Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay Warsaxaafadeed lagu mamnuucayo dadka ku dhex wata deegaanada kala duwan ee Gobolka Mudug. Warkaas ayaa kasoo baxay Wasaaradda Amniga ee Galmudug ayaa lagu sheegay in wax dhaaf siisan Ciidamada Amniga aysan hub ku dhex qaadan karin Gobolka Mudug cidii lagu arkana laga qaadi doono talaabo waafaqsan Sharciga. Arrintan ayaa qeyb weyn ka qaadaneysa sugitaanka Amaanka maadaama xiliya qaar kooxaha nabad diidka ah isku dayaan inay dhibaato geystaan iyaga oo dhuumaaleysanaya. Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gaalkacyo ku sugan Baashi Cali Xaashi ayaa sheegay in laamaha ammaanka Galmudug ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo gud ahaan amaanka deegaanada Galmudug. Amarkan ayaa imaanaya iyadoo loo diyaar garoobayo doorasho dhawaan ka dhacday Galmudug,taasi oo haatan dadaalkeedi ay wadaan Madaxda Galmudug iyo kuwa Dowladda Federalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubabda Hoose waxaa Maanta lagu qabtay munaasabad lagu dhaariyay Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland,kuwaas oo 73 ka mid ah xalay ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashooyinka Jubbaland. Waxaa goobjoog ka ah Xafladda dhaarinta Baarlamanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Xildhibano ka tirsan Labada Aqal, ee Baarlamanka federalka Soomaaliya ,Odoyaasha Dhaqanka Jubbaland ,ee soo Xulay xildhibaannada,Dhamaan Guddiga madaxa Banaan ee Doorashooyinka Jubbaland ,Ururada Bulshada rayidka iyo aqoonyahanada deegaannada Jubaland. Intaasi kadib Xildhibaannada Cusub ee Baarlamanka Jubbaland ayaa waxaa goobta ku dhaariyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ee Jubbaland,sida uu sheegay Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah Golaha Shacabka goobjoogna ka ahaa munaasabada dhaarinta. Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa waxaa maalmaha soo socda ay guda geli doonaan doorashada Guddoonkooda iyo doorashada Madaxweynaha Afarta sana ee soo socota Maamuli doona Maamulka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Maamulka Puntland ayaa maanta shaaciyey inay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo soo maray deegaano ka tirsan Somaliland, isla markaana u soo gudbayey buuraleyda Galgala. Cabdirisaaq Faarax Warsame, Taliyaha Booliska bariga gobolka Sanaag ee Puntland ayaa sheegay in ciidamada Booliska Puntland ay gacanta ku dhigeen Rag Al-shabaab kamida ah oo rabay inay galaan Buuraleyda Galgala. Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xubnahaasi ka tirsanaa Al-shabaab oo tiradoodu dhameyd 5-Nin ay soo dhex mareen magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo ka tirsan Somaliland, isla markaana ay ka imaaden magaalada Beledweyne. Taliye C/risaaq ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in ciidamada Puntland markii horeba la socdeen dhaq-dhaqaaqa xubnahan ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna yiri “Siday noo sheegeen Beledweyn ayay ka yimaaddeen, Gobollada dhexena way u dhasheen”. “Waxay ka soo gudbeen Galbeedka, waxay soo mareen Burco, Burco hadday habeenno joogeena, waxay yimaaddeen Ceerigaabo, Ceerigaabana waxay uga soo gudbeen Badhan, Badhana waxay uga sii gudbayeen Buurta Galgala, dabadeedna sidaas ayaanu ula soconay, Ciidammadu isha ayay ku hayeen”. Wuxuuna intaas kusii daray “Meel Barkado ku yaallaan oo Dix-dhaaxood ka shishaysa oo ah halka ay Buurta ka fuulaan oo ay Waddadu isugu timaaddo ayuu Ciidanku u sii galay, halkaas ayaa lagu qabtay 5-qof iyo Gaadhi Land Cruiser ah oo ay wateen, agabkii Ciidammaduna u saaran yahay”. “Waxay isku dayeen inay dagaalamaan oo ay baxsadaan, laakiin Nin baa ka dhintay, Afartii kale iyo gaadhigiiba waalla qabtay. Mana dafirin inay Al-shabaab ka tirsanaayen oo Welina baadhistu wey socotaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Waxaa hadda si habsami leh magaalada Kismaayo uga socota xafladda dhaarinta baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Munaasabadda waxaa gobjoog ka ah xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, madaxda Jubbaland, waxaana la filayaa in la dhaariyo ilaa 73 xildhibaan oo xalay lagu dhawaaqay. Ilo xog-ogaal ah ayaa Goobjoog News u sheegay in xulista baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland ay qeyb ka ahaayeen dhammaan odeyaasha dhaqanka ee Jubbaland. Dhaarinta kadib, waxaa la filayaa in xildhibaannada guda galaan doorashada guddoonka, si kadib loo bilaabo diyaar-garaowga doorashada madaxweynaha Jubbaland. Wararkan, kala soco, Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Waxaa mar dhow suurtagal ah in laga hortago oo la daaweyo Cudurka Epola ,ka dib markii tijaabooyin la sameeyay ay muujiyeen horumar macno leh oo la xiriira in 90% ay badbaadin karaa bukaanada qaba cudurkaasi. Seynisyahanno ka soo jeeda Mareykanka oo ka socda Mac-hadka qaabilsan cudurada Xasaasiyadda iyo Caabuqa(Allergy and Infectious )ayaa sheegay in tijaabooyin lagu sameeyay daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 la ogaaday in ay awood u leeyihiin difaaca unugyada jirka ee uu haleelo cudurka Epola. Afar nuuc oo daawooyin ah ayaa lagu tijaabiyay bukanno qaba cudurka Epola oo rer Koongo ah,halkaasi oo ah meeshii uu ka dillaacay cudurkasi,waxaana dib loo dhigay ama la celiya daawooyinka ZMapp iyo Remdesivir ,ka dib markii la ogaaday in ay ka saameyn yar yihiin tijaabinta daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 . Saraakiil xagga Caafimaadka ah ayaa sheegay in daawooyinkaasi ay wax ka tari doonaan cudurka Epola ,isla markaana 90% ay ku badbaadi doonaan dadka reer Koongo ee uu haleelay cudurkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. ØWaxay hada u muuqataa in loolankii Doorashada Jubbaland ee u dhexeeyey Villa Soomaaliya iyo Kismaayo inuu hada dhamaadey. Guud ahaan Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya [...] Source
  7. Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash ayaa faahfaahin ka bixiyey shaqaale ajaaniib ah oo siyaabo kala duwan looga dhoofiyey Garoowe iyo Boosaaso. Wasiir Cawaash ayaa ugu horayn beeniyey inay jiraan shaqaale ajaaniib ah oo deegaama xeebeedyada Puntland lagu addoon sado aysanna aqbali doonin in lagu xad gudbo xuquuqda dadka ajaaniibta ah. Xilli uu warbaahinta kula hadlayey magaalada Garoowe ayaa waxa uu caddeeyey inay jireen 18 shaqaale Thailand’s ah oo laga dhoofiyey magaalada Boosaaso haseyeeshee ay ahaayeen shaqaale si xorriyad ah ugu shaqaynayey ganacsade Soomaaliyeed ayna dalkooda ku celiyeen kadib markii ay dalbadeen in ay si iskood ah u laabtaan. Dhanka kalena, wasiirka ayaa waxa uu sheegay inay jiraan 13 shaqaale Kenyan ah oo Garoowe laga dhoofiyey kadib markii ay dalbadeen inay dalkooda ku laabtaan aysanna jirin cid khasabtay ama ku addoon sanaysay Puntland. Ugu dambayn wasiirka ayaa waxa uu ka hadlay nin ajnabi ah oo lagu diley magaalada Boosaaso iyo duufaano ku dhuftay qaar kamid ah xeebaha Puntland gaar ahaan magaalada Caluula. DAAWO PUNTLANDPOST The post Puntland oo beenisey in ajaaniib lagu addoonsado xeebeheeda. appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiintii ku geeriyootay shalay Ceel-afweyn oo dhammaa Todoba ruux oo afar ay haween yihiin. Iyadoo Ciidamada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mida dablaydii geysatay fal-danbiyeedkaa foosha xun, laguna daba jiro intii kale, waxaana socda hawl-galka lagu baadi goobayo hadhaaga dablaydaasi iyadoo la horgeyn-doono sharciga, ehelada dadkooda ku waayey falkaasina waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku adkaynayaa inay dejiyaan xaaladooda kana war-sugaan hawl-galka ciidamada iyo horgaynta sharciga. Ku simaha Madaxweynaha Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, wuxuu ugu baaqayaa bulshada deegaanka ceel-afweyn inay xil iska saaraan adkaynta amniga. Xukuumadda Somaliland marnaba ma aqbalayso dhiiga dadka ehelka ah ee maalin walba macno la’aanta ku daadanaya. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu amrayaa ciidamada amaanka iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi, cid kasta oo falal amni daro ku hawlana ay gacan bir ah ku qabtaan. Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, inta dhaawaca ahna uu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado dhibaatada. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  9. Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey ajaaniin u dhalatay Thailand oo laga [...] Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka warbixiyey shir ay isaga iyo wasiiro kale oo ka tirsan xukuumadda federaalka ay la qaateen madaxweynaha maamulka Soomaalilan, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ka dhacay boqortooyada Sacuudi Carabiya . Beyle oo ka hadlayey kulankaasi ayaa tilmaamay inuu cadeynayo in aysan jirin xuduud dhex taalla Soomaalida. Sidoo kale wasiirka ayaa shaaciyey in dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dib u heshiisiin, si looga gudbo dhibaatooyinka jira. ‘’Gabi ahaanteena waa in aan u guntanaa sidii aan u raadi laheyn dib u heshiisin kama dambeys ah oo macno leh, misana dhab ah.’’ ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Kulanka ay xalay yeesheen madaxweynaha Somaliland iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ah kii ugu horreeyey ee dhexmara labada dhinac, tan iyo markii uu Muuse Biixi Cabdi la wareegay talada maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Bayle oo ka mid ah wasiirrada Soomaaliya ee la kulmay madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in farriinta sawirka ama kulanku xambaarsan yahay tahay midnimo iyo walaalnimo, islamarkaana bulshada Soomaalidu u harraadan tahay nabad waarta iyo dib u heshiisiin rasmi ah. Boggiisa Twitter-ka ayuu ku qoray qoraal u dhigan “Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah. Farriinta wanaagu ka muuqdo ee ka socota dhammaan Xaajiyaashii Haram-ka ku kulmay waxay muujineysaa in aan loo kala harin is ku dhex jira, midnimadooda, iyo rabitaanka ummada Soomaaliyeed ee wada noolaasha iyo wadajir wax u qabsiga taas oo aas-aasi u ah nabad waarta iyo guul aan gaarno. Aynu dhammaanteen garwaaqsano inaan u dhaqaaqno ugu dambeyntii dib-u-heshiisiin dhab ah oo macno inoo leh, isla markaana bulshadeena u horseedda barwaaqo iyo midnimo.” Source
  12. Nolol caafimaad oo bad-qab leh waxay ka suurta geli kartaa deegaan nadiif ah oo la diyaariyay, taasna waxay ka suurtageli kartaa marka ay bulshadu garowsato nadaafadda deegaanka isla markaana u kacdo in ay ka shaqeyso Xeryaha ay ku nool yihiin dadka soo barakacay waa meelaha ay nadaafaddoodu hooseeyso sidaas darteed waa in ay bulshada iyo maamulada hoggaaminayaba ka shaqeeyaan nadaafadda goobaha ay dadkaasu ku nool yihiin Gool fm waxay qabatay dood ku saabsan sida xeryaha dadka soo barakacay looga dhigo karo goobo nadiif ah oo ku habboon in lagu noolaado waxaa ka qeybgalay Saadaq Maxamed oo ka tirsan dhalinyarada deegaanka iyo Shiikh Xasan Axmed Nuur oo ka mid ah mashaa’ikhda soomaaliyeed. Halkan Ka Dhageysto, Barnaamijka oo Dhameystiran: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/08/09-08-2019-BAR-GAAR-AH-NADAAFADA-AWEYS-AAR.mp3 Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa farriin kooban oo culayskeeda leh hawada u mariyay madaxweyne Biixi oo kulan la qaatay wasiirro Soomaaliya ah oo ay ku kulmeen Xajka. Dr Cirro oo boggiisa Twitter-ka soo dhigay sawirka kulanka ayaa ku dul qoray “”Inaad saamo jiidiyo, sanqadh-tirasho kala daa”! NO COMMENT! Safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa iyadu muujisay in aanay weftiga Biixi raalli ka ahayn faafinta sawirka waxaanay si cadho leh Soomaaliya ugu eedaysay in ay wax walba siyaasadaynayaan sida Xoolaha, maamulka hawada, arrimaha bani’aadanimo iyo hadda oo ay kulankii siyaasadeeyeen iyada oo ka jawaabaysa hadalka wasiirka maaliyadda Soomaaliya faafiyay. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan qaar ka mid ah wasiirradiisa ayaa la kulmay wasiirro ka socda Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Mr Cawad iyo wasiirka maaliyadda Mr Bayle. Sawirka ay wada galeen oo si weyn saacadihii u dambeeyay u qabsaday baraha bulshada ayaa u qaadan waa ku noqday bulshada Somaliland maaddaama madaxweyne Biixi lagu yaqaanay weedho qallafsan iyo hadallo adag oo uu ku duro Farmaajo iyo xukuumaddiisa sidoo kalena uu hore Eng Faysal Cali Waraabe si adag ugu dhalliilay tagista shir Soomaaliya ku lahayd Biljamka. Ma cadda in kulankan Sucuudiga ka dhacay ay jirto cid fududaysay laakiin, madaxweyne Biixi iyo wasiir Cawad waxay si adag dhalliilo isugu dhaafsadeen safarkii bishii hore madaxweyne Biixi ku tagay dalka Gini oo mid walba dal kale isaga oo eedda saaraya hadallo culus is waydaarsanayeen. Madaxweyne Biixi ayaa ugu horayn eedayn kula dul kufay Talyaaniga isaga oo ka hadlayay weerar uu sheegay in Soomaaliya ku soo qaadday safarkiisa kaas oo ay ka mid ahayd in Soomaaliya xidhiidhka u jartay Gini waxaanu yidhi “Si wacan buu noo qaabilay (Alpha Conde) dabeedna weerarka Xamar baa yimid culays badan bay meelo badan ka mareen oo Talyaanigu ugu horeeyo. Hormuudka cadaadiska u weyn wadana Talyaaniga ayuu ahaa oo qolada Muqdisho u adeegaya.” Wasiir Cawad oo maalmo kadib waraysi siinayay telefishanka Universal ayaa yidhi ““Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini ba aanu ka midka nahay sida: UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka, markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure(cadaadis) dal kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen, marka anaguna waxaanu dooranay in aanu u sheegno oo nidhaahno ‘idinkama yeelayno in aad qarannimadayada meel kaga dhacdaan oo qawaaniintii la isku yaqaanay ku xadgudubtaan oo horseedaan khatar midnimada umaddayada soo wajahda iyo waliba in uu arrinkoodu dib u dhigi karo Soomaalidii oo doonaysa in ay wada hadasho.” Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Waftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ee ku sugnaa Sucuudiga ayaa kulan la yeeshay wafti wasiirro reer Soomaaliya ah oo ku sugan magaalada Makka ee dalka Sucuudiga. Wasiirrada uu la kulmay waftiga Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa ay kala ahaayeen wasiirka wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad. Wararka ay helayso shabakadda wararka ee Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegay in dawladda Sucuudigu ay isku meel dajisay waftigayad ka kala socday Somaliland iyo Soomaaliya. Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo oo ay ku wada jiraan waftigii uu hoggaaminayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn cadho uga abuuray dadka reer Somaliland ee isticmaala baraha bulshada. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Ugu Yaraan shan qof ayaa ku dhintay afar kalena dhaawac ayaa soo gaadhay kadib markii dablay beeleed hubaysani ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa magaalada Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag. Dadka dhintay ayaa kala ah saddex dumar ah iyo laba nin sida uu xaqiijiyey maayarka magaalada Ceel-Afweyn, Cabdirixiin Aw Yuusuf Axmed. Ugu Horayna Maayarka oo weerarkaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxa dhintay saddex dumar ah iyo laba ragg ah, shantaa qof ayaa dhintay ilaa afar qofna waa dhaawac. Ciidamadu meesha way soo dhexgaleen xabadiina way istaagtay, shuftadii weerarka soo qaadayna way ku daba joogaan.” Ayuu yidhi Maayarka magaalada Ceel-Afweyn. Wararka ugu dambeeyay ee aanu ka helayno deegaanka Ceel-afweyn ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu degan tahay waxaana magaalada gacanta ku haya ciidammada kala duwan ee Somaliland. wali si rasmi ah ugama hadal xukuumadda Somaliland xaaladan ka taagan deegaanka Ceel-afweyn. Source
  17. (SLT-Riyadh)-Boqorka Imaaraadka ayaa waxaa uu booqasho ku joogaa dalka Sacuudiga, isaga oo ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Cadan in ay xaalada Dajiyaan. Booqashada Shiikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan ee isniinta shalay ayaa imaaneysa iyadoo xoogaga hubeysan ay sheegeen in gabi ahaanba ay kala wareegeen ciidanka dowlada iyo kuwa Imaaraadka magaalada Cadan. Dagaalka ciidanka dowlada caalamka aqoonsan yahay ee madaxweyne Cabdu Rabu Mansuur Haadi oo taageero ka helaya xulufada Sacuudiga ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Cadan. Labada dal ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii dagaal xoogan kula jiray xuutiyiinta Yemen oo talada dalkaasi badi la wareegay badhtamihii sanadkii 2014-kii. War saxaafadeed ka soo baxay wakaalada wararka ee Imaaraadka ayaa mas,uuliyiinta Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ugu baaqeen labada dhinac ee ku dagaalamaya Yemen in ay wadahadlaan ayna si loo hakiyo colaada iyada oo la eegayo danaha shacabka Yemen. Dhanka kale labada dal oo ku yaal gacanka qaliijka ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan awood kasta oo qalqal ku ah amniga iyo xasiloonida Gobolka. Source
  18. Taliska iyo saraakiisha ciidamada Ahlusuna iyo Galmudug ee ku biiray taliska 21aad ayaa kulan ay ku yeesheen Dhuusamareeb kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Alshabaab. Taliyaha ciidanka 21aad ee xooga dalka Soomaaliyeed Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi (Qooje)ayaa sheegay in ay u diyaarsan yihiin inay fuliyaan howlgallo ay Alshabaab kaga xoraynayaan deegaamada Galmudug. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Taliska ciidanka 21aad oo dagaal ka dhan ah Alshabaab kaga dhawaaqay Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.
  19. Dowladda kuuriyada Koonfureed ayaa qorshaynaysa in ay 300 oo askari oo dheeriya u soo dirto Xeebaha Soomaaliya ee Gacanka Cadmeed sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka dalkaasi ee Yonhap. Wakaaladda ayaa ka soo werisay saraakiisha ciidamada badda kuuriyada Koonfureed in ciidanka dheeriga ah lagu xoojinayo hawlgalka la’dagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya islamarkaana ay halkaasi joogi doonaan mudda lix bilood ah oo ka bilaabmata bisha September ee sannadkan 2019. Kuuriyada Koonfureed ayaa waxa hore xeebaha Soomaaliya uga joogay maraakiib dagaal oo qeyb ka ah hawlgalka la’dagaallanka Burcad-badeedda Soomaalida. PUNTLAND POST The post Dowladda Koonfurta Kuuriya oo ciidamo dheeriya u soo diraysa Xeebaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  20. Diinta islaamku ahmiyad aad u wayn ayey siisay nolosha qofka muslimka ah, waxayna shareecada islaamku waajibisay in la ilaaliyo, la dhawro, amnigeedana la sugo nafta iyo nolosha ruuxa muslimka ah, iyadoo Ilaahay (SWT) uu xaaraan ka dhigay in sifo aan sharci ahayn loo gooyo nafta muslimka. Sida ku cad aayaadka qur’aanka kariimka ah, dilka badheedhka ah ama si ula-kac ah loogu khaarajiyo qof muslim ah oo Ilaahay iyo Nebi Muxamed (SCW) rumaysan waxa uu ka mid yahay dunuubta waaweyn ee lagu mutaysto cadhada iyo cadaabta Alle. Aayadda 93-aad ee Suuradda al-nisaa, waxa uu Ilaahay (SWT) ku caddeeyey afar ciqaabood oo wehel u noqonaya cidda si badheedh ah u disha qof muslim ah, afartaas ciqaabood oo kala ah; Naarta jahanama oo uu ku dhex waarayo Cadhada Ilaahay oo dushiisa ahaata Nacdasha Alle oo ku dhacda Iyo Ilaahay oo u ballanqaaday inuu marsiiyo cadaab weyn Haddaba, qofka si badheedh ah u dila naf muslim ah waxa uu si cad ugu xad-gudbay saddex xuquuqooq oo aan loo bannayn inuu ku xad-gudbo, waxayna saddexdaas xuquuqood kala yihiin; Xaqa Ilaahay leeyahay ee ah inuu Alle waxna dilo, waxna nooleeyo. Xaqa qofka uu dilay lahaa Iyo xaqa ay leeyihiin qoyska iyo ehelka qofka la dilay Waxa dambi weyn ah in qof muslim ah uu soo qaato qori ama hub kale, kadibna uu si badheedh ah ugu laayo dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan, iyadoo ay weliba arrintaasi waqtigan aad ugu badan tahay dunida islaamka, gaar ahaan dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanna tusaale innoogu filan falalka foosha xun ee ka socda degaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, halkaas maanta (Isniin, 12 Augost 2019) lagu dilay shan qof oo isugu jira laba nin iyo saddex dumar ah, waana dil badheedh ah oo si ula-kac ah loogu gaystay dad muslimiin ah oo aannu Alle bannayn dilkooda. Sida ku cad shareecada islaamka, qofka muslimka ah ee si badheedh ah u gaysta dil, waxa ku waajib ah inuu faraha ka qaado dambiyada waaweyn ee uu ku dhex jiro, kadibna uu Ilaahay (SWT) uga tawbad keeno, si uu Alle uga dhaafo xaqiisa uu ku xad-gudbay, isla markaana uu isku dhiibo qoyska ama ehelka cidda uu dilka u gaystay, kuwaasoo iyaguna xaq u leh inay codsadaan in loo qisaaso, xukun dil ahna loogu fuliyo ama inay mag-dhaw ka qaataan ama inay dar Ilaahay u cafiyaan. Waxa kaloo dambiilayaal ah cidkasta oo gacan ka gaysata, haddii ay tahay taageero dhaqaale iyo mid hadal ama af ah, una fududaysa wax kasta oo sahlaya in qofku uu dil badheedh ah gaysto, waana arrin lagala xisaabtayo if iyo aakhiraba, waxaanna habboon in laga waantoobo dilalka sida badheedhka ah looga fulinayo dalka Somaliland ee lagu qudh-goynayo qof muslim ah, Ilaahay-na ha laga cabsado, dunuubta dhacaysana ha looga tawbad keeno. Waxa aan Ilaahay (SWT) ka baryayaa inuu innaga qabto dadka fidmo-abuurka ah ee daadinaya dhiigga dadkeena, waxaanna Dowladda iyo madaxda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waajib ku ah, xilna ka saaran yahay inay wax ka qabtaan fool-xumooyinka ka socda degaanka Ceel-afweyn, iyadoo lala imanayo ficil iyo qawl lagu suulinayo ceebta taala Ceel-afweyn. Maxamed Cirro, Hargeysa, Somaliland Source
  21. (SLT-Garoowe)-Ciidammada Booliska ee Maamul-gobolleedka Puntland ayaa sheegay inay qabteen dagaalyahano ka mid ah Kooxda Al-shabaab oo doonayey inay galaan Buuralayda Galgala oo fadhiisin kooxdaasi. Taliyaha Booliska Bariga Gobolka Sanaag ee Puntland, Cabdirisaaq Faarax Warsame ayaa sheegay in Ragga Al-shabaab ka mid ah oo ka yimid Beledweyne isla-markaana soo maray dhanka Somaliland, gaar Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo ay qabteen ka hor intii aanay gelin Buuralayda Galgala. “Siday noo sheegeen Beledweyn ayay ka yimaaddeen, Gobollada dhexena way u dhasheen..” ayuu yidhi, Taliyaha Booliska Puntland ee bariga Sanaag “Waxay ka soo gudbeen Galbeedka, waxay soo mareen Burco, Burco hadday habeenno joogeena, waxay yimaaddeen Ceerigaabo, Ceerigaabana waxay uga soo gudbeen Badhan, Badhana waxay uga sii gudbayeen Buurta Galgala, dabadeedna sidaas ayaanu ula soconay, Ciidammadu isha ayay ku hayeen.” Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Meel Barkado ku yaallaan oo Dix-dhaaxood ka shishaysa oo ah halka ay Buurta ka fuulaan oo ay Waddadu isugu timaaddo ayuu Ciidanku u sii galay, halkaas ayaa lagu qabtay 5 Qof iyo Gaadhi Land Cruiser ah oo ay wateen, agabkii Ciidammaduna u saaran yahay.” ayuu yidhi, waxay isku dayeen inay dagaalamaan oo ay baxsadaan, laakiin Nin baa ka dhintay, Afartii kale iyo gaadhigiiba waalla qabtay.” Taliyaha oo la waydiiyey waxay ku xaqiijiyeen inay Raggani Al-shabaab ka mid yihiin, ayaa ku jawaabay “Ma dafirin..” ayuu yidhi, isagoo intaa si raaciyey in weliba baadhis lagu wado isla-markaana u sheegeen Ciddii soo Ambo-bixisay iyo dadka u joogay Gobollada ay soo mareen. Source
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ayaa soo saaray habraaca shiweynaha la filayo in 17-ka bishan uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Xubnaha guddiga oo shir ku yeeshay magaaladaasi ayaa soo bandhigay illaa shan qodob oo uu ku qabsoomi karo shirkaasi. Qodobada ay soo saareen xunaha guddiga ayaa kala ah: Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka. Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka. Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka. War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka. Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka Shirka oo ah: 17 ka Bishaan. Shirkan ayaa muhiim u ah Galmudug oo dhowaan galeyso doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee maamulkaasi. Qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirka ayaana haatan si weyn looga dareemayaa deegaanada maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  23. Xulbada (Fenugreek) dawo ka qaalisan 1000,000 $ oo aanad aqoon. Qalinkii Cabdi Caawiye Xulbadu waa geed gaab midabkiisu yahay Cagaar qafiifa oo bixiya ubax yar oo cad. Dhererka geedka xulbadu wuxuu gaadhaa 2 ilaa 3 feet. Midhaha xulbadu waa midho aad u qadhaadh dhadhan ahaan. Macdanaha ay qaniga ku tahay xulbadu waxaa ka mida iron iyo magnesium. Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa faa’iidooyin badan oo ay xulbadu leedahay Iyo cuduro badan oo ay dawo ka tahay. 1. Calool Istaaga. Xulbadu waxyaabaha ay aad ugu fiicantahay ilbidhiqsiyo gudahoodna ay daweyso waxaa ka mid ah oo ugu horeeya calool istaaga. 2. (Cabuuqa)Infections Xulbadu waxa ay jidhka ka saartaa dhamaan infectionka haba ahaado mid jidhku sameeyey ama qaliin uu keenay IWM 3. Wadnaha Dhamaan xanuunada wadnaha ku dhaca waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay Xulbadu tahay shayga keliya ee wadnaha iyo shaqadiisa sidii caadiga ahayd ku soo celisa kana saarta wixii khalkhal ah ee ku dhaca. 4. Gaasteri ama calool ololka joogtada ah. Xulbadu waxa ku jirta maado qadhaadh badan oo aan jidhka u ogolaan inay dacari samaysanto, sidaa darteed gaasterigu waa dacar samaysantay oo ururtay marka uu qofku cabbo oo isticmaalo xulbada waxay jidhka ka saartaa dhamaan wixii dacar iyo gaasa sida ay isku raaceen khubarada caafimaadku. 5. Xiiqda. Xanuunka xiiqdu waa xanuun ku dhaca neefmareenka dhuunta iyo sambabada waxaana keena samboorka oo aan hore loo daweyn. Xulbada waxa ku jirta maado dhareer badan oo qofka kasoo goysa laabtiisa balqankii ama xabkii fadhiyey waana sababta ay dawada ugu tahay Xiiqda. 6. Fiitamiino badan. Xulbada waxa ku jira fiitamiino iyo macdano badan oo ay ka mid yihiin magnesium 34 mg, zinc 30 mg, and vitaminB6 10 mg waxaana ay jidhka ka caawiyaan adkeynta difaaca iyo dayactirka nabarada sida dhiig joojinta. 7. Kelyaha Xulbadu waxa ay 80% ka fiicantahay kiniinada warshaduhu sameeyaan dinaca kelyaha. Khubarada caafimaadku waxay isku raaceen in xulbadu xataa ay soo saarto oo ay misho dhagacaanta kelyaha kusamaysma. 8. Roomatiisan lafaha Waxa ay xulbadu la dagaalantaa cudurka romatiisanaka waayo waxay leedahay dhareer badan oo xubnaha jidhka ka caawiya inay si fiican isku dhaafdhaafaan oo aanay is xoqin. 9. Dhinaca Galmada Waxay kor u qaadaa rabitaanka jinsiga kale. Waxa ay raajisaa biyaha raga xiliga galmada. 10. Miisaanka 90% dadka badankoodu waxa jecelyihiin inay inay miisaanka iska yareeyaan ama ay is dhuubaan 10% waxa ay jecelyihiin inay waxaan haddaba xulbadu waxay ka mid tahay waxyaabaha miisaanka kordhiya waa hadii aad in badan isticmaasho sida laba waqti maalintii ama maalin kasta hal mar si joogto ah. Ogow haddii aad caadi u isticmaasho wax miisaana ku fuulimaayaan. 11. Caanaha Hooyada Sida daraasad dheer lagu ogaaday xulbadu kow ayey ka tahay waxyaabaha caanaha hooyada aad u kordhiya. Hooyo isticmaal xulbada si uu ilmahaagu u hello caano badan iyo difaac adag oo uu cudurada iskaga difaaco. La soco qabaha dambe…… Qalinkii Cabdi Cawiye Shaywaal12@gmail.com +252634115877 Qaran News