appeared first on Puntland Post.
  9. Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay gudaha degamada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo uu watay ruux naftii haliga ah, kaas oo lala beegsaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib uu xigay weerar toos ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Sida ay soo sheegayaan ilo deegaanka ah waxaa hadda socda dagaal u dhexeeya ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo raggii weerarka soo qaaday. Ma cadda weli inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dowladda ay kala wareegeen Al-Shabaab degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wixii soo kordha kala soco Caasimada.net Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  10. (SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay kulan ay la yeesheen wafti uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi intii lagu guda jiray waajibaadka Xajka. Amb. Cawad ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ku sheegay in Hal Qasri ay wada deganaayeen waftiga Wasiirada ee ka socday dowladda Federaalka iyo waftiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland. Waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiirada kale ee dowladda Federaalka ay u tageen Madaxweynaha Somaliland ayna sallaameen, isagana si soomaalinimo uu u soo dhoweeyay, una sallaamay. “Kulankaas wuxuu ku yimid annaga iyo Wafdiga Madaxweynaha Somaliland waxaa wada deganeyn hal qasri, masaajid ayaa isku aragnay aniga iyo wasiirada kale dowladda federaalka ayaa u tagay oo salaamay, isagana si qurux badan oo soomaalinimada iyo walaalo isu soo hiloobay ayuu noo soo dhoweeyay oo sharaf ku jirto waan isa salaamanay waa is marxabeynay, kaddib waxaa isku arkeynay meelaha muslimiinta tagaan sida Carafo iyo Mina”ayuu yidhi Axmed Ciise Cawad. Source
  11. (SLT-Iran)-Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dowlada Islaamiga ah ee Iiraan Aayatulaahi Cali Khumeyni ayaa ka digay in Sacuudiga iyo Imaaraadka oo howlgal millatari sanadihii la soo dhaafay dalka Yemen ay kala qeybiyaan Dalkaasi. Mr Khumeyni ayaa sheegay in labada dal ay diirada saarayaan Arintaan waxaana uu ugu baaqay hogaamiye yaasha Yemen in midnimo ay muujiyaan si loo hortago qiyaanada Cadowga. Hadalkaan ayuu ka sheegay kadib kulan uu la yeeshay saraakiil sare oo ka socdo xuutiyiinta oo uu hogaaminayo afhayeenka kooxdaas Maxamed Cabdi Salaam, kuwaasi oo booqasho ku jooga magaalada caasimada ah ee Tehraan. Wuxuu sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku guul dareysteen duulaanka milatari oo ay ku qaadeen dalka Yemen sanadkii 2015-kii, ayna hada doonayaan in labo ay u kala Qeybiyaan. Dowlada Iiraan ayaa horay waxaa loogu eedeeyay in taageero milatari iyo mid maaliyadeed ay siiso maleeshiyada xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta dowlada uu hogaamiyo madaxweynaha dibad jooga ah ee dalka Yemen Cabdu Rabbu Mansuur Haadi. Source
  12. (SLT- Borlänge)-Maxkamad ku taalla magaalada Borlänge ee dalka Sweden waxaa la soo taagay 3 nin oo Shisheye ah, kuwaasi oo dhammaantooda lagu soo oogay falal la xidhiidha Kufsi lagula kacay gabadh 14-jir oo u dhalatay dalkaasi. Eedeysanayaasha oo kala ahaa Nin Somali haysta dhalashadda Swedishka iyo 2 nin oo u dhashay dalka Lithwaaniya ayaa la sheegay inay gabadhaasi yar kufsadeen, markii ay isku barteen Aaladda Baraha Bulshadda ee Snapchat. Ninka Somali-Swedish-ka oo lagu magacaabo Abuukar Axmed Maxamed oo 19-jir ah waxa uu qirtay inuu ragga kale u fududeeyey inay kufsadaan Gabadha da’da yar, Tahriibinta dadka, iyo in lagu soo oogay dacwad la xidhiidha Ganaacsiga Daroogadda,sida ay Warbaahinta dalkaasi qoreen. Xeer-beegtida Maxkamadda magaalada Borlänge waxay Eedeysanaha Somali-Swedish-ka ku xukuntay Xabsi 4-sanno iyo Ganaax Lacageed oo dhan 107,000 ee Lacagta Swedish-ka eeKrona, taasi oo u dhiganta 17,777 Dollarka Maraykanka. Dhinaca kale, Labada Eedeysane ee ka soo jeeda dalka Lithwaaniya waxaa iyagana lagu xukumay Xabsi dhowr sanno, iyo msarka ay dhamaystaan Xabsigooda dib loogu celiyo dalkodoa hooyo. Source
  13. (SLT-Iran)-Hoggaanka sare ee Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin weerar kasta oo kaga yimaada millatariga Israa’iil oo ay ku eedeeyeen ku xadgudubka dadka Rayidka. Kadib shir Jaraa’id oo ay magaalada caasimada ah ee Beyruut ee dalka Lubnaan ku qabteen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo ka mid ah ururka Xisbullah ayaa waxay ku hanjabeen in cashar ay u dhigi doonaan dowlada Israa’iil. Israa’iil ayaa dagaal xoogan la gashey maleeshiyada kooxdaan sanadkii 2006-dii, iyadoo markale ay u muuqato isku dhac Kale. Dhanka kale digniintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay wasiirka Arimaha dibada Iiraan Maxamed Javad Zarif, waxaana uu sheegay in xisbullah ay muujisay difaaca sharafta iyo qaranka Lubnaan iyo mida carabta, kadib dagaalkii ay la gashay Israa’iil sanadkii 2006-dii oo hada laga joogo 13 Sano. Source
  14. (SLT- Maleysi)-Booliska Maleysi ayaa helay meydka gabadh aan dhar wadan oo qaangaadh aheyn taasi oo 10 maalmood ka hor lagu waayay goob loo dalxiis tago iyadoo la ogeyn waxa sababay Geerideeda. Nuura Anne Quoirin, aheyd gabadh 15 jir ah oo ku dhiban waxbarashada ayaa la waayay raqdeeda 4-tii bishii Agoosto, kadib markii ay ka dageen goobta loo dalxiis tago ee Dusun oo dhacda degmada Seremban, oo dhanka koonfureed 70 kiilo mitir kaga beegan magaalada Kuala Lumpur. Qoyska gabadhaan ayaa xaqiijiyay in gabadhooda ay tahay, sida uu sheegay taliyaha ciidanka Maleysia Maxamed Mahad Yuusuf. Taliyaha ayaa intaa ku daray in baadhitaanka la xidhiidha geerida gabadhaan ay dhameystiri doonaan subaxnimada maanta oo Arbaco ah. Keynta laga helay Meydka Nuura ayaa qiyaastii 2.5 kiilo mitir waxay u jirtaa goobta ay waalidkeeda ku Sugnaayeen. Nuura Anne Quoirin, oo heysata dhalashada Ireland iyo Faransiiska ayaa waalidkeeda waxay codsadeen in gacan laga geysto baadhitaanka shaqsiyaadkii ka dambeeyay Dilkaan. Source
  15. Col. Cawil Siciid Jaamac Caarre oo muuqaal ka soo duubay buuraleeyda gobolka Sanaag ayaa waxa uu war ka soo saaray xaaladda gobolka Sanaag, dhex dhexaadintii [...] Source
  16. Gaarisa (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa weerarro ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya waxay ku dileen wiil iyo aabbihiis, sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen, waxaana weerarkan uu qayb ka noqonayaa weerarro hore oo sidan oo kale ay kooxdu uga fulisay gudaha dalka dariska ah ee Kenya. Weeraradan sababay dilka labada ruux ee is-dhalay ayaa ka dhacay gobolka Waqooyi-bari ee Kenya oo ay dagto Soomaalida, waxaana kooxdu ay xustay in weerarkeedan uu ahaa mid qorsheysan ayna ka gaartay ujeedkii ay ka lahayd. Sidoo kale, Wararka hore ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay waddo u dhexeysa Yunbis iyo Gaarisa, waxayna kooxdu sheegtay inay ku weerartay gaadiid ay lahady Qaramada Midoobay, iyagoo gubay mid ka mid ah labadii gaari ee ay weerartay. “Intii weerarku socday waxaan gubnay mid ka mid ah gaadiidkii ay UN-ku lahaayeen, waxaana gacanta ku dhignay laba ruux oo midkood uu darawal ahaa,” ayaa lagu yiri war ay soo saartay Al-shabaab dilka kaddib. Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen tuulada Sinow oo hoostagta Mandheera, waxaana weerarkaas ay Al-shabaab sheegteen inay ku dileen wiil iyo aabihiis oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Kenya ee ka hawl-gala gobolka Waqooyi-bari Kenya. Weerraradaan kala duwan ee ka kala dhacay magaalooyin ka tirsan gobolka Waqooyi-bari – Kenya weli dhankooda kama hadlin saraakiisha ciidamada ee dalka Kenya, balse waxaa inta badan gobolkaas weerarro ka fuliya Xubno ka tirsan Al-shabaab. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa inta badan weerarro kala duwan ka fulisay Kenya, waxaana dowladda Kenya ay dhawr jeer oo hore ka digtay weerarro kaga yimaada Al-shabaab oo cadaawad xooggan u haya dowladda Kenya oo ciidammo ay ka joogaan Somalia. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Weeraro ay ka fulisay Gudaha dalka Kenya ku dishay Laba Ruux oo is-dhalay appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online ) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin ka bixiyey kulankii ay Xajka kula qaateen wafdigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Cawad ayaa sheegay in kulankaasi aan looga hadlin wax siyaasad la xiriira, ama danaha labada dhinac. Sidoo kale wuxuu sheegay in kulanku uu ahaa mid saaxibtinimo ah oo walaalo ku dhex maray dhulka barakeysan ee Sacuudiga. “Aad ayaan ugu riyaaqnay wada sheekeysiga saaxibtinimo, kaas oo aysan ku jirin wada xaajood siyaasadeed oo aan ka yeelanay waxyaabaha la ogyahay.” ayuu yiri wasiir Cawad. Kulanka dhexmaray madaxweynaha maamulka Somaliland iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo si aad ah loo hadal hayo ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan labada dhinac, tan iyo markii la doortay Muuse Biixi Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Intelligence reports have linked al Shabaab returnees to an attack that left an Imam and a village elder dead in Msambweni, Kwale county, on Saturday night. Source: Hiiraan Online
  19. Shirkadda Facebook ayaa shaqaalaysiisey boqolaal qandaraas layaal ah si ay u dhegaystaan wada sheekaysiyada codka ah ee ay adeegsadeen macaamiisha shirkaddaasi sida ay werisey warbaahinta Maraykanku. Qandaraaslayaashu waxay tijaabinayeen awoodda sirdoonka macmalka ee shabakada bulshada si ay u tarjumaan farriimaha iyo kuwa kale ee adeegsadayaashu ay ku sameeyeen App-ka Messenger ee Facebook kuwaas oo qoraalka ka doorbida codad isdhaafsiga. Facebook ayaa la sheegay inay aad u adkaysay macluumaadka dadka isticmaala shirkadaasi, waxaana ay garawsatay warbixin ay horay u soo gudbisey Bloomberg oo u sheegtay wakaaladda wararka warbixin qoraal ah oo ay ku sheegtay in lagu sameeyay dadka adeegsada shirkaddaan inkastoo ugu dambayn la joojiyey tijaabadaasi. “Sida Apple iyo Google, waxaan joojiney fiirinta aadanaha ee maqalka wax ka badan toddobaad ka hor,” ayey tiri shirkadda Facebook oo aan ka jawaabin falcelin kaga timid wakaaladda wararka ee AFP. PUNTLANDPOST The post Shirkadda Facebook oo bilowday inay dhegaysato codadka ay isu duubaan macaamiisheedu. appeared first on Puntland Post.
  20. Qaar ka mid ah waxgaradka Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray beello walaalo ah oo isku haya deegaanno ka mid ah gobolka Sanaag. Waxa ay waxgaradkan sheegeen in looga baahan yahay in la helo nabad oo la joojiyo colaadda. Sidoo kale, waxay sheegeen waxgaradkan in looga baahan yahay cid walbo oo Somaliland ah iney kaalin mug leh ka qaadato sidii xiisadahan lagu damin lahaa. Dhanka kale, waxgaradkan ayaa soo dhoweeyey wadahadallada nabadeed ee laga dhex-wado Somaliland iyo Jabhadda Korneel Caarre. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/08/baaqa-odayaasha-dhaqanka-somaliland-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay ka fulisay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerar qorsheysan ay ku qaaday tuulada Sinow oo hoostagta magaalada Mandheera ee gobolkaasi. Weerarkan ayaa waxa ay Al-Shabaab sheegtay inay ku dishay Wiil iyo Aabihiis oo kala ah sarkaal iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda Kenya. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in weerar kale oo khasaaro geystay ay ku fulisay agagaarka magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi oo ka dhacay waddada isku xirta magaalada Gaarisa iyo deegaanka Yunbis ay ku gubtay gaari kunteenar siday oo ay lahaayeen UN-ka, sida ay hadalka u dhigtay. Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in ay nolosha ku qabteen labo nin oo darawallo ka ahaa gaarigaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Kenya oo ku aadan weeraradaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fulisa gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  22. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa saaka dhaqdhaqaaqyo xoogan waxa ay ka wadaan deegaamo hoosyimaada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose. Taliska ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in howlgallaadaan looga golleeyahay sidii ay Alshabaab uga saari lahaayeen deegaamada iyo tuulooyinka hoosyimaada degmada Awdheegle. Dadka deegaanka oo aan xiriir la samaynay ayaa noo xaqiijiyey in dhaqdhaqaaqyadaani ay aad u xoogan yihiin isla markaana ciidamada oo rasaas rida ay u ruuqaan sadeen deegaamo Alshabaab lagu tuhunsan yahay. Awdheegle oo ay marar badan gacan ku haynteeda u kala dambeeyeen ciidmaada dowladda iyo Alshabaab ayaa waxa ay dhanka Galbeed kaga beegan tahay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose. PUNTLANDPOST The post Ciidamada DANAB oo ku wajahan fariisimada Alshabaab ee ka agdhaw Awdheegle. appeared first on Puntland Post.
  23. Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal, taasi oo u dhaxeysa beello walaalo ah oo wada deggan degmada Ceel-afweyn. C/risaaq Maxamed oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in xiisadda ka taagan degmadaasi ay ka dhalatay dad shacab ah oo lagu dilay halkaas. Wuxuu sheegay in xilli walbo la filan karo dagaallo ka dhaca degmadaasi, maadaama la arkayo maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil oo hub uruursi wada. Marar badan, Ceel-afweyn waxaa ku dagaallamay maleeshiyo beeledyo, iyadoo shacab aan waxbo galabsanna lagu dilay halkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/08/cabdireisaaq-oo-kamida-dadka-degmada-ceel-afweyn.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Xarunta maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa ilaa shalay gelinkii dambe ku sii qulqulaya ergooyinka ka qaybgeli doona shirka dibu heshiisiinta ee beelaha degan guud ahaan maamulka Galmudug. Ergooyinka kala duwan ee ka qayb geli doona shirka dibu heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyey xubnaha gudiga qaban qaabada shirkaasi oo dhowaan furmi doona. Waxgaradka iyo isimada dhaqanka Guri-ceel iyo Dhuusamareeb ayaa waxa ay ka dalbadeen dhaqanka iyo waxgaradka degmooyinka kale ee Galmudug inay ka soo qayb galaan shirka gogoshiisu taal Dhuusamareeb. Waxaa siweyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Dhuusamareeb oo uu 17 bishaan ka furmi doono shirka dibu heshiisiinta ee beelaha degan maamulka Galmudug xilli ay weli beelaha qaar diidan yihiin ka qaybgalkiisa. PUNTLANDPOST The post Ergooyinka ka qaybgelaya shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo Dhuusamareeb ku qulqulaya. appeared first on Puntland Post.
  25. DOHA, Qatar — After months of negotiations between the United States and the Taliban, both sides have signaled that they are nearing an initial peace deal for Afghanistan Source: Hiiraan Online